‘Dhabarkeygu jabay saan dan guud ugu dhakoolaaye’ (WARBIXIN)

Boqolaal Ciidamo Deegaanka ah oo ka qeyb qadanaya dagaalka Khawaarijta ayaa waxaa lagu soo bandhigay Magaalada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, kuwaasi oo diyaar u ah in ay ka qeybqataan soo afjarista dagaalka Wejigiisa 1-aad ee lagula jiro Khawaarijta ku sugan meelo ka mid ah Galmudug, Ciidankaasi oo iskood isku soo abaabulay ayaa  waxaa  kormeer ugu tagay Saraakiil ka kala tirsan Dowlada Federaalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka, waxaana ay u shegeen in ay u diyaar garoobaan howlgal culus oo Khawaarijta looga sarayo deegannada Galmudug, iyo Ciidamo isugu jira kuwa Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa diyaar u ah inay dhameystiraan meelaha kooban oo ay wali kaga harsan yihiin Galguduud.

Waxaa xusid mudan in Guud ahaan dalka si gaar ah Galmudug waxaa uga socda howlgalo culus oo ka dhan ah khawaarijta Al-shabaab, waxaana looga qabsaday dhul badan oo ay muddo ay ku dhibaateynayeen shacab Soomaaliyeed, islamarkaana u diiday inay wax la qeybsadaan deegaannada kale ee ka jira deegaannada ay dowladdu gacanta ku heyso oo leh adeegyada aas aasiga u ah horumarinta bulshada sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo adeegyada kale ee lagamamaarmaanka u ah nolosha Dadweynaha sida biyaha iyo Waddooyinnka.

“Waxaan idin kugu imid si aan u qiro kartidiina iyo dhiiggiina aad u hurteen dalkiinna, gaar ahaan caasimadda Qaranka, waxaan idinkaga mahadcelinayaa sida aad u badesheen wajigii hore ay laheyd magaalada Muqdisho. Maalintii aad timaadeen ayaa ugu dambeysay magaaladaan wajigii foosha xumaa, taas oo ku timid dhiiggiina aad u hurteen iyo geesinimadiina”.Ayuu yiri R/Wasaare Xamsa oo la hadlayey ciidanka xasillinta Caasimadda ee ku sugan Xerada Hiil-weyne mar uu howl shaqo ugu tegay xeradaasi, wuxuuna intii uu ku sugnaa Xerada Hiil-weyne uu kulan looga hadlayay dardargelinta amniga caasimadda la qaatay hey’adaha amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Ummadda Soomaaliyeed ay abaal uga hayaan ciidanka xasillinta ee sida ay u xaqiijiyeen amniga caasimadda muddo gaaban, waxa uuna  xusay Ra’iisul Wasaaruhu in maanta ay Muqdisho dhanka amniga la mid tahay caasimadaha dhiggeeda ah ee caalamka, isla markaana ay ciidanku meesha ka saareen wax walba oo dhibaato ku ahaa amniga iyo kala dambeynta caasimadda,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer dhiirigelin ah ugu tagey ciidanka xasillinta caasimadda ee millatariga sida Booliska u howlgala (Polizia militare) ee ku sugan xerada Hiil-weyne oo ku taalla inta dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad.

Haddaba si loo sii ambaqaado dardargalinta howlaha dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarjta ah ee Al-shabaab ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu guddoomiyay Shirka Guddiga Amniga Qaran ayaa looga hadalay tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga caasimadda, dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada iyo qorshaha Soomaaliya ee shir looga hadlayo amniga dalka oo ay wadajir  u qabanayaan DFS, QM iyo Midowga Afrika.

Guddiga Amniga Qaranka oo warbixin ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada ayaa ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed sida ay ula shaqeynayaan laamaha amniga, iyadoo sidoo kale lagu dhiirri geliyey Ciidanka Booliska ee u tababaran sida Milatariga dadaalka habeen iyo maalinta ah ee ay u bixinayaan amniga caasimadda.

