Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo muhiim ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka amniga taas oo xoojineysa xariirka soo jireeenka ah ee labada dowladood sidoo kalena dhiseysa dadaal wadajir ah oo  dhanka amniga ah.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa heshiiska u saxiixay Soomaaliya, halka dhinaca Sucuudigana uu u saxiixay wasiirka arrimaha gudaha Boqortooyada Sucuudiga.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa sheegay in heshiiskan uu muhiimad weyn u leeyahay wax weynna ka tarayo iskaashiga amni ee labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa dalka Ciraaq oo ka wada arrinsaday dagaalka argagixisada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha dalka Ciraaaq Mudane Abdul Latif Rashid oo hoggaaminayey wafdiga dalkiisa ee ka qeyb-galay shirka dalalka Islaamka.

Soomaaliya iyo Ciraaq oo halgan kula jira argagixisada weerarka ku ah dalalkooda ayaa ka wada-hadlay is-dhaafsiga khibradaha iyo xirfadaha la xiriira dagaalkan, iskaashiga amniga iyo danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeya Labada shacab ee walaalaha ah.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa kulankooda uga hadlay danaha labada dal ee faa’idada u leh shacab labada dowladood, sida iskaashiga dhaqaalaha, isweydaarsiga dhaqanka iyo taageerada dhinacyada sida waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magaalada Riyaad kulan kula yeeshay dhiggiisa dalka Eretariya Mudane Afwerki

Riyaad- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceed la qaatay Madaxweynaha dalka Eretariya Mudane Isaias Afwerki oo ay ka wada qeyb-galeen Shirka Sacuudiga iyo Afrik ee Riyaad.

Labada Madaxweyne oo ka wada halday xaaladda gobolka ayaa adkeeyey xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya shacabka Soomaaliya iyo dhiggooda Ereteriya, waxayna isla qaateen in la sii xoojiyo, wadajirna loo wajaho caqabadaha ay wadaagaan labada dal.

 

Ra’iisul wasaare Xamse oo daah furay Nidaamka Ilaalinta Bulshada ee lagu yareynayo saboolnimada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay Nidaamka Ilaalinta Bulshada ee Diiwaanka Bulsho ee Midaysan oo lagu yaraynayo saboolnimada iyo sugnaan la’aanta cuntada, si loogu diyaariyo bulsho adkaysi u leh aafooyinka ay ka mid yihiin abaaraha, fatahaadaha iyo Ayaxa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay mudnaanta uu xilligan u leeyahay dalka nidaamkani oo ay xuddun u tahay siyaasadda Xukuumadda Dan-Qaran ee ah in la helo horumar ay bulshadu qayb ka yihiin, una siman yihiin si loo xoojiyo ammaanka, koboca dhaqaalaha iyo wada-socodka bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa faray dhammaan Hay’adaha Caalamiga ah, kuwa Waddaniga ah iyo inta ku hawlan hawlaha Gargaarka inay isticmaalaan Diiwaanka USR ee Dawladda si looga fogaado, iska warqab la’aan iyo xaqiijinta in bulshada si hufan loogu adeego, taasi oo keenaysaa in lagu kalsoonado dawladda, waxayna caawinaysaa dhisidda dawlad-wanaagga.

                       

Wasiiru dowlaha wasaaradda Qorsheynta ee XFS oo la kulmay wafdi ka socday maamulka KMG SSC-Khaatumo

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Qallinle ayaa maanta xarunta dhexe wasaaradda Qorsheynta Qaranka Kulan kula qaatay wafdi ka socda Maamulka kumeel gaarka ee SSC-Khaatumo, waxaana ay ka wada hadleen arrimaha mashriicda horumarineed iyo qodobbo kale oo ku saabsan xoojinta adeegyada wax-galka u ah bulshada deegganka,

Wasiirka ayaa sheegay ina dar-dargalin doonan  mashriicda bulshada muhiimka u ah sida soo noolaynta kaabayaasha Dhaqaalaha, Maamul dhisida iyo in adeegga dowladdnimada la gaarsiiyo illaa heer tuullo oo ah nidaamka dalkeennu ku dhisan yahay ee Federaal.

