Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dalka Finland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dalka Finland u fadhiya Soomaaliya, Pirkka Tapiola oo ay ka wada hadleen iskaashiga iyo Xariirka labada dal ka dhaxeeya iyo kor u qaadidda taageerada Finland ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey Finland taageerada ay siiyaan Soomaaliya, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la garab istaago dadka ku nool goobaha la xoreeyey iyo kuwa la xoreyn doono, maadaama ay Khawaarijtu dadkaas u diidanayd muddo dheer wax horumar iyo adeeg bulsho ah.

Dhankiisa Danjire Tapiola ayaa ku bogaadiyey dowladda Soomaaliya sida ay uga go’an tahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta, waxuuna tilmaamay in Finland ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha wadda Interlock ah

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha wadda Interlock ah oo laga hirgalin doono Suuq labaad ee ugu weyn Caasimadda Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid, iyada oo dhagax dhigan goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Suleymaan Fargax.

Dhismaha waddadan ayaa ah mid muhiim u ah isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka suuq weynaha suuq Bacaad islamarkaana hirgalintiisa ay baahi weyn u qabeen bulshada deegaanka sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha Degmada Yaaqshid.

Guuddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) waxa uu sheegay in ay sii socon doonaan talaabooyinka lagu horumarinaayo dib udhiska iyo bilicda Caasimadda.

Ciidanka degaanka Xinlabi oo kala wareegay khawaarijta Gaari u sida Saanad Ciidan

Geesiyaasha Deegaanka ee ka hawlgalaya Xinlabi ayaa xalay hawlgal ka fuliyay meel u dhaw Deegaanka Dabagalo ayaa ku guulaystay in ay la wareegaan gaari Khawaarijta u sida Saanad.

Ciidamadaan oo fuliyay hawlgal dhabbo gal ah ayaa gaariga kasoo qabtay meel 5 KM u jirta Deegaankaas oo ay ku suganyihiin Khawaarijtu.

Hawlgalkaan oo dhacay xalay Saqdii dhexe ayaa lagu qabtay gaariga waxaana sidoo kale Ciidamada Shacabku ay soo qabteen Darawalkii Gaariga oo isku dayay in uu baxsado.

Talaabadaan oo ahayd mid ku cusub Khawaarijta maadaama hawlgalka laga fuliyay gudahooda ayaa ku yimid wada shaqayn dhexmartay Shacabka iyo Wiilashooda geesiyaasha ah.

Muddooyinkii danbe waxaa ay Ciidamada deegaanku xoojiyeen hawlgallo qorshaysan oo ay ka fulinayaan goobaha ay joogaan Khawaarijtu taas oo muujinaysa heerka dhiiranaanta ee geesiyasha deegaanka, kuwaas oo ka faa’iidaysanaya wada shaqaynta kala dhaxaysa Shacabka iyo aqoonta ay u leeyihiin dhulka maadaama ay iyagu udhasheen kuna dhasheen Dhulka halka Maleeshiyaadka Khawaarijtu ay u badanyihiin kuwa dool ah oo aan aqoon u lahayn deegaanka dadka Shacabka ahna ay kala tageen.

Wasiirka Haweenka iyo xaquuqul Insaanka XFS oo Tanzania uga qeybgaleysa Shirweynaha 2-aad ee Gudniinka Fircooniga

Wasiirka Haweenka iyo xaquuqul Insaanka xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Khadiija Maxamad Diiriye oo dalka Tanzania uga qeybgaleysa Shirweynaha 2-aad ee caalamiga ah ee Gudniinka Fircooniga oo maanta si rasmi ah ugu furmay maagalada Dar-es Salam ee dalka Tanzania.

Wasaar Khadiija Maxamad Diiriye oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda haweenka ayaa shirka ka jeedin doonta khudbad ay kaga hadleyso xaaladda Xuquuqul insaanka iyo sida dowladda Soomaaliya ay ahmiyadda u siisay wacyigalinta kahortagga gudniinka fircooniga .

Shirka waxaa sidoo kale wasiir Khadiija ku wehlisa danjiraha Soomaaliya ee dalka Tanzania Amb. Sahra Cali Xasan.

Taliyaha Boliiska Koonfur Galbeed oo ka qeyb galay shir looga hadlayay dar-dargalinta Aminga Magaalada Baydhabo

Taliyaha Booliska maamul goboleedka  Koonfur Galbeed  G/ Sare Cabdi Ibraahim Shaamow ayaa shir guddoomiyay kulanka dar-dargelinta amniga Koofur Galbeed oo lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Waxaa shirka  kasoo qeyb galey saraakiisha Gobalka Baay  iyo Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Qeybta 60-aad iyo  Taliyaha Qeybta Gobalka Baay kan Dagmada Baydhabo iyo hogaanka Baarista ee CID .

