Shaqaale ka tirsan waaxda dab demiska gobolka Banaadir oo loo diray tababar ku saabsan gurmadka degdegga ah

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa 14 kamid ah shaqaalaha Waaxda Gurmadka degdega tababar ugu diray dalka Turkiga, kaas oo kor loogu qaadayo xirfadooda la xiriirta ka hor tagga qataraha la xiriira dabka.

Agaasimaha xiriirka dibedda iyo hey’adaha Caalamiga ah ee dowladda hoose ee Xamar mudane, Maxamed Xasan Maxamed ayaa ka warbixiyay tababarka iyo muhiimadiisu.

Agaasimaha ayaa sheegay in tababarkan oo ka dhici doona magaalada Konyo ee dalka Turkiga uu yahay wejigii labaad, iyadoo wejigii kan ka horreeyayna lagu qabtay magaalada Muqdisho, wuxuuna xubnaha tababarka loo dirayo u rajeeyay in ay aqoontooda ugu faa’iideeyayaan bulshada Soomaaliyeed.

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo iska kaashanaya horumarinta waxbarshada

Riyadh- Wasiirka Wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Riyaadh ee dalka Sacuudi Carabiya kula kulmay Wasiirka Hiddaha iyo dhaqanka Amiir Bandar bin Cabdulcasiis Al Saud iyo Wasiirka waxbarshada dalkaasi Youssef Al-Bunyan.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa arrimaha hiddaha iyo dhaqanka iyo in ay is kaashi ka yeeshaan tayaynta waxbarshada asaasiga ah ee labada dal.

Wasiir Faarax ayaa sidoo kale kulan la yeeshay guddoomiyaha xarunta howlaha gargaarka iyo bini’aadannimada ee Boqor Salmaan, Dr; Cabdalla Bin Cabdi Casiis Ar-rabiica, iyagoo ka wada hadlay sidii loo laba jibaari lahaa taageerada ay boqortooyada Sacuudiga u fidiso Soomaaliya.

Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa xarunta samafalka ugu mahad celisay taageerada ay Soomaaliya u fidiso sida arrimaha Waxbarshada, caafimaadka iyo guud ahaan adeegyada kale ee asaasiga ah.

TIIHA SIYAASADEED MAXAA INOOGU SABAB AH?

Tiih waa eray loo adeegsado jahwareerka ku dhaca qofka taas oo uu ku kala garan waayayo dhinaca uu ka socdo iyo dhinaca uu u socdo haddaba Soomaalidu waxay in muddo ah ku jireen Tiih Siyaasadeed kama baxaan xilli walba oo la joogo iyagoona hoos ka guux ama dareemaya tiih u badan dhinaca siyaasadda oo ay u muuqato mid ay ku abaaday.

Soomaaliya ma aha dal siyaasad ahaan curdan oo waxay gobanimadeeda heshay sanadkii 1960 oo tirsi ahaan ah waqti aad u fog oo dal ku noqon karo mid qaangaar dhaafay laakiin tani wax badan nooma keenin oo aan aheyn in qabyaalad ay kor iyo hoosba naga halakeysay dalkiina ay u horseeday dib u dhac midba kan ka dambeeya uu ka sii xun yahay.

“Uma qabin in maanta tiiha laga dareensan yahay guri kasta oo Soomaali ku nooshahay oo aan weliba tiihaasi inoo sababo in aan ku sifaadno innaagoo ambad ku ah dunida daafaheeda weliba annagoo marti aan la rabin ku ah dalal shisheeye oo aanan aqoon u laheyn dhaqankooda iyo diintooda “ayuu yiri C/raxmaan Maxamed Cali oo ah qurbajoog soo daalay oo haatan dan mooday in uu dalka ku noolaado oo tiiha iyo walaahowga uu qeybtiisa ka ahaado.

Wxuu is weydiiyey “Maxaa sabab inoogu ah tiihaas siyaasadeed ee aan dhammaadka laheyn?”.

“Arrin marka horeba haddii ay salka ka qurunto kor kama hagaagi karto” ayuu ku jawaabay Cawaale Axmed C/llaahi oo ah oday waayo arag ah oo dhinac fadhiyey lana socday ganuunaca tiiha xambaarsan ee Cabdiraxmaan wuxuuna sii raaciyey “Quraan Alif ka hallaabay Albaqro kuma hagaago”.

