Madaxweynaha Galmudug iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Bacaadweyne

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-Qoor ayna wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulkaadir Maxamed Nuur, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta JFS Cabdiraxmaan Alcadaala iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda iyo Galmudug ayaa soo gaaray Magaalada Bacadweyne ee koonfurta Gobolka mudug halkaas oo ka mid ahayd Deegaanadii laga xoreeyay khawaarijta

Wafdiga ayaa waxa Bacadweyne ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka mudug, Mamaulka Bacadweyne, Guddiga Difaaca iyo dibu xoreynta Koonfurta Mudug, Lataliyaha Madaxweynaha Qaranka Sakariye Xasan Gaashaan, Saraakiisha Ciidamada iyo shacabka Bacadweyne

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa iminka kulan la qaadanaya Masuuliyiintii gobolka,kuwa deegaanka,Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanka.

Xafiiska Hantidhowrka oo Faray masuuliyiinta gacanta ku haya Baabuurta Dowladda in ay soo celiyaan

Xafiiska Hantidhowrka guud ee Qaranka oo ka duulaya ilaalinta iyo maamul wanaagga Hantida dowladda waxa uu ku wargelinayaa dhammaan mas’uuliyiinta halkan hoose ku xusan in ay si dhaqsi ah u celiyaan gaadiidka dowladda ee kujira gacantooda.

Hantidhowrka guud ee qaranka ayaa muddooyinkii u dambeeyey xoojiyey habraacyadda lagula dagaalamayo musuq maasuqa sidoo kalena kor loogu qaadayo hufnaanta shaqo ee Haya’addaha Dowladda.

WALWAL KA JIRA KOR U KAC MACIISHADA DUNIDA IYO HOOS U DHAC DHAQAALE.

Marka kaga soo bilaabo cudurkii corona virus ee dunida ku fiday kaasoo keenay dhibaato badan ka sokoow in uu dunida u horseeday ama la kulanto hoos u dhac dhaqaale sida ganacsiga, duulimaadyada, waxsoosaarkii beeraha iyo warshadaha taasoo soo raacda wax isdhaafsiga isku socodka.

Arintani ayaa ka dhalatay xanibaad isla kulanka iyo goobaha shaqada, waxaa soo if baxay in shirkado badan lumiyeen lacag badan ayadoo cabsi weyn dadku la soo daristay oo cudurkaasi koroona dartiisii oo dad malaayiin ah naftooda iyo maalkoodii gaaftay oo ku waayey iyadoo taasi ay jirtay ayaa hadana si tartiib tartiin ah si dunida ugu soo laabatay howlihii caadiga ahaa sida duulimaadyada iyo shaqada iyo waxsoosaarkii warshadaha iyo wax isdhaagsiga iwm.

Ayadoo laga soo kabsanayo arimahaasi oo uu sababay corona viris oo dunida la daalaa dhaceyso ayaa hadana waxaa dhibaato kale oo lama filaan ah laga kulmay kolkii ui dagaal ka aloosmay dalka yukreym ka dib markii uu ruushka dagaal ku qaaday dalkaas isagoo sheegay in danihiisa wax loo geysanayo qatarna ay ku tahay mar hadii yukreyn ku biirto ururka gaashaanbuurta nato ee reer galbeedka.

Dagaalkaas oo sii dheeraaday ayaa sababay in laga dareemay dalalka reer galbeedka hoos u dhac lacagta yuuro ee ku midoobeen dalalka reer galbeeedka ka dib markii markii gaaskii ay ka qaadan jireem ruushka oo meeshii ka baxeyn, shidaalkii oo ku yaraaday dunida ku yaraaday isagoo qiimihiisana kor u kacay taasoo keentay markii uu ruushku ka joojiyey kuna soo rogay cunaqabateyn iyagoo reer galbeedkana ay ku soo rogeen cuno qabateen culus oo saameysay dhinacyo badan dhaqaale, ganacsiga, bangiyada, shirkadaha, iyo diblomaasida.

