Wasiirka Amniga oo uu wehliyo taliyaha Booliiska ayaa la kulmay Safiirka Qatar u jooga Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Amniga XFS, Maxamed Axmed Shiikh Cali (Doodishe) iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa la kulmay Safiirka Safaarada Dowlada Qatar u fadhiya magaalada Muqdisho.

Safiirka Qatar ee Muqdisho Dr. Cabdulahi Saalim Al-naciimi, ayaa waftiga ku soo dhaweeyay Safaradda, waxaa laga wada hadlay sidii loo adkeyn lahaa xariirka labada Boolis ee Qatar iyo Soomaaliya, masuuliyiinta ayaa ku balamay in la iska gacansiiyo la dagaalanka dembiyada abaabulan iyo Argagixisada.

Haweeney ku guuleysatay Abaalmarinta Nobel Peace Prize 2023-ka (MAQAAL)

Abaalmarinta Nobel Prize  ah oo loo yaqaan ‘Nobelpriset;: Nobelprisen ayaa ah lix leyliska caalamiga ah ee sannadlaha ah ee loo yaqaan’ Swedish ‘iyo’  Norwegian ‘, ee lagu abaalmariyoamashaqsiyaadka gacan ka geysta  horumarinta sayniska, dhaqaalaha iyo nabadda.

Doorashada aqoonyahanka Iswiidhan oo lag magacaabo Alfred Nopel ayaa aasaasay abaalmarinnadii 1895. Abaalmarinta Kimistaanta, suugaanta, nabadda, fisigiska, jimicsiga iyo daaweynta ayaa markii ugu horraysay la siiyay 1901. Sanadkii 1968, Sveriges Riksbank (Baanka dhexe ee Iswidhan) wuxuu aasaasay abaalmarinta Sveriges Riksbank ee dhaqaalaha dhaqaalaha ee Alfred Nobel, oo loo yaqaan ‘Nobel Prize in Economics’ Abaalmarinta Nobel ayaa si weyn loo tixgeliyaa abaalmarinta ugu qiimaha badan ee suugaanta, daawada, fisikiska, kiimikada, dhaqaalaha iyo firfircoonida nabadda.

Abaalmarinta Nobel Prize ee Physics, Nobel Prize for Chemistry, iyo Sveriges Riksbank abaalmarinta dhaqaalaha dhaqaalaha ee xasuusta Alfred Nobel; Golaha Nobel ee Karolinska Institutet wuxuu abaalmarinta Nobel Prize ee Physiology ama Daawada; Akadamiyadda Iswiidhen waxay bixisaa abaalmarinta Nobel Prize ee suugaanta; iyo abaalmarinta Nobel Peace Prize ah oo aan abaalmarin haysan hay’ad iswiidhish ah laakiin Guddiga Nobel ee Nobel.

Haddaba Guddiga Nobel-ka Norway ayaa xaflad ka socotay magaalada Oslo ku guddoonsiiyay Abaalmarinta Nabadda Ee Nobel Peac Prize 2023-ka  haweeneyda 51-jir ah, ee u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha iyo la-dagaalanka dulmiga lagu hayo haweenka Dalka Iran Ms Narges Mohammadi. Ms Narges Mohammadi, waxay dhalatay Sanadkii 1972-kii, waxaana la guddoonsiiyay abaal-marin nabadeed, iyo waxyaabo kale, oo ay ku mutaysatay u doodida xuquuqda haweenka ee wadaadada Iran.

Ms Narges Mohammadi waa khabiir dhinaca physicist ah oo tababaran saxafi ah muddo badanna ku soo shaqeeysay xirfadeeda saxafinimo balse hada waxay ku xirantahay xabsiga Evin ee ku yaala magaalada Tehran ee Dalka Iiran sida la sheegayna waxaa loo xiray aragtideeda, balse Sannadkii 2016-kii, ayaa lagu xukumay 16 sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay “in ay faafisay dacaayad ka dhan ah dawladda” iyo in ay xubin ka tahay “urur sharci-darro ah oo ujeeddadiisu tahay in lagu waxyeeleeyo amniga qaranka”. Lagama sii deyn doono xabsiga caanka ah ee Evin ee Tehran ilaa 2026.

