Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo shir guddoomiyey shirka golaha wasiirrada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, oo uu kula wadaagay guulaha laga gaaray howlagalladii ugu danbeeyey ee Khawaariijta Dalka looga sifaynayo.

Madaxwaynaha ayaa Golaha uga warbixiyay dadaalka ka socda jiidda hore ee dagaalka, isagoo tilmaamay in wajigii labaad ee hawlgallada Khawaariijta laga gaaray guulo waaweyn, isla markaana ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanku horumar muuqda ay sameeyeen furimaha dagaalka.
Waxa uu sheegay in laga xoreeyey deegaanno muddo dheer fariisimo u ahaa cadawga oo ay dadka ku dhibaatayn jireen, isagoo ku boorriyay Golaha Wasiiradda Xukuumadda #DanQaran in ay sii labalaabaan doorka ay ka qaadanayaan hawlgallada ka dhanka ah kooxaha Khawaariijta.
Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale sheegay in dhamaystirka Dastuurka Federaalka uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dowladnimada Soomaaliyeed, si loo helo hay’ado is dheelitira oo sharciga ku shaqeeya.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa isna kulanka ka sheegay in xukuumaddu ay yagleeshay laba guddi oo heer Wasiiro ah, kuwaas oo kala ah Guddiga Taakulaynta Ciidmada iyo Guddiga Wacyigalinta howlgallada lagu sifaynayo Khawaariijta oo gacan ka geysan doono halganka dib u xoreynta dalka.
Shirka Golaha Wasiirrada ayaa maanta lagu ansixiyay Hindise sharciyeedyo iyo heshiisyo caalami ah oo ku saabsan dhaqaalaha, caafimaadka, warfaafinta iyo dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed.
        

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulamo doceedyo la qaatay qaar ka mid ah Madaxda Dowladaha iyo hey’adaha caalamiga ah

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan Magaalada Marrakesh ee Dalka Morocco ayaa kulamo doceedyo la qaatay qaar ka mid ah Madaxda Dowladaha iyo hey’adaha caalamiga ah ee ka soo qeybgalay shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka oo sanadaan lagu qabtay Dalka Morocco.

Ugu horeyn, Wasiirka Maaliyadda ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiiru-Dowlaha Horumarinta Afrika ee Dowladda UK Mr. Andrew Mitchell oo ay ka wadahadleen hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo taageerada barnaamijka deyn cafinta kadib.
Sidoo kale, waxa uu Wasiirku kulan gaar ah la qaatay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Wadanka Imaaraadka Carabta Mohamed bin Hadi AI-Hussaini oo ka mid ah dalalka deymaha ku leh Soomaaliya. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii go’aan looga gaari lahaa arrimaha deymaha.
Dhanka kale, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa dhiggiisa Ciraaq Marwo Taif Sami Mohammed kulan gaar ah oo ku saabsan arrimaha deyn Caginta la qaatay, maadaama ay Ciraaq ka mid tahay Dowladaha Soomaaliya deynta ku leh.
Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shirar muhiim ah la qaatay Agaasimayaasha sare ee Hey’adda Lacagta Adduunka IMF, Mudane Wasiir Biixi ayaa kulanka ugu horeeya la qaatay Agaasimaha Guud ee IMF Kristalina Georgieva, Agaasimaha IMF ee dalalka Bariga Dhexe iyo Bartamaha Qaaradda Asia Jihad Azouri, iyo Dr. Mahmoud Mohieldin oo Agaasime u ah Dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.   

Guddoomiye Sheekh Aadan oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta Calanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyey xuska maalinta calanka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, oo ku beegan 69 sanno ka hor markii la yagleelay calanka oo ah astaanta ay dunidu nagu taqaanno.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo tilmaamay muhiimada calanka uu leeyahay ayaa sheegay inuu yahay astaan ka turjumaysa jiritaanka Qarannimada dalka, midnimada iyo wadajirka shacabka ku nool dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoona bulshada Soomaaliyeed ku baraarujiyay in la xusuusto maalintan qiimaha badan ee dalkeenna uu leeyahay.

Iran iyo Sacuudi Carabiya oo ka wada hadlay dagaalka Isra’el iyo Xamaas

Iran and Saudi Arabia flag together realtions textile cloth fabric texture

Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan (MBS) ayaa khadka taleefoonka uga wada hadlay dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay baahida loo qabo in la soo afjaro dembiyada dagaal ee ka dhanka ah Falastiin,sida uu ku waramay kaaliyaha arrimaha siyaasadda ee madaxweynaha Iran Mohammad Jamshidi.