Cunaqabateen kaliya ma saameyn ruushka kaliya sidoo kale reer galbeedka ayaa si dadbadan u saameysay oo u dareemay colaada yukreen.

Saliida ama shidaalka dunida ayaa yaraaday oo loo baahday kuwa qaniga ku ah in ay kordhiyaan soosaarkooda si loo dheeli tiro baahida gaaska iyo saliida dunida ka jirto.

Wadamada horumaray iyo kuwa soo koraya ayaa maciishada seyladaha, alaabaha, iyo cuntada duruuriga ah oo meelo badan laga dareemo.

Maraykanka ayaa haatan wada dadaal ku aadan sidii loo heli la haa wadiiqo lagu dheelitiraayo shidaalka, iyo saliida dunida ay u baahan yihiin yurubta.

Midowga yurub ayaa iyagana ka fikaraya lacagata yurub hoos u dhacay haleelay sidii wax looga qaban lahaa lacagtaasi yurub wada isticmaalaan bangiyadooda, iyo habka ganacsiga wax isdhaafsiga ku dheehan ee badeecadaha.

Saameynta arimaahi ayaa kaga yaabaa in ay soo gaarto dalalka saboolka ah ee dalalka afrika ayadoo iminka meelahaasi ka jirto kor u kac qiimaha shidaalka iyo maciishada ilaa iyo iminka ma jirto saansaan lagu xalinaayo dagaalka yujreyn ka aloosan ayadoo ruushku ay ka go’an tahay in uu qabsado oo uu burburiyo.

WQ: Cabdisalan M. Yaasiin (Sidiiq)

Ha fududeysan Diigniinahan ku aadan El-Nino (WARBIXIN)

Roobab mahiigaan ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ka da’aan dalkeenna, si gaar ah goobaha laga cabsi qabo waxaa ka mid ah Webiyada, Dhulka buuraleyda ah, kuwaasi oo labadoodaba ka dhalan karaan fatahaado iyo daadad aad u waaweyn, keenina kara khasaare isugu jira Maal iyo Nool. Hay’adda Maareynta masiibooyinka Qaran ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagtay fariin digniin ah oo ku aaddan in laga digtoonaado waxyeelada ka dhalan kara xaaladda El-Nino.

Sidoo kale, si ay u yaraato khataraha ka dhalan kara, waxay hey’addu bixisay digniino iyo talo-bixino xaaladda El-Nino isbuuclaha ahaa intii u dhacxeysay 28-september ilaa 4-ta October ee sanadkan 2023. Toddobada cisho oo ahaa usbuuca ugu dambeeya bishii September iyo isbuuca ugu horreeyay ee bishan October ee sanadkan, waxaana bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan 18-ka gobol ee dalka hey’addu maareeynta iyo masiibooyinka qaranka ku wargelisay in ay ka feejignaadaan khatar ay suurta-gal tahay in ay ka timaado Roob mahiigaan ah oo isbuucaan la filayo inuu da’o.

Goobaha sida gaar ah Roobabka la saadaaliyay waxay kala yihiin gobollada Bari,Sool, Sanaag, Waqooyiga galbeed, Nugaal, Hiiraan,Baay,Bakool, Shabeellaha hoose iyo Jubbada Dhexe ayaa la saadaaliyay in ay geysan karaan Khatar cabirkeedu sarreeyo, waxaana Bulshada ku dhaqan gobolladaasi ayaa loogu baaqay in ay muujiyaan taxadar gaar ah oo ku aadan khatarta fatahaadda iyo daadadka Roobka ka imaanaya.

Dhammaan gobollada kale ee dalka, Roobabka la saadaaliyay waxay geysan karaan khatar cabirkeedu dhex-dhexaad yahay, balse hey’addu waxay ku wargelisay dadka ku nool gobolladaasi in ay haboon tahay in ay ka feejignaadaan Khatartaas El-Nino.

