Qusulka Guud ee Soomaaliya iyo madaxda hey’adda Igaatha oo ka hadlay howlaha samofal ee Soomaaliya

Qunsulka Guud ee Dowladda FS u fadhiya magaalada Jiddah Axmed Maxamuud Diiriye ayaa kulan la qaatay Wakiilka gaarka ah ee Hey’adda Igaatha oo xarunteedu tahay dalka Sacuudi Caraabiya.

Qunsulka oo ay halkaasi ku soo dhoweeyeen madax hey’addaasi Marwo Iimaan Xusen Falinbaan iyo howlwadeenno kale,waxaa laga hadlay arrimo la xiriiray xoojinta xiriirka iyo horumarina barnaamijyada samofal ee laga fuliyo Soomaaliya.

Labada dhinac waxa ay isku afgarteen mudadii uu socday kulankaasi in la dardargaliyo mashruucda khuseeya biniaadanimada ee laga wado soomaaliya.

Qusulka Guud ee Dowladda FS u fadhiya magaalada Jiddah Axmed Maxamuud Diiriye ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta loo sameeyay iyo dadaalka ku aadan waxqabadka hey’adda Igaatha ee dhinaca Soomaaliya.

Jaaliyadda Galmudug ee ku dhaqan Kenya oo taageeray halganka lagu xoreynaayo khawaarijta

Qeynaha bulshada ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Kenya ayaa Magaalada Nirobi ku qabtay xaflad lagu taageeraayey howlgalada ciidamada ee Khawaarijta looga xoreynaayo gudaha dalka Soomaaliya.

Xafladdaan waxaa ka qeybgalay qaar kamid ah hoggaamiyaasha bulshada ee jaaliyadda Soomaalida,gaar ahaan kuwa Galmidug ,waxaana halkaasi lagu soo bandhigay warbixinno la xiriiray guulaha ay ku tallaabsadeen ciidanka ku sugan deegaanada Galmudug.

Xafladdaan oo lagu taageeray halganka ay wadaan ciidamada qaranka ,gaar ahaan kuwa ku sugan Galmudug,waxaa dhinaca kale lagu soo dhoweeyay xildhibaan Cibaado Yuusuf Axmed oo kamid ah gabdhaha Soomaaliyeed ee ay ka go’an tahay in ay la dagaalamaan kooxaha khawaarijta.

Xildhibaan Cibaado Yuusuf Axmed oo ka hadashay xafladdaasi ayaa ka codsatay dadka Soomaaliyeed in si wadajir ah loo wajaho cadowga khawaarijta oo diidan nabad iyo horumar ay ku tallaabsadaan shacasbka Soomaaliyeed.

Isra’el oo amartay in dad ka badan 1 milyan ay ka baxaan woqooyiga,una guuraan koonfurta Gaza

Waxaa jira cabsi iyo jahawareer soo wajahay dadka reer Gaza, ka dib markii ciidamada Israel ay u sheegeen in dad ka badan 1 milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku go’doonsan waqooyiga ay u guuraan koonfurta magaaladaasi.

Kooxda Xamaas ayaa digniinta Israa’iil ku tilmaantay dacaayad been abuur ah,kadib kolkii muddo 24 saacadood ah loo qabtay in dadka Falastiin ay uga baxaan Woqooyiga Gaza.

Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay amarka Israa’iil ,waxayna tilmaameen in aysan suurtagal ahayn,iyagoo dhanka kale caddeeyay in tallaabadaasi ay keen I karto  cawaaqib xun.

Ugu yaraan 1,537 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarada Israa’iil ee Gaza,waxaana sidoo kale la dhaawacay 6,612 ,halka Tirada dadka lagu dilay Israa’iil ayaa gaartay 1,300 oo qof.

Dhanka kale, Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa ku baaqay in la joojiyo xannibaadda iyo duqeymaha Israa’iil ay ku heyso Gaza,isla markaana si buuxda loo ogolaado nidaamka caafimaadka ee wax loogu qabanaayo dadka.

WHO ayaa sheegtay inay diiwaan gelisay 34 weerar oo lagu qaaday adeegyada daryeelka caafimaadka ee Gaza tan iyo Sabtidii.

11 ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee WHO ayaa la dilay, halka 16 kale la dhaawacay.

Shan kale oo ka tirsan shaqaalaha ICRC ayaa la dilay ,iyadoo 20 gaari oo ambalaas ah lala beegsaday duqeymo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay in Golaha Wasiiradda XFS ay xoojiyaan doorkooda ku aadan la dagaalanka Khawaariijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyey kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, halkaasi oo looga hadlay guulaha laga gaaray howlagalladii ugu danbeeyey ee Khawaariijta Dalka looga sifaynayo.

