Madaxweyne Xasan Sheekh: Waxaan ka guuleysanay kooxaha argagixisada ah ee dadka Soomaaliyeed u diiday in ay helaan xuquuqdooda

Riyadh-(SONNA)-Madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamed ayaa sheegay in laga guuleystay kooxaha argagisada ee caqabadda ku noqday dadka Soomaaliyeed in ay helaan xuquuqdoodii asaasiga ahayd.

Madaxweyne Xasan oo wareysi dheer siiyay Jaridada Arab news ee laga leeyahay dalka Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in laga guuleysanayo argagixisada, fursado badan oo maalgashi ahna uu waddanku leeyahay.

“Waxa aan ka guuleysanay kooxaha argagixisada ah ee dadka Soomaaliyeed u diiday in ay helaan xuquuqdooda”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in muddo lagu soo jiray halganka lagu xasilinayo Soomaaliya oo ay noqoto meel nabad ah ammaankeeduna fiican yahay, taas oo horseedi karta in awood loo helo maal gashiyo kala duwan.

“Guul ayaan hadda ka gaarnay dagaalka argagixisada, waxa aan ku jirnaa marxaladahii uga dambeeyey ee xasilinta, nabad gelyada iyo ammaanka Soomaaliya”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay haatan tahay nadiif fursado badanna ay ka jiraan, isagoo tusaale u soo qaatay ka faa’iideysiga dhaqaalaha buluugga ah, dalagyada iyo cunnada, macdanta qeybaheeda kala geddisan.

“Soomaaliya waa nadiif, waa warqadaa cad, meel kasta fursad baa ku jirta, dhaqaalaha bulugga ah waa fursad, dalagga iyo cunnada waa fursad, macdanta, dahabka, Yuraniyamka iyo kheyraad kale ee aan qaniga ku nahay waa fursado, nooc walba oo kheyraad ahna waa laga helayaa Soomaaliya”.

Madaweynaha JFS Mudane, Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Soomaaliya leedahay dhul beereed fara badan kana mid ah waddamada ugu soo wax soo saarka badan dhanka dalagga haddii laga faa’iideysto, wuxuuna sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay tahay safka hore ugu jirto waddama ugu xoolaha badan dunida sidaa daraaddeedna ay ku fiican tahay maal gashiga.

“Soomaaliya waxa ay leedahay ku dhowaad 9 milyan oo hectar oo dhul beereed ah iyo laba webi oo aan gurin sanadka oo idil iyo tiro wanaagsan oo xilli roobaadyo ah, waxa ay kamid tahay dalalka uga xoolaha badan Adduunka, sidaa darteed, Soomaaliya marka ay joogta dhanka maalgashiga waxa ay mareysaa cirka”.

“Soomaaliya waa kheyraad dihan oon la taaban, sidaas awgeed, kuwa kusoo hormara ayaa faa’ido badan helaya, waxa aan ku casuumaynaa Addduunka, si gaara walaalaheenna Sucuudiga in ay noqdaan kuwa ugu horreeya ee yimaadda Soomaaliya isla markaana maalgashta”.

Maamulka Hirshabeelle oo ka warbixiyay xaaladda fatahaadaha webiga Shabeelle

Jowhar- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowlad goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Bashiir Qaasim (Daqarre) ayaa sheegay in aysii kordheen dadka ku barakacay daadadka ka dhashay fatahaadda webiga Shabeelle iyo saamaynta ka dhalatay.

Wasiir ku xigeenka ayaa si gaar ah kaga hadlay magaalooyinka Baladweyne iyo Mahaddaay oo uu dhowaan kormeer kusoo sameeyay, isagoo xusay in inta badan xaafaha magaalooyinkaasi ay halakeeyeen daadadka.

Wasiir Daqarre ayaa sheegay in uu soo arkay halis caafimaad oo ka dhalan karta goobahaasi, markii ay suuliyadii iyo biyaha daadadka ah isku furmeen, wuxuunna hay’adaha samafalka ka codsaday in ay ka jawaabaan.

Madaxweynaha JFS”Waxaa jira xal caalami ah oo la aqbali karo waana laba dawladood oo ah Falastiin iyo Israa’iil

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay shabakadda Arab News inta uu joogay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas lagu dhameyn karo heshiis siyaasadeed oo ah qaabka xalka laba waddan.