Intii uu kulankan socday waxaa looga hadlay dardar galinta Wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabaab  ee deegaanada Koofur Galbeed iyo in Ciidamada Booliska ay ka qeyb qaataan dagaalka Maleeshiyaadka Shabaab loogu xoreynayo Goballada Baay, Bokool iyo Gobalka Shabeelaha Hoose waxaana Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed uu faray saraakiisha iyo askarta in ay heegan buuxa galaan.

Al-shabaab oo holac naareed kala kulmay Bud Bud iyo Shabeeloow (WARBIXIN)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye koor koor, islamarkaana uu u wakiishay sii hoggaaminta Dagaalka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sh. Maxamuud oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga dalka Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa guriceel ku booqdey cutubyo ka tirsan guutada 27-aad ee uu-duhaana oo ka soo noqday fasaxyo gaaban oo ay ku jireen, kuwaasi oo hadda u diyaarsan inay ku biiraan howlgalka ka dhanka khawaarijta ee ka socda dalka.

Ciidankaan oo lagula kulmiyay xerada Harqaboobe ayay Madaxdu kula dardaarmeen in ay ka libin keenaan dagaalka ka dhanka khawaarijta, kuna daysadaan geesiyaasha maalmihii la soo dhaafay casharrada lama ilaawaanka ah u dhigay khawaarijta.

Wasiirka difaaca dalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ciidankan ku sifeeyey kuwo laga sugayo inay khawaarijta kala soo baxaan godadka ay naf sida lacaarigga kula dhuunteen  khawaarijta, ayna diyaar u yihiin inay ka sifeeyaan dalka oo dhan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo hadallo dhiirigelin, dardaaran iyo tusaaleynba leh u jeediyey ciidankan ayaa sheegay in ballantu tahay inay socodka dambe isku arkaan goobo guulo laga keenay oo hor leh oo laga baacaaday kooxda cadowga ah ee khawaarijta.

Dhinaca kalena Kooxda Khawaarihjta waxaa jab xooggan iyo holac naareed ayaa Xalay lagu dhadhansiiyay Deegaanka Bud Bud ee ka tirsan Degmada Galcad ee Gobolka Galguduud, waxaana ka waramaya Hoggaamiyaha Ciidanka Deegaanka ee Macaawisleyda Mujaahid Cabdi Hagar Barre “ waxaan dagaal kala kor dhacnay, isalmarkaana isku fara saarnay meel u dhow deegaanka Bud-bud kooxda Khawaarihjta ah, waxaana ka dilnay Horjooyaal iyo Maleeshiyaad badan, waxaana kala wareegnay waxa ay siteen oo hub ahaa iyo saanad, Deegaankana haatan Ciidankeenna ayaa kun sugan”, Khawaarijta ayaa doonayay inay duulaan ku qaadan Deegaanno ka tirsan Deegaanka Daarunimca ee Degmada Ruunnirgood ee ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe, waxaana ka hortagnay, arrintooda damaca ahaana fashinayay Ciidanka  Macaawisleyda Deegaanka Bud-bud.

Hoggaamiye sidii Hibaad Cali Dasar iyo Cilmi Xagar ahna ayaa ka soo baxay Dadka ku nool Deegaanka Bud Bud, Qofkaasi waa kuma? Waa Hoggaamiye Mujaahid Cabdi Hagar Barre,  guul ayaan u rejaynaynaa iyo deegaankaasi quruxda badan ka badbaadintiisa khawaarijta arxanka daran.

Waxaa kaloo naarta lagu dhadhaniiyay Khawaarijta Howdka Deegaanka Shabeeloow ee Koonfurta gobolka Mudug, waxaana  ka socday duqeymo barakeysan oo lagu bartilmaameydsaday Gawaari dagaal iyo Maleeshiyaad fara badan oo khawaarijta Al-shabaab ka tirsan, waxaana la soo Warinayaa khasaaro aad u xooggan oo halkaas ku gaaray khawaarijta, kuwaasi oo  markoodii horeba u taag la’aa weerarrada Daraawiishta Galmudug, Ciidamada dowladda iyo kuwa Dadka Deegaanka ee loo yaqaan Macaawisleyda, waxayna Khawaarijta ka mareysaa maxaa Mudug idin keenay?.

Warar ay heshay SONNA ayaa tibaaxaya in Kooxda Khawaarijta ah ay ku cataawday Dadka dega Mudug oo ay leeyihiin “ maxaad naga rabtaan anna dhul idinka ma heysanno, idiinna iman mayno ee na nabadgaliya”, oo ay ka wadaan waan idinka tageynaa meelaha kale ayaan joogeynaa ee adinka ka mudug ahaan naga leexda, kaasi oo loo macneyn karo waxa ka qabsaday iyo khasaaraha ay kala kulmeen intii ay dagaalka kula jireen.

“Odaygii Khawaarijtu ay soo kicin jirtay mar walboo ay aad nafta ugu yaabto ayaa cod tabar-daran ku calaacalay isagoo ku hadaaqay seddex arrimood oo aan aheyn kuwii kooxda horay looga bartay, isagoo la hadlaya reerkiisa ayaa yiri: 1. Dhul la idinkama heysto oo xoraysan maysaan!.2. Xoolo la idinkama dhicin oo soo dhacsan maysaan!. 3. Diintiina oo lagu soo duulay difaacan maysaan!”, sidaasi waxaa yiri :- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XfS Mudane Axmed Macallim Fiqi.

Kooxdu marka ay jabto waxaa lagu yaqaan inay raadiyaan beer jilecsi, isagoo calaacalkooda ka sii hadalya ayuu Wasiirku sii raaciyay, “Sidaasi daraadeed wuxuu ku baryootamay in  dagaalka ay joojiyaan oo dib u noqdaan!!”

Waa wax lala yaabo in iyadoon la is gaarin, dagaalkii bilow yahay iyo hal dagaal oo kaliya oo dhacay ka dib, haddii ay sidaas uga cabaadeen ciidamada xaq u dirirka ah ee Mudug kula dagaalamay, matrka waxaa is weydiin mudan, “sidee ugu gigsan doonaan dharbaaxooyinka iyo cadaabka ku soo socda ee ka xanuun badnaan doona kuwii hore”?.

“Odayga ay soo kiraysteen Khawaarijtu, bilo ka hor wuxuu ku goodinayay xafiiskaada ayaan kuugu imaanaynaa, maantana waxaa loo soo dhiibay calaacal iyo catow! Khawaarij Fartaag iyo kooxdiisu; shalay waa talo xumaayeen markii la is qabteyna waa kuwaas tiiro gaabtay!”, ayuu ka yiri Wasiir Fiqi calaacalkooda, marka waxaan leenahay Dagaalka Khawaarijta lagula jiro waa xaq waana jihaad hadafkiisu yahay in laga ciribtiro Soomaaliya Khawaarijta ku soo duushay.

Goor dhow ayay Dowladda Soomaaliya soo saartay War saxaafadeed ka hadlaya Howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Caalamiga ah oo xalay laga fuliyay deegaanka Shabeelloow ee koofurta gobalka Mudug.

War-saxaafadeedka ayaa sidan u qorna:- Howlgalka waxaa lagu beegsaday Maleeshiyaad Khawaarij ah oo ku dhuumanaya howdka deegaankaa Shabeeloow, waxaana uu ku soo dhamaaday guul. Hadafka koowaad ee howlgalka ayaa ahaa burburinta Gawaari wadday maleeshiyaad iyo Saanad dagaal oo isugu jiray Hub, Cunto, Daawo iyo Waxyaabaha Qarxa. Si dhamaystiran ayaa loo burburiyay gaadiidkaasi waxaana goobta ku halaagsamay Maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa oo gaaraya ilaa iyo 20 dhagarqabe. Sidoo kale waxaa la gubay dhammaan Agabkii Khawaarijta ee saarnaa Gaadiidkaasi.

Shabeelloow oo Maalmo ka hor Khawaarijta loogu geystay jab aad u xooggan ayaa ah goob ay isku dayayaan in ay gabaad ka dhigtaan maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee ku harsan Koofurta gobalka Mudug, waxaana ku hareeraysan Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha dadka Deegaanka, kuwaasi oo horay Khawaarijta uga sifeeyay inta badan Gobalka Mudug ayay Dowladdu ku soo gunaanaday War-saxaafadeedkeeda.

Haddaba waxaan ku soo gunaanadayaa oo aan Marka leenahay ‘Khawaarijeey geerida xanuunkeeda iyo dhimbilaha Naarta dhadhami ama gacmaha taagoo dowladaada isu soo dhiib’.

Howlgal lagu dilay 20-katirsan khawaarijta oo ka dhacay degaanka Shabeelloow ee koofurta gobalka Mudug

Hawlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa xalay laga fuliyay deegaanka Shabeelloow ee koofurta gobalka Mudug.

Hawlgalka waxaa lagu beegsaday Maleeshiyaad Khawaarij ah oo ku dhuumanaya hawdka deegaankaas, waxaana uu ku soo dhamaaday guul.

Hadafka koowaad ee hawlgalka ayaa ahaa burburinta gawaari wadday maleeshiyaad iyo Saanad dagaal oo isugu jiray Hub, Cunto, Daawo iyo Waxyaabaha Qarxa.

