Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay Dhagar qabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee (NISA) ayaa gacanta ku soo dhigay dhagarqabe ka tirsanaa Argagaxisada Al-shabab kaas oo Ku Howlanaa Wax Yeeleeynta Shacabka ku nool Caasimada Muqdisho.

Ciidamada Amaanka ayaa beryihii u dambeeyey xoojiyey hawlgallada lagu fashilinayo falalka Amni darro ee ay soo abaabulaan khawaarijtu.

Laammaha Amniga ayaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee U taagan Gacan Siinta Ciidanka Amniga Soomaaliyeed ku amaanay dowrkooda wanaagsan iyo sida mar walba ay u garab taagan yihiin ciidanka amniga.

Xukunka waayeelkii loo Dilay Dhaxal aan lagu lahayn

Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed ayaa October 19-keedii u baxay dilka Marxuum Yusuf Cabdi Axmed oo ahaa Beeraley lagu dilay Number 50 beertiisa xilli habeen ah.

Muuse iyo Cumar ayaa ka tirsan ciidamada xoogga dalka, waxa ayna marxuumka dilkiisa ka hor ka qaateen $17,300 oo dollarka maraykanka ah.

Cali Cumar oo marxuumka aabihiis mar qabi jiray hooyadiis ayaa aaminsan in ay dhaxal wada leeyihiin, waxaana hore u jiray muran u dhexeeyay Cali iyo Marxuum Yusuf.

Muuse Cali Nuur oo hore abaal marin ugu helay dilka khawaarij uu si gaar ah u u gaarsaday ayuu isticmaalay Cali Cumar oo qorshaha lahaa, waxaana wadihii mootada geeyay Beerta iyo rag kale oo marxuumka u ahaa shaqaale ay qaraaba hoose yihiin Maxkamadda ka sheegeen 15-kii bishii February ee sanadkaan in dilka ay wada gaysteen Muuse iyo Cumar.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaas, fadhiyo kala duwan ka dib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa Labo iyo labaatankii bishii February ee sanadkan ku xukuntay Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed dil toogasho ah.

Qareenada u doodaayay eedeysanayaasha ayaa qaatay racfaan ka dib xukunkii dilka ahaa ee lagu riday.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda ayaa aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen qareenada Sadaxdii bishaan, Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed, sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Ra’iisul Wasaaraha Ireland: Midnimada Israa’iil waay baabi’i doontaa haddii ay sii waddo duqeymaha ay ka waddo Qaza

Raiisel wasaaraha dalka Ireland Leo Varadkar, ayaa sheegay in midnimada Isra’iil ay meesha ka bixi doonto haddii ay sii waddo jawaabaha xad dhaafka ah ee ay ka bixinayso weeraradii ugu dambeeyay ee dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Xamaas ay ku qadeen Isra’iil.

Mr Varadkar, ayaa Raadiyaha iyo Telefishinka Irishka ee RTA, ka sheegay in Israa’iil ay xaq u leedahay inay is difaacdo, balse jawaabaha ay bixineyso ay yihiin kuwa xad dhaaf ah.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Waxa jira xiriiro badan oo caalami ah oo wakhtigan Israa’iil ay la leedahay Caalamka, waxana aaminsanahay in ay taasi burburi doonto haddii ay Israa’iiliyiinta ku sii adkaysato falalka ay ka wadaan Qaza”.

Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kormeeray Talisyada Ciidanka Koonfurta Mudug

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wasiirka gaashaandhigga XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ay wehliyaan wasiir kuxigeenka Warfaafinta XFS Al cadaala iyo masuuliyiin kale ayaa kormeeray Talisyaxa Ciidanka ee koonfurta gobolka Mudug.

Wasiirka gaashaandhigga dalka Cabduqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay cutub ka tirsan Guutada 27aad ee Abuu dujaana ee qeybta ka ahaa xoreynta Magaalooyinka muhiimka ah ee Koofurta Mudug ayaa ku amaaney in ay furimaha kusii nagaadeen xili fasax gaaban la siiyey ururadii kale ee guutada.

Madaxwaynaha Galmudug ahmed Cabdi kaariye QoorQoor ayaa sidoo kale ciidankan ku amaaney go’aanka ay ku difaacayaan dadkooda, dalkooda, iyo diintooda.

Hawlgalo lagu burburiyay Gooba ay ku dhuumaleysanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta oo ka dhacay Jubbada Hoose

 

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahan Ururka 5-aad, Guutada 16-aad ee Kumaandooska DANAB oo kaashanaya Ciidamada daraawaaiishta dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa howlgallo ka dhan ahaa Khawaarijta Al-Shabaab ka fuliyay dhul howd ah oo kuyaalla Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa howlgalladan ka sameeyay degaannada kala ah, Aboodin, Buuro banaan, Jideyso iyo Garasiinda, halkaas oo la sheegay inay maleeshiyaadka Khawaarijta ku lahaayeen fariisimo ay kasoo abaabuli jireen weerarada ay ka geystaan Gobolka Jubbada Hoose.

Sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha Ururka 5-aad, Guutada 16-aad ee DANAB, Gaashaanle Carab Dheeg Axmed, ujeedka howlgalkan ayaa ahaa Burbrinta saldhigyada Khawaarijta ay ku lahaayeen degaannadaas, si looga hortago weerarada ay geystaan.