“Dadka Soomaaliyeed waxay muddo dheer ku jirneen colaad, weynu ognahay halka ay ku danbeyso shaqaaqada iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta iyo natiijada soo baxda marka ay dhamaato colaada ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaa ayaa xusay in qofna aysan gaari karin dhamaadka siyaasadeed iyadoo aan laga  hadlin sababaha keenay khilaafka iyo in la adeegsado rabshado ay maalin kasta ku bixi karaan dad rayid .

“Waxaa jira xal caalami ah oo la aqbali karo waana laba dawladood oo ah Falastiin iyo Israa’iil ,isla markaana ku wada nool si nabad ah wayna dhici kartaa” ayuu yiri madaxweynaha.

“Aasaaska dowlad Falastiiniyiintu leeyahiin oo xuduudaheeda yahiin kuwii Juun 1967, caasimadeeduna tahay Qudus. waa dammaanada kaliya ee gobolka uu uga baxayo dadagaalka” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay shirka Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee dhawaan ku dhamaaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hadalkiisa ku daray “Waxa ka socda Qasa waxay ka soo horjeeddaa damiir aadanaha iyo dhammaan xeerarka iyo dhaqanka Caalamiga ah, si loo joojiyo waa in aan la nimaadnaa go’aan mideysan. Dowlad madax bannaan oo reer Falastiin yeeshaan, caasimadeeduna tahay Qudusta waa xalka kaliya ee lagaga hortagi karo qalalaase amni, siyaasadeed iyo bulsho oo ka dhaca Gobolka”.

Dadaalada socda iyo xaaladaha dabeysha El-Nino (WARBIXIN)

Webiga Shabeelle ayaa ku fatahay deegaannada Buula-mareer iyo Golweyn ee gobolka Shabeelaha hoose, waxaana sawiro halkaas laga soo qaaday muujinayaa saameynta iyo fataahadda Webiga heerka uu gaarsiisan yahay, sida uu ku waramayo wariye ku sugan deegaannadaasi ayaa soo warinaya in kannaalada biyaha Webiga gudbiya ay sababeen fataahadda, kadib markii ay biyuhu heerkoodaa dhaafeen, markaasi kadibna waxay saameyn xooggan ku yeesheen dalaggii Beeraha ee dhawaan la beeray, biyihi ku fatahay ayaa wada baabi’yay.

Sidoo kale Degmooyinka Afgooye, Awdheegle iyo Jannaale ee ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa iyana laga soo warinayaa in Webiga uu ku fatahay, balse ma’uusan geysan wax khasaare nafeed ah.

Digniino hor leh ayaa laga soo saaray fatahaad Webeiga Shabeelle, iyada oo Hay’adda maareynta misoobinka Qaranka ee SodMA ay digniin u dirtay dadka degan hareeraha Webiga iyo goobaha biyo mariinnada, xilli guud ahaan dalka ay ka da’een Roobab wata biyo badan iyo lagu sii daro fataha ay Webiyada Juuba iyo Shabeelle ay sameynayaan.

Dhinaca kale Webiga Shabeelle ayaa Saacadihii la soo dhaafay fatahaad xooggan ka sameeyay Xaafado ka tirsan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kaasi oo saameyn ku yeeshay afarta Xaafadood ee degmadaasi, Webiga ayaa waxaa si weyn uga fatahay Xaafadaha Bundaweyn iyo Howlwadaag, kadib markii u Webiga habeen hore saqdii dhexe karkaarada uu jabsaday.

