Ciidamada dowladda oo howlgallo ka sameeyay degaanno hoos taga Qoryooleey

Ciidamada qalabka sida ee DFS ayaa Khawaarijta kala wareegay degaanno hoos taga degmada Qoryoolay ee gobolka Shabeellada hoose.

Taliyaha ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed ee degmada Qoryooley Laba xiddigle, Cali Maxamed Aaden ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay khasaaro xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh gaarsiiyeen khawaarijta.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay ciidamadau burburiyeen fariisimo ay khawaarijtu ku lahaayeen tuulada Gaay warroow, firxadkoodana ay ku daba jiraan iyagoo kaashanaya dadka shacabka ah.

Wasiirka Shaqada XFS oo Masar kaga qeyb galaya shirka horumarinta Shaqada

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar si uu uga qeyb galo shirka wada tashiga ee horumarinta Shaqada hufan (Decent Work).

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim oo booqasho ku jooga magaalada Qaahira ayaa kulan gaar ah la qaatay Mudane Alexio Musindo Agaasimaha Xafiiska ILO ee dalalka Somalia, Ethiopia, Djibouti, Sudan iyo South Sudan, ahna wakiilka gaarka ah ee AU iyo ECA ee dhanka Shaqada.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka kala socday labada dhinac ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga ka dhexeeya ILO iyo Soomaaliya ee dhinacyada Shaqada iyo Horumarinta Bulshada.

Wasiir Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac, wuxuuna sidoo kale sheegay in hay’adda ILO uu ka helay ballan qaad la xiriira dhammaan dhinacyada u baahan in Soomaaliya laga taageero sida dhanka ilaalinta Bulshada iyo horumarinta shaqo hufan (Decent Work) iyo tayenyta horumarka shaqaalaha hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Booqashada Wasiirka iyo wafdigiisa ay ku tageen dalka Masar ayaa waxaa soo qaban qaabiyay xafiiska (ILO Cairo) ee Dalka Masar si ay uga wada hadlaan arrimaha iskaashiga.

Ugu dambeyn, Masuuliyiinta Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii wado wadatashiga iyo isku xirnaanta labada dhinac si loo gaaro danaha horumarineed ee Bulshada Soomaaliyeed.

 

Magaalada Napoli oo uu ka dhacay dhulgariir ka hor kulanka Real Madrid

Napoli: Magaalada Napoli waxaa gilgilay dhulgariir saacado ka hor inta ay kooxda Napoli wajihi rabtay Real Madrid  kulan ka tirsan Champions League.

Sida 10 baabuur oo kuwa xamuulka qaada ah in lagu garaacaya dhismaha garoonka ee Napoli waxaa argagax ka jiraa magalada Naples  iyadoo oo uu  dhulgariir ka  dhacay wadanka Talyaaniga saacado ka hor kulanka Champions League ee Real madrid  iyo Napoli  oo ka dhacayo garoonka Diego Armando Maradona.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiro dhibaato looga walwalsanyahay garoonka ka hor inta aan kubbad la baasan.  Sababta oo ah dhulgariir cabirkiisu ku dhawyahay 4.0 ayaa saameeyay dalka talyaaniga.  Kooxda Real madrid ayaa ku sugan badhtamaha magaalada Naples, oo ka fog xurunta dhulgariirka ee aagga Camp Flegrei, laakiin dadka deegaanka oo argagaxsan ayaa isugu soo baxay waddooyinka si ay u ogaadaan waxa dhacay iyo haddii uu jiro qasaare halis ah.

Suxufiga isbaanishka ah ee Guillem Balague ayaa ka mid ah dadka ku sugan Talyaaniga si uu u tabiyo falcelinta ciyaarta, wuxuuna soo dhigay baraha bulshada: “Dhulgariir 3.2 ah wuxuu la mid yahay gawaari xamuul ah oo ku dhacay dhismo.  Ama in ka badan toban baabuur oo xamuul ah.  Dhaqdhaqaaqa dhismaha iyo sawaxanka ayaa xoog leh.  Waan ogahay taas sababtoo ah waxay nagu dhacday inagoo joogno magaalada Naples. ”

Kooxda ka dhisan La Liga ayaa caawa oo Talaado ah garoonka Diego Armando Maradona ku ciyaari doonta kulankii labaad ee Group C  iyadoo labada kooxood ay hore usoo qaateen seddex dhibcood kulankoodii koowaad.  Waxaa jira ballanqaadyo waxqabad badan oo garoonka dhexdiisa ah iyadoo ay iska hor imaan doonaan xidigaha kala ah Jude Bellingham,Toni Kroos iyo Victor Osimhen iyo kvara khvrskheliea.

