MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAFAR SHAQO UGU AMBA-BAXAY DALKA ERETERIYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya oo ay tababar gaar ah ku qaadanayaan qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida. Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga Gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya ahmiyada ay leedahay hirgalinta qorshaha muddo kooban dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Abdi Kaariye u xil saaray dardargelinta iyo hagida halganka Khawaarijta looga ciribtirayo deegaannada Galmudug, Madaxweynaha ayaa safarka kaddib halkiisa ka sii waddi doono hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

TOOBIYAHA NABAD RAADINTA LOO MARO

Dhibaato kasta xal bay yeelataa haddii la helo jawi wanaagsan, afgarad iyo dadyow u heelan in la gaaro waddada nabadda.

Waxaa aad loo soo dhaweeyey xalkii laga gaary shaqaaqadii Muqdisho soo wajahday ee sababtay in uu yimaado welwel xasiloonida ku yimid.

Ma heyn wax sidaa u weyn waxayse u baahneyd oo keliya in la isu yimaado oo laga wada hadlo wixii jiray isla markaana loo arko wax la wada xalin karo.

Ma jiro wax aan xal laga gaari Karin laakiin waxaa xun in la garan waayo xalka meel laga abbaaro iyadoo lagu jaho wareerayo hadalada kuwa qalqal abuurka ah ee baas abuurka ku sifoobaya.

Waxaa jira kooxo ka faa’ideysta xaalad walba oo cirka sii galiya iyagoo ka leh dano gaar ah isla markaana aan daneyn danta ummadda iyo dalkooda balse keliya ay u caddahay wax iyaga si gaar ah ay uga faa’ideysanayaan.

Waxaa guul ah in qeybihii ay khuseysay arrintii ka jirtay caasimadda ay garteen xasilinta xaaladda iyo in la soo afjaro wixii hore u jiray ee iska horjeedka ahaa xubnihii ku lug yeeshay ee khaldamayna dib loo eego wixii ay ku kaceen balse aan laga aargoosan oo sidii cadiga aheyd ay u shaqeystaan.

Ogow ma jiro wax aan xal laga gaari Karin laakin waa marka lagu shaqeeyo fikir ummadeed oo ka tarjumaya dareenka waddaniyadeed ee loo baahan yahay in dalka iyo dadka lagu mideeyo.

Muqdisho uma baahna kala firdhad , qax iyo barokac midna laakiin dadku waxay u baahan yihiin horumar , nabad iyo dadaal waddaniyadeed in lagu wada shaqeeeyo.

Dalkan haatan ayuu madaxa la soo kacayaa inta yare e horumar ah ee uu gaarayna ciyaar kuma imaan ee wuxuu u soo maray dadaal dheer waxaana muuqata haatan rajo fiican ooh ore loogu socon karo.

Dadaalkii nabadeed ee dhowaan la gaaray wuxuu muujinayaa in weli soomaalida ay niyad u hayaan in laga waantoobo xumaanta loona soo jeesto nabadda.

Waddadii nabadda ayaa loo dhaqaaqay waana in hore loogu sii socdaa si aan horumar u gaarno muqtaqbalka

W/Q: Mohamed Hassan

 

KEYD DHIGO INTAAD DHALLINYAR TAHAY

jiritaanka nooluhu wuxuu ka soo askumaa  uurka hooyada, ka dibna wuxuu u soo gudbaa ifka oo uu waayo kooban joogo, ugu dambeyna goortii caleentiisu cirka ka soo dhacdo oo wadku u yimaado ayuu  jiciirtaa nololaha Aakhiro ee aan dhammaadka lahayn.

Uunka Eebbe qeybtii garaad leh ee aynu inagu ka mid nahay waxay celcelis ahaan da’diisu gaadhaa 63 gu’ oo ah aynigii uu Suubanuhu ku geeriyooday “NNKh” ku geeriyooday, waxaana guudka u suran xil aan noolaha intiisa kale saarnayn, xisaab adag oo falkiisa iyo dhaqaaqiisa ifka ku qotontaahina qiyaamaha ayay ku sugaysaa.

Amminta kooban ee aynu aradka joogaynaahi waa mid qorshaysan oo dhuunigii aanu cuni laheyn, dharaar walba wixii aan samayn lahayn, dhankii aanu dhulka Eebbe kaga sugnaan lahayn, xaasas haddii aanu guursan lahayn iyo haddii aanu doobnimo iyo guumeysnimo la god gali lahayn, dhib kastoo inagu dhici lahaa, saboolnimo iyo hodannimo tii aanu ku dhaqnaan lahayn, iyo wax walboo waayeheenna aduun ku saabsan intaanu caloosha ku jirnay baa xag Illaahay laga qoray oo diiwaan aynaan waxba ka badeli Karin.