Guddoomiyaha guddiga Nobel-ka Ms Berit Reiss-Andersen ayaa xaflad ka dhacday magaalada Oslo, ka sheegtay in abaal marinta qaaliga ah la siiyay Ms Narges Mohammadi ay ku mu teysatay “la dagaalanka ay kula jirto dulmiga haweenka Iran iyo dagaalka ay u gashay horumarinta xuquuqul insaanka iyo xoriyada dadka oo dhan”,

Guddoomiyaha guddiga Nobel-ka Ms Berit Reiss-Andersen ayaa ku boorisay Dowladda Iran iney xabsiga ka sii deyso Ms Narges Mohammadi si ay uga qaybgasho xafladda abaal-marinta ee dhaceysa bisha December Malaayiin Iiraaniyiin ah ayaa abaal-marintan ku farxi doona iyadoo ay weheliyaan dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ee adduunka, maadaama abaalmarintu ay tahay aqoonsiga dhaqdhaqaaqa guud ee hoggaamiyaha cad.

Guddoomiyaha guddiga Nobel-ka Berit Reiss-Andersen waxay kaloo sheegtay in Sanadkan, 351 musharrax loo magcaabay iney heli karaan abaal marinta Nobel-ka, kuwaas oo 259 ka mid ah ay ahaayeen shakhsiyaad halka 92-kalena ay ahaayeen ururo.

Abaalmarinta waxaa la bixin doonaa 10-ka Diseembar ee sanadkan, waxaana lagu beegay sanad-guurada dhimashadii Alfred Nobel. Balse Abaal marinta Nobel Peac Prize ayaa soo socotay tan iyo Sanadkii 1901-dii.

W/D Ustaad Omar Mohamad Kulmiye (Omar British)

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in aysan dhayalsan digniinaha la xiriira Roobabka iyo Fatahaadaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeerey xarunta Hey’adda Maareynta Musiibooyinka, si uu qiimeeyo heerka diyaar-garow ee digniinaha la xiriira roobabka iyo fataahadda laga cabsi qabo in ay saameeyaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu kormeerka ku jirey wuxuu warbixinno ka dhegeystey qaar ka mid ah madaxada iyo khuburada hey’adda SODMA, isagoo ku boorriyey in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aadden maareynta musiibooyinka, si looga hortago dhibaato xooggan oo dadkeenna ka soo gaari karta roobabka iyo fatahaadaha ku soo foolle.

“Waxaa jira khatar ku aadden fatahaado ka dhalan kara roobab la rajeynayno in ay ka da’aan dalka, sida lagu ogaaday saadaalo cilmi ku dhisan oo la sameeyey, taas oo na-tusineysa in roobab waaweyn oo waxyeelo geysan kara ay ka di’i karaan qeybo kamid ah dalka.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaarahu wuxuu si gaar ah digniin ugu diray dadka degan wabiyada jiinkooda, kuwaas oo halis gaara ugu jira daadad xoog leh oo ku fataha, isaga oo ugu baaqay in ay ka fogaadaan hareeraha webiga iyo dhulalka godan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu dambeyn ku booriyey Hey’adaha gargaarka ee ka hawlgala dalku in si dhow ay ula shaqeeyaan Hey’adda SOMDA, si wadajir loogu diyaar garoobo masiibooyinka soo foogan.

     

SADDEX LALAMA DEGAA LA YIRI !!

Maah-maahyada Soomaalida ay ku Maah-maahdo way fara badan yihiin, waxaana laga yaabaa in qaar ka mid ah aan la aqoon macnahooda maadaama uu dadku ku yar yahay akhriska iyo qoraalka.