Guddigu Amniga Qaranka ayaa bogaadiyay guulaha taariikhiga ah ee geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, gaar ahaan xoreynta deegaanno badan oo ka tirsan Mudug, Galguduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Sidoo kale, waxay adkeeyeen abaabulka iyo dhammeystirka wajiga 1-aad ee howlgalka oo horseedaya in laga sifeeyo Khawaarijta deegaannada ay kaga harsan yihiin Hirshabeelle iyo Galmudug.

Madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamed ayaa sheegay in laga guuleystay kooxaha Argagixisada ee caqabadda ku noqday dadka Soomaaliyeed in ay helaan xuquuqdooda asaasiga ah, Madaxweynaha oo wareysi dheer siiyay Jaridada Arab news ee laga leeyahay dalka Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in laga guuleysanayo Argagixisada, fursado badan oo maalgashi ahna uu waddanku leeyahay, “Waxa aan ka guuleysanay kooxaha Argagixisada ah ee dadka Soomaaliyeed u diiday in ay helaan xuquuqdooda”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in muddo lagu soo jiray halganka lagu xasilinayo Soomaaliya oo ay noqoto meel nabad ah ammaankeeduna fiican yahay, taasi oo horseedi karta in awood loo helo maal gashiyo kala duwan. “Guul ayaan hadda ka gaarnay dagaalka Argagixisada, waxa aan ku jirnaa marxaladahii uga dambeeyey ee xasilinta, nabadgelyada iyo ammaanka Soomaaliya”, Madaxweyne Xasan waxa uu intaasi raaciyay in Soomaaliya ay haatan tahay nadiif, fursado badanna ay ka jiraan, isagoo tusaale u soo qaatay ka faa’iideysiga dhaqaalaha buluugga ah, dalagyada iyo cunnada, macdanta qeybaheeda kala geddisan.

“Soomaaliya waa nadiif, waa warqadaa cad, meel kasta fursad baa ku jirta, dhaqaalaha bulugga ah waa fursad, dalagga iyo cunnada waa fursad, macdanta, dahabka, Yuraniyamka iyo kheyraad kale ee aan qaniga ku nahay waa fursado, nooc walba oo kheyraad ahna waa laga helayaa Soomaaliya”. Madaweynaha JFS Mudane, Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Soomaaliya leedahay dhul beereed fara badan kana mid ah waddamada ugu soo wax soo saarka badan dhanka dalagga haddii laga faa’iideysto, wuxuuna sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay tahay safka hore ugu jirto waddama ugu xoolaha badan dunida sidaa daraaddeedna ay ku fiican tahay maal gashiga.

“Soomaaliya waxa ay leedahay ku dhowaad 9 Milyan oo Hectar oo dhul beereed ah iyo laba Webi oo aan gurin sanadka oo idil iyo tiro wanaagsan oo xilli Roobaadyo ah, waxa ay ka mid tahay dalalka uga xoolaha badan Adduunka, sidaa darteed, Soomaaliya marka ay joogta dhanka maalgashiga waxa ay mareysaa cirka”, isagoo arrintaasi ka sii hadlaya, islamarkaana si gaar ah ula hadlaayay Boqortooyada Sacuudiga ayaa yiri:- “Soomaaliya waa kheyraad dihan oon la taaban, sidaas awgeed, kuwa kusoo horumara ayaa faa’ido badan helaya, waxa aan ku casuumaynaa Addduunka, si gaara walaalaheenna Sucuudiga in ay noqdaan kuwa ugu horreeya ee yimaadda Soomaaliya isla markaana maalgashta”.

Mdaxweynaha waxa uu ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb muddo gaareysa 60 cisho ah, waxa uuna halkaasi ka waday howlgalin dagaalka ka dhanka ah kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, waxaana xusid mudan in lagala wareegay in ka badan 70 deegaan oo ay ku jiraan degmooyin aad u muhiim ah, kuwaasi oo ka kala tirsan Gobolada Shabeellada Dhexe, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug, waxaa kaloo suurtogashay in deegaannadaasi la gaarsiiyay adeegyada aas-aasiga u adeegga bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, dhisid waddooyin, dab galin, ceel-biyoodyo iyo wixii soo raaca.

