Wasiirka Maaliyadda XFS Dalka Morocco kulama gaar ah kula qaatay Masuuliyiin dowladeed iyo Hey’ado caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha Maaliyadda

-Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdiga uu hoggaaminayo  oo ku sugan Magaalada Marrakish ee dalka Morocco  ayaa kulamo gaar ah gaar ah la qaatay Masuuliyiin dowladeed iyo Hey’ado caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha Maaliyadda, qeyb muhiim ahna kulahaa arrimaha deyn cafinta iyo dib-u-haneynta Maaliyadda Soomaaliya.

Shir-doceedyadan uu galay Wasiirka Maaliyadda ayaa dhamaantood waxa ay ku qotomaan hannaanka dib-u-eegista Maaliyadda, dib-u-habeynta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka waxaana ugu horreeya,

Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan horumarinta Maaliyadda, dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo taageerada Dowladda  kadib gaba-gabada hannaanka deyn cafinta waxa uu la yeeshay dhigiisa Wasiirka Maaliyadda Dowladda Qatar Mudane Ali Bin Ahmed Al-Kuwari.

Wasiirka Maaliyadda XFS waxa uu sidoo kale kulan miro dhal ah la qaatay Hogaanka Wafdiga Dowladda Faransiiska uga qeyb galaya Shirka Marrakish, Wasiir Biixi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Faraniiska doorkii muhiimka ahaa ee ay ka cayaartay Wadamada ku bahoobay Naadiga Paris oo hannaanka deyn cafinta qeyn weyn kulahaa.

Bangiga_Adduunka:- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasimaha Fulinta  Bangiga Adduunka qeybta loo yaqaan (Africa Group 1) Dr. Floribert Ngaruko oo ay ka wada hadleen sidii Bangiga uu uga qeyb qaadan lahaa taageerada Dowladda Soomaaliya, kadib marka uu dhamaado barnaamijka deyn cafinta oo hada gaba gaba maraya.

 

 

 

 

 

R/wasaare xigeenka XFS oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta doorka haweenka ee matallaadda goleyaasha dowladda

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin siyaasadda iyo matallaaddooda ku aaddan goleyaasha dowladda.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeyb galay munaasabad looga hadlayey waafajinta sharciga dalka ee qoondada matallaadda haweenka ee boqolkiiba 30, ayaa ku ammaanay haweenka Soomaaliyeed ee  ku jira goleyaasha dowladda dadaalka ay ugu jiraan in dumarku ay si fiican uga dhex muuqdaan siyaasadda dalka.

Mudane Saalax ayaa tilmaamay in Haweenka Soomaaliyeed ay halbowle u yihiin horumarka iyo dib u soo kabashada Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka cadowga looga xoreynayo dalka iyo dhinacyada kala duwan ee adeegyada bulshada.

Kulanka oo ay soo qaban-qaabiyeen Kutladda Haweenka ee Golaha Shacabka ee BFS, ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka F.S Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, Wasirro, Xildhibaanno iyo masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda.

                

Guddoomiyaha hey’adda maareynta musiibooyinka Qaranka oo gaaray magaalada beledweyne ayaa kulamo la yeeshay madaxda Hirshabeelle

Beled weyne- Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne, waxaana socdaalkaan ku wehliyey, ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada midoobay ahna isku duwaha Arrimaha Bini’aadamnimada George Conway.

Mas’uuliyiin uu horkacaayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Sufuroow ayaa garoonka diyaradaha Ugaas Khaliif ku so dhaweeyey wafdigaan, waxaana intaas kadib kulan la qateen Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, iyadoo looga warbixiyey xaalada Baladweyne, cabsida ay ka qabaan fatahaado iyo dhibatadii ka dhalatay qaraxyadii Baladweyne khawaarijta ka gaysatay iyo xaaladaha ay wajahayaan barakacyaasha ku nool Baladweyne.

Ujeedka wafdigaan ayaa ah indha-indheenta iyo ukuurgalida xaladaha bini’aadanimo ee gobolka ka jira, u Diyaar garowga digniinaha xalaada El-Niño taas oo wata Fatahaado iyo daadad culus, waxaana intaas kadib wafdigaan kormeereen kaamamka barakacyaasha ee ku yaal gudaha magaalada, waxaana mid mid ula kulmeen qoysaska ku nool iyagoo ka xogwareestay xaladooda.

