Wasiir Al-caddaala: Dagaalka sanad jirsaday ee lagula jira khawaarijta wuxuu keenay in uu burburo gebi ahaanba nidaamkii argagixisada

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane, Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala oo ka qeyb galayay Barnaamij looga hadlayay sanad kadib maxaa ka qabsoomay dagaalka lagula jiro khawaarijta oo ka baxayay Warabaahinta Qaranka ayaa sheegay in guula waa weyn dowladda iyo shacbka oo is garabsanayo ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, ayna burbureen awooddii cadaowgu uu lahaa sanad ka hor.

” Dagaalka sanad jirsaday ee dowladda iyo shacabku ku qaadeen Khawaarijta waxaa uu keenay in gabi ahaan uu burburo nidaamkii dhisnaa ee kooxda dhan walba” Wasiir Al-caddaala.

Wasiirka Al-caddaala ayaa sheegay in gebi ahaanba uu baaba’ay nidaamkii maamul iyo midkii dhaqaale, sirdoon iyo ciidan ee khawaarijtu ay dadka ku dhibateyn jireen shacabka

Waxa uu sidoo kale tilmaamay wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala in baraarugga dadka shacabka ah ee dhagarta khawaarijta oo markii hore u dulmaana hadda ay shacabka Soomaaliyeed marayaan in ay dilaan oo ay la dagaallamaan, taas oo uu ku sheegay marka laga tago awoodda ciidan ee dowladda midda keentay guusha in laga adkaado argagixisada.

Dagaalka dalka looga saarayo khawaarijta ayaa sanad jirsaday, iyadoo degaanno badan oo dalka ah laga saaray khawaarijta, waxaana weli degaannada qaar ka soconayo sifeynta khawaarijta.

Madaxweynaha Ethiopia oo Warqadaha Aqoonsiga ka guddoontay Danjiraha Soomaaliya ee Ethiopia

Addis Ababa:- Madaxweynaha Dawladda Ethiopia, Sahle Work Zewde ayaa si rasmi ah warqadaha aqoonsiga uga guddoontay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane, Cabdullaahi Maxamed Warfaa.

Munaasabad hab-maamuuskeedu sarreeyo oo ka dhacday aqalka Madaxtooyada Ethiopia ee Addis Ababa ayaa lagu qaabbilay Danjire Warfaa iyo qaar kamid ah Diplomaasiyiinta safaaradda, waxaana Madaxweyne Zewde iyo Danjire Warfaa oo wada yeeshay kulan muhiim ah ay isku afgarteen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

   

Xildhibaan Marwa Cabdi oo la kulantay Xoghayaha guud ee midowga Baarlamaanka Adduunka

Geneva:-Xilidhibaan Marwa Cabdi Bashiir ayaa kulan kula  yeelatay magaaladda  Geneva Xoghayaha Guud ee Midowga Baarlamaanka Aduunka Mr. Martin Chungong.

Marwa Cabdi Bashiir  iyo Xoghayaha Guud ee Midowga Baarlamaanka Aduunka  ayaa ka wada hadlay  xoojinta iskaashiga wadajirka ah  gaar ahaan doorasharad Guddoonka Midowga Baarlamaanka Adduunka oo lagu wado in ay ka dhacdo bishaan October, dalka Angola.

Xoghayaha Guud Mr. Martin Chungong  ayaa   Marwa Cabdi Bashiir uga warbixiyay  halka ay marayaan diyaar garowga iyo dib u eegista qorshaha shaqo ee howlaha mustaqbalka ee Midowga Baarlamaannada Adduunka.

xilka Madaxweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka ayaa waxa  u sharaxan afar dowladood oo Afirka oo  kala ah Soomaaliya, Tanzaaniya ,Senegal, Malawi.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya
Muqdisho, Arbaco, 04 October, 2023

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli ku guda jira hoggaaminta dhameystirka wejiga 1aad ee dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta Al Shabab ee ka socda gobollada dhexe.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay siyaasiyiin ka soo jeeda Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

3- Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeyay geerida allaha u naxariistee Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Marxuum cali ugaas Cabdulle.

4- Gudddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley aaska Duqii Hore ee Muqdisho Danjire Cali Ugaas Cabdulle.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Muqdisho ku qaabilay Danjira dalka Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya.

6- Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu horkacayo oo booqday magaalada Dhuusamareeb oo ah xarunta hawlgalada dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta ee ka socda gobollada dhexe.

7- Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqdey xukunka 11 xubnood oo ku eedeysanaa musuqmaasuq.

8- Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa oo Baydhabo kula kulmay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle.

9- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in dowladda ay ku guuleysatey in dakhliga uu kordho 25%, taas oo ka dhigan in xukuumaddu ay ku filnaato in ay bixio mushaaraadka iyadoo aan u baahan kab kale.

10- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa Addis Ababa uga qeyb galay Shirka Iskaashiga Wasiiradda Maaliyadda Geeska Afrika.

11- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed, oo waayihii dambe magaalada Nairobi ka faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasiloonida iyo dowladnimada Soomaaliya.

12- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo ahaa shaqsigii ugu muhiimsanaa ee cadowga Khawaarijta,kaas oo dibadda ka soo iibin jiray hubka iyo waxyaabaha loo adeegsado qarxyada ee lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed.

13- Qaar ka mid ah maliishiyaadka Al Shabab oo isku soo dhiibay Ciidamada Qalabka Sida , iyagoo go’aansadey inay ka haraan fikirka xagjirka ah.

14- Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sarre Dayax Cabdi Cabdulle ayaa gaaray deegaanka Cali Fooldheere oo hoostaga degmadda Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

15- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanayaa Ciidanka ATMIS ayaa degaanka Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe ka qabsadey Khawaarijta Al Shabab.

16- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ka furay shirka wadatashiga Wasaaradaha Warfaafinta Dowlad Goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

17- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Carabiya kula kulmay Wasiirka Hiddaha iyo Dhaqanka Amiir Bandar bin Cabdulcasiis Al Saud iyo Wasiirka waxbarsahada dalkaasi Youssef Al-Bunyan.

18- Wasiirka Dhalinyarad iyo Cayaaraha Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku jooga dalka Masar ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Masar Dr Ashraf Subxi.

19- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Sooomaaliya, mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ku soo xiray shirka diyaarinta qorshe hawleedka hirgelinta istaraatiijiyadda qaran ee isku xirka xiriirka warbaahinta.

20- Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagtay fariin digniin ah oo ku aaddan in laga digtoonaado waxyeelada ka dhalan kara xaaladda El-Nino ee dhanka cimilada.

21- Ciidanka ammaanka ee degmada Doolow oo fashiliyay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

22- Ciidamada Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee ka howlgala gobolka Gedo ayaa howlgal ay ka sameeyeen Degmada Luuq ku soo qabtey dhagar qabe Maxamed Cali Cismaan oo ka tirsanaa Khawaarijta, kaas oo ku howlanaa dhibaateynta Shacabka deegaankaas.

23- Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya Gaashaanle Sarre Dayax Cabdi Cabdulle ayaa booqday degaanka Biyacadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
24- Ciidanka Qalabka Sidao o horumar weyn ka sameynaya goobaha dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al Shabab, gaar ahaan dagaaladii dhowaan ka dhacay gobollada dhexe.

25- Ciidamada Qalabka Sidao o shaaciyay liiska ilaa labaatan horjooge oo ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay hawlgalada dalka ka socda.

26- Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo tababar u soo xiray Ciidamada Ilaalada Degaanka ee caasimadda.

==============DHAMMAAD==============

Howlgallo Jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta oo wali ka socda howdka deegaanka Shabeellow ee Mudug

Ciidamada Xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo xoogagga Difaaca Shacabka ee Koofurta gobolka Mudug ku sugan ayaa dagaal culus oo dhowr jaho ah ku qaaday dhulka howdka ah ee deegaanka Shabeellow iyo godad ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta halkaas oo qasaare xoogleh lagu gaarsiiyey cadowga.

Ciidamada huwanta ah oo la socday dhaqdhaqaaqa Khawaarijta ayaa helay xogta goob ay isku aruursaneysay kooxdu oo ay dooneysay inay ka soo abaabusho dagaal iyo qaraxyo waxaana ay iyaga oo xogtaas ka duulaya ay saaka dagaal dhowr jaho ah ku qaadeen goobtii halkaas oo khasaare xoogleh lagu gaarsiiyey cadowga.