Xaafadahaan ayaa dadkii daganaa intooda badan ay horay uga barakaceen dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, hase yeeshee waxaa jiray dad kooban oo ku harsanaa xaafadaha oo habeen hore xilligii hore biyaha guryaha ugu galeen, Shalayna duhurninadii ayay aheyd markii uu wabiga ku fatahay qeybo ka mid ah xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako, waxaana la soo warinayaa in aysan jirin ilaa iyo hadda wax khasaare nafeed ah oo ay geysteen fatahaada ku dhufatay inta badan xaafadaha Baledweyne.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in xilligaan muhiimadda ugu weyn ay tahay samatabixinta nolosha qofka Soomaaliga ah, isaga oo sheegay in xilligaan adag loo baahan yahay in mas’uuliyadda sida ay tahay loo qaato. “Mas’uuliyad ayaa na saaran, mas’uuliyadda na saaran sida ay tahay in aan u qaadanno waaye, tabartu waa halkeeda, tabartu haddii ay nagu gaabato laakiin inta aan qaban karno ayaa aad u badan, marka howshaas haloo wada istaago, muhiimadda Golaha Wasiirrada shalay ayaa ah samatabixinta nolosha qofka Soomaaliga ah,” sida uu yiri Madaxweynaha, mar uu la hadlaayay fadhi aan caadi aheyn oo ay yeesheen Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey shaqada ay hayso hey’adda maareynta musiibooyinka Qarank ee Sodma, isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yiri, “Sodma way ku mahadsan tahay wacyigalinta, ha sii kordhiso, dadka ha looga digo meelaha ay khatarta leh in ay ka dhaqaaqaan”, Madaxweynuhu waxa uu ka  tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay daadadka ka dhashay Roobabkii ka da’ay qaar ka mid ah gobollada dalka.

Shirkaasi Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa diiradda lagu saaray saameynta ay reebeen Roobabkii ka da’ay dalka iyo sida loogu gurman lahaay dadkii ay saameeyeen ama waxyeello ka soo gaartay waxyaabaha ay sababeen Fataha Webiyada iyo Daadaka ay keentay dabeysha El-lino.

Waxaana ugu dambeyntii la isku booriyay xubnaha golha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan maareynta iyo gurmadka muwaadiniinta Soomaaliyed ee ku dhibaateysan daadadka ka dhashay Roobka xillig Deyrta iyo fataha Webiyada oo is biirsaday.

Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa shalay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka dirtay diyaarad sidday shixnad gargaar ah oo loogu talagalay dadka shacabka ah ee ku nool degmada Doolow ee gobolka Gado, oo halkaasi ay ku heystaan dhibaatooyin ka dhashay Roobabka Xilliga Deynta oo dhaliyay daadad iyo Webiga Jubba oo isna ku fatahay deegaannada uu ka maro deegaankaasi.

Shixnaddaan ayaa gaareysaa illaa todobo tan oo loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka ay saameynta ku yeeshay daadadka ka dhashay Roobobka ka’day guud ahaan gobollada dalka gaar ahaan gobolka Gado, oo la sheegay in ay dad ku geeriyoodeen.

Agaasimaha guud ee ka jawaabista xaaladaha degdega ah ee Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Cabdirashiid Maxamuud Xasan, oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gargaarkaan loogu talagalay dadka magaalada ee ay saameeyeen fatahaada. Magaalada Doolow ee gobolka Gedo waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay ka barakaceen dadkii deganaa, ka dib markii ay ku soo rogamdeen daadad ka dhashay Roobabka ka da’ay iyo fataha Webiga Jubba ee magaalada.

Dhanka kale Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha iyo daadadka El-Niño oo dhawaan uu magacaabay Raiisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shalay xarunta dhexe ee SoDMA waxa ay kulan gaar ah kula qaateen Wakiilo iyo Masuuliyiin ka kala socday hey’addaha deeqaha bixiya ee wadamada islaamka iyo Ururka iskaashiga islaamka (OIC ), kulankaan oo deg-deg ahaa ayaa  waxa uu ku saabsanaa Isku-dubbaridka kaalmada Bani’aadamnimada ee ku aadan Dadka ay saameeysay dabeysha El-Niño, waxaana lagu  soo bandhigay Xaalada Guud ee Saameeynta Fatahaadaha iyo Barakaca dadka deganaa deeganada ay fatahaada ka dhacday.

Shirkaan ayaa looga hadlay hababka jawaab celinta deg -degga ah  iyo sidii loo caawin lahaa dadka ay Fatahaada Saameysay, intaa waxaa dheer oo kulankaan looga hadlay iskuduwidda iyo in hey’addaha ay ka qayb-qaataan Dib-u-dejinta dadka barakacay iyo nafaqeeyntooda,  iyada oo la saarayo ogaanshaha mudnaanta iyo baahiyahooda, waxayna Hey’ aduhu ay bllan qaadeen inay si deg deg ah uga jawaabi doonaan, qeybna ka noqon doonaan jawaab celinta deg -degga ah  iyo sidii loo caawin lahaa dadka ay Fatahaada saameysay.

