Wasiirka Cadaaladda iyo wafdi uu hoggaaminay oo gaaray dalka Masar

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamid yihiin xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Sulaymaan Maxamed Maxamuud iyo Garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee dalka, ayaa safar shaqo ku gaaray dalka Masar.

Wasiirka Cadaaladda iyo wafdiga la socda ayaa Qaahira ku tagay casuumaad uu u fidiyay wasiirka Cadaaladda Masar, Cumar Marwaan oo ay dhawaan Ciraaq uga wada qeyb galeen meertadii 39aad ee golaha Cadaaladda ururka jaamacadda Carabta.

Wasiirada Cadaaladda labada dowladood ayaa yeelanaya kulamo ay uga wada hadlayaan horumarinta cadaaladda iyo Garaoorka, iskaashiga oo xoojinta xariirka.

Masar waxaa ay kamid tahay dowladaha xariirka soo jireenka ah ee qotada dheer uu nagala dhexeeyo, dadaal badan iyo garab istaag buuxana ku bixiyay dib u dhiska dowladda Soomaaliyeed.

Jabuuti oo ku guulaysatay in ay Hawada Sare u dirto Dayax gacmeed

Dowladda Jabuuti ayaa markii u horaysay Hawada Sare u dirtay Dayax gacmeed sida uu xaqiijiyey Wasiirka Waxbarashadda iyo Cilmi baarista Nabiil Maxamed Axmed ayaa yiri ” wax aan aad ugu faraxsanahay Tijaabadda Dayax gacameedka loo yaqaan Jabuuti-1A,”tijaabadan ayaa waxa iska kaashaday Machad ku yaal dalka Faransiiska iyo Arday Reer Jabuuti ah.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hore u balanqaaday in Dowladda Jabuuti oo ka faa’iidaysanaysa dhaqaalaheeda iyo khuburadeeda ay tijaabin doonto dayax gacmeedkii u horreeyey.

Dayax-gacmeedkan oo lagu magacaabo “Djibouti-1A” ayaa soo uruurinaya xogaha iyo macluumaadka cimilada & isbeddelada dunida, waxa kale oo uu gacan ka gaysanaya cilmi-baarista.

Wasiir Daa’uud Aweys :Dad kabadan Hal milyan ayuu saameeyey Daadadka iyo fatahaadaha dalka ka dhacay

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS Daa’uud Aweys Jaamac, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka iyo qaar kamid ah Culimada Soomaaliyeed oo shir jaraa’id qabtay ayaa faah-faahin ka bixiyay dhibatooyin ka dhashay Roobabka ka da’ayo guud ahaan dalka iyo sameeynta ay ku rebeen shacabka soomaaliyeed.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay ilaa inta la ogyahay in dad gaarayo 31-qof ay ku dhinteen daadadka iyo fatahaada ka dhashay roobabka ka da’ayo dalka, nus milyan dad kabadana ay ku barakaceen, shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay u istaagaan sidii ay ugu gurman lahayeen walaalahooda ay sameynta ku yeesheen fatahaadaha.

Waxa uu sheegay wasiirka in dowladda iyo shacabka soomaaliyeed oo is garabsanayo ay u istageen sidii gurmad deg deg ah loola gaari lahaa dadka ay sameynta xooggan ku yeesheen roobabka ka da’ayo dalka.

Guddoomiyahay Hay’adda Mareeynta Musiibootinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa dhankiisa sheegay in la sameeyay Akoonno bulshada ay kaga qeb qaadan karto sidii ay walaalahooda uu sameynta ku yeelatay fatahaadaha iyo daadaka ka dhashay roobka da’ayo.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle “Umadda Soomaaliyed maanta waxa looga bahanyahay in la isku gurmado oo la caawiyo shacabka Soomaaliyeed ee dhibatada ka soo gaartay El-Niño. ”

Sheekha Bashiir Axmed Salaad oo kamid ah culimada soomaaliyeed ayaa isna yiri ” Waa in aan isku gurmano oo aan is kaalmeyno maadama El-Niño ay gaysatay Qasaaro badan, Masaajida, madaarista Culimada waa in aan ka gurmano.”