Sidoo kale wafdigaan ayaa waxa ay booqdeen goobaha biyo mareenada ah, iyo goobaha uu ka jilicsanyahay wabbiga markastana ka fataho.

               

Guddoomiye Madaale oo kumanaan shacab ah kala qeyb galay Duco iyo xus loo sameeyay Shuhadadii ku naf-wayday dhacdooyinkii murugada lahaa ee 14-October 2017 & 29-October 2022

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Kuxigeenada G/Banaadir iyo Xoghayaha Guud ayaa kumanaan shacab ah kala qeyb galay Duco iyo xus loo sameeyay Shuhadadii ku naf-waayay dhacdooyinkii murugada lahaa ee 14-October 2017 & 29-October 2022 ee ka dhacay Isgoyska Soobbe ee Magaalada Muqdisho, taasi oo ay Khawaarijta ku xasuuqeen maato aan waxba galabsan oo isugu jiray Waayeel, Caruur, Haween iyo Dhalinyarro.

Isku soo baxa Bulsho ee loogu duceenayay Shuhadada ayaa dhiig shubis loogu sameeyay Ciidanka Xooga dalka iyo kuwa difaaca Shacabka, iyadoona Bulshada Gobolka Banaadir ay cod dheer ku taageereen Dagaalka Sifeynta Khawaarijta ee ka socda guud ahaan dalka, kaasi oo uu hormuud u yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

       

Guddoomiye Madaale” wax aan furimaha Dagaalka ku soo arkay Odayaal 90 jiro ah oo qoriga u qaatay siday Khawaarij ula dagaalami lahaayeen”

-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdsiho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale( Yuusuf Madaale)ayaa ka hadlay dhibkii uu geystay Qaraxii 14-kii October 2017 ay kooxaha khawaarijtu ka geysteen isgoyska Soobbe ee Magaalada Muqdisho,Guddoomiyaha ayaa sheegay in Khawaarijtu yihiin maafiyo cadow ah oo u heshiiyey shacabka Soomaaliyeed in ay dhammeeyaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maanta shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda ay isu garabsanayaan sdii ay khawaarijta dabar goyn lahaayeen,guddoomiyaha ayaa xusay in uu furimaha dagaalka ku soo arkay in waayeel iyo dhalinyar ba loo midoobay sidii Khawaarij isaga xorayn lahaayeen”Furimaha wax aan ku soo arkay odayaal 90 jiro ah oo qoriga u qaatay sidii ay deegaanadooda uga xorayn lahaayeen Khawaarijta”ayuu yiri Guddoomiye Madaale.

Dhinaca kale Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyey in dagaalka looga qayb qaato af,adin iyo dhaqaale,isagoo hambalyeey dhalinyaradda Soomaaliyeed ee dhexda u xidhay sidii dalka looga dabar goyn lahaa kooxaha Khawaarijta.

Khawaarijtii geysatay xasuuqii Soobbe, maxay ku sugan tahay maanta? ( Warbixin)

– Maanta waa 14- October, lix sanno ka hor waxay dadka Soomaaliyeed ugu asteysan tahay maalin hal goob looga dilay tiro dhan 600-qof ( lix boqol oo qof), ugu yaraan kun kale oo qof-na looga dhaawacay.

Wuxuu xasuuqaas ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho 14-kii bishii October 2017.

Muxuu sawirka guud ee maalintaas, Maxaase Soomaaliya ka socda maanta?

Aan ku bilaabo maalintaas, Dowladda Soomaaliya waa ay tabar yareyd, shacabku waxay la daala dhacayeen abaaro baahsan iyo saboolnimo, waxaana u dheer gumaadka iyo baadda dhaqaale ay Khawaarijtu ku haysay oo lagu asteyn karo in Soomaalida abid soo marin tan oo kale.