Ugu dambeyn kulanka waxaa laysku afgartay in la adkeeyo iskaashiga maanta u furmay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Maamulka SSC-Khaatumo. Iyada oo saldhig looga dhigayo Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliyeed.

   

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb-galay Shirka maalgashiga Soomaaliya iyo Sucuudi Careebiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Shirka maalgashiga Soomaaliya iyo Sucuudi Careebiya ayaa uga warbixiyey fursadaha ballaaran ee maalgashiga Soomaaliya.

Madaxweynaha oo dul istaagay muhiimadda goobta istiraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu iyo kororka joogtada ee dadka Soomaaliyeed ee horumarka ka sameynaya ganacsiga caalamiga ah ayaa tilmaamay in iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta ganacsiga Soomaaliya iyo Sucuudiga ay mudnaan gaar ah siinayaam, dowladduna ay diyaarisay sharciyo dhaqan gal ah oo loo marayo hannaanka maalgashiga dalka.

Xukunka Qayb kamid ah Laamaha Maamul ee degmada Hodan oo Argagixisanimo loo haystay

Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukuna u dhaxeya 10 ilaa 1- sano waxay ku riday qeyb kamid ah laamaha Maamul ee degmada Hodan oo Argagixisanimo loo haystay.

Xukunka Maxkamadda ayaa u dhacay sidatan:-

1- Cabdiraxiin Maxamed Cusmaan Jimcaale (Macruuf) Ayaa u qaabilsanaa Khawaarijta Gudbinta Macluumaadka iyo Xogaha Xubnaha ka shaqeeya Degmooyinka kala ah, Dayniile, Yaaqshiid, Hilwaa, Hodan, Howl-wadaag. Macruuf ayaa Afar iyo tobankii bishii Jun ee sanadkaan Hay’adda Nabad Sugida ka soo qabatay suuqa weyn ee Bakaaraha.

Computerkiis ayaa laga helay liiska xogta iyo taleefanada Shariif Nuur Awliyo iyo Cabdi Cali Tabliiq iyo Xubno kale oo Maqanayaal ah oo uu horjooge u ahaa, Maanta aye Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamadda ku xukuntay 10 sano oo Xabsi Ciidan ah.

2- Shariif Nuur Cali Aadan Ayaanle (Shariif Owliyoo) oo ahaa gudoomiyaha waaxda October ee Dagmada Hodan ayaa loo soo xiray u gudbinta Khawaarijta Macluumaadka iyo Xogaha Xubnaha Dowladda ee ka shaqeeya Degmada Hodan. Waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah.

3- Jabriil Cabdullahi Cali Cadoow (Sheekha) ayaa isna Khawaarijta u qaabilsanaa Qeybta Faafinta Fikirada guracan ee kooxda, waxa uuna tababar ku saabsan Jabhadaha ku soo qaatay Saakow, waxa uuna ka mid ahaa basaasiinta maleeshiyada ku dhuumaaleysata Muqdisha, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah.

4- Cabdi Cali Cibaar Wardheere (Tabliiq) ayaa uqaabilsanaa Khawaarijta Qeybta Soo gudbinta Macluumaadka Deegaanka Daarusalaam iyo Carafaad, isagoo u gudbin jiray Xogta Qaraxyada ka dhaca Goobahaas. Waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Shan Sano oo Xabsi Ciidan ah.

5- Canab Xuseen Cumar Fiidow ayaa Cabdiraxiin ugudbin jirtay xogta Degmada Hodon iyo Xarunta Xisbiga, sidoo kalana ay ka taageri jirtay Khawaarijta baraha bulshada gaar ahaan Fecbook. Waxa ayna Maxakamadda ku xukuntay Hal sano oo Xabsi ciidan ah.

4 ka mid ah kooxdan ayaa iyagana ay Maxkamadda ku xukuntay Sadax sano oo xabsi ilkuhayn ah.

6- Cawil Jaamac Cabdulle Xiireey.