Arrintaan ayaa imaneysa xilli saacadihii la soo dhaafay roobab wata daadad iyo fatahaado ay ka da’een walina ay meelaha qaar ka da’ayaan, waxaana isasoo taraya sameynta daadaka iyo fatahaadu ay ku yeelanayaan shacabka ku dhaqan gobollada dalka haba ugu darnaatee gobollada Gedo iyo Baay, sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in fatahaado hor leh uu sameeyo wabiga shabeelle.

In ka badan 20 Degmo ayay El-nino saameysay (WARBIXIN)

Daadadka ka dhashay Roob xooggan iyo fatahaadda Webiyada dalka mara ayaa saameeyay deegaanno badan oo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya, waxaana ka mid ah Degmooyinka uu aadka u saameeyay Daadadkaasi Degmooyinka Luuq, Dooloow, Ceel-waaq, Baardheere iyo kuwo kale oo ka tirsan Gobolka Gedo, waxaan laga cabsi qabaa in ay gaaraan degmooyin iyo tuulooyin kale, waxaa kaloo jira fatahaada Webiga Shabeelle oo isna khasaare badan gaarsiiyay qaar ka mid ah meelaha uu maro, inkastoo ay kala khasaare badan yihiin, waxaana ugu sii daran Magaalada Baladweyne iyo Mahadaay oo ka kala tirsan Gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Aan ku hormarnee Gobolka Gedo, Guddiga fatahaadaha gobolka Gedo oo war cusub ka soo saaray xaaladaha ay ku sugan yihiin degmooyinkii ay ku dhufteen daadadka iyo fatahaadaha. Wararka laga helaayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Hal qof uu ku dhintay maalinimadii shalay, kadib markuu qaaday daad ka soo rogmaday togga weyn ee Mara deegaanka Qooney ee ka tirsan Gobolka Gedo, waxaana lagu soo waramayaa in ay halkaasi ka jirto dhibaato ay sabababeen Roobabka wata daadadka.

Odoyaasha iyo Waxgaradka Degmada Baardheere oo iyagana qeylo dhaan ka soo saaray Xaaladda Buundada Baardheere oo go’day iyo Baaq Codsi oo ku aadan u gurmashada dadkii ku barakacay Fatahaada Webiga Jubba oo fatahaad aad u ballaaran geystay iyo Daadadka ka dhashay Roobab ka da’ay Deegaannada Degmadaasi, waxayna codsadeen in gargaar deg deg ah lala soo gaaro, iyadoo ay caddeeyeen in dhibaatada ugu weyn ay tahay khasaaraha ka dhashay Dumidda Buundada.

Roob 12-kii saacadood ee la soo dhaafay ka da,ayay Gobolka Mudug ayaa saameyn xooggan ku yeeshay bulshada ku nool magaalada Ceeldibir oo ka tirsan Degmada Hobyo ee Bariga Gobolka mudug. Maamulka Ceel-dibir ayaa sheegay inay dumeen ku dhawaad 20 Guryo ay deganaayeen dadka Deegaankaasi, waxaana magaalada ku rogmaday Biyo Farabadan, Maamulka Ceel-dibir ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay inay wadaan dadaalo xooggan oo loogu gurmanayo dadkii guriyaha ku waayay Roobka.

Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo ka jawaabaysa xaaladaha adag ee ka jira gobolka Gedo Degmooyinkiisa kala duwan ee Dowladd goboleedka Jubaland, kuwaasi oo ka dhashay Roobab mahiigaan ah oo watay daadad iyo fatahaad uu sameeyey Webbiga Jubba ee mara Degmooyinka Gobolkaasi ayaa dhawaan laba Doonyood oo ah nuuca dheereeya u dirtay degmada Baardheere .

