Wasiir Daa’uud Aweys :Dad kabadan Hal milyan ayuu saameeyey Daadadka iyo fatahaadaha dalka ka dhacay

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS Daa’uud Aweys Jaamac, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka iyo qaar kamid ah Culimada Soomaaliyeed oo shir jaraa’id qabtay ayaa faah-faahin ka bixiyay dhibatooyin ka dhashay Roobabka ka da’ayo guud ahaan dalka iyo sameeynta ay ku rebeen shacabka soomaaliyeed.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay ilaa inta la ogyahay in dad gaarayo 31-qof ay ku dhinteen daadadka iyo fatahaada ka dhashay roobabka ka da’ayo dalka, nus milyan dad kabadana ay ku barakaceen, shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay u istaagaan sidii ay ugu gurman lahayeen walaalahooda ay sameynta ku yeesheen fatahaadaha.

Waxa uu sheegay wasiirka in dowladda iyo shacabka soomaaliyeed oo is garabsanayo ay u istageen sidii gurmad deg deg ah loola gaari lahaa dadka ay sameynta xooggan ku yeesheen roobabka ka da’ayo dalka.

Guddoomiyahay Hay’adda Mareeynta Musiibootinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa dhankiisa sheegay in la sameeyay Akoonno bulshada ay kaga qeb qaadan karto sidii ay walaalahooda uu sameynta ku yeelatay fatahaadaha iyo daadaka ka dhashay roobka da’ayo.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle “Umadda Soomaaliyed maanta waxa looga bahanyahay in la isku gurmado oo la caawiyo shacabka Soomaaliyeed ee dhibatada ka soo gaartay El-Niño. ”

Sheekha Bashiir Axmed Salaad oo kamid ah culimada soomaaliyeed ayaa isna yiri ” Waa in aan isku gurmano oo aan is kaalmeyno maadama El-Niño ay gaysatay Qasaaro badan, Masaajida, madaarista Culimada waa in aan ka gurmano.”

Arrintaan ayaa imaneysa xilli saacadihii la soo dhaafay roobab wata daadad iyo fatahaado ay ka da’een walina ay meelaha qaar ka da’ayaan, waxaana isasoo taraya sameynta daadaka iyo fatahaadu ay ku yeelanayaan shacabka ku dhaqan gobollada dalka haba ugu darnaatee gobollada Gedo iyo Baay, sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in fatahaado hor leh uu sameeyo wabiga shabeelle.