HA KA HARIN SOOMAALIDA CUSUB

Xilli walba wuxuu wataa mowjadahiisa, dareenkiisa iyo waayahiisa mana jiro xllii aan laheyn ugu dambeynta wax uu ka tago oo mar walba waxaa hara taariikh ha xumaato ama ha samaato.

dadku waayaha waqtiga waxay kala haraan taariikh ku sundan kaalintii ay ka galeen waxayna dadka ugu cadcad noqdaan kuwa lagu soo qaato marka laga hadlayo waayahaas marka laga gudbo ee hadana dib loo xasuusto.

Xilliga halganka waxaa jira dad ka muuqda oo muuqashadoodaay ku jirto dhiiranaan, geesinimo iyo xitaa naf hurnimo kuwaas oo marka dambe loo aqoonsabo geesiyaal, halgamayaal ama naftood hurayaal.

Kuwani waxay ku astoobaan taarikhda halgan ee dal kasta waxaana looga sheekeeyaa carruurta jiilba jiil waxaana lagu qoraa kutubta taariikhda.

Dadkaasi waxay mutaan qaarkood taallooyin loo dhiso, ubax lagu maamuuso iyo baalal dahab ah oo lagu qoro iyadoo ay dadkani noqdaan kuwo lagu daydo wixii ay sameeyeen ee wanaagsanaa waana tan la yiraahdo “Taariikhdu dadkey bartaa dunida waayaheeda” oo waxay na tusaaleysaa dad laga yaabo in aanan waqtigoodii annagu joogin oo ay noo sheegto wanaaaggii ay faleen.

Marka laga hadlo Soomaaliyana waxaa soo maray dad badan oo sidaas ah oo dalkan wanaag badan u falay qaarkoodna naftooda u huray sidii ay soo gaarsiin lahaayeen wanaag, xornimo iyo in aan ka baxno gacanta shisheeyaha iyo gumeysigii.

Dadkaasi u dhintay halganka xoreynta jiilka iyaga ka dambeeya ee maanta nool iyagu ma goosan mirihii xorriyadda ee ay ka tegeen laakiin innaga ayaa ku nafcinay oo goosanay waana dhaxalka ay nooga tageen maanta ee aad harsaneyno.

Sidaas ayaa dadka ay ugu jiraan dad wanaag sameeyeyaal ah oo wanaag ka tagay halka laga yaabo in ay jiri karaan kuwo aan waxba ka tagin ama ka tagay taariikh madow oo aan dalkan waxba u dhaafin kuna asteysan daalimiin dal iyo dadba gubay oo aan waxba u reebin.

Maanta Soomaaliya waxay mareysaa marxalad reebi doonta taariikh muhiim ah oo kala saari doonta kii dalka lug jiiiday ee lugooyada iyo baaba’a biday , dadka dilayey , dalkana aan waxba u reeban iyo kii isku dayayey dadlku in uu badbaado .

Taariikh ayaa qormeysa hana moodin in wax walba ay noqonayaan wax lagama soo qaadan,,, waxa jiri doonta maalin la iska wareysan doono wixii dhacay, colaad iyo nabadna la is weydiin doono qeybtii aad ku laheyd shaqsi ahaan.

Taariikhdu dadkey bartaa , dunida waayaheeda…ninna ma doonto , ninna ma diido…runtey dacalka ku heysaa…ayaa hore loo yiri ..waana been ma sheegto taariikhdu .

Wixiii aad ku qoroto diiwaanka taariikhda ayaa kuugu qorma mana aha wax bedelmaya oo la rogrogi..si kasta oo loo qariyana xaqiiqda ayaa soo qormeysa iyadoo aan daah ku rogneyn.

Soomaliyada cusub waa mid u banbaxeysa gaarista hadaf ah in la helo dal dhinacyo badan xor ka ah oo doonaya in uu gaaro yool iyo hadaf cad oo ku mideysan tuurista fikirka qaldan, manfaca iyo neecowda xorriyadda oo loo sinnaado iyo tuursta hannaanka ku dhisan caadooyinka taqliidiga ah ee ku saleysa afkaarta haraadiga ah ee ku dhisan faquuqa dadka lagu tilmaamo kuwa laga tirada badan yahay.