WQ: Sakariye Cabdixakiin Maxamed

Xubin ka tirsan Khawaarijta oo isu soo dhiibay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Jubbada hoose

Kismaayo: Maxamed Cumar Maxamed oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa isu soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada hoose.

Maxamed Cumar ayaa ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ee degmada Jamaame iyo nawaaxigeeda

Guutada 11-aad Qeybta 43-aad ee XDS ayaa Maxamed oo ay eryanayaan maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ka dhiciyey islamarkaasna ka badbaadiyay, soona dhoweeyey.

Maxamed Cumar Maxamed ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Khawaarijta ay ka xaysteen isagoo 8-jir haatan dadiisu ay tahay 21-sano jir

Wuxuuna intaasi ku daray kadib markii uu arkay dhagarta iyo dhibta joogtada ah ee khawaarijta iyo howlgalada ciidanka Xds kawadaan dalka uu go’aansaday inuu kasoo baxsado khawaarijta isuna soo dhiibo Ciidanka Xds

Wasiirka dhallinyarada Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Qaahira: Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha xukuumadda FS mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku jooga dalka Masar ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Masar Dr Ashraf Subxi oo sidoo kale ah guddoomiyaha guddiga fulinta Wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha wadamada Carabta.

Labada wasiir ayaa ka wada hadalay xoojinta iyo kor u qaadidda iskaashiga dhinacyada jihaynta dhallinyarada, is-dhexgalka Ciyaaraha, iyo kala faa’iidaysiga khibradaha maamulka Isboortiga iyadoo dalka Masar uu ka mid yahay wadamada xagga Afrika ugu horreeye dhinaca Ciyaaraha.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud iyo Wasiir Dr Ashraf Subxi ayaa sidoo kale isla soo qaaday martigelinta xulka qaranka Soomaaliyeed ee ka qaybgalaya isreeb-reebka koobka adduunka ee qaaradda Afrika iyo sidii xulka qarankeennu Hoyad( Home) ugu noqon lahayd dalka masar inta ciyaaruhu socdaan maadaama tashiilaad badan oo xulalka qaaraddu u baahanyihiin weli dalkeenna u dhimmantahay.

Labada wasiir ayaa isla gartay in wixii farsamo ah loo daayo xiriirrada labada dhinac ee Soomaaliya iyo Masar waxaana Wafdiga wasiirka ka mid ahaa guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta mudane Cali Cabdi Maxamed ( Cali Shiino) oo dhiggiisa Masar kala sii xaajoon doona sidii farsamo ahaan ay dowladda Masar nooga taageeri lahayd kobcinta maamulka iyo farsamada ciyaaraha.

Dhinaca kale Wasiir Maxamed Barre iyo wafdigiisa oo ay ka mid ahaayeen agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye ayaa ka qaybgalay furitaanka tuulada ciyaaraha Masar oo ah goobo ay ku dhanyihiin noocyada kala duwan ee garoomada iyo goobaha lagu ciyaaro.

Ugu danbayn Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa u mahadceliyay danjiraha Soomaaliya ee dalka Masar Amb. Ilyaas Sheekh Cumar iyo Diblumaasiyiinta kale ee safaaraddeena Qaahira oo shaqo qurux badan la qabtay Wasiirka iyo wafdigiisa.

Hay’adda cilmi baarista baddaha Soomaaliyeed oo digniin u dirtay shacabka Soomaaliyeed

Waxaana aad ina soo gaaray, hay’adda maareynta musiibooyinka ku magacowday ogeysiiskeeda DIGNIIN, in saadaashu sheegayso roobab mahiigaana oo ku soo wajahan dalkeena.

Hay’adda cilmibaarista badaha Soomaaliyeed, wey dareensaneed isbedelka cimillada ee la filan karo Deyrta, laakiin waxay aad u eegeysay dhinaca Badda oo hadda ay ka soo saareyso baaqaan ay ku magacawday Digniinta L.2, ee ISBEDELKA XAALADDA BADDA EE LA FILA KARO IYO SIDAAN:
1. IN ROOBAB BADAN OO GAARAYA SADDEX DALOOL ROOBKII DI’I JIRAY WAQTIGAAN, BADDANA DAADADKA DHULKA U BADDANA KU DA’AYAA SIDA BERRIGA.

2. Daadadka Waadiyada iyo Wabiyada waxay kor usii qaadi karaan Heerka (Level) ka BADDA.

3. Waxaana intaa la sii jira in Qorraxdu ay ka tallaabsatay DHULBARAHA ayadoo Koonfur u socota 23 September 2023; HADDABA kuleylku wuxuu jiraa Deyrta Koonfurta Dhulbaraha, Waqooyiga Dhulbaruhu waa Diirimaad Qabow iyo BARAF Deyrta.