Doonmahaan ayaa loo isticmaali doonaa badbaadinta boqolaal shacab ah oo xafadaha degmadaas ku go’doonsan kuwaas oo ay go’domiyeen Fatahaada Wabbiga, waxaana Muqdisho looga daabulay diyaarado elokobtar ah. Sidoo kale Hey’adda ayaa diyaarisay Gurmadyo kala duwan oo gargaar ah, kuwaasi oo iskugu jira Raashin, Dhar iyo Daawo, waxaana la rarayaa dhawaan, iyadoo la gaarsinayo degmooyinka iyo deegannada fatahaadaha iyo daadadka ay ku rogmadeen, waxaana xusid mudan in maalmo ka hor Hey’adda SoDMA Doon nuuca dheereya ah gaarsiisay degmada luuq.

Sidoo kale, magaalada Baladweyne iyadana waxaa laga soo warinayaa in uu Daadka iyo fatahaadaha Webiga oo is wata ay wada saameeyeen dhammaan Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaaladaasi, iyadoo inta badan Dadkii ku noolaa Xaafadahaasi ay isaga baxeen, iyagoo u baxay meelaha taagga ah iyo Miyiga fog, waxayna u baahan yihiin in lala gaaro gargaarka ay u baahan yihiin.

“Aan dareenkeenna ku leexino Walaalaha ay Daadku dhibta gaarsiiyeen kuna garab istaagno hadba wixii aan awoodno. Allaah ha u dhib yareeyo Walaalaheenna xaaladda adag ku sugan, ha yaraysan inta Aad karto”, sidaasi waxaa yiri:- Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala. “Inkasta oo Dad badan oo Soomaaliyeed ay waxyeeleeyeen Daadku, haddana waxaa ugu xanuun badan kuwa ay Khawaarijtu heysato oo aan xogba laga haynin, gurmadna aanay u ogolayn, Rabbi ha gargaaro dhibanayaasha!”, Mudane Cadaala oo dareenkiisa ka hadlaayay ayaa sii raaciyay.

Haddaba si loo dhaqaajiyo arrimaha bini’aadannimo khasaarooyinka ka dhashay Daadadka iyo fatahaada Webiyada ayuu Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac uu guddoomiyay kulankii u horreeyey ee Guddiga Qaran ee Gurmadka Roobabka iyo daadadka El-nino, isagoo ka hadlay kulanka ayaa faray dhammaan Wasiirrada iyo madaxda Hay’adda SoDMA inay mideeyaan dadaalkooda, isla markaana degdeg ugu howl galaan sidii loo gaarsiin lahaa dadka tabaaleysan ayna ka shaqeeyaan maalin iyo habeen.

Xukuumadda DanQaran oo kaashanaysa Dawlad Goboleedyada iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa dadaal wayn ugu jirta sidii samafal degdeg ah loo gaarsiin lahaa muwaadiniinta dhibku gaaray sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlaayay daadadka ku soo rogmaday Wadddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay heleen labo fariin oo muhiim ah, kuwaasi oo ka yimid shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir, fariimahaas oo kala ah in wax laga qabto daadadka ka dhashay Roobabka ka da’ay magaalada ee xiray Waddooyinka qaar iyo in la qaado dhagxaanta ku xiran Waddooyinka Caasimadda, kuwaasi oo muhiim u ah isku socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha, maaddaama amniga magaalada Muqdisho uu soo hagaagay.

Ra’iisal Wasaare Xamsa waxaa kaloo uu ka hadlay fatahaadaha Webiyada iyo daadadka waxyeelada u geystay qaar ka mid ah Gobollada Dalka isagoo sheegay in daadadka ka dhashay Roobabka mahiigaanka ah ee dalka ka da’ay ay dhibaato u geysteen dad ka badan Nus milyan Ruux, kuwaasi oo ka barakacay guryihii ay ku noolaayeen.

“Waxaa dhibaato weyn oo uu Roobku geystay ka jirta illaa labaatan iyo dhowr degmo oo dalka ka mid ah, waxaan cabsi weyn ka qabnaa in Webiga Shabeelle uu soo buux dhaafiyo, islamarkaana uu qaado dadka Reer Beledweyne iyo magaalooyinka kale ee dhaca Webiga jiinkiisa. Waxaan la nool nahay barwaaqo iyo dhibaato aan isku tagi karin” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Xamsa.

“Ciidamada qalabka Sida qeybahooda kala duwan ee ku sugan deegaannada ay saameysay Roobabka waa inay si degdeg ah qeyb uga qaataan gurmadka dadka nugul ee waayeelka iyo caruurta isugu jira”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. “Dhib badan ayuu geystay Roobkii da’ay Waddooyin badanna wey xiran yihiin caafimaad daro ayaa jirta Wadan barwaaqo ah oo dadkiisa saas u eg yihiin halkaan ayaa laga helaa”, ayuu sii raaciyay Mudane Xamsa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan gelisay sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee guryahooda uga barakacay daadadka iyo sidii loo badbaadin lahaa kuwa ku xaniban biyaha, inkastoo uu socdo dadaal, basle waxaa loo baahan yahay mid intaa ka ballaaran, waxaana loo baahan yahay kaalmo caalami ah maadaama ay tahay musiibo qaran.

Shirka loogu hadlayay xal u helidda musiibooyinka ka dhashay Roobabkii daadadka wata ee ka da’aya Magaalada Muqdisho, maareynta goobaha ay biyo dhigeen, u gurmashada shacabka ay waxyeelada ka soo gaareen iyo soo celinta Bilicda Caasimadda, iyadoona loo mahadceliyay guddiga heer Gobol ee la fal-gelidda xaaladaha El-Nino oo iyagu shaqooyin muhiim ah qabtay, una taagan samatabixinta Bulshada ayaa lagu qabtay Xaruunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoonka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qeybaha kala gedisan ee bulshada ugu baaqay in loo midoobo xaaladaha ka dhashay iyo kuwa ka dhalan kara Allaha Ummadda ka najeeyee saadaasha laga bixinaayo El-Nino ee ah in weli qeybo ka mid ah Gobollada dalka ee ku soo fool leeyihiin Roobab wata dabeylo iyo daadad laga cabsi qabo in ay waxyeelo geystaan, waxaana loogu digay dadka dagan goobaha biyo qabadyada ah iyo kuwa ku hoos nool guryaha bur-bursan hoostooda in ay ka feejignaadaan khataraha la saadaaliyay.

Hindisaha Kaabaha Dhaqaale : Wadada Nabadda ee Wakhtiga Cusub

Is ogolaanshaha iyo wada-noolashada waxa uu kumanaan-sano u ahaa qaranka Shiinaha yool. 2013-kii Madaxweyne Xi Jinping ayaa soo bandhigay hindisaha(Belt and Road Initiative) oo ah mashruuc kaabe dhaqaale ah, iyada oo u jeedka laga leeyahay uu yahay in la dhiira-geliyo horumar nabbad ah, loona helo dunida nolol wanaagsan.

10-kii sano ee la soo dhaafay, waxaa aad u kordhayey rumoowidda arragtida hiddisahan. Bishii hore, Shirka Iskaashiga Caalamiga ah ee hindisahan(Belt and Road Forum for International Cooperation) kiisa 3-aad ee noociisa ayaa lagu qabtay caasimadda waddanka Shiinaha ee Beijing, waxaana ka soo qayb galay in ka badan 10’000 wakiila ah oo ka kala socday 151 dal oo ay Soomaaliya ku jirto iyo ururo caalami ah.

Waayahan, dunida waxa ka jira xasilooni darro weyn iyo isbeddelo. Colaadda Falastiin iyo Isra’iil waa weyn tahay halka mushaakiladda Ukraine ay weli jiitamayso. Waa inaan laba daran mid dooranaa. Ma waxa aan dooranaa wax-wada qabsi mise go’doomin, garab-istaaag ama kala qayb-sanaan mise inaan si wadajira hore ugu socona ama waddooyin kale oo gooni ah ? Jawaabta waxa ay taageero siinaysaa in hindisaha BRI uu yahay mid wajiyo badan oo dhisaya bulsho mustaqbal wadaag ah, si looga hadlo caqabadaha ka jira adduunka, waa inaan joogteynaa in aan nabbad kuwada jirno ebed.

Madaxweyne Xi Jingping ayaa khudbadiisa shirka Caalamiga ah ee BRF ku sheegay in Beni’aadamka uu yahay bulsho mustaqbal wadaaga; iskaashi guuleysta ayaa ah wadada la hubo ee guusha in la daahfuro hindisooyin waaweyn oo laga wada faa’ido; wada xiriirta ahna (Silk Road) ee muhiimada nabbbad, wax wada-qabsiga, isu-furnaanshaha, fursado loo siman yahay, in wax la kala barto ama la wada faa’ido waa isha uga muhiimsan ee awoodda iskaashiga kaabaha dhaqaale(Belt and Road Cooperation). Beijing waxa ay dunida u dirtay farriin cad taas oo ah in aan u baahanay wax-wadaqabsi, isu furnaan iyo natiijo guul u wada ah, ma ahan qayb-sanaan, iska hor-keyn, go’doomin ama siyaasadda ah in dhinac uu guuleysto, dhinaca kalena uu khasaaro. ka sokow in uu jiro isbedelo waaweyn in aan la arag mudo qarni ah, Iskashiga kaabaha dhaqaale waxa uu tamar weyn siinaya xasiloonida iyo nabbadda adduunka.

Baaqa in la is ixtiraamo :- Hindisaha kaabaha dhaqaale(BRI) Shiinaha ayaa figradiisa leh waxaana ay la wadaagtay adduunka. Mana ahan wax afka baarkiisa ka ah Shiinaha balse waa wax ka wada farxinaya dalalka qaybta ka ah, wuxuuna ku dhisan yahay wada tashi, wax iska darsi si loo wada faa’iido. In la sii wado hindisahaan, Shiinaha marnaba ma faragelin doona arrimaha gudaha ee dalal kale, kumana soo rogi doono nidaamkiisa horumar ee bulsho, Shiinaha ma ciyaaro siyaasadda ku salleysan fara-gelinta, laakiin waxa uu abuurayaa hab iskaashi oo la wada guuleysto, Shiiinaha ma doonayo in koox yar ay meel isku oodo balse waxa ay dooneysa qoys weyn oo dhammaan dalalka adduunka ay ku wada noolaan karaan si is-gol ah.