Difaaca ugu weyn ee dalku uu lahaa wuxuu ahaa dhagax lagu jiray jidadka waa weyn ee magaalada Muqdisho, ciidamo cusub ayaa badbaadinta qarankan tababar ugu maqnaa. Khawaarijtu waxay ku sii naaxeysay dhiiga shacabka ay haysteen, daruufaha aan tilmaamay iyo in ka badan.

  Maxaa socda maanta?.

Wax walba ayaa isbeddelay, waxaa kobcay awoodda Dowladda, waxayna qaadatay doorkeeda, waxaa qaranka loo dhisay ciidamo ku filan difaaciisa, waxaa dhiiraday shacabkii u hooban jiray gumeysiga Khawaarijta, waxayna askarta Dowladda ay Khawaarijta ku sii baacsansysaa difaaca ugu dambeeya ee bar kasta dalkan ay ka joogaan.

Khawaarijta ayaa laga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro badan kuwaas oo muddo ku naaxayay dhiigga shacabka Soomaaliyeed, waxaanna hadda iyagu ka qubta dhiiga shacabka Soomaaliyeed ka quban jiray. Qaraxyadii gil gili jiray caasimadda waxaa beddelay duqeymo joogto ah oo ka socda dhulka howdka ah ee gobollada dalka, haadkana ka quudiyo hilbaha Khawaarijta.

Dowladda ayaa ku guuleystay in ay Khawaarijta ka joojiso malaayiin dollar oo ay si baad ah ugu qaadi jireen ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaas oo jiifka ku jiqi jiray horjoogayaasha haatan harsiga u diiday geesiyaasha dalka.

Waxaa la rumeystay maalmihii uu Muqdisho ka curtay kacdoon ” Guul ama Geeri” ee halganka Dowladda ugu jirto I dalka laga xoreeyo argagixisada si nabadda iyo kala dambeynta dalka loo soo celiyo.

Agendaha hoggaaminta dalka ee madaxweynaha qaranka ayaa baalka hore looga soo qoray dagaalka Khawaarijta si taas looga mira dhaliyo wuxuu madaxweynuhu labo bilood ka hor ka guuray madaxtooyadii uu ku shaqeyn jiray ee caasimadda Muqdisho, wuxuu subax kasta xaadiraa xafiiska hoggaaminta dagaalka khawaarijta oo laga dhex furay madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb.

HA TAAGEERIN COLAAD SOKEEYE

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa dab iyo dagaal midna laguma degdego waayo soomaalidu waxay ogtahay ama ay waayo arag u tahay dhibaatada colaadda sokeeye .

Qof weyn oo miyirka iyo maankaba qaba kuma taliyo colaad sokeeye sababtoo ah wuxuu og yahay waxa ka dhalan kara .

Laga soo bilaabo 1980kii Dalka soomaaliya Waxaa ka jiray colaad sokeeye waxaana ku farxi jiray dadka qaarkood oo dano gaar ah leh iyagoo qaladayey shacabka.

Waxaa kale oo aan ognahay in colka iyo abaarata ay yihiin labo shey oo aan la mahadin .

Adduunyada marka dhibaato dhacdo dadka wanaagsani way ka hortagaan dhibaatadaas wayna ka xumaadaan laakiin dadka leh danaha gaarka ah wey si huriyaan oo baasiin ayey ku shubaan .

Haddii aan isweydiino su’aal jawaab ayey u baahan tahay siiba dadka waxgaradka ah .

Marka la dhiso maamul ama dowlad dadku ma wada noqdo madaxweyne , wasiir iyo xildhibaan xubno qaas ah ayaa qorigu ugu dhacaa ka dibna Waxaa la siiyaa taageero iyo wada shaqeyn.

Mar haddii bulshadu sidaas tahay oo aysan dadka oo dhan xilka wada qabaneyn Waxaa wanaagsan in dusha laga ilaaliyo sharciga si loo helo wada shaqeyn iyo kalsooni iyadoo laga foggaanayo qabyaalad, nin jecleysi, saaxiibo iyo xisbiyo gaar ah kalsoono ayaa dhaceysa marka sidaa loo wada shaqeeyo, marka qofku qaldamana gacanta ayaa tartiib loo qaban karaa si walaalnimo ah .

Mudanuhu markaas wuxuu oganayaa in dadka gacanta soo qabtay ay yihiin dad aad u jecel.

