Siddeed qof oo ku geeriyootay fatahaadda webiga Shabeelle ee Baladweyne

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku geeriyootay fatahaadda wabiga Shabeelle ee magaalada Baladweyne 24-ktii saac ee la soo dhaafay, sida ay xaqiijiyeen maamulka degmada Baladweyne.

Duqa magaalada Baladweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa sheegtay in labadii sana ee lasoo dhaafay ay magaaladu wajahaysay fatahaado baaxad leh, halka dhowr marna ay jabsadeen biya xireennadii la sameeyay, kuwaas oo sababay qasaara nafeed iyo mid hantiyeed.

Maayor, Nadar ayaa sheegtay in hay’adaha samafalku ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka ay saameeyeen fatahaaduhu, waxayna deeq bixiyayaashu ka codsatay in ay gargaar bini’aaddan-nimo lasoo gaaraan dadka ku barakacay duleedyada magaalada iyo kuwa ku xanniban xaafadaha.

Guddoomiyaha SoDMa oo Muqdisho ka furay Shir looga hadlayo midaynta Fariimaha looga digayo khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay shir wadatashi ah kaas oo looga hadlaayo Mideynta fariimaha digniinaha hore kaas oo ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen hay’adda yareeynta qataraha masiiboyinka ee Qaramada midoobay iyo hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA.

Shirkan Waxaa looga hadlayaa sidii loo mideeyn lahaa ama qorshe loogu dajin lahaa fariimaha digiinaha hore ee Xaaladdaha isbdalka Cimilada (Climate change), iyadoo Dalkeena ka mid yahay Wadamada aduunka ee la daalaa dhacaaya isbadalka Cimilada.

Shirkaan waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Masuuliyiin ka socday qaar kamid ah hay’addaha kala duwan ee dowladda iyo wakiilo ka kala socday hay’addaha deeqaha bixiya .

Safiirka Soomaliya ee Ethiopia oo qaabilay Dhigiisa South Afrika

Danjirayaasha Soomaaliya iyo South Africa ee dalka Ethiopia oo ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xafiiskiisa safaaradda ku qaabilay safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee South Africa mundane Edward Xolisa Makaya.

Labada danjire ayaa isku afgartay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, is dhaafsiga khibradaha la xiriira dawlad wanaaga iyo in Soomaaliya laga taageero waxbarashada iyo kobcinta arrimaha bulshada.

Guddoomiyaha Gudidda Arrimaha Guddaha Aqalka Sare iyo wafdi ay hoggaaminayso oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada ee Golaha Aqalka Sare Sanatar Deeqo Xasan Xuseen ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka KGS.

Wafdiga guddoomiyaha waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud kusoo dhaweeyay guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiilada dowlad gobaleedka KGS Xildhibaan Irshaad Maxamed Aadan Iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.

Inta wafdiga guddoomiyaha ay ku sugan yihiin magaalada Baydhabo waxaa ay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiinta maamulka Koonfur galbeed, kuwaasi oo ay kala hadli doonaan qoddob muhiim ah oo ku saabsan xiriirka dowlad gobaleedyada iyo iyo Aqalka sare.

Wasaaradda warfaafinta oo u hambalyeysay Jilaa Cabdiraxmaan Fiilo oo bilad ku guuleystay

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda FS mudane Daa’uud Aweys Jaamac, wasiir ku xigeenka wasaaradda mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala, agaasimaha guud ee wasaaradda Cabdulaahi Xayir Ducaale iyo waaxyaha kale ee wasaaradda ayaa u hambalayeeyey Jilaa Cabdiraxmaan Fiilo oo ku guuleystay biladda Jilaaga ugu wanaagsan Afrika (AEA USA) oo lagu qabtay magaalada New York ee dalja Maraykanka.

Cabdiraxmaan Fiilo ayaa ku guuleystey tartan codayn ah oo ay kula loolameen qaar ka mid ah jilayaasha ugu waawayn qaaradda Afrika.

Mas’uuliyiinta wasaaradda ayaa jilaaga oo ka tirsan wasaaradda ku bogaadiyey guusha muhiimka ah ee uu gaaray, iyagoo ku dhiirri galiyey inuu hibadiisa ugu adeego dalkiisa iyo dadkiisa.