Madaxweynaha magaalada dhuusamareeb kadib waxa uu safarro shaqo ugu ambabaxay waddamada Biljam, Emaaraatka Carabta, Sacuudi Araabiya iyo kii ugu dambeeyay oo ahaa kii uu ku tegay Dalka Burundi, dhammaan socdaaladaasi waxay ahaayeen kuwa la xariira caadiyeynta xiriirada ay Soomaaliya la leeyihiin iyo inuu dhexmaro wax wada qabsi, ku qotoma walaaltinimo iyo saaxiib tinimo, waxayna dhammaantood ku soo wada dhammaadeen jawi is afgarad iyo is faham.

Haddaaba ma loo wada sinnaan kara Nin wax walba ka hormariyay danta guud iyo mid fiirsanaya dantiisa gaarka ah, waxaysan ogsooneeyn in Madaxweyne Xasan haddii uu ku guuleysto ka takhalusidda kooxda Khawaarijta ah ay macnaheedu tahay in guud ahaan ay guuleysatay Soomaaliya oo dhan, “Dhabarkeygu  jabay saan dan guud ugu dhakoolaaye” waxay ka mid tahay Erayo gabay uu horey u tiriyay AUN Abwaan Cabdulle Raage Taraawiil, taasi oo aan ka dheehan karno Madaxweynuhu sida uu ugu dhabar adeegay ka jibba keenidda howlaha uu qaranku u idmaday, waxaana leenahay allaha ku guuleeyo waajibaadkaasi uu dusha u ritay, Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud dalxoreeye guul ku waar idin illaah.

70 jir tacbashada Beertiisa ugu cararay baada Khawaarijta awgeed.

Caddow Takoow waa Aabbe 70 jir Beeraley ah, lana dalaa dhacayo  dhibaatooyin mudda ay ku hayeen kooxda khawaarihta ka hor inta ay geesiyasha Qaranku ka xoreyn degaanka uu Beerta ku leeyahay,taa uu ugu dambeyn sababtay in uu isaga cararo tacbashada Beertiisa.

Warbaahinta Qaranka oo la kulantay Aabahaan ayuu u sheegay in Beertiisa uu ka falan waaye khawaarijta oo baad ka qaadi jiray dalagyada uga soo go’a Beertiisa afar sanno ayuu Aabahaan hebeenba meel u seexan jiray isagoo ka cabsi qabo khawaarijta iyo baada ay ka qaadi jireen.

“Haddii aan la iga qaadaneyn wax Beertaan iga baxo lacag fiican ayaan ka heli lahaa,balsa khawaarijta ayaa nagu dhibay oo marwalba baad joogta ah kaarabo,hadda cid wax naga qaado ma jirto” ayuu yiri Aabe Caddow

Taako ayaa saddaxdii sano ee igu dambeysay uga tagay tacbashada Beertiisa baad khawaarijta,haddase dib ayuu ugu soo laabtay degaanka kadib markii ciidanaka Qaranka ay ka xoreyeen khawaarijta,waana mid kamid ah dhibaatada khawaarijtu ku heyso Shacabka Soomaaliyeed.

Khawaarijta ayaa mudda dhibatooyin kala duwan ku heysay shacabka soomaaliyeed,balsa dadka soomaaliyeed oo ku baraarugay dhagarta khawaarijta ayaa suurta galiyay in ay u istagaan in ay iska xoreyaan,taasi oo keenatay dhul aad u baaxad weyn laga saaro argagixisada kuwaa oo hadda shacabka degaanadasi ay ku naaloonayaan amni iyo in aysan jirin cid baad ka qadeeyso.

Geesiyaasha Qaranka ayaa wali degaanada qaar ee Gobolada dalka ka wada howlgallo khawaarijta looga sifeynayo meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan,si shacakaba soomaaliyeed ay u helaan nabad iyo xasilooni.

Maxkamadda Ciidamada oo Sakay dil toogasho ah ku fulisay Cabdisalaan Cali Axmed

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay Cabdisalaan Cali Axmed oo dilay Cabdulaahi Cali Huday bishii 09 – Nov – 2023.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa Cabdisalaan Cali Axmed waxaa ay todobaadkii tagay ku riday xukun dil ah oo ah qisaasta Marxuumka uu dilay ka dib markii ay gacanta ku soo dhigeen Ciidanka Sirdoonka Qaranka ee Nisa iyo kuwa Booliska Magaalada Guriceel oo Maalmo boodi goobayay.