Dhabtii, waa waxa Soomaaliya ka jira waana sabab la isweydiin karo sida ay ku dhacday laakiin salka arrimahan fahamkooda waa mid fudud.

Waxaa la isweydiin karaa maxaa Soomaalida qabyaaladda baas ee baabi’isay daba dhigay oo ilaa lixdankii iyo haaatan ay wax u hagaagi la’ yihiin?

Soomaalida siyaasadeeda iyo nolosheeda waxay ku tiirisan tahay Qabiil iyo Qabyaalad, iyaga ayaa wax lagu sad-bursadaa oo lama qariyo waxayse caalamku weli Soomaalida kula yaabban yihiin in hannaanka dowladeed lagu dhaqo Qabiil mutaxan iyo qabyaalad gaamurtay.

Taas waxaad ka soo dheegan kartaa hannaankii wax qeybsiga ee Baarlamaanadii 1960-meeyadii iyo awood qeybsigii dowladeed ee xilligaa iyo dowladihii xilligaa dalka ka soo taliyay iyo kuwii danbeba.

Dadka qaar waxay qabaan in tiiha siyaasadeed ee go’itaanka ay sheegatay Somaliland in ay ka go’eyso Soomaaliya inteeda kale aanu bilaaban 1991_dii balse uu ka soo jeedo hannaankii awood qeybsiga ee sanadihii 1960 oo siyaasiyiintii reer Woqooyiga hankoodii iyo wixii ay Koofurta ka filanayeen aanay ka helin oo lagu soo tuuray wax aan ka badneyn hal wasiir darajada koowaad ah

Ma la dhihi karaa Xisbiyadii xilliyadaa looltamayey ee millitarigu tala ka maroojiyeen waxay ahaayeen axsaab fikri ah. Jawaabtu waxay u badan tahay in ay noqotay waxay ahaayeen Axsaab Qabiil, waxayna aheyd arrin iska cad.

Gulufkii siyaasadeed ee ka dhashay doorashadii ugu dambeysay ee axsaabtaas ku loolamayeena waxay keentay in madaxweynihii dalka ee xilligaas C/rashiid Cali Sharmaake maalin cad lagu dilo magaalada Laascaanood ee G/Sool.

Kacaankii xigay laftiisa hannaankii awood qeybsiga ee Golihii Sare ee kacaanka waxaa ka jiray wax qeybsi qabiil iyo qabyaalad ku dhisnaa inkasta oo xilliyadii ugu horreeyey kacaanku sheegay in Qabiilka la aasay oo god lagu riday.

Kaba daran tiihii siyaasadeed wuxuu sii kordhay ka dib markii dowladdii kacaanku dagaal cad ku qaaday qabaa’illadii ka soo hor jeestay oo lagu tiimbareeyey Kacaan-diid qaarkood magacyo gaar ah loola baxay si dilkooda loo xalaaleysto.

Degaanno dhan oo qabaa’ilo kala duwan degaan ayaa la mooro duugay dalkiina lagu laayay halka kuwo kalena ciidankii loogu talagalay difaaca dalka iyo hubkii cadowga loo adeegsan lahaa iyaga lagu jeediyey.

Tani waxay dhashay naceyb xun oo loo qaaday dowladdii kacaanka oo dhalashadeedii ubaxyo qoyan lagu soo dhaweeyey balse noqotay “la mood noqonse weyday” oo laga niyad jabay.

Kuwii isku dayey in Kacaanka ay af-rogaan laftooda waxay isu hubeeyeen qaab qabiilooyin ah wuxuuna xaalku noqday qabaa’il wada hubeysan oo caasimadda ku soo wada jeeda iyagoon laheyn hal hadaf siyaasadeed oo u qoran si ay ugu howlgalaan kuna jiheeyaan dalkii ay iyaguba qeyb ka noqdeen kuwii gacantooda ku sii burburiyey.

Erayga ah “Isma dhaanto iyo dhasheedii” ayaa afku u batay, tiihii siyaasadeedna waxaa ku dhacay sicir barar oo kor buu u sii kacay.