Wasiirka wasaaradda shaqada oo kormeeray guddiga Qaran ee shaqaalaha rayidka

Wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya mdane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey xaruunta guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda.

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka mudane Xasan Abshirow Maxamed oo kulan ku yeeshay Xarunta Guddiga ayaa kawada hadlay arrimaha Maamulka iyo Maareynta Shaqaalaha.

Wasiirka iyo guddoomiyaha ayaa warbixin ka dhegaystay guddiga Jaangoynta Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka Dowladda, iyada oo kulanka lagu soo bandhigay waxyaabihii qabsoomay, arrimaha hortebinta leh iyo fursadahaha jira.

Sidoo kale, warbixin hordhac ah laga dhegaystay Guddoomiyaha Guddiga Tirakoobka Shaqaalaha Kumeel-gaarka Mudane Axmed Maxamed Xasan, isagoo si faah-faahsan ugu hadlay marxaladihii uu soo maray tirakoobka, guulaha laga gaaray iyo caqabadaha jira.

Kulamada aqalka sare oo dhawaan bilaabanaya

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa shir guddoomiyay kulanka 1-aad ee kalfadhiga 4aad ee guddiga joogtada Aqalka Sare.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyey in Nofeembar 25, 2023 ay noqoto maalinta uu sida rasmiga ah u furmi doono kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka 11aad.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanka dowladda FS oo amar ku soo rogtay ganacsatada dalka keena Shidaalka

Wareegto ka soo baxday wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta dowladda FS mudane Dr Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa lagu amray ganacsatada dalka ee keena Shidaalka inay raacaan hab-raaca sharci ee loo dajiyey keenista Shidaalka, si loo ilaaliyo tayada badeecooyinka dalka soo galaya.

Halkan ka aqriso wareegtada

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurka Sonkorowga oo Muqdisho lagu qabtay

Munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee cudurka Sonkorowga oo ay qabanqaabisay wasaaradda caafimaadka dowladda FS waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda oo uu ka mid yahay wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaad iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Xasan bullaale, xildhibaano, Dhaqaatiir, hay’ado caalami ah iyo kuwa maxali ah, maamulada Isbitaalada dowliga ah iyo kuwa gaarka loo lee yahay, khuburo caafimaad iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda xuska maalinta Sokorowga waxaa barbar socday inta ay socotey baaritaano bilaash ah oo ku saabsan xanuunka Sokorowga iyadoo qeybta Cudurada aan Faafin (Non Communicable Diseases) ee wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto wacyi gellinta xanuunka Sokorowga guud ahaan bishan.

Hal ku dhigga sanadkan ee xuska maalinta Sokorowga aduunka ayaa ahaa ‘Helidda adeegga caafimaadka cudurka Sokorta, waxaana wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ay xoogga saaraysaa kor u qaadida wacyi gelinta bulshada Soomaaliyeed, si looga baaqsado halis kasta oo ka dhalan karta wacyi gelin la’aan iyo feejignaan xili hore ah, taas oo hoos u dhiga karta tirada uu haleelo xanuunkan sanad kasta.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo kormeer ugu tagay dadka ay daadadku saameeyeen ee Baydhabo ku sugan

Raiisul wasaare ku xigeenka xukuumadda JFS mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo si uu ugu kuur-galo xaaladda dadka ay saameyeen daadadka ka dhashay roobabka deyrta (El-nino).
Mudane Saalax oo ay weheliyaan masuuliyiinta hay’adda SoDMA, xubno kamid ah hey’adaha samafalka iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa booqday xeryaha qaxootiga iyo dadka nugul oo ay waxyeello iyo barakac kale kasoo gaartay roobabka.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa kulammo la yeeshay Madaxweynaha dowladda Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo sidoo kale hay’adaha ka shaqeeya gargaarka, isagoo kula dardaarmay in la mideeyo dhammaan dadaallada socda si gurmad loo gaarsiiyo dadka biyuhu saameeyeen isla markaana looga hortago cudurrada ka dhasha biyaha.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed inay usoo gurmadaan dadka dhibaataysan ee ay roobabku saameeyeen.