Ma aha taariikhda cusub ee qormeysa mid u hiillineysa waxyaabaha dunida horumartay ay ka tallaabsatay siiba nin jecleysiga iyo caadooyinka duqoobay ee qabyaaladda.

Waa in shaqsi ahaan aad la jaanqadaa Soomaalida cusub ee maankayaga ka guuxeysa ee ah Soomaaliyada cusub ee dhiirigalineysa afkaarta kala duwan , xorriyadda fikirka ee ku suntan mid la janqaadi karta diinta iyo dhaqanka isla markaana ka tarjumeysa sooyaalka taariikheed.

Waa mid fiican caqliga saliimka ahna hor kacayo in aadan ka harin safarka soomaalida cusub ee u saaxiibka ah wada noolaanshaha, fikir-wadagga iyo hannaanka xulashada talada la isku waafaqsan yahay ee looga gudbayo talada qabyaaladda salka ku haysa ee 4.5 ka hadda lagu dhaqmo.

Ha ka harin taariikhda cusub iskuna day in aad ka gasho baal wanaagsan oo muujinaya in aad wanaag u fashay dadka iyo dalka in kastoo tallaabooyinkiii ugu horreeyey ee qorista taariikhdaa ha ka daalin ilaa hadaf kaas aad wax ka bilowdo meeshii ay kula gaartaba.

WQ: Mohamed Shiil

 

MA LAGA HORTEGI KARNAA CUDURRADA XUN XUN EE DILAAGA AH IYO KUWA KEENA DACIIFNIMADA

Sonkorowgu ama cudurka macaanku waa cudur raagaya, oo raaga oo saameeya sida qofka jirkiisu cuntada ugu rogo tamar – taas oo dhacda in inta badan cuntada lagu jebiyo sonkor la yiraahdo glucose. Cunista ka dib, xaddiga sonkorta lagu sii daayo dhiiga (heerka sonkorta dhiigga) ayaa kor u kacda. Iyada oo laga jawaabayo kororkan, jidhku wuxuu soo saaraa hormoon la yiraahdo insulin, kaas oo ka caawiya unugyada, unugyada, iyo muruqyada inay sonkorta u isticmaalaa tamar. Insulinta ayaa markaa hoos u dhigaysa heerka sonkorta dhiiga ee jirka.

Cudurka macaanka ama sokorowga waa cudur leh sababa kala duwan  dadka qabaahina ay dhiigoodu ku badantahay sokorta waxaana loo yaqaanaa ‘’hyperglycemia’’.

Cudurka macaanka waxa uu ku imaan karaa :

  1. In jirku uusan helin insulin ‘hormone’ kufilan
  2. Iyo in jirka uu san ka jawaabin insulinta.

Insulin waxaa sameeya xameetiga oo ah xubin kutaala caloosha gadaasheeda , xameetiga waxaa ku jira unugyo ‘‘islets’’ kuwaasi oo sameeya insulinta kadibna ku dara dhiiga si ay u yareeso sokorta badan eek u jirta dhiiga.

Waqti dheer hadii cudurkan uu sii raago waxa uu keeni karaa caqabado ay kamid yihiin: cudurada wadnaha, sida wadnaha oo istaaga, kilyaha oo shaqa gaba, indha la’an  dhibaatooyin dhanka ilkaha ah farxd darro iyo dhibatoyin dhanka uurka ah hadii mamada xaamilada ah uu kudhaco sokorta.

Noocyada cudurka macaanka:

Cudurkan waxa uu leeyahay seddex nooc oo kala ah :

  1. Nooca 1aad: waxaa sababa in jirku uusan helin insulin kufilan taas oo katimid burbur kuyimid unugyadi soo saari lahaa waxa uuna inta badan ku dhacaa caruurta iyo dadka da’da yar.

Sababaha ugu badan ee qofka uu kugu dhici karo cudurka waxa ay noqon karaan kuwa dhaxal ah oo kaga yimid waalidkiisa oo horay uqabay cudurka macaanka, sababa la xiriira degaanka sida cunada uu qofku cunayo iyo in burbur uu kuyimado unugyadii soo saari lahaa insulin.

  1. Nooca 2aad: noocan waxaa keena sababa ay kamid yihiin jirka oo ka jawaabin insulin ama in uusan helin insulin ku filan ama unugyada beerka oo aan si wanaagsan u isticmaalin insuinta lasoo saaray.

Nooca 2aad ee cudurka macaanka waxa uu ku dhacaa dadka da’ dhaxaadka ah , dadka duqoobay iyo sidoo kae dadka aadka u cayilan, uma badna in uu ku dhaco dadka yar yar haddii aysan ahayn kuwa ciyilkoodu xad dhaaf yahay.

Sababaha ugu badan ee noocan lala xiriiriyo waxaa kamid ah , cayilka saa ‘idka ah , jimicsi la’aanta , jirka oo insulinta si haboon u adeegsan , iyo beerka oo soo saaro sokor aad u badan taa oo keenta in dhiiga ay sokor badan ka buuxsanto.

Dadka halista ugu jira nooca 2aad:

  • Da’da 45sano iyo wixii kabadan.
  • Dadka cayilka xad dhaafka ah.
  • Dadka aan jimicsiga sameyn.
  • Dadka cadaadiska dhiigoodu uu ka sareeyo 140/90.
  • Dadka qaba cudurada wadnaha.
  1. Nooca 3aad: noocan waxa uu ku dhacaa haweenka uurka leh oo kaliya (gestational diabetes) waxaana sababa isbadalo kuyimaada hormonada.

Doorka insulintu ay jirka ku leedahay:

  • Waxa ay caawisaa murqaha beerka iyo xeerta iyada oo soo nuugta sokorta dhiiga ku jirta si ay hoos ugu dhigto heerka sokorta ee dhiiga.
  • Waxa ay kicisaa murqaha iyo beerka si ay u keediyaan sokorta dheeraadka ah ee uusan jirku u baahnayn.
  • Waxa ay yareesaa sokorta uu beerka soo saarayo.

Calaamadaha lagu garto kaadi macaanka:

  • Oon badan.
  • Kaadi badan.
  • Gaajo badan.
  • Daal badan.
  • Meelaha dhawaca soo gaaro oo aan dhaqsa reysan.
  • Araga oo daciifo.
  • Miisaanka qofka oo yaraado.
  • Caabuq soo noq noqda.

Dawooyinka loo adeegsado cudurka macaanka

Dawooyinkan ujeedada ugu weyn ee loo adeegsanayo waxa ay tahay in lagu daweeyo calamadaha ay kamid kayihiin kaadida badan , gaajada, miisaanka yaraanaya iyo caqabadaha ka iman kara hadii cudurkan uu sii daba dheeraado.

Dawooyinka afka laga qaato ee cudurkan lagu daweeyo waxaa loo qeybiyaa shan qeybood oo kala ah:

  1. Sulfonylureas oo kicisa xameetiga si uu u soo saaro insulin
  2. Meglitinides waxa ay kicisaa xameetiga si uu usoo daayo insulinta.
  3. Biguanides sida Glucophage waxa ay yareesaa sokorta badan ee beerka.
  4. Thiazolidinediones sida Actos waxa ay hagaajisaa shaqada insulinta.
  5. Alpha-glucosidase inhibitors sida Glucobay waxa ay yareeysaa sokorta laga soo nuugayo mindhicirada yaryar.

 

Diyaarin cabdisalaan maxamed

 

HAWEENKA SOOMAALIYEED OO MUUJIYAY GARAB ISTAAGGA CIIDAMMADA

Guud ahaan hogaamiyayaasha haweenka gaar ahaan gobolka banaadir magaalada muqdisho caasimada dalka, ururka haweenka soomaaliyeed ay hogaamineeso gudoomiyaha ururka haweenka gobolka banaadir marwo jawaahir baarqab ayaa u mujiyay garab istaag ciidammada qaranka gudanaya waajibaadkooda iyagoo ka garab istaagaya doorkooda kaga aadan dagaalka lagula jiro cadowga khawaarijta.

Halka dalka uu heegan ogu jiro wajiga labaad ee dagaalka uu horkacayo madaxweynaha jamhuuriyada federaalka soomaaliya oo ku sugan caasimadda dowladda Galmudug.

sidoo kale waxay diyaar garow oogu jiraan dhamaan ururka haweenka gobolka banaadir iyo wasaarada haweenka iyagoo sheegay in gabar kasta diyaar u tahayin ay garab istaagayaan geesiyaashooda sooma jeestayaasha ciidamada qaranka

Wasiir khadiijo diiriye  “ haweenka soomaaliyeed waxa ay garab taagan yihiin ciidammada ku sugan furimaha dagaalka”  waxaa sidaa yiri wasiir khadiijo oo wareysi la yeelatay telefashinka qaranka soomaaliyeed.

Waxaa ay sidoo kale raaciyeen hoggaamiyaasha haweenka iyo ururka gobolka banaadir in aysan noo soo dhuuman khawarijtana uu gabalkoodu dhacay haweenka soomaaliyeed ayaa geesiyashooda la garab taagan u dhiibista sahayda ciidanka iyo karinta raashiinkooda

Sidoo kale, qaar ka mid ah haweenka ayaa furmaha qorraxda ugu dhacdaa

Guddoomiye Jawaahir baarqab ayaa waxay tiri“ hadaan nahay haweenka soomaaaliyeed waxaan sameyney isxilqaan aan ku garab istaagayno ciidamada furimaha dagaalka kula jiro khawaarijta dalka laga xoreynaayo” ururka haweenka gobolka banaadir waxay u diyaariyeen wajiga labad ee dagaalka ku dhawaad 15kun oo ciidan agabkii la gaarsiin lahaa biyihii buskudkii kac kicii oo laga keenayo degmooyinka gobolka banaadir

Sidoo kale, hoggaanka ururrada haweenka  soomaaliyeed ee ku kala sugan gobollada dalka ayaa dhinacooda muujinaya garab istaaga ciidmada qaranka ee dagaalka kula jiraan khawaarijta

Haweenka galmudug oo kaashanaya wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka dowladd goboleedka galmudug ayaa dhankooda bilaabay diyaarinta cuntooyin fudud oo loogu tala galay in la gaarsiiyo ciidamada jiidda hore ku sugan oo khawaarijta ka sifaynaya meelaha ay kaga harsan yihiin oo weli ay ku dhuumaaleysanayaan gobollada Sh/dhexe, hiiran, mudug iyo galgaduud.

WQ: Sakariye Cabdixakiim Moxamed

 

SHEEKADII GOORMAAD WAX GARATAA (QAYBTII 2-AAD)?

Su,aashan oo sheekadu ka billaabaneyso waxaa halheys looga dhigaa markii qofku uu yahay qof deman amase qalbi weyne uu yahay oo aan waxba fahmeyn waana qof mudda badan loogu dul qaatay dabaalnimada iyo wax fahan la,aanta.

Haddaba, sheekadaan way xeeldheer tahay oo had iyo jeer dadku haduusan la jaan qaadi Karin meesha uu waqtigu marayo iyo  casriga la joogo markaas wax u sheeggiisu waa ku dhib badan yahay.

Ummadaha adduunku wixii ay soo mareen waa ay ku waano qaataan haddii ay tahay dhib ama dheef waana ay ka leexdaan wixii horay u soo maray oo dhib ahaa

tusaale ayay ka dhigtaan dibna uguma noqdaan laakiin, soomaalidu wanaag iyo taariikh fiican ayey ka dhigtaan xumaantii iyo waqtigii colaadaha oo ragga xun oo moorayaan ah uu laayey.

Waxgaradkii iyo aakhiliintii waa ay ku faanaan waxaana habbon in laga hortago wax alla iyo wixii dhibaato keeni kara haddii ay dhacdana laga qoomameeyo allana cafis la weydiisto.

Dadka madax loogama dhigo dad aan diin laheyn iyo kuwa macsida ay la wanaagsan tahay, waxaa loo baahan yahay dadku iney garasho leeyihiin oo y leexdaan waddadii shalay lagu halaagmay ama qatarta lagu galay.

Bal dib u fiiri sheekadii cigaal iyo geedkii habeenkii uu ka cabsaday ee markii uu arkay subaxdii ogaadayna inuu wixii xalay oo dhan hortaagnaa in aysan bahal aheyn ee uu geed yahay, Cigaal wuxuu yiri “Geed yahow ma waxaan  ku moodaayey mase waxaad noqotay, waxaan ku moodaayey bahal waxaadse noqotay geed mase waxaan hadda yeelayo waxaan hadda yeelayaa salka ayaan kaa jarayaa”

Cigaal wuxuu gaaray go,aan aan ka noqosho lahayn si aan dib dambe loogu qaldamin wuxuuna ahaa go,aankaasi mid aan habeen dambe laga cabsaneyn wayo salka ayuu ka jaray cigaal geedkii waana uu ku waano qaatay.

Haddaba, soomaalidu kama waantoowdo colaadaha iyo qabyaaladda tuugada iyo is dilka waxayna moodan wanaag.

waxaan ku soo geban gebeynayaa soomaaliyey ka joog waxyaalka aan faa,iidada kuu laheyn aakhiro iyo adduunkaba, waxaana ugu sii daran qabyaaladda is dilka tuugada iyo boobka hantida qaranka una soo jeesta horumarka dalkiinna iyo  dadkiinna

WQ: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre

== TIXANAHA SHEEKADA MAANA FAAY (QEYBTII 56-AAD)

Maana taladaas way qaadatay. Aad bay ugu riyaaqday. Hortiiba wax ku dhiirrigeliya uun bay la’ayd.

Rajo fiican baa gashay. Niyaddeedii nolol baa ku soo yara noqotay. Talo kale ma jirto. Waa in ay isla berrito subax Cagaaran isula dhuuntaan. Kaddib wixii dhacaayaaba ha dhaceen.

Axmed sidaasuu ku talin doonaa. Maana rajadaasay habeenkii oo dhan iskumaaweelinaysey Waaberigana dherarsanaysay.

Diiq baa dhawaaqay Mid kalaa ka jiibiyey, wadaad baa u marag furay Aamuskii madoobaa buu addin kala dhex kacay Ka baxshaa ba’ay.

Alalaas baa afarta jaho is-qabsaday digaag aleeggadaya Wadaaddo addimaya. Dameero orinaya Dhallaan ooyaya Dumar aamusinaya iyo wixi la mid ah.

Aaway dunidii daqiiqado ka hor shibta ahayd? Diiqii dhawaaqay baa dambigaas iska leh.

Inta kale waa dameeri dhaan-raacday. Dawankaas iska daba dhacay dulucdiisa la garey.

Waa sagootiskii habeenkii dheeraa. Waa soo dhaweyntii waaberigii wax badan la sugayey.

Maalin taariikh leh baa madaxa keentay. Waa kala bayrkii u weynaa taariikhda nolosha Maana-Faay. Juu ama jaa. Jab aan laga kaban iyo jiritaan wacan bay maanta mid u jahaysan. Jid saddexaad ma jiri karo.

Been ma sheegin murti-dhaarigii laga maqlay, laba kala bariday kala war la’. Waagaa beryey waa 13kii bisha Mowliid. Guryo Xamar Weyne ku yaal farxad buu ula beryey. Guri Boondheere ku yaalse murugo iyo walaac buu ku soo balleeyey. Guryaha Xamar Weyne ku yaal waa reer Xaaji Muumin iyo reer Aw- Mukhtaar.

Waxa farxadda ka keenaya waa arooska afar-geeska ah ee hawlihiisii maanta loo wada heegan yahay, nikaaxiisiina caawa lagu qorsheeyey. Guriga Boondheerena waa reer Ciise-Dheere oo Maana-Faay  ilaa  shalay  dulsaar  ku  ahayd murugadana u keentay. Habeenkii tagay, hammi iyo hurdo la’aan buu ku dhaafay

Aweys Xaaji Muumin waa qofka ugu farxad badan dadka subaxaas Xamar Weyne waagu ugu beryey. Gacalisadii Jiija ayuu habeen dambe afar gidaar dhexdood albaabka hoosta uga xiran doonaa, isagoon cidi la joogin, cidina u jeedin. Laguna ceebin mayee waaba lagu bogaadinayaa.

Alla dahabsanaa! Waxa uu sameyn doonuu ku sii riyoonayaa. Muuqaalkii u soo baxaaba farxad buu ku sii biirinayaa. Intuu is-illaawuu keligii isu qoslayaa. Markuu isgartana hareeraha iska eegayaa.

Marmarka qaarkoodse wuu isku naxayaa. Siduu imtixaanka uga gudbi doonuu ka welwelayaa. In uu wax khalduu ka cabsanayaa. Habeenkaas Aweys laba indhood isuma geyn. Sida walaashiise murugo iyo madax-xanuun lama hurdo seegin. Farxad iyo fikrado is-jiirayuu la gam’i waayey.

Jiija qudheedu kama yaraysatee, wayba ka horraysaa. Adduun kaloo ay ka fekertaaba iyada uma jiro.

Waxaase farxadda ka jiiraya, dareen yaxyax iyo mid baqdineed ee markay in yar faraxsanaataba ku soo boodaya, sidii calool xanuunkii.

Waa makhabiyo guri-joog ah, oo la yiri boqollaal qof baa maanta hawshaada keliya u heellan, habeenka arooskana hareerahaaga tuban ee adiga uun ku daawanaya; ugu dambeystana nin baa aqal cidla ah la isaga kiin tagayaa, irridahana hore la idiinku sii ooday.

Idinka lee waaye! Aabooy- aabooy, amuur ahaa taasi! Xumaayoo fiicanaa.

Fiicanaa, fiicanaa! A’aah! Wallaahi baxaraa lagu jiraa!

Abuukar Aw-Mukhtaar farxad la sheegaa kama muuqato. Ninka arrintu khusaysana uma eka. Waa jirjirroolaynayaa. Reer uu isagu ka taliyo iyo naag aan cidi la wadaagin, cawiyo maalinna diyaar u ah, markay ku soo dhacdo, wuu isu bogayaa.

Mas’uuliyadda fuuli doonta iyo magaalada uu ka xirmi doono markuu soo gocdana wuu is- xumaynayaa.

Muxuu u sheegi doonaa gabdhihii saaxiibbadiis ahaa, ee ay ‘Ciyaal-biidka’ isla ahaayeen, caweysyadana isla darandoorrin jireen tumashada cawo kasta carcarta cusub leh? “Yaakhay arooskaan dhibkiisa ma iga dhaaftiinoo?” ayuu markaas hoos ugu gunuunucayaa, korse uma oran karo. Laba daraadle waxaa wadne-fug ku riday burutokoolka arooska.

Wuxuu garan la’ yahay waxa uu ku hadli doono iyo sida uu isu ekeysiin doono saacadaha badan ee uu isagoo jaakaysan, aroosad iyo laba malxiisna ku dhex jira u taagnaan doono qaadashada hambalyada iyo salaanta dadka faraha badan ee ka soo qayb galaya xafladda arooska.

Saacadahaas xasuustoodu waxba ugama duwana xabsi ay ku xukuntay maxkamad aan rafcaan lahayn.

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Waxaa nasiib darro ah in qaraxii Soobbe ee dhacay 14 October 2017-kii,isla markaana galaaftay nolosha dad badan, kadib in weli ay jiraan kooxo hubeysan oo u ooman daadinta dhiigga dadka,isla markaana doonaya in ay wiiqaan midaamka dowladdnimo iyo dadaalada kale ee loogu jiro horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee dalka iyo soo celinta amniga dalka.

14-ka Oktoobar  waaa dhacdado aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin isugu jiray dhimasho,dhaawacyo iyo burbur hanti ay soo gaareen dad ka badan kun-ruux oo ahaa kuwo meherado ganacsi ku lahaa isoyska Soobe iyo dad socota ah oo marayey halkaasi.

Falkaasi xasuuqa ah oo ay ka dambeeeen kooxo nabad-diid ah,waa mid reebay xasuus lama iloowaan ah oo aan ka go’eyn qalbiyada umad sanado badan ku soo jirtay dagaallo sokeeye oo haatan doonaya in ay u gudbaan nidaam sal adag oo horseeda nabad iyo barwaaqo.

Tirakoob rasmi ah oo la sameeyay ayaa muujinaya in ay dhinteen in ka badan 500 oo ruux,isla markaana uu dhaawacyo kala duwan soo gaaray ku dhawaad 300 ruux,halka la waayey ,dad gaaraya 54-qof oo illaa haddda aan la ogeyn meel ay ku dambeeyeen raq iyo ruux.

Marka laga yimaado khasaaraa nafeed ee uu geystay qaraxaasi,waxaa ku burbuay hanti lagu qiyaasay $6.3 Milyan oo isugu jirtay nuucyada adeegyada ganacsiga,gawaari iyo dhismayaal badan.

Waxaa xaqiiqo ah in dowladda federaalka iyo dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha iyo dibadaha ay u howlgaleen bixinta lacago malaayiin doolar ah oo xirfado ganacsi loogu abuuray eheladii uu saameeyay qaraxii Soobbe.

Waa dhab in ay jiraan dad daacad ah oo xilli kasta  u taagan badbaadinta bulshada iyo ka qeybqaadashada horumarka dalka,taasina waa wax u gaar ah dadka Soomaaliyeed oo ay kaga duwan yihiin shucuubta kale ee caalamka.

Inkastoo dib u dhis wanaagsan uu ka muuqdo goobihii ganacsi ee agagaarka Soobbe,haddana falkaasi ay ka dambeeyeen kooxda Shabaab waa xasuuqii ugu xumaa ee loo geysto dad rayid ah oo ku jiray raadinta nolol maalmeedkooda.

Isku day kasta oo ay ka dambeeyaan kooxaha nabad-diidka ma ahan kuwo wax u dhimaya horumarada socda,sidaa daraadeed waxaa habboon in si wadajir ah looga shaqeeyo soo celinta amniga dalka iyo la dagaalanka qof kasta oo loo arko in ay lid ku yihiin danta dalka iyo dalka.

Sida cad,wadajir ayaa lagu badbaadin karaa dal jira,sidaa daraadeed,waa muhiin in ciidan iyo shacabba ay ka shaqeeyaan danta umadda,gaar ahaan waxyaabaha u baahan in hoos loo eego sida ilaalinta xasiloonida dalka,daryeelka bulshada , ka qeybgalka barnaamijyada horumarineed iyo dhismaha  dalka .

Sidoo kale,haddii lagu shaqeeyo caqli saliim ah,waxaa suurtagal ah in ay badbaadaan shacbiga,isla markaana la bartilmaameedsado cid kasta oo ku howlan sameynta dambiyo dagaal oo ka dhan ah aadanaha.

Dowlad iyo shacab,waa in xil la iska saaro sidii mudnaanta loo siin lahaa amniga,Waxaanna aaminsan nahay in bulsho mideysan oo diyaar ah ay ku dhaqaaqi karaan la dagaalanka cid kasta oo wax u dhimaya amnga dalka.

Si mar kale aysan u dhicin dhacdo la mid ah tii Soobe waa in qof kasta ay u howlgasho xilka kaga aadan dhowrista dowladnimada iyo guud ahaan soo celinta amniga iyo kala dambeynta oo si gaar ah u taabanaya dhaqdhaqaaqa bulshada.

SONNA

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Turkeyga

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Cabdirashid Haji Abdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo wadanka Turkeyga kaga qeybgalaayey Shirka Madasha Ganacsiga ee Turkeyga iyo Afrika, ayaa wuxu halkaas kulan gaar ah kula qaatay dhiggiisa wadankaasi Wasiirka Ganacsiga Turkeyga Mudane/ Prof. Dr. Ömer BOLAT oo ay ka wada hadleen xiriirka ganacsi iyo xoojinta iskaashiga labada dal.

Labada dhinac, waxay sidoo kale falanqeeyeen dhammaystirka heshiiska Iskaashi ee Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Turkeyga oo loo yaqaano TEPA kaas oo maraya heer gebogabo ah sidoo kalena muhiim u ah horumarka dhaqaale ee labada wadan, waxaana ay Soomaaliya diyaar u tahay soo dhaweynta Maalgasheyaasha, iyo in Ganacsatada labada dhinac ba ay Maalgashiyo ka samayeen Soomaaliya iyo Turkeyga.

 

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay howlgallada ka socda dalka ayaa Amaanay doorka Shacabka ay ka qaateen

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo salaadda Jimcaha kula Oogay qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka ayaa ka hadlay halka uu marayo halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-shabaab, amniga iyo kaalinta shacabka Soomaaliyeed ay ka qaateen howllgaladda ka socda dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn waxaa uu dhibaatada iyo xaaladda adag ee ay ku suganyihiin dadka reer Falastiin la qeybsaday Shacabka maatada ee ay waxyeelada ka soo gaartay duqeymaha Isra’iil ay ka waddo Qasa.

Madaxweynaha oo ka hadlaayay howlgallada socda ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ku nool dhulka Miyiga ah ugu mahadnaqay kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan howlgallada ay Ciidamada Qalabka Sida ku baacsanayaan khawaarijta howdka ku dhuumaaleysanaaya.

“Kalluunku wuxuu ku noolaanyahay biyaha, haddii barkadda biyaha ee uu kaluunku ku noolyahay laga daadiyo biyaha kaluunka kuma noolaan karo,Argagixisada iyo Khawaarijta biyaha ay ku dhaxnoolyihiin waa shacabka maantana Allah mahaddii shacabkii waa ay arkeen in nimankaan aheen kuwo ay sii xambaarsanaan karaan wayna diideen waxay ku soo jireen 16-kii sano ee la soo dhaafay.” Ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheekh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale fursad cafis u fidiyay wiilasha la qalday ee wali ku harsan Khawaarijta waxaa uuna ugu baaqay in ay ummadda Soomaaliyeed ay ka mid noqdan kana soo baxaan fikirka guracan ee lagu qalday.

Wasiirka Ganacsiga XFS oo la kulmay Madaxweynaha xiriirka dhaqaalaha dibadda Turkey-ga

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi oo weli ku gudo jira safarkiisii shaqo ee Istanbul, ayaa la kulmay Madaxweynaha golaha sare ee xiriirka dhaqaalaha dibadda wadanka Turkey ga Mr. Nail OLPAK oo ah madal ay ku midaysan yihiin guud ahaan ganacsatada wadankaas.

Dhinacyadu, waxay ka wada hadleen dhiirigelinta Maalgashiga, is-dhex-galka ganacsatada, iyo weli ba abuurista madasha ganacsiga iyo dhaqaalaha oo u dhaxaysa wadamada Soomaaliya iyo Turkey ga taas oo abuuri karta iskaashi iyo weli ba fursado ganacsi iyo kuwo maalgashi oo labada dhinac ah.

Waxa kale oo ay ka wada sheekaysteen ganacsiga labada dhinac, iyo sidii loo fududeyn lahaa dhoofka iyo wax soo dejinta inta ba si horumar loogga sameeyo isku dheeli-tirka ganacsi ee labada dal.

Ra’iisul wasaraha XFS oo qaabilay madax ka soctay Hey’adda Caalamiga ah ee taageera horumarinta caafimaadka

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa qaabilay Madaxa Barnaamijka Horumarinta Caalamiga ah ee Bill & melinda Gates Foundation Ahna madaxa guddiga la socodka cudurka badeysha Dr Chris Elias.

Ujeeadada Kulanka ayaa ku aadanayd booqasho diiraadda lagu saaraayay xoojinta Xiriirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Hayadda Caalimga ah 𝐁𝐢𝐥𝐥 & 𝐌𝐞𝐥𝐢𝐧𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐭𝐞𝐬 𝐅𝐨𝐮𝐧𝐝𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 oo taageero weyn ku bixisa Tallaslka Caruurta iyo Ciribtirka Cudurka dilaaga ah ee Dabeysha.

Kulankan qaabilaada ah Waxaa qayb ka ahaa Ku Simaha Wasiirka Caafimaadka ahna Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Caafimaadka Dr Maryan Maxamd Xuseen iyo Wasiir Ku xigeenka Wasaardda Caafimaadka Dr Maamad Xasan Maxamad, waxaana goobjoog ka ahaa Madax kasocotay Hay’addaha Caalamiga ah ee taageera hormarinta Caafimaadka ee WHO, UNICEF, UNFPA,

Booqashada Madaxweynaha Hay’adda 𝐁𝐢𝐥𝐥 & 𝐌𝐞𝐥𝐢𝐧𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐭𝐞𝐬 𝐅𝐨𝐮𝐧𝐝𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 Dr.Chris Elias ayaa ahayd maddii ugu horeysay ee uu soo booqdo dalka Soomaaliya oo hay’adda 𝐁𝐢𝐥𝐥 & 𝐌𝐞𝐥𝐢𝐧𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐭𝐞𝐬 𝐅𝐨𝐮𝐧𝐝𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 ay ka caawiyaan Soomaaliya ciribtirka cudurka dabeysha iyo horumarinta adeegyadda Caafimaadka dalka,booqashadan oo qorshaysnayd ayaa la rajeynaynaa inay waxweyn ku soo kordhin doontaa wadashaqeynta labada dhinac gaar ahaan kor u qaadi taageerada ay Hey’adda 𝐁𝐢𝐥𝐥 & 𝐌𝐞𝐥𝐢𝐧𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐭𝐞𝐬 𝐅𝐨𝐮𝐧𝐝𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 ku bixiso ciribtirka cudurka dabeysh.