RW Xamse ” 30-kii sano ee Soomaaliya colaaddu ma jirtay Dunidu waxaa ay ku tallaabsatay horumarro iyo isbeddello weyn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in soddonkii sano ee ay Soomaaliya ku jirtay colaadaha iyo dowlad burburka ay adduunyadu ku tallaabsatay horumarro iyo isbeddello dunida wax ku soo biiriyey, si uu dalkeennu u xaqiijiyo kuwa lamid ahna loo baahan yahay in loo shaqeeyo si ka duwan, kana dadaal badan sidii hore.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay shirka heerka farsamo ee Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Maareeyeyaasha Hey’adaha ee ku saabsan aqoon-is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya, ayaa tilmaamay in ay laf-dhabar u yihiin agaasimeyaasha guud dhaqan gelinta geeddigaas dowladnimada casriga ah ee uu dalku u jiheystay.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayay dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, ayaa hoosta ka xariiqay in  dalka ay ka dhici doonaan isbeddello waaweyn oo ay ugu horreeyaan ciribtirka Khawaarijta, deyn cafinta, dhammeystirka dastuurka iyo bixitaanka ATMIS.

                

Wasiirka Cadaaladda ee XFS oo gaaray magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macallim Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu qeyb ka yahay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, halkaas oo ay uga qeyb gelayaan meertada 39aad ee golaha Cadaaladda ururka jaamacadda Carabta.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq, Liibaan Sheekh Maxamuud (Maalin Guur), la taliyaha koowad ee safaaradda, Cabdifataax Sheekh Axmed, xoghayaha Joogtada ah ee wasaaradda Cadaalladda Ciraaq iyo mas’uuliyiin kale ayaa soo dhoweeyay waddiga uu wasiir Xasan Macallim hoggaaminayo oo xalay goor dambe gaaray magaalada Baqdaad.

Shirka golaha cadaaladda ururka Jaamacadda Carabta oo furmaya maalinta berri ah ayaa looga hadlayaa arrima muhiim u ah ururka jaamacadda Carabta iyo Caalamaka, oo ay kamid tahay la dagaalanka argagaxisada iyo horumarinta cadaaladda iyo garsoorka.

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud, ayaa inta uu Ciraaq u joogo shirka waxuu kulamo doceedyo la qaadanayaa wasiirrada dhigiisa ah ee shirka ka qeyb gelaya.

   

Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia ayaa kulan la yeeshay safiiradda dalalka Algeria iyo Congo ee Ethiopia

Addis Ababa- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa kulamo kala duwan la qaatay safiirada dhiggiisa ah ee dalalka Congo iyo Algeria ee dalka Ethiopia kuwaas oo kala ah Amb. Daniel Owassa iyo Amb. Mohamed Lamine Laabas.

Danjiraha Soomaaliya Mudane Warfaa iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Congo mudane Daniel Owassa ahna madaxa Golaha Amniga iyo Nabad-gelyada Midowga Africa ayaa kulankooda kaga arrinsaday xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyagoo sidoo kale isla qaatay in Jamhuuriyadda Congo ay garab buuxa ku siinayso Jamhuuriyadda Soomaaliya iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Africa gaar ahaan Golaha Amniga iyo Nabad-gelyada, si looga dhabeeyo loona fuliyo qorshaha salka ku haya in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay si buuxda amniga dalka oo dhan ugala wareegaan ciidamada ATMIS.

Dhanka kale Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Warfaa iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacbiga ah ee Algeria ee dalka Ethiopia mudane Mohamed Laabas ayaa kulankooda uga wada hadlay kobcinta iyo kor u qaadista xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Algeria, iyadoo danjire Lamine uu ballan qaaday in Dawladdiisu ay Soomaaliya si joogto ah ugala shaqayn doonto la dagaalanka argagixisada iyo horumarinta arrimaha bulshada.

Safiir Cabdullaahi Warfaa ayaa dhigiisa Algeria uga mahad celiyay sida ay Dawladdiisu mar kasta garab istaag soo jireen ah ugu muujiso Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena ay Algeria ku sugan yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo waxbarasho iyo ganacsiba ku haysta dalkaas.

 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka iyo Mas’uuliyiin kale oo gaaray Magaalada Jawiil ee Gobolka Hiiraan

Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo katirsan Golaha Shacabka BJFS, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle iyo Wafdi ay hoggaaminayan ayaa maanta Gaaray Magaalada Jawiil ee Gobolka Hiiraan.