 

 

Qaramada Midoobay oo sheegtay in dad ka badan 260,000 oo qof ay ku barakaceen gudaha Qaza

Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in duqeymaha ay  Israa’iil, ka waddo Falastiin ay sabababeen barakaca in ka badan 260,000 oo qof tan iyo markii Xamaas ay gudaha Isra’iil ka fulisay weerarkii Daadadka Al-Aqsa, sabtigii la soo dhaafay.

Garabka militariga ee dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta ee Xamas, ayaa  Isra’iil ku qaaday dagaal xooggan oo ay u bixiyeen Daadka Al-Aqsa, iyaga oo ka jawaabaya weeraradii joogtada ahaa ee ay ciidamada Isra’iil ay ku hayeen Bariga Quddus.

Qaramada Midoobay ayaa sidokale sheegtay in dad ka badan 180,000 oo reer Qaza ahna ay noqdeen guryo la’aan, iyagoo kolkii horaba ku noolaa go’doomin ay Israa’iil ku soo rogtay 16 sano ka hor.

Maraykanka oo Masar iyo Israa’iil kala hadlaya sidii marin ammaan ah loogu heli lahaa dadka ka barakacaya Qaza

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Maraykanka Jake Sullivan, ayaa galinkii danbe ee shalay sheegay in Maraykanku uu wadahadallo kula jira Israa’iil iyo Masar, sidii ay marin ammaan ah ay u heli lahaayeen dadka rayidka ah ee Qaza, oo ay ku socdaan duqaymo aan kala joogsi laheen.

Shir jaraa’id oo uu Jake Sullivan ku qabtay Aqalka Cad, ayuu diiradda ku saaray ka hadalka weeraradii dhawaan ka dhacay gudaha Isra’iil iyo duqeymaha ka socda Qaza.

Ciidamada Isra’iil ayaa maalintii shanaad duqeyma xooggan ka wado marinka Qaza, kuwaa oo ay ku dhinteen in ka badan 900 oo Ruux, halka ku dhawaad ​​4,600 oo qofna ay ku dhaawacmeen,  taasi oo ay u sii dheer tahay burbur baaxad leh oo soo gaaray dhismooyin ay deganayeen dad rayid ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay dhigiisa dalka Talyaaniga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Roma kulan kula qaatay dhigiisa Talyaaniga Mudane Lorenzo Fonta.

Kulanka labada Guddoomiye ayaa looga hadlay sidii loo sii amba qaadi lahaa xiriirka iyo wada shaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyo in la dhiso guddi saaxibtinimo ee labada Baarlamaan. Sidoo kale waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood.

Mudane Lorenzo Fonta oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Talyaaniga ayaa Guddoomiye Sheekh Aadan ku boggaadiyay shaqada adag ay Golaha Shacabka qabteen saddexdii kalfadhi ay shaqeeynayeen, isagoona intaa ku daray in Dowladda Talyaaniga ay garab istaageyso halganka dalka looga xorreynaayo Khawaariijta.

Hawlgal lagu burburiyey fariisimo ay cadawga ku lahaayeen deegaanka Afcad ee gobolka Hiiraan

Jalalaqsi: Abaanduulha Guutada 26-aad Cali bin Abii-daalib Cabduqaadir Cali Nuur oo ka soo amba baxay degmada Maxaas ayaa soo gaaray deegaanka Afcad oo hosyimada dagmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan, u jeedka uu u yimid ayaa ahaa taliyaha iyo ciidanka in ay bur-buriyaan fariisimo ay cadawga kulahaayeen deegaanka Afcad dhankiisa Qoraxsin ee wabiga oo ay dadka deegaanka ka tacban waayeen waxaana lagu garaacay hoobiyayaal iyo qoryaha cul culus.
Khawarijta ayaa ku dhawaad lix malmood ku dhuumaaleysanayay dhulka howdka ah ee dhanka qoraxsin ayagona dadka shacabka ah u diidan iney beerahooda dalagyada ay ka gurtaan.

Koonfur-galbeed oo lagu qabtay kulan loogu diyaar garoobayo la dagaalanka Khawaarijta Wejigiisa 2-Aad

Baydhabo:- Wasiirka wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Abduqaadir Maxamed iyo Taliyaha Booliska maamulka Koonfur Galbeed G/ Sare Cabdi Ibraahim Shaamow ayaa Si-wadajir ah u shir gudoomiyay kulanka dar-dargelinta amniga Koofur Galbeed oo lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Waxaa shirka kasoo qeyb galey saraakiisha Gobolka Baay iyo Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Qeybta 60-aad iyo Taliyaha Qeybta Gobolka Baay kan Dagmada Baydhabo iyo hogaanka Baarista ee CID iyo Taliyasha Rugaha Booliska Baydhabo

Intii uu kulankan socday waxaa looga hadlay dardar galinta Wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee deegaanada Koofur Galbeed iyo in Ciidamada Booliska ay ka qeyb qaataan dagaalka khawaarijta loogu xoreynayo Gobollada Baay, Bakool iyo Gobolka Shabeelaha Hoose waxaana Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed uu faray saraakiisha iyo askarta in ay heegan buuxa galaan.