Bacaadweyne oo lagu soo bandhigay Ciidamo ka qayb noqonaya la dagaalanka Khawaarijta

Bacaadweyne- Boqolaal Ciidamo Deegaanka ah oo ka qayb qadanaya dagaalka Khawaarijta ayaa shalay waxaa lagu soo bandhigay Magaalada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, kuwaas oo diyaar u ah in ay ka qaybqataan soo afjarista Khawaarijta .

Ciidankaan waxaa  kormer ugu tagay Saraakil ka kala tirsan Dowlada Federaalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka, waxaana ay u shegeen in ay u diyaar garoobaan howlgal culus oo Khawaarijta looga sarayo deeganada Galmudug.

Guud ahaan dalka si gaar ah Galmudug waxaa uga socda howlgalo culus oo ka dhan ah khawaarijta Al-shabaab, waxaana looga qabsaday dhul badan oo muddo jogeen.

               

Dab xooggan oo ka kacay Suuqa Xamar weyne

Maamulka gobolka Banaadir iyo Shacabka oo is kaashanaya ayaa ku guuleystay daminta dab xooggan oo qabsaday qeybo kamid ah suuqa Xamarweyne.

Dabka ayaa markii hore ka kacay suuqa qeybta Masjidka Marwaaz, waxaa uuna ku fiday qeybaha Suuqa Dahablaha, kawaanka Hilibka iyo meelo kale.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo goobta kula hadlay warbaahinta ayaa ku bogaadiyey maamulka iyo dadkii ka qeyb qaatay daminta dabkaas.

Guddoomiye Madaale “Waxaan daminnay dabkii kacay, waxaana si gaar ah ula xisaabtami doona shirkadaha Korontada,”

Dabkan oo khasaare xooggan dhaliyay ayaa wali maamulka sheegin cadadka hantida ku baa’baday,iyadoo qaar kamid ganacsatada halkaas sheegeen in hanti waxii halkaas u yiilay dabku la tagay.

Dab xooggan oo ka kacay Suuqa Xamarweyne

Dab xooggan ayaa goordhow qabsaday qeybo kamid ah suuqa Xamarweyne ee gobolka Banaadir, waxaana hadda socda dadaal ku aadan sidii loo damin lahaa.

Dabka ayaa ka kacay aaga Masjidka Marwazi gaar ahaan qeybta kabaha lagu iibiyo, qaxaana socda dadaallada lagu daminaya dabka.

Illaa hadda lama oga waxa dhaliyey dabka ka kacay Suuqa Xamarweyne oo ah Suuqa labaad ee ugu guud ahaan dalka.

Ra”iisul wasaaraha XFS oo kormeer dhiirigelin ah ugu tegay Ciidanka Xasillinta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer dhiirigelin ah ugu tagey ciidanka xasillinta caasimadda ee millatariga sida Booliska u howlgala (Polizia militare) ee ku sugan xerada Hiil-weyne oo ku taalla inta dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay abaal uga hayaan ciidanka xasillinta ee sida ay u xaqiijiyeen amniga caasimadda muddo gaaban.

Waxa uu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in maanta ay Muqdisho dhanka amniga lamid tahay caasimadaha dhiggeeda ah ee caalamka, isla markaana ay ciidanku meesha ka saareen wax walba oo dhibaato ku ahaa amniga iyo kala danbeynta caasimadda,

“Waxaan idin kugu imid si aan u qiro kartidiina iyo dhiiggiina aad u hurteen dalkiinna, gaar ahaan caasimadda Qaranka, waxaan idinkaga mahadcelinayaa sida aad u badesheen wajigii ay lahayd magaalada Muqdisho. Maalintii aad timaadeen ayaa ugu danbeysay magaaladaan wajigii foosha xumaa, taas oo ku timid dhiiggiina aad hurteen iyo geesinimadiina”.Ayuu yiri R/Wasaare Xamsa oo la hadlayey ciidanka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa intii uu ku sugnaa Xerada Hiil-weyne, wuxuu kulan looga hadlayay dardargelinta amniga caasimadda la qaatay hey’adaha amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

       

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka SODMA oo Beydhabo gaatsiisay shixnad mucaawino ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA ayaa maanta oo Jimco ah markii Sadaxaad waxa ay diyaarad sidday shixnad mucaawino ah u dirtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Gargaarkaan oo garayaa ilaa 10-tan oo isugu jira noocyada raashinka fudud,ayaa loogu talagalay in la gaarsuuyo dadka ay saameeyeen fatahaadda roobabka ee ka jira gobollo badan oo Soomaali ah.

Hay’adda SODMA oo gacan ka helaya Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an caawinta iyo u gargaarida bulshada Soomaaliyed ee ay dhibaatadu ka soo gaartay  fatahaadaha.

Baydhabo waxa ay ka mitahay Magaaloyinka ay sameeyeen daadadka El-Niño oo keentay waxyeello iskugu jiray Dhimasho iyo Burbur hantiyadeed.

Ciidanka Booliska Jubbaland oo gacanta ku dhigay 142-Kiillo oo xashiish ah.

Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa manta howlgal ay sameeyeen ku soo qabtay laba eedeysane oo watay gaari lagu soo qariyay xashiish gaaraya 142-Kiillo.

Saraakiil u hadlay Boliiska ayaa sheegay inXashiishkan lagu soo qabtay laba eedaysane iyo gaadhi nooca Soomaalidu u taqaan Afjiir,kaas oo sidday ciidda lagu dhiso guryaha si ciidamada Ammaaka looga qariyo mukhaadaraadkaasi..

Ciidama Booliska Jubbaland waa kuwo loo tababaray kahortagga walxaha halista ku ah shacabka,waxayna mar kasta diyaar u yihiin in ay la dagaalamaan dadka ka ganacsada walxaha maanka dooriya.

Sidoo kale,Ciidamada Booliska waxa ay har iyo habeen u taagan yihiin sugidda amniga iyo ka hortagga cid kasta oo isku dayda in ay khalkhal galiso amniga shacabka iyo kan dowlad goboleedka Jubbaland.

Ciidamada Xoogga oo dilay dhowr khawaarij ah oo ku sugnaa Bakool

Howlgal ay ciidamada xoogga dalka guutada 9-aad ee gobolka Bakool ka sameeyeen tuulada Makiiney oo 40 KM dhinac Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada xuddur ayaa lagu dilay 3 ka mid ah kooxda Khawaarijta

Howlgalkan ayaa sidoo kale Khawaarijta looga furtay hubkii ay wateen sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha hoggaaminaya ciidamada Xooga dalka qeybta 60-aad guutada 9-aad ee gobolka Bakool.

Deegaano hoostaga degmada Xuddur waxaa ka socda howlgal khawaarijta looga sifeyna tuulooyinka ay ku dhuumaaleysanayaan waana qeyb ka mid ah howlgalka wejiga labaad ee xoreynta dalka ee ka socda Soonfur Galbeed Soomaaliya.

Hirshabeelle oo lagu dhaariyay gasoorayaal cusub oo ka howlgali doona maxkamadaha

Qaar kamid ah Maamulka Hirshabeelle  ayaa ka qeybgalay xaflad lagu dhaarinaayey garsoorayaal cusub oo loogu talagalay in ay ka howlgalaan Maxkamado laga hirgeliyay deegaannadii dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta.

Xafladdaan oo ka dhacday deegaanka Burka Darimeed waxaa ka qeybgalay Wasiirka maaliyadda Hirshabeelle C/raxiin Ciise Caddoow, Taliyaha Taliska Ciidanka Daraawiishta C/Laahi Mire Siyaad iyo xubno kale oo la socday maamulkaasi.

Garsoorayaashaasi oo dhowaan lagu soo xulay tartan loo qabtay dad badan oo aqonyahanno ah,waxaa la faray in ay si daacadnimo ah ugu adeegaan bulshada,isla markaana ay gutaan   Waajibka shaqo ee ay u hayaan umadda.

Sidoo kale Garsoorayaasha cusub waxaa lagula dardaarmay in ay ilaaliyaan shareecada islaamka, dadkana loogu shaqeeyo si caddaalad ah

Wasiirro ka tirsan XFS oo ka qeyb galay kulan la xiriiray ka hortagga lacagaha sharci-darada iyo maalgelinta argagixisada

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka qeybgalay shiray isugu yimaadeen Guddiga Qaranka ee u xilsaaran Kahortaga Lacag-dhaqista iyo Maalgelinta kooxaha Argagixisada

Shirkaan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga XFS, Wasiirka Ganacsiga, Taliyaha Hey’adda NISA, Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaliya, Xeer ilaaliyaga guud ee Qaranka iyo Agaasimaha Xarunta Warbixinada Maaliyadeed ee FRC.

Shirkaan ayaa diirada lagu saaray dadaalada istaraatiijiyadeed ee Dowladda Soomaaliya ee lagula dagaalamayo lacagaha sharci-darada ah iyo maalgelinta argagixisada oo dhib badan ku haya bulshada Soomaaliyeed.

Dhammaan xubnaha Guddiga waxa ay xoojiyeen ballan qaadkooda ku aadan in si dhaw loo wada shaqeeyo si loo ilaaliyo hey’addaha iyo bulshada Soomaaliyeed. Nidaam Maaliyadeed oo hufan walibana xoogan wuxuu daruuri u yahay in dalku helo maalgashi caalami ah, la xaqiijiyo amniga iyo horumarinta dhaqaallaha.

kumanaan ruux oo qarka u saran in ay ku dhintaan weerarada Israa’iil ee Gaza

Duqeymaha Israa’iil ayaa weli ka sii socda guud ahaan Gaza, iyadoo halis dhimasho ay ku jiraan kumanaan falastiin ah oo ku xayiran cisbitaalka al-Shifa oo la tilmaamay in ay la so derseen biyo la’aan,cunto la’aan iyo koronto ka’aan.

Af hayeenka wasaaradda caafimaadka Gaza Ashraf al-Qudra ayaa yiri “kumanaan isugu jira haween, caruur iyo bukaanno dhaawac ah ayaa halis ugu jira dhimasho” iyadoo duqeymaha Israa’iil ay ku hayaan al-Shifa ay socdaan habeenkii saddexaad.

Cisbitaalka Indonesia ee ku yaalla waqooyiga Gaza ayaa la sheegay in gebi ahaanba uu ka maqan yahay adeegga korontada,waxaana dhakhaatiirtu ay la daalaadhacayaan daweynta bukaanada aan awoodin inay daryeel ka helaan al-Shifa.

Ugu yaraan 11470 qof ayaa lagu dilay duqaymaha Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7, halka Israa’iil, tirada rasmiga ah ee ku dhimatay weerarrada Xamaas waxay maraysaa in ka badan 1200.