Waxaa kale oo Bulshada ku dhaqan hareeraha jiinka wabiga looga digay in ay aad uga feejignaadaan saameynta daadadka roobka ku yeelan karo naftooda iyo maalkooda gaar ahaan dadka ku nool gobollada Bari,Sool, Sanaag, Nugaal, Waqooyi Galbeed, Hiiraan iyo Shabeellaha hoose, waxaa sidoo kale, looga digay in ay iska ilaaliyaan toggaga biyuhu maraan, taas oo Khatar gelin karta naftooda, iyadoo ugu dambeyn, Hay’adda Maareynta iyo Masiibooyinka Qaranka ay guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed uga digtay in aysan deegaameysan ama guryo ka dhisan meelaha biyo-mareenka ah si ay u badbaadaan.

“Waxaa jira khatar ku aadden fatahaado ka dhalan kara Roobab la rajeynayno in ay ka da’aan dalka, sida lagu ogaaday saadaallo cilmi ku dhisan oo la sameeyey, taasi oo na-tusineysa in Roobab waaweyn oo waxyeelo geysan kara ay ka di’i karaan qeybo ka mid ah dalka.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa, mar uu kormeer ku tegay Xaruunta Hey’adda Maareynta Masiibooyinka, si uu qiimeeyo heerka diyaar-garow ee digniinaha la xiriira Roobabka iyo fataahadda laga cabsi qabo in ay ka saameeyaan dalka.

Ra’iisul Wasaarahu wuxuu si gaar ah digniin ugu diray dadka degan Webiyada jiinkooda, kuwaasi oo halis gaara ugu jira daadad xoogga leh oo ku fataha, isaga oo ugu baaqay in ay ka fogaadaan hareeraha Webiga iyo dhulalka godan, wuxuuna ugu dambeyn ku booriyay Hey’adaha gargaarka ee ka hawlgala dalku in si dhow ay ula shaqeeyaan Hey’adda SOMDA, si wadajir loogu diyaar garoobo masiibooyinka la soo werinayo, islamarkaana waxa uu ku adkeeyay Madaxada iyo khuburada hey’adda SODMA in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aadden maareynta musiibooyinka, si looga hortago dhibaato xooggan oo dadkeenna ka soo gaari karta Roobabka iyo fatahaadaha ku soo fool leh.

Waxaana aad ina soo gaaray, hey’adda maareynta musiibooyinka ku magacowday ogeysiiskeeda DIGNIIN, in saadaashu sheegayso Roobab mahiigaana oo ku soo wajahan dalkeena.

Hey’adda cilmibaarista badaha Soomaaliyeed, wey dareensaneed isbedelka cimillada ee la filan karo  xilli roobaadka Deyrta, laakiin waxay aad u eegeysay dhinaca Badda oo hadda ay ka soo saareyso baaqaan ay ku magacawday Digniinta L.2, ee ISBEDELKA XAALADDA BADDA EE LA FILA KARO IYO SIDAAN:

  1. IN ROOBAB BADAN OO GAARAYA SADDEX DALOOL ROOBKII DI’I JIRAY WAQTIGAAN, BADDANA DAADADKA DHULKA U BADDANA KU DA’AYAA SIDA BERRIGA.
  2. Daadadka Waadiyada iyo Webiyada waxay kor u sii qaadi karaan Heerka (Level) ka BADDA.
  3. Waxaana intaa la sii jira in Qorraxdu ay ka tallaabsatay DHULBARAHA, iyadoo Koonfur u socota 23 September 2023; HADDABA kuleylku wuxuu jiraa Deyrta Koonfurta Dhulbaraha, Waqooyiga Dhulbaruhu waa Diirimaad Qabow iyo BARAF Deyrta. Sidaa awgeed, waxaa aad u suuragal ah inuu Dhalaalo Barafka Badweynta Waqooyi “Artic” soona gaaraan Biyaha Barafku Badweynta Hindiya.

Haddaba sababaha Seddexda ah ee aan soo xusay iyo wax kale oo raaci karto waxay kordhin karaan heerka Badda: (Buuxin karaan) Kicin karaan, qasi karaan, taasoo ay suuragal tahay in Baddu soo gasho xeebaha Barriga oo ay wax ku yeesho magaalooyinka iyo tuulooyinka xeebaha Dalka, gaar ahaan Muqdisho oo Xeebteeda Godad laga qoday oo halis ah inay baddu soo gasho una soo gudubto Magaalada, gaar ahaan Bariga LIIDO sidoo kale Koonfurta Xalane oo haddaba biyihi Baddu ay ku jiraan.

Sidaas awgeed, waxaa habboonaan laheyd in Dowladda hoose ay arrintaas xal u helaan oo ah duugista godadka Xeebaha iyo dhisid Darbi ilaa 0.5 (Nus) Mitir ah meelaha qaarklood sida Koonfurta Xalane ee Muqdisho.

Share this Article

GANACSIGU MA INDHA CADEYN BAA?

Ganacsiga waa mehrad barakeysan oo soo jirtay qarniyaal waana mehrado aysan dadku ka maarmin oo ay wax ku kala iibsadaan.

Waxaa jira suuqyada badeecadaha dukaanka suuq xoolo market, sharaapka, maqaayado, hoteello, carwooyin, goobo buugaag iyo foto copy iwm taasoo soo raacda ganacsatada qudaarta bakhaarrada cuntada kala duwan, maacuunta, foornooyin, miisaska yar yar ee alaabada lagu iibiyo iyo kuwo kale oo badan.

Dadka ku howlan guud ahaan mehradahaasi ganacsi ayaa ku kala duwan macaamiisha iyo habka dhaqanka ganacsigooda, sicirka ay wax ku iibiyaan iyo Tayada daawada alaabta iyo wixii la mid ah.

Ganacsato cusub ayaa maalin walba ku soo kordhaya oo ku soo biiraya faras magaalaha caasimadda dalka.

Is barbaryaac tabartaa iyo taagtaa ah ayaa jirta oo buux dhaafiyay hareeraha lagta loogu tala galay in ay dadku maraan.

Hilible, caanoole, jaadle, bagaashle, looma kala harin.

Waa xilli dadku indhaha ku kala qaadday sidii bal nolosha qoyska u maareyn  lahaayeen taasoo ka gashay hab kasta uu u maro beegsado.

Soomaalida oo waxa ugu sahlan ay ka shaqeysan karaan ay tahay ganacsiga oo xad dhaaf ah qorshana aan lahayn.

Soomaalida oo aan inta badan lahayn dhaqan wax curin ah iyo dhaqan wax aqris ah toona ee waa arrintooda waa indho caddeys iyo lagaama roona la soo galay ganacsiga iyo kaxeynta gawaarida biielka iyo bajaajta oo dhallin yaro xilkas ahayn u badan habka ay u wadaanna mootada iyo gawaarida aad mooddo in aysan mas’uuliyad ka saarneyn dadka uu wado sidoo kale habka kaxeynta xawaaraha ay ku socdaan ayaa kaa yaabinaya iyo weliba qaabka ay u fadhiisanayaan isagoo kaxeynaya weliba.

Waxay shitaan samaacado oo heesaha kor loogu dallaco rakaabka oo dhegaha ku jabinaya oo caruurta ka seexan la,yihiin iyadoo weliba is barbar yaacaya dhexdooda midba kan kale doonaya inuu ka hor maro, waa yaah sida jidka ay ku maraan waana indho cadeyn habkaas ay jidadka ku maraan oo xanniba jidadka dhaadheer ee isku xira magaalada muqdisho.

Ganacsiga waah ab haneysan oo ku dheehan qorsho cilmiyeed loogu tala galay daqliga maalinlaha ah iyo mid bil iyo sanado ah shirkadaha waa weyn ayaa looga fadhiyaa sannad kasta in ay iska bixiyaan sekada ku waajibtay/

Iskana ilaaliyaan dhaqanka ribada qiyaano iyo khish, been oo lagu dhaarto iibinta waxyaabo dhacay dul saar qiimo badan, hawo raacis iwm

Ganacsigu waa inuu noqdaa mid ka fog waxyaabaha aan soo sheegnay kuna qotoma lillaahi iyo daacadnimo ganacsigu waa inuu noqdaa mid nadiif ah oo sixalaal ah ku socda kana fog markaasi indho caddeyn iyo wax is daba marin oo miir la’aani hareysay.

In kastoo poliiska waddooyinka ee traafikada loo yaqaanno ay wada dadaalayaan haddana weli kama soo naaso cadda kuwa kaxeeya gaadiidka kala duwan inay u hoggaasamaan amarrada  iyo sharciyadda waddooyinka taasoo Meesha ka baxday tan iyo qaran jabkii dalku haleelay.

Arrintu si kastaba ha ahaatee waa in wax walba ay noqdaan sidii lagu yaqiinay oo raacsan habka dunida looga ganacsado taasoo ku dhisan wax isdhaafsi qorsho habeysan iyo kobac dhaqaalo oo la dareemo sanad kasta bal adba.

WQ: Ibraahim A. Ali

ISBEDDELKA UU LA YIMID QALABKA WARBAAHINTA BULSHADA

Qalabkan (Social Media ) loo yaqaano waa mid dardar ku socda isla markaana leh saamyn xoog leh oo dhinca xiriirka bulshada isla markaana bedelay qaabkii hore ee dadku u wada xiriiri jireen.

Wuxuu qalabkani ka dhigay caalamka mid aan laheyn xuduudo taas oo la macno ah in qofka maanta aanay jirin wax xuduud ah oo ka horjoogsaneysa in uu la xiriiro caalamka meel uu joogaba Waxaa kale oo baraha bulshada ay fududeeyeen in hal meel ay ku wada hadli karaan dad fara badan oo kala jooga meelo kala duwan oo caalamka ah ayma isku dhaafsan karaan afkaarta iyo akhbaaraha.

Tusaale ahaan Twitter-Space waxaa lagu wadaagaa afkaaraha iyo fikradaha arrin markaa u muuqata mid taagan ama xasaasi ah waxana lagu dhisi karaa fikir markaa la karkarinayo si looga dhigo fikir siyaasadeed oo shaqeyn kara.

Waxaa lagu ogaan karaa fikirka arrin laga qabo waxaana lagu sameyn karaa sahan fikir la baarayo si loo ogaado waxa laga qabo.

Baraha bulshada waxaa sidoo kale looga faa’ideysan karaa dhanka xogaha oo lagu soo bandhigo siiba kuwooda markaa soo baxaya oo laga sii dheehan karo lagana raaci karo si war buuxa loo sameeyo oo la daba dhigo wareysiyo lagu faahfaahinayo.

Dhanka kale waxay abuureen arrimo aan hore loo ogeyn oo baraha bulshada qaarkood sida Facebook, Tiktok iyo kuwo kale waxay abuureen qabatin oo dhallinyarada haba ugu badnaadeene maanta si aad ah ayey maskax ahaan u saameeyeen waxayna qaarkood ka mashquuliyeen waxbarashadii iyo shaqooyinkii .

Waalidiinta qaarkood ayaa maanta ku dhibaateysan in ay carruurtooda ka celiyaan baraha bulshada ka dib markii ay arkeen carruurtooda oo ku dheggan telefoonadooda si ay qalabkaa baraha bulshada ula socdaan.

Xitaa gooobihii waxbarashada dhibaatada baraha bulshada waa laga dareemayaa oo xitaa macalinkii oo sabuuradda taagan oo wax sharraxaya ayaa ardaydu isaga jiraan facebook iyi Tiktok iyagoon waxba kala socon waxa macallinkaasi u sharraxayo.

Hooyiinka ayaa Iyana guryaha waxay qaati ka taagan yihiin in ay gabdhahooda ka celiyaan isticmaalka joogtada noqday ee baraha bulshada inkastoo hooyooyinka qaarkood ee la qabay loo furay isticmaalka baraha bulshada dartood.

Intaasi kuma koobna ee baraha bulshada saameyntoodaa bulshada waxaa ka mid ah waxay faafiyaan warar been ah oo qaarkood ku talo gal yihiin qaar kalena marin habaabin loogu talo galay .

Sidoo kale waxaa ku badan isku dirka, xanta iyo warar lagu raadinayo (views) oo laga rabo oo keliya aragtida in dhibco lagu helo .

Kicinta ayaasidoo kale loo isticmaalaa waxaana adeegsada kooxo afkaaro gaar ah wata oo kaga faa’ideysta in ay dadka ku saameeyaan.

Waana meelaha ay bulshada kaga imaan karaan marka ay adeegsadaan kooxha leh danaha gaarka ah ee diimeed iyo ujeedo xukun raadis ah.

Waxay baraha bulshada qeybaha ay ku jiraan qeybaha wada sheekeysiga la isugu gudbiyaan sheekooyin iyo xiriiro qaarkood been abuur ah ah raga iyo dumarku isku qaldaan oo la isugu sheeko sheelooyin been iyo qiyaali ah oo ay ku jiraan ballamo guur oo ay sameeeyaan labo qof oo facebook isugu horreeyey oo aan weligood is arkin .

Sheekooyinkaa qiyaaliga ah ayaaa ku dambeeya meel eber ah oyo hebel ayaa afka furtay ama hebla ayaa afka furatay – taas oo ah qof ka sheekeynayo sheeko qiyaano xambaarsan oo lagu sameeyey.

Sidoo kale baraha bulshada waxay noqdeen gole fadeexo sida Telegram oo Soomaalida aanay marina ma adeegsan dhankiisa wanaaga oo ah in laga heli karo goobo wax lagu barto laakiin ay Soomaalidu ka aadeen dhanka xun oo ah in ay ku soo bandhigaan muuqaallo qaawanaan ah siiba dumarka.

Baraha bulshada wanaag iyo xumaan waa looga faa’ideysan karaa waxaase wanaagsan in loo isticmaalo dhinaca wanaagsan maadaama ay yihiin kuwa maanta qof walba oo dunida jooga uu iska dhex arki karo isagoo ku leh bar ama akon isaga u gaar ah oo afkaartiisa iyo akhbaarta uu hayo fidinteeda uu ku adeegsan karo.

WQ:Mohamed Shiil

DALKAADA AYAA WAX KU TAHAY EE ABAAL U DHIGO

Qofka soomaaliga ah maanta ma jirto meel aan dalkiisa aheyn oo uu si nabdoon ugu ladi karo ama raaxo ugu seexan karo welwel la’aan xitaa haddii uu joogo meesha caalamka ugu qanisan ayna taallo hantida ugu badan.

Ma jiro meel u dhaami karta dalkiisa waayo isagaa leh isagaana ku nool oo uu dalku wax walba ka sugayaa.

Dalkaada oo aad dhisato kana shaqeyso horumarkiisa ma jiro wax kaaga wanaagsan hase yeeshee ma wacna in aad ka shaqeyso dalkaaga waxyeeladiisa iyo lug gooyadiisa waayo haddii aad dalkaaga burburiso dal kale ma dhiseysid mana jirto cid ku aamini karta .

Ogow dalkaagu waa ku soo abaal gashaday oo waxaad wax  ku tahay abaalkii uu kuu soo galay waayo waxaad wax ku noqotay oo aad wax kus oo baratay canshuurtiisa.

Dalkii aad canshuurtiisa wax ku soo baratay weli aheyd canshuurta laga qaadayey hooyada yaanyada suuqa ku iibisa haddii aad ku abaal dhacdo waxaa cad in aadan marna faa’ido ka heli doonin.

Dhibka aad u geysato dalkaagana adiga ayey kaa go’an tahay waayo kuwa dhibaatoonaya waa walaakaa, hooyadaa , aabahaa iyo walaashaa, ma jirto cid kale oo aad waxyeelo u geysaneyso.

Si kasta oo aad isugu daydo in aad xaqiiqda ka weecato ma hureysid dalkaaga isaga ayaana kuu dambeeya maal kasta oo aad joogto .

Ogow dalkaagu abaal buu kugu leeyahay maanta haddii aad arki weyso abaalkaas ama aad gudi weyso waxaad garan doontaa maalin kale oo aad ka shalleyn doonto dhibtii aad u geysatay.

WQ: Mohamed Hassan

WARBIXINTA TODDOBAADLAHA EE DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Taliye Ku-Xigeenka Xoogga Dalka u magacaabey General Maxamed Nuur Ufurow, isla markaana Taliyaha Ciidanka Lugta u magacaabey G/le Sarre Dayax Cabdi Cabdulle si loo dardar geliyo hawlgalada dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Xarunta Howlgalinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Dhuusamareeb kula kulmay saraakiisha guutooyinka Gorgor kana dhegeystay warbixinno ku saabsan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Midowga Yurub Marwo Karin Johansson.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo qaatay kaarka aqoonsiga dadweynaha ayaa ku baaqay in muwaadiniintu qaataan si loo sugo amniga loona horumariyo adeegyada dadweynaha.

5- Guddoonka labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay bandhigga filimka dib u curashada qaranimada Soomaaliya oo lagu soo bandhigay doorka walaalaha Jabuuti iyo taariikhda casriga ah ee dowladnimada Soomaaliya.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay bandhigga filimka dib u curashada qaranimada Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu horumar ka sameysay amniga kana shaqeynayso Soomaaliya ka caaggan argagixisada.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo daahfuray sanduuqa nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

8- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay qaadashada warqadaha aqoonsiga iyo diiwaan-gelinta dadweynaha, oo lagu beegay maalinta caalamiga ah ee aqoonsiga dadweynaha 16 Sebtembar.

9- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo magaalada New York uga qaybgalaya Shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo magaalada New York khudbad ka jeediyay kulan lagu gorfeynayey Hiigsiga Yoolasha Horumarka Waara ee Caalamka, wuxuuna kaga warramay isbeddelada amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalku ku tallaabsanayo.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York, kula kulmay Xildhibaan Ilhan Omar oo ka mid ah Aqalka Wakiillada dalka Mareykanka.

12- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo daahfuray mashruuca soo Dib u Soo Kabashada Xasaradaha Soomaaliya.

13- Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo lagu meel mariyay heshiisyo iyo is-afgarad ay Dowladda Soomaaliya la gashay dalalka Sacuudiga iyo Koonfur Afrika.

14- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa bogaadiyay howlgallada Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka ku ciribtirayaan Khawaarijta.

15- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa sheegay Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka ay inta badan gobolka Mudug ka sifeeyay Khawaarijta, gacantana ku dhigay magaalooyinka Bacaadweyn, Camaara, Qeycad, Xiin labi, Qodqod iyo deegano kale oo istaraatiiji ah.

16- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamd yihiin Xildhibaan Cabdisalaan xaaji Axmed Dhabancad, Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka Jen. Cabdullahi Aadan Xuseen ayaa kormeer ku tagay magaaladda Bacaadweyn ee Gobolka Mudug oo laga saaray Khawaarijta.

17- Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Agaasimaha NISA Mahad Salad Maxamed oo gaaray deegaano laga saaray Khawaarijta oo Mudug ka tirsan.

18- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale) ayaa deegaanada Nuur-Dugle iyo Caddaan Laxey kula hadlay Ciidamada Qaranka iyo xoogaga difaaca shacabka ayaa adkeeyay iskaashiga ciribtirka Khawaarijta.

19- Ciidanka Qalabka Sida ayaa fashiliyay gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa oo Khawaarijta ku weerareen deegaanka Laas-Gacamay oo hoos taga magaalada Bacaad Weyne oo ay ku sugnaayeen Madaxweynaha Galmudug, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

20- Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ugu baaqay dadkii ay Khawaarijtu xoogga uga saareen deegaanada la xoreeyay ee Galmudug in ay dib ugu soo noqdan guryahooda.

21- Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo booqasho dhiiragalin ah ugu tagay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta ee degaanadii dhowaan laga xoreeyay ee gobollada Mudug iyo Galguduud.

22- Ciidamada ammaanka magaalada Muqdisho oo fulinaya howlgalo amniga lagu sugayo ayaa deegaanka Daaru-salaam ee gobolka Banaadir ku qabtay gaari laga so buuxiyay walxaha qarxa oo ay Khawaarijtu dooneysay inay shacabka ku leyso.

23- Maamulka Gobolka Banaadir oo raashin ay iska soo uruuriyeen bulshada caasimada ku wareejiyey Taliska Xoogga Dalka si loo dhiira galiyo hawlgalka ciribtirka Khawaarijta.

24- Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Maxamed Shiikh Axmed Cali (Doodishe) oo ku sugan magaalada Riyaad ee Sacuudi Caraabiya ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Sacuudiga Amiir Abdul-Aziz bin Saud, kuwaa oo ka hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta amniga.

25- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta dil toogasha ah ku fulisay Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac (JiniJini), oo horay Xarardheere dil ugu geystay marxuum Saacid Cali Cabdi Shabeel, oo ay militariga ka wada tirsanaayeen September 11-keeda ee sannadkan.

26- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee Ururka G77+China oo laba maalin ka socday magaalada Havana ee dalka Cuba.

27- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo ay la yeesheen Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya iyo xubno ka tirsan xafiiska Bangiga ee dalalka Bariga Afrika oo ka dhacay Nairobi.

28- Haweenka Magaalada Ceelguula ee Gobolka Mudug ayaa deeq taakulo ah oo iskugu jirtay xoolo, biyo iyo cunooyin ku wareejiyay saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa degaanka.

29- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo bandhigtay hanaanka wadatashiga ee Istaraatiijiyada jiilka shanaad (5G).

30- Horjooge Yuusuf Sheekh Xasan oo mudo 12 sano ah Khawaarijta ka tirsanaa ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan gobolka Bakool.

31- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka digtay duufaanta El-Nino.

32- Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka Bay ku dilay madaxii maaliyadda Khawaarijta ee Gobalka Bay Aadan Gardhuub iyo Maleeshiyaad uu watay.

33- Horjooge, Xasan Musdhaf Dhaayoow oo loo yaqaanno (Shiniyey ) ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee uu fadhigoodu yahay degaanka Goof-Gaduud Buurey ee gobolka Baay.

===DHAMMAAD====

In ka badan 700 oo ruux oo ku dhintay duqeymaha Israa’iil ee ka socda Qaza

In ka badan 700 oo ruux oo rayid ah oo ay ku jiraan 140-caruur ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen  duqeymaha Israa’iil,kadib kolkii ay go’doomiyeen deegaanka Gaza oo dadka ku nool ay u baahan yihiin  cunto iyo shiidaal.

Wasiirka Caafimaadka Falastiin ayaa dalbaday in la la sameeyo waddo nabdoon oo soo gasha Gaza si gargaarka caafimaad loo soo gaarsiiyo cisbitaalada halkaasi oo ay buux dhaafiyeen tiro dad ah oo aad u fara badan.

Kooxda Xamas ayaa sheegtay in ay dili doonto dadka Israeli ee ay heystaan,haddii aysan joojin weerarada iyo duqeynaha ay ku hayaan dadka rayidka ah.

“Waa dambi dagaal marka loo eego qawaaniinta Qaramada Midoobay in dad rayid ah la go’doomiyo si ay ugu dhintaan gaajo” sarkaal u hadlay Falastiin ayaa yiri.

Dagaalka u dhaxeeyay Israa’iil iyo Falastiin ayaa bilowday maalinimadii Sabtida ee la soo dhaaafay, waxaanna tirade dhimashada Israa;iil ay mareysaa 900 oo qof,iyadoo colaadaha cusub ay dabajoogaan ciidanka Yuhuudda oo sanadihii u dambeeyay  geystay falal xasuuq ah oo ka dhan ah dadka Falastiin iyo in ay mamnuucaan ama xoog ku galaan goobaha barakeysan sida