Qoloba meel ay xoreysatay ayey ku dagtay isma maqal iyo feker mideysana waa laga tagay oo Soomaalidu waxay noqdeen dad aan indho iyo dhego laheyn oo howtul hamag meel mugdi ah ku dhex socda caalamkuna ku wareeray markii laga caal waayey shirar siyaasdeed kontameeyo kor u dhaafay oo ka dhacay dalka dibeddiisa ayaa loo qabtay.

Inkastoo la yabyabay dowlado ku meel ah oo aan awood badan laheyn hadana waa lagu guulystay in laga baxo ku meel gaarkii laakiin …. weli fari kama qodna waxaana tiihiihii siyaasadeed sii holcinaya kooxo iyagana afkaar diimeed gurran ku doonaya in ay wax ku burburiyaan, geystayna waxyeello nafeed iyo mid hantiyeed oo wixii hore oo dhan isku fuuqsatay.

Kuwani waxay isku dayayaan in ruxaan, gilgilaan oo salka u siibaan waxa yare ee ifka dowladeed oo ay u arkaan in uu lid ku yahay waxa ay wataan oo ay doonayaan in ay ka dhex fushadaan Soomaalida oo iyadaba la taahaysa tiihaas siyaasadeed ee ku ragaaday.

Soomaalidu waa umul oo wixii soo maray wax kama barato “illosho dhawaa, ma Umul baa?” ayey dhahaan Soomaalid marka qofku jabkiisa wax ka baran waayo.

Diinteena suubbana waxey inoo sheegtay in qof ka Mu’minka ah hal god labo jeer aan laga qaniinin ee Qabyaaladda iyo Khawaariijta aan si siman ula dagaalno.

Hadaba waxay ila tahay in aad haatan la soo bixi karto nuxurka sababaha keenaya in aanay Soomaalidu ka bixi la’ahay tiihaas siyaasadeed ee jid iyo jahaba u diiday.

WQ: Maxamed Shiil Xasan

 

MUQDISHO HA LA HURGUFO (FAALLO)

Kooxda Khawaarijta waxaa caado u ah markii looga adkaado dagaalka fool ka foolka waxay bilaabaan beegsiga Dadka Rayidka, waana taasi inay 29-kii bishii Oktoobar ay aheyd dhacdo la ag dhigi karo tii 14-kii Oktoober ee sanadkii 2017-kii, taasi oo Dalka ka abuurtay murugo iyo uur ku taalo xanuun badan, lagana kulmay argagax aad u ballaaran, niyadda shacabkana ku abuurtay naceyb aad iyo aad u badan kuwii soo abuulay falalkaasi aadka u foosha xun, cid kale maahan ee waa Kooxda Khawaarijta arxanlaawayaasha Argagixisada ah ee ee isku sheega Al-Shabaab.

