Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga oo qaadanaya Dufcadii 3-Aad

-Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga oo ah hay’ad tacliin sare oo xukuumi ah, looguna talagalay in uu soo saaro saraakiil iyo howlwadeenno leh aqoonta iyo xirfadaha sare ee looga baahan yahay hogoominta iyo horumarinta howlaha amniga qaranka soomaaliyeed waxa uu cidda daneyneysa ogeysiinayaa in uu furmay wajiga kowaad ee is diiwaangalinta barnaamijyada machadku bixiyo.

Machadku waxa uu bixinayaa xilligan afar takhasus oo kala ah:

 Dibloomada Sare ee Maamulka laamaha Amniga (Higher Diploma in Security Institutions Management)
 Dibloomada Sare ee Cilmiga Danbiyada (Higher Diploma in Criminology)
 Dibloomada Sare ee Daraasaadka Amniga (Higher Diploma in Security Studies)
 Dibloomada Sare ee Amniga Fikirka (Higher Diploma in Intellectual Security)

Sidoo kale machadku waxa uu bixinayaa koorsooyin lagu baranaayo luqadaha English-ka iyo Carabiga oo ay bixinayaan macalimiin ajaanib ah oo si hufan loo soo xulay.

Hadaba si aad u hesho faahfaahinta takhasusyada uu machadku bixinaayo ku dhufo/guji linkigaan:https://bit.ly/HAGAHADIIWAANGELNTAHISS.

Si aad u marto wejiga kowaad ee is diiwaangalinta dibloomooyinka sare ku dhufo/guji linkigaan:

https://bit.ly/DIPLOMAPROGRAMS

Si aad isaga diiwaangaliso koorsooyinka luqadaha English-ka ama Carabiga ku dhufo/guji linkigaan:

https://bit.ly/LANGUAGEPROGRAMS

FG: Hadii aad qabto su’aal ama aad dooneyso faahfaahin dheeri ah, fadlan fariin qoraal ah ku soo dir:

WhatsApp: +252 61 1015024/+252 61 1015020
ama
Email: [email protected]

Haweeney ku guuleysatay Abaalmarinta Nobel Peace Prize 2023-ka (MAQAAL)

Abaalmarinta Nobel Prize  ah oo loo yaqaan ‘Nobelpriset;: Nobelprisen ayaa ah lix leyliska caalamiga ah ee sannadlaha ah ee loo yaqaan’ Swedish ‘iyo’  Norwegian ‘, ee lagu abaalmariyoamashaqsiyaadka gacan ka geysta  horumarinta sayniska, dhaqaalaha iyo nabadda.

Doorashada aqoonyahanka Iswiidhan oo lag magacaabo Alfred Nopel ayaa aasaasay abaalmarinnadii 1895. Abaalmarinta Kimistaanta, suugaanta, nabadda, fisigiska, jimicsiga iyo daaweynta ayaa markii ugu horraysay la siiyay 1901. Sanadkii 1968, Sveriges Riksbank (Baanka dhexe ee Iswidhan) wuxuu aasaasay abaalmarinta Sveriges Riksbank ee dhaqaalaha dhaqaalaha ee Alfred Nobel, oo loo yaqaan ‘Nobel Prize in Economics’ Abaalmarinta Nobel ayaa si weyn loo tixgeliyaa abaalmarinta ugu qiimaha badan ee suugaanta, daawada, fisikiska, kiimikada, dhaqaalaha iyo firfircoonida nabadda.

Abaalmarinta Nobel Prize ee Physics, Nobel Prize for Chemistry, iyo Sveriges Riksbank abaalmarinta dhaqaalaha dhaqaalaha ee xasuusta Alfred Nobel; Golaha Nobel ee Karolinska Institutet wuxuu abaalmarinta Nobel Prize ee Physiology ama Daawada; Akadamiyadda Iswiidhen waxay bixisaa abaalmarinta Nobel Prize ee suugaanta; iyo abaalmarinta Nobel Peace Prize ah oo aan abaalmarin haysan hay’ad iswiidhish ah laakiin Guddiga Nobel ee Nobel.

Haddaba Guddiga Nobel-ka Norway ayaa xaflad ka socotay magaalada Oslo ku guddoonsiiyay Abaalmarinta Nabadda Ee Nobel Peac Prize 2023-ka  haweeneyda 51-jir ah, ee u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha iyo la-dagaalanka dulmiga lagu hayo haweenka Dalka Iran Ms Narges Mohammadi. Ms Narges Mohammadi, waxay dhalatay Sanadkii 1972-kii, waxaana la guddoonsiiyay abaal-marin nabadeed, iyo waxyaabo kale, oo ay ku mutaysatay u doodida xuquuqda haweenka ee wadaadada Iran.