Si dhamaystiran ayaa loo burburiyay gaadiidkaas waxaana goobta ku halaagsamay maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa oo gaaraya ilaa iyo 20 dhagarqabe.

Sidoo kale waxaa la gubay dhammaan agabkii Khawaarijta ee saarnaa gaadiidkaas.

Shabeelloow oo Maalmo ka hor Khawaarijta loogu gaystay jab aad u xooggan ayaa ah goob ay isku dayayaan in ay gabaad ka dhigtaan maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee ku harsan Koofurta gobalka Mudug, waxaana ku hareeraysan Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha dadka Deegaanka kuwaas oo horay Khawaarijta uga sifeeyay inta badan Gobalka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan khawaarijta oo ka dhacay Gobalka Shabeellaha Hoose

Muqdisho(SONCiidanka xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan xalay ka fuliyay deegaanka Garilow hoos taga degmada Janaale ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayay ciidamada ku dileen laba kamid ah khawaarijta,waxana ciidamada ay gacanta ku dhigay laba qori, Bambaanooyin iyo Mooto  ay wateen maleeshiyaadka la dilay

Saraakiil ka tirsan ciidanka Qaranka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalkaan uu u dhacay sidii loo qorsheeyay,iyagoo sheegay in la Sii wadi doono howlgallada lagu baacsanayo khawaarijya.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka badan oo katirsan gobolada dalka kawada howlgallo khawaarijta looga sifeynayo degaanada fara kutirska ah ee ay ku dhuumaleysanayaan.

Wasiirka shaqada ee XFS oo kormeeray xarunta Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS ayaa Kormeer howleed ku tagay Xarunta Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo ay ka socotay tiro koobka shaqaalaha KMG ee dowladda.

Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim oo arrimo shaqo u tagay xarunta Guddiga ayaa la kulmay mas’uuliyiinta Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda.

Wasiirka Wasaaradda Dr. Maxamed ayaa warbixin ku saabsan Maamulka & Maareynta Shaqaalaha Rayidka ka dhegaystay Kusimaha Guddomiyaha ahna Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda (GQSHRD) Mudane Cali Muumin Muudey oo ay weheliyaan qaar kamid ah xubnaha Guddiga ee manta ku soo dhaweeyey xafiiska Guddiga.

Wasiirka Wasaaradda iyo Guddoomiye Kuxigeenka GQSHRD oo kulan gaar ah yeeshay ayaa ka  wadahadlay arrimaha hortebinta u leh dib u habeynta iyo shaqaalaha Dawladda.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa kormeeray sida ay u socdaan howlaha tirakoobka shaqaalaha aan joogtada ahayn isagoo warbixin ka dhegaystay Guddoomiyaha Guddiga Tirakoobka Shaqaalaha Mudane Axmed Maxamed Xasan , sida uu u socdo tirakoobka. Dhinaca kale, Wasiir Dr. Maxamed ayaa kormeeray qaar ka mid ah Xafiisyada Guddiga.

Ugu danbeyn Wasiir Dr. Maxamed ayaa boogaadiyay habsami u socodka howsha tirokoobka ee shaqaalaha aan joogtada aheyn iyo sida Guddiga Shaqaalaha uu ugu howlahan yahay arrimaha maamulka iyo maareynta shaqaalaha.

           

Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga oo loo diyaariyay howlgalka ka dhanka Khawaarijta

Guriceel- Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo wasiirka gaashaandhigga dalka Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa guriceel ku booqdey cutubyo ka tirsan guutada 27-aad ee uu-duhaana oo ka soo noqday fasaxyo gaaban oo ay ku jireen kuwaas oo hadda u diyaarsan iney ku biiraan howlgalka ka dhanka khawaarijta ee ka socda dalka.

Ciidankaan oo lagu kulmiyey xerada Harqaboobe ayay madaxdu kula dardaarmeen in ay ka libin keenaan dagaalka ka dhanka khawaarijta, kuna daysadaan geesiyaasha maalmihii la soo dhaafay casharrada lama ilaawaanka ah u dhigay khawaarijta .

<Wasiirka difaaca dalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ciidankan ku sifeeyey kuwo laga sugayo inay khawaarijta kala soo baxaan godadka ay naf sida lacaarigga kula dhuunteen  khawaarijta, ayna diyaar u yihiin inay ka sifeeyaan dalka oo dhan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug axmed Cabdi Kaariye oo ugu dambeyn khudbad dhiirigelin, dardaaran iyo tusaaleynba leh u jeediyey ciidankan ayaa sheegay in balantu tahay inay socodka dambe isku arkaan goobo guulo laga keenay oo hor leh oo laga baacaaday kooxda cadowga ah ee khawaarijta.