Sidaa awgeed, waxaa aad u suuragal ah inuu Dhalaalo Barafka Badweynta Waqooyi “Artic” soona gaaraan Biyaha Barafku Badweynta Hindiya.

Haddaba sababaha Saddexda ah ee aan soo xusay iyo Wax kale oo raaci karto waxay kordhin karaan heerka Badda: (Buuxin karaan) Kicin karaan, qasi karaan, taasoo ay suuragal tahay in Baddu soo gasho xeebaha Barriga oo ay wax ku yeesho magaalooyinka iyo tuulooyinka xeebaha Dalka, gaar ahaan Muqdisho oo Xeebteeda Godad laga qoday oo halis ah iney baddu soo gasho una soo gudubto Magaalada, gaar ahaan Bariga LIIDO sidoo kale Koonfurta Xalane oo haddaba biyihi Baddu ay ku jiraan.

Sidaas awgeed, waxaa habboonaan lahayd in Dowladda hoose ay arrintaas xal u helaan oo ah duugista godadka Xeebaha iyo dhisid Darbi ilaa 0.5 (Nus) Mitir ah meelaha qaarklood sida Koonfurta Xalane ee Muqdisho.

Share this Article

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Addis Ababa uga qeyb galay Shirka Iskaashiga Wasiiradda Maaliyadda Geeska Afrika

Addis Ababa-Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa ka qeybgalay furitaanka shirka 18-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa initiative).

Shirkaan ayaa looga hadlay horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka Geeska Afrika kaas oo uu ugu horeeyo fulinta qorshayaasha isku socodka ganacsiga gaar ka ee bulshooyinka dalalkaasi ay maamulaan.

Wasiirka Maaliiyadda Soomaaliya ayaa khudbad kooban oo uu ka jeediyay shirka waxa uu uga hadlay mudnaanta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u leedahay ka qeybgalka shirkaan iyo hirgalinta qorshayaasha iskaashi ee dhanka maalgashiga iyo fursadaha dhaqaale ee dalalka Geeska.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo markii kowaad ka qeybgalaya shirkaan ayaa si diiraan loogu soo dhaweeyee shirka.

Wasiirka Maaliyadda dalka Itoobiya Mudane, Axmed Shide oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Sanadkan ee Iskaashiga Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika ayaa ku boogadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay heer wanaagsan uga gaartay hannaanka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya ee ECF.

     

NISA oo gacanta kusoo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed, oo waayihii dambe faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasiloonida iyo Dowladnimada Soomaaliya, sidoo kalana taageerayay Khawaarijta.

Sufyaan oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo deganaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayay hay’adda NISA kasoo dejisay magaalada Muqdisho waxa ayna ku bilawday baaritaanno iyo wareysiyo la xiriira cilaaqaadka kala dhaxeeya argagixisada, shabakadaha kale ee ku xiran iyo shaqsiyaadka la wadaaga fikirkan halista ku ah guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA waxaa ka go’an in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh argagixisada, kuna garab siineysa dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta XFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo

Baydhabo- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Maamulka Koonfur Galbeed,waxaana Garoonka diyaaradaha shaati-Gauddud ku soodhaweeyey Wasiiirro,Xildhibaano iyo Saraakiil katirsan Maamulka KGS.

Wafdiga Wasiirka waxaa qayb ka ah Wasiirada Warfaafinta dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasinka Warfaafinta Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale.

Ujeedka Safarka Wasiirka ee Baydhabo ayaa ah ka qeybgalka shir wadatashi ah oo Wasiirada Warfaafinta dowladda Federaalka kuwa dowladd Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir OO Magaaladaas uga furmaya.

Ciidanka xoogga iyo saaxiibbada caalamiga oo duqayn ka fuliyay Bu’aale

Bu’aale- Xalay abbaare Sideeddii fiidnimo ayaa duqeymo dhanka Cirka lala beegsaday seddex saldhig oo malleeshiyaadka Khawaarijta ku lahaayeen Degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe.
Duqeeynta ayaa waxaa iska kaashaday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Sasxiibbadooda Calaamaka.

Sedexda goob ee duqeynta ka dhacdey ayaa waxaa kamid ah.

1-Dhismaha xarunta. degmada.

2- Xero Tababar oo maleeshiyaadka khawaarijta ku lahaayeen Duleedka Bu’aale aaga masjidka dabaqa.

3-Dhismo ku yaallo Buundada Bu’aale ee malleeshiyaadka khawaarijtu ay ku shirayeen.

Waxaa jiro qasaaro xoogan oo isugu jiro dhimasho iyo dhawac oo la gaarsiiyay horjoogayaasha iyo malleeshiyaadka Khawaarijta.

Maalmihii ugu dambeeyay maleeshiyaadka khawaarijta waxay bilaabeen inay gaadiidka kala dagaan dhalinyaradda safarka ah.