Heshiiska Gaza oo bilaabmay kadib 7 isbuuc oo dagaal ah

Xabbad-joojin afar maalmood ah oo ay ku heshiiyeen Xamaas iyo Israa’iil ayaa Gaza ka dhaqan gashay markii ugu horreysay toddobo isbuuc oo ay socdeen dagaal lagu hoobtay.

39 maxbuus falastiiniyiin ah oo ku xidhan jeelasha Israel iyo 13 maxaabiis ah oo ku xidhan Gaza ayaa la filayaa in la sii daayo saacadaha soo socda, iyada oo sidoo kale baabuurta gargaarka ay u gudbeen Gaza.

Duulaanka militari ee Israel ayaa habeenki xalay ka socday  guud ahaan Daanta Galbeed,waxaana dadka la dilay kamid ah wariye kale oo Falastiini ah Amal Zuhd iyo xubno qoyskiisa ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Wafa.

Waxaa lagu wadaa in qeybta ugu horeysa la isweydaarsado 50 maxbuus iyo 150 Falastiin ah,iyadoo tirade liiska maxaabiista ee ay soo gudbiyeen Xamaas ay gaarayaan 300 oo ruux.

Dowladda Qatar ayaa  garwadeen ka ah heshiiska xabad-joojinta iyo isdhaafsiga maxaabiista ee Israa’iil iyo Falastiin oo manta la gudagalayo.

In ka badan 14,800 oo qof ayaa lagu dilay Gaza tan iyo Oktoobar 7. Israa’iil, tirada rasmiga ah ee dhimashada weerarrada Xamaas waxay maraysaa qiyaastii 1,200.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo ka daahfuray shirka farta Maayga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku sugan magalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowladda Koonfur Galbeed, ayaa maanta si rasmi ah u furay shaacinta farta rasmiga ah ee Maayga.

Furitaanka shirka waxaa goobjoog ahaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftageen, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiiladda Baarlamaanka KGS iyo Wasiirada maamulka.

Guddoomiyaha oo gunnaanadka shirka khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in Afka Maayga uu yahay af hodan ah micno badana leh, ayna ku hadlaan dad badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo ku kala nool qeybo badan oo ka mid ah dalkeenna. Gudoomiye Sheekh Aadan ayaa boggaadiyay islamarkaana dhiira-geliyay, guddigii ka soo shaqeeyay qorista farta Maayga, oo maanta si rasmi ah loo shaaciyay, waxaana uu xusay in halgan dheer loo soo maray mudo badana lagu howlanaa qorista Farta Maayga.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si diirran loogu soo dhaweyeyey magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa ka qeyb-galaya Shirka Madaxda Dalladda Bulshada Bariga Afrika oo laga sugayo in ay go’aan ka soo saaraan codsiga dowladda Soomaaliya ee ku biirista dalladan.

Madaxweynaha oo xoogga saaraya sidii uu ugu qancin lahaa hoggaamiyeyaasha Dallada Bulshada Bariga Afrika in ay aqbalaan codsiga Jamhuriyadda Soomaaliya ayaa uga warbixinaya hawlkarnimada iyo firfircoonida ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed, fursadaha dhaqaale iyo khayraadka ceegaaga dalkeenna oo haddii la maal-geliyo ay ka faaiideyaan dadkeenna iyo dalkeenuba.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo horey socdaal ugu maray qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa xasuusiyey wakhtiga dheer ee uu horyaallo codsiga shacabka iyo dowladda Soomaaliya oo la gudbiyey sannadkii 2016-kii, isaga oo u arka in mustaqbalka dhaqaale iyo bulsho ee dalalka Geeska Afrika uu yahay mid isku sidkan, ayna muhiim tahay in dalkeennu uu doorkiisa ka qaato.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal ku bixinaya in dalkeennu uu ka qayb-qaato iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta isu-socodka dalalka Gobolka oo saldhig u ah kobcinta dhaqalaaha, shaqo-abuurka iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha.

Soomaaliya oo ku guuleysatay hoggaamiyaha isgaarsiinta adduunka

Soomaaliya ayaa ku guuleysatay billadda Hoggaamiyaha sanadka 2023-ka ee abaalmarinta Isgaarsiinta Adduunka, kaas oo ay ka qaaday qaar ka mid ah waddamo dhaca Qaaradaha Yurub iyo Aasiya.