Waxa ay sii wadaysaa natiijooyin wada guuleysta :- Hindhisaha kaabaha dhaqaale(BRI) waxa uu hadafkiisu yahay in wax badan oo weyn la wada dhisto lana sameeyo, waxa uu ka soo horjeedaa in la abuuro naadiyo yar-yar mise laga raadiyo dano gaar ah. 10-kii sano ee la soo dhaafay, waxa sare loo qaaday iskaashiga u dhaxeeya mashruucan iyo ajendaha Qaramada Midoobey ee 2030 ee ah horumarka waara, Ajendaha Midowga Africa ee 2063-da iyo sidoo kale qorshayaasha horumarka ururada caalamiga iyo kuwa gobalkaba. In si weyn loo mideeyo dhaqaalaha iyo iskaashiga waxa ay keeni doontaa nabad iyo xasilooni dunida oo dhan ah. Madaxweyne Xi Jinping ayaa tilmaamay casriyeynta Shiinaha wado in aysan ahayn dalka kaliya balse uu hormarinayo waddamada iyada oo la sameynayo dadaal wadajir ah. Wuxuu ka sheegay furintaanka xafladda in Shiinaha uu ballaarin doono suuqa, isbedel dheeraad ahna ku sameynayo dhinacyada shirkadaha dowladdu leedahay, dhaqaalaha danabeysan, hal-abuurka dadka, iyo sida ay dowladda wax u soo iibsato, ayna u gasho heshiis ganacsi oo xor ah iyo ilaalinta heshiisyada maalgashi ee dalalka kale. Suurta-galnimada in Shiinaha uu yahay suuqa uga weyn ee adduunka waa ay sii soconaysaa. Hay’adaha Maaliyadeed ee dowladda Shiinaha waxa ay hirgeliyeen lacagta waddanka ku maal-gelinayaa fursado cusub ayna ku taageerayaan mashaariicda kaabaha dhaqaale oo ku sallaysan cilmi-baaris si fiican loo darsay. Shiinaha waxa uu dhiira-gelinayaa shaqaalaha wadadamada iyada oo loo marayo mashariicda iskaashi lana fulinayo 1,000 mashaariicyo kale oo kaabayaa noloshooda. Waxa aan aaminsanahay in tallaabadan muhiimka ay sare u qaadi doonto horumarka ayna fursad weyn siini doonto casriyeynta dunida.

Tamarsiinta horumarka :- Aragtida hindisaha BRI ee la taaban karo waa mid furan, ahna mid laga wada faa’ido. Soomaaliya waxa ay ku biirtay mashruucaan sannadkii 2018-dii, Shiinaha waa dalka ay Soomaaliya ganansiga uga weyn ay la leedahay sannado badan. Shiinaha waxa uu Soomaaliya ka taageera halkaan iyo fagaaraha caalamka. Sannadkii la soo dhaafay, Shiinaha waxa uu ka caawiyey Soomaaliya dhinacyada amniga, cunnada, daryeelka agoomo, tababaro, deeqo waxbarasho iyo sidoo kale dayactirka cusbitaalo, iskuulo iyo dhismaha hay’ado dawli ah. Wuu ku mahadsan yahay Shiinaha deeqaha waxbarasho ee uu siiyey boqalaalka Soomaalida ah ee ay ku jiraan Diplomasiyiin, saraakiil militari, iyo garsoor, khubaro dhanka gaadiidka, saxafiyiin iyo arday oo helay fursad ay ku aadan Shiinaha iyaga oo u tagaya tabaro xirfadeed iyo barnaamijyo jaamacadeed.

Horaantii Qarnigii 15-aad, bad-mareenkii caanka ahaa ee Shiinaha, Zheng He ayaa ayaa xilligii Ming Dynasty safaro badan ku yimid Muqdisho, weli waa la xasuusta maanta. Wuxuu ku guuleystay taariikhda in uusan ahayn qof wax ku qabsanaya Markab dagaal, qori ama seef. Taa cagsigeeda waxaa lagu xasuustaa in uu ahaa saaxiib, wakiil ama Safiir badmareen ah. Mashruuca BRI waxa uu sidoo kale caddeynayaa in horumarka nabadeed iyo iskaashi wada guuleysta in uu muujinayo isbedel guud ee himilada dadka. Isku-hor-imaadka habkii dagaalka qaboobaa iyo in lakala dhantaalo dadaalada waxa ay aadaysaa cagsiga hirka taariikhda, meelna ma gaarayo. Shiinaha iyo Soomaaliya waa laba dal oo nabbadda jecel. October 27, labadeena dal waxa ay u codeeyeen qaraar ku baaqaya xabad joojin bini’aadanimo oo la dhex-dhigo Gaza kullankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyagoo wadaagaya dareenka nolosha dadka aan waxba galabsan iyo rabitaanka nabad. Shiinaha waxa uu sii wadayaa in uu maro dhabaha horurmarka nabad ah,siina wado halganka Belt & Road isagoo ka yeelaya waddo nabad gacantana is haysta Soomaaliya iyo dalalka kale si loo gaaro amni iyo horumar loo siman yahay.