Madaxwaynaha ayaa Golaha uga warbixiyay dadaalka ka socda jiidda hore ee dagaalka, isagoo tilmaamay in wajigii labaad ee hawlgallada Khawaariijta laga gaaray guulo waaweyn, isla markaana ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanku horumar muuqda ay ka sameeyeen furimaha dagaalka.

Waxa uu sheegay in laga xoreeyey deegaanno muddo dheer fariisimo u ahaa cadawga oo ay dadka ku dhibaatayn jireen, isagoo ku boorriyay Golaha Wasiiradda Xukuumadda DanQaran in ay sii labalaabaan doorka ay ka qaadanayaan hawlgallada ka dhanka ah kooxaha Khawaariijta.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale sheegay in dhamaystirka Dastuurka Federaalka uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dowladnimada Soomaaliyeed, si loo helo hay’ado is dheelitira oo sharciga ku shaqeeya.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa isna kulanka ka sheegay in xukuumaddu ay yagleeshay laba guddi oo heer Wasiiro ah, kuwaas oo kala ah Guddiga Taakulaynta Ciidmada iyo Guddiga Wacyigalinta howlgallada lagu sifaynayo Khawaariijta oo gacan ka geysan doono halganka dib u xoreynta dalka.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa maanta lagu ansixiyay Hindise sharciyeedyo iyo heshiisyo caalami ah oo ku saabsan dhaqaalaha, caafimaadka, warfaafinta iyo dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Heshiis is Afgarad ah oo ay kala Saxiixan doonaan Wakaaladaha Wararka ee SONNA & ANSA

Golaha Wasiirada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliyeed ayaa maanta ansixiyay Heshiis is Afgarad ah oo ay kala Saxiixan doonaan Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA iyo Wakaaladda Wararka Talyaaniga ANSA.

Is-afgaradka ujeedkiisu waa sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga iyo is-dhaafsiga xogaha labada hay’adood iyo in la taageero horumarinta qaybta warbaahinta Soomaaliya.

Heshiiskaan is afgarad ayaa lagu meelmariyey shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya kaas uu shirguddoomiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha Ganacsiga ee Turkiga & Afrika

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Jibriil Cabdirashid Haaji, ayaa isaga iyo wefti uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Turkiga, wuxu magaalada Istanbul kaga qeybgalay Shirka Madasha Ganacsiga ee Turkiga iyo Afrika.

Shirkan oo sanadle ah, ayaa hal ku dheggiisa sanadkan, wuxu ahaa darsidda caqabadaha iyo dabool ka qaadista fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee u dhaxeeya labada dhinac, waxaana khudbad dheer oo taariikhi ah oo uu halkaas ka jeediyey Wasiir Jibril uu kaga hadlay xoojinta wada shaqeynta dhinacyada si loo dhiso iskaashi xoogan oo u dhaxeeya Turkey ga iyo Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

May be an image of dais and text that says '33 给 VA TOOI BOSCH SOMALIA'

Wadamada Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa waxa ka dhaxeeya xiriir iskaashi oo taariikhi ah gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga, waxaana dawladda Turkiga ay door muhiim ah ka ciyaartaa dhismaha iyo horumarka dawladnimada ee Sooomaaliya.

May be an image of one or more people, dais and text

 

Madaxweynaha Hirshabeelle oo bogaadiyay ciidanka X.D iyo kuwa deegaanka oo Khawaarinta ka saaray deegaannada Ciid-Ciidka iyo Jimbiloow

Jowhar;- Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Shir-guddoomiyay Kulanka toddobaad-laha ee Golaha Wasiirada.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa maanta looga hadlay Arrimaha amniga, Howlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta ee ka socda deegaanada Hirshabeelle, Aafooyinka ka dhalankara Fatahaadaha iyo duufaannada elnino, Maamul u sameynta deegaanada la xoreeyay iyo dardargelinta dhismaha goleyaasha deegaanka, Caqabadaha ku xeeran dhaqangelinta iyo la socodka deeqaha duufaannada iyo fatahaadaha elnino.

Madaxweynaha ayaa Golihiisa Wasiirada uga warbixiyay kaalintiisa kaga aadan hogaaminta dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta alshabaab, isagoo xusay in socdaal qaatay mudo ku dhow labo-bilood uu ku sugnaa furimaha hore ee dagaalka si loo dhiirigeliyo ciidankeenna geesiyaasha ah iyo kuwa dib u xoreynta ee ku sugan deegaanada Nuur-dugle, Cadaanlaxeey, Cadcadeey, Daaru-nicma, iyo Ceel Cali Axmed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay booqasho iyo kormeer ku tagay Degmooyinka Aadan-yabaal, Alkowsar, Cali Gaduud iyo deegaanada Guulane iyo Maxaa saciid oo bulshada magaalooyinkaas uu kala hadlay ka qeybgalka dagaalka ka dhanka ah khawaarijta isagoo xusay inay kasoo jawaabeen baaqii la dagaalanka khawaarijta oo ay soo diyaariyeen ciidamo badan oo ka qeyb noqonayo xoogga dib u xoreynta deegaanka dhowaana ay xoreyn doonaan deegaanada aan wali xoroobin.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyay howlgal maalmihii ugu dambeeyay ka socday dhulka howdka ah ee deegaanada ciidciidka iyo jembiloow oo saaka ciidankeenna geesiyaasha ah ay u dhaadhaceen godadkii ay ku dhuumaaleysanayeen khawaarijta arxanka daran.

Ugu dambeyn, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa golaha u faahfaahiyay sida ay lagama maarmaan u tahay in maamulo loo sameeyo deegaanada la xoreeyay iyo muhiimada ay dowladda u leedahay dhismaha goleyaasha deegaanka.         

Madaxda Qaranka oo ka qayb galay Olale dhiig loogu shubayo ciidamada qalabka sida

Madaxwrynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliua Xamse Cabdi Barre ayaa ka qayb galay olale  dhiig loogu shubayo  ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira Khawaarijta.

Dhiiga laga shubay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa la dhigi doona Banngiga keeydka, iyaga oo ay ugu deeqeen Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee xilligaan dagaal kula jira Khawaariijta, oo hadda wajaha dagaal dhinac kasta ah.

May be an image of dais and text

Madaxwrynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu horreyn waxa uu u hambalyeey Golaha Wasiirrada Xukuumadda, kuwaas oo dhiig ugu deeqay Ciidamada xoogga dalka.

May be an image of one or more people, people studying and text

Dhanka kale Madaxwyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, in ay ka qeyb qaataan olalahaan ee dhiigga loogu shubaayo Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Olahaan ayaa waxaa soo abaabulay dhallinyaro Soomaaliyeed, kuwaas oo qeyb ka ah kacdoonka ciribtirka Khawaariijta, ee hadda ka socda guud ahaan dalka.

Amb. Cawaale Kullane oo Khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee horumarinta agabka Badda ee 2023

Fuzhou:-  Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shirka caalamiga ah ee agabka badda ee 2023, kaas oo ka qabsoomay magaalada Fuzhou ee dalka Shiinaha.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowladda Shiinaha ayaa muhiim u ah horumarinta iyo kobcinta warshadaha qalabka Badda. Danjire Kullane ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ka soo qeyb galkiisa shirka, wuxuuna muujiyay dareenkiisa ku aadan sida uu ugu qanacsan yahay in shirkan lagu kobcinayo iskaashiga iyo diblomaasiyadda caalamiga ah.

Sidol kale, Danjire Cawaale Kullane ayaa shirka uga warbixiyay Sidoo kale Kheyraadka Baddeenna ka buuxa iyo tallaabooyinka loo qaaday dib-u-soo-nooleynta kalluumeysiga, wuxuuna carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay in la helo hab maamul wanaagsan oo xagga kalluumeysiga.

Ugu dambey, Safiirka ayaa ka soo qeyb galayaasha ku dhiirageliyay in ay qeyb ka noqdaan horumarinta iyo ka faa’ideysashada Kheyraadka Baddeenna iyo in la dhiira geliyo Kalluumeysatada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hambalyo ku aadden xuska maalinta Calanka u diray Shacabka Soomaaliyeed

Background with flag of Somalia

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aadden xuska Maalinta Calanka oo ku beegay 12-ka October u diray dhamaan Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in maanta ay tahay maalin qiimo ku leh ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay ku beegan tahay maalintii ugu horreysay ee la taagay calamka 12 Oktoobar  sanadkii 1954-tii, kaas oo ah astaan ka tarjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan hambalyo ku aaddan Xuska Maalinta Calanka u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Maanta waxaan u wada taagannahay in aan difaacno calankaas oo ay duullaan ku yihiin argagixisada dalkeenna u diiddan nabadda iyo horumarka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in loo midoobo cadowga Khawaarijta ee u diiddan nabadda iyo horumarka, isla markaana ka soo horjeeda jiritaanka bulshada Soomaaliyee