Farriimo badan ayaa ka soo baxay Isbitaalada qaarkood oo dhiig bixinta ka dhigay baarisaankood lacag la”aan, waxaana xusid mudan in Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ay soo saartay wargalin ku saabsan in Isbitaalada gaarka loo leeyahay ay fartay in ay u fududeeyaan cidda Dhiigga u shubeysa Dadkii soo dhaawacmay, islamarkana la weydiin wax lacag baaritaankooda dhinaca Dhiigga la xariira, waxaa kaloo la faray in Dadka dhiig bixiyaasha ah ay tagi karan Isbitalada Danta guud sida Isbitaalada De Martiini, Banaadir, Ex Digfeer iyo Madiina, waxaana jira gurmadyo Dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba ah, iyadoo Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ay bukaanada ugu deeqday Dhiig, halka Dowladda Jabuutina soo gaarsiisay Dawooyin iyo adeegyo kale.
Suaasha la is weydiin karo ayaa ah maxaa mar walba Argagixisadu u beegsadaan Isgoyska mashquulka badan ee KM 5 ama Soobe?, bal dib u raac middii hore waxay dhacday 14-kii Oktoober 2017-kii, maalin Sabti ah, midka kalena 29-kii Oktoober 2022-ka maalin Sabti ah.
Isgoyska KM5 ayaa lagu tiriyaa midka ugu mashquulka badan dhanka saxmadda gaadiidka iyo Dadka ee Caasimadda Muqdisho, wuxuuna halbowle u yahay waddooyinka Madiina,Hodan iyo Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waana sababtaasi inay kooxdani Argagixisada ah la beegsadaan Qaaxyo waaweyn oo qorsheysan, dhaliyana khasaare ballaaran oo sababa caro, cabsi iyo argagax ku dhaca Shacabka.
Sidoo kale waxaa ka ag dhow dhowr tiro oo dhismayal Wasaaradeed, goobo Waxbarasho, tiro Isbitaallo ah ee ugu muhiimsan caasimadda, Hoteello iyo goobo ganacsi oo aad u badan, iyadoo 30-kii sano ee ugu dambeysay waxa uu ka mid ahaa isgoysyada ugu mashquulka badan casimadda Muqdisho, balse waxaad moodaa in waayadaan dambe looga sii daray, kadib markii wax ka badal lagu sameeyay habka ay gaadiidku u isticmaalaan Waddadaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray isgooyska Soobbe ee magaalada Muqdisho si uu ugu kuur galo baaxadda dhibaatada xooggan ee ka dhalatay qaraxyadii arxan darrada ahaa ee argagixisada Khawaarijta Al-shabaab ay ku gumaadeen muwaadiniinta birmu-geydada ah ee ku sugnaa goobtaas, wuxuuna isagoo ku suganaa burburka dhismaha Masaajid ku dumay qaraxyadan argagixiso, ayaa tilmaamay in weerarkan bahalnimada ah uu sababay dhimashada tobonnaan qof oo ku tukanayey masaajidkan, taasi oo ka mid ah dhacdooyinka naxdinta leh ee laga diiwaan geliyay, isagoo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:- “Dadkeennaan la xasuuqay ee birmu geydada ah, waxaa ku jiray hooyooyin ilmahooda dhabta ku haysta, Aabbayaal xaalad caafimaad u socday, Arday waxbarasho loo soo diray, ganacsato la daalaa-dhacaysay nolosha qoysaskooda, macallimiin iyo dhakhaatiir u adeegayay dadkooda. Qofka intaas xasuuqay, maxay tahay qiilka uu u haysto, diinta uu daliishanayo iyo dadnimada uu sheegan karo”.

Madaxweyne Dr: Xasan Sheekh ayaa faray Xukuumadda in gurmad caafimaad oo deg deg ah ay u fidiso dadka dhaawacyadu ay soo gaareen, qaarka xaaladoodu ay culustahayna loo diyaariyo gargaar caafimaad, si degdeg ahna ay ugu shaqeyso isku duburidka gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ka murugeysan xaaladdan adag, ugu dambeyntii waxa uu ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan samata-bixinta dadkooda ku dhibaatoobay qaraxyadan argagixiso, loona midoobo sidii gurmad iyo daryeel ay u heli lahaayeen qoysaska, ubadka iyo waalidiinta ay inoo ka tageen muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyadan murugada leh, wuxuuna Alle uga baryay dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyada argagixisanimo in uu jisadooda ka yeelo Jannatul Fardowsa, inta dhaawacyada ahna uu siiyo caafimaad degdeg ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaliya ayaa Magaalada Khartuum 3ee Dalka Suudaan kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres, isaga oo kala hadlay dagaalka dowladdu ay kula jirto Al-shabaab iyo muhiimadda ay leedahay taageerada beesha Caalamka, si loo soo af-jaro argagixisada, wuxuuna la wadaagay horumarada ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya Shacabka ay ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, isagoo xusay In cuneqabateynta hubka oo laga qaado Soomaaliya, taasoo si weyn u caawineyso dagaalka lagu hayo Argagixisada Soomaaliya, tan Gobolka iyo Caalamka, wuxuuna tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay ciribtirka Al-shabaab, isagoo Qaramada Midoobay ka codsaday in ay sii kordhiso taageerada bani’aadannimo iyo tan farsamo ee ay siiyaan dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo xasiloonida dalka iyo in ciidanka Soomaaliyeed ay la wareegaan kuna filnaadaan ammaanka dalka.

Haddaba haddii laga gaaray guulo aad u muuqda dagaalka baraarug shacab ee lagula jira Kooxda Khawaarijta, waxaa marag ma doonta ah inay u soo jeesnayaan xasuuq ay ku sameeyaan Bulshooyinka ku dhaqan Magaalooyinka Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho, sidaasi awgeed waxaa lama huraan in la yeesho feeijinaan dheeri ah, il dheerna ay ku eegaan laamaha ammaanku xaqiijinta amniga caasimadda, waxaana loo baahan yahay in si weyn loo hurgufo Magaalada Muqdisho, si kuwa dhibaatada wada looga soo qab qabto.