Guddoomiyaha Hormuud Telecom, Axmed Maxamuud Yuusuf, ayaa Soomaaliya guul uga soo hooyay billadda Hoggaamiyaha sanadka 2023-ka ee abaalmarinta Isgaarsiinta Adduunka, oo Shirkadda Total Telecom ee fadhigeedu yahay Dalka Ingiriiska ay ku abaalmariso hoggaamiyayaasha shirkadaha isgaarsiinta caalamka ee ku guuleystay horumarinta isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda Dalalkooda.

Guddoomiye Axmed ayaa noqonaya hoggaamiyihii 25ᵃᵃᵈ ee ku guuleystay abaalmarintan oo lagu guddoonsiiyay xaflad xalay ka dhacday magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands. Hormuud Telecom ayaa ah shirkaddii ugu horreysay ee Soomaaliyeed oo ka qeybgasha tartankan oo ay ku loolamaan hoggaamiyayaasha shirkadaha ugu waaweyn isgaarsiinta caalamka.

Tartanka ayaa Guddoomiyaha shirkadda waxaa sannadkan kula tartamay, madaxda shirkadaha 𝐃𝐞𝐮𝐭𝐬𝐜𝐡𝐞 𝐓𝐞𝐥𝐞𝐤𝐨𝐦 ee Dalka 𝐉𝐚𝐫𝐦𝐚𝐥𝐤𝐚, 𝐌𝐚𝐬𝐌𝐨𝐯𝐢𝐥 𝐓𝐞𝐥𝐞𝐜𝐨𝐦 ee 𝐒𝐩𝐚𝐢𝐧, 𝐂𝐨𝐥𝐭 𝐓𝐞𝐜𝐡𝐧𝐨𝐥𝐨𝐠𝐲 𝐒𝐞𝐫𝐯𝐢𝐜𝐞𝐬 ee 𝐈𝐧𝐠𝐢𝐫𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚, 𝐁𝐚𝐡𝐫𝐚𝐢𝐧 𝐍𝐞𝐭𝐰𝐨𝐫𝐤 ee dalka 𝐁𝐚𝐱𝐫𝐞𝐲𝐧 iyo shikradda 𝐊𝐚𝐜𝐢𝐟𝐢𝐜 𝐁𝐫𝐨𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧𝐝 𝐒𝐚𝐭𝐞𝐥𝐥𝐢𝐭𝐞𝐬 ee fadhigeedu yahay Dalka 𝐒𝐢𝐧𝐠𝐚𝐩𝐨𝐫𝐞.

Xubinnimada EAC Waxay Soomaaliya iyo Gobolkaba u Horseedi Doontaa Waa Cusub oo Rajo,Xasilooni iyo Barwaaqo ah

Hoggaamiyeyaasha Wadamada Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika (East African Community) ayaa dhowaan go’aan ka gaaraya in Soomaaliya ay ugu dambeyntii noqoto xubintii 8-aad ee Urur Goboleedkan Ioo hadda ka kooban Burundi, Kenya, Uganda, Rwanda, Tanzania, Jamhuuriyadda Demoqraadiga ee Congo iyo Konfuurta Suudaan.

Bishii Juun ee sannadkan, Madaxda Bariga Africa waxay ansixiyeen Warbixinta Xaqiijinta Codsiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si ay uga mid noqoto Urur Goboleedkan intii lagu guda jiray Shir Madaxeedkii 21-aad ee aan caadiga ahayn ee ururka oo lagu qabtay magaalada Bujumbura ee dalka Burundi.  Dhameystirka iyo ansixinta warbixinta waxay gunnaanad u ahayd hannaan soo socday muddo lix bilood ah si loo xaqiijiyo u diyaargarowga iyo ku haboonaanta Soomaaliya ee ku biiritaanka ururka. Si loo xaqiijiyo shuruudaha, Soomaaliya waxay ahayd inay caddayso inay ilaaliso sharciga, dawladnimada, ixtiraamka xuquuqul insaanka iyo sidoo kale in ay tahay xarun ganacsi oo kor u qaadaysa ganacsiga iyo horumarka gobolka.

