NIN BUKAA BOQOL U TALISAA EE BEESHINKA QARASH BADAN MA BIXIN KARAA?

Waxaa la yiraahdaa Nin bukaa ma bilna, sidoo kale Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa(Nin bukaa boqol u Talisay)taas oo ah in qofka bukaanka uu qof walba gacan uga baahan si gaar ahna uu naxariis iyo gacan uga sugayo dhaqtarka.

Dhaqtarka wuxuu ku shaqeeyaa anshaxa ah in yeesho naxariis si gaar ahna u gargaaro dadka u imaanaya ee taakulada caafimaad uga baahan.

Waxaa la yaab noqneysa haddii halkii dawada laga soo raadsaday aan loogu imaan naxariis iyo anshaxa caafimaad ee ah in wax walba laga horreysiiyo sidii qofka loo badbaadin lahaa loona raadin lahaa qaab kasta oo uu caafimaad ku heli karo.

“Meeshii aad ka sugeysay naxariis iyo gacan qabasho waxaad u tageysaa dhaqaatiir lacag bis raadinaysa oo ka shaqeynaya sidii jeebka bukaanka lacag badan looga heli lahaa” sidaa waxaa sheegay Faadumo Cabdirisaaq Aaden oo ah mid ka mida isbitaallada Muqdisho la joogtay bukaan la il daran neef qabatin.

Waxay sheegtay in loo diray baarisyo kala duwan oo mid walba lacag looga raadinayo isla markaana dawooyinkii loo qoray bukaanka ay lacag badan oo aaney xamili Karin ugu kaceen.

Isbitaallada qaar waxaa ka jira iska dabo wareeg iyo in bukaanka iyo cidda la socotaa lagu jaho wareeriyo arrimo kala duwan oo midba lacag gaar ah laga rabo taas oo ay u dheer tahay in waqti badan uu bukaanka kaga lumo la kulanka dhaqtarka .

Dhaqaatiirta qaar waxay shaqooyinka soo galaan xilli dadkii subaxaa uu la kulmi lahaa ay soo jarmaadeen wuxuuna u yimaadaa isagoo waqtiga uu doono hurdada ku soo gaaray halka iyagu ay ku daaleen sugitaankiisaa.

Sidoo kalena bukaanka jiifka ayaa la kulma qarash aaney ka bixi Karin oo jiifka ah taas oo sababta in qofkii bukaanka ahaa oo aan sidii la rabay loo daweyn durba laga saaro isbitaalka.

Isbitaallada qaar waxay leeyihiin farmashiyeyaal dawooyinka dhaqtarka isbitaalka jooga uu keensado kuna iibiyo lacag aad u sarreysa marka loo eego magaalada inteeda kale iyadoo dawadaas bukaanka looga dhigo tan ugu fiican.

Si kastaba ha ahaatee iyadoo la eegayo anshaxa dhaqtarnimo iyo kan caafimaad waxaa wanaagsan in loo naxo bukaanka isla markaana maanka lagu hayo badbaadin naf bini’aadam oo ka mid ah waxyaabaha dhaqtarka aqoonta caafimaadka uu darteed u soo bartay halkii laga eegi lahaa in xirfaddan loo arko mid dhaqaale laga kasbado oo keliya.

WQ: Mohamed Hassan

 

BARBAARINTA WANAAGSANE WAA BADBAADADA BULSHADA.

Kolkaad maqasho barbarian waxaa durbadiiba maankaaga ku soo dhacaya in loola jeedo kaalin waalidka oo keliyihi u idman yihiin oo aan cid kale la wadaagin, balse sidaa way ka duwan tahay oo waa mas’uuliyad wadareed shacabkoo dhan saaran, maxaa yeelay dadweynaha iyo deegaankuba saameyn lixaad leh ayay ku leeyihiin hab-dhaqanka iyo koridda maskaxeed ee carruurta.

Barbaarintu waa dhisidda iyo kobcinta anshaxa, wax-baridda, iyo toosinta hab-fakarka ubadka, waana howl ay bilowgeeda iyo bud-dhiggeeda hooyadu  leedahay, balse ayada oo qura kuma koobnee waa xil gudashadiisa bulshadoo idil laga doonayo.