Waxaan halkaan ku soo bandhigeynaa macnaha iyo maahmaahdii oo is wata. Inan iyo Abeesaba Afkooda ayey u dhintaan: waxaa taa looga jeedaa haddey gabdhu edeb leedahay ama tahay mid ku fiican dhaqanka iyo diinta, aadinna meelaha xun-xun way adag tahay sidey dhibaato ugu dhacdo,

hadayse edeb darro iyo asraar ku aaddo Suuqyada waxaa soo gaaraya dhibaatooyin fara badan, halkaas ayaana Abeesada loogu magacaabay, waayo abeesadu waa mid aadanaha u geysata dhibaato iyadoo wadata sun Qatar ah, Abeeso waxaa lagu dilaa aragtida.

Rag waxaa ugu daranbaa la yiri, Asraar iyo Abaal ka dhac: waayo qofkasta haddii kibir lagu maago iyo gardarro abaalkiisana loo diido amaba la garan waayo wuxuu yahay aad ayey u dhibaato badan.

Haweenkana waxaa ugu daran baa la yiri, Heblaayooy ama tag ama joog meeshaan waxba kama tihide, waxayna ogaaneysaa inuusan ninkeedu u heynin wax rajo iyo kal gaceyl ah, kumana haboona in haweenku sidaa loogu jawaabo, waayo waa hooyadii guriga waana gacantaadi aad howsha ku aamintay.

Ballan la’aani waa diin la’aan: sababtoo ah qofkii aad ballanta iyo axdiga la gahay ee naftaadii iyo hantidaadi ku aamintay hadduu kaaga baxo waa mid aan diin lahayn.

Wixii araggoodu ku deeqo ayaa uuntoodana ku deeqdaa: waxaana taa looga jeedaa sheyga aad dooneysay ee aad u soo muraadday mar haddaad ka weydo muuqaal iyo aragti soo dhaweyn leh farxad iyo gacmo furan uuntiisana ku deeqi meyso. Waxaa halkaa ka soo baxaya dib inaad uga noqoto adigoo daallan oo culeys iyo caga jiid oo la moodo inaad jawaanno cusbo ah tunka ku sidato, sidaas ayey u dhaceysaa taasina.

Saddex lalama Rafiiqo: Ma horreeye, Ma hasaawiye, Ma hanbeeye, waxay taasina u dhaceysaa haddii la maro jid dheer iyo safar qof aan kaa soo leexineyn waddada xun ee aan ku lahayn halkaa soo mar, talo bixin iyo caqli celin ama aan isago maskaxdiisa iyo qalbigiisuba aysan ka soo maaxaneyn curis iyo halabuur u gaar ah isaga uusanna ku lahayn waxaas waxaan kaa leeyahay amaseba waxaa la yiriba, iyo midaan waxba hambeynini haddii loo martiyo reero dan yar oo soomaali ah, saddexdaasi lalama rafiiqo.

Saddex lalama degaa la yiri, Baqeyl damac badan, Fulay daandaansi badan, iyo Doqon fiiro taqaan, waxaa caddeyneysaa taas dhibaatooyinka kaa soo gaaraya haddii aad la Saaxiibto, sababtoo ah doqon fiiro taqaan, adiga unbey ceebahaada ka sheekeysaa ee kama sheekeyso quruxdaada iyo wanaaggaada, mana tixgeliso derisnimada iyo wanaagga.

WQ: C/salaam Axmed Gabeyre.

TIXANAHA SHEEKADA MAANA FAAY QEYBTII (55-AAD)

Waxayse ku beegantay goor Leyla dulqaadkeedii buux dhaafay, ee ay aad uga xanaaqday dadkii dul- tubnaa iyo warkii badnaa ee ay ku buuqayeen. Waxaa mar qura ku soo dhacday, Maxaa naagahaan iyo ciyaalkooda arrimihiinna soo dhex geliyey? Waxay ku abhisay in ay gurigeeda uga baxaan.  Markay  tii  u  dambeysay  baxday  bay

albaabkeeda hoos ka xiratay, Maanana khasab ku aamusisay.

Xanaaqii wayba ku xoogsatay. Nolol iyo ad-adeyg bay ka qaadday. Intay laab-la-kicii iska illowday bay arrintii si dhab ah ugu fekertay. Tallaabada ku habboon iyo taladii ay yarta ku biirin lahayd bay maskaxdeeda ka baartay.

Meel ay jaaha u saarto way garan weyday. Isma dhiibine maskaxday sii dhalaalisay. Mar dambaa fikradi ku soo dhacday. Fikraddii bay u bogtay, walaasheedna u gudbisay.

Waxay kula talisay, inay aroortii Axmed Jaamac ku kallahdo, arrintana farta ka saarto. Talo isagay jirtaa. Waa imtixaankiisii kama dambeysta ahaa. Waa in uu ka gudbaa, ama ku dhacaa.

Hadduu wax isku hayo, gabadhiisana daacad u yahay waa inuu dabinka kala baxaa. Waa in uu nikaaxa habeen dambe lala maaggan yahay mid ka horreeya ka gaarsiiyaa.

“Haddii kale us daacad ma kuu aha, lakhdabaas kugu wadey, adina ka tala bax; haddiid dhimaheesid dhereerka waa la iska duwaa. Sida waalidkaada kuugu taliyey iska yeel! Adduunyo nasiib lee waaye,” ayey ugu gabagabeysay.

Maana taladaas way qaadatay. Aad bay ugu riyaaqday. Hortiiba wax ku dhiirrigeliya uun bay la’ayd. Rajo fiican baa gashay. Niyaddeedii nolol baa ku soo yara noqotay. Talo kale ma jirto.

Waa in ay isla berrito subax Cagaaran isula dhuuntaan. Kaddib wixii dhacaayaaba ha dhaceen. Axmed sidaasuu ku

talin doonaa. Maana rajadaasay habeenkii oo dhan isku  maaweelinaysey.    Waaberigana dherarsanaysay.

Diiq baa dhawaaqay. Mid kalaa ka jiibiyey, wadaad baa u marag furay. Aamuskii madoobaa buu addin kala dhex kacay. Ka baxshaa ba’ay. Alalaas baa afarta jaho is-qabsaday. Digaag aleeggadaya.

Wadaaddo addimaya. Dameero orinaya. Dhallaan ooyaya. Dumar aamusinaya, iyo wixi la mid ah. Aaway dunidii daqiiqado ka hor shibta ahayd? Diiqii dhawaaqay baa dambigaas iska leh.

Inta kale waa dameeri dhaan-raacday. Dawankaas iska daba dhacay dulucdiisa la garey. Waa sagootiskii habeenkii dheeraa. Waa soo dhaweyntii waaberigii wax badan la sugayey.

Maalin taariikh leh baa madaxa keentay. Waa kala bayrkii u weynaa taariikhda nolosha Maana-Faay. Juu ama jaa. Jab aan laga kaban iyo jiritaan wacan bay maanta mid u jahaysan Jid saddexaad ma jiri karo.

Been ma sheegin murti-dhaarigii laga maqlay, laba kala bariday kala war la’. Waagaa beryey waa 13kii bisha Mowliid. Guryo Xamar Weyne ku yaal farxad buu ula beryey.

Guri Boondheere ku yaalse murugo iyo walaac buu ku soo balleeyey. Guryaha Xamar Weyne ku yaal waa reer Xaaji Muumin iyo reer Aw- Mukhtaar.

Waxa farxadda ka keenaya waa arooska afar-geeska ah ee hawlihiisii maanta loo wada heegan yahay, nikaaxiisiina caawa lagu qorsheeyey.

Guriga Boondheerena waa reer Ciise-Dheere oo Maana-Faay  ilaa  shalay  dulsaar  ku  ahayd,

murugadana u keentay. Habeenkii tagay, hammi iyo hurdo la’aan buu ku dhaafay.

Aweys Xaaji Muumin waa qofka ugu farxad badan dadka subaxaas Xamar Weyne waagu ugu beryey.

Gacalisadii Jiija ayuu habeen dambe afar gidaar dhexdood albaabka hoosta uga xiran doonaa, isagoon cidi la joogin, cidina u jeedin. Laguna ceebin mayee waaba lagu bogaadinayaa.

Alla dahabsanaa! Waxa uu sameyn doonuu ku sii riyoonayaa. Muuqaalkii u soo baxaaba farxad buu ku sii biirinayaa. Intuu is-illaawuu keligii isu qoslayaa. Markuu isgartana hareeraha iska eegayaa.

Marmarka qaarkoodse wuu isku naxayaa. Siduu imtixaanka uga gudbi doonuu ka welwelayaa. In uu wax khalduu ka cabsanayaa. Habeenkaas Aweys laba indhood isuma geyn.

Sida walaashiise murugo iyo madax-xanuun lama hurdo seegin. Farxad iyo fikrado is-jiirayuu la gam’i waayey Jiija qudheedu kama yaraysatee, wayba ka horraysaa. Adduun kaloo ay ka fekertaaba iyada uma jiro.

Waxaase farxadda ka jiiraya, dareen yaxyax iyo mid baqdineed ee markay in yar faraxsanaataba ku soo boodaya, sidii calool xanuunkii. Waa makhabiyo guri-joog ah, oo la yiri boqollaal qof baa maanta hawshaada keliya u heellan, habeenka arooskana hareerahaaga tuban ee adiga uun ku daawanaya;

ugu dambeystana nin baa aqal cidla ah la isaga kiin tagayaa, irridahana hore la idiinku sii ooday. Idinka lee waaye! Aabooy- aabooy, amuur ahaa taasi! Xumaayoo fiicanaa Fiicanaa, fiicanaa! A’aah! Wallaahi baxaraa lagu jiraa!

 

MID KA MID AH SHEEKOOYINKA BEEN HAWAAS

Been hawaas beri baa waxaa deegaan ku noolaa nin beenlow haabaana ah, oo dhagarta iyo been-abuurka ku caan baxay, waxaana wax walboo oo uu sheego loo arki jiray in aanay xaqiiq ahayn.

Maalin maalmaha ka mida ayay hooyadii geeriyootay, markaa buu dadkii la daganaa u qayshaday oo ka dalbaday inay maydka la aasaan.

Dadkii ayaa ugu jawaabay ” war orod beenta nagala tag beenta waligaa dadka inaad sirto kama kortide “, markuu wax ciidan ah oo maydka la aasa waayay, ayuu go’aan ku gaadhay inuu rati saarto oo uu magaalada u qaado si loola duugo.

Kolkii uu magaaladii gaadhay , ayuu maydkii meel saldhig boolis hortiis ah ku dajiyay, oo sidii ruux bukaan ah oo calaad raba darbi ku tiiriyay garabkana ka qabtay, markii uu cabbaar darbigii ku hayay, ayuu sargaal boolis ah u yeedhay, oo ku yiri “taliye waa hooyaday oo jirane ii sii fiiri meeshan ayaan alaab ka soo qabsanayaaye”.

Sargaalkii markuu cabbaar islaantii garabka ka hayay oo celinayay, ayuu is yidhi iska daa ways celin kartaaye

Kooxda Xamaas oo qaadday Hawl-gal ka dhan ah Israa’iil

Wararka ka imaanaya dhulka reer Falastiin ayaa sheegaya in kooxda Xamaas  ee maamusha marinka Gaza ee go’doonsan ay bilaabeen hawlgal loogu magac daray daadka Al-Aqsa oo lagu bartilmaameedsanaayo ciidanka Israa’iil ee xoogga ku heysta dhulka Falastiin

Waxa la soo sheegayaa in ay jiraan khasaarooyin kala duwan oo gaaray dadka Israa’iil,kadib markii kooxda Xamaas ay ku weeraareen kumanaan gantaallo ah.

Militariga Israa’iil ayaa ku warramaya in kooxda Xamaas ee Gaza ay gudah u galeen deegaanada ay xoogga ku heystaan Yuhuudda,waxaana jira muuqaallo muujinaya dagaalyahanada oo afduub u haysta 35 ruux oo Israa’iiliyiin ah.

Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in ay bilaabeen beegsiga Gaza, iyadoo wasiirka gaashaandhigga uu oggolaaday in loogu yeero ciidamada kaydka militariga.

QURBA JOOGTA MAALGASHIGA KU SAMEYSATA WARSHADAHA YAR YAR.

Magaalada Muqdisho waa magaalo madaxda dalka waxaana Ku nool bulsho badan oo Ka Kala yimid gobollada dalka iyo dadka deegaanka  ayaa bilaabay hal abuuro ay Ku sameeyaan  warshado ganacsi  yar yar oo ay wax Ka soo saaraan.

Ganacsatadaan yar yar  ee Ku nool magaalada Muqdisho waxa ay wadaan hormarro kala duwan oo ay Ka sameenayaan dhanka warshado yar yar  noocyadiisa Kala duwan.

Warshado yar yar ayaa ah shirkado wax soo saarleh oo lagu soo saaro alaabo badan oo ay Bulshada Soomaliyeed ay baahi weyn ay u qabaan horayna dibadaha oga raad san jireen balse maanta dalka la keenay taasi oo bulshada Soomaliyeed u sahashay in ay dalkooda Ka helaan alaabaha ay sameeyaan ganacsatada haysata shirkadaha yar yar.

Haddaba warshado yar yar  maxaay product ah oo ay soo saaraan.

Waxa ay soo saaraan productyo badan oo Kala duwan sida Saliidaha , Shaabooyinka, Tiishka, Saabuun marista dharka lagu dhaqo  iyo alaabooyinkale oo badan.

Hadaba haddii aan soo qaadano sameynta saliidaha Kala duwan ee laga sameeyo dhirta dalkaeena Ka soo go`da ayaa ah.

Geedka Qumbaha waa Geedka laga sameeyo saliid wax tar leh oo ay Bulshada baahi weyn ay u qabeen, ganacsatada shirkadaha yar yar ayaa Ku dhiiraday in ay layimaadaan warshado yar yar oo wax soo saarleh taasi oo u sahashay in ay dalka gaar ahaan Caasimada ay Ku soo saaraan Saliida qumbada , Saliida Xabsoodada iyo Saliida laga sameeyo Dhagayaraha taasi ayaan sabab u noqotay in Ganacatada ay laiyaamadaan warshado oo ay oga maarmaan in ay alaabaha dibada Ka soo dhoofsadaan.

Sidoo kale warshado yar yar oo sameeyo shaabooyinka ayaa ka jira magaalada muqdisho waana ay ku soo badanayaan.

Warshadahan soo saaro shaabooyinka dharka lagu meerto waxaa inta u badan hal abuurkeeda layimid Haween isku tagay ku waa oo hirgaliyey wasoo saarkoooda ama product kuwaa oo lagu iibiyo suuqyada waaweyn ee magaalada muqdisho iyo sidoo kale waxaa lagu iibiyaa shaaboyinka gobolada dalka.

Sidoo kale waxaa jirta shirkada soo saarta saabuunta dharka lagu dhaqo waxaana ay xarunta ugu weyn ay ku leedahay magaalada muqdisho.

Warshadan soo saarta saabuunta waxaa u shaqa taga dad badan oo iskugu jira dhalin yaro iyo odoyaal taasina waxa ay u horseeday in dhalin yaradaan ka shaqeystay warshada ay helaan shaqo ay mushaar ku qaataan.

Hadaba warshadahan yar yar faa`iidoyo ayey leeyihiin waxaana ay faa`iido u leeyihiin dadka shaqala aanta haysta in ay fursad Ka helaan oo ay ugu shaqeeyaan, haddii ay soo Bataan oo ay yimaadaan warshado waa weyn oo sameeya Dharka , Cuntada, baabuurta , agabka guryaha lagu dhiso iyo waxyaabo badan taasi waxa ay Bulshada Soomaliyeed u horseedeysaa in ay shaqo abuur ay noqoto oo ay meeshaa ay Ka baxdo shaqo la aanta baahsan ee dalka Ka jira.

Dowladda iyana waxaa looga baahan yahay in Bulshada ay Dowladda ay u tahay in ay garab istaagto oo ay Kala shaqeyso baahiyahooda Kala duwan sida ay ugu fududeen laheed oo ay ganacsiyadan yar yar ay hormar baaxad weyn u gaari lahaayeen.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

DADKA KA GANACSADA DAAWOOYINKA HERBALKA

Dadka ka ganacsada daawooyinka herbal oo qaar la soo ifbaxay khayaano dadban.

Nagamid ma ahan dadka caadeystay khishka iyo khiyaanada laga ganacsado.

Waxaa haatan isa soo taraya dad u tafaxeetay inay faa’iido deg deg ah ka sameeyaan ganacsi nooc ku cusub dalka oo bulshada lagu soo jiito

Iyadoo baraha bulshada loo adeegsado ogeysiis iyo iidhe mala awaal ah.

Kareemooyin kala duwan oo ay leeyihiin waxaa loogu talagalay xoojinta raganimada, galmada dheer iyo ka hortagga biyo baxa deg degga ah iwm.

Waana mid dad badan ay arkeen inay tahay wax kama jiraan marka laga reebo malabka iyo confindo, waxaa dhacday oo sii socota weli ii dheh oraneysa haddii aad wax ka garan weydo muddo ilaa saddex ilaa toddobo cisho  lacagtaada ayaa laguu soo celinayaa.

Waa wax kama jiraan oo dad badan oo run mooday waxtarka kareemooyinka largo, Bxx iyo qaar kale oo la mid ah.

Markii lala xiriiro inta laga iibsado ayaa aysan qaban taleefoonnada waxaa dadka xaafadaha ugu geeya mootooyinka loo yaqaanno falconta.

Marka ay dadka weydiyaan ninka u keena kareemka ayaa wuxuu ku warceliyaa aniga war kama hayo shaqadeyda waa geyn geyn oo keliya

Waxaa arrintani ku hungoobay oo aan ka soo xigtay sheekadaan mala awaalka ah 55 ruux oo bahasha u arka keliya saliid lagu dhaashado wax dareen ahna aysan ka garan.

Ujeeddada ganacsiga noocaan oo kale ah waa kudhufo oo ka dhaqaaq oo ah qiyaano dadban ruux kasta mar laga iibiyo lagama yaabo in mar labaad laga iibiyo ileen arrinta ayuu ogaadaye, waxaa ay ku kala iibiyaan lacag gaareysa 18-dollar, 15-dollar iyo 12-dollar.

Arrintan waxaan ka soo xigtay oo ka cabanaya arrintaasi sidaa daraadeedna aan uga digayo kuwa haatan lagu qaldi rabo inay ka feejignaadaan waa yaabe heerka ganacsiga uu galaly sannadahan dambe ee aad moodo wax un ribax ka samee.

Arrinta si kastaba ha ahaatee waa in aan lagu deg degin daawooyinka aan takhtar ka talo bixin oo dad istaabtaabtay baraha bulshada soo geliyeen.

Wax kastoo uusan ka tala bixin takhtar taqasus u leh arrintaas in laga fogaado.

Ma haboona in dad la qaldo oo daacad iska ah oo u baahan raacis wadiiqo wacan balse la arki doonee halka arrimahan oo kale ama ay ka soo ifbaxaan waxyaabaha ay isticmaalaan reer galbeedka eek u saaqida sameynta filimada galmada.

WQ: Ibraahim Fanax

 

CABSI LAGA QABO SARE U KACA KU YIMAADA QIIMAHA LA KALA SIISTO SALIIDDA CEYRIIN

Sacirka saliida ayaa aad looga Cabsi qabaa in uu saro u kaco taasi oo keentay in qiimaha suuqyada caalamka ay hoos dhac weyn ku yimaadeen saliidda cayriin, waxaana loo aaneenayaa dagaaladii Ka billowday dalka Ukraine sanadkii la soo dhaafay bilowgiisii.

Haddaba waxay taasi keentay in isbaddal dag dag ah uu ku yimaado suuqyada caalamka ayna sara u kaceen dhamaan Shixnadaha kala duwan saliida, gaaska iyo kuwa badan ay ku yimaadeen qiimo koror xad dhaaf ah.

Waxaa sidoo kale, sara u kac xooggan ku yimid suuqayada caalamka qiimaha la kala iibsado Gaaska oo dhamaan dunida laga dareemay oo ay ugu horeeyso dalkeena soomaaliya oo qiimaha shidaalka uu kacay taasina waxa ay keentay in wadayaasha gaadiidleyda kala duwan sida bi’elka iyo moota bajaajka ay iyana kordhiyeen qiimaha lagu raaco.

Waxay u sababeynayaan qiimo kororka ku yimid gaaska, shacabka Soomaaliyeedna aad ayey uga walaacsan yihiin arrimahaas qiimo kororka ah waayo waxaa yar daqliga dadka soo gala maalintii.

Ku dagaalanka dhaqaalaha adduunka ayaa sidoo kale marba marka Ka sii danbeysa sara u sii kacaayo iyada oo wadamada inta badan soo dhoofiya Gaaska iyo saliida ay yareeyeen iibinta gaaska iyo saliida.

Sidoo kale, waxaa jira waddamo badan oo iyagana joojiyey Shixnadaha muhiimka ah in ay u dhoofiyaan suuqayada caalamka waxaana ay u sababeynayaan in ay dhacaan isbaddalo xooggan oo adduunkoo dhan laga cabsi qaba in uu ku yimaado.

Waddan walba Shixnadihiisa muhiimka ah keyd ayuu Ka dhigtay siiba Dowladdaha Ruushka iyo Sucuudiga oo ah labada dal ee ugu soo saarka badan batrolka una dhoofiya suuqayada caalamka.

Dhawaan labadaasi dal kulan ay yeesheen waxa ay uga hadleen sidii ay Ka yeeli lahaayeen batroolka ay u iib geeyaan suuqayada caalamka ayaga oo isla qaatay in la dhimo dhoofinta batrolka iyo saliidda la iib geeyo ayaga oo uga gol leh dagaalka dhaqaale ay kula jiraan wadamada Reer Yurub iyo Mareekanka.

Haddaba taasi waxa ay halis ku tahay dunida saddexaad iyo adduunka intiisa kale oo inta badan ku tiirsan Saliidda iyo batroolka caalamka.

Heshiiskaas ay gaareen wadamada Ruushka iyo Sucuudiga ayaa walaac xooggan dunida ku reebtay ayada oo haatanba laga dareemayo suuqyada caalamka sicirka oo sara u kacaayo taasina waxa ay keentay in dalwalba uu keentkiisa ilaashado balse waxaa halis galaaya wadamada aan soo saarin Gaaska iyo Saliida ama wadamada aan laheen wax kheeraad ah.

Hadaba dalkeena Soomaaliyeed maxaa xal u ah.

Dowladdeena Soomaaliyeed waxa looga baahan yahay xal istaaraatijiyadeed oo looga gaashaamanaayo isbadalada dhaqaale ee adduunka Ka socda iyo isbadalada guudba ayada oo keeneysa qorshooyin lagu soo saaraayo kheeraadka dalkeena oo ay ugu horeeyaan Tacabka Beeraha, Kalluunka, Kheeraadka Saliida iyo Gaaska si looga gaashaanto isbadal dhaqaale ee adduunka Ka socda taasi badalkeeda aysan shacabkeena Soomaaliyeed aysan u dareemin qiimo kororka ku yimaada Shixnadaha, gaaska iyo saliidaba.

Ugu danbeyn shacabka Soomaaliyeed waxaa dhankooda looga baahan yahay garab istaag xooggan in ay u muujiyaan dowladda oo mustaqabalkoooda Ka shaqeeneysa waxaana sidoo kale shacabka looga baahan yahay ku dadaalista Tacbashada beeraha, soo jalaabashada kalluunka iyo sii labajabaarida hal abuurada dhaqaale si uu dhaqaalaheena sara ugu kaco.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan