Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka oo gaaray Magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle,iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Garoonka diyaradaha Shaati Gaduud Wafdiga Guddoomiyaha waxaa kusoo dhaweeyey Wasiiro,Xildhibaanno, Maamulka Gobolka Baay, Kan Degmada Baydhabo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ujeedka Wafdiga Guddoomiyaha u gareen Baydhabo ayaa ah ka qeybgalka Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadamnimada oo looga hadlaayo xaaladaha bini’aadanimo ee wadanka,kaas oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda Maareynta ayna ka qeybgalayaan Wasiirada Gargaarka Dowladd Goboledyada dalka ka jira,Gobolka Banaadir ,wakiilo ka socda Beesha Caalamka kaas oo malamaha soo socda ka furmaya Baydhabo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka tacsiyeeyay geerida Duqii hore ee Muqdisho Marxuum Cali Ugaas Cabdulle

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxriisto Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Marxuum Cali Ugaas Cabdulle.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in Marxuumka uu kaalin weyn kasoo qaatay Nabadeynta, isku keenida ummada Soomaaliyeed iyo dib u yagleelida Dowlad-dhiska Soomaaliya. Asigoona eebe ugu baryay Marxuumka in uu jannaddi fardowso ka waraabiyo.

Allaha u naxariisto Cali Ugaas Cabdulle ayaa Duqa Magaalada Muqdisho noqday sanadihii 1987-1990 dowladdii Kacaanka.

Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir: Laba bilood gudahood ayaan khawarijta uga saareynaa jiinka Wabiga

Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo abaabul ciidan oo ka dhan ah khawaarijta kawada degaanno katirsan gobolka Hiiraan ayaa sheegay in laba bilood gudahood ay khawaarijta uga saari doonaa degaanada ay kaga sugan yihiin Jiinka wabiga,si looga dhameeyay khawaarijta guud ahaan gobolka Hiiraan.

” Laba bilood gudahood ayaan khawarijta uga saareynaa jiinka Wabiga.”ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir

Xildhibaanka ayaa ballan qaaday in dowladda ay ciidamada dadka degaanka ee is abaabulay ay diyaar ulatahay Hub iyo wax ay cuni lahayeen balsa ciidanka looga baahan yahay in ay u diyaar garobaan dagaalka khawaarijta looga saaray degaanada dhaca jiinka wabiga oo ay dhibaato ka soo maleegaan khawaarijta.

Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir iyo Masuuliyiin kale oo katirsan dowladda kana soo jeeda gobolka Hiiraan ay mudda halkaa u jogeen dar-dargalinta howlgallada ka dhanka ah khawaarij ee ka socda Gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidanka Dhulka oo gaaray deeeganka Biya-cadde ee gobalka Shabeelaha dhexe

Taliyaha ciidanka dhulka xogga dalka Soomaliyeed G/ sare dayax Cabdi Cabddulle oo ay wehliyaan Masuuliyiin kale ayaa gaaray deeeganka biyacadde ee gobalka Shabeelaha dhexe.

Saraakiil ka tirsan xoogga dalka oo fadhigodu yahay deegaanka Biyacadde ayaa halkaas ku soo dhaweeyay Wefdiga taliyaha, ujeedka socdaalka ayaana ah dardar galinta howlgalka Ciribtirka Khawaarijta.

Degaanno katirsan shabeellaha dhexe waxaa ka soconayo howlgallo ka dhan ah khawaarijta,halkaa oo lagu dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad.badan oo katirsan khawaarijta.

Taliyaha ciidanka Booliiska oo kulan looga haddlayo wax ka beddalka sharciga Booliiska la yeeshay Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranka

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa ku casuumay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka soo bandhigista dib u eegista iyo wax ka badalka Sharciga Ciidanka Boliiska (Sharci Lam 2 ee Dec 1972) iyo Xeerka Ciidanka Boliiska (Xeer Lam 14 ee 04 Jan 1973).

Guddiga dib u eegista iyo wax ka badalka Sharciga iyo Xeerka Boliiska ayaa Xeer ilaaliyaha u soo bandhigay habraacyadii uu soo maray, iyaa oo uu Xeer Ilaaliyuhu uu ka talo bixiyay sharciga.

Dib u eegista Sharciga iyo Xeerka Boliiska ayaa qeyb ka ah dib u habeynta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo laf dhabar u ah hagaajinta hay’adaha Ammaanka iyo Adeegga dadweynaha.

             

Ciidanka ammaanka ee degmada Doolow oo fashiliyay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa

Doolow- Ciidamada Amniga Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa fashiliyey gaari laga soo buuxiyey waxyabaaha Qaraxa oo ay maleeshiyaadka khawaarijta ay doonayeen inay ku gumadaan Shacabka Degmada Doolow.