Bishii Agoosto, iyadoo la raacayo awaamiirta Madaxda Qaranka, khubaro ka kala socota toddobada waddan ee EAC, Xoghaynta iyo Golaha EAC, Soomaaliya, Golaha Sharci dejinta ee Bariga Afrika, iyo Maxkamadda Cadaaladda ee Bariga Afrika ayaa ku kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya muddo sagaal maalmood ah oo wadahadallo ah. oo ku saabsan soo galitaanka Soomaaliya ee golaha deegaanka. Wada-hadalladaas ka dib, Xoghayaha Guud ee EAC Peter Mathuki ayaa kalsooni ka muujiyay in la ansixin doono codsiga Soomaaliya ee xubinnimada.

Muddo dheer ayay Soomaaliya sugeysay inay mira dhaliso hammigeeda ah inay ku biirto Urur Goboleedkan Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika oo ay markii ugu horreysay isku dayday inay ku biirto sannadkii 2012-kii. Baadigoobka ku biirista Urur Goboleedka EAC waxay ahayd mudnaanta koowaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud tan iyo markii dib loo doortay 15 bishii May, 2022. Haddii la ansixiyo sida la wada filayo. waxay noqon doontaa gaarista ama meel marinta riyo 11 sano ah iyo sannado shaqo iyo hawlo adag loo soo marey

Oggolaanshaha ku biiritaanku ma ahan mid bishaaro u noqoneysa Soomaaliya oo keliya, balse waa mid ay ku baraari doonaan guud ahaan waddamada gobolka ku yaalla. Soomaaliya waxay horey u deristay una aqoonsatey faa’iidooyinka ku biiritaanka EAC, iyadoo inta badan dalalka xubnaha ka ah ururka ay qeyb ka yihii Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya – AMISOM (oo haatan loo yaqaano ATMIS) -ciidamo dalalka EAC ka mid ahna ay Soomaaliya waqtigan xaadirka ah joogaan. Hawlgalkan Midowga Afrika uu garwadeenka ka yahay, ayaa ku shaqeeya qaraar uu soo saarey Golaha Ammaanka ee Qaramamada Midoobay. Wadamada Bariga Afrika ayaa si dhow oo wadajir ah ugu jira dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Waxaa aan shaki ku jirin in walaalaheena dalalka gobolka ay door weyn oo muhiim ah ka cayaari doonaan dib u dhiska Soomaaliya nabad ah, xasiloon, wax badan oo wanaag ahna ku soo kordhisa Gobolka Bariga Afrika, sannado badan oo colaado iyo caqabado kale kadib.

Soomaaliya wax badan ayay ka faa’iidi kartaa ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Waxyaabaha laga xusi karo faa’iidooyinkaasi waxaa ka mid ah mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee Gobolka Bariga Afrika oo ay ku jiraan waddooyinka, tareennada iyo mashaariicda tamarta. Mashaariicdan ayaa kor u qaadi doona isku xirka dalalka Bariga Afrika, waxayna sidoo kale qeyb ka qaadanayaan koboca dhaqaalaha iyo horumarka. Sidoo kale waxay albaabada u furi doontaa maalgashi badan iyo dhaqdhaqaaqa raasumaalka. Waddamada Bariga Afrika ayaa awaxa ku nool in ka badan 200 oo milyan oo qof, taas oo ka dhigan suuq diyaar u ah ka ganacsiga badeecadaha iyo adeegyada, Soomaaliyana ay wax weyn ka faa’iidi doonto.

Xubinnimada Urur Goboleedka Bariga Afrika ayaa fursadaha la socda waxaa ka mid ah isu socodka dadka iyo isku gudubka badeecadaha gudaha iyo dibadda Soomaaliya. Tani waxay wax weyn u noqon doontaa dhaqaalaha maadaama ay horayba u joogeen boqolaal kun oo Soomaali ah oo ka ganacsanayay gobolka. Marka la eego heerka dhaqan-bulsho, wax-is-weydaarsiga dadka ma ahan oo keliya mid door ka cayaareysa kor u qaadista heerka nololeed ee muwaadiniinta, balse waxay sidoo kale wax badan ka tari doontaa xaqiijinta riyada is-dhexgalka ee waddamada gobolka ku yaalla.