Dagaalkii saaka ayaa Khawaarijta looga saaray godadkii ay gabbaadka ka dhiganaysay ee deegaankaas, mar kale ayaa ciidanku galabta weerar ku qaaday habqankooda, saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaana Warbaahinta Qaranka u sheegay in cadowga cashar lama iloobaan ah loogu dhigay howdka Shabeellow.

Horjooge iyo maleeshiyaad lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose iyo hawlgal kale oo ka socda Shabeellaha Dhexe

Hawlgal ay iska kaashadeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa lagu dilay horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa dabagalka ee gobolka Shabeellaha Hoose, labo maleeshiyo ah oo la socotay iyo xubin kale oo ay u adeegsan jireen soo uruurinta lacagaha baadda ah.

Horjoogahan oo lagu magacaabi jiray Faarax Yare iyo xubnaha kale ee wehlinayay ayaa hawlgalka lagu beegsaday xilli ay marayeen tuulada Raydableey oo u dhaxeysa deegaannada Mubaarak iyo Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Maxamuud Xasan Kadiye (Biriq) oo ahaa oday dhaqan beenaad kaas oo Khawaarijta u qaabilsanaa soo uruurinta lacagaha iyo dacwooyinka qabiilka, si gaar ahna ugu xil saarnaa Ceelasha Biyaha ilaa Ugunji ayaa isna lagu soo afjaray hawlgalkaas.

Khawaarijta ayaa Oday beenaadkan hore ugu abaalmarisay Qori iyo Gaari Toyota Probox ah, waxaana xilliga uu hawlgalku dhacayay uu halkaas u joogay in uu Khawaarijta u geeyo Qori iyo Boosh ay madax-furasho ahaan ugu xukumeen muwaadin Soomaaliyeed oo ay gaari xoog kaga heysteen.

Dhinaca kale, Ciidanka Qaranka iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa hawlgal qorsheysan waxa ay ka wadaan dhulka hawdka ah ee degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe halkaas oo in kabadan tobban maalmood ay ku go’doonsan yihiin maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta.

Dowladda oo kaashanaysa Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamiga ah waxaa ka go’an in la ciqaabo dhagar qabeyaasha Khawaarijta ah ee ku dhiirran falalka shacabka iyo dalka lagu dhibaateynayo, isla markaana ka dhaga adayga in ay ka haraan fikirka iyo ficilada Khawaarijta.

Dhagar qabe ka tirsanaa khawaarijta oo isu dhibay ciidanka xoogga dalka

Baydhabo- Isxaaq Aadan Shuceyb (Cumraani ) ayaa maanta isku soo dhiibey qeybta 60-aad, gaar ahaan Ururka 46-aad ee uu fadhigoodu yahay degaanka Goof-gaduud buureey ee gobolka Baay.

Isaaq Aaden ayaa Tababar kusoo qaatey degmada jilib Ee gobalka Jubbada dhaxe, wuxuuna ka tirsanaa waxa ay khawaarijta ugu yeeraan qaybta jabhadaha, isagoo la shaqaynayay muddo laba sano ah.

Cumraani ayaa ugu dhallinyaradii saaxiibada ay ahaayeen ee ku haray khawaarijta ugu baaqay in ay isaga soo tagaan dhagarta ay argagixisadu ku hayaan da’yarta Soomaaliyeed.

 

Dowladda oo warbixin kasoo saartay howl galladii ugu dambeeyay ee Galmudug iyo Hirshabeelle looga xoreynayo Khawaarijta

Akhriso; Tirada, Magacyada iyo Xilalka, horjoogeyaasha Khawaarijta ah ee lagu dilay, lagu dhaawacay, inta isa soo dhiibtay iyo kuwa baxsadka ah ee hawlgalladii u dambeeyay ee Galmudug iyo Hirshabeelle.

Dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta oo labadii bil ee u dambeysay si qorsheysan oo aan hakad lahayn uga socday dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle waxa uu saameyn xoog leh ku yeeshay argagixisadii ku dhuumaaleysan jirtay deegaannadaas.

Dagaallo toos ah iyo duqeymo dhinaca cirka ah oo Khawaarijta jab xoog leh gaarsiiyay ayay dowladdu sameysay labadii bil lasoo dhaafay, ilaa 19 Horjooge ayaa lagu khaarijiyay dagaallada ka socda dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Haddaba halkan waxa aan kusoo gudbineynaa xogta Horjoogeyaasha lagu dilay hawlgalladii u dambeeyay, kuwa la dhaawacay, inta isi soo dhiibtay iyo kuwa baxsadka ah.

Horjoogeyaasha lagu dilay iyo kuwa lagu dhaawacay duqeymaha iyo dagaallada tooska ah ee ka dhacay dowlad goboleedka Galmudug, magacyada iyo xilalka:

  1. Horjooge Khaliif Gaambe waa dhaawac, waxa uu ahaa horjoogaha ugu sarreeyay jabhadaha Khawaarijta ee Galmudug.
  2. Horjooge Salaad Cai Geeddi waa la dilay, waxa uu ahaa ku xigeenkii Jabhadaha Khawaarijta ee Galmudug.
  3. Horjooge Olol Cali Guuleed waa la dilay, waxa uu ahaa Abaanduulihii Jabhadaha Khawaarijta ee Galmudug.
  4. Horjooge Maxamuud Bashiir Muuse waa la dilay, waxa uu ahaa Madaxii Jabhadaha Khawaarijta ee gobolka Mudug.
  5. Horjooge Shuuke Cali Dheeg waa la dilay, waxa uu ahaa Kuxigeenkii Abanduulaha Jabhadaha Khawaarijta ee Galmudug.
  6. Horjooge Ciise Barre waa la dilay, waxa uu ahaa horjooge kooxeed ka hawlgali jiray Galmudug.
  7. Horjooge Xasan waa la dilay, waa uu ahaa horjoogihii waxa ay ugu yeeraan fursaanta ee ka hawlgali jiray Galmudug.
  8. Horjooge Maslax waa dilay, waxa uu ahaa horjooge kooxeed ka hawlgali jiray Galmudug.

Horjoogeyaasha lagu dilay iyo kuwa lagu dhaawacay duqeymaha iyo dagaallada tooska ah ee ka dhacay dowlad Goboleedka Hirshabelle, magacyada iyo xilalka.

  1. Horjooge Cabdullaahi Ciilow waa la dilay, waxa uu ahaa kuxigeenkii Jabhadaha Khawaarijta ee hawlgali jiray Hirshabelle.
  2. Horjooge Casood waa la dilay, waxa uu ahaa ninka leh awoodda 3aad ee Jabhadaha Khawaarijta ee ka hawlgalayay Hirshabelle.
  3. Horjooge Cabdullaahi Xuseen Qodax (Madoobe) waa la dilay, waxa uu ahaa madaxii Qaraxyada Khawaarijta ee Hirshabelle.
  4. Horjooge Saylici waa la dilay, waxa uu ahaa madaxii Warbaahinta Khawaarijta ee Hirshabelle.
  5. Horjooge Bagaax waa la dilay, waxa uu ahaa madaxii weerarada arbushaadda Khawaarijta ee Hirshabelle.
  6. Horjooge dabaashe waa la dilay, waxa uu ahaa Horjooge kooxeed ka hawlgalayay Hirshabelle.
  7. Horjooge Sheekh Cabdi waa la dilay, waxa uu ahaa horjoogihii waxa ay ugu yeeraan fursaanta ee ka hawlgalayay gobolka Hiiraan.
  8. Horjooge Muhaajir waa la dilay, waxa uu ahaa madaxii maaliyadda gobolka Hiiraan.
  9. Horjooge Axmad Maxamed (Xerow ama Nadiir) waa dilay, waxa uu ahaa horjoogihii Maleeshiyadka gurmadka Khawaarijta ee Hirshabelle.
  10. Horjooge Shucayb waa la dilay, waxa uu ahaa horjoogihii dabagalka maleeshiyaadka iyo Horjoogeyaasha Khawaarijta ee Hirshabelle.
  11. Horjooge Yoonis (Shaafici) waa la dilay, waxa uu ahaa horjooge Kooxeed ka hawlgali jiray Hirshabelle.
  12. Horjooge Cabdijabbaar waa la dilay, waxa uu ahaa horjooge Kooxeed ka hawlgali jiray Hirshabelle.

Horjoogeyaasha isa soo dhiibay Galmudug iyo Hirshabelle.

  1. Horjooge Nuur Deeq waxa uu ahaa ninka leh awoodda 3aad Khawaarijta ka sugneed Galmudug, waa uu isi soo dhiibay.
  2. Yuusuf Gaab waxa uu ahaa horjooge Jabhadeed ka hawlgali jiray Galmudug, waa uu isi soo dhiibay.
  3. Nuur Gacal waxa uu ahaa horjooge Jabhadeed ka hawlgali jiray Hirshabelle, waa uu isi soo dhiibay.

Horjoogeyaasha Baxsadka ah ee ku dhuumaaleysanaya Hirshabelle.

  1. Horjooge Xasan Nuur waa baxsad, waa madaxa Jabhadaha Khawaarijta ee Sh.dhexe.
  2. Horjooge Yuusuf Cali Ugaas waa baxsad, waa madaxa gobolka Hiiran ee Khawaarijta.
  3. Horjooge Nuur Macaloow waa baxsad, waa ku xigeenka madaxa Khawaarijta ee gobolka Hiiraan.
  4. Horjooge Mad Gaab waa baxsad, waa horjooge Kooxeed ka hawlgala gobolka Hiiraan.
  5. Horjooge Yuusuf waa baxsad, waa horjooge Kooxeed ka hawlgala gobolka Hiiraan.

Horjoogeyaasha Baxsadka ah ee ku dhuumaaleysanaya Galmudug.

  1. Horjooge Mara-Cadde waa baxsad, waa ku xigeenka madaxa gobolka Galgaduud ee Khawaarijta.
  2. Horjooge Nuunuule waa baxsad, waxa uu ka mid yahay horjoogeyaasha sare ee Khawaarijta gobolka Mudug.

Beegsiga lagu laayay inta badan horjoogeyaashii Khawaarijta waxaa sii dheer Kun lix boqol iyo konton (1650) Maleeshiyo ah oo lagu dilay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Galmudug iyo Hirshabelle halka dhaawacuna kor u dhaafay 550 oo malleeshiyo ah.

   

Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS oo Baydhabo ka furay shirka isku duwidda arriamaha Bini’aadan-nimada

Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ka daah-furay Shirka madasha iskuwidda Arrimaha Bini’aadanimada oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA.

Shirkaan waxaa ka qeybgalay,Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane, Maxamuud Macallim Cabdulle, Wasiiradda Wasaaraddaha Gargaarka Dowladd Goboledyada Hirshabelle, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed,Gobolka Banaadir iyo Wakiillo ka socda Beesha Caalamka.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa xaalada bini’aadamnimo ee dalka, Xasilinta goobaha laga xoreeyey khawaarijta iyo Xaalada El-Niño ee wadankeenna ku soo wajahan.

Daah-furka madasha ayaa waxaa Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac ku wehliyey ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur galbeed ahna guddoomiye ku xigeenka Koobaad.

Ra’isul Wasaaraha XFS oo xarigga ka jaray waddada Taleex oo dib u dhis lagu sameeyay

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane Xamza Cabi Bare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarigga ka jaray Waddada Taleex oo dhawaan uu maamulka Gobolka Banaadir dib udhis ku sameeyay, isaga oo kaa shanaya maamulka Degmada iyo bulshada degaanka.

Sidokale, Xarigjarkan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Hodan iyo qeybaha bulshada rayidka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) ayaa ugu horeeyn munaasabadda ka sheegay in maamulka Gobolka uu ahmiyad gaar ah siinayo dib udhiska waddooyinka Caasimadda iyo horumarinta bilicda magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in dhismaha waddooyinka halbowlaha ah ay kor u qaadayaan, Nabadda, Ganacsiga iyo Horumarka kala duwan Caasimadda.