Guddoomiyaha Degmada Doolow ee Gobolka Gedo Maxamed Xasan Cabdi Lafeey oo ka warbixiyay gaarigaan gacanta lagu dhigay ayaa u mahadceliyay ciidanka Amniga shaqada adag ay Degmada u hayaan iyo fashilinta gaariga qaraxa, Gudoomiyaha ayaa kula dardaarmay Booliska iyo Nabadsugida in la joogteeyo shaqada isla markaana muujiyaan howlkarnimo iyo feejinnaan dheeri ah.

Darawalkii gaariga waday ayaa ciidamaddu gacanta ku hayaan, iyaga oo ku wada baaris ku aadan qorshaha dhagar-qabayaashu ay maleegayeen iyo halka loo waday gaarigaan lagu soo raray waxyaabaha qarxa.

    

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud oo racfaan ka qaatay xukunnadii dhawaan ay ridday Maxkamadda gobolka Banaadir

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa racfaan ka qaatay xukunnadii dhawaan ay ridday Maxkamadda gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyah Guud ayaa u qornaa sidaan:-

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku waxa uu Racfaan waafagsan Qodobadda 2010, 212, 213, 216, 227 XHCS, ka qaatay Xukunadda sumadoodu tahay MGB/DDL/488/2023, MGB/D DL/O44/2023, MGB/DDL/938/2023, kuna taariikhaysan 28/09/2023, kana soo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Xafiiska Xeer llaaliyaha Guud ee Qaranku waxa uu si hordhac ah u dhamaystiray habraaca Racfaan qaadashadiisa ee uu ka qaatay xukunadda sumadoodu sare ku xusan tahay, si waa faqsan Qod: 214 XHCS.

Ciidanka Nabad-sugidda ee Gedo ka howlgala oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee ka howlgala gobolka Gedo ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanno hoos yimaada Degmada Luuq ku soo qabtey dhagar qabe Maxamed Cali Cismaan oo ka tirsanaa Khawaarijta, kaas oo ku howlanaa dhibaateynta Shacabka deegaankaas.

Ciidamada ayaa qabtey isagoo wata mooto laba lugooleey, xili uu dadka beeraleyda ka qaadayey lacag baad ah.

Dhagarqabahan ayaa kooxda uga biiray degaanka Ufuroow ee gobolka Baay.

Ciidanka Qaranka ayaa wada howlgallo ka dhan ah khawaarijta iyadoo ay howlgalada lagu soo qabtay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad badan oo ka tirsan khawaarijta.

DOORKA BOLIISKA EE BAAHINTA AMNIGA IYO YARAYNTA DAMBIYADA ABAABULAN (QEYBTA 1-AAD)

Shaki kuma jiro in ujeedka loo unkumay ciidanka Bilayska iyo Hay`adha amnigu ay yihiin ilaalinta xuquuqda asaasiga e nafta iyo maalka muwaadinka sida ku xusan dastuurka dalka iyo sharciga lagu aas aasay ciidanka Booliska Soomaaliyeed , waana in lagula xisaabtamo wax kasta oo gaabis ah eeku yimaada gudashada waajibaadkaas.

Kororka dambiyada abaabulan maahan inaysan gudan hay`adaha amnigu waajibkii qaran, laakiin Heerarka booliiska caalamiga ah ayaa tilmaamaya booliska iyo saamiga dadweynaha ay ahaato in 500 boqol uu hal qof boolis yahay  1:500. Mana filayo in Soomaaliya ah heerkaas gaartay.

Macnuhu waa in ciidanka boolisku aanu joogin meelwalba ,taasina ay qasbayso in dawladu ka shaqayso sidii loo dhisi istiraajiyad looga qabgalinayo bulshada baahinta amniga, una dhisi lahayd Booliska Bulshada si  bulshadu uqaadato dawrkeeda kaga aadan ilaalinta amniga loona arkin in amniga uu xil ka saaran yahay oo kaliya ninka ciidanka ah .

Dhismaha Booliska Bulshada waxaa aasaas u ah jiritaanka  xiriir kudhisan is aaminaad oo u dhexeeya bulshada iyo ciidanka amniga,  taasina waxay sahlaysaa in si sahlan loo aqoonsado kooxaha wada amni darada .

Baahida ay bulshadu u qabto Saraynta iyo Fulinta sharciga  waxaa asaas u ah wacyiga bulshada ookor looqaado lana sameeyo wacyigalin xoogan oo ku aadan ahmiyada arinta amniga , waxaana muhiim  in ayadoo lafiirinayo xaalada amni daro ee dalku ladaalaa dhacayo inay  madaxda amnigu xiisado amni ka bixiyaan iskoolada, jaamacadaha, ,macaahida iyo khudbadaha salaada jimcaha. waa hadii ladoonayo in laga hortago amnidarada baahsan ee aanu ku noolnahay. Waayo horumarinta iyo joogtaynta xiriirka is aamineed ayaa saldhig u noqon kara in bulsho booliseedku ay qayb ka ahaayo kahortaga dambiyada ay maleegayso aragagixisadu iyo kooxaha burcadu.