Fagaaraha lagu toogtay Cabdisalaan waxaa goobjoog ahaa saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, maamulka degmada, ehellada iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha Jubbaland oo Magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha

Kisamaayo:-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha ka jira deegaannada Màamulka Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa magacaabay Gudi ka kooban 8 xubnood oo ku jiro Madaxweyne ku xigeenka labaad labaad ee Jubbland loona magacaabay wax ka qabashadaa Daadadka Roobka & Fataahadaha webiyada Jubba uu ka geysteen degaano dhowr ah oo katirsan jubbaland.

Wasiir Beene Beene “Soomaaliya waxaa ay bishaan ku biireysa Dalladda Bulshada Bariga Afrika ”

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene ayaa sheegay in meeel gebogabo ah uu marayo qorshaha ay Soomaaliya ugu biireyso Dalladda Bulshada Bariga Afrika

Wasiirka Beene Beene oo hadal jeediyay xuska maalinta tirakoobka Afrika ayaa sheegay in safarkii ugu dambeeyay ee madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh uu ku tagay labo maalin ka hor dalka Burundi inuu kulan horudhac la yeeshay guddoomiyaha Dalladda bulshada bariga Afrika ahna madaxweynaha dalka Burundi Évariste Ndayishimiye.

“Dowladda Soomaaliya  sanadkan oo dhan waxaa ay si xooggan kaga shaqeynaysay sidii aan qeyb uga noqon laheyn bah-wadaagta bulshadda Barriga Afrika, rajadaasna aad iyo aad ayey u weyn tahay, inaan ku guuleysano ayeyna u badan tahay inaan noqono wadanka 8-aad ee ku8 biiira bulshada bariga Afrika” ayuu yiri Wasiirka Beene Beene.

Wasiir Beene Beene ayaa tilmaamay dowladda Soomaaliya dadaal xoogga ay ku bixineyso inay si ballaaran kaga dhex muuqato howlaha ka socda Qaaradda Afrika taasina ay keeneyso in hey’ad walba ay qaadata kaalinteeda, iyada oo lagu xiran yahay waxyaabaha qaarrada ka taagan.

Dalladda Bulshadda bariga Afrika mid kamid ah bah-wadaagta  udub dhexaadka u ah Midowga Afrika, waxaana ku mideysan illaa 7 wadan oo bulshadooda lagu qiyaaso illaa 300 oo milyan oo qof ah. DR Congo ayaana ah xubintii ugu dambeysay ee ururka, Soomaaliya ayaa dadaal weyn ku bixisay sidii ay kamid noqon laheyd bulshadda Barriga Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyay shirka guddiga amniga Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga Qaran ayaa looga hadalay tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga caasimadda, dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada iyo qorshaha Soomaaliya ee shir looga hadlayo amniga dalka oo ay wadajir  u qabanayaan DFS, QM iyo Midowga Afrika.

Guddiga Amniga Qaranka oo warbixin ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada ayaa ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed sida ay ula shaqeynayaan laamaha amniga, iyadoo sidoo kale lagu dhiirri geliyey Ciidanka Booliska ee u tababaran sida Milatariga dadaalka habeen iyo maalinta ah ee ay u bixinayaan amniga caasimadda.

Guddigu Amniga Qaranka ayaa bogaadiyay guulaha taariikhiga ah ee geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, gaar ahaan xoreynta deegaanno badan oo ka tirsan Mudug, Galguduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Sidoo kale, waxay adkeeyeen abaabulka iyo dhammeystirka wajiga 1-aad ee howlgalka oo horseedaya in laga sifeeyo Khawaarijta deegaannada ay kaga harsan yihiin Hirshabeelle iyo Galmudug.

          

Wasiirka Arrimaha gudaha ee XFS oo kulan la yeeshay madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb. Maxamed El-Amine Souef.