SONNA Editorial

 

ISLAAMKU WUXUU INA FARAYAA NABADDA IYO WADA NOOLAANSHAHA (QEYBTA 1AAD)

Alle ayaa mahad idilkeed u sugnaatay, nabad galyo iyo naxriis nabigeena Muxamed dushiisa ha ahaato. intaa kadib;

Sida lawada ogyahay aadanahu wuu ka cararaa meeshii aysan nabadi ka jirin, si kasta oo ay qiimo ugu lahayd noloshii uu kuhaystay, sidoo kale xayawaanka ayaa ka guura halka lagu waxyeeleeyo barwaaqo kasta oo uu

ku qabay, jamaadaadkuna jiri mayaan haddii ayan helin nabad iyo daryeel, taasina waa wax marag madoonto ah oo ay fahmi karto cidkasta, soomaalidu waa tusaale nool, markii dalkeena bur burka iyo nabad la’aanta ka dhacday wixii dhacay waaba la ogaa ee isagama sheekeynayno.

Sidaas darteed Islaamku muhiimad weyn ayuu siiyey adkaynta nabadgalyada iyo ilaalinteeda waxaana la dhihi karaa waxay kamid tahay waajibaadka shareecada sugtay in laxifdiyo.

Islaamku isagaaba nabad galyo ah sida ku cad magaciisa, magacyada Ilahay waxaa kamid ah (Assalaam) oo micnaheedu tahay nabadgalyo, nabi Muxamad(scw) markan kusalinayno waxaa nala faray inaan niraahno (salalahu calayhi wasalim) oo micnaheedu yahay nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaato, salaadaha markan kabaxno waxa nala faray inaan niraahno (allahuma anta salaam waminka salaam) oo micnaheedu tahay Ilahow adaa nabad ah xagaada ayayna nabadgalyadu katimaadaa, arrimahaas oo dhan haddii aan u fiirsano waxa ay ina tusinayaan martabada ay nabadu islaamku kajoogto iyo qiimaha gaarka ee ay leedahay.

Diinteena suuban ee Islaamka ah waxay nafaraysaa in aan adkayno nabadgalyada kuna dadaalno sidii loo ilaalin lahaa oo nabad loogu wada noolaan lahaa taasina ay tahay wajib muqadas ah oo mudan in la dhowro, Alle(sw) waxa uu quraankiisa kariimka ah kuyiri:-

(qofkii u dila qof mumin ah si ulakac ah, abaalkiisu waa jahanamo xaal uu kuwaarayo, ilaahayna waa ucarooday korkiisa wuuna nacladay wuxuuna udiyaarshay cadaab weyn)

waxaa kale oo isla aayadaas mida kahoraysa ilahay kuyiri:-

(sidedaba uma sugnaanin qof mu’min ah inuu dilo mu’min kale ilaa si kama ah mooyee) wuxuu kale oo yiri (kaliya waxa abalkoodu yahay kuwa ladiriraya alle iyo rasuulkiisa oo kufidinaya arlada fasaad in ladilo ama lasalbiyo ama gacmahooda iyo lugahooda isdhaaf loo jaro ama arlada laga masaafuriyo, sidaas ayay waxay ku leyihiin addunyada dulli iyo hoog aakhirana waxay leeyihiin cadaab wayn).

Waxaa kaloo yiri rabbi swt:-

“ha dilina naftii alle xarimay in la dilo ilaa inaad xaq ku dishaan mooyee. sidaasaa alle idiin dardaarmayaa ee waxaad mudan tihiin inaad garataan”.

Rasuulka(scw) wuxuu yiri:-

(Muslim waxaa ah qofkii ay dadka kanabad galaan afkiisa iyo adinkiisa mu’mina waxaa ah midka dadka u nabad galiya naftooda iyo maalkooda). wuxuu kaloo rasuulka(scw)yiri:- (Aduunyada oo suusha ayaa ilaahay kala fudud in qof muslim ah ladilo).