Ms Narges Mohammadi waa khabiir dhinaca physicist ah oo tababaran saxafi ah muddo badanna ku soo shaqeeysay xirfadeeda saxafinimo balse hada waxay ku xirantahay xabsiga Evin ee ku yaala magaalada Tehran ee Dalka Iiran sida la sheegayna waxaa loo xiray aragtideeda, balse Sannadkii 2016-kii, ayaa lagu xukumay 16 sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay “in ay faafisay dacaayad ka dhan ah dawladda” iyo in ay xubin ka tahay “urur sharci-darro ah oo ujeeddadiisu tahay in lagu waxyeeleeyo amniga qaranka”. Lagama sii deyn doono xabsiga caanka ah ee Evin ee Tehran ilaa 2026.

Guddoomiyaha guddiga Nobel-ka Ms Berit Reiss-Andersen ayaa xaflad ka dhacday magaalada Oslo, ka sheegtay in abaal marinta qaaliga ah la siiyay Ms Narges Mohammadi ay ku mu teysatay “la dagaalanka ay kula jirto dulmiga haweenka Iran iyo dagaalka ay u gashay horumarinta xuquuqul insaanka iyo xoriyada dadka oo dhan”,

Guddoomiyaha guddiga Nobel-ka Ms Berit Reiss-Andersen ayaa ku boorisay Dowladda Iran iney xabsiga ka sii deyso Ms Narges Mohammadi si ay uga qaybgasho xafladda abaal-marinta ee dhaceysa bisha December Malaayiin Iiraaniyiin ah ayaa abaal-marintan ku farxi doona iyadoo ay weheliyaan dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ee adduunka, maadaama abaalmarintu ay tahay aqoonsiga dhaqdhaqaaqa guud ee hoggaamiyaha cad.

Guddoomiyaha guddiga Nobel-ka Berit Reiss-Andersen waxay kaloo sheegtay in Sanadkan, 351 musharrax loo magcaabay iney heli karaan abaal marinta Nobel-ka, kuwaas oo 259 ka mid ah ay ahaayeen shakhsiyaad halka 92-kalena ay ahaayeen ururo.

Abaalmarinta waxaa la bixin doonaa 10-ka Diseembar ee sanadkan, waxaana lagu beegay sanad-guurada dhimashadii Alfred Nobel. Balse Abaal marinta Nobel Peac Prize ayaa soo socotay tan iyo Sanadkii 1901-dii.

W/D Ustaad Omar Mohamad Kulmiye (Omar British)

Safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia oo La Kulmay Danjirayaasha Tunisia iyo Maraykanka

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ethiopia oo La Kulmay Danjirayaasha Tunisia iyo Maraykanka ee Ethiopia.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa kulamo miro dhal ah Addis Ababa kula yeeshay safiirada dalalka Tunusia iyo Maraykanka ee dalkan Ethiopia, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkaas.

Ambassador Abdelhamid Gharbi oo ah safiirka Tunusia ee Ethiopia ayaa sheegay in Dawladdiisu ay diyaar u tahay garab istaagga Soomaaliya, isagoo tilmaamay in ay Dawladda Soomaaliya ugu deeqayaan fursado deeqo Waxbarasho oo heer jaamacadeed ah.

Dhanka kale Ambassador Warfaa waxa uu kulan baaxad weyn la qaatay ku simaha Danjiraha Maraykanka ee dalka Ethiopia Mudane Mikael Cleverley, iyagoo isku afgartay in Dawladda Maraykanku ay sii xoojiso wada shaqaynta iyo garab istaaga ay la leedahay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Putin” Madaxii Wagner wuxuu ku dhintay bam ku qarxay gudaha diyaarad uu la socday”

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa soo jeediyay in burburka diyaaradda uu ku dhintay madaxii ciidamada Wagner, Yevgeny Prigozhin, ay sababeen bam gacmeed ka qarxay gudaha diyaaradda,balse uusan aheyn gantaal lagu soo riday diyaaradaasi.

Madaxweynaha ayaa xusay in in madaxa guddiga baaritaanka ee Ruushka ay xaqiijiyeen in raadadka walxaha qarxa laga helay meydadka dadkii ku dhintay shilkaasi bishii August. .