Waa howl aad u culus oo haddii la fududaysto aayo-xumo, hagaas, saaqidnimo , iyo dhibaatooyin kaloo faraha badan laga dhexlo, waalidka laftooduna ay jeer aan fogayn eedaan oo ka shallaayaan.

Labada is qaba oo carruurta Eebbe siiyay haddii ay ka gaabiyaan hagaajinta iyo hab-baridda suuban oo diinta iyo anshaxa ku dheehan ee ay korinta jirka uun ku ekaadaan waxaa ka dhalanaya dhibaato aan la mahdin iyo waxyeello aduun iyo mid aakhiro oo ay hooyada iyo Aabaha qudhoodu dhibbanayaasha koobaad u noqan doonaan.

In garaad toosinta iyo geda-baridda wanaagsan ee ubadka xoogga la saari lahaa gasiinkooda oo keliya laysku howlo waxaa laga dhaxlaa caasinimo, sagagarnimo, macangagnimo, madax-adayg, tuugnimo, iyo aanfooyin kaloo badan.

Dhammaan dhaqamadaa xun xun ee halistaa waxaa mirohooda gurta waalidkii carruurtiisa si feecan u ababin waaya, maxaa yeelay dhibkastoo ay geystaan ayagaa la weydiinayaa haddii ay noolyihiin, haddii ay dhinteena xisaabta Alle hortiisa ku sugaysa ka sukow habaarka dhashooda lagu halgaadayo qeyb bay ku leeyihiin.

Haddaba hooyo iyo Aabe waxaa idin la gudboon inaydnaan ilmihiina dayicin oo aad maskaxdooda iyo muruqooda si isku midda ah u korisaan, diinta iyo anshaxa suubanna ku ababisaan si ay u noqdaan kuwo adduun iyo aakhiroba wax idin tara, lafahooda wax u qabsada oo aayatiin wacan hela.

WQ: Abwaan Hareeri

 

AMNIGA GOBOLKA BANAADIR OO U BAAHAN IN KOR LOO QAADO

Waxaa mar walba habboon in la Feejignaado xilliyada dagaalladu ay ka jiraan dalka.

Sidoo kale, haddii ay jiraan howgallo dagaal oo ka soconaya gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee ku teedsan caasimadda muqdisho.

Waxaa loo baahan yahay in la xoojiyo abniga korna loo qaado, waayo waxaa laga yaabaa in jiho aan laga fileynin ay ka soo galaan cadowga islaamka oo ay dhabar jebin ku sameeyaan howlgallada maadaaba ay ciidamadu ku sii jeedaan gobollo iyo degmooyin ka fog gobolka banadir.

sidaas awadeed ayadoo ay is kashanayaan  dadweynaha gobolka banaadir iyo ciidamada qalabka sida waa iney  si wda jir ah u difaacaan gobolka banaadir iyo qaybaha uu ka kooban yahay, waana in howlgalladu ay hor kacaan guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo duqa magaalada xamar .

Waxay u baahan yahiin ciidamadu dhiirrigelin iyo isgarab istaag ay u  muujiyaan shacabka iyo madaxda dalka, waayo muqdisho waa muraayadda dalka laga eeganayay.

Magaalada muqdisho waxay u baahan tahay indho feejigan oo waddanimo, nabadda iyo dowladnimadu iskama yimaadan ee dad ayaa dhiigga u dadiyey oo naftooda u huray mana jirto barwaaqo meel iska ceegaagta oo aan waardiye la heyn.

haddaba todobaaddaan muqdisho waxaa ku soo batay qulqulka dadka soo galootiga ah ee ka yimid gobollada iyo degmooyinka dalka oo dhan waxayna qatarteeda haddii aysan jirin hubin iyo baaris ka dhan ah waxaa soo gala maalin kasta boqlaal dad ah oo aan la ogeyn waxa ay yihiin iyo meesha ay ka yimaadeen.

Waxaa loo baahan yahay in xil la iska saaraa sidii loo maareyn lahaa abniga gobolka banaadir iyo degaamada ku dhow dhow waana in xal loo helaa dadka soo golootiga ah oo faraha badan oo dhan kasta ka soo gelaya magaalada.

