Wasiirka warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geerida wariye Cabdifataax Qeys

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiirku Xigeenka, Agaasimaha Guud, Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Iyo dhammaan shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska ee JFS waxay tacsi tiiraanyo  leh u dirayaan bahda saxaafadda, qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabdifataax Macallin Nuur (Qeys) oo ahaa Agaasimaha Television-ka Somali Cable ee xafiiska magaalada Muqdisho.

Marxuumka waxaa uu ka mid noqday dadkii uu galaaftay qarax ka dhacay makhaayad ku taalla magaalada Muqdisho.

Ilaahay ha u naxariisto, Jannatul Fardowsa-na Allah ha ka waraabiyo. Qoyskiisa iyo ehelkiisana samir iyo iimaan Allah ha ka siiyo. Aamiin,

Aamiin.

Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka oo khudbad ka jeediyey shirka golaha cadaaladda ururka Jaamacadda Carabta

Baqdaad: Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka dowladda FS mudane Xasan Macallim Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay shirka golaha cadaaladda ururka Jaamacadda Carabta ee maanta ka furmay magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq, ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliyeed ay diyaar u tahay in iskaashi Garsoor iyo Cadaaladeed ay la yeelato wadamada jaamacada Carabta.

Mudane Xasan Macallim ayaa dowladda Qiraaq uga mahad celiyay martigelinta shirka ayaa qiray in dowladda Soomaaliyeed ay garab taagantahay Qadiyada Falastiin ayna ka xuntahay Ciqaab wadareedka iyo barakicinta lagu haayo shacabka Gaza.

Wasiirka ayaa sidoo kale khudbadiisa ku sheegay guulaha waaweyn ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaalka Khawaarijta, deegaanno badan oo laga xoreeyayna la gaarsiiyay adeegya garsoor iyo cadaaladeed, waxuuna dhammaan wadamada uga mahad celiyay taageeradooda buuxda ee ay la garab taaganyihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

   

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay hannaanka dib u soo celinta Ciidamada ku maqnaa tababarka Eretariya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Xarunta Ciidamada Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halkaas oo ay ka socoto dib u soo celinta Ciidamadeenna tababarka ugu maqnaa dalka Ereteriya.

Madaxweynaha oo dul istaagay hannaanka dib u soo celinta ciidamada ayaa la dardaarmay cutubyo maanta dib u soo laabtay, waxa uuna la wadaagay rajada iyo hamiga shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan in ay ka qeyb-qaataan cirib-tirka khawaarijta Al-shabaab, isagoo ku bogaadiyey Taliska Ciidamada Xoogga Dalka sida ay u fulinayaan qorshaha qaran ee tayeynta iyo dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka.

Ciidamada dib ugu soo laabtay dalkooda ayaa ka kooban Dhulka, Cirka iyo Badda, waxayna isugu jiraan qaar sannado badan ku maqnaa Ereteriya  iyo cutubyo sannadkan bilowgiisa la diray kuwaas oo soo dhammeystirtay tababarkooda, si degdeg ahna dalkooda loogu soo celiyey, taas oo meesha ka saartay duruufo badan oo soo food saari jiray dhallinyarada u istaagay diifaca dalkooda, culeysna ku ahayd waalidkii ay ka tageen iyo qarankoodaba.

Dhankooda, Cutubyadan soo noqoshadooda uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa soo bandhigay tayada iyo tababarka adag ee ay soo qaateen, waxa ayna muujiyeen farxaddooda ku aaddan in loo sii diyaariyey xarummihii ciidan ee ay lahaayeen, saaxiibadii ka soo horeeyey ee dalka soo gaarnay ay ka soo laabteen fasaxyadii, haatanna ay u diyaarsan yihiin gulufkii xoreynta dalka.

May be an image of one or more people and text

May be an image of text that says 'F3 3 3'

May be an image of helicopter and text

May be an image of 9 people and aircraft

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hay’adaha dowladda ku adkeeyey in ay xoogga saaraan ciribtirka khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyey shirka khibrad & aqoon Is-weydaarsiga Istaraatijiyadeed ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya si looga heshiiyo arrimaha aas aasiga u ah dowlad dhiskeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay qoddobadda mudnaanta leh Xukuumadda JFS ayaa hay’adaha dowladda ku adkeeyey in ay xoogga saaraan ciribtirka khawaarijta, dhameystirka dastuurka, deyn cafinta iyo sidii dalkeenna looga qaadi lahaa cuna qabateynta hubka, isagoo sheegay in kobcinta aragtiyaha toolmoon ee dowlad dhiska iyo tayeynta fahamka lagu hoggaaminayo dowladnimada casriga ah ay jaangoyn doonto sidaan uga heshiinno arrimaheenna siyaasadeed, si jiilasha soo socdo loogu horseedo dhabbo cusub oo waxtar u leh mustaqbalkooda.

 

     

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka warbixiyey Shirka Banginka Adduunka & IMF ee lagu soo gabagabeeyey dalka Morocco

Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa ka warbixiyey shirka Agaasimaha Guud ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, Bangiga Adduunka iyo Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika, kaas oo lagu soo gabagabeeyat Magaalada Marrakesh ee dalka Morocco.

Shirkaan ayaa Soomaaliya waxaa ku matalayey wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Biixi Iiman Cige,  iyada oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Bangiga dhexe iyo xubno ka kala socday Xafiiska Madaxweynaha iyo Golaha Shacabka.

Wasiir Bixi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in bartamaha bisha December ee sanadkaan in lagu dhawaaqi doona, in Soomaaliya laga cafiyey deyntii lagu lahaa. Isaga oo arrintaas ka hadlay waxa uu yiri,

“Sanadkaan dabayqaadadiis, waxaa lagu dhawaaqi doonaa in Soomaaliya laga cafiyey deyntii, guddiga sare ee Bangiga iyo Hay’adda IMF markii ay wada fadhiistaan in ay ku dhawaaqaan in Soomaaliya ku guuleysatay Barnaamijkii deyn cafiska.”

Wasiirka Maaliyadda ayaa hadal ka jeediyay Shirkaan Agaasimaha Guud ee IMF, Bangiga  Adduunka iyo Wasiirada Maaliyadda dalalka ay saameeyeen Colaadaha iyo Dhaqaalo yarida, shirkaas oo qeyb ka ah kulanka Sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka

<Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo xal ku jaan go’an sinaan marka ay jiraan xaaladaha gaarka ah, waxa uu intaa ku daray in ay haboon tahay in la tixgaliyo talooyinka iyo waxa uu dal walbo u arko in xalkiisa uu ku jiro.

Dowladda Soomaaliya ayaa da’daal badan ku bixisay.sidii loo tayeen lahaa arrimaha Maaliyadda dalka iyo sidii loogu guuleysan lahaa Den cafinta soomaaliya.

Wafdi ka Socday Wasaaradda Haweenka XFS oo ka qeybgalay Shirka dowladaha Jaamacadda Carabta

Wafdi ay hoggaamineeyso Agaasimaha Waaxda Caruurta ee Wasaarada Haweenka iyo Horumatint Xuquuqda Aadanah ee dowlada Federaalka Soomaaliya Mudan Faaduma Maxamad Cali iyo  Lataliye Sare ee Wasaarada Haweenka  Xamz Shiikh Xuseen  ayaa ka qeeyb galay Shirka dowladaha Jaamacadda Carabta maanta uga  farmay Dalka Boqortoyada Sucuudi Carabiya Magaalo Madaxdiisa  Riyaad

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayaa Caafimaadka Haweenka Carabta iyadoo oo diirada lagu saaraayo sida lagu yareey lahaay dhibaatada  ( Cudurka Kansarka Haweenka uga dhaca Naasaha iyo Minka)

Sidoo kale Kulankaan ayaa lagu soo bandhigay Daarasado iyo Cilmi baariis ku Aadan dhibaatada Cudurkaan uu Haweenka Caalamka ku haayo gaar ahaan Haweenka  Carabta.

  

Ciidanka xoogga oo howlgal ka dhan ah khawaarijta ka sameeyay degmada Waajib ee gobolka Bakool

Ciidanka xoogga dalka gaar aha  Ururka 260aad,ee Qeybta 60-aad ayaa howlgallo Qorshaysan oo lagula dagaalamayo Khawaarijta ka fuliyey deegaano hoos yimaada degmada Waajid ee gobolka Bokool iyo tuulooyin u dhexeeya degmooyinka Rab-dhuure, Luuq Ganaane, degaanka yurkud.

Howlgalka waxaa hoggaaminayey Taliyaha Ururka 260aad Dhamme Onkod Macalin Aadan oo sheegay in howlgalka ay deegaanadaas uga sifeeyeen Maleyshiyaadka Khawaarijta.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa.wado howlgallo khawaarijta looga sifeeynayo degaannada ay kaga dhuumaleysanayaan qeybo.kamid ah gobolada dalka

 

 

Madaxweynaha JFS oo furay Shirka Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaaa maanta furay Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee  Soomaaliya.

Aqoon is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya oo soconaya muddo labo maalmood ah, ayaa waxaa ka qeyb galaya dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada, khubaro caalami ah iyo Madax aqoon durugsan u leh horumarinta iyo casriyeynta dowladaha

   

Ciidanka Xoogga oo howlgllo amniga lagu xaqiijinayo kawada Bariga Gobolka Galgaduud

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa howlgallo xooggan oo amniga lagu xaqiijinayo ka billaabay degaanka Burujeed oo hoostaga degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kadib weerarkii fashilmay ee khawaarijta isku dayday in.degaankaas ay ku soo qaadeen.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa isku fidiyay degaannada u dhow degaanka Burujeed, sigaar ah degaannada ku teedsan wadada xiriirisa degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka oo howlgalka hoggaaminayay ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalkan uu haya mid looga jawaabayo weerarkii khawaarijta ku qaadeen degaanka Burujeed, isla markaana ujeedkooda uu yahay inay ka xoreyaan degaannada ay weerarada kasoo abaabulaan argagixisada.

Waxa ay shegeen sarakiisha  in maalmaha soo socda ay sii laba jibaari doonaan howlgallada ilaa iyo inta ay la wareegayaan degaannada iyo degmooyinka kuyaalla Bariga Gobolka Galgaduud, sida Ceelbuur, Galhareeri, Dac, Barkaan iyo degaannada kale.

Ciidanka qaranka ayaa degaanno badan oo katirsan gobolada Hirshabeelle iyo Galmudug kawada howlgallo khawaarijta looga sifeeynayo meelaha ay ku dhuumaleysanayaan si Bulshada u hesho Amni iyo xasilooni

Jubbaland oo Deeq bixiyeyaasha Caalamiga ah kala hadlaya ka hortagga Duufaanta El-Nino

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa yeeshay kulan hordhac u ah Shir Maanta ka furamayo halkaas.

Shirkaas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland waxaa looga hadli doonaa sidii deeq-bixiyeyaasha loogu bandhigi lahaa Howlaha hortebinta u leh Dowladda Jubbaland, sida maalgashiga, amniga, ka hortagga aafooyinka sida El-Nino iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Kulankan hordhaca ah waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku weheliyey Wasiirada Wasaaradaha Qorsheynta iyo Kaluumeysiga Jubbaland, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland, Wakiilka Jubbaland ee dalka Kenya, Gudoomiyaha Gobolka Jubbada dhexe, Agaasimeyaal iyo masuuliyiin kale.