Ujeedka wafdigaan ayaa ah u kuurgalida xaalada bini’aadanimo ee ka jirta Jawiil ,iyadoo uu Guddoomiyaha uu booqday 15 gaari oo sida shixnado mucaawino ah oo hay’adda SoDMA ugu talagashay in loo qeybiyo dadka nugul ee ku nool Jawiil iyo tuuloyinka ku dhaw kuwaas oo maalmo ka hor gaaray halkaas,sidoo kale masuuliyiintaan ayaa isbitaalka Magaalada Jawiil gaarsiiyey deeq dawo ah.

Gaadidkaan oo sida Raashin,Daawo,iyo dhar ayaa isbuucii hore waxa ay hay’adda ka soo dirtay Muqdisho, waxaana si rasmi ah gadiidkaan Guddoomiyaha uu ugu wareejiyey Xildhibaan Abuukaate iyo Maamulka Magaalada Jawiil.

 

   

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGA KA JARAY LABO WADDO OO LAGA DHISAY MAGAALADA MUQDISHO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xariga ka jaray Waddada Maxamuud Xarbi ee degmada Warta Nabadda iyo waddada Cusub ee loogu Magacdaray Madaxweynihii Hore ee Dalka Cali Mahdi Maxamed ee degmada Cabdicasiis. Labadaan waddo ayaa waxaa si isxilqaan ah ku dhisay Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya shacabka degan degmooyinka Warta Nabadda iyo Cabdicasiis.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir iyo dadka deegaanka isku tashiga ay muujiyeen, taas oo ka tarjumeysa wadajir iyo wax wada qabsi shacab, isagoo qeybaha kale ee degmooyinka Gobolka Banaadir u diray farriin ku aaddan in ay door weyn ka qaataan dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha oo ay ugu horreyso waddooyinka muhiimka u ah isu socodka dadweynaha, kobcinta dhaqaalaha iyo bilicda Caasimadda Muqdisho.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada ee qeybta 21-aad oo kormeer wacyigalin ah ugu tagay ciidnaka ku sugan furimaha dagaalka

Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada qeybta 21 aad ee Xoogga Dalka G/ sare Cabdullaahi Maxamed Muuse Kayse oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Wisil, Shiikh Cabdullaahi Cali Xayle iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer wacyigalin ah ugu tagay Rugaha  Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee kusugan wisil.

Ciidamadaan ayaa u diyaarsan Dagaalka lagu sifeynayo Khawaarijta arxanka darran kaasoo looga saarayo degaanada ay kaga dhuumaleysanayaan koonfurta Gobolka Mudug.

Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada qeybta 21- aad iyo masuuliyiintii kale ee la socotay ayaa wadajir ula dardaarmay Ciidamada Xoogga Dalka iyagoo ku adkeeyey inay ilaaliyaan Hantida Qaranka oo ay garbaha ku sitaan sidoo kale u diyaar garoobaan Howlgalka

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanka ayaa koonfurta Gobolka Mudug waxay ka wadaan Howgalo ka dhan ah khawaarijta arxanka daran ee AS.

XATOOYADA XAQA IYO XOOLAHA DADWEYNAHA XAARAAN INAY TAHAY YAA MOOG?

Ma oga inuu Mas’uul yahay, mana oga in lagu aaminay, mar haddey sidaa tahay ogoow xaasid baa tahay, ogoow midaan xishoonin baa tahay, ogoow miskiin dhiiggisa dhuuqe/jaqe  inaa tahay, waxaa tahay ma garte maqane jooge aan waxba miisaan lahayn.

Eraydaan waxay quseeyaan dhammaan kuwa ku xadgudbaya oo xadaya xoolaha shacabka ama dadweynaha ee Danta guud, kaasoo ay Dowladdu ku aamintay inuu gaarsiiyo  Meesha u baahan kuna fuliyo si cad.

Waxay ku socdaan sidoo kale, kuwa weeciya Awaamiirta Xukuumadda ee ka eegta dantooda gaarka ah iyagoo iska dhigaya kuwo daacad ah.

Sidoo kale, Waxay ku socdaan ruux allaaliyo ruuxii damaacinaya xaqa iyo xaquuqda shacabka u leeyihiin inay noolaadaan, waana qaacin biire qaate ah kan sameeya sidaas, Waana hoojiye ummadda lagu soo diray.

waxaan leeyahay ka jooga inta aysan idin ku dhicin nacaladda, inta aysan idin arag isha soomajeesteyaasha qaranka iyo kuwa nabadda jecel.

Waxaa jira kuwo lagu magacaabo Afmiinshaar, kuwaasi waa kuwa mashquuliya Madaxda iyo Mas’uuliyiinta, waana kuwa badanaa sababta u ah in ay madaxda ka weecdaan ujeedkoodii hore ee ku dhisneyd waddaniyadda.

Musuq maasuq wadayaasha, oo ayana aan ka shar yareen ayaa daba taagan mas’uuliyiinta kuwaasoo ku qasba in ay sameeyaan caddaalad darro.

Waxaa u fiican inay Mas’uuliyiintu ka fiirsadaan tallaabooyinka ay qaadayaan, waayo maahan magaca mas’uul ee laguugu yeeray adiga waxaa tahay fikar ay dadka oo dhan wada fiirsanayaan, waxaana kula gudboon inaadan marna ka tegin caddaaladda.

Waxaa horay soomaali u tiri (Ileen Tuug ba waa Tuug Afmiinshaarna waa Tuug) kuwa daa’iman ku taraaraxa xadista xoolaha dadweynaha sida badan waxaa hoosta kaga jira waa Afmiinshaarka iyo kuwa ku shaqeysta musaqa maasuqa ee intaas aad ku arkeyso meel kastoo dhuuni ka jucaneyso.

War hooy qofkastoo haya xoolaha dadweynaha ama loo dhiibay mas’uuliyad, ka fogoow inaad ku dhaqanto astaamaha xun xun ee aan kor ku soo xusnay, haddaad diiddo wallee mar baad ooyi oo qarankeennu kuma cafin doono, Ilaahna kuma mooga.

Jooga oo ka waantooba Caddaalad darrida, iyo qaab darrida taalla meel walba oo haatan gabashada lahayn ee sida  bareerka ama ku talagalka ah  loo sameeyo wixii la doono.

Qaadashada xoolo badan oo aadan lahayn, Mar waxay kugu tahay doqonnimo, marna waxay kugu tahay dullinimo, waayo haddii aad ka fakareyso danta guud ee dalka iyo shacabka kuma aad hawooteen marna kumana dhiirateen in aad iska qaatado xaquuq kaala dhaxeyso shacab weynaha soomaaliyeed.

Waxaa mar walba loo baahan yahay in xilalka iyo darajooyinka loo bixiyaa si siman iyadoo caddaaladda lagu eegayo.

Waxaase dhibaato soo korortay ah iska xilsaarid la’aanta hantida dowladda kuwaasoo loo qaatay inaysan cidna lahayn, ma ogtahay shillin walba oo soo gala dowladda inay leeyihiin guud ahaan shacabka soomaaliyeed ee uusan jirin qof gooni u qaadan kara.

Taasi marka ay dhacdo qaranka waxaa looga baahan yahay in si wadajirka ah loola dagaalo qofka sameeya noocaas oo kale.

Ma ogtahay in aan maanta dunida kaga jirno halka ugu hooseysa dhan walba haddey tahay musuqa, caddaalad darrida, waxay naga dhigeen kuwa noocaas ah in ay dunida na tiraahdo Intii Xunba Xaawaa leh.

Waxaan ugu dambeyn dowladda soomaaliyeed tan joogta iyo tan iman doontaba u sheegayaa tuuggu sidiisaba arxan malaha oo wuxuu fiiriyaa maslaxaddiisa oo keliya, wuxuuna siduu doono ugu takri falaa xoolo uusan lahayn, laakiin uu ku helay magac dowladeed ama magac mas’uuliyadeed ee dad uun ay ka dhigteen ruux u maamula hantida.

Laakiin tuuggu dhacaya hantida qaranka waa luggooyo soo taagan oo mar waliba carqalad ku ah horumarka iyo horusocka dalka iyo dadka wuxuuna mudan yahay in shan farood iyo calaacal lagu soo dhigo si uu u dhadhamiyo liin macaanta taalla xabsiyada.

WQ: Osman Dhiblaawe

 

 

kHUDAARTA IYO FURUTADA OO KOR U KAC KU YIMID SICIRKOODA

bilooyinkii ugu dambeeyay waxaa isa soo tarayay gabaabsi ku yimid wax soo saarka beeraha gaar ahaan khudaarta cagaaran oo sida aadka ah bulshada ugu baahan tahay waxaa haatan la dareemayaa caqabad ka timid arrintaasi oo ku keentay suuqyada dalka inuu kor u kaco sicirka lakala siisto bambeelmo, liin dhannaanta, isbaandheyska, babaayga, muuska, canuuniga iyo xab xabka iwm.

Kuwaasoo dadbadani ay ku xurneyd nolol maalmeedkooda oo ay kasoo saari jireen daqli qoyskooda ay ku maareeyaan waxaa haatan la soo deristay ganacsatada ku shaqeysan jirtay waxyaabaha sharaabka la miiro ah oo qaar badan faraha ka qaaday iminka markii ay arkeen sicirkii oo kor u kacay oo ay isbixineynin markii sicirka kor u kacay ay ku soo iibiyaan waxyaabaha ay ka ganacsadaan.

Halka qaar kalena ay door bideen arrintaasi inay ka shaqeystaan iminka jalaatada ice griimka si un ay iskugu dayaan inta sicirkaasi caadigiisa ku soo noqonayo  in howla kale oo wax ka soo gali kara ay wajahaan.

Markasta waxaad arkeysaa isbedello sicir suuqeedka muqdisho oo aan lahayn qiimo go’an taasoo hakta laba qaab oo ah suuqa madoow ama beeraleyda khudaarta oo sida ay doonaan ka yeelaan qiimaha lagu kala iibsho seydalaha suuqyada khudaarta marka laga soo billaabo koorta ay ka soo go’aam beeraha khudaara oo kol dambe lagu soo wareejiyo kuwaasoo badiyaa ka kala yimaada degmooyinka afgooye iyo balcad waxaana suuq weyn uga faa’iideysta daabulka khudaartaasi  ganacsato gaadiidley ah oo u go’doomay daabulka iyo usoo gudbinta khudaartaasi beeraha ka soo go’da.

Si dhaqso lehna la soo gaarsiiyo suuqyada muqdisho oo qabatimay ka ganacsigaaasi khudaarta iyo furatada oo dadka reer muqdisho si aadah u isticmaalaan gaar ahaan yaanyada oo haatan ah midda ugu raqiisisan ee beeraha ka soo go’da oo ay haweenku aad u jecelyihiin isticmaalkeeda markaloo adeegsanayo iidaanka cuntada ee maalin kasta la quuto guri walbana ay adeegsadaan yaanyadaasi.

Marna lagama maarmo adeegsiga iyo isticmaalka khudaarta iyo furutada taasoo ku xiran hadba sida jirka biniaadanku ugu baahan yahay in la isticmaalo cunto dheeli tiran uguna horreyso khudaarta sida ansalaato, yaanyo, baamiye, karootada, babaay, muuska, bambeelmada oo ah fit B, oo kordhisa dhiigga cas  waxaa sidoo kale muhiim ah isticmaalka liin dhannaanta oo  vit c ah baradhada iyo tuunka iyo basasha oo aan looga maarmin iidaanka cunta ama maraqa cuntada.

Waxaa jirta markaasi dalaca maraqa ama hilibka aanan marnaba looga maarmin saliidda caddeyda oo loogu talagalay cunto karinta balse aan marnaba ku habbooneyn in lagu darsado garowga ama salbukada iyo muufada la riiqo ama canjeerada iwm.

Haddaba, isticmaalka saliid caddeyda ee loo yaqaanno makoo maaramow in ay markasta dhibaato ku keento beerka haddii aysan dalac ahayn waxa loo isticmaalayo adeegso saliidda macsarada kolka aad ku darsan rabto cunto si toos ah loogu iidaanto saliidda lagu darsado sida cambuulada iyo muufada iwm

Si kastaba ha ahaatee dadbadan oo ka ganacsan jiray waxyaabaha la shiido ee khudaarta ayaa haatan waxay ay dhowrayaan in bal ay arkaan isbeddel deg deg ku yimaado kororkaasi si ay u gudo galaan howlaha ay barteen oo mehradda u ah.

WQ: Ibraahim A. Cali

GANACSIGA BARIGA AFRIKA OO ISBEDDEL KU YIMID.

Waxaa lala yaaban yahay sida mar kaliyah ah saameyn ballaaran oo muuqata ku yeelatay gobolka, arrintani ayaa waxaa loo aaneynayaa cudurka kediska ku soo galay gobolka oo xanibay isdhaafsiga gobolka iyo isu socodka.

Waddamada Kenya, Uganda, eriteria iyo Ethiopia ayaa runtii ahaa kuwa sida weyn uu cudurka Covid 19 uu haleelay.

Dalkeenna soomaaliya in kastoo lagu arkay cudurkani haddana waa Alle mahaddii inuusan noqon mid saf mar xooggan ku sameyn dalkeenna,

Laakiin si weyn u wax yeelleey ganacsigii iyo wax isdhaafisigii gobollada

Ee badeecadaha ganacsiga, waxaa si aad ah haatan cabasho iyo calaacal ugu soo yeereysa is maamul gobaleedka dowlad degaanka Soomaalida oo sicir barar laga dareemay lacagta iyo sicirka quutul daruuriga magaaloyinka dakaasi.

Sidoo kale waxa ka jira sicir barar lacagta Soomaaliga  ku yimid Puntland oo dan yarta la daala dhacaya maciishadda iyo qiimaha la kala siisto waana mid muddo soo jirtay.

Magaalooyinka jowhar, kismaayo, Buulo Xaawo iyo Magaalada Muqdisho ayaa Iyana ka mid ah meelaha suuqyada isbeddel uu ku yimid bilooyinkaan dambe marka laga soo billaabo bishii barkaysneyd ee Ramadaan wixii ka dambeeyay ayaa xoogaa waxaa la dareemayaa wax yar hoos u dhac ah.

Si kastaba arrintu ha ahaatee iyadoo ay xaaladdu ahayd xaalad saameysay dunida oo dhan ayaa haddana dalal ka qaar ee Afrika uu dhaqaalahooda hoos ula degay.

Dhaqaalaha afrika oo awalba ul booc ku kutubayay ayaa haatan waxay u muuqdaan inay ka soo kabanayaan jabkii ku dhacay ee dhanka dhaqaalaha.

Dalkeenna Soomaaliya ayaa si weyn looga dareemayaa kor u kaca dhanka dhaqaalaha ka dib Safmarkii Covid-19, iyadoo dalku uu ka socdo dhismayaal hor leh oo ah kuwa caalamka caanka ka ah, sida dhismayaasha dhaadheer ee cirka eega.

Waa guul ka timid xagga Allaah waana mid mudan in lagu Shukriyo kadib wixii la soo maray.

WQ: Ibraahim Abuukar Cali (Fanax)

 

 

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh : Geesiyaal waxaad iftiin u tihiin xorriyadda dadka Soomaaliyeed ee aad ka dhalateen, waxay gura doonaan miraha nabadda ee maanta aad dhiigiina ku tacbeysaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacya badan taabaneyso xalay jeediyay ayaa ugu horeyn kaga hadlay qaraxii 14-October -2017 ee khawaarijtu ku xasuuqday dad badan oo shacab ah, asigoo Alle uga baryay in Shuhadadaas naxariistiisa ugu deeqo.

Madaxweyne Xasan sheikh ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta wuxuuna farriin u diray ciidamada xoogga dalka iyo xoogagga Macawiisleyda, una sameeyey balan-qaadyo kala duwan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Alle uga baryey ciidamada dagaalka ku jira inuu abaal-kooda u gudo naf hurnimada ay sameeynayaan iyo jihaadka ay ku jiraana uu ka aqbalo, sidoo kale wuxuu ku sii dhiirigeliyey inay ka dhabeeyaan riyada dadka Soomaaliyeed ee ku taamaya oo in dalka laga wada xoreeyo khawaarijta.

“Geesiyaal waxaad iftiin u tihiin xorriyadda dadka Soomaaliyeed ee aad ka dhalateen, waxay gura doonaan miraha nabadda ee maanta aad dhiigiina ku tacbeysaan, waxaan idinkual dardaarmayaa ‘waa la idinku seexdaaye ha seexanina,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ciidamada ka balan-qaaday inuu kula noolaa doono furimaha jihaadka, “Waxaan idinla qeybsa doonaan xanuunka iyo farxadda guusha aad ka gaartaan jihaadka,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekha ayaa ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ka balan qaaday inay soo daba fariisi doono dhamaan dadka Soomaaliyeed, si dagaalka ay hiilo ugu helaan.

“Geesiyaal waxaan idinka balan-qaadayaa in dhamaan umadda Soomaaliyeed aan idin soo daba fariisiyo, si ay idinkugu noqdaan garab iyo wehel aad dugsataan,” ayuu markale yiri Madaxweyne Xasan Sheek

Madaxeyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale u mahadceliaya Culimada Soomaaliyeed doorka ay ka qateen dagaalka lagula jiro khawaarijta iyo u caddeynta Bulshada in dagaalka lagula jira khawaarijta uu yahay Jihaad qof walbana waajib kuyahay in uu ka qeyb qaato, si khawaarijta looga bad-baadiyo ummadda Soomaaliyeed

Madaxweynaha ayaa ciidamada ka balan-qaaday inay dowladooda ka heli doonaan maamuus kasta oo ay xaq ugu leeyihiin, sida dalacsiin, bilado iyo abaal-marino kale oo halganka khawaarijta dalka looga sifeynayo ay ku muteysan karaan.

ugu dambeyn Madaxweynaha Xasan Sheekh waxa uu guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, waxa kalana meel la iska dhigaan si dadka soomaaliyeed looga dul-qaado cadowga muddada dheer dhibaatada ku hayay.