Gaadmada cadowgu way nuucyo badan tahay laakiin ayadoon lagu talaxtegin walaalnimada soomaaliyeed oo aan dhibaato loo geysaneyn dadka wada dhashay ee isku asalka iyo diinta ah ayaa haddana loo baahan yahay in la sugo abniga waddanka iyo kan deegaanka gobolka baanaadir oo ah saldhiggii waddanka oo dhan iyo meesha looga taliyo oo adduunku noo aqoonsan yahay.

haddaba waxaan usoo jeedineynaa shacabka gobolka banaadir iyo madaxdooda in ay hurdada ka toosaan oo ay fahmaan waxa ka jira adduunka iyo dalkooda gudahiisa.

Waxay soomaalidu ku mahmaahdaa markii firo timaado ishaada ayaa gacanta la saartaa waana dadaal iyo difaacu nafsi haddaba waa digniin ee gobolka looga digayo habacsanaanta iska dhega tirka waxa ka socda dalka gudahiisa iyo siyasadda dibadda qaybta aan ku leenahay iyo dagaallada rogaal celiska ah oo duufaantu la ogeyn meesha ay dhigidoonto.

waxay soomaalidu ku mahmaahdaa culeys iyo dhibbadan haddii aad aragto aqligaaga ayaa la kulmiyaa waxayna tani u baahan tahay in ay soomaalidu kulmiyaan xooggooda iyo xoolahooda iyo maskaxdoodda, waxaa kale oo soomaalidu ku maahmaahdaa meeshii madax jiraa mijo loo laabaa.

sidaas awgeed, waa muhiim in ayadoo la fiirinayo waqtiga meesha uu marayo haddana la galo difaac  nafsi iyo in aad is uruuriso talo kama maarmo oo waxa hoggaamiya aqliga iyo cilmiga oo is kashanaya ee is jir waxa berri dhici kara.

Sidoo kale,  waxay soomaali ku maahmaahdaa geeridii galbeed laga sheego gondahaada ka day sidaas darted, u fiirso waxa ka jira gobollada iyo degmooyinka waddankeenna  iyo sida  dabeyluhu u dhacayaan iyo xilliga la marayo ha ku deeqdo waanadu walaalaha dalkeygoow.

WQ: Abwaan Gabayre

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb ku qaabilay qaar kamid ah siyaasiyiinta Koonfur-galbeed

Dhuusamareeb-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka BFS iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada dowlad goboleedka Koonfur-gabeed.

Siyaasiyiinta Koonfur-galbeed oo Dhuusamareeb u yimid garab istaagga ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira Khawaarijta ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan deegaanada Koonfur-galbeed iyo tallooyinkooda ku aaddan xoreynta dalka, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay inay qaataan doorkooda dagaalka ciribtirka Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Guddoomiyeyaashii hore iyo siyaasiyiinta warbixin ka siiyay guulaha muhiimka ee laga gaaray dagaalka argagixisada ayaa tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in loo midoobo dagaalka ka dhanka kooxda cadowga ah ee khawarijta sidii waqti kooban dalka looga saari lahaa Khawaarijta, isaga oo adkeeyay in midnimo, isu-tanaasul iyo wada-tashi looga gudbo arrimaha lagu kala aragtida duwanyahay, si loo gaaro Soomaaliya xor ka ah argagixisada.

    

SODMA oo digniin ka soo saartay khatarta Roobabka iyo Duufaanta El-nino

Roobab mahiigaan ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ka da’aan dalkeenna si gaar ah goobaha laga cabsi qabo waxaa ka mid ah Wabiyada, Dhulka buuraleyda ah, kuwaas oo labadoodaba ka dhalan karaan fatahaado iyo daadad.

Hay’adda Maareynta masiibooyinka Qaran ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagtay fariin digniin ah oo ku aaddan in laga digtoonaado waxyeelada ka dhalan kara xaaladda El-Nino.
Sidoo kale, si ay u yaraato khataraha ka dhalan kara, waxay hay’addu bixisay digniino iyo talo-bixino xaaladda El-Nino isbuuclaha ah 28-september ilaa 4-ta October ee sanadkan 2023.
Toddobada cisho ee soo socota oo ah usbuuca ugu dambeeyo bisha September iyo isbuuca ugu horeeya ee bisha October ee sanadkan waxaa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan 18-ka gobol ee dalka hay’addu maareeynta iyo masiibooyinka qaranka ku wargelisay in ay ka feejignaadaan khatar ay suurta-gal tahay in ay ka timaado roob mahiigaan ah oo isbuucaan la filayo inuu da’o.