Waxa qoray Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Amb. Fei Shengchao

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo ka qeybgalay shir looga hadlayay meel marinta siyaasada qaran Badqabka iyo caafimadka goobaha shaqada

Wasiirka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Maxamed cilmi ayaa maanta shir gudoomiyay kulan ay soo qaban qaabiyeen waaxda Badqabka iyo Caafimadka Goobaha shaqada ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada.

Kulankan ayaa u jeedadiisa ahayd meel marinta siyaasada qaran Badqabka iyo caafimadka goobaha shaqada, Siyaasadan ayaa qayb wayn ka noqan doonto yaraynta qataraha iyo shilalka dhaca waqtiyada shaqada lagu jiro. waxaa ka soo qayb galay wasiirada Wasaaradaha shaqada iyo arrimaha Bulshada dawladaha xubnaha ka ah dawlada federaalka Soomaaliya.

Inta uu socdey kulanka ayaa la isku waydaarsaday aragtiyo kala duwan sidii loo dhaqan galin lahaa siyaasada iyo hormarinta waaxda Badqabka iyo Caafimadka Goobaha shaqada ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada iyo heer maamul Gobaleed.

Kulanka waxaa goob joog ka aha wasiir ku-xigeenka wasaarada Mudane, Cismaan Libaax iyo Agaasimaha Guud wasaarada Mudane, Yusuf Hassan Isak.

   

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo kulan la qaatay Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banadir, ayaa ugu horeyn waxa uu ka warbixiyay safar shaqo oo uu dhawaan ku tagay dalka Turkiya iyo kulan uu la yeeshah Duqa Magaalada Ankara, kaasi oo ay labada dhinac isla meel dhigeen xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac iyo fulinta heshiisyada mataaneyn ee Ankara iyo Muqdisho.

Shirka ayaa looga hadlay xal u helidda Musiibooyinka ka dhashay roobabkii daadadka watay ee ka da’ay Magaalada Muqdisho, maareynta goobaha ay biyo dhigeen, u-gar gaaridda shacabka ay waxyeelada kasoo gaareen iyo soo celinta Bilicda Caasimadda, iyadoona loo mahadceliyay guddiga heer Gobol ee la fal-gelida xaaladaha El-Nino oo iyagu shaqooyin muhiim ah qabtay una taagan samatabixinta Bulshada.

Guddoonka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qeybaha kala gedisan ee bulshada ugu baaqay in loo midoobo xaaladaha ka dhashay iyo kuwa ka dhalan kara Allaha ummada ka najeeyee saadaasha laga bixinaayo El-Nino ee ah in weli qeybo ka mid ah Gobolada dalka ee kusoo fool leeyihiin roobab wata dabeylo iyo daadad laga cabsi qabo in ay waxyeelo geystaan, waxaana loogu digay dadka dagan goobaha biyo qabadyada iyo kuwa ku hoos nool guryaha bur-bursan hoostooda in ay ka feejignaadaan qataraha la saadaaliyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hoggaamiyeyaasha dalalka islaamka la wadaagay mowqifka Soomaaliya ee xaaladda Qasa

Riyaad- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha Caalamka Islaamka, kaas oo lagaga arrinsanayo xaaladda dhulka la gumeysto ee Falastiin.

Madaxweynaha oo muujiyey mowqifka soo jireenka ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin gobonimada iyo dowladnimada walaalaha Falastiin ayaa codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ku biiriya baaqyada caalamka Islaamka ee ku aaddan joojinta xasuuqa iyo isir sifeynta ku socota reer Qasa.

