Hindisaha Kaabaha Dhaqaale : Wadada Nabadda ee Wakhtiga Cusub

Is ogolaanshaha iyo wada-noolashada waxa uu kumanaan-sano u ahaa qaranka Shiinaha yool. 2013-kii Madaxweyne Xi Jinping ayaa soo bandhigay hindisaha(Belt and Road Initiative) oo ah mashruuc kaabe dhaqaale ah, iyada oo u jeedka laga leeyahay uu yahay in la dhiira-geliyo horumar nabbad ah, loona helo dunida nolol wanaagsan.

10-kii sano ee la soo dhaafay, waxaa aad u kordhayey rumoowidda arragtida hiddisahan. Bishii hore, Shirka Iskaashiga Caalamiga ah ee hindisahan(Belt and Road Forum for International Cooperation) kiisa 3-aad ee noociisa ayaa lagu qabtay caasimadda waddanka Shiinaha ee Beijing, waxaana ka soo qayb galay in ka badan 10’000 wakiila ah oo ka kala socday 151 dal oo ay Soomaaliya ku jirto iyo ururo caalami ah.

Waayahan, dunida waxa ka jira xasilooni darro weyn iyo isbeddelo. Colaadda Falastiin iyo Isra’iil waa weyn tahay halka mushaakiladda Ukraine ay weli jiitamayso. Waa inaan laba daran mid dooranaa. Ma waxa aan dooranaa wax-wada qabsi mise go’doomin, garab-istaaag ama kala qayb-sanaan mise inaan si wadajira hore ugu socona ama waddooyin kale oo gooni ah ? Jawaabta waxa ay taageero siinaysaa in hindisaha BRI uu yahay mid wajiyo badan oo dhisaya bulsho mustaqbal wadaag ah, si looga hadlo caqabadaha ka jira adduunka, waa inaan joogteynaa in aan nabbad kuwada jirno ebed.

Madaxweyne Xi Jingping ayaa khudbadiisa shirka Caalamiga ah ee BRF ku sheegay in Beni’aadamka uu yahay bulsho mustaqbal wadaaga; iskaashi guuleysta ayaa ah wadada la hubo ee guusha in la daahfuro hindisooyin waaweyn oo laga wada faa’ido; wada xiriirta ahna (Silk Road) ee muhiimada nabbbad, wax wada-qabsiga, isu-furnaanshaha, fursado loo siman yahay, in wax la kala barto ama la wada faa’ido waa isha uga muhiimsan ee awoodda iskaashiga kaabaha dhaqaale(Belt and Road Cooperation). Beijing waxa ay dunida u dirtay farriin cad taas oo ah in aan u baahanay wax-wadaqabsi, isu furnaan iyo natiijo guul u wada ah, ma ahan qayb-sanaan, iska hor-keyn, go’doomin ama siyaasadda ah in dhinac uu guuleysto, dhinaca kalena uu khasaaro. ka sokow in uu jiro isbedelo waaweyn in aan la arag mudo qarni ah, Iskashiga kaabaha dhaqaale waxa uu tamar weyn siinaya xasiloonida iyo nabbadda adduunka.

Baaqa in la is ixtiraamo :- Hindisaha kaabaha dhaqaale(BRI) Shiinaha ayaa figradiisa leh waxaana ay la wadaagtay adduunka. Mana ahan wax afka baarkiisa ka ah Shiinaha balse waa wax ka wada farxinaya dalalka qaybta ka ah, wuxuuna ku dhisan yahay wada tashi, wax iska darsi si loo wada faa’iido. In la sii wado hindisahaan, Shiinaha marnaba ma faragelin doona arrimaha gudaha ee dalal kale, kumana soo rogi doono nidaamkiisa horumar ee bulsho, Shiinaha ma ciyaaro siyaasadda ku salleysan fara-gelinta, laakiin waxa uu abuurayaa hab iskaashi oo la wada guuleysto, Shiiinaha ma doonayo in koox yar ay meel isku oodo balse waxa ay dooneysa qoys weyn oo dhammaan dalalka adduunka ay ku wada noolaan karaan si is-gol ah.