Taasi waa runta biyo kama dhibcaanka ah hayeeshee dadaalka iyo u xusul-duubista waxyaabaha danteenu ku jirto waa laynoo ogolyahay, Diinteena Islaamkuna waxay qabtaa inaanu Eebbe si dhab ah u talo saaranno, ugu yaraan waxyaabaha lama dhaafaanka ah oo uu ina farayna aanu gudanno, ka dibna aanu aanu tabcasho iyo turuq maal u tafa-xaydanno.

Xilliga dhallinyarnimada iyo caabboonaanta  ayaa loo baahanyahay in xoogga la saaro wax qabad aayaha dambe la mahdiyo, baraaraha nolosha waayeelnimo iyo midda ubadkaagana gogol dhig u noqata oo waaya soo socda lagu caano maalo.

Haddii aynu ka soo qaadno in da’deenu 63 ku ekaan doonto 20-ka gu’ ee ugu hooreysa wixii aynu tabcannaahi waxay noqan doonaan dhigaal meel inoo yaal oo aanu 43-da gu’ee kale u baxsanno sida diinta Eebbe oo aanu u adeegno, wax-barasho aanu heer ka gaarnay, hal-abuur aanu dhaqaaqinnay, gancsi aanu sameysano oo aanu in door ah u dhabar adaygno.

Haddaba waxaa wanaagsan inaanu intaan firfircoonida iyo fayoobida Alle inoogu deeqay haysanno fadhiga ka kacno oo kasab iyo keydsasho u tafa-xaydanno oo halkii balwad iyo bilqanaan ammintu nagu dhaafi lahayd aanu  maalin walboo timaadda wax cusub kororsanno, talo-saarashada iyo cuskashada Eebbene wax walboo aanu sameynayno ku salayno.

Joogitaanka ifku waa kansho dahabi ah, dharaar walboo inaga tagtaahina waa tu aan soo noqanayn oo xumaan iyo wanaag wixii aynu dhex sameyno labada diiwaan midkii mudan ku daraysa , sidaa darteeda waa inaanu saacadaha , maalmaha, iyo gu’yaasha ina soo maraya ka faa’iidaysannaa.

WQ: Abwaan Hareeri 

 

MUHIIMADDA GUURKA

Guurku waa hanaan soo jireen ah oo abuurta aadmiga ku sidkan, wuxuuna udub-dhaxaad u yahay taranka bulshada iyo kala tafiirmiddooda.

Barbaar walboo shinkiisa gaadhay iyo bilcaan kastoo gashaanti noqataahina waxay u tafa-xaytaan xodxodo iyo haasaawe ay gayaankooda  ku raadsanayaan.

Mid waliba wuxuu ku dedaalaa sidii uu midka kale dareenkiisa u soo jiidan lahaa, siduu doonayona uu uga dhaadhicin lahaa oo uu  jeceyl laf iyo ludba ku baaha ugu beeri lahaa.

Isbarashada kolkii laga  gudbo ayuu wiilku gabadha ammaan iyo kool beer-laxawsi ah ku bantooqaa oo gabay iyo geeraarba ku jalbeebiyaa si uu maankeeda u gadiyo oo uu qalbigeeda kalgacal ugu maasheeyay.

astaan kastoo wanaagsanna ayuu ku tilmaamaa asagooo iin iyo ceeb kastoo ay leedahay iska indha tiray sidii inaan  dhaliilba eebbe u yeelin oo ay ceeb ka saliim-tahay.

Sagalka,jeegaanta,doogga, dayaxa,oogga,neecowda,iwm ayuu  ku jimeeyaa oo quruxdeeda barbar dhigaa, kuna ammaanaa asagoo gabayo dhaabad iyo dhex-taal leh si farxashamaysan ugu falkinayo.

Run iyo beenba intuu isugu daro ayuu baraare aduun iyo bayddi nololeedba u ballan qaadaa, inuu asagu barbaarta gayiga ugu hodansanyahay  oo uu asagaagiis wax dheeryahayna ugu faanaa.

Intuu maahmaahdii ahayd”been baa lagu soo xero galshaa runna waa lagu dhaqaa” dulucleeda xusuusto ayuu  asagoo caydh/cayr fara madow ah sheegtaa xoolo iyo xirfado aanu lahayn, wiil hoog balaayo ka dhacdayna isku tilmaamaa.

Nin gabadh u faanay baa laga hayaa “konton baa geelanaga ka dhalay kor u hayaankiiye

Nirgihiisa lama koobi karo kayn hadduu galo e

Koramada dhex qaadaahina waa kun iyo dheeraade

Aan karuurka wada doonannee kabaha soo qaado”

Mid kaloo goob ciyaareed ka baanay, inan rag badani ay guurkeeda ku talamayeenna ku hal-qabsaday ayaa asna ku heesay”wabay ninkii deyr rin geel dareersadayay

dahabo dan u raaci doontaa”.