Xamarna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay Shirka Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, iyadoona ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Shirkaasi ayaa loogu hadlay xaaladihii ugu dambeeyay iyo saameynta dhibaatada ka dhalatay Roobabka iyo daadadka El-Nino ee ka da’ay Caasimadda Muqdisho, soo celinta Nadaafada & Bilicda iyo dar-dargelinta Amniga Magaalada Muqdisho.

Laamaha ammaanka Guriceel oo gacanta kusoo dhigay nin horay dil u geystay

Guriceel- Guddomiyaha degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud Faarax Cabdi Macallin ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay nin loo haysto dil dhawaan degmadaas loogu geystay marxuum Cabdullaahi Cali Hudey.

Guddoomiyaha oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgallo dheer iyo dedaallo badan oo ay sameeyeen laamaha amniga iyagoo kaashanaya bulshada qeybaheeda kala duwan ay gacanta kusoo dhigeen gacan ku dhiiglaha afar cisho ka dib, taasina ay Alle ugu mahad celinayaan.

Mudane, Faarax Cabdi Macallin ayaa intaa raaciyay in ay ku wareejin doonaan gacan ku dhiiglaha laamaha cadaaladda si sharciga loogu qaado, wuxuuna intaa raaciyay in tallaabadani ay tahay tan keliya ee ay bulshadu ku kala badbaadi karto amniga lagu adkayn karo.

Wasiir Daa’uud oo shahaado sharaf guddoonsiiyay qaar ka mid ah holwadeennada Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aways Jaamac ayaa maanta shahaado sharaf Guddoonsiiyay qaar ka mid ah holwadeennada geesiyaasha ah ee Warbaahinta Qaranka.

Holwadeennada uu maanta Wasiir Daa’uud guddoonsiiyey ayaa qayb wayn ku lahaa soo tabinta howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta iyo guulaha ciidanka Qaranka ay ka gaareen dagaalka ka socda gobollada.

Mudane Daa’uud Aways Jaamac wasiirka Warfaafinta ayaa ku ammaanay howlwadeennadaan geesinimada iyo howlkarnimada dheeraadka ah oo ay muujiyeen muddadii ay ku jireen shaqadaan, isaga oo sheegay in ay u adeegayeen Qarankooda.

Warbaahinta Qaranka ayaa qeyb lixaad leh waxa ay ka qaadatay soo tabinta wararka iyo warbixinnada ku saabsan dagaalka dalka looga xorreenaya Khawaarijta, waxa ay furimaha hore ee dagaalka la joogeyn ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa geesiyaasha deegaanka.

      

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo degmada Doolow u dirtay diyaarad wada shixnad gargaar ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka dirtay diyaarad sidday shixda gargaar ah oo loogu talagalay dadka shacabka ah ee ku nool degmada Doolow ee gobolka Gado.

Shixnaddaan ayaa gaareysaa illaa todobo tan oo loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka ay saameynta ku yeeshay daadadka ka dhashay Roobobka ka’day guud ahaan gobollada dalka gaar ahaan gobolka Gado, oo la sheegay in ay dad ku geeriyoodeen.

Agaasimaha guud ee ka jawaabista xaaladaha degdega ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Cabdirashiid Maxamuud Xasan, oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in gargaarkaan loogu talagalay dadka magaalada ee ay saameeyeen fatahaada.

Magaalada Doolow ee gobolka Gedo waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay ka barakaceen dadkii dagnaa, ka dib markii ay ku soo rogamdeen daadad ka dhashay Roobabka ka da’ay magaalada.

Xubinnimada EAC Waxay Soomaaliya iyo Gobolkaba u Horseedi Doontaa Waa Cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo ah

Hoggaamiyeyaasha Wadamada Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika (East African Community) ayaa dhowaan go’aan ka gaaraya in Soomaaliya ay ugu dambeyntii noqoto xubintii 8-aad ee Urur Goboleedkan Ioo hadda ka kooban Burundi, Kenya, Uganda, Rwanda, Tanzania, Jamhuuriyadda Demoqraadiga ee Congo iyo Konfuurta Suudaan.