“Ma jirin wax saameyn ah oo dibadda ah oo ku yimid diyaaradda – tani mar horeba waa xaqiiqo la sameeyay,” ayuu yiri Putin, isagoo u muuqday mid qashinka ka qaadaya sheegashada saraakiisha Mareykanka oo rumeysan in diyaaradda la soo riday.

Diyaarada gaarka ah ee Embraer jet oo uu Prigozhin ku socdaalayay Saint Petersburg ayaa ku burburtay waqooyiga Moscow waxaana ku dhintay dhamaan 10-kii qof ee saarnaa 23-kii August.

Ciidanka Xoogga oo SH/Dhexe ka fuliyay howlgal lagu sifeynayo khawaarijta

Ciidamada Xoogga ee ku sugan Gobolka Sh/Dhexe iyo kuwa madaniga ah ayaa howlgal lagu sifeynayo khawaarijta ka fuliyay aagga deegaanka Ciid-Ciidka oo hoostaga deegaanka Cali Fooldheere.

Ciidanka Xoogga ee ka howlgala deegaanada u dhaxeeya Alkowsat iyo Cali Fooldheere ayaa warku intaa ku daray in howlgaladii ugu dambeeyay ay ku dilee 20 ka tirsan kooxaha nabad0diidka ah.

Taliyaha ciidanka hal qof iyo hal rasaas Cali Cabdi Ciise ayaa sheegay in lagu guuleystay burburinta saldhigyada khawaarijta ay ku lahaayeen dhulka howdka ah ee deegaanka Ciid-Ciidka.

Tiro aad u badan oo khawaarij ah ayaa lagu dilay dhulka howdka ah ee ku dhow wabiga Shabeelle,kadib markii ay isku dayeen in ay ka soo tallaabaadan halkaasi.

 

Booliska oo soo bandhigay dhacdooyinkii ka dhacay Caasimadda todobaadkii la soo dhaafay

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo xarunta taliska Ciidamada Booliska shir jiraa’id ku qabtay ayaa warbaahinta la wadaagay warbixin la xiriirta xaaladihii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali (Doodishe), Afhayeenka Ciiidamada Booliska ayaa warbaahinta la wadaagay dhacdooyinkaan, isaga oo sheegay in September 27, 2023-ka Khawaarijta ay miino dhaamish ah ay dhigeen guri uu leeyahay guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Kaaraan, balse aysan geysan wax khasaare ah, iyada oo markii dambe Ciidamada amniga ay ku baxeen.

Afhayeenka ayaa sheegay in degmada Halwadaag gaar ahaan waaxda Carta, ayaa September 29, 2023-ka uu ka dhacay shil gaari oo sababay dhimashada Wiil yar, oo 7 jir ahaa, kaas oo lagu magacaabi jiray; Xasan Ibraahim Xuseen, isaga oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray gaariga oo ahaa nuuca dadweynaha ee loo yaqaan PL.

Ciidamada Booliska ayaa markii dambe ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan darwalkii waday gaariga, isaga oo afhayeenka xusay in uu hadda xiran yahay darawalka.

30 September 2023-ka hawlgal ay iska kaashadeen qeybaha kala duwan ee Ciidamada, ayaa laga fuliyey degmada Waaber, waxaana gacanta lagu soo dhigay 40 kartoon oo ay ku jireen dhalooyin Khamri ah iyo dadkii lahaa.

Subaxnimadii hore ee October 1, 2023-ka waxaa Hoobiyaal lagu soo tuuray xaafadda Tarabuush ee waaxda Timacade ee degmada Wadajir, iyada oo halkaas khasaare ay ka soo gaareen lab qoysa, waxaana ku dhaawacantay 4 dumar ah iyo hal rag.

Isla maalintaas Ciidamada Booliska oo hawgal ka sameeyey degmada Wadajira ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan, eedeesane Cabdulqaadir Maxamed Afrax oo ahaa furo hayihii xabsiga Booliiska Degmada Beledweyne, kaas oo maxaabiis ka baxsatay xabsiga darteed uga soo baxsday Magaalada Beledweyne.

3 October 2023-ka degmada Waaberi gaar ahaan laanta Horseed ayaa mid ka mid ah muruqmaal ka shaqeenayey guri dabaq ah oo dhismihiisa socday ka soo dhacay, kaas oo geeriyooday, Ciidamada Booliska ayaa ku guuleystay in ay kiiskaan ku wareejiyaan Maxkamadda.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo kulan la yeeshay Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga Amb. Ibrahim M. Yagli.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa marka hore Danjiraha uga tacsiyeeyay qaraxii argagaxiso ee ka dhacay Magalada Ankara.