Soomaaliya waxay rajaynaysaa in la wadaago aqoonta hab-dhaqannada ugu wanaagsan ee dimoqraadiyadda, dawlad wanaagga, sharci-dejinta, sinnaanta iyo xasilloonida deegaanka. Dalkeenu wax badan ayuu ka baran doonaa si uu u gaaro xasilooni buuxda, sannado badan oo qalalaase ah kadib. Wadamada Bariga Afrika ayaa taageero iyo garab istaag ku dheehan derisnimo iyo walaaltinimo u muujiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, dagaalka uu kula jiro argagixisada si meesha looga saaro Khawaarijta Al Shabaab dhammaadka sanadkan. Taageeradaasina waa mid aan si weyn abaal uga hayno hoggaamiyeyaasha gobolka.

Dhankeeda, Bulshada Bariga Afrika waxay ku naaloon doontaa suuq ganacsi oo la ballaariyay oo ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed oo ka badan 17 milyan oo qof. Tani waxay kor u qaadi doontaa ganacsiga iyo wax soo saarka guud ee Bariga Afrika. Gobolka wuxuu fursan u helayaa inuu manaafacaad weyn ka helo ka faa’iidaysiga ilaha dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer Afrika. Sidoo kale Soomaaliya waxa ay leedahay kheyraad dabiici ah iyo macdan aad u badan oo ay ka faa’ideysan karaan dalalka deriska la ah.

Soomaaliya waxa ay leedahay awood beereed baaxad leh oo looga faa’iidaysan karo danta Bariga Afrika oo dhan. Maanta, beeruhu waxay wax ku biiriyaan 65% GDP (Gross Domestic Product), ahna isha ugu weyn ee shaqa abuurka .Ka faa’iidaysiga iyo casriyaynta kheyraadka beeruhu waxa ay wax badan ka tari doontaa ma aha oo kaliya arrimaha sugnaanshaha cuntada ee Soomaaliya, balse kuwa gobolka oo dhan ayay dabooli kartaa. Wadamada Bariga Afrika waxay sidoo kale ka faa’iidaysan doonaan shacabka Soomaaliyeed oo intiisa badan ka kooban dhalinyaro wax weyn ku soo kordhin karta koboca dhaqaalaha gobolka.

Siyaasad ahaan, kordhinta tirada xubanah  Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC waxay kordhin doontaa saamaynta ay ku leedahay gobolka, waxayna kor u qaadi doontaa codkeeda siyaasadda Afrika iyo tan caalamka. Soomaaliya waxay awood saameyn ku yeelan doonta go;aamada masiiriga ah ee arrimaha Bariga Afrika iyo sidoo kale Geeska Afrika. Xubinimada Soomaaliya ee ururka waxay sidoo kale wax ka tari doontaa xal u helista caqabadaha amni ee Geeska Afrika.

Waxaa jira kooxo yar oo dhaleecaynaya ama si xun u fasiraya doonista Soomaaliya ee ku biiritaanka EAC. Waxay kooxdaasi ku doodeysaa in Soomaaliya weli aysan diyaar u ahayn ka mid noqoshada Ururka Bariga Afrika, balse xaqiiqadu waa ay ka duwan tahay fikirka ay qabaan. Kooxda khubarada ah ee xaqiijinta sameeyay ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay buuxisya dhammaan shuruudihii looga baahnaa ee heerka ku biirista ururka, taasina ay soo dedejisay in madaxda waddamada EAC ay meel mariyaan warbixinta khubarada, tallaabadaas oo muujineysa sida ay ugu kalsoon yihiin Soomaaliya iyo diyaar u ahaanshaheeda ku biiritaanka Urur Goboleedka EAC.

Kuwa iska indha tiraya xaqiiqada dalka taalla, waxaa muuqata inay jeclaan lahaayeen in aysan Soomaaliya ka soo bixin dambaska mugdiga ay soo martay. In aynan horumarin. In aynan ka faa’iidaysan siyaasadda gobolka, Afrika iyo caalamkaba. Laakiin Soomaaliya hadda ayay fursad iyo waqtiba haystaa. Waa inaan marnaba lag fikirin in Soomaaliya ay horumar ku sameyn karto iyadoo ku jirta xaalad go’doon ama keli ah. Waxaana mar walba horumarka uu ku jiraa wadajirka ama iskaashiga waddamada ay dantu ka dhexeyso. Tallaabada ay dowladda muhimad gaar ah ku siineyso ururkan ayaa sidoo kale ka tarjumeysa sida Madaxweyne Xasan Sheekh  Maxamuud ay uga go’an tahay inuu mudnaanta siiyo dadaallada kor loogu qaadayo heerka nololeed ee qof kasta oo Soomaali ah.