Wakaaladda wararka ee dawladda Sucuudiga ee SPA ayaa sheegtay in dhaxalsugaha uu muujiyay walaac ku aadan xaaladda bini’aadantinimo ee Gaza iyo saamaynta dagaalka ee dadka rayidka ah.

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa sidoo kale sheegay in Boqortooyada ay dadaal ku bixineyso la shaqeynta dhammaan dhinacyada caalamiga ah iyo kuwa gobolka si loo joojiyo xiisadda ka taagan Gaza.

Wadahadallada labada hoggaamiye ayaa yimid xilli Israa’iil ay duqeymo xagga cirka ah ka waddo Gaza, ka dib weerarradii badnaa ee Xamaas ay ka geysatay gudaha Israa’iil dhammaadkii isbuucii hore.

Ciidamada xoogga dalka oo howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay degmada Mahadaay

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka dhulka Sareye guuto Dayax Cabdi Cabdulle iyo geesiyaasha deegaanka ayaa howlgal amni xaqiijin ah ka wada dhulka howdka ah ee deegaanada Ciid-ciidka iyo Cali-Fooldheere oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Ciidamada ayaa howlgalla ka sameeyay degaannada Ciid-ciidka iyo Cali-Fooldheere gaar ahaan Dhulka howdka ah,waxaa maalmihii la soo dhaafay laga saaray maleeshiyadda Khawaarijta,goobaha laga saaray Khawaarijta ayaa Ciidamadu waxaa ay ka saareen miinooyin ay cadowgu doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

  

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliyeed

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 69-aad ee ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay ee la isku raacay soo bandhigay naqshadda Calan Soomaaliyeed oo uu hal abuurkeeda lahaa Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.  

Xuska 12-ka Oktober waa maalin qaran oo ku wayn quluubta shacbiga Soomaaliyeed,isla markaana ka tarjumaya dadaalkii loo soo galay lahaanshaha calan Soomaaliyeed oo ku yimid rabitaanka dad in muddo ah ku hoos nolaa gumeysi shisheeye.Soo Bandhigidii Calanka.

Markii loo soo bandhigay Calanka ururka SYL ,dood dheer ka dib waxaa la isku waafaqay Muxaafid iyo Mucaaridba in la qaato Calanka uu soo bandhigay Maxamed Cawaale Liibaan.

, Cabdulkadir Cali Boolay oo ka mid ahaa halgamayaashii S.Y.L ayaa yir”waxaan nasiib u yeeshay in aan goob joog ka ahaa xilligaasi oo lagu soo bandhigay xarunta dhexe ee xisbigii SYL, waxaana cod buuxda la isku waafaqnay in la qaato naqshadda uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.

Hase yeeshee markii loo geeyay maamulkii Talyaaniga ayaa diiday oo ku tilmaamay inuu u egyahay Calanka dalka Za’iir iyo kan Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa “United Nations-ka” sidaasi darteed aan la ogolayn calan dal leeyahay.

Maamulkii Talyaaniga wuxuu ku adkaystay hindisihii uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan in aan la qaadan Karin isagoo qiil uga dhigaya in uu egyahay calanka dalka Democtatic Republic of Congo Ex. Za’iir.

Balse Maxamad Cawaale Liibaan wuxuu Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka dalkii Za’iire horay loo oran jiray, xiddigta ku dhextaal waa mid Dahabi ama Huruud ah, sidaasi darteed dood dheer iyo wada tashi fara badan ka dib  maamulkii Talyaaniga oo xiligaasi maamulaayay koonfurta soomaaliya wuxuu ogolaaday in la qaato calanka buluugga ah xiddigta cad dhexda kaga taallo.

Halgan dheer ka dib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad u qurux badan ,kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himilada ummadeed oo ah in la helo soomaali  midaysan.

Calanka Qaranka Soomaaliyeed oo maanta 68- sano jirsaday, wuxuu ku yimid halgan adag oo ay hoggaanka u hayeen dhallinyaraddii soomaaliyeed xisbigii SYL, kuwaas oo loolan qaraar la galay gumaystayaashii isu soo bahaystay umadda Soomaaliyed.

12-ka Oktobar ee sanadkii1954kii waa maalin xasuus leh oo la soo bandhigay callanka buluugga ah ee xambaarsan sharafta umadda,waxaadna ka dhadhansan karnaa miraha can baxay ee ku jira heesta (Qoloba calankeedu) ee uu ku luuqeeyo  Marxuum Cabdullahi Qarshe waxaana ka mid aha:- “Qolobaa calankeedu waa ceynoo-Innagaa keennu waa – Cirkoo kale’e – ee aan Caadna-lahayn – ee  Caashaqa’e – Xiddig yahay Cadi-waad Na Ciidamisee- Caradaan Kaligaa Aadow Curadee – Cadceeda Sideeda Caan Noqo’ee”

26kii Juun1960kii waa markii ugu horaysay ee calankaasi kifaaxa dheer loo soo maray laga taagay fagaaraha xoriyadda ee magaalada Hargaysa, kadib markii goballada waqooyi ay ka xoroobeen gumaysigii Ingiriiska,afar maalmood kadib, 1dii luulyo 1960kii waxaa ka xoroobay gumaysigii Talyaaniga koofurtii dalka, islamarkaana waxaa israacay labadii gobol ee Waqooyi iyo Koofur, waxaana halkaasi ka dhashay Jamhuuriyaaddii Soomaaliya.

Calanka waa astaanta dalka,in la jeclaado korna loo qaado xuskiisa iyo munaasabaddiisa waa qayb wadaniyadda ka mid ah, taasi dad badan oo Soomaali ah aysan ku baraarugsanayn, waxaana habboon si dareenka wadaniyadeed ee shacbiga kor loogu qaado in manaahijta ardayda dugsiyada loogu dhigo lagu daro maaddo wadaniyadda ku saabsan, si ardayda loo baro qiimaha dalka iyo halgankii loo soo maray xoriyadda,gaar ahaan halgamayaashii taariikhda galay iyo Qiimaha Calanka iyo astaanta dalku leeyihiin.

W/D:- Gobdoon.

Safiirka JFS ee Dalka Shiinaha oo ka qeyb galan kulan diblomaasiyadeed heerkiisu sareeyo

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Fuzhou uga qeyb galay kulan diblomaasiyadeed heerkiisu sareeyo, kaas oo ay isugu yimaadeen safiirro iyo diblomaasiyiin ka kala socday safaaradaha kala duwan ee ku sugan dalka Shiinaha.

Diblomaasiyiinta shirkan ka qeyb galay ayaa waxaa hogaaminayay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha Mudane Cawaale Cali Kullane, waxayna kullan gaar ah la qaateen madaxda gobolka Fujian oo uu ugu horeeyo guddoomiye ku xigeenka dalka Guo Ninging.

Kulankan ayaa horudhac u ahaa shirka soo socda ee 2023-ka ee lagu qabanayo magaalada Fuzhou, 12-ka ilaa 15-ka bisha Oktoobar 2023, waxaanna kullankaaa diiradda lagu saarayaa muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah iyo diblomaasiyadda iyo sidoo kale, xiriirka diblomaasiyadeed ee Shiinaha uu la leeyahay dalalka caalamka.

Danjire, Cawaale kullane ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyay, wuxuuna carrabka ku adkeeyey doorka shirka ee horumarinta iskaashiga caalamiga ah ee qaybta horumarinta qalabka loo adeegsado kheyraadka Badda.

Ugu dambeyn, Guddoomiye ku xigeenka Guo Ningning ayaa iftiimisay sida ay gobolku uga go’an tahay sare u qaadida xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga ay la leeyihiin dalalka caalamka gaar ahaan kuwa soo koraya.

 

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Asmara wadahadal kula yeeshay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, kadibna khudbad u jeediyay ciidamada Soomaaliya ee lagu tababarayo Eritrea.a

2- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeerey xarunta Hey’adda Maareynta Musiibooyinka, si uu qiimeeyo heerka diyaar-garow ee digniinaha la xiriira roobabka El Nino iyo fataahadda laga cabsi qabo in ay saameeyaan dalka.

3- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha dalka Finland u fadhiya Soomaaliya, Pirkka Tapiola oo ay ka wada hadleen iskaashiga iyo xiriirka labada dal ka dhexeeya iyo kor u qaadidda taageerada Finland ee Soomaaliya.

4- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha KMG ah ee degaanka SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).

5- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray Waddada Taleex ee magaalada Muqdisho oo dhowaan dayactir lagu sameeyay.

6- Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya ayaa meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Arrimaha Xajka iyo Xeer-Nidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka iyo Shaqaalaha Caafimaadka.

7- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa Muqdisho ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda ee Dhanka Isdhexgalka Gobolka John Mulimba oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal.

8- Ra’isul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya oo Baydhabo ka furay shirka isku duwidda arrimaha aadminimada.

9- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa dalka Marooko kaga qeybgalaya shirka wasiirada maaliyadda Afrika iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF.

10- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa Guriceel ku booqdey cutubyo ka tirsan guutada 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

11- Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka oo hawlgal ka dhacay degaanka Shabeellow ee Koonfuurta Mudug ku dilay 20 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab.

12- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta ku dilay degaanka Shabeelloow ee Gobolka Mudug.

13- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal milateri ka fuliyay degaanka Garilow ee magaalada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasina ku dilay laba xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.

14- Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa dilay horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa dabagalka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyo laba xubnood oo la socday.

15- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Baydhabo ka furay shirka wasaaradaha Warfaafinta Dowlad Goboleedyada oo looga hadlay isku xirka xiriirka warbaahinta iyo xoojinta wacyigalinta.

16- Wasiirka Amniga ee Soomaaliya Maxamed Axmed Shiikh Cali iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa la kulmay Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya.

17- Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa magaalada Baydhabo ka furey wajiga 2aaad ee shirka isku duwidda howlaha horumarinta wax soo saarka xoolaha.

18- Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Saadaat Maxamed Nuur Caliyow ayaa Baydhabo ka furay shir looga hadlayey xasilinta degaannada laga xoreeyay Khawaarijta Al Shabab.

19- Hay’adda isgaarsiinta Qaranka ayaa si rasmi ah u daah furtay Xarunta Hawlaha Kormeerka Hirarka, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta maamulka hirarka iyo xaqiijinta tayada isgaarsiinta Soomaaliya.

20- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa kulan ku saabsan xaaladda khatarta fatahaadaha kala hadley Ku-Xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna Isku-duwaha Gargaarka Bini’aadminimada George Conway.

21- Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa magaalada Qaahira kaga qeybgalaya Kulan Waynaha heer gobol ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO.

22- Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo Tanzania uga qeybgaleysa Shirweynaha 2-aad ee Gudniinka Fircooniga.

23- Ciidamada Xoogga Dalka ee kuwa degaanka ayaa howlgal lagu sifeynayo Khawaarijta ka fuliyay deegaanka Ciid-Ciidka oo hoostaga deegaanka Cali Fooldheere.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo shirguddoomiyey shirka Tubta Hawlgelinta Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta guddoomiyey shirka Tubta Hawlgelinta Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub, taas oo diiradda lagu saarey horumarrada laga sameeyey arrimaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran.

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda federaalka ah iyo masuuliyiin ka socda Midowga Yurub, ayaa lagu soo bandhigay arrimo ay kamid yihiin siyaasadda loo dhan yahay, amniga iyo xasilinta; kobaca dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya ka miro-dhalinta arrimaha horutabinta leh, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Jubbaland oo soo bandhigtay xubno gacansaar la yeeshay Khawaarijta

Kismaanyo:-Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka dowlad goboleedka Jubbaland
ayaa maanta soo bandhigtay Cabdifataax Nuur Cabdullaahi iyo Xasan Cabdulaahi Maxamed oo sagaalkii bishii koowaad ee sanadkan magaalada Kismaayo kala goostay Gaari TOYOTA Hartop ah oo ay lahayd Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Jubbaland iyo qori AK47 iyagoo ula dhaqaaqay dhanka degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe si ay argagixisada uga iibsadaan hantida Dowladda ee lagu aaminay.

Ka hor inta aysan ka bixin magaalada Kismaayo waxa ay xiriirro kala duwan la sameeyeen koox ka tirsan Khawaarijta kuwaas oo ku hagayey halka iyo goobta ay ku wajah-naayeen, waxaana lagu ballamay in la siin doono lacag dhan 20,000$ balse ay wax walbo is bedeleen markii ay tageen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Cabdifataax Nuur Cabdullaahi oo ahaa darawalkii gaariga ahaana maskaxdii barnaamijkan sida weyn uga shaqaysay hadda wax walbo waxa ay ku noqotay filan-waa iyo amakaag maadaama uu gacanta ugu jiro hay’adaha amniga.

Waxay haysteen heshiis afka baarkiisa ah oo ay la galeen argagixisada kaas oo ahaa in ay heli doonaan lacag dhan 20,000$ iyo damaanad ah in ay xornimo ku mari doonaan dhulka ay ku dhuumaalaystaan Khawaarijta balse taasi waxba kama rumoobin oo waxa ay ahayd sheeko khadka taleefanka ku dhexmartay argagixisada iyo raggan khiyaanada Qaran ku kacay.