Wax toosin ayaa la doonayaa ee lama doonayo colaad hurin, duullaan iyo adeegsi qabiil.

Haddii ay dhacdo qabyaalad , colaad been ah oo nin dan lihi hor boodayo Waxaa loo baahan in runta loo sheego isagana .

Nin ka cabsaday ujeedka dhabta ah guul ma keeno ee ha noqon mid marqaati ka ah dhibaatooyinka oo aan gacan ka geysan Karin ee noqo qof ka diga dhibaatooyinka la abuurayo.

Soomaalidu waa isku beel ee yeysan kula tagin caadifadda jufo yar oo gaar ah..ka fogow wax kasta oo keeni kara taariikh xumada

W/Q: Abwaan Gabayre

 

CIIDAMMADEENNU GACANNA DALKEY KU DIFAACAYAAN GACANNA GURMADKEY KU BIXINAYAAN

aa talo kula gudboon tahay in aad hagaajiso xusuusatana wanaagga iyo karaamada dalkaaga uu leeyahay .

Muwaadinka dhabta ah waa kan dhibta la qeybsanaya caruurta soomaaliyeed meel kastooy ku sugan yihiin haddey yihiin kuwa soo barakacay iyo kuwa ku nool dhulalka laga xoreeyay khawaariijta ciidammadeennu waa kuwa u xirtay tuutaha in ay difaacaan dalka dulliga ka dul qaadaan bulshada

Bal eeg sida ay ciidammadeennu ugu jiraan difaac iyo gurmad intaba, muwaadin leyskama noqon karo ee waa loo dhashaa.

Dowladnimada iyo Qaran jaceylka Waxuu kuugu soo maaxan doonaa maalinta aad ka baxdo dalkaaga oo aad tagto dal shisheeye kula kulmaan dhibaatooyin kala duwan ha noqto shaqo la’aan, caafimaad darro iyo dulmi lagaa galo oo aad la kulanto xarig.

Markaa oo kale waxaad xasuusataa dalkaaga waxaana taa ka si daran marka dalkaaga iyo dadkaaga dambi aad ka gasho baxsad aad ka noqoto oo aadan yeelan rajo dambe oo aad dib ugu noqon karto halkaana ay kaa horyimaadaan dihbaatooyin nololeed iyo kuwo amni .

Ogow maalintaas ayaad ogaaneysaa in dalkaagu yahay lama huraan markaas ayaa u shalleydaa in aad dib ugu laabato dalkaaga .

Meel kasta oo aad addunka ka tagto waxaa ku sugaya dalkaaga iyo dadkaaga oo aadan sina uga maarmi Karin meel kasta oo aad tagtana aad u soo laabaneyso oo lagugu aasayo.

Waa in aadan dambi ka galin dadkaada iyo dalkaada si aad u yeelato kalsooni kugu filan oo aad wax walba u huri karto dalka aad leedahay.

Qof kasta dalkisa ayuu Sharaf ku leeyahay waxaana laga yaabaa in daafaha caalamka ku xiran yihiin maxaabiis soomaali ah oo u baahan in dalkooda dib loogu soo celiyo sidii hore loo keenay kuwo badan.

Si kastaba ha ahaatee qof walba waa in uu qaddiriyaa isla markaana Sharaf u yeelaa dalkiisa waayo dalkaada ayaa muwaadin geesi ku tahay oo aad ku dhiirran tahay.

WQ: Abwaan Gabayre

 