“Waxa ka socda Qasa waxay ka soo horjeeddaa damiirka aadanaha iyo dhammaan xeerarka iyo dhaqanka Caalamiga ah, si loo joojiyo waa in aan la nimaadnaa go’aan mideysan. Dowlad madax bannaan oo reer Falastiin yeeshaan, caasimadeeduna tahay Qudusta Bari waa xalka kaliya ee lagaga hortagi karo qalalaase amni, siyaasadeed iyo bulsho oo ka dhaca Gobolka”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed oo la daalaa dhacaya dhibaatada argagixisada iyo xaalado adag haddana aysan marna ka tanaasuleyn mowqifka damiir-taabadka leh ee ay ku garab taagan yihiin walaalahooda Falastiin, isagoo ku ammaanay Boqortooyada Sucuudiga marti-gelinta iyo abaabulka shirkan.

    

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Nus milyan Soomaali ah ayaa banaanka tuban oo guryahooda ka baxay”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo furay Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya kaas oo lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi ee kheyraadka badaheenna ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ee dalka ka da’ay.

Ra’iisal Wasaare Xamsa ayaa sheegay inay heleen labo fariin oo muhiim, kuwaas oo ka yimid shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir, fariimahaas oo kale ah in wax laga qabto daadadka ka dhashay roobabka ka da’ay magaalada ee xiray waddooyinka qaar iyo in la qaado dhagaxyada ku xiran waddooyinka caasimada, kuwaas oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, maaddaama amniga magaalada Muqdisho uu soo hagaagay.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaare Xamsa ayaa sheegay in daadadka ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ee dalka ka da’ay ay dhibaato u geysteen dad ka badan nus milyan, kuwaas oo ka barakacay guryihii ay ku noolaayeen.

“Waxaa dhibaato weyn oo roobku geystay ka jirta illaa  labaatan iyo dhowr degmo oo dalka kamid ah, waxaan cabsi weyn ka qabta in Wabiga shabeelle uu yimaado uu qaado dadka reer Beledweyne iyo magaalooyinka kale ee dhaca Wabiga jiinkiisa. Waxaan la nool nahay barwaaqo iyo dhibaato aan isku tagi karin” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Xamsa.

Mudane xamse oo khubaddiisa kaga hadlay dhinaco fara badan ayaa xusay in dhibaatooyinka dalka ka jira ee looga faa’ideysan la’yahay kheyraadka dalka dhex ceegaaga inay kamid yihiin xasilooni daro, colaadda iyo dhibaatooyin kale, waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay isbeddal dhab ah iyo in qofka Soomaaliga ah la yimaado maskax togan iyo hab feker ku dhisan mustaqbalka dalka.

Wuxuu amray ciidamada qalabka sida ee ku sugan deegaannada ay saameeyeen roobabka inay si deg deg ah uga qeyb qaataan gurmadka dadka nugul ee waayeelka, haweenka iyo carruurta isugu jira.

“Ciidamada qalabka sida qaybahooda kala duwan ee ku sugan deegaannada ay saamaysay roobabka waa inay si degdeg ah qayb uga qaataan gurmadka dadka nugul ee waayeelka iyo caruurta isugu jira”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan gelisay sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee guryahooda uga barakacay daadadka iyo sidii loo badbaadin lahaa kuwa ku xaniban biyaha.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo guddoomiyay kulan ay yeesheen Guddiga Qaran ee Gurmadka roobabka

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay kulankii u horreeyey ee Guddiga Qaran ee Gurmadka roobabka iyo daadadka El-nino.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo ka hadlay kulanka ayaa faray dhammaan Wasiirrada iyo madaxda Hay’adda SoDMA inay mideeyaan dedaalkooda, isla markaana gurmad degdeg sidii loo gaarsiin lahaa dadka tabaaleysan ay ka shaqeeyaan maalin iyo habeen.

Xukuumadda DanQaran oo kaashanaysa Dawlad Goboleedyada iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa dadaal wayn ugu jirta sidii samafal degdeg ah loo gaarsiin lahaa muwaadiniinta dhibku gaaray sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS