Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo gargaar u dirtay Baardheere

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo wali wada gurmadka loo sameenaayo shacabka Soomaaliyeed ee iskugu darsoomeen daadadka El-Niño iyo fatahaadaha ay sameyeen wabbiyada Jubba iyo Shabelle ayaa maanta waxa magalaada Baardheere u dirtay Diyaarad wada shixnad mucaawino ah oo gaaraysa ilaa 6-Tan.

Baardheere waxa ay kamid tahay degmooyinka gobolka Gedo kuwooda ssameynta dag ay ka soo gaartay fatahaada wabbiga jubba, taas oo keentay in ay go’do buundii Baardheere waxaana hore sidaan oo kale hay’adda Maareynta musiiboyinka magaalaaas ugu dirtay Doonyo nuuca dheereeya ah si loo badbaadiyo shacab ay go’doomiyeen Biyaha.

Gargaarkaan waxaa loogu talagalay in la gaarsiyo shacabka ku barakacay dadaadka iyo fatahaadaha.

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo la horkeenay Saraakiil Dowladdeed oo loo haysto Musuq maasuq

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dhegaysiga Dacwad loo haysto Saraakiil Dowladdeed oo ku Eedaysan Musuq maasuq.

Eedaysanayaasha ayaa ka kala ah Agaasimihii hore ee Haya’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Maxamed Aadan Koofi kaas oo ku eedaysan lunsasho Hanti gaaraysa 4 Malyan oo dollar iyo Eedaymo kale oo Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranku ku soo eeddeeyey.

Sidoo kale Waxa Eedaysanayaasha ka mid ah Cabdulqaadir Cilmi Cali oo ah agaasimihii hore ee Haya’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha isagoo ku Eedaysan ka qayb qaadasho dambi iyo gudasho la’aan waajib iyo masuuliyad Xafiis Dowladdeed,sidoo kale waxa uu ka qayb qaatay lunsasho dakhli dowladdeed oo gaaraysa 5,327,355 oo dollar iyo Eeddaymo kale oo uu ku soo oogay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Sidoo kale waxa Eedaysanayaasha Maxkamadda la hor keenay ka mid ah Cusmaan Xasan Cosoble,Cabdikaafi Xasan Maxamed iyo Agaasimihii Cashuuraha Bariga ee Wasaaradda maaliyadda Eedaysane Muxiyadiin Xasan Jurus Saabeey oo ku Eedaysan lunsasho hanti maaliyadeed oo dhan 20 Malyan oo dollar.

Madaxweyne Guudlaawe oo gaaray Mahadaay

Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo  gaaray degmada Mahadaay ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xaafadaha degmada oo ay saameeyeen roobab iyo fatahaadaha ku dhuftay Degmada Mahadaay.

Madaxweynaha oo kormeer socod ah ku maray qeybaha kala duwan ee xaafadaha degmada Mahadaay ayaa u kuurgalay xaalada dhabta ee ka jirta Degmada oo inta badan xaafadaha looga barakacay roobabka da’aya iyo fatahaada wabiga shabeelle.

Madaxweynaha oo booqashadiisa ay ku wehliyeen Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Wasiir Ku Xigeenka Maaliyada, Wasiir Ku Xigeenka Beeraha iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ugu baaqay bulshada Hirshabeelle inay isu gargaaraan isagoo deeq gargaar ah gaarsiiyay shacabka ku dhibaateysan Degmada Mahadaay.

Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday roobabka iyo fatahaadaha ka jira Magaalada Beledweyne isagoo tilmaamay in xaalad bini’aadanimo oo daran ay ka jirto halkaas loona baahan yahay in gurmad iyo garab istaag loo sameeyo bulshada beledweyne oo guud ahaan uu saameeyay daadadka iyo fatahaada.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa xusay in boqolaal qoys ay hoygoodii iyo hantidoodii ku waayey daadadka iyo Fatahaada Wabiga Shabeele, isaga oo shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Samafalka ugu baaqay in usoo gurmadaan shacabka la daala dhacaya musiibada fatahaadaha ah.

    

SODMA oo soo saartay Saadasha Roobabka dayrta

SODMA oo soo saartay Saadasha Roobabka dayrta

ByAxmed2 Min Read

Muqdisho(SONNA):- Todobada casho ee soo socota oo ah asbuuca Sedexaad ee bisha November 2023ka waxay saadaashu roobka xiliga Deryta muujinaysaa in roobab fiican ay ka di’i doonaan Dhamaan gobollada dalka waxayna ku kala duwanaan-doonaan xadiga roobabka ay helayaan sida saadaashu sheegayso roobabkaas cabirkoodu waxuu u dhaxeeyo 𝟯𝟬 𝗶𝗹𝗹𝗮𝗮 𝟮𝟬𝟬 (𝗺𝗺).

➤ Degmooyinka gobolada Gedo iyo Awdal waa meelaha ugu badan oo la filayo in ay helaan roobab xadigeedu sareeyo oo u dhaxeeya 𝟭𝟱𝟬-𝟮𝟬𝟬 𝗺𝗺, Sidookale degmooyin ka mid ah Gobalada 𝗕𝗮𝘆, 𝗕𝗮𝗸𝗼𝗼𝗹, 𝗛𝗶𝗶𝗿𝗮𝗮𝗻, 𝗦𝗼𝗼𝗹, 𝗡𝘂𝗴𝗮𝗮𝗹, 𝗪𝗮𝗾𝗼𝗼𝘆𝗶 𝗴𝗮𝗯𝗲𝗲𝗱, 𝗠𝘂𝗱𝘂𝗴, 𝗚𝗮𝗹𝗴𝗮𝗱𝘂𝘂𝗱, 𝗦𝗵𝗮𝗯𝗲𝗲𝗹𝗮𝗱𝗮-𝗱𝗵𝗮𝘅𝗲, 𝗦𝗵𝗮𝗯𝗲𝗲𝗹𝗮𝗱𝗮-𝗛𝗼𝗼𝘀𝗲, 𝗝𝘂𝗯𝗮𝗱𝗮-𝗛𝗼𝗼𝘀𝗲, 𝗝𝘂𝗯𝗮𝗱𝗮-𝗗𝗵𝗮𝘅𝗲 𝗶𝘆𝗼 𝗕𝗮𝗻𝗮𝗮𝗱𝗶𝗿 ayaa waxaa la saadaalinayaa in ay ka da’aan roobab cabirkooddu u dhaxeeyo
𝟯𝟬 𝗶𝗹𝗮𝗮 𝟴𝟬 𝗺𝗺

➤ Degmooyin ka mid ah gobalada aan kor ku soo xusnay gaar ahaan Gobalka 𝗚𝗲𝗱𝗼, 𝗔𝘄𝗱𝗮𝗹 𝗶𝘆𝗼 𝗕𝗮𝘆 waxay saadaashu sheegaysaa in roobabkaas ay sababi karaan 𝗱𝗮𝗮𝗱𝗮𝗱 iyo 𝗳𝗮𝘁𝗮𝗵𝗮𝗮𝗱𝗼
(𝗙𝗹𝗼𝗼𝗱 & 𝗙𝗹𝗮𝘀𝗵 𝗳𝗹𝗼𝗼𝗱𝘀).

➤ Waxaa sare u sii kacaya heerka biyaha wabiyada Juba iyo shabeele taasina waxaa sabab u ah roobabka xoogan ee ka da’aya qeybo ka mid ah dalka iyo buuralayda Ethiopia taasoo macnaheedu tahay 𝗶𝗻 𝗳𝗮𝘁𝗮𝗵𝗮𝗮𝗱𝘂 𝗮𝘆 𝘀𝗶𝗶 𝘀𝗼𝗰𝗼𝗻𝗱𝗼𝗼𝗻𝘁𝗼.

𝗙𝗚: Hadii roobabka la filyo todobaadkaan ay u da’aan sida saadaashu sheegeeyso, waxay geeysan karaan khasaare iskugu jira naf iyo maalba.

𝗛𝗮’𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 oo Horay u soo saartay 𝗫𝗮𝗿𝘂𝗻𝘁𝗲𝗲𝗱𝗮 𝗞𝗮 𝗱𝗶𝗴𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗛𝗮𝗹𝗶𝘀-𝘄𝗮𝗱𝗮𝗿𝗲𝗲𝗱𝗸𝗮 Saadaasha Roobab ma hiigaan ah oo dalka ka da’ay kuwaas oo geeystay Daadad iyo Fatahaado, ayaa mar kale Bulshada Soomaaliyeed u direeysay Digniino si loogu feejignaado saameynta roobku ku yeelan karo nafta iyo Hantida shacabka Soomaaliyeed.

Forcasting Tempalate Week 1aad June 20 – 27 2023

Socdaalka madaxweynaha JFS ee Burundi oo war-murtiyeed wadajir ah laga soo saaray

War-murtiyeed wadajir ah oo ku saabsan socdaalka shaqo ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku joogo Jamhuuriyadda Burundi.

1. Casuumaad uu fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi Mudane Evariste Ndayishimiye, sidoo kalena ah Guddoomiyaha Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku soo gaaray dalkan, 15ka Noofambar 2023.

2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoggaaminaya wafdi ka kooban wasiirro iyo mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

3. Markii uu ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Melchior Ndadaye ee magaalada Bujumbura Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiis waa si diirran u soo dhaweeyey Danjire Albert Shinjiro, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiirro iyo Madax sare oo ka tirsan Dowladda Burundi.

4. Gelinkii dambe, waxa ay si saaxiibtinimo leh labada Madaxweyne u yeesheen kulan fool-ka-fool ah, kaas oo ay ku muujiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee adag ee aan ku kubneyn labada dawladood oo keliya, balse sidoo kale ka dhexeeya labada shacab ee Burundi iyo Soomaaliya.

5. Labada Madaxweyne waxay dib u eegis ku sameeyeen heerka iskaashiga saaxiibtinimo ee labada dal, waxayna ku adkeeyeen baahida loo qabo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhow ee ku saleysan kalsoonida iyo danaha guud ee labada dowladood iyo shacab.

6. Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dhiggiisa Burundi Madaxweyne Evariste Ndayishimiye ku ammaanay dadaalkiisa aan daalka lahayn ee uu gacanta kaga geysanayo dib u soo celinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya iyadoo loo sii marayo Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS. Sidoo kale, labada hoggaamiye waxay bogaadiyeen Ciidanka Burundi, kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa ATMIS ee ku sugan furimaha ee la dagaallamaya kooxda argagaxiso ee Al-Shabaab.

7. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu kaloo ku ammaanay Madaxweyne Evariste Ndayishimiye doorka uu qaatay dib u soo celinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Kongo iyadoo loo sii marayo geeddisocodka Nairobi iyo sidoo kale doorka Burundi ee hawlgalka nabad ilaalinta ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

8. Mudane Evariste Ndayishimiye, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi wuxuu uga mahadceliyay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya booqashada shaqo ee uu ku yimid Jamhuuriyadda Burundi, wuxuuna ku ammaanay dadaalladiisa aan daalka lahayn ee ugu jiro nabadda, amniga, dimuqraaddiyada iyo horumarka Jamhuuriyadda Federaalk Soomaaliya.

9. Labada Madaxweyne waxay ammaaneen dhisidda Guddiga Wadajirka ah ee joogtada ah ee qaabilsan iskaashiga (JPCC) si loo dajiyo qaab dhismeed iskaashi labo geesood ah oo u dhaxeeya labada dal, iskaashi dhinacyo badan taabanaya, sida ganacsiga iyo maalgelinta, dhisidda karaanka, beeraha, waxbarashada, caafimaadka, dalxiiska, gaashaandhigga iyo amniga, wada xaajoodyada siyaasadda, si looga faa’iideeyo labada dal iyo dadka ku nool.

10. Si loo sii xoojiyo, loo qoto dheereeyo isla markaasna loo dardargeliyo iskaashiga dhow ee u dhaxeeya labada dal, labada madaxweyne waxay hoosta ka xarriiqeeen baahida degdegga ah loo qabo in mustaqbalka dhow la qabto kulan uu yeesho Guddiga Wadajirka ah ee joogtada ah ee qaabilsan iskaashiga (JPCC). Sidaas awgeed, waxay labada madaxweyne fareen Wasiirradooda Arrimaha Dibadda inay qabanqaabiyaan kulanka Guddiga Wadajirka ah ee joogtada ah ee qaabilsan iskaashiga si sanadka danbe, iyadoo taariikhda iyo goobta kulanka lagu xaqiijin doono xiriirrada kannaalada diblomaasiyadda.

11. Arimaha heerka gobol, labada madaxweyne waxay caddeeyeen sida ay uga go’an tahay ajandaha 2030 ee Qaramada Midoobay, ajandaha 2063 ee Midowga Afrika, kan 2050 ee Dallada Bulshada Bariga Afrika iyo hirgelinta Heshiiska Ganacsiga ee hal suuq loogu abuurayo ganacsiga iyo adeegyada waddamada qaaradda Afrika AfCFTA)

12. Labada Madaxweyne waxay xoojiyeen mudnaanta ay siinayaan arrimaha hortabinta u leh Dallada Bulshada Bariga Afrika EAC ee 2022-2026, kuwaas oo ay ka mid tahay, hirgelinta Kastamka mideysan (SCT), in waajibaadka heer gobol lagu saleeyo duruufaha maxaliga ah, si waafaqsan hab-raaca suuqa Mideysan ee dallada EAC, xoojinta nabadda, amniga, xasilloonida iyo maamul wanaag gobolka.

13. Labada dhinac waxay sidoo kale dib u eegid ku sameeyeen xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee wadajirka u saameynaya, oo ay ka mid yihiin xaaladaha Koongo DRC iyo Suudaan. Labada dhinac waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamku ee dadaallada heer gobol ee hadda socda kuwaas oo ku qotoma in xal siyaasadeed oo dhammaystiran laga gaaro xiisadda Koongo DRC si waafaqsan is afgaradyadii Nairobi iyo Luanda.

Arrimaha Suudaan, labada Hogaamiye waxay isla qaateen baahida degdega ah ee loo qabo in xabadda la joojiyo si loo fasaxo gargaarka bini’aadantinimo iyo in xal waara loogu helo colaadda Suudaan iyadoo loo marayo wadahadal iyo iskaashi.

14. Arrimaha Caalamiga ah, Labada Madaxweyne waxay walaac xooggan ka muujiyeen xaaladda amni ee adduunka ee ay ku soo badanayaan colaadaha tooska ah ee u dhexeeya Waddamada iyo Dagaallada dadban ee ka socda gobollo dhowr ah, waxayna ugu baaqeen dhammaan dalalka ay khusayso in ay adeegsadaan hannaan Diblomaasiyadeed oo ay ka mid tahay wada-hadal, gorgortan iyo iskaashi si xal nabadeed loogu helo caqabadaha amni ee soo wajaha adduunka xilligaan aadka u adag.

15. Labada Madaxweyne waxay kaloo adkeeyeen in la ixtiraamo Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah ee ku aaddan maaraynta colaahada hadda ka socda adduunka, waxayna Labada Madaxweyne baaq u direen dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha soo noqnoqday ee adduunku inay si degdeg ah u joojiyaan xabbadda si loo badbaadiyo nolosha dadka aan waxba galabsan, loogana gudbo sababaha wiiqaya dadaallada horumarineed ee caalamiga ah.

16. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gabagebadii safarkiisa shaqo waxa uu mahadcelin iyo bogaadin u jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi Mudane Evariste NDAYISHIMIYE, Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Burundi soo dhawaynta iyo maamuuska ay ku qaabileen isaga iyo weftigii uu hoggaaminayey ee soo gaaray Jamhuuriyadda Burundi.

Dowladda Soomaaliya oo mar kale ka digtay saamaynta roobab la saadaalinayo

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda FS mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka guddiga heer Qaran ee gurmadka dadka ay saameeyeen daadadka ka dhashay roobabka deyrta ee ka da’aya qeybo kamid ah gobollada dalka.

Guddiga oo ay qeyb ka yihiin xubno ka socda golaha wasiirrada, hay’adda SoDMA, bulshada rayidka ah iyo culimada, ayaa waxaa la isku raacay in la qabto shir-weyne bulshada Soomaaliyeed lagula wadaagayo baaxadda dhibaatada ay roobabku geysteen.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dedaallada socda ee gurmadka ah, isagoo sheegay in xukuumadda Danqaran ay dedaal ballaaran ugu jirto sidii gargaar loola gaari lahaa dadka Soomaaliyeed ee roobabku ay saameeyeen.

Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee deggan meelaha togagga ah ee webiyada u dhaw in ay taxadaraan, maadaama ay saadaashu tilmaamayso in roobab kale nagu soo foogan yihiin.                

Warbixinta toddobaadlaha ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyay shir aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada, loogana hadley gurmadka fatahaadaha ku habsadey qeybo badan oo Somalia ka mid ah.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtey kadib markii uu magaalada Riyaad kaga soo qeybgaley shirar madaxeed kala duwan ay Boqortooyada Sacuudiga martigelisay.

3- Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u uku taageerayo qadiyadda Falasiin ka jeediyay shirka waddamada Islaamka kaga arinsanayeen xaaladda dhulka la haysto ee Falastiin oo ka dhacay Sacuudiga.

4- Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka maalgashiga Soomaaliya iyo Sacuudi Caraabiya uga warbixiyey fursadaha ballaaran ee maalgashiga Soomaaliya.

5- Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad kulan-doceed kula qaatay Madaxweynaha dalka Eretariya Mudane Isaias Afwerki.

6- Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad kulan gaar ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dowladood.

7- Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad kulan kula yeeshay Madaxweynaha Ciraaaq, Abdul Latif Rashid oo ay ka wadahadleen xoojinyta xiriirka labada dal.

8- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay shabakadda Arab News intii uu joogay Boqortooyada Sacuudi Caraabiya ayaa sheegay in dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta lagu dhameyn karo heshiis siyaasadeed oo ah qaabka dhismaha laba dowladood oo labada dhinac ay yeeshaan.

9- Guddoonka labada gole ee Baarlamaanka Federaalka oo go’aamiyay in 25ka bisha November uu furmi doono kalfadhiga baarlamanka.

10- Golaha Wasiiradda oo ansixiyey hindise sharciyeedka Saybarka iyo Xeer Nidaamiyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya oo lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi ee kheyraadka badaheenna.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay Nidaamka Daryeelka Bulshada oo lagu yaraynayo saboolnimada iyo sugnaan la’aanta cuntada, si loogu diyaariyo bulsho adkaysi u leh aafooyinka ay ka mid yihiin abaaraha, fatahaadaha iyo ayaxa.

13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku amray Ciidamada qalabka sida inay ka qeyb qaataan gurmadka dhibaneyaasha ay saameeyeen fatahaadaha.

14- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay kulankii u horreeyey ee Guddiga Qaran ee Gurmadka roobabka iyo daadadka El-Nino.

15- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa soo dhaweeyey go’aanadii ka soo baxay shirkii qaab dhismeedka Booliiska ee heer federal iyo heer dowlad goboleed.

16- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqey inay si buuxda uga qeyb qaataan gurmadka dhibaneyaasha ay saameeyeen fatahaadaha dalka ka jira.

17- Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka amniga ah, kaas xoojinaya xariirka soo jireeenka ah ee labada dowladood.

18- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa magaalada Riyaad ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo labada dal ay yeelanayaan.

19- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Riyaad kula kulmey Wasiirka Maaliyadda dalka Sacuudiga Mudane Maxamed Al-Jaddan.

20- Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in 14 qof ay ku dhinteen fatahaadaha Wabiga Jubba ee deegaanada Jubbaland.

21- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin ayaa magaalada Qaahira kulan kula yeeshay Wasiirka Cadaaladda ee Masar, mudane Cumar Marwaan.

22- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daa’uud Aways Jaamac ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay qaar ka mid ah hawlwadeennada eesiyaasha ah ee warbaahinta qaranka ee sida wacan uga qeyb qaatay dagaalka Khawaarijta.

23- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray qorshaha qaran ee isgaarsiinta xaaladaha degdega ah oo kaalin weyn ka qaadan doonto maareynta musiibooyinka..

24- Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Paris uga qeyb galay Shirweynaha 42aad ee UNESCO.

25- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Dr. Maxamed Cilmi ayaa shir guddoomiyay kulan ay soo qabanqaabiyeen waaxda Badqabka iyo Caafimaadka goobaha shaqada ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada oo looga arinsanayey bedqabka shaqaalaha.

26- Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Mohamed Al Makhzoumi ayaa ku guuleysatey abaalmarinta Africa Sustainability Outliers Award ee sannadka 2023-ka.

27- Wasiirka Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf ayaa sheegay in hawlgal ka dhacay degmada Ceeldheer lagu khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

28- Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa la kulmay safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mudane Amb. Ibrahim M. Yagli waxaana ay ka wada hadlaan xaaladda fatahaadaha ee dalka ka jira.

29- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa shixnad gargaar ah geysat Degmada Doolow ee Gobolke Gedo oo ka mid ah meelaha ay sida aadka ah u aafeeyeen fatahaadaha.

30- Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha iyo daadadka El-Niño ayaa kulan la yeeshay wakiilo ka socday hay’addaha deeqaha bixiya ee dalalka Islaamka.

31- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa toogtay dhagarqabe waxyaabaha qarxa isku soo xiray kaasi oo doonayay inuu isku qarxiyo albaabka laga gelo Kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

32- Laamaha ammaanka magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo gacanta kusoo dhigay nin horay dil u geystay.

33- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shirka degmooyinka Gobolka Banaadir oo looga hadlayay maareynta dhibaatooyinka ka dhashay daadadka roobkii ka da’ay Muqdisho.

34- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukuno xabsi ah ku ridday qeyb ka mid ah dad ka eedeysaneyaal ka tirsanaa laamaha maamulka Degmada Hodan oo argagixisanimo loo haystay.

35- Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad xooggan ka sameeyay xaafado ka tirsan magaalada Beled Weyne ee Gobolka Hiiraan.

36- Ciidanka Xoogga Dalka oo degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ka soo qabtay horjoogihii baadda shacabka u qaabilsanaa khawaarijta, Cabaas Caraaye (Garoobshe), kaas oo mudda ku dhuumaaleysanayay degaankaas.