Wasiira Axmed Macalin Fiqi ayaa kala hadlay Amb. Maxamed El-Amine Souef howlgaladda socda ee dalka looga saarayo Khawaarijta, xaaladaha banii’aadnimo ee ka dhashay El Niño, Xasillinta, Dib u heshiisiinta iyo arrimo kale.

Qoysas ku go’doonsan xaafadaha qaar ee magaalada Baladweyne oo xaalad adag wajahaya

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waaa mid ka mid ah meelaha ugu daran ee ay saameeyeen daadadka roobabka,waanna badweyn gudaheeda markaad eegto biyaha wada gaaray.

Xaafadda kooshin gaar ahaan waddada labaad ee halbowlaha u ah magaalada Baladweyne, waxaa soo maciin biday qoysas ay fatahaaddu ka soo barakicisay guryahooda, waa go’doon, malahan meel ay degaan, waxay baco ku xirteen biyaha dhexdooda, sariiro ay dhigteen oo ay ku jiiftaan, waxaana sariiraha hoostooda maraya, sida muuqaalka idin kaga muuqda biyaha ka soo fatahay wabiga Shabeelle.

Daruufo adag ayaa hayso qoysaskan oo ay ka mid yihiin hooy, hu’ iyo hunguri ay cunaan, warbaahinta qaranka oo booqatay goobaha ay qoysaskan ku dhaqan yihiin ayaa lagu arkayaa carruur ku jiifa sariir hoostooda ay biyo marayaan.

Cabdi-shimaale oo ka mid ah qoysaskan ayaa warbaahinta qaranka u sheeegay in aysan haysan hooy ay ka galaan dhaxanta iyo wax kasta oo dhib u keeni kara noloshooda, waxayna bannaakaas ay ku sugan yihiin marti ugu yihiin roob habeen iyo maalin kala joogsi lahayn oo korkooda ku bilowda kuna dhammaada, wuxuuna baaq u diray Dowladda federaalka iyo hay’adaha gargaarka in ay la soo gaaraan gurmad deg deg ah.

” Istaagga ayuu waaga noogu baryay, wuxuu ilaahey keennay waa ku shukrineynaa, marka hay’adaha gargaarka bixiya waxaan ka filaneynaa kheyr, Dowladda Hirshabeelle sidoo kale, waxaa ka filaneynaa in ay wax u qabato ummaddan,” ayuu yiri Cabdi-shimaale oo ka mid ah qoysaska ay saameynta ku yeesheen daadadka El-Nino.

Sannadihii ugu dambeeyay shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne waxay dhibane u ahaayeen daadadka soo noq-noqday ee wabiga Shabeelle,qaraxyo murugo reebay oo ay geysteen argagixisada iyo daadadka ka dhashay roobabkii da’ay, kuwaas oo dhibaatooyinka kala duwan u geystay shacabka.

Daadadka Baladweyne ku dhuftay ayaa wali biyiha ay sababeen ka buuxaan magaalada, roobabka oo aan wali kala joogsan ayay sheegeen dadka aar inaysan rajo ka qabin inay dhawaan ku laaban doonaan hoygoodii.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo u fariisatay dhageysiga 10-ruux oo ku aadeysan argagixisanimo

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa markale u fariisatay garmaqalka 10-ruux oo ku eedeeysan kamid noqoshada kooxda Khawariijta Al-shabaab.

10-kan ayaa safar u ahaa buuraha Galgala si ay ugu biiraan kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya buuraha sil-siladda ah ee Puntland.

Kiiskan ayaa maanta y fariisatay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana qeyb ka mid ah raggan loo haystaa in ay ka soo dagaallameen deegaannada Ceel-lahelay, Sina-dhaqo, Bacaadweyn iyo qal-qal-gelinta caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Baaraha Kiiskan oo Maxkamadda u sharxay ayaa sheegay in baaris dheer oo ay sameeyeen ay ku ogaadeen in 7-ka mid ah eedeysanayaashan u socdeen buuraha Gal-gala si ay halkaas uga dagaallmaaaan, Al-shabaabna ay ku biireen bishii lixaad ee sanadkan 2023.

7-ruux oo qaba tababaro kala duwan oo dhanka ciidanka ah waxaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ka dibna waxaa lagu wareejiyay ciidanka Danab, sida uu sheegay baaraha Kiiskan.

Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Cabdicasiis Cusmaan Faarax ayaa maxkamadda ka codsaday in lagu xukumo qodobada ay ku soo eedeeyeen, maaddaama ay khatar ku ahaayeen amniga Dalka.

Qareenka difaacayay eedeysanayaasha ayaa maxkamadda u sheegay in ay muwa-kaliintiisu qorsheynayeen in ay isku soo dhiibaan ciidamada sidaas daraateed la dhaqan-celiyo.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa soo gabo-gabeysay dhageysiga dacwadda, waxayna sheegtay in ay dib ka soo saari doonto go’aanka 10-kan ruux.

Canaanta Madaxweynaha kama darin (WARBIXIN)

Waxaa weli si xowli ah u socda dadaalada ay Dowladdu ka waddo goobihii ay aadka u saameeyeen Fatahaadaha iyo Daadadka ba’an ee ku soo rogmaday Degmooyin ka mid ah Gobolada Dalka, sidaasi awgeed ayay Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA ay shalay oo Jimco aheyd markii Seddaxaad waxa ay diyaarad sidday shixnad mucaawino ah u degtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo garayaa ilaa 10-tan oo isugu jira noocyadakala duwan ee Raashinka fudud, haddii sida kale loo dhigana waxaa loo qeybin doonaa oo loogu talagalay in la gaarsiyo dadka ay saameeyeen fatahaadda Roobabka ee ku dhaqan Magaalada Baydhabo oo tiradoodu gaareyso ilaa iyo 1.250 Qoys.

Deeqdaan oo markii horeyba loogu tagalay in la geeyo Magaalada Beledweyne oo ay uga jirto baahiyo badan ayaa sabab u ah garoonka Magaaladaasi oo ay fadhiya Biyo awgeed, sidaasi daraadeed ayaa loogu weeciyay Gargaarkaasi magaalada Baydhabo, waxaynan tahay gargaarkii 3-aad ee la gaarsiiyo halkaasi, waxayna Hey’adda SODMA oo gacan ka helaya Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an caawinta iyo u gargaarida bulshada Soomaaliyed ee ay dhibaatadu ka soo gaartay  fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay Roobka xilliga Deyrta, iyadoo magaalada Baydhabo ay ka mid tahay Magaalooyinka ay sameeyeen daadadka El-Niño oo keentay waxyeello iskugu jiray Dhimasho iyo Burbur hantiyadeed.

Mid ka mid Dadka degan Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo oo saran dooni ay Dowladdu ugu talagashay dadweynaha  oo markaasi dulsaaran mid ka mid ah Doomahaasi ayaa yiri:-“maadama aan nahay Shacabka degan magaalada Baardheere waxaan soo dhaweyneynaa in la joojiyay lacagihii baadda ahaa oo markii hore  doomaha ku raceynay, xilli Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka sheegtay in aan la aqbali karin lacagahaasi”. Baardheere waxa ay ka mid tahay degmooyinka gobolka Gedo kuwooda sameenta adag ay ka soo gaartay fatahaada wabbiga jubba, taas oo keentay in ay go’do buundii baardheere, waxaana hore sidaan oo kale hey’adda Maareynta musiiboyinka magaalaaasi ugu dirtay Doonyo nuuca dheereeya ah, si loo badbaadiyo shacab ay go’doomiyeen Biyaha.

Hey’adda maareynta masiibooyinka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay kordheen tirada dadka ku geeriyooday iyo kuwa ku barakacay daadadka iyo fataahadaha ay Roobabka da’ya sababeen, waxayna Hey’addu sheegtay in dhimashada ay gaartay ilaa iyo 50 ruux, halkii ay markii hore ka ahayd 31 qof, iyadoo sidoo kalena tilmaantay in dadka fatahaada ku barakacay iyo khasaaraha guudba uu isa soo tarayo.

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda fataahadda Beledweyne iyo dhimashada oo gaartay in ka badan 10 ruux sida uu noo xaqiijiyay Cabdisalaan Faarax Maxamed oo ah isu-duwaha Wasaradda Gargarka maareynta iyo musiiboyinka Hirshabeelle ee Gobolka Hiiraan.

Dhanka magaalada Kismaanyana Xaaladda fatahaadaha ee ka jira deegaanada Jubbaland oo saamayn weyn ku yeelatay nolosha deegaannada ay fatahaadu ka dhacday, iyadoo meelaha qaar ay adag tahay in gargaar la gaarsiiyo, isla markana burbur xoog leh uu soo gaaray kaabayaasha kala duwan, si gaar ahna degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo oo ay gabi ahaanba burbureen buundooyinkii ku yaalay. Guddiga uu dhawaan Madaxweyne Axmed Islaam uu u saaray wax ka qabaashada xaaladaha ka dhashay fatahaada ayaa wada gurmad kala duwan oo la gaarsiinayo dadka ay dhibaatadu saameysay, iyadoo durba gargaar kala duwan ay Dowladu gaarsiisay meelaha qaar.

Waxaa kale oo barakac xoog leh uu ka jiraa degmooyinka gobolka Jubbada Dhexe oo boqolaal qoys oo ka soo barakacay fatahaadaha ay soo gaarayaan deegaannada ku dhow Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo golahu uu isku raacay in gurmad lala gaaro, iyadoo meelahaasi ay joogaan Kooxda Khawaarijta ah oo gargaar iskaba daayoo ay iyaga naf ka raadiya oo baada Dadkaasi.

Warbixinta ugu dambeeysay ee saameynta ka dhalatay Roobabka mahiigaanka ah El-Niño Iyo fatahaadaha dalka oo dhan. Waxa ay saameeysay dowlad gobolleedyada, (Gulmudug, Hirshabeele, Koofur Galbeed iyo Jubaland ).

➤ 𝗦𝗮𝗮𝗺𝗮𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗱              : 𝟵𝟳𝟴,𝟵𝟴𝟲𝗤𝗼𝗳

➤ 𝗕𝗮𝗿𝗮𝗸𝗮𝗰                          : 𝟱𝟵𝟬, 𝟴𝟵𝟳 𝗤𝗼𝗳

➤ 𝗞𝗵𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮  𝗗𝗵𝗶𝗺𝗮𝘀𝗵𝗼      : 50 𝗥𝘂𝘂𝘅

➤ 𝗞𝗵𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗼 𝗛𝗮𝗻𝘁𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱         : 𝟱𝟯𝟮𝟭 𝗼𝗼 G𝘂𝗿𝗶

➤ 𝗞𝗵𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗼 𝗛𝗮𝗻𝘁𝗶 𝗚𝘂𝘂𝗱:  𝗕𝘂𝘂𝗻𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗿𝗱𝗵𝗲𝗿𝗲 𝗶𝘆𝗼 𝗕𝘂𝘂𝗿𝗱𝗵𝘂𝗯𝗼.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa oo xarunta Hey’adda SODMA ee Muqdisho ku shirguddoomiyey kulan dhexmarey hey’adda SODMA iyo guddi matalaya bulshada gobolka Gedo ee arrimaha Fatahaadaha iyo Gargaarka, ayna hormuud ka yihiin Wasiirro heer federal ah, kuwa heer dawlad goboleed ah, siyaasiyiiin iyo samafayaal ka tirsan Hey’adda Alraxma, iyadoo kulanka uu ujeedadiisu ahaa isu-duwidda iyo mideynta dadaaladda loogu gurmanayo degmooyinka ay Fatahaaduhu saameeyeen iyo dadka ku dhibaataysan goobahaasi gaar ahaan gobolka Gedo oo ah gobol ay si weyn u saameysay Daadadka soo rogmay  iyo fatahaadaha Webiyaasha Jubba iyo Shabeelle.