Sidoo kale kulanka Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa looga hadlay taageerada Baarlamaanka Soomaaliya, xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta Baarlamaannada Soomaaliya iyo Turkiga.

Ugu dambeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ammaanay doorka Dowladda Turkiga ka qaadato ladagaalanka argagaxisada.

In ka badan 100 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay dagaalkii ka dhacay shalay gobolka Mudug

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka baxshay dagaalkii shalay ka dhacay gobolka Mudug.

Wasiir Daa’uud ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Shabeellow ee gobolka Mudug ee dowlad gobaleedka Galmudug looga dilay Khawaarijta in ka badan 100 maleyshiyaad ah halka tiro intaas ka badan looga dhaawacay.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in ciidamada dowladda, kuwa daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka oo isgarab sanaya ay Khawaariijta ka burburiyeen dhul hawd ah, oo ay doonayeen in ay ku noolaadaan muddo.

Sidoo kale Wasiirka oo warbaahinta la hadlay ayaa sii sheegay in ciidamada dowladda iyo geesiyaasha deegaanka ay gacanta ku dhigeen hub ay lahaayeen Khawaarijta, kuwaas oo ka carareen, kaddib markii lagu qaaday dagaal jiho kasta ah.

Dhanka kale wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada Caalamiga ay hawgallo ka sameeyeen dhulka hawdka ee degmada Mahadaay, iyada oo halkaas ku go’doomiyeen Khawaarijta, kuwaas oo aan helin wax gurmad ah.

Labadii bilood ee la soo dhaafay Khawaarijta ayaa la kulmay dagaal khasaare u geystay, ka gadaal markii ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa geesiyaasha deegaanka ay ka saareen deegaanno dhawr ah oo shacabka Soomaaliyeed ay ku gumaadi jireen, xilli laga dilay horjoogayaal.

Wasiir Xasan Macallin” Dagaalka Khawaarijtu wuxuu ka socdaa gododkii ay ku dhuumaaleysan-jireen”,

Wasiirka Cadaalladda iyo Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallin ayaa sheegay in guulo la taaban karo laga gaaray dagaalka muddada sanadka ah socda ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, isagoo caddeeyay in Khawaarijtu ay lumisay deegaanno badan oo ay gacanta ku hayeen.

Sidoo kale, Wasiir Xasan Macallin ayaa tilmaamay in maleeshiyada argagixisada loogu galay gododkii iyo duurkii ay ku dhuumaaleysanayeen oo maanta la isku haysto ama dagaaalka uu ka socdo.

“Maantana waxaa la socotaan dagaallaa socda, gododkoodii Shabeellow ayuu dagaalka ka socdaa, manna ahan waxa dusha iyo cirka midna ma ahan, waa dagaal deegaanka daraawiishtii, ciidankii Dowladda ayaa la dagaallamaya dhinac kastana iskuweer yar ayay ku jiraan,” ayuu yiri wasiirka.

Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa cashar cimro qaadasho ugu filan u dhigay Khawaarijta, kuwaas oo qaarkood bilaabay in ay isa soo dhiibaan inta aysan gaarin gacanta geesiyaasha dalka halka kuwo kale ee fikirka qaldan wali aamisan-na si arxan-daran ugu dhimanayaan dhulalka howdka ah.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanka Shabeellow ee gobolka Mudug Khawaarijta looga dilay in ka badan 100 maleyshiyaad ah halka tiro intaas ka badan looga dhaawacay.

Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Arrimaha Xajka iyo Xeer-nidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Arrimaha Xajka iyo Xeer-nidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka iyo Shaqaalaha Caafimaadka, ka dib kulankoodii toddobaadlaha ahaa oo ay maanta yeesheen.

Shuruucdan oo ay soo kala gudbiyeen Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada; iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, ayaa muhiimad gaar ah u leh xujeyda iyo daryeelka bukaanka Soomaaliyeed.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, dhaqaalaha, deyn-cafinta iyo aqoon-is-weydaarsiga istiraatiijiyadeed ee Golaha Wasiirrada.

Golaha ayaa ugu dambeyntii bogaadiyey guulaha isbadaba joogga ah ee Ciidanka Qaranka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee iskaashanaya ay ka gaarayaan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.