 

===DHAMMAAD====

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Burundi

Bujumbura (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo oo maalin ah ku tagay dalka Burundi, halkaas oo uu kulammo kula qaadanayo Madaxweynaha dalkaas Mudane Évariste Ndayishimiye.
Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhaweeyey qasriga Madaxtooyada dalkaas ayaa safarkiisu waxa uu ku qotomaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo abaabulka dagaalka ka dhanka Khawaarijta, maadaama dalka Burundi uu safka hore kaga jiro dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Xasan Sheekh ayaa kala hadlaya dhiggiisa dalka Burundi Mudane Évariste Ndayishimiye oo ah guddoomiyaha dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) sidii loo dadajin lahaa dhameystirka galka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan ku biirista dalladdan oo fursad u noqonaysa ganacsiga iyo isu-socodka dadka Soomaaliyeed.
Wafdiga Madaxweynaha ku weheliya booqashadan ayaa kulammo kala duwan la qaadan doona dhiggooda dalka Burundi, waxa uuna Madaxweynuhu uga mahadceliyey dhiggiisa dalkaas, shacabka iyo dowladda Burundi soo dhaweynta walaalnimada ah ee ay u muujiyeen iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dagaalka ka dhanka Khawaarijta.
   

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda XFS ayaa dhagax-dhigay dhismaha Xarunta Xogta Qaranka oo laga dhisayo magaalada Muqdisho

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Jaamac Xasan Khaliif, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha Xarunta Xogta Qaranka oo laga dhisayo magaalada Muqdisho.

Dhismaha Xaruntan wuxuu xoojinayaa adeegyada Teknolojiyadeed ee ay bixiyaan hay’adaha dowladda, waxaana loogu talogalay inay martigeliso xogaha kala duwan ee ay ku shaqeeyaan Hay’adaha dowladda ee bixiya adeegyada teknolojiyadeed.

Xaruntan ayaa marka la dhammeystiro dhismaheeda iyo qalabeynteedaba, waxay meel isugu keeni doontaa xarumaha xogta ee ay leeyihiin qaar ka mid ah hay’adaha dowladeed, iyadoo fursad u siin doonta inay qalabkooda keensan karaan xaruntan. Sidaasi darteed, waxay xaruntu fududeyn doontaa adeegyada dowladda ee ay u fidiso shacabka (government to citizens), adeegyada dowladda ee ay fidiso ganacsatada (government to business) iyo adeegyada ka dhexeeya dowladda.

Md. Mustafa Yaasiin, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), ayaa tilmaamay dowrka muhiimka ah ee xarunta xogta ay ku leedahay buuxinta baahida bulshada Soomaaliyeed ee dhijitaalka, taas oo si xawli ah u kordheysa. “Xaruntan casriga ah waxay xoojin doontaa oo aasaas u noqoneysaa adeegyada teknolojiyadeed ee dalka, iyadoo buuxin doonta baahida sii kordheysa ee martigelinta iyo habaynta xogta dhijitaalka ah,” ayuu yiri.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif oo dhagaxdhigay xarunta ayaa xusay inay guul tahay in la soo gaaray dhagaxdhigga xaruntan. “Xarunta Xogta Qaranka waxay calaamad u tahay tallaabo muhim ah oo horay loo qaaday si loo gaaro ujeedooyinka lagu qeexay siyaasadeena ICT-da qaranka. Waxayna muujineysaa sida ay nooga go’an tahay kor u qaadista horumarka teknoolajiyada iyo baahinta adeegyada dhijitaalka ah.”

Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo la kulmay Safiirka Jarmalka ee Soomaliya By Axmed November 15, 2023 1 Min Read

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta la kulmay safiirka Jarmalka ee Soomaaliya Amb. Sebastian Groth, iyagoo ka wada hadlay nabad dhiska, gargaarka banii’aadnimo iyo dhibaatooyinka fatahaadaha.

Amb. Sebastian Groth safiirka Jarmalka ee Soomaaliya oo goobta ka hadlay ayaa adkeeyey sida dalkiisu uga la shaqeynayo xukuumadda Soomaaliya arrimaha hortabinta u leh.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa uga mahadceliyay dowlada Jarmalka iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah sida ay Soomaaliya uga taageeraan arrimaha la xiriira qaran dhiska.