Waxa ay sii wadaysaa natiijooyin wada guuleysta :- Hindhisaha kaabaha dhaqaale(BRI) waxa uu hadafkiisu yahay in wax badan oo weyn la wada dhisto lana sameeyo, waxa uu ka soo horjeedaa in la abuuro naadiyo yar-yar mise laga raadiyo dano gaar ah. 10-kii sano ee la soo dhaafay, waxa sare loo qaaday iskaashiga u dhaxeeya mashruucan iyo ajendaha Qaramada Midoobey ee 2030 ee ah horumarka waara, Ajendaha Midowga Africa ee 2063-da iyo sidoo kale qorshayaasha horumarka ururada caalamiga iyo kuwa gobalkaba. In si weyn loo mideeyo dhaqaalaha iyo iskaashiga waxa ay keeni doontaa nabad iyo xasilooni dunida oo dhan ah. Madaxweyne Xi Jinping ayaa tilmaamay casriyeynta Shiinaha wado in aysan ahayn dalka kaliya balse uu hormarinayo waddamada iyada oo la sameynayo dadaal wadajir ah. Wuxuu ka sheegay furintaanka xafladda in Shiinaha uu ballaarin doono suuqa, isbedel dheeraad ahna ku sameynayo dhinacyada shirkadaha dowladdu leedahay, dhaqaalaha danabeysan, hal-abuurka dadka, iyo sida ay dowladda wax u soo iibsato, ayna u gasho heshiis ganacsi oo xor ah iyo ilaalinta heshiisyada maalgashi ee dalalka kale. Suurta-galnimada in Shiinaha uu yahay suuqa uga weyn ee adduunka waa ay sii soconaysaa. Hay’adaha Maaliyadeed ee dowladda Shiinaha waxa ay hirgeliyeen lacagta waddanka ku maal-gelinayaa fursado cusub ayna ku taageerayaan mashaariicda kaabaha dhaqaale oo ku sallaysan cilmi-baaris si fiican loo darsay. Shiinaha waxa uu dhiira-gelinayaa shaqaalaha wadadamada iyada oo loo marayo mashariicda iskaashi lana fulinayo 1,000 mashaariicyo kale oo kaabayaa noloshooda. Waxa aan aaminsanahay in tallaabadan muhiimka ay sare u qaadi doonto horumarka ayna fursad weyn siini doonto casriyeynta dunida.

Tamarsiinta horumarka :- Aragtida hindisaha BRI ee la taaban karo waa mid furan, ahna mid laga wada faa’ido. Soomaaliya waxa ay ku biirtay mashruucaan sannadkii 2018-dii, Shiinaha waa dalka ay Soomaaliya ganansiga uga weyn ay la leedahay sannado badan. Shiinaha waxa uu Soomaaliya ka taageera halkaan iyo fagaaraha caalamka. Sannadkii la soo dhaafay, Shiinaha waxa uu ka caawiyey Soomaaliya dhinacyada amniga, cunnada, daryeelka agoomo, tababaro, deeqo waxbarasho iyo sidoo kale dayactirka cusbitaalo, iskuulo iyo dhismaha hay’ado dawli ah. Wuu ku mahadsan yahay Shiinaha deeqaha waxbarasho ee uu siiyey boqalaalka Soomaalida ah ee ay ku jiraan Diplomasiyiin, saraakiil militari, iyo garsoor, khubaro dhanka gaadiidka, saxafiyiin iyo arday oo helay fursad ay ku aadan Shiinaha iyaga oo u tagaya tabaro xirfadeed iyo barnaamijyo jaamacadeed.

Horaantii Qarnigii 15-aad, bad-mareenkii caanka ahaa ee Shiinaha, Zheng He ayaa ayaa xilligii Ming Dynasty safaro badan ku yimid Muqdisho, weli waa la xasuusta maanta. Wuxuu ku guuleystay taariikhda in uusan ahayn qof wax ku qabsanaya Markab dagaal, qori ama seef. Taa cagsigeeda waxaa lagu xasuustaa in uu ahaa saaxiib, wakiil ama Safiir badmareen ah. Mashruuca BRI waxa uu sidoo kale caddeynayaa in horumarka nabadeed iyo iskaashi wada guuleysta in uu muujinayo isbedel guud ee himilada dadka. Isku-hor-imaadka habkii dagaalka qaboobaa iyo in lakala dhantaalo dadaalada waxa ay aadaysaa cagsiga hirka taariikhda, meelna ma gaarayo. Shiinaha iyo Soomaaliya waa laba dal oo nabbadda jecel. October 27, labadeena dal waxa ay u codeeyeen qaraar ku baaqaya xabad joojin bini’aadanimo oo la dhex-dhigo Gaza kullankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyagoo wadaagaya dareenka nolosha dadka aan waxba galabsan iyo rabitaanka nabad. Shiinaha waxa uu sii wadayaa in uu maro dhabaha horurmarka nabad ah,siina wado halganka Belt & Road isagoo ka yeelaya waddo nabad gacantana is haysta Soomaaliya iyo dalalka kale si loo gaaro amni iyo horumar loo siman yahay.

Waxa qoray Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Amb. Fei Shengchao