ISLAAMKU WAA DIIN AAN DIIN KALE KA DAMBEYN

Islaamku waa diin kaliya ee Alle agtiisa ka jirta, diin aan aheyn midda Islaamka oo Alle agtiisa laga aqbalayana ma jirto sida Ilaahay SWT Qu’aankiisa noogu cadeeyey. Kutubadii ka horeeyey kitaabka Qur’aanka kariimka ee Furqaan waa waajib rumeyntooda balse ma aha kuwo hadda shaqeeya, waxayna ahaayeen kuwo loosoo diray qolo gaara iyagaas ayeyna ku ekaayeen,  Diinteenna Islaamka way ka duwantahay diimahaas hore waayo waxaa loo soo diray dhammaan caalamka oo idil, waana diin aan dhicin ilaa maalinta qiyaamaha, waxaana loo soo dhiibay nabigii uga  kheyrka badanaa inta Allah SWT abuuray, waa diin isu miisaanta nolosha adduunka iyo nolosha Aakhirada, waayo adduunku waa beer uu ku beerto qofka Muslimka ah khayraadka xagga dhammaan dhinacyada nolosha si uu u gurto abaalka arrinkaas adduunka iyo Aakhiradaba. Beerta iyo abuurkanina wuxuu u baahan yahay inaad ku qaabisho nolosha nafsad kheyrka rajeysa uu ka buuxo dadaal iyo go’aan adeyg, arrinkaasina wuxuu ka muuqdaa waxyaalahan soo socdo:

Allaah Kor ahaaye Wuxuu yiri: “Wuxuu idinka abuuray dhulka oo idin dejiyey dhexdiisa si aad u camirtaan” (Huud: 61)

Allaah wuxuu nagu beeray arladan oo na amray inaan camirno oo ku hormarinno ilbaxnimo iyo dhismo u adeegeysa aadmiga, oo aan ka hor  imaaneyn shareecada Islaamka ee sahlan, balse wuxuu ka yeelay camiraaddeeda iyo hormarinteeda waxyaalaha ay dooneyso shareecada iyo cibaadooyinka  xitaa waqtiyada lagu jiro duruufta adag iyo marka uu xaalka murugsan yahay , sidaas awgeed buu Nabigeenna ku baraarujiyey qofka Muslimka ah in haddii qiyaamuhu dhaco isagoo gacanta ku haya abuur uu doonayo inuu beero,markaa waxaa saaran inuu ku dhaqsado beeritaankeeda, hadduu karo si ay ugu noqoto sadaqo. (Axmad 2712)

Islaamka wuxuu ku baaqaa in lagala qayb qaato dadka xagga dhismaha iyo sameynta ilbaxnimo iyo wax hagaajinta, iyo in la dhex galo dadka oo lala xiriiro si edeb iyo dabci san leh si kastaba ha u kala duwanaatee dhaqammadoda iyo diimahooda, wuxuuna Islaamka nagu baraarujiyey in ka dhex bixidda iyo ka fogaanshaha dadka aanay ahayn dowga dadka diinta ugu yeera  iyo kuwa wax hagaajiya, sidaas awgeed buu Rasuulkii Allah NNKH ka yeelay in qofka dadka dhex gala oo ku sabra waxa ka soo gaara oo dhibaato iyo gef ah uu ka fiican yahay qofka ka gooni noqda oo ka fogaada (w.w. Ibnu Maajah 4032)

Ma aha arrin kedo ku timid in kelmedda ugu horreysa ee ka mid ah Qur’aanka ee lagu soo dejiyey Nabigeenna tahay: Iqra (Akhri),

Waxaa halkaa lagu caddeeyey inuu Islaamka dhiirrageliyo dhammaan noocyada culuunta  nafaca u leh aadmiga ilaa uu ka dhigay dariiqa uu maro qofka Muslimka ah isagoo cilmo doon ah uu yahay jid uu u hayo Jannada, sida uu Nabigeenna yiri: “Qofkii qaada waddo uu ku dalbayo cilmi, Allaah wuxuu ugu sahlaa waddo ka mid ah waddooyinka Jannada.” (Ibnu Xibbaan 84)

 

Islaamku ma yaqaan dagaal ka dhexeeya diinta iyo cilmiga sida diimaha kale, bal si ka duwan taasi si dhan, diinta waa baaqa cilmiga waana taageeraha iyo ugu yeeraha dadka barid iyo barashoba maadaama uu ugu jiro khayr aadimiga

Sidaas awgeed buu Allaah u maamuusay qaddarka caalimka ee bara dadka khayrka oo u yeelay darajooyin sare, wuxuuna Nabigeenna sheegay in dhammaan uunanka ay u duceeyaan macallinka bara dadka khayrka. (At-Tirmidi 2685)

WD: Ibrahim Warsame

ISKA XOREYNTA KOOXAHA ARGAGIXISADA NABAD DIIDKA AH

Gobolada dalka Soomaaliya waxaa Ka curtay guluf colaadeed oo la iskaga xoreeynaayo kooxaha diidka ah oo bulshada Soomaliyeed ay u geestaan dhibaatooyinka aad u arxan daran oo wuxuushnimo ah taasi oo sababtay in bulshadii ay kacdoon sameeyaan sida ay iskaga soo afjari lahaayeen kooxaha argagiso ee dhibka ku haaya bulshada Soomaliyeed.

Kooxahan xagjirka ah ee Alshabaab ayaa tacadiyo aad u xuxun bulshada Soomaliyeed u geesteen 14kii sano ee lasoo dhaafay ayaga oo aan u aabayeeleenin Caruur, dhalinyaro oo ubixii wadanka ah, dad waayeello ah, aqoonyahanno iyo waxgarat ay Ku haayaan gumaad joogta ah Ku gumaadayaan.

Dhanka kale, Qaraxyo aan loo meel dayin oo lala beegsado dadka rayidka ah ee aan waxbo galabsanin, dilal qorsheesan oo ay fuliyaan ayna Ku doonayaan cabsi galin lagu sameenaayo bulshada Soomaliyeed.

sidoo kale lacago baad ah Dadka laga qaado , sako baad ah Dadka laga qaado, Ceelashooda laduugo haldoorkooda la laayo taasina waxa ay dhashay in bulshadii ay heeryqamaha Iska tuureen sida ay iskaga kicin lahaayeen cadowgan aan waxba hambeyneyn.

Gobolka Hiiraan waa goobta ay kabilaabatay kacdoonka la iskaga celinaayo kooxaha argagiso ee Alshabaab Kuwaas oo xasuuqay shacab Ku safraayey Gobolka Hiiraan dadka la xasuuqay waxaa Ku jiray Caruur gaaraayo ilaa todobo Caruur ah Kuwaas oo la dilay.

sidoo kale, Ceelashii ayey dadka Ka duugeen taasi ayaa qasabtay in shacabka soomaaliyeed gaar ahaan reer Hiiraan ay Iska dhicyaan Cadowga ayna ka qabsadeen goobo badan oo ay ka heesteen Gobolka Hiiraan.

Waxaa goobahaasi gacanta Ku dhigay Ciidanka Macawisleeyda oo ah dadka deegaanka oo Kacay iyo Ciidamada Xoogga Dalka oo garab siinaayo shacabka Gobolka gaar ahaan reer hiiraan.

Kacdoonkaas waxuu dhalay in Gobalada dalka ay sameeyaan kacdoon Ka dhan ah kooxaha argagixiso sida Maamulka Galmudug oo ay ka socdaan kacdoonka, sidoo kale maamulka Koonfur galbeed ayaa iyana kacdoonka ka socdaa iyo maamulka Jubland gaar ahaan Gobolka Gedo.

Kuwaas oo dadaal xoogan ugu Jira haatan sidii ay dhibaatada Cadowga isaga dul qaadi lahaayeen.

Dhiiragalinta shacabka Soomaaliyeed ee kacay sida ay iskaga celin lahaayeen cadowga arxanka daran ayaa ah wax loo baahan yahay, waxaana Ku dhiira galinyaa in ay joogteeyaan weerarada ay Ku hayaan argagixisada oo ay sii laba jibaaraan.

sidoo kalena waa in kooxaha dagaallamaya ay bulshadooda u dhimriyaan Kalana hadlaan dhagarta cadowga maleegayo ina ka feejignaadaan, waana in baraarug la siiyaa si ay ugu dhiiradaan in ay cadowga sheegaan meelkasta oo ay Ku arkaan.

Ugu danbeeyn dowladda waxaa looga baahan yahay inay halkaasi ka sii waddo dagaalka iyo taakuleynta joogta ah iyo garab istaagga dhanka caafimaadka, sido kale, dhanka saadka iyo shidaalka.

Guul mujaahidiinta u kacay dalkooda inay ka xorreeyaan gumeysiga dadban ee loo soo adeegsaday baabi’inta ummadda soomaaliyeed.

WQ: Wargeyska Dalka