Bishii Juun ee sannadkan, Madaxda Bariga Africa waxay ansixiyeen Warbixinta Xaqiijinta Codsiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si ay uga mid noqoto Urur Goboleedkan intii lagu guda jiray Shir Madaxeedkii 21-aad ee aan caadiga ahayn ee ururka oo lagu qabtay magaalada Bujumbura ee dalka Burundi.  Dhameystirka iyo ansixinta warbixinta waxay gunnaanad u ahayd hannaan soo socday muddo lix bilood ah si loo xaqiijiyo u diyaargarowga iyo ku haboonaanta Soomaaliya ee ku biiritaanka ururka. Si loo xaqiijiyo shuruudaha, Soomaaliya waxay ahayd inay caddayso inay ilaaliso sharciga, dawladnimada, ixtiraamka xuquuqul insaanka iyo sidoo kale in ay tahay xarun ganacsi oo kor u qaadaysa ganacsiga iyo horumarka gobolka.

Bishii Agoosto, iyadoo la raacayo awaamiirta Madaxda Qaranka, khubaro ka kala socota toddobada waddan ee EAC, Xoghaynta iyo Golaha EAC, Soomaaliya, Golaha Sharci dejinta ee Bariga Afrika, iyo Maxkamadda Cadaaladda ee Bariga Afrika ayaa ku kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya muddo sagaal maalmood ah oo wadahadallo ah. oo ku saabsan soo galitaanka Soomaaliya ee golaha deegaanka. Wada-hadalladaas ka dib, Xoghayaha Guud ee EAC Peter Mathuki ayaa kalsooni ka muujiyay in la ansixin doono codsiga Soomaaliya ee xubinnimada.

Muddo dheer ayay Soomaaliya sugeysay inay mira dhaliso hammigeeda ah inay ku biirto Urur Goboleedkan Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika oo ay markii ugu horreysay isku dayday inay ku biirto sannadkii 2012-kii. Baadigoobka ku biirista Urur Goboleedka EAC waxay ahayd mudnaanta koowaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud tan iyo markii dib loo doortay 15 bishii May, 2022. Haddii la ansixiyo sida la wada filayo. waxay noqon doontaa gaarista ama meel marinta riyo 11 sano ah iyo sannado shaqo iyo hawlo adag loo soo marey

Oggolaanshaha ku biiritaanku ma ahan mid bishaaro u noqoneysa Soomaaliya oo keliya, balse waa mid ay ku baraari doonaan guud ahaan waddamada gobolka ku yaalla. Soomaaliya waxay horey u deristay una aqoonsatey faa’iidooyinka ku biiritaanka EAC, iyadoo inta badan dalalka xubnaha ka ah ururka ay qeyb ka yihii Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya – AMISOM (oo haatan loo yaqaano ATMIS) -ciidamo dalalka EAC ka mid ahna ay Soomaaliya waqtigan xaadirka ah joogaan. Hawlgalkan Midowga Afrika uu garwadeenka ka yahay, ayaa ku shaqeeya qaraar uu soo saarey Golaha Ammaanka ee Qaramamada Midoobay. Wadamada Bariga Afrika ayaa si dhow oo wadajir ah ugu jira dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Waxaa aan shaki ku jirin in walaalaheena dalalka gobolka ay door weyn oo muhiim ah ka cayaari doonaan dib u dhiska Soomaaliya nabad ah, xasiloon, wax badan oo wanaag ahna ku soo kordhisa Gobolka Bariga Afrika, sannado badan oo colaado iyo caqabado kale kadib.

Soomaaliya wax badan ayay ka faa’iidi kartaa ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Waxyaabaha laga xusi karo faa’iidooyinkaasi waxaa ka mid ah mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee Gobolka Bariga Afrika oo ay ku jiraan waddooyinka, tareennada iyo mashaariicda tamarta. Mashaariicdan ayaa kor u qaadi doona isku xirka dalalka Bariga Afrika, waxayna sidoo kale qeyb ka qaadanayaan koboca dhaqaalaha iyo horumarka. Sidoo kale waxay albaabada u furi doontaa maalgashi badan iyo dhaqdhaqaaqa raasumaalka. Waddamada Bariga Afrika ayaa awaxa ku nool in ka badan 200 oo milyan oo qof, taas oo ka dhigan suuq diyaar u ah ka ganacsiga badeecadaha iyo adeegyada, Soomaaliyana ay wax weyn ka faa’iidi doonto.

Xubinnimada Urur Goboleedka Bariga Afrika ayaa fursadaha la socda waxaa ka mid ah isu socodka dadka iyo isku gudubka badeecadaha gudaha iyo dibadda Soomaaliya. Tani waxay wax weyn u noqon doontaa dhaqaalaha maadaama ay horayba u joogeen boqolaal kun oo Soomaali ah oo ka ganacsanayay gobolka. Marka la eego heerka dhaqan-bulsho, wax-is-weydaarsiga dadka ma ahan oo keliya mid door ka cayaareysa kor u qaadista heerka nololeed ee muwaadiniinta, balse waxay sidoo kale wax badan ka tari doontaa xaqiijinta riyada is-dhexgalka ee waddamada gobolka ku yaalla.

Soomaaliya waxay rajaynaysaa in la wadaago aqoonta hab-dhaqannada ugu wanaagsan ee dimoqraadiyadda, dawlad wanaagga, sharci-dejinta, sinnaanta iyo xasilloonida deegaanka. Dalkeenu wax badan ayuu ka baran doonaa si uu u gaaro xasilooni buuxda, sannado badan oo qalalaase ah kadib. Wadamada Bariga Afrika ayaa taageero iyo garab istaag ku dheehan derisnimo iyo walaaltinimo u muujiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, dagaalka uu kula jiro argagixisada si meesha looga saaro Khawaarijta Al Shabaab dhammaadka sanadkan. Taageeradaasina waa mid aan si weyn abaal uga hayno hoggaamiyeyaasha gobolka.

Dhankeeda, Bulshada Bariga Afrika waxay ku naaloon doontaa suuq ganacsi oo la ballaariyay oo ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed oo ka badan 17 milyan oo qof. Tani waxay kor u qaadi doontaa ganacsiga iyo wax soo saarka guud ee Bariga Afrika. Gobolka wuxuu fursan u helayaa inuu manaafacaad weyn ka helo ka faa’iidaysiga ilaha dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer Afrika. Sidoo kale Soomaaliya waxa ay leedahay kheyraad dabiici ah iyo macdan aad u badan oo ay ka faa’ideysan karaan dalalka deriska la ah.

Soomaaliya waxa ay leedahay awood beereed baaxad leh oo looga faa’iidaysan karo danta Bariga Afrika oo dhan. Maanta, beeruhu waxay wax ku biiriyaan 65% GDP (Gross Domestic Product), ahna isha ugu weyn ee shaqa abuurka .Ka faa’iidaysiga iyo casriyaynta kheyraadka beeruhu waxa ay wax badan ka tari doontaa ma aha oo kaliya arrimaha sugnaanshaha cuntada ee Soomaaliya, balse kuwa gobolka oo dhan ayay dabooli kartaa. Wadamada Bariga Afrika waxay sidoo kale ka faa’iidaysan doonaan shacabka Soomaaliyeed oo intiisa badan ka kooban dhalinyaro wax weyn ku soo kordhin karta koboca dhaqaalaha gobolka.

Siyaasad ahaan, kordhinta tirada xubanah  Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC waxay kordhin doontaa saamaynta ay ku leedahay gobolka, waxayna kor u qaadi doontaa codkeeda siyaasadda Afrika iyo tan caalamka. Soomaaliya waxay awood saameyn ku yeelan doonta go;aamada masiiriga ah ee arrimaha Bariga Afrika iyo sidoo kale Geeska Afrika. Xubinimada Soomaaliya ee ururka waxay sidoo kale wax ka tari doontaa xal u helista caqabadaha amni ee Geeska Afrika.

Waxaa jira kooxo yar oo dhaleecaynaya ama si xun u fasiraya doonista Soomaaliya ee ku biiritaanka EAC. Waxay kooxdaasi ku doodeysaa in Soomaaliya weli aysan diyaar u ahayn ka mid noqoshada Ururka Bariga Afrika, balse xaqiiqadu waa ay ka duwan tahay fikirka ay qabaan. Kooxda khubarada ah ee xaqiijinta sameeyay ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay buuxisya dhammaan shuruudihii looga baahnaa ee heerka ku biirista ururka, taasina ay soo dedejisay in madaxda waddamada EAC ay meel mariyaan warbixinta khubarada, tallaabadaas oo muujineysa sida ay ugu kalsoon yihiin Soomaaliya iyo diyaar u ahaanshaheeda ku biiritaanka Urur Goboleedka EAC.

Kuwa iska indha tiraya xaqiiqada dalka taalla, waxaa muuqata inay jeclaan lahaayeen in aysan Soomaaliya ka soo bixin dambaska mugdiga ay soo martay. In aynan horumarin. In aynan ka faa’iidaysan siyaasadda gobolka, Afrika iyo caalamkaba. Laakiin Soomaaliya hadda ayay fursad iyo waqtiba haystaa. Waa inaan marnaba lag fikirin in Soomaaliya ay horumar ku sameyn karto iyadoo ku jirta xaalad go’doon ama keli ah. Waxaana mar walba horumarka uu ku jiraa wadajirka ama iskaashiga waddamada ay dantu ka dhexeyso. Tallaabada ay dowladda muhimad gaar ah ku siineyso ururkan ayaa sidoo kale ka tarjumeysa sida Madaxweyne Xasan Sheekh  Maxamuud ay uga go’an tahay inuu mudnaanta siiyo dadaallada kor loogu qaadayo heerka nololeed ee qof kasta oo Soomaali ah.

Waxaa jira halhays Af Sawaaxili ah oo oranaya, ‘Umoja ni Nguvu’, oo macnaheedu yahay “Midnimadu waa Awood”. Haddii ay Soomaaliya rabto in ay meel fog gaarto, waxaa Khasab ah inayna keligeen iska duulin. Waa inaan gacmaha is qabsanaa dhammaan wadamada gobolka oo aan si wada jir ah u horumarno una barwaaqowno. Waxaan si weyn u dhowreynaa dhammaadka bishan November si rasmi ah na loogu aqoonsado inaan noqono xubinta cusub eek u soo biireysa Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (East African Community).  Tallaabadan ayaa abuuri doontaa waa cusub oo rajo leh, xasilooni, iskaashi iyo horumar wadaag ah. Waxaan rajeyneynaa inaan qeyb ka qaadano kulanka lagu soo bandhigi doono Hiigsiga 2050 ee Urur Goboleedka EAC ee wanaajinta ka faa’iidaysiga kheyraadka gobolka si loo dardargeliyo wax soo saarka iyo samafalka dadyowga gobolka ku nool.

 

 

Viva, EAC, VIVA!

 

Waxaa qoray Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Mudane Daud Aweis

Wasiir Jaamac oo Muqdisho ka daahfuray qorshaha qaran ee isgaarsiinta xaaladaha degdega ah

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa magaalada Muqdisho maanta ka daahfuray qorshaha qaran ee isgaarsiinta xaaladaha degdega ah oo kaalin weyn ka qaadan doonto maareynta musiibooyinka.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka socday Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo madax ka socotay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA.

Guddomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA Maxamuud Macallin Cabdullaahi oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa yiri, “Hay’adda maareyenta wax badan ayay ka qabatay xaaladaha musiibooyinka iyadoo kaashaneyso hay’adda isgaarsiinta Qaranka.”

Taliska Ciidanka Xoogga oo toogtay Naftii halige isku soo xiray walxaha qarxa

Taliska ciidanka dhulka XDS ayaa Abaare 08:21 AM Subaxnimo toogtay dhagarqabe waxyaabaha qarxa isku soo xiray kaasi oo doonayay inuu isku qarxiyo albaabka laga gelo kuliyada jaale siyaad ee 77.

Ciidanka XDS ayaa naftii haligaha isku soo xiray waxyaaba qarxa ku toogtay inta aanu soo gaari albaabka hore jaale siyaad ee 77.

Taliska ciidanka dhulka xds wuxuu cadaynayaa inaanu jirin wax qasaara ah oo gaaray ciidanka marka laga reebo dhagarqabihii ciidanku toogteen ee isku soo xiray waxyaabaha qarxa.

Ciidanka geesiyaasha XDS habeen iyo maalin waxeey u taaganyihiin inay kahortagaan dhagarta khawaarijta iyo ciribtirkooda.