Waxaa jira halhays Af Sawaaxili ah oo oranaya, ‘Umoja ni Nguvu’, oo macnaheedu yahay “Midnimadu waa Awood”. Haddii ay Soomaaliya rabto in ay meel fog gaarto, waxaa Khasab ah inayna keligeen iska duulin. Waa inaan gacmaha is qabsanaa dhammaan wadamada gobolka oo aan si wada jir ah u horumarno una barwaaqowno. Waxaan si weyn u dhowreynaa dhammaadka bishan November si rasmi ah na loogu aqoonsado inaan noqono xubinta cusub eek u soo biireysa Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (East African Community).  Tallaabadan ayaa abuuri doontaa waa cusub oo rajo leh, xasilooni, iskaashi iyo horumar wadaag ah. Waxaan rajeyneynaa inaan qeyb ka qaadano kulanka lagu soo bandhigi doono Hiigsiga 2050 ee Urur Goboleedka EAC ee wanaajinta ka faa’iidaysiga kheyraadka gobolka si loo dardargeliyo wax soo saarka iyo samafalka dadyowga gobolka ku nool.

Waxaa qoray Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac.

Safiirka JFS ee Dalka Shiinaha oo ka qeyb galay shirka rugta ganacsiga iyo ururada caalamiga ah ee hindisaha Belt and Road

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Mudane Cawaale Kullane, , ayaa ka qeyb galay shirka Rugaha Ganacsiga iyo Ururada Caalamiga ah ee 2023 (GCCAC 2023), oo lagu qabtay magaalada Fuzhou, waxaana ujeedka shirrkan uu ahaa kobcinta iskaashiga warshadaha caalamiga ah iyo kor u qaadida horumarinta tayada sare ee Belt and Road Initiative (BRI) sannad-guuradiisii 10-aad.

Inta socotay munaasabadda furitaanka shirka, Danjire Kullane ayaa ka qeyb galay kulamo doceedyo ku saabsan xaqiijinta isku xirnaanta iyo sare u qaadista iaskaahiga.

Sidoo kale, shirka waxaa qeyb ka ahaa wakiilo ka kala socday Nepal, Sri Lanka, Indonesia, Malaysia, iyo ku-simaha safiirka dalalka Carabta, iyo kuwo kale. Danjire Kullane ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay kobcinta iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga caalamiga ah si loo helo horumar waara oo BRI ah.

Danjire Kullane ayaa sidoo kale door muhiim ah ka ciyaaray Madasha Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Shiinaha iyo Afrika, isagoo muujiyay sida ay Soomaaliya u daneyneyso xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Shiinaha iyo sahminta fursadaha iskaashiga.

Madashu waxay soo bandhigtay warbixino ku saabsan faa’iidooyinka warshadaynta Fuzhou iyo fursadaha iskaashiga Afrika, iyo sidoo kale deegaan maalgashi oo u gaar ah dalka iyo fursadaha iskaashiga Shiinaha.

    

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo gaaray Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa gaaray magaaladda Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha dowladda gobolleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo kusoo dhoweeyay wafdiga uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS.

Socdaalka gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ah ka qeybgalka Shirka Xildhibaannada labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashoodu tahay Koonfur Galbeed iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay uga arinsan lahaayeen geeddiga dowlad dhiska Soomaaliya, howlgalka wajiga 2-aad ee dagaalka iyo wax ka qabashada saamaynta fatahaadaha.

Dowladda Shiinaha oo deeq lacageed guddoonsiisay hay’adda SoDMA

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta kala wareegay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya deeq lacageed oo gaaraysa Boqol soddon iyo sagaal kun, saddex boqol toban iyo siddeed, afartan iyo shan Sent , (139.318.45$).

Deeqdan lacageed oo loogu tala galay howlaha samafalka fatahaadaha ayaa waxaa guddoomiyaha hay’adda SoDMA ku wareejiyay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Ambassador, Fei Shengchao.

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka ayaa sheegay in dowladda Shiinuhu ay tahay dowladdii ugu horreeysay ee xiