Guddiga Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta XFS u qaabbilsan tartansiinta shirkadaha adeegga Xajka ayaa soo saaray liiska kama dambeysta ah ee magacyada shirkadaha ku guuleystay fulinta adeegyada Xajka sanadka 1445/20


Guddiga Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta XFS u qaabbilsan tartansiinta shirkadaha adeegga Xajka ayaa soo saaray liiska kama dambeysta ah ee magacyada shirkadaha ku guuleystay fulinta adeegyada Xajka sanadka 1445/20


Dowladda hoose ee Xamar ayaa caawa fulisay shaqo ballaaran oo biyaha looga qaadayo qaar kamid waddooyinka Caasimadda oo ay biya dhigeen Roobabkii da’ay saacadihii u danbeeyay.
Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo kormeeray goobaha biyo saaridda laga fuliyay ayaa sheegay in ka maamul ahaan ka go’an tahay la tacaalidda biyaha fariista meelaha godan ee Caasimadda.
Dowladda hoose ee Xamar ayaa howlo biyo saaris ah ka qabatay goobo ay ka mid yihiin KM4 , Ceel qalow iyo xaafado ka tirsan Xamar-jajab, Wadajir iyo Waaberi, halkaas oo saacadihii lasoo dhaafay ay biyo dhigeen roobabkii ugu dambeeyay.
Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh C/qaadir ayaa hambalyo ku aaddan 21-ka November u diray macallimiinta Soomaaliyeed.
Wasiirka Waxbarashada XFS Faarax C/qaadir “Macalinka waa astaanta nolosha haddii macallin la waayo nolol majirto”.
Wasiir Faarax C/qaadir ayaa sheegay in sanadka 2024 uu qorshahoodu yahay in tababar bilaash ah la siiyo 10 kun oo macallin si loo baahiyo waxbarshada dalka,wasiir Faarax ayaa hore u xaqiijiyey in ✓ Dadka heerka waxbarshado gaarey dalkeenna waxaa lagu qiyaasaa ilaa 5,000,000 oo qof, hadda inta waxbarsho aadda waxaa lagu qiyaasaa ilaa 1,000,000 oo qof. 2030 waxaa la qiyaasayaa in dadkaasi ay gaarayaan ilaa 8,000,000 oo qof.
✓ Shan Milyan oo arday waxa ay u baahan yihiin 120,000 oo macallin ( Boqol iyo Labaatan Kun)
✓ 33,000 oo arday ( Sodon iyo Seddex Kun ) ayaa sanadkaan fariisatay imtixaankii fasallada 8aad iyo 12aad ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
✓ Guud ahaan hadda 22,000 oo macallimiin ayaa ka howlgala dalka, in yar ayaa tababar macalinimo qabta.
✓ Shaqaalaha rayidka ah ee Soomaaliya waa 6,000 oo qof, waxaana lagu kordhiyey 3,000 oo macallin oo si rami ah kaga mid noqday shaqaalaha Dowladda.
✓ Qofku haddii uu hal sano waxbarto 10% ayaa xaaladda faqriga ee qof ahaaneee aya hoos u dhacaysa, haddii uu 10 sano waxbartana 100% wuu ka baxayaa faqriga.
✓ Seddex u jeeddo ayaa qofku wax u bartaa. 1- Waxbarashadu waa waxa ka dhigaya qofka waxa uu noqonayo iyo waxa uu qabanayo mustaqbalka. 2- Waxbarshadu dadka waxa ay bartaa wada noolaanshaha. 3- Sidoo kale waxbarshadu qofka waxa ay usii gudbisaa heerka kale ee waxbarsho.
✓ Ujeeddada loo qabtay shirkii qaran ee waxbarsho waxaa ka mid ahaa, in la helo ajande qaran oo waxbarsho; Sida ay u jirto ajande qaran, shirar qaran, ayay sidoo kalena u jirtaa sheeko qaran, waxa ay umaddeennu kaga sheekaysato fadhi ku dirirka ayuu noqonayaa mustaqbalkoodu. Waxbarashadu waa inay noqotaa ajande Qaran oo lawada lee yahay.
✓ Dhawaan waxaan rajeyn inaan dib u furno Mac’hadkii macallimiinta ee Lafoole. Sidoo kale waxaannu hirgelin doonaa guddiga horumarinta Manhajka.
✓Umaduhu uma jidboodaan waxa la soo dhaafay ama hore u soo mareen ee waxay ujedboodaan waxa soo socda mustaqbalka ah sax maaha in dhallinyaradeen u jidboodaan wixii la soo maray.
✓ Hadda waxaa soo socda wadatashi ku saabsan Tacliinta Sarre ee dalka marka la dhammeeyo waxaa la heli doonaa meelaha ku habboon ee laga furi karo jaamacadda umadda iyo jaamacadaha kale ee dowliga ahba.
✓ Sannadakan waxaannu go’aaminnay inaannu ka furno 12 dugsi oo farsamo gacanta ah gobollada dalka oo dhan.
✓ Wax akhris qoraalka adduunka waxaa laga qiimeeyaa qofka waa afkiisa hooyo. Akhris qoraalka waxa uu qaabeynayaa hab fekerka qofka. Waxaan dhowaan bilaabi doonaa olalaha akhris qoraalka. Qofka wayni wuxuu wax akhris Qoraalka ku baran karaa 80 saacadood ama 8 toddobaad.
✓ Arday walba haddii uu masuuliyad iska saaro qoyskiisa gaarka ah dadka aan akhris Qoraalka aqoon in uu wax baro, ardaygaasi waajib wayn buu gutey.
✓ Barnaamijka EMS (Education management information system) wuxuu fududaynayaa in lala socdo sooyaalka waxbarsho ee ardayga.
✓ waqtigayga ugu badani wuxuu ku baxaa wacyigelin, gaar ahaan kooxda ila shaqaysaa iyo wacyigelinta guud ee bulshada.
✓ Umadaha adduunyadu saddex heer ayey midkood ku jiraa Less developed countries, middle developed countries iyo high development countries. Innagu saddexdaas midna kuma jirnee kan ugu hooseeya ayaynu ka sii hoosaynaa.
✓ Ardayga jooga dalka uu horumarkiisu hooseeyo qiimaha waxbarshada ee sanadkii ku baxa waxaa lagu qiyaasaa $200. Halka kan ku nool waddamada meel dhexeedka ka ah lagu qiyaaso $1,000 wax ka yar, waddamada horumarayna ardayga waxa lagu qiyaasaa in la geliyo sanadkii $8,000 lacag ka badan. Sidee ayey u sinnaanayaan marka arday sanadkii la geliyo $200 iyo mid la geliyo $8,000 lacag ka badan sidaa darteed si ardaygeenna aynu usoo gaarsiinno heerka koowaad waxaynu u baahannahay sanadkii $1,250,000,000. ( Hal Bilyan Laba Boqon iyo Konton Milyan.
Howlaha Dowladda ayaa si xowli ah u socda, ha ahaato dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, Deyn cafinta, qaadista Cuneqabateynta iyo dhameystirka Dastuurka Dalka oo la filayo inay soo dhammaadaan inta aan la gaarin sanadka cusub ee 2024-ka, sidaasi awgeed ayay Madaxda ugu sarreysa Dalka ay howlo shaqo ugu kala safreen Dalka dibadiisa iyo gudahiisaba, kuwaasi oo kala leh ujeedooyin iyo muhiimado kala duwan oo dhammaantood is wada kaabaya oo dan u ah Ummadda Soomaaliyeed oo ay heystaan dhibaatooyin ka dhashay Bey’adda sida Abaaraha, daadadka ka dhasha Roobabka iyo Fatahaadaha Webiyada Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa magaalada London kaga qeybgalay shirweynaha cunno yarida oo looga hadlayay sidii loo jaangoyn lahaa siyaasadda cuntada adduunka. Shirkaasi oo ay wada shir guddoomiyeen Dawladaha Soomaaliya iyo Ingiriisku ayaa waxaa isugu yimaadeen Dawlado, Ururo caalami ah, saynisyahano, Hey’ado iyo Ganacsato si looga arrinsado dhibaatada cunto yarida adduunka, isaga oo hadal ka jeediyay madasha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo qorshayaal looga hortagayo cunno yarida, isagoo sidoo kale sharraxay dhibaatooyinka ka dhashay isbedelka cimilada oo ay ka mid yihiin abaaraha, daadadka iyo cunno yarida.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa u balanqaaday bulshada ku dhaqan gobolka Gedo in dowladda Federaalka Soomaaliya ay sida uga dhaqsiyaah badan dib ugu dhiseyso qaar ka mid ah Buundooyinka ku burburay Roobabkii ka da’ay gobolka, kadib Kulan uu la yeeshay madaxda dowlad gobaleedka Jubbaland, kan gobolka ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku weheliyey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno iyo Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka. Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda oo ka dhacay magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxaa lagu soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee guud ahaan degmooyinka gobolka Gedo, oo hadda wajahaya xaaladda adag, ka dib markii ay saameen ku yeesheen Roobabkii ka da’ay dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo gaaray degmada Doolow ee Gobolka Gedo, ayaa ugu baaqay hey’adaha gargaarka iyo bulshada Soomaaliyeed in la garab istaago dadka ay saameeyeen Roobabka daadadka wata ee ka da’ay gobolka Gedo, waxa uu kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, maamulka Gobolka Gedo, maamullada degmooyinka iyo waxgaradka deegaanka ayaa soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee guud ahaan degmooyinka gobolka.
“Madaxweynaha ayaa ka hadlay caqabadaha kuu xeeran nolasha dadka Soomaaliyeed iyo dadaallada ay ku bixisay dowladdu la tacaalidda macluushii ay la kowsaday sannadkii 2022-kii iyo haatan dhibaatada culus ee ka jirta dalka ee ay sababeen daadadka Roobka ee barakiciyay kumannaan qoys,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ku tegay Magaalada London ee Cariga Ingiriiska ayaa shalay kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha UK Rishi Sunak magaaladaasi, iyadoo kadib kulanka laga soo saaray War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu soo bandhigay sida Soomaaliya “ay mudnaanta u siinayso in mashaariicda gargaarka degdegga ah loo weeciyo dhanka horumarinta, si dadka Soomaaliyeed ay uga helaan faa’iido waarta”. Qoraalka ayaa intaas ku daray in Ra’iisul Wasaaraha UK Rishi Sunak uu ku dhawaaqay in boqortooyadu ay billaabayso maalgelinta mashaariicda horumarineed, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta Beeraha ee Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhaftay in ay $100 Milyan ay arrintaasi u qorsheeyeen, si wax looga qabto arrimahaasi.
Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee ka hortagga cunno yarida iyo Aafooyinka sababa ayaa sheegay in Soomaaliya ay udub dhexaad u noqon karto dadaallada caalamiga ah ee dabar-goynta macaluusha, xaqiijinta tamarta iyo dalagyada Beeraha, wuxuuna intaasi raaciyay in ciidanka Soomaaliyeed ay xoreeyeen in ka badan 70 degmo iyo deegaan oo hodon ku ah dalagyada Beeraha, kuwaasi oo Argagixisada Al-Shabaab ay curyaamiyeen waxsoosaarkooda, kaddib markii ay nololasha u diideen dadkii Beeraleyda ahaa.
Sidaasi oo jirta ayaa Marka aad u fiirsatid Qoraalada ay siyaasiyiinta soo dhigaan Barahooda Bulshada sida facebook iyo Twitter(X),marka aad akhrisid ma jiraan wax aad ka faa’iideysid oo aan ka aheyn dhaliil, caay iyo dhibco raadis waxaane u sabab ah ineysan aheyn kuwa isku kalsoon, awoodina karin inay dalka Soomaaliya hogaamiyaan. Hadda waxa miiska saaran oo ay tahay in laga hadlo Go’aankii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka, in dadka loo sheego dawladihii uu soo maray dalka Soomaaliya ma samayneyso macna sidaas u buuran oo waa laga soo gudbay. Hadda waxa la joogo ayaa ah Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay rabtaa 2026-ka in dalka ay ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah, si looga gudbo doorashada dadban, waxaana kursiga ugu sarreeyo dalka u tartamaayo Laba Xisbi oo kaliya, waxaana meesha ka baxaayo Xilka Ra’iiysal Wasaaraha.
Taliskii Maxamed Siyaad Barre ma waxa uu ahaay mid shacabka soo doorteen, mase mid ku yimid Afgembi? Dowladda Federaalka Soomaaliya howsha ay rabto ma mid Afgembi ah baa, mase waa mid loo tartamaayo xilka Madaxweynaha?, halkaasi kala soo bax farqiga labada maamul ee aad qoorta isu geliseen, haddii aad tihiin siyaasiyiinta xil doonka ah.
Kuwa Mucaarado Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay diideen Go’aankii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka, laakinse ma aysan soo bandhigin wax lagu bedeli karo midka ay diideen, halkaasi waxaa ka cad inay raali ku yihiin in Doorashada dadban dalka ka shaqeyso oo shacabku u afduubnaado afar oday aan weligood dhergayn. Dalka waa la wada leeyahay ee Mucaaradow waxa aad dadka u soo bandhigtiin waxa lagu bedeli karo Aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada isku raaceen shacabkana u soo bandhigeen haddii aanad wax haynina iska raaca kuwa keenay fikirka lana wada howsha ay wadaan.
Haddaba iyadoo Dowladdu ku tilaabsatay horumarro kala duwan oo la taaban karo oo isugu jira xoreynta Dalka, dhameystirka Deyn cafinta, qaadista Cuneqabateynta, dhammeystirka Dastuurka, jiheynta siyaasadda Dalka IWM, ayay koox danleey lagu tilmaami karo ayaa beryahaan Baraha Bulshada wax ku xar xariiqayay, sidaasi awgeed ayaa waxaa jirta Murti Carbeed oo oraneysa Eeyuhu ka is qayliyaan Safarku wuu soconayaa الكلاب تنبح والقافلة تسير , marka ha isla qeylieen safarka Dowladda wuu soconayaa.
Maxkamada Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa saakay dhageysiga 2aad ka yeelaneysa dacwad Musuq-maasuq ah oo loo heysto saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga dhaxe.
Guddoomiyaha Maxkamadda rafcaanka gobolka Banaadir , Saciid Cali Maxamed ayaa sheegay in maanta ay maxkamaddu u fariisan doonto dacwadda saddex eedeysane, kuwaas oo 8-dii bishan racfaan ka qaatay dacwadda ka dhanka ah.
Guddoomiyaha ayaa ku celiyay codksi ku aaddanaa in uu wakiilka Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud soo bandhigo dhammaan caddeynaha loo cuskan karo dacwadda ka dhanka eedeysanayaasha.
Dhagaysiga labaad ee ay Maxkamadda racfaanku ka yeelanayso eedeysanayaashan ayaa lagu wadaa in maanta lasoo gabagabeeyo.
Maanta waa maalin ku wayn quluubta umadda Soomaaliyeed, waxayna ku beegan tahay sanadguuradii 49-aad ee maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo dalka iyo meel kasta oo Soomaali joogtaba laga xuso.
1974-tii ayaa 21ka Nofember loo asteeyay maalinta macallinka Soomaaliyeed waxayna ahayd maalin si wayn ay u maamuusi jireen shacbiga iyo dowladba, waxaana la samayn jiray munaasabado lagu waynaynayo xurmada macallinka iyo doorkiisa Qiimaha badan.
Waxaa xusid mudan Haldoorkii kaalinta wayn ka soo qaatay horumarinta waxbarashada dalka waxaana ka mid ahaa:
1-Shiikh Yuusf Al-Kownayn oo ahaa macaliinkii hingaadda xuruufta carabiga u rogay af Soomaali,arintaasi oo ardayda Soomaaliyeed ee Qur’aanka baranaysa u fududaysay qoraalka farta carabiga, ( أَ إِ أٌ ), ALIF LA KORDHABEY, ALIF LA HOOS DHABEY, ALIF LAA GODAY.
2-Macallin Jaamac Bilaal, oo ahaa aabihii buddhigaha u ahaa waxbarashada gobollada koonfureed,wuxuu dhexda u xirtay lana dagaalamay afkaarihii haraadiga ahaa ee bulshadu ka aaminsanaayeen waxbarashada, wuxuuna ka furay magaalada muqdisho School yar oo arday kooban uu wax ku bari jiray.
3-Macallin Max’uud axmed Cali wuxuu ahaa aasaasihii waxbarashada gobollada waqooyi,wuxuu dadaal ugalay sidii bulshada gobollada waqooyi ay u heli lahaayeen wabarasho horumarsan, dadaalkiisii nafhurnimada ahaa waxaa ka horyimid gumaysigii ingiriiska oo diidanaa in shacbiga ay waxbartaan,kadibna ay fahmaan waxa ka maqan iyo qiimaha xoriyadda, sidoo kale macallin Max’uud Axmed Cali waxaa u suurtagasahay inuu fikir ahaan kaga adkaado Soomaalidii aragtida qaldan ka aaminsanaa waxbarashada maadiga ah.
21ka Nofember Waa maalin ka mid ah maalmaha ku xardhan quluubta dadka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasixi jiray dugsiyada iyo dhamaan Goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallimiinta Soomaaliyeed ay ku dhex leeyihiin bulshada.
Mid kamid ah macalimiinta wax ka dhiga Dugsiyada ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Macalinka wanaagsan uu muhiimad gaara u leeyahay bulshada uu la nool yahay, maantana ay tahay maalin qadarin leh oo loo baahan yahay in si wayn loogu dabaal dago, si Macalimiinta ugu dhiiradaan inay sii wadaan Kobcinta waxbarashada dalka.
Barayaasha Soomaaliyeed ayaa si dulqaad leh mudadii uu dalka burbursanaa u adkeystay ku shaqaynta xaaladihii adkaa ee la soo maray, mudadii dalka dowlad la’aanta ahaa, haddii macallinka Soomaaliyeed uusan naftiisa u huri lahayn waxbaridda ardayda,waxaa maanta mugdiga jahliga dhex muquuran lahaa arday badan oo waxbartay, kaalin hormuud ahna kaga jira horumarinta dalka.
Marka la eego dunida Casriga ah, waxbarashada ayaa ah tan isku xirtay iskuna soo dhawaysay qaybaha kala duwan ee Caalamka, waana taas midda uu u taagan yahay Macalinka Soomaaliyeed,Macallinku waa barbaariyaha iyo hagaha Ummadda wuxuu ka saara jahliga iyo mugdiga aqoon darrida.
Macalinku waa waalidka labaad ee ardayga wuxuuna ka waraabiyaa durdurka, aqoonta iyo ilayska Cilmiga, taasina waxaa ka garan kartaa abaalka Macallinka in aan la gudi Karin Xikmaddii macnaheedu ahaa (Qofkii hal xaraf I bara waxaan u noqon lahaa adoon).
Tan iyo intii sooyaalka dunida jiray markasta macalimiin iyo dad aqoon leh ayaa bulshada kala dagaalami jiray jahliga & dib u dhaca, isla markaasna soo saari jiray dad umadooda anfaca.
Macallinku wuxuu maamuus, xushmad iyo karaamo ku dhex leeyahay bulshadiisa maadaama uu soo saarayo kaadir aqoon leh iyo hogaamiyihii mustaqbalka iyo aayaha bulshadiisa, waa tusaale fiican, iftiin ku dayasho mudan,laguna tilmaami karo Tiirdhexaadka bulshada.Diinta islaamkuna waxay gaarsiisay macalimiinta martabad aad u saraysa oo maamuus iyo qadarin badan.
Abuukar Gobdoon
Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah Iskaashatooyinka Kalluumaysatada gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada dalka.
Ujeeddada kulanka ayaa ahaa sidii Wasaaradda iyo Iskaashatayinka ay isaga kaashan lahaayeen Horumarinta Kalluumeysiga iyadoo la ilaalinayo shuruucda kallumaysiga dalka.
Qaar ka mid ah madaxda Iskaashatooyinka oo kulanka ka hadlay ayaa wasaaradda ka codsaday ineey ka taageeraan Qalabka Kaluumaysiga iyo suuqyo casri ah.
Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Xasan Aadan ayaa sheegay in Wasaaraddu dhiirigalinayo Iskaashatooyinka iyo dhamaan kalluumeusatada Soomaaliyeed isagoo sheegay in dhawaan ay rajeynayaan kalluunka Soomaaliya loo iib geeyo dalal kala duwan oo caalamka ah.
Kallumaysatadu waxay door wayn ku leeyihiin hanaanka ka faa’idaysiga Kallumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah.


Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa sheegay in doomihii ay u direen gobolka Gedo ay wax badan ka tareen badbaadinta shacabka ay daadadka iyo fatahaaduhu saameeyeen.
Guddoomiyaha oo ka mi ah wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisulwasaraha XFS oo booqasho ku tagay Degmada Doolow ayaa intaa raaciyay in dhibaatada ugu daran ay tahay isu socodka dadka iyo badeecadaha maaddaama ay biyaha kala xireen.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in degmooyinka Luuq, Baardheere iyo Dooloow ay ahaayeen goobaha ugu daran gobolka Gedo ee ay xoogga saareen, wuxuuna intaa raaciyay in ay degmooyinka kale ee gobolka ay gaarsiin doonaa doomo.
Mudane, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ugu dambayn guud ahaan hay’adaha samafalka ka codsaday in gurmad deg-deg ah lala soo gaaro dadka ay saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha.
London- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mudane Rishi Sunak ayaa soo bandhigay sida Soomaaliya ay mudnaanta u siinayso in mashaariicda gargaarka degdegga ah loo weeciyo dhanka horumarinta, si dadka Soomaaliyeed ay uga helaan faa’iido waarta.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay caqabadaha kuu xeeran nolasha dadka Soomaaliyeed iyo dadaallada ay ku bixisay dowladdu la tacaalidda macaluushii ay la kowsaday sannadkii 2022-kii iyo haatan dhibaatada culus ee ka jirta dalka ee ay sababeen daadadka roobka ee barakiciyey kumannaan qoys.
Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mudane Rishi Sunak ayaa ku dhawaaqay in Boqortooyadu ay bilaabayso maalgelinta mashaariicda horumarineed, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta beeraha ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku dhaftay in ay Boqol Malyan oo Doollar ay arrinkaas u qorsheeyeen.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa ayaa sheegay in Soomaaliya ay udub dhexaad u noqon karto dadaallada caalamiga ah ee dabar-goynta macaluusha, xaqiijinta tamarta iyo dalagyada beeraha.
Madaxweynaha ayaa xusay in ciidanka Soomaaliyeed ay xoreeyeen in ka badan 70 degmo iyo deegaan oo hodon ku ah dalagyada beeraha, kuwaas oo argagixisada Alshabaab ay curyaamiyeen waxsoosaarkooda, kaddib markii ay nololasha u diideen dadkii beeralayda ahaa.