XUSKA BISHA MOWLIID IYO WAXA AY CULIMADU KA TIRI

Bisha Mowliid ee taariikhda Hijriyada waxaa qeybo badan oo ka mid ah dunida laga xusaa dhalashada nabi Muxammad CSW, laakiin waa arrin muran xoog leh ka dhex abuurtay culumada Islaamka oo ay ku kala qeybsan yihiin.

Marka laga eego taariikhda Miilaadiga Nabi Muxammad CSW wuxuu dhashay 22kii bishii Abriil ee sannadkii 571-kii, hase ahaatee waxay muslimiinta xuska maalintaas ku aaddiyaan bisha Mowliid.

Maanlinta ku asteysan dhalashada nabigeenna Muxamad NNKH waxaa shaqooyinka laga fasaxaa qaar badan oo ka mid ah waddamada Islaamka oo Soomaaliya ay ku jirto balse mararka qaar waxaa dhacda in aysan layku waafaqin sababo la xiriira muranada ka dhex jira culimada Islaamka ee ku kala nool dunida daafaheeda kuwaasoo sida horeyba aan usoo sheegnay ku kala duwan qaabka iyo asluubta loo xuso dhalashada suubanaha NNKH, iyadoo qaar culimada ka mid ah ay ku doodaan in ay qalad tahay u asteynta bil gaara iyo qaabka loo dhigo xuska mowliidka iyagoo ku andacooda in aysan nabiga scw uusan arinkaa sheegin uuna sameyn isla markaana uusan farin salafkii iyo saxaabadii rasuulka NNKH.

Qaar ka mid ah culimada Islaamka oo wax alga weydiiyey arrimahan la xiriira munaasabaddan iyo saameynta ay ku leedahay dunida Muslimka, sida ay sax u tahay iyo sida ay muhiim ugu tahay dadka muslimiinta ah ayaa xusay inay muhiim tahay xuska iyo xusuusinta muslimiinta meel kasta oo ay joogaan maalintaas iyo bishaas qiimaha badan  ee suubanaha scw dunidan kusoo biiray, waa nicmo Alle looga mahad naqo midda ugu weyn, oo mudan in la is xasuusiyo waxaana arrintaas keenaya jacaylka ay dadka muslimiinta ah nabiga jecel yihiin, waxaana munaasabaddan si isku mid ah looga maamuusaa meelo badan oo ka mid ah dunida waxaana lagu weyneeyaa xaflado kala duwan.

Sida caadiga ah dadku wey kulmaan, waxay isugu yimaadaan meel fagaare ah, halkaas ayey nabi ammaan ku sameeyaan, dadka soo xaadirana wax ayaa la siiyaa, waxaana laga sheekeeyaa taariikhdii uu nabigu lahaa. Meelaha qaar quraan ayaa laga akhriyaa waxaana la is xasuusiyaa dhaqankii nabiga iyo waxyaabihii uu sameeyay sida dagaalladii uu diinta u soo galay.

 

Qaar ka mid ah culumada Islaamka ayaa munaasabaddan si aad ah uga soo hor jeestay waxayna ku tilmaameen mid aan sax ahayn. Muranka la xiriira arrintan ayaa noqday mid muddo dheer la isku mari waayay is jiid jiid fara bandanna uu ka jiray. Dabcan marka dib loo fiiriyo taariikhda culumadii waaweyneyd ee islaamka, dhammaantood wey soo dhaweeyeen, balse dadkaas kuwii ka dambeeyay ee hadda jooga ayaad moodaa ineysan barnaamijkan jecleysan, waxayna adeegsadaan eragya ‘bidco’ oo ay ula jeedaan inuusan nabigu waxaas sameynin.

Waxaa jira muxaadarooyin fara badan oo ay culumada islaamka ee ka soo hor jeeda ficilkan ay ka jeediyeen mowduucaas, iyagoo uga digay umadda muslimiinta ah iney arrintan sameeyaan balse qeybo badan oo ka mid ah aqoonyahannada diinta islaamka ayaa difaacay xuska maalinta dhalashada rasuulka, iyagoo ku dooday iney tahay farxad loo muujinayo imaanshihii nabiga.

Nabigu ma xusay dhalashadiisa?

Dib markii loo raacay qodobkan waxaa la ogaaday inuu sax yahay. Xadiiskii Qataata ee lagu wariyay Muslim ayaa nabiga lagu weydiiyay sababta uu maalinta khaaska ah ee Isniinta u soomo, wuxuuna ku jawaabay iney tahay ‘maalintii uu dhashay ayna uga qiimo badan tahay maalmaha kale’. Dib markii arrintan loo sii raacay waxaa la ogaaday in nabigu qudhiisa uu si gooni ah maalinta dhalashadiisa ah u xusay.

WD: Ibrahim Warsame

QOF KASTA OO SOOMAALI AH WAA INUU BARTAA DIINTIISA EE AAN LOOGA TARJUMIN

Dadka soomaaliyeed ayaa aad ugu ad adag diintooda islaamka waana dad boqolkiiba boqol  muslimiin ah, soomaalida ayaa lagu amaanaa inaysan ka tagin dhaqankooda iyo diintooda marka ay tagaan wadamada reer galbeed, badanaa wadamada islmaaka ah ee kale ayaa lagu sheegaa dadkooda inay ka tagaan dhaqanka islaamka marka ay tagaan wadamada gaalada gaar ahaan gabdhaha oo xijaabka ka taga.

Dhanqanka soomaaliyeed waa mid ku salaysan diin, dadka soomaaliyeed waxay dhanqan u lee yihiin caruurtooda inay quraanka baraan, waa arin  ay kasimanyihiin dadka soomaaliyeed in caruurta la baro quraanka isla markaa uu caruurku barto af soomaaliga.

Waxaa jira dugsi quraamo ku yaal magaalo kasta, tuulo kasta iyo goob kasta oo ay soomaalidu ku nool yihiin dalka gudihiisa xitaa marka ay dibadda u qaxeen ee dalku uu dagaalka sokeeye ka dhacay dadkiina uu wadamada shisheeye u qaxeen halkaas ayay dugsi quraamo kasameeyeen.

Qofkasta oo soomaali ah waa uu yaqaan kalaamka Eebe walow aysan isku heer ahayn dadka dhami, dadka qaar quraanka waa ay xifdisan yihiin, dadka qaar ma xifdisana dhamaan laakiin inbadan ayay ka yaqaanaan halka qaarkood ay ka yaqaanaan kaliya inta ay ku tukadaan, hase ahaatee majiro qof soomaali ah oo quraanka aan wax un ka aqoon.

Soomaalida ayaa ugu horeeya tira ahaan dadka quraanka xifdisan marka lala bar bardhigo dadka ku nool wadamada islaamka.

Mararka qaar dhaqanka dadka soomaaliyeed waa mid aad u cajiib ah marka aad fiiriso halka ay ka gaareen ad adayga dhanka diinta Islaamka, dadka soomaaliyeed dhamaan waxay aaminsan yihiin qofka haduusan muslim ahayn inuusan soomaali noqon Karin, soomaalida ayaa aaminsan soomaalinimadu inay tahay u dhalasho islamarkaana ay hal shuruud u raacsan tahay waana inuu muslim yahay.

Quraanku waa hadalkii Eebe ee naloogu soo dhiibay nabi Maxame nabad galiyo iyo naxariis dushiisa ha ahaartee.

Rasuulku waxaa uu inoo sheegay inay dadka ugu qayr badan yihiin qofka quraanka barta iyo kan dadka quraanka bara.

Quraanka waa kan ugu qayrka badan inta koonka taalla sababtoo ah waa kalaamka Allihii baruuray waxa koonka yaalla oo dhan, quraanka qofkii aqriya ajir ayuu leeyahay haduu macnaha fahmayo iyo haduusan fahmaynba rintaana ama fadligaa waa ku kaligii oo kitaabaha kale waxaa ajar looga helaa inaa taqaanid macnaha.

Haddaba, Soomaaliyeey waxaa nalooga baahan yahay inaa xoojino dhankaas wanaagsan ee diiniga ah oo ay Aabayaasheen nasoo gaarsiiyeen waxaana anagana lagu waajib ah inaan gaarsiino ubadkeena.

WQ: DALKA EDATORIAL

 

 

 

ISLAAMKU WUXUU INA FARAYAA NABADDA IYO WADA NOOLAANSHAHA (QEYBTA 2-AAD)

Wuxuu kale oo suubanuhu yiri:-(Qofku kama suulo in ay diintiisa waasac utahay haddii uusan galin dhiig xaraam ah). wuxuu kale oo yiri:- “Maalinka qiyaame waxaa la keeni kii la dilay oo foodda iyo madaxa jiidaya kii dilay oo ay qawlaladiisu dhiig ka shubmayso, markaasuu oranayaa rabiyoow waa kii idilay ilaa uu carshiga udhaweeyo”

Wuxuu kale oo yiri: “Luqun hadlaysa ayaa naarta jahanama ka soo baxaysa maalinka qiyaame, waxay oranaysaa maanta waxaa la ii wakiishay seddex qolo oo kala ah kuwii dadka qasbi jiray, iyo kuwii ilaahay u shariik yeelay, iyo kuwii dilay naf aan naf kale dilin, inta loosoo wada jamciyo ayay naarta mugdiyaaladeeda hoose ku wada guraysaa”. (Kadhowrsada qofka la dulmiyay habaarkiisa, maxaa yeelay uma dhaxeeyo qofka ladulmiyay habaarkiisa iyo alle xijaab) Riwaayad kale waxay ahayd (ka dhowrsada qofka ladulmiyay habaarkiisa gaalba ha ahaado hadduu doonee).

Nabadgalyadu waa rukni asaasi ah oo muhiim u ah min qof ilaa mujtamac ummadda oo idil,

marka waxaan shaki kujirin jiilka ku barbaara qawaaniintan, aamina oo si dhab ah urumeeya inay liibaanayaan aduun iyo aakhiro kuna naaloonayaan nolol farxad iyo raaxo leh,

waxase nasiib darro ah in maanta markaad muslimiinta ufiirsato in badan oo kamid ah ayan ku dhaqmin kana faa,iidaysanin dastuurkan rabaaniga ah ee damaanad qaadaya badbaadinta basharka iyo bani’aadamka idilkiis,waxaad arkaysaa meelo badan oo dunida muslimka ah oo ay soomaaliya ka mid tahay in banaysiga dhiiga oo si fudud loo daadsho uu nolol maalmeedka ka mid noqday iyadoo si aan kala sooc lahayn maalin kasta umadda maydadkooda loo waro dariiqyada, iyadoon la ogayn kan wax dilay sababta uu u dilay kan ladilayna sababta loo dilay.

Runtii waa musiibo laga anfariiro iyo munkar aan loo garaabi karin mashaqada muslimiinta maanta ku habsatay, waxaase intaas oo dhan ka daran in faldambiyeedkan aan laga fiirsan iyo fadeexadan ay musliminta maanta nool magaca kula baxeen ay kula soo galgashaan diinta iyagoo u tiirinaya in waxa ay falayaan diintu amrayso, sida iyagoo marka qolo qolo kale weerarayso ama koox koox kale la dirirayso ama qabiil qabiil kale ku duulayo qaata magaca mujaahid, mujaahidiin,

xaq udirir iyo wixii la mid ah kuwa kalana ku tilmama inay yihiin daalimiin in la dilo mudan oo dhiigooda banaan yahay.

Waxaa la ogyahay in diinteenu tahay diin saamaxaad, diin cadaaladeed oo caadifad iyo laab lakac ka barax tiran. diinteenu waa mid basharka oo dhan udamaanad qaadaysa nabad iyo nolol, waa diin aan ogolayn dulmiga iyo jowrka, waa diin faraysa macruufka, munkarkana reebaysa, waa diin siinaysa qofkastoo xaqleh xaqiisa, waa diin gacanta kudhagaysa dulmiilaha doonaya inuu dunida fasaadiyo, waa diin dadka kaxoraynaysa inay dad kale adoomo u ahaadaan, waa diin kor uqaadaysa qiyamka, karaamada iyo sharafta qofka, waa diin dhiiri galinaysa horumarka, cilmiga iyo aqoonta, waa diin ladiriraysa jahliga iyo dib udhaca, waa diin doonaysa inay dunida kufaafto cadaaladda, sinaanta, iyo kala dambaynta, waa diin aan ogolayn in qaanuunka lagu xadgudbo oo dhowraysa xuquuqul insaanka, waa diin ciqaabaysa dulmiilaha sharkiisana kabadbaadinaysa umadda.

Run ahaantii maanta hab-dhaqanka dad badan oo muslimiinta ka mid ah ee ku salaysan nacaybka waa mid ka fog diinta ay sheganayaan waana kan sababay cadaawada weyn ee loo qaaday iyaga iyo diintoodaba, halkii ay awal kadhici jirtay in qaab dhaqameedkii muslimiintii hore oo kali ah ay ku soo islaami jireen mujtamacaad dhan oo malaayiin ah, sida ay sheegeen dadka taariikhda islaamka ukuur gala ee loo yaqaano mu,arikhiinta badankood.

Taariikhdu waxa ay marag katahay in inta islaamka ku gaaray sida nabadgalyada ah in la eg uusan ku gaarin seefta tiiyo la ogyahay dhulalka islaamka kufurtay jihaadka xitaa uusan marna kadhicin cid lagu jujuubay diinta ee ay iyaga iskood si akhtiyaari ah uqaateen mabaadi’da islaamka ka dib markii ay arkeen inuu oga fiican yahay dastuuradii dulmiga ku salaysnaa ee ay dowladihii laga xoreeyay kula dhaqmi jireen, sideedana marka aad u dhabo gasho hadafka jihaadkii ay dowladaha islaamka ah ku furteen dunida dacaladeeda waxa aad arkaysaa in waxa ay ku duuleen uu ahaa Nidaam dulmi iyo jowr ku salaysnaa ee uusan ahayn

waxa ay ku duuleen xorriyad iyo caqiido sida dad badani moodaan, taasina waxa daliil marag madoonto ah ugu filan inan meelihii uu islamku qabsaday marna laga burburin dadkii ahlulkitaabka ahaa meelihii ay wax ku caabudi jireen diintoodiina aan lagu faro galin.

WD: Ibraahim Warsame

 

KEYD DHIGO INTAAD DHALLINYAR TAHAY

jiritaanka nooluhu wuxuu ka soo askumaa  uurka hooyada, ka dibna wuxuu u soo gudbaa ifka oo uu waayo kooban joogo, ugu dambeyna goortii caleentiisu cirka ka soo dhacdo oo wadku u yimaado ayuu  jiciirtaa nololaha Aakhiro ee aan dhammaadka lahayn.

Uunka Eebbe qeybtii garaad leh ee aynu inagu ka mid nahay waxay celcelis ahaan da’diisu gaadhaa 63 gu’ oo ah aynigii uu Suubanuhu ku geeriyooday “NNKh” ku geeriyooday, waxaana guudka u suran xil aan noolaha intiisa kale saarnayn, xisaab adag oo falkiisa iyo dhaqaaqiisa ifka ku qotontaahina qiyaamaha ayay ku sugaysaa.

Amminta kooban ee aynu aradka joogaynaahi waa mid qorshaysan oo dhuunigii aanu cuni laheyn, dharaar walba wixii aan samayn lahayn, dhankii aanu dhulka Eebbe kaga sugnaan lahayn, xaasas haddii aanu guursan lahayn iyo haddii aanu doobnimo iyo guumeysnimo la god gali lahayn, dhib kastoo inagu dhici lahaa, saboolnimo iyo hodannimo tii aanu ku dhaqnaan lahayn, iyo wax walboo waayeheenna aduun ku saabsan intaanu caloosha ku jirnay baa xag Illaahay laga qoray oo diiwaan aynaan waxba ka badeli Karin.

Taasi waa runta biyo kama dhibcaanka ah hayeeshee dadaalka iyo u xusul-duubista waxyaabaha danteenu ku jirto waa laynoo ogolyahay, Diinteena Islaamkuna waxay qabtaa inaanu Eebbe si dhab ah u talo saaranno, ugu yaraan waxyaabaha lama dhaafaanka ah oo uu ina farayna aanu gudanno, ka dibna aanu aanu tabcasho iyo turuq maal u tafa-xaydanno.

Xilliga dhallinyarnimada iyo caabboonaanta  ayaa loo baahanyahay in xoogga la saaro wax qabad aayaha dambe la mahdiyo, baraaraha nolosha waayeelnimo iyo midda ubadkaagana gogol dhig u noqata oo waaya soo socda lagu caano maalo.

Haddii aynu ka soo qaadno in da’deenu 63 ku ekaan doonto 20-ka gu’ ee ugu hooreysa wixii aynu tabcannaahi waxay noqan doonaan dhigaal meel inoo yaal oo aanu 43-da gu’ee kale u baxsanno sida diinta Eebbe oo aanu u adeegno, wax-barasho aanu heer ka gaarnay, hal-abuur aanu dhaqaaqinnay, gancsi aanu sameysano oo aanu in door ah u dhabar adaygno.

Haddaba waxaa wanaagsan inaanu intaan firfircoonida iyo fayoobida Alle inoogu deeqay haysanno fadhiga ka kacno oo kasab iyo keydsasho u tafa-xaydanno oo halkii balwad iyo bilqanaan ammintu nagu dhaafi lahayd aanu  maalin walboo timaadda wax cusub kororsanno, talo-saarashada iyo cuskashada Eebbene wax walboo aanu sameynayno ku salayno.

Joogitaanka ifku waa kansho dahabi ah, dharaar walboo inaga tagtaahina waa tu aan soo noqanayn oo xumaan iyo wanaag wixii aynu dhex sameyno labada diiwaan midkii mudan ku daraysa , sidaa darteeda waa inaanu saacadaha , maalmaha, iyo gu’yaasha ina soo maraya ka faa’iidaysannaa.

WQ: Abwaan Hareeri 

 

Hawlgallo lagu beegsanayo Khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Jubbada Dhexe

Howlgallo lagu naafeeyey Khawaarijta oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa saaka laga fuliyey degmooyinka Bu’aale, Jilib iyo Saakow oo hoos yimaada Gobolka Jubbada Dhexe.

Hawlgalkan oo ahaa Duqeymo dhanka cirka ah ah ayaaa lala beegsaday Xarumo ay horjoogeyaasha iyo Maleeyshiyaadka Khawaarijtu kaga sugnaayeen Gobolka Jubbada Dhexe.

Dowladda Soomaliya ayaa maalmihii u dambeeyey xoojisay hawlgalada lagu beegsanayo goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan kooxda Khawaarijtu.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xeryaha ay tababarka ee ciidamada Badda iyo cirka ee Eritrea ku sugan

Asmara : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa maanta kormeeray xeryaha ay tababarka ku qaadanayaan ciidamada Badda iyo Cirka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ereteriya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo warbixinno ka dhageystay sarakiisha ciidanka ayaa ku bogaadiyay dal jacaylka, dhabar adeyga iyo kartida ay muujiyeen muddada ay tababarka ku jireen, isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan sidii ay u garab siin lahaayeen halyeeyada kale ee ciidamada qaranka ee ku jira dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta.

Wafdi ka socda Soomaaliya oo Morocco uga qayb galaya shirka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka & IMF

Maraakish: Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Maraakish ee dalka Boqortooyada Morocco.

Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa dalka Boqortooyada Morocco uga qeyb galaya shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo Hay’adda lacagta IMF, kaas oo socon doona muddo todobaad ah.

Mudane Biixi Iimaan Cige Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, oo la hadlay warbaahinta ayaa uga warbixiyey qodobada sanadkaan looga hadlaya shirka, isaga oo sheegay in sanadkaan looga hadlaya sidii kor loogu qaadi lahaa habka ay u shaqeeyaan Bangiga Adduunka iyo IMF.

“Soomaaliya waxa ay qeyb weyn ka tahay dadaallada ay wadaan dalalka soo koraya, kuwaas oo doonaya in dib loo qaabeeyo Bangiga Adduunka, doorweyn baynu ku leenahay, afkaarteyna iyo fikradahayn way ka dhex muuqdaan doodaha ka dhacaya dalka Marooko,” sida uu yiri Wasiir Biixi.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa inta uu socday shirka waxa uu kulamo gaar ah la yeeshay madaxda ugu sarreysa Bangiga Adduunka iyo IMF, isaga oo kala hadlay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliye oo heer gabagaba ah maraya iyo dib u qaabeynta dhaqaalaha dalka.

 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka oo kulan la yeeshay xigeenka ergeyga QM

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA ku qaabilay ku xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna Iskuduwaha Gargaarka Bini’aadanimada George Conway.

Kulankaan waxaa qayb ka ahaa guddoomiye ku xigeenka hay’adda Maareynta Dr Axmed Cabdi Aadan, iyada oo looga hadlay Xaalada Roobka dayrta ee El-Niño, sida bulshada Soomaaliyeed looga digi lahaa madaama ay wadato Fatahaado iyo daadad culus.

Sidoo kale kulanka ayaa laba mas’uul waxa ay uga wada hadleen sidii goobaha laga xoreeey Khawaarijta gargaar loo gaarsiin lahaa gaarsiiyo, in ay kawada shaqeeyaan sidii gargaarka loogu talagalay dadka nugul u gaari la ahaa iyo Qodobo kale.

Ku xigeenka Ergeyga xogahayaha guud Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu booqday xarunta ka digista halis-wadareedka ee hay’adda maareynta Musiboyinka Qaranka SoDMA, isaga oo halkaas loogu sharaxay xaaalada roobka dayrta ee goboladda wadankeena ka curtay.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo si rasmi u daahfurtay xarunta kormeerka hirarka

Hay’adda isgaarsiinta Qaranka ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay xarunta hawlaha kormeerka hirarka, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta maamulka hirarka iyo xaqiijinta tayada isgaarsiinta Soomaaliya.

Munaasabadda lagu daahfurayay xaruntan oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Hay’adda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Maareeyaha Guud ee Hay’adda, Maareeye ku xigeenka guud ee Hay’adda iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Mudane Jaamac Xasan Khaliif oo ka hadlay muhiimadda ay Xarunta Kormeerka Hirarka u leedahay fududaynta kobaca iyo horumarinta isgaarsiinta, isagoo yiri, “Daahfurka Xarunta Kormeerka Hirarka waa tallaabo muhiim ah oo lagu gaarayo himiladeena la xiriirta qaran dhijitaal ahaan isku-xiran. Xaruntani waxay kor u qaadi doontaa awoodaha maamulka hirarka, taasoo horseedi doonta horumarinta tayada adeegga, kororka hal-abuurka iyo kor-u-qaadista tartanka Isgaarsiinta.”

Sidoo kale Mareeyaha Hay’adda oo ka hadlay furitaanka Xarunta Kormeerka Hirarka, ayaa yiri “Xaruntan waxay wax badan ka beddeli doontaa la-socodka iyo maareynta kheyraadka hirarka dalkeena. Iyadoo si xawli ah loo ballaarinayo kaabayaasha isgaarsiinta dalka iyo kororka teknolajiyada aan xargaha lahayn (wireless), waxaa muhiim ah kormeerka hirarka si loo xaqiijiyo in adeegyada isgaarsiinta aysan kala-gpo’ yeelanin, isla markaana looga hortago isdhaxgalka hirarka, taas oo ugu dambeyn horseedeysa in sare loo qaado tayada adeegyada la siiyo macaamiisha.”

Daahfurka xarunta waxay astaan u tahay dadaalka joogtada ah ee HIQ ee kor loogu qaadayo awoodaha maaraynta hirarka iyo hubinta in muwaadiniintu ay helaan adeegyo isgaarsiineed oo aan kala-go’ lahayn. Sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda oo ka wada hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda ee Dhanka Isdhexgalka Gobolka John Mulimba  oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqalaha gobolka, socdaalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyey dowladda Uganda sanad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xornimada qaateen, isagoo uga mahadceliyay dowladda Uganda kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadato nabad ilaalinta Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah, si meesha looga saaro khatarta ay ku hayaan deganaanshaha gobolka.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda ee Dhanka Isdhexgalka Gobolka , John Mulimba ayaa dhankiisa sheegay in Uganda ay ku garab taagan tahay Soomaaliya ku biirista Bulshada Bariga Afrika, si sare loogu qaado isdhex-galka dhaqan-dhaqaale ee waddamada gobolka.