Kulanka ayaa sidoo kale guddoomiye ku xigeenka hey’adda SODMA iyo maareeyaha Xarunta Qaran ee Gurmadka degdegga ah waxay ku soo bandhigeen xajmiga dhibaatada fataahaaduhu ay ka geysteen gobolada dalka, dadaaladda iyo gurmadka dawladda federaalka ah ay illaa iyo hadda ka samaysay dalka guud ahaan, gaar ahaan gobolka Gedo, iyo sidoo kale kuwa qorshaysan, caqabadaha jira iyo sida looga gudbi karo haddii bulshada iyo hey’addu ay iskaashadaan, iyadoo Xubno ka tirsan guddiga bulshada Gobolka Gedo ee isku xilqaamey wax ka qabashada fatahaadaha gobolkaas ku dhuftey ayaa sheegey in ay diyaariyeen illaa iyo hadda 7 doomood oo taalla Muqdisho iyo gurmad kale, ayna gacan uga rabaan dawladda sidii halkaas lagu gaarsiin lahaa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa guddiga gobolka Gedo uga mahadceliyey dadaalkooda, wuxuuna soo dhoweeyey wada shaqeyn dhow iyo isku xirnaan dhexmarta dadaalada bulshadu ay waddo iyo kuwa dawladda federaalka ah ay hormuudka u tahay taasoo wadajirkeeda ay ku badbaadi doonaan dad badan oo Soomaaliyeed, wuxuuna bulshada kale ee Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka malyanka kor u dhaafay ee ku barakacey ama ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadka.

Dhanka Gobolka Banaadirna Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir Mudane Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud ayaa koormeeray goobo ay ku soo barakaceen dad danyar ah oo saameyn ku yeeshay Roobabka wata daadadka xooggan ee ka da’ay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka, kuwaasi oo ka soo barakacay gobolka Sh/Hoose, iyadoo Xafiiska Agaasinka Caafimaadka gobolka Banaadir uu maalmihii dambe waday olole loogu gurmanayo dadkaan danyarta ah, waxaa loo sameeyay baaritaano Caafimaad iyo daawooyin. Sidoo kale waxaa la gaarsiiyay agab gargaar oo ka kooban Maro kaneecooyin, qalab Caafimaad iyo agab kale oo noloshooda muhiim u ah, iyadoo Agaasime Dr. Cabdiraxmaan Axmed uu sheegay in dadkaan ay u baahan yihiin gurmad xoog leh in lala soo gaaro, isagoo baaq u diray hey’adaha caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee ka howlgala gobolka Banaadir, ganacsatada iyo culimada Soomaaliyeed.

Arrintani ayaa ka dambeysay kadib markii uu Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu sheegay in Dadka Danta yar ee deggan xerooyinka Barakacayaasha ee Magaalada Muqdisho in lala gaaro gurmadyo isugu jira cunto iyo caafimaad, isagoo yiri- “waxaa dhici karta in Hooyo ay heyso Fool ay meel ay u baxdo weynso, Roobka iyo dhaxanta dhaceysa awgeed, marka waa in lala gaaro Dadkaasi gurmad degdeg ah”, isagoo markaasi la hadlaayay maamulka Gobolka Banaadir.

“Dhabarkeeygu  jabay saan dan guud ugu dhakoolaaye” waxay ereyadaasi ka mid ahaayeen gabay uu tiriyay AUN Cabdulle Raage, Mudane Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud  dalxoreeye guul ku waar idin Allah”, sidaasi waxaa tiri:- Shukri Calasow oo ku nool Dalka Ingiriiska, oo tilmaameysa sida uu ugu heelan yahay Soomaaliya oo nabad ah, islamarkaana barwaaqo ah.

Mar uu la hadlaayay Xubnaha Golaha Wasiirada XFS Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in uu isagu masuuliyaddiisa uu ka soo baxayo, iyagana looga fadhiyo in ay ka soo baxaan waajibaadka dastuuriga ah ee laga rabo Golaha wasiiradda in ay fuliyaan sidoo kalenna labba jibaaraan hawlaha dib u xoraynta iyo hanaanka dowlad dhiska dalka.

“Midna ogaada ragga xukunka hayow, Wasiir aan kula doodi karin, damiirkiisa ka hadli karin, runta kugula dhici karin, qaladka kaa celin karin, ha ka sugin in uu xukun kuu difaaco, ama dowlad iyo dal waxtaro”, sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Guntii iyo gabgabadii waxaan oran karnaa marka la fiiryo waxyaabaha socda haatan canaanta Madaxweynaha kama darin