Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo la kulmay qaar ka mid ah Iskaashatooyinka Kalluumeysiga gobolka Banaadir

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah Iskaashatooyinka Kalluumaysatada gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada dalka.

Ujeeddada kulanka ayaa ahaa sidii Wasaaradda iyo Iskaashatayinka ay isaga kaashan lahaayeen Horumarinta Kalluumeysiga iyadoo la ilaalinayo shuruucda kallumaysiga dalka.

Qaar ka mid ah madaxda Iskaashatooyinka oo kulanka ka hadlay ayaa wasaaradda ka codsaday ineey ka taageeraan Qalabka Kaluumaysiga iyo suuqyo casri ah.

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Xasan Aadan ayaa sheegay in Wasaaraddu dhiirigalinayo Iskaashatooyinka iyo dhamaan kalluumeusatada Soomaaliyeed isagoo sheegay in dhawaan ay rajeynayaan kalluunka Soomaaliya loo iib geeyo dalal kala duwan oo caalamka ah.

Kallumaysatadu waxay door wayn ku leeyihiin hanaanka ka faa’idaysiga Kallumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah.

    

Guddoomiyaha SoDMA oo beesha caalamka ka codsaday in ay gargaar u fidiyaan dadka ku waxyeelloobay daadadka ELNINO

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa sheegay in doomihii ay u direen gobolka Gedo ay wax badan ka tareen badbaadinta shacabka ay daadadka iyo fatahaaduhu saameeyeen.

Guddoomiyaha oo ka mi ah wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisulwasaraha XFS oo booqasho ku tagay Degmada Doolow ayaa intaa raaciyay in dhibaatada ugu daran ay tahay isu socodka dadka iyo badeecadaha maaddaama ay biyaha kala xireen.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in degmooyinka Luuq, Baardheere iyo Dooloow ay ahaayeen goobaha ugu daran gobolka Gedo ee ay xoogga saareen, wuxuuna intaa raaciyay in ay degmooyinka kale ee gobolka ay gaarsiin doonaa doomo.

Mudane, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ugu dambayn guud ahaan hay’adaha samafalka ka codsaday in gurmad deg-deg ah lala soo gaaro dadka ay saameeyeen daadadka iyo

DOWLADDA INGIRIISKA OO SHAACISAY BOQOL MALYAN OO LAGU HORMARINAYO KAABEYAASHA DHAQAALAHA SOOMAALIYA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mudane Rishi Sunak ayaa soo bandhigay sida Soomaaliya ay mudnaanta u siinayso in mashaariicda gargaarka degdegga ah loo weeciyo dhanka horumarinta, si dadka Soomaaliyeed ay uga helaan faa’iido waarta.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay caqabadaha kuu xeeran nolasha dadka Soomaaliyeed iyo dadaallada ay ku bixisay dowladdu la tacaalidda macaluushii ay la kowsaday sannadkii 2022-kii iyo haatan dhibaatada culus ee ka jirta dalka ee ay sababeen daadadka roobka ee barakiciyey kumannaan qoys.

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mudane Rishi Sunak ayaa ku dhawaaqay in Boqortooyadu ay bilaabayso maalgelinta mashaariicda horumarineed, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta beeraha ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku dhaftay in ay Boqol Malyan oo Doollar ay arrinkaas u qorsheeyeen.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa ayaa sheegay in Soomaaliya ay udub dhexaad u noqon karto dadaallada caalamiga ah ee dabar-goynta macaluusha, xaqiijinta tamarta iyo dalagyada beeraha.

Madaxweynaha ayaa xusay in ciidanka Soomaaliyeed ay xoreeyeen in ka badan 70 degmo iyo deegaan oo hodon ku ah dalagyada beeraha, kuwaas oo argagixisada Alshabaab ay curyaamiyeen waxsoosaarkooda, kaddib markii ay nololasha u diideen dadkii beeralayda ahaa.

Soomaaliya oo ka qaybgalaysa Shirka Isgaarsiinta Raadiyaha Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya, Mudane Jaamac Khaliif, oo ay wehliyaan Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, iyo ku-xigeenka Mudane Axmed Cali Salaad iyo la-taliyeyaal ayaa ka qeyb-galaya Shirka Isgaarsiinta Raaadiyaha Adduunka (WRC-23) oo maanta ka furmay magaalada Dubai.

Shirkan oo la qabto afartii sanaba mar, waxa uu dalalka adduunka siinayaa madal ay ku kulmaan, kaga wada hadlaan, kuna falanqeeyaan isticmaalka hirarka raadiyaha iyo wareegyada dayax-gacmeedka.

Wasiir Jaamac Khaliif oo ka hadlay madasha ayaa tilmaamay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay ka qeybgalka Shirka, ayaa yiri, “ka qeyb-galkeenna waxa uu ka tarjumayaa sida ay nooga go’an tahay in aan hubinno isticmaalka habboon ee hirarka Raadiyaha, kaas oo muhiim u ah horumarka iyo horusocodka qarankeenna. Waxaan rajeyneynaa inaan iskaashi la sameyno dalalka kale iyo khubarada qeybta Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda si wax looga qabto caqabadaha iyo fursadaha ka jira arrimahan.”

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) oo ka hadlay shirka ayaa yiri, “Ka qeybgalkeenna shirkan wuxuu fursad inoo siinayaa inaan ku muujino ra’yigeena, isku-dhaafsanno aqoon iyo khibrad, isla markaana gacan ka geysaneyno qaabeynta mustaqbalka maaraynta hirarka ee heer caalami,” isagoo intaasi ku daray in kooxda ka socota HIQ ay soo diyaariyeen hindisayaal taabanaya arrimaha hirarka ee Soomaaliya.

Wafdigaan uu hoggaaminaya Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa muddada uu socdo shirka waxa ay ka qeyb qaadan doonaan doodaha ku saabsan sida hufan ee looga faa’ideysanayo isticmaalka hirarka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in DFS ay dhisayso buundooyinka burburay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuur galayo xaaladda binu aadantinimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’ay qeybo kamid ah gobollada dalka, waxa uu ku tagey degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo meel fagaaro ah kula hadlay madaxda gobolka iyo shacabka magaalada ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku jirto heegan, waxa uu xusay in goobaha la’isga gudbi waayey ay dowladdu gaarsiisay dooman.

“Daadadku weli way socdaan, dadka in ay meeshaan ku soo noqon ayaa loo baahan yahay oo ay ka digtoonaadaan, in la’iska warqabo ayaa loo baahan yahay, illaahay idinkiis waan dadalaaynaa,” sida uu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ballan qaaday in safaro kale uu ku imaan doono magaalooyinka kale ee Gobolka, wuxuuna sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sida ugu dhakhsiyaha badan ku dhisayso buundooyinka Baardheere, Buurdhuubo iyo Luuq si loso celiyo amniga, Nolosha iyo isu socodka bulshada.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmaysa xilli guud ahaan gobollada dalka ay ka da’een Roobab wata fatahaado iyo dabaylo kuwaas oo saameen ku yeeshay dadka iyo isusocodka, waxaana burbur ku yimid deegaano dhawr ah, iyada oo ay xirmeen qaar ka mid garoomada dalka.

Ciidanka Boliiska oo ka hortagay dhagar kooxda Daacish u soo maleegeen shacabka Soomaaliyeed

Ciidanka Hoggaanka Baarista Dambiyada dowlad goboleedka Puntland ee katirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hor tagay dhagar ay kooxda Daacish u soo maleegeen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Boosaaso.

Ciidamada ayaa fashiliyay Miino ay kooxda Daacish dooneysay iney ku dhibaateyso shaqaalaha shirkadda dhismaha ee Bulsho iyo shacab Soomaaliyeed oo waxba galabsan.

Hay’adaha amaanka ayaa baacsanaya dhagar qabaha waxaana la filayaa in dhawaan gacanta lagu dhigo oo  shacabka loo soo bandhigo.

Ciidanka Boliiska Soomalaiyeed, labadiisa heer ee Dowlad Goboleedyada iyo Kan Dowlada dhexe ayaa ka mideysan ilaalinta nafta iyo maalka muwaadidiinta.

 

 

Israa’iil oo lagu eedeeyay in ay wadaan qorshe Falastiiniyiinta looga saarayo Gaza

“Barakaca Falastiiniyiinta ee Marinka Gaza waxay halis gelin doontaa nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka iyo caalamkaba”,sidaasi waxaa yiri  afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in siyaasadda Israa’iil ee xannibaadda gelitaanka gargaarka Gaza ay macnaheedu yahay in Falastiiniyiinta la doonayo in ay ka baxaan Gaza.

“Nasiib darrose, xadgudubyada waaweyn ee Israa’iil ee dambiyada dagaalka Israa’iil looguma yeero qaar magacyadooda dhabta ah,” Sameh Shoukry ayaa yiri intii lagu jiray kulan uu la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha ee Beijing.

“siyaasadda Israa’iil ee carqaladaynta gelitaanka gargaarka waa siyaasad nidaamsan oo loogu talagalay in lagu riixo Falastiiniyiinta in ay ka baxaan Marinka Gza” ayuu intaa taaciyay Afhayeenku.

Masar ayaa ku howlan dadaallo la doonayo in gargaar lagu gaarsiiyo  marinka Gaza iyada oo la sii marayo marinka Rafah.

Duqeymanka Israa’iil ayaa weli ka sicda Gaza,iyadoo tirade dhimashada Falastiin ay gaartay in ka badan 13,000 .

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ka qeyb galay Munaasabad hambalyo loogu dirayey Mayor Naadiya

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad ballaaran oo loogu hambalyaynayo guusha ay gaartay Naadiya C/risaaq Maxamed oo ku guulaysatay in ay noqoto Maayarka magaalada St. Louis Park ee dalka Maraykanka.

Xildhibaan Sacdiya guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka BJFS oo munaasabadda ka hadashay ayaa sheegtay in Naadiya tusaale u tahay gabar kasta oo Soomaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi “Guusha Naadiya waa guul dadka Soomaaliyeed u soo hoyatey gaar ahaan dumarka Qurba-joogta ah oo kaalimo Hormuudnimo ah uga jira siyaasadda wadamada ay ku dhaqan yihiin “ ayaa hadalladiisa ka mid ahaa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ”Naadiya guusha ay gaartay waa mid weyn waxayna tusaale u tahay Gabdhaha Soomaaliyeed”

Xildhibaan Odowaa ayaa isna munaasabadda ka sheegay in guusha Naadiya tahay guul Soomaaliyeed,isagoona ugu hambalyeeyay dhammaan Haweenka Soomaaliyed.

Ciidanka Xoogga oo howlgal ku dilay Horjooge iyo Maleshiyaad ka tirsan khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska Gor Gor ururka Saddexaad iyo Ciidanka degaanka ayaa howlgal ay ka fuliyeen galbeedka Xarardheere ku dilay  Horjooge iyo Maleeyshiyaad la Socday.

Taliyaha ururka saddexaad Dhamme  Cali Cageey oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidanka  howlgal qorsheeysan ay ka fuliyeen Tuula Xaaji, ay ku dileen saddex xubnood oo ka tirsan maleeshiyada khawaarijta iyo Horjoogihii hoggaaminayay.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in ciidanka ay khawaarijtu ka furteen Hub iyo saanad ciidan,goobta howlgalka ka dhacayna ay ku sugan yihiin ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka.

Ciidanka Qaranka qeybahooda kala duwan ayaa maalmihii ugu danbeysay howlgallo ka waday deegaannada ay ku dhuumaleysanayaan khawaarijta,oo hadda maray burbur iyo in ay kala carraraan

Kulan looga arrinsanayay Isku-dubbarididda Gurmadka Fatahaadaha oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka oo uu wehliyo agaasimaya Guuud ee Wasaaradda Caafimadka Dr Guuleed cabdi Jaliil ayaa kulan deg deg la qaateen ururrada isbitaallada iyo bahda Caafimaadka si ay isugu dubbaridaan dadaallada u diyaargarowga iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka fatahaadaha ee saameeyay inta badan dalka.

Roobabkii da,ayay iyo webiyada oo buux dhaafiyay ayaa horseeday fatahaado baahsan, kuwaasoo boqolaal kun oo Soomaali ah ka barakacay guryahoodii. Saraakiisha caafimaadka ayaa ka digaya xaaladaha ciriiriga ah iyo biyaha wasakhaysan ay keeni karaan cudurro dillaaca, xitaa iyadoo kaabayaasha burburay ay gobollo badan ka go’een daryeelka caafimaadka.

“Waxaan isugu nimid inaan sameyno guddi loo dhan yahay oo ka tarjumaya bahda caafimaadka,” ayuu yiri Dr. Guuleed Cabdi Jaliil, Agaasimaha Guud ee Wasaarada caafimaadka oo hadalka furay. “Hawsheenu waa inaan abuurno gudi ka jawaab celiya dhibaatooyinka faraha badan ee laga soo sheegay Gobolada dalka, anaga ka wasaarad ahaan waxaan u diyaargarownay heer federaal iyo heer dowlad goboleed.”

Waxaa kulanka ka soo qeyb galay agaasimayaasha isbitaaladda Guud , wakiilo ka kala socday cisbitaalada waaweyn ee dalka, rugaha caafimaadka, iyo Ururada caafimaadka Soomaaliya. Guddi-hoosaadyo dhowr ah ayaa la sameeyay si ay wax uga qabtaan caqabadaha caafimaad ee gaarka ah oo ay keeneen daadadka.

“Innagoo wadajira, waxaan xaqiijin karnaa in gargaarka naf-badbaadinta uu si dhaqso ah oo waxtar leh u gaaro dadka Soomaaliyeed ee ay fatahaaduhu saameeyeen,” ayay tiri Wasiiru Dawlaha Wasarada Cafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Maryama Mohamed Hussein oo kulanka soo xertay. “Waxaan diyaar u nahay inaan isku dubbaridno dhammaan dhinacyada u baahan jawaabta caafimaad ee ku saleysan baahida sii kordheysa.”

Wasaru Dowlaha Wasaarada caafimaadka ayaa sheegtay in ay sii wadi doonaan shirar maalinle ah oo ay ugu kuur galayaan xaaladda iyo gurmadka maadaama lagu jiro xilli roobaadkii