Lafdi kale waxa uu ku yiri (kacbada oo loo burburiyo dhagax dhagax ayaa alle kala fudud in qof muslim ah la dilo). wuxuu kale oo yiri rasuulka scw xadiis saxiix ah “Qiimaha qofka muslimka ah ayaa alle kala weyn adduunyada oo suusha”. Wuxuu kaloo rasuulka scw yiri:- (Qofkii dila gaal ay muslimiintu ballan is nabad galin ah kula jiraan galimaayo janada mana urinayo carafteeda waxaana carafteeda laga uriyaa masaafo loosocdo afartan sano).

WD: Ibraahim Warsame

 

IXSAAN FALE ABAAL WACAN BUU DHAXLAA.

Beri baa waxaa la yidhi nin baa magaalo ku wareeray, waxaana isugu darmay daruufo adag iyo dhibaatooyin lixaad leh, oo dad la’aan, deeq la’aan, iyo diin la’aanba isugu jiray, kuwaasoo noloshiisa qalqiil galiyay, huq iyo hundhurna laabtiisa ku maasheeyay.

Markii ay xaaladdu ku xumaatay ayuu go’aansaday inuu magaalada ka haajiro oo carra kale u dalaabo, go’aankaas ayuuna ku dhaqaaqay oo magaaladii uga baxay, wuxuuna u socday nin shiikh ah oo uu rabbay inuu weydiiyo 3-da arrimood “dad la’aan, diin la’aan, iyo deeq la’aan ” ,shiikhana waxaa caado u ahayd inuu 3-su’aalood kaliya ka jawaabo oo mid afaraad lama weydiin jirin.

Markii uu labo todobaad socdaalayay ayuu subaxdii dambe u tagay nin uu aqalkiisu gubanayo, aqalkii ayuu la damiyay wuxuuna weydiiyay sababta uu aqalku u gubtay, ninkiina wuxuu ugu jawaabay ” todobaad walba ayuu iga gubtaa” , markaa buu ku yidhi ” war hadde anigu nin shiikh ah oo 3-su’aalood kaliya la weydiiyo ayaan u socdaaye, 3-dii anigu aan watay baan mid ka reebayaa oo aqalkaagaan gubanaya ayaan ku badelayaa “, ninkii aqalka gubanaya ebtalada looga dhigayna howraartaa wuu u riyaaqay, asna socdaalkiisii ayuu sii watay asagoo 3-su’aalood oo kala ah:dad la’aan, diin la’aan , iyo aqalkii todobaad waliba gubanayay wata, balse ka tanaasulay su’aashiisii la xariirtay faqriga iyo deeq la’aanta.

Markuu haddana laba todobaad oo kale socday ayuu u tegay nin uu dhulka la go’ay oo qaarka dambe god kula jira, kana bixi waysan markaa buu ku yidhi ” war maxaa ku helay ” , ninkii baa ugu jawaabay “anigoo halkan maraya ayaa dhulku ila go’ay ” , ninkii socdaalka ahaa baa ku yidhi ” war bal arrintaada shiikhaan soo weydiinayaa” , wuuna ka tagay asagoo su’aalihiisii uu horay u watay labo kamid ah ka reebay, kuna bedalay su’aal oo la xariira aqalkii gubanayay iyo ninka uu dhulku la go’ay.

Markuu haddana laba todobaad socday ayuu u tagay nin intuu meel seexday ka toosi waayay, oo dhinac dhulku uga dhaggan yahay, markaa buu ku yidhi ” war maxaa ku helay? ” , ninkii baa ugu jawaabay ” meeshan baan is idhi cabbaar seexo, ka dibna waan ka toosi waayay”, wuxuu ku yidhi ” war bal arrintaa shiikha aan u socdo ayaan kuu soo weydiinayaa ” , markaa buu ka tagay asagoo wata 3-su’aalood oo aan kuwiisii hore ahayn, kuwaasoo kala ahaa: aqalkii todobaadka walba gubanayay, ninkii uu dhulku ku dhagganaa, iyo ninkii uu dhulku la go’ay, wuxuuna meesha ka saaray 3-diisii su’aalood ee kala ahaa: dad la’aan, diin la’aan, iyo deeq la’aan.

Shiikhii ayuu u tagay, wuxuuna weydiiyay 3-dii su’aal ee uu ragga kale wakiilka uga ahaa, waa seddaxdii kala ahaa: aqal todobaad walba gubta, nin uu dhulku la go’ay, iyo nin uu dhulku ku dhaggan yahay.

Shiikhii ayaa ugu jawaabay ” 1: ninka uu todobaad walba aqalkiisu gubto gabar wayn oo uu guurkii u diiday baa u joogtaa, hadduu rabo inaanu aqalkiisu mar dambe guban gabadhaas nin ha u guuriyo, 2- ninka uu dhulku ku dhaggan yahay diin buu yaqaan waana xaaside, hadduu rabo inuu dhulku ka fuqo diinta dadka ha baro, 3- ninka uu dhulku la go’ay god dahaba ayuu ku jiraaye,hadduu rabo inuu ka baxo faataxada ha akhristo, 3 goorna gacmaha dhulka ha ku dhifsado “.

Ninkii asagoo 3-daas jawaabood wata ayuu soo laabtay, wuxuuna ku hormaray ninkii uu dhulku ku dhagganaa, markaa buu ku yidhi “war waxaa la yidhi diin baa taqaane hadaad doonayso inaad meesha ka kacdo diinta dadka bar “, ninkii dhulku ku dhaganaa ayaa ugu jawaabay “saaxiib adigaba aan ku baro “, “waa yahay ” buu yiri sidaas ayuuna wax badan oo diinta la xariira uga bartay, wuxuuna xal u helay mid ka mida 3-dii mukuladood ( dad la’aan, diin la’aan, iyo deeq la’aan

Wuxuu u tagay ninkii uu dhulku la go’ay, wuxuuna ku yiri ” faataxada maro, 3 marna gacmaha dhulka ku dhifso si aad meesha uga baxdo” , sidii ayuu samaayay, markaa bay meeshii oo dhami god dahab ah u noqatay, markaa buu ninkii jawaan dahab uga buuxshay, haddana wuxuu xal u helay mushkuladdii labaad ee ahayd “deeq la’aan” .

Haddana wuxuu u tagay ninkii uu aqalkiisu todobaad walba guban jiray, wuxuuna u sheegay in cuquubada haysataahi ay tahay gabadha uu guurka u diiday, loona baahanyahay inuu gabadhaa nin u guuriyo” , markaa buu ku yidhi” war adigaba amaan ku siiyaa gabadha? ” , ” haa ” buu asna ugu jawaabay, sidaas ayaana gabadhii lagu siiyay, wuxuuna xal u helay 6 arrimood ,balse markii hore 3 arrimoo kaliya ayuu rabay inuu jawaab u helo, oo uu shiikha waydiiyo, wuxuuna maalintaa wixii ka dambeeyay ka mid ahaa nin taajir ah, diinta islaamka si feecan u yaqaan, caruur badanna dhalay.

WQ: Abwaan Hareeri

 

IXTIRAAM DERISKAADA IYO DADKA KALE

Noloshu waa mid muhiim u ah in uu  ka dhex jiro is ixtiraam u dhaxeeya dadka darajo kasta iyo nooc kasta oo ay yihiinba.

Nolosha oo dahna waxay ku dhisantaa wax wada qabsi iyo is ixtiraam la isu hayo , xitaa haddii ay tahay xiriirk a dowladaha waxaa u muhiim u ah in ay ku dhisan tahay xiriir is ixtiraam iyo wax wada qabsi.

Qofka waxaa uu rabaa in uu helo ixtiraam uu ka helo dadka kale iyo in ay soo dhaweeyaan oo ay u muujiyaan ixtiraam iyo in ay qadarinayaan taas oo ku caawineysa in uu helo niyad  uu wax ku dhisi karo oo uu nolosha ku ambaqaadi karo.

Ixtiraamku wuxuu muujiyaa niyad wanaag waana kan ka dambeeya in aad bulshada ku dhex noolaan karto adigoo ku dhex leh qiimo iyo qaddarin.

Inta badan qofku wuxuu ixtiraamka ku helaa dalkiisa iyo dadkiisa  wuxuuna dareemaa ixtiraam darada marka uu u baxo meel ka baxsan dalkiisa waxaana inta badan dareema kuwa ku qaxootiyooba dal kale oo dalkooda aheyn .

Dadkan mararka qaar waxaa loola dhaqmaa si ixtiraam darao ah oo aanu ixtiraam ka muuqan markaas oo ay dareemaan wixii ay dalkooda ku heysteen oo ixtiraamku ugu weynaa .