Roobabka la saadaaliyay gobollada Bari,Sool, Sanaa, waqooyiga galbeed, Nugaal, Hiiraan,Baay,Bakool, Shabeellaha hoose iyo Jubbada Dhexe ayaa la saadaaliyay in ay geysan karaan Khatar cabirkeedu sareeyo.

Bulshada ku dhaqan gobolladaas ayaa loogu baaqay in ay muuqaan taxadar gaar ah ka muujiyaan khatarta fatahaadda iyo daadadka roobka ka imaanaya.

Dhammaan gobollada kale ee dalka, roobabka la saadaaliyay waxay geysan karaan khatar cabirkeedu dhex-dhexaad yahay, balse hay’addu waxay ku wargelisay dadka ku nool gobolladaas in ay haboon tahay in ay ka feejignaadaan Khatartaas El-Nino.

Waxaa kale oo Bulshada ku dhaqan hareeraha jiinka wabiga looga digay in ay aad uga feejignaadaan saameynta daadadka roobka ku yeelan karo naftooda iyo maalkooda gaar ahaan dadka ku nool gobollada Bari,Sool, Sanaag, Nugaal, Waqooyi Galbeed, Hiiraan iyo Shabeellaha hoose, waxaa sidoo kale, looga digay in ay iska ilaaliyaan toggaga biyuhu maraan, taas oo Khatar gelin karta naftooda.

Ugu dambeyn, Hay’adda Maareynta iyo Masiibooyinka Qaranka ayaa guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed uga digtay in aysan deegaameysan ama guryo ka dhisan meelaha biyo-mareenka ah si ay u badbaadaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeeray Dugsiga ay wax ku bartaan hablaha Agoonta ah

:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir mudane Cabdicasiis Cismaan iyo Aggaasimaha Waaxda horumarinta ageegyada waxbarashada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdi Cujub ayaa maanta kormeeray School-ka ummu Mu’miniin Caa’isha ee degmada Xamar Weyne oo ah xarun lagu xanaaneeyo islamarkaana wax lagu baro 173-gabdhood oo agoon ah.

Guddoomiye Madaale ayaa mid mid u kormeeray fasalada ay wax ku bartaan gabadhaha agoonta ah, goobta ay ku cunteeyaan iyo goobta ay seexdaan isaga oo warbixin kooban ka dhageestay maamulka xarunta daryeelka ummu Aisha, waxa uuna ku amaanay sida ay isugu xilqaameen taageerada iyo garab istaaga caruurta Agoonta ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) ayaa balan qaaday in uu had iyo jeer garab taagan yahay barnaamij kaste oo lagu horumarinayo nolasha caruurta Soomaaliyeed ee agoonta ah iyo kuwa kasoo jeeda qoysaska danta yar, isaga oo si gaar ah u ka faala qaaday in maamulka Gobolka Banaadir uu la wareegay mas’uuliyada daryeelka Gabdhaha agoonta ah ee xarunta ummu Mu’miniin Caaisha.

      

Xukunno dil ah oo lagu riday dhagar qabayaal ka tirsanaa Khawaarijta oo dilal ka fulin jiray Gaalkacyo

Xukunno dil ah oo lagu riday dhagar qabayaal ka tirsanaa Khawaarijta oo dilal ka fulisay magaalada Gaalkacyo.

Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) waxa ay ka mid ahaayeen Shabakad ka kooban Lix ruux oo dilalka gaadmada ah iyo qaraxyada ka fulisa Mudug gaar ahaan Gaalkacyo.

Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) ayaa lagu soo eedeeyay dilka Marxuum Maxamed Jaamac Maxamed (Cagabiyood).

Halka Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) oo ahaa horjoogihii shabakada isagana lagu soo eedeeyay dilka marxuumiinta kala ah Cabdi Aadan Siyaad (Cabdi Dheere) iyo Cilmi Cali Guuleed.

Waxa ayna dhamaan dilalkan dhaceen xili marxuumiinta ay kasoo baxeen Masjid-ka oo ay ku cibaadeysanayeen.

17-kii bishii April ee sanadkan ayey soo galeen gacmaha ciidamada amniga kadib howlgal looga jawaabayay qarax ay la beegsadeen gaari Cabdi Bille ah oo ay lee yiihiin kumaandooska xoogga dalka ee Danab.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaas, fadhiyo kala duwan ka dib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa 22-kii bishii May ee sanadkan ku xukuntay Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) xukun dil toogasho ah.

Qareenada u doodaayay eedeysanayaasha ayaa qaatay racfaan ka dib xukunkii dilka ahaa ee lagu riday.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda ayaa aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen qareenada 24-tii bishaan, Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow), sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Qof Naftii halige ah ayaa isku qarxiyay dad shacab ah oo ku sugnaa Maqaayad

Qof naftii halige ah oo Khawaarijta ka tirsanaa ayaa isku qarxiyay maqaayad lagu shaah cabo oo ku taala Baar Bulsho ee degmada Howlwadaag.

Waxaana ka dhashay Qasaare isugu jira dhimadho iyo dhaawac ka soo gaaraya dadkii ku sugnaa maqaayada sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir.

Ilaa 5-ruux ayaa ku dhintay halkaa ay ku dhaawacmeen 6 kale oo dhamaantood ahaa dadkii goobta ku shaah cabayay iyo naftii haligihii.

“Khawaarijtu waxaa bartilmaameed u ah shacabka Soomaaliyeed oo muslimiinta ah, insha allaah khawaarijta dalka waa la ga sifeyn doonaa”waxaa sida yiri Afhayeenka ciidanka boliiska Soomaaliya.

Waxaa si is daba joog ah u soo baxaya digniino roobab daadad wata oo laga cabsi qabo in ay ka da’aan gobolada dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu kulan deg-degg ah kula qaatay Xubno ka kooban qeybaha kala duwan ee Bulshada sida Culimada,Midowga Jamacadaha,Bankiyada ,Rugta Ganacsiga iyo masuuliyiin kale,waxaana looga warbixiyey cabsi xoogan oo laga qabo in guud ahaan Wadanka ka da’o Roob xoogan maalmaha ina soo aadan oo ka badan cadadii la sugayey taas oo ka dhalan karta Fatahaado,iyo daadadka
El-Niño.

Kulankaan ayaa looga hadlay in Culimada ka qeyb qataan sii faafinta Wararka Roobkaan si bulshada u taxadarto,in Ganacsatada ay
Cadeeyaan waxa ay heli karaan ee gobolada dalka iyo Caasimada u yaal si hadii ay dhacaan dhacdooyinkaan bulshada loogu gurmado,in la aruuriyo Qaaraan si isku tashi loo muujiyo.

Shirjiraa’id oo ay siwada jir ah u qabteen Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka iyo Guddigaan ayaa shacabka Soomaaliyeed loogu baaqay in ay feejignadaan taxadar dheeri ahna ka muujiyaan Roobkaan oo aad u xoog badan.

          

Ciidanka Nabad Sugidda Qaranka oo gacanta ku dhigay shaqsi muhiim u ahaa cadowga khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo ahaa shaqsigii ugu muhiimsanaa ee cadowga Khawaarijta,kaas oo dibadda ka soo iibin jiray hubka iyo waxyaabaha loo adeegsado qarxyada ee lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed.

Sakariye Kamaal oo ah 28-Jir Soomaali ah, waxaa in muddo ah dabagal ku heysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, waxaana ugu dambeyn suurto-gal noqotay in Hay’addu gacanta kusoo dhigto xilli uu qorshaynayay in uu si dhuumaalaysi ah ugu sii gudbo goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan kooxaha Khawaarijta ee gudaha Soomaaliya!

Sakariye waxa uu ahaa maskaxdii ugu weyneyd koox isku xiran oo dalka dibaddiisa kasoo iibiyay saanad ciidan oo loo waday argagixisada laguna soo dhex qariyay shixnado ganacsi kuwaas oo bishii May ee sanadkan ay ciidanka Hay’adda NISA ku qabteen dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana ninkan dhawaan loo gudbin doona Hay’adaha Garsoorka, si loogu qaado dembigiisa.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA waxaa ka go’an in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh argagixisada, kuna garab siineysa dhibaataynta iyo gumaadka shacabka Soomaaliyeed.