Habka ka qaybgalinta bulshada oo dhan amni sugida ayaa qayb muhiima ka ah u diyaar garawga ka hortaga falalka argagixisada iyo rabshadaha lasoo abaabulo.

Sidoo kale xoojinta sharciga iyo ilaalintiisa waa in laga qayb geliyaa saraakiisha caafimaadka dadweynaha iyo kuwa dhimirka, barayaasha iskoolada, jaamacadaha iyo xitaa kuwa Quraanka,ciidamda dab-demiska, maamulayaasha xaaladaha deg degga ah, hoggaamiyayaasha diinta, ganacsatada, shaqaalada rayidka ah, ururada aan faa’iido doonka ahayn iyo qof kasta oo haya adeeg bulsho sida bangiyada, shirkadaha isgaarsiinta iyo muruqmaalka ka hawlgala goobaha muhiimka ah sida Dekedaaha iyo Garoomada diyaaradaha.

taasi waxay keenikartaa in xubin kasta oo ka mid ah bulshada uu door muhiim ah kuyeesho ogaanshaha dadka ku hawlan hawlaha amni darada iyo kuwa u baahan taageerada iyo gurmadka xiliga ay dareemaan khataro amnidaro .

bulsho booliseedku wuxuu miro dhalayaa marka ay si aqoonsadaan darisyadu iyo madaxda deegaanka maamusha, gaar ahaan magaalooyinka waawen sida Muqdisho. Oo ayba adagytahay in derisku is aqoonsadaan ama ay yaqaanaan  xiriirna kala dhexeeyo madaxda deegaanka maamusha.

Waan ognahay in dambiilayaasha iyo argagixisaduba ay ku bulaalaan oo ay ku tarmaan  deeganada aan laga aqoonin, marka aqoonsi la`aanta deriskaaga waa khatar amni oo kula deris ah kuna mashquulsan goor iyo ayaan qorshayaal khatar amni ah oo aadan ogayn, waana qasab dal sideenoo kale ah in derisku yaqaano qofka la deriska ah iyo kana hayo  xogo badan.

Hay`adha amniga ee Soomaaliya waa inay darsin iyo casharo kabartaan sida dalalka deriska la ah ee Briga Afrika (East African Community) ay u sugaan amnigooda una hirgaliyeen mashruuca Bulsho Booliiska, waayo dalkeenu waxa uu isu diyaarinayaa inaan kamid noqono bulshada EAC.

Aan tusaale u soo qaadano Tanzaniya iyo Ruwanda oo lagu tiriyo dalalka bariga afirka ugu amaanka fiican aadna u soo jiitay maagalshiga iyo dalxiiska oo ay ka helaan dhaqaale xoogan .

Mahaddanidiin

         WQ: Axmed Suudaan

          Lataliyaha koowaad

Somali Embassy Khartoum- Sudan.

 

Wasiir Biixi” Labadii bilood ee la soo dhaafay DF waxay ku guuleysatay in ay bixiso mushaaraadka iyadoo u baahan kab dibadda ah.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay ku guuleyteen in dakhliga Dowladda uu kordho 25%, taas oo ka dhigan in xukuumaddu ay ku filnaato in ay bixio mushaaraadka iyadoo Kab u baahan.

Wasiirku wuxuu sheegay in markasta kab uga baahan jireen dibadda si loo bixiyo mushaaraadka, taas oo hadda looga maarmay in labadii bilood ee la soo dhaafay dowladda Soomaaliyeed ay ku guuleysatay in ay mushaarkeeda bixiso iyadoo aan u baahan kab dibadda ah.

” Labadii bilood ee hadda la soo dhaafay ugama ney baahan kab dibadda ah in aynu mushaaraadka bixino, dakhliga gudaha ayaa daboolay in aynu ku filnaano mushaaraadkeenna, runtiina 25% waa wax weyn, intaana kuma ekee waxaan rabnaa in kor loo qaado,” ayuu yiri wasiir Biixi.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay canshuurta bixiyaan lana xisaabtamaan Dowladda si loo helo daah-furnaan maaliyadeed iyo in la dardar geliyo dib-u-dhiska dalka.

Wuxuu sheegay in guushan iyo guulo kale badan-ba lagu gaaray hannaanka deyn-cafiska oo uu tilmaamay in marnaba la siyaasadeyn geeddigaas tobanka sanno soo socday.

Ugu dambeyn, Wasiir Biixi, ayaa hoosta ka xariiqay in guulahan isdaba jooga ah ee kobaca dakhliga dalka lagu gaaray ay tahay qorshaha la dagaallanka masuq-maasuqa ee Dowladda Xasan Sheekh ay ku dhawaaqday, taas oo wax badan ka beddeshay hannaanka dhaqaale ee dalkeenna.