Waxaa qofka waajib ku ah qiimeynta dadka ka waaweyn haddii uu yahay qof yar , qofka da’da ahna waa in uu ixtiraamaa dadka yaryar taas oo abuuraysa is qiimeyn dadka dhexdiisa ah.

Waxaa kale oo u baahan in ixtiraamku ka dhex jiro kuwa shaqo wadaagga ah, aradayda wax wada barata iyo dadka saaxiibada ah oo is ixtimaaka ka dhex jira uu abuuro kalsooni dhexdooda ah wuxuuna caawiyaa in wax qabadkooda uu noqdo mid waxtar leh.

Hadii aad adigu dadka ixtiraam u fidiso adiguna dadka wey ku ixtiraamayaan oo waxay kuu muujinayaam qiimeyn wanaagsan adigoo helaya kalsonidooda.

Si aad u noqoto qof  ixtiraam leh oo la qadariyo waa in aad noqotaa qof waxa afkiisa ka soo baxaya uu qiyaasan yahay oo aan isla hadlin balse u meel daya waxa uu sheegayo.

Waxaa kale oo loo baahan yahay in qofku ahaato mid dhowrsoon oo aan ku degdegin waxyaabaha qaar sida xanta, isku dirka iyo wax ka sheegidda dadka kale iyo beenta.

Kasbasashada ixtiraamka si dabiici ah ayey ku timaadaa oo dadku marka ay sifooyinkaas qofka ka dareemeen iyagaaba sidooda qofka ixtiraam ugu muujinaya .

WQ: MAXAMED SHIIL XASAN

 

Madaxweyne Laftagareen oo qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka

Baydhabo- Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada KGS ee Magalaada Baydhabo ku qaabbilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle.

Kulankaan waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush,Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka KGS.

Kulaankaan ayaa looga hadlay qaban-qaabada shirka Madasha iskuwidda Arrimaha Bini’aadanimada oo Baydhabo ka furmaya maalmaha soo socda,Xaalada El-Niño ee waddankeenna ku soo wajahan taas oo wadata Roob xooggan, sababi kartana fatahaado iyo daadad.

Shirka waxaa ka qeybgalay,Hay’adda Maareynta Musiiboyinka, Wasiiradda Gargaarka Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir iyo Wakiillo ka socda Beesha Caalamka.

  

Madaxda dowladda qaarkood oo ka qaybgalay salaadda Janaasada Alle ha u naxariistee marxuum Cali Ugaas

Ra’iisul Waaaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre oo ay weheliyaan guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa ka qeyb galay Salaadda Janaasada Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Ugaas Cabdulle oo ahaa Duqii hore ee Muqdisho oo maanta ku geeriyooday Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in marxuumku uu ahaa shaqsi dalkiisa ugu soo adeegay daacadnimo iyo dal jacayl, taasoo uu caan ku ahaa intii uu noolaa.
Salaadda Janaasada marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin kala duwan oo ay kamid ahaayeen Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda , ehellada marxuumka iyo dadweyne.
Marxuum Cali Ugaas Cabdulle ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, kuwaas oo ay ugu muhiim sanaayeen Duqa Muqdisho iyo Danjirihii Soomaaliya u fadhiyey dalka Talyaaniga.

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray deegaanka Cali Fooldheere ee degmada Mahadaay

Mahadaay: Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed  gaashaanle sare Dayax Cabdi Cabdulle ayaa gaaray deegaanka Cali Fooldheere oo hoostaga degmadda Mahadaay ee gobolka Shabeelah dhexe, waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Taliyaha qaybta 27 aad G/sare Faarax Cali Waasuge iyo Saraakiil kale.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa kulamo lagu dardar gelinayo dagaalka Khawaarijta la qaatay Saraakiisha Ciidanka, iyadda oo Argagixisada ay ku go’doon santahay deegaanka Ciid Ciid-ka ee gobalka Shabeelaha dhexe.

Taliyaha ciidanka dhulka xogga dalka Soomaliyeed G/sare Dayax Cabdi Cabddulle oo dhawaan uu Magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan gobolka Shabeelaha dhexe ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Guud ahaan gobollada dalka gaar ahaan gobolka Shabeelaha dhexe waxaa ka socda dagaal ka dhan ah Khawaarijta, kaas uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.