Guddoomiyaha SoDMa oo Muqdisho ka furay Shir looga hadlayo midaynta Fariimaha looga digayo khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay shir wadatashi ah kaas oo looga hadlaayo Mideynta fariimaha digniinaha hore kaas oo ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen hay’adda yareeynta qataraha masiiboyinka ee Qaramada midoobay iyo hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA.

Shirkan Waxaa looga hadlayaa sidii loo mideeyn lahaa ama qorshe loogu dajin lahaa fariimaha digiinaha hore ee Xaaladdaha isbdalka Cimilada (Climate change), iyadoo Dalkeena ka mid yahay Wadamada aduunka ee la daalaa dhacaaya isbadalka Cimilada.

Shirkaan waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Masuuliyiin ka socday qaar kamid ah hay’addaha kala duwan ee dowladda iyo wakiilo ka kala socday hay’addaha deeqaha bixiya .