7- Raxma Cabdishakuur Cali Muumin(Sandheere)

8- Maxamuud Axmed Siyaad Barre(Muruq)

9-Sharma’arke Muuse Ismaaciil Caraale

Halka Asiili Maxamed Dhicisow Faarax iyo Xasan Maxamed Ibraahim (Xasan Kacaan) lagu waayay wax danbi ah ay maxakamadu sii daysay.

Xukunkan Waxaa la wadaagay Warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

     

 

Wabiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyay Magaalada Beledweyne

Beledweyne;-Wabiga Shabeelle ayaa Saacadihii la soo dhaafay fatahaad xooggan ka sameeyay Xaafado katirsan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kaas oo saameyn ku yeeshay Xaafadaha degmadaas.

Wabiga ayaa waxaa si weyn uga fatahay Xaafadaha Bundaweyn iyo Howlwadaag, kadib markii u wabiga Xalay saqdii dhexe karkaarada uu jabsaday.

Xaafadahaan ayaa dadkii daganaa intooda badan ay horay uga barakaceen dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, hayeshee waxaa jiray dad kooban oo ku harsanaa xaafadaha oo Xalay habeen barkii biyaha guryaha ugu galeen.

Shalay duhurninadii ayay aheyd markii uu wabiga ku fatahay qeybo ka mid ah xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako

Ma jirto ilaa iyo hadda wax khasaare nafeed ah oo ay geysteen fatahaada ku dhufatay inta badan xaafadaha Baledweyne.

Ciidanka xoogga oo gacanta kusoo dhigay Horjoogihii Baadda Shacabka u qaabilsanaa khawaarijta ee degmada Ceeldheer

Ciidanka xoogga dalka oo Shalay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud kasoo qabtay Horjoogihii Baadda shacabka u qaabilsanaa khawaarijta kaa oo mudda ku dhuumaaleysanayay degaankaas.

Horjoogahaan ciidanka ay soo bandhigeen ayaa lagu magacabaa Cabaas Caraaye {Garoobshe},waxana ciidamada oo howlgal ka sameeyay degmada Ceeldheer ay u suurta gashay in ay gacanta kusoo dhigaan ninkaan oo Mudda dhibaato ku hayay shacabka Bariga gobolka Galgaduud.

Waxa uu sheegay Mar uu la hadlay warbaahinta in ciidanku ay si wanaagsan ula dhaqmeyn,isagoo xubnaha kale ee wali kamidka ah khawaarijta ugu baaqay in ay isku soo dhiibaan ciidanka xoogga dalka si Naftooda loo bad-baadiyo.

Taangiyada Yahuuda oo go’doomiyay Isbitaalka Al-Shifa ee Gaza

Qaar ka mid ah isbitaallada ku yaal magaalada Gaza iyo waqooyiga Gaza ayaa Taangiyada Israa’iil garaaceen, iyadoo Hey’adda WHO ay sheegtay inay lumisay xiriirkii ay la lahayd gudaha al-Shifa, oo ah isbitaalka ugu weyn Gaza.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay jirto cabsi soo wajahday boqolaal bukaan ah oo ay ku jiraan 37 haween ah oo uur leh, kuna jira cisbitaalka Al-Shifa, iyadoo korontadu ay gabaabsi ku tahay isbitaallo badan.

Israa’iil ayaa xoojisay weerarrada isbitaallada, waxaana dhowr isbitaal ay lumiyeen xiriirkii sida ay sheegeen Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.

Bannaanbaxyo waaweyn oo lagu dalbanayo xabbad-joojin degdeg ah oo ka dhacda Qaza ayaa lagu qabtay magaalooyinka adduunka, oo ay ku jiraan New York, London, Paris, Baghdad, Karachi, Berlin iyo Edinburgh.
Dhanka kale, Magaalada Tel Aviv, waxaa isugu soo baxay Israa’iiliyiinta, iyagoo ku baaqay in la sii daayo maxaabiista u xiran Xamaas.

Ugu yaraan 11,078 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7. Tirooyinkan ayaa laga yaabaa inaysan noqon kuwii ugu dambeeyay.

dib u eegis hoose ka dib, Israa’iil ayaa sheegtay in dhimashadu hadda ay marayso in ka badan 1,200.