Sida laba meeris ee heesta ka muuqata wuxuu ku faanayaa inuu asagu ragga ugu mudanyahay, gabadhuna aanay sinaba u diidi karin maadaama ay haleelo iyo horweynba xeryaha uga buuxaan, uu aynigiisa ugu ladanyahay.

Haddaba hanti ka sukow maxay gabdhihii hore ragga ku dooran jireen?, ragga laftooduna maxay hablaha ku kala xulan jireen?.

Lasoco qeybta labaad ee qormada.

DALKA EDATORIAL

 

DHIRTU WAA NOOLE AY KU NOOL YIHIIN NOOLEYAASHA KALE

Dhirta waxay ka mid tahay noolaha, waxayna faa’ido weyn u tahay dhammaan noolayaasha kale, sida xayawaanka iyo bini’aadamka.

Sida aynu wada ogsoonnahay dhirtu waa hu’ga dhulka iyo quruxda deegaanka waxayna inoo leedahay waxtar aad u badan waxaana ka mida ah miraheeda oo aynu cunto ahaan u cunno, xoolaha oo inoo daaqa, waana hoyga duurjoogta iyo ugaadha.

Dhirta waxtarkeeda  oo aan la soo koobi karin ayaa hadda waxa jira dhibaato ba’an oo lagu hayo, taasi oo sababi karto abaar joogta ah deegaan xumo iyo daaq la’aan.

Haddaba, dhirta oo inoo leh faa’idadan ayaa waxa jira dad yar oo si khaldan u adeegsada isticmaalka dhirta, waxaa jirto dad ka sameeyo ganacsi oo jaraya dhirta iyagoo doonaya in ay dhuxul ama qoryaha dabka lagu shido ka sameeysanaya ayaa waxaa laga yaabaa in ay jaraan dhir qoyan ama ummadda iyo deegaankaba anfici lahayd, halka inta badan geedaha qalalan laga sameeyo dhuxusha, xaabada iyo qoryaha waa weyn ee la shito.

 

Waxyaabaha sababa Lama deegaanka dhulal aad u badan oo lahaa kaymihii aduunka ugu waa weynaa ayaa dhirtii laga jaray Lagana dhigay Lama degaan. Sannadahii la soo dhaafay ayaa ugu badnaa waxaana la jaray tirada ugu badan dhirta la xaalufiyey 50kii sanno ee la soo dhaafay.

Sanadkasta dhulka dhirta la xaalufiyo wuxuu le’eg yahay 13.7 million hectar, taasoo keeni karta xaqiiqdii lama deggaan ama aag aan lagu noolaan Karin, meel kastoo dhirtu ku badan tahay waa ay ka qurux badan tahay meelaha kale waxayna u roon tahay indhaha noolayaasha oo dhan.

Waxaa sababa in loo xaalufiyo kaymaha waxa ka mid ah beeraha beeruhu waxay sababaan in kaymaha laga jaro lana xaalufiyo si loogu diyaariyo beerashada loona helo dhul ku haboon wax beerista, sidoo kale marar badan  waxaa dhirta loo jaraa si loo helo xaabo la shito.

Waxaana adduunka ku soo badanya koritaanka bini’aadamka iyo koboca magaalooyinka.

Dowladdeena ayaa sameysay siyaadda dhirta iyadoo u xilsaartay wasaarad dhan taasoo la yiraahdo wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda, waxayna ka shaqeysaa sidii ay Soomaaliya u noqon lahayd mid cagaaran, bilicsan oo deegaan qurxoon, si jiilka hadda joogo iyo kuwa imaan doona ay ugu manaafici lahaayeen.

WQ:  DALJIR

 

 

Madaxweyne Laftagareen oo sheegay in dhawaan billaaban doono wajiga labaad ee dagaalka Khawaarijta

Madaxweynaha dowladda gobolleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ka qeybgalayay kulan wadatashi ah oo looga hadlayay dar-dargalinta howlgallada ka dhanka ah khawaarijta ayaa sheegay in gabagaba uu marayo wajigii koowaad ee dagaalka khawaarijta dhawaana deegaannada koonfur Galbeed iyo jubbaland uu ka billaaban doonno howlgalka wajigiisa 2-Aaad.

Madaxweyne Laftagareen” Wajiga koobaad gabagabuu marayaa, waxaana bilaaban doono sida qorshaha iyo balantu aheyd wajiga labaad oo ka bilaabanayo Koonfur Galbeed iyo Jubbaland”.

Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku dheeraaday sida waajibka ugu tahay dhammaan shacabka degaannada Koonfur Galbeed ka qey qaadashada dagaalka degaannada maamulkaas looga xoreynayo khawaarijta,isagoo saraakiisha iyo dhammaan ciidanka faray in ay u diyaar garowaan wajiga 2-aad howlgalka laga billaabay Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Laftagareen ayaa dhanka kale ku bogaadiyay ciidamada Xoogga dalka guulaha waweyn oo ay kasoo hooyeen howlgallada dalka looga xoreynayo khwaarijta, kuwaasoo mudda dheer dhib ku hayay shacabka Soomaaliyeed.

Kulankaan oo ka qabsoomay magaalada Baydhabo waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Qalab sida iyo xubno ka socoday maamulka koonfur Galbeed.

 

CUDURKA CUNCUNKA OO DAD BADANI KA CABANAYAAN

Waxaa jira nooc cusub oo cun cun ah oo dadku u maleeyeen marka hore xasaasiyo.

Xasaasiyaddu waa waxyaabo xajiin leh ama wasaqi la falgasho marka aad dareento ama aad cuntaba cunto xasaasiyad kuu leh aad markiiba dareento.

Alerjigga ama xasaasiyadda haatan jirta waa mid ka duwan sidaasi aadna ugu dhow dadkii yaqiinay noocii soomaalida u bixisay isnidaamis oo muddo dadka hayn jiray cuncunkiisa.

Cun cunka haatan dadka hayo waa nooc finanan badan xabad ka iyo duudka ka soo baxaan.

Cun cun oo aad ka dareento jirka oo dhan, dadla qaar ayaa dareema finan waa weyn oo ka soo baxa simaha iyo garbaha daawada xasaasiyadda oo kaniini ah ayaa waxba looga garan, boomaato jirka la marsado ayaa haatan lagula tacaalaa.

Sida la ogyahay xasaasiyadda ayaa dhalisa busta guryaha wasaqda geedaha ka soo daadata coska bust a iyo boorka leh , bisidaha iyo jiirka ayaa ah hab laga qaado alerjigada iyo xasaasiyadda

Waxaa ilaa iyo iminka dadka la yaaban yihiin noocan oo dadka qaar ku jiro tuhun in laga qaado jawiga iyo bad weynta oo wasaqowday.

Arrinta si kastaba ha ahaatee waa in nadaafadda lagu dadaalaa siiba deegaanka iyo guryaha laguna meerto saabuunta asabi iyo lifeboy.

WQ: Ibraahim A. Ali

Golaha Wasiirada ee Galmudug oo ansixiyey Miisaaniyadda 2024-ka “SAWIRRO”

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo ahaa kulan aan caadi aheyn oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Daahir Ciid.

Ugu horreyn shirka ayaa waxaa warbixin ku saabsan dagaalka ka dhanka ah argagaxisada deegaannada Galmudug looga dhageystay Wasiirka Wasaaradda amniga.

Sidoo kale ; kulanka waxaa warbixin ku saabsan miisaaniyad sannadeedka 2024-ka looga dhageystay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug. Golaha wasiirrada ayaana dood dheer kaddib cod gacan taag ah ku ansixiyay miisaaniyadda 2024-ka.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa isagoo ka duulaya dardargalinta howgalka wajiga labaad waxa uu magaacaabay guddiyo ka tirsan Golaha Wasiirrada oo ka howl gali doona aagagga dagaalka. Sidoo kale madaxweynaha ayaa Golaha uga mahadceliyay ansixinta miisaaniyadda 2024-ka.

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabiley Hoggaamiyaha Maamulka KMG SSC

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha KMG ah ee SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye)

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay Hoggaamiye Firdhiye warbixin ku saabsan xaaladda bulsho iyo nololeed ee ka jirta deegaanada SSC.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo in wixii khilaafa ee jira lagu xalliyo wada-hadal.

Madaxweynaha K/G ayaa shir guddoomiyey kulan looga hadlay u diyaar garowga wajiga 2-aad ee dagaalka Khawaarijta looga xoreynayo dalka

Baydhabo:-Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlay u diyaar garowga wajiga 2-aad ee dagaalka Khawaarijta looga xoreynayo dalka.

Shirka waxaa ka qeybgalay Taliyaha Ciidanka Asluubta, Taliye ku xigeenka ciidanka xooga dalka, gudoomiyaasha maxkamada ciidamada qalabka sida iyo saraakiisha ciidanka qeybahooda kala duwan ee ka howlgala guud ahaan deeganada Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftgareen ayaa faray saraakiisha ciidanka ee kulanka ka qeybgalay in maanta wixii ka dambeeya uu bilaabanayo dagaalka deeganada Koonfur Galbeed looga saarayo Khawaarijta oo dhibaato ba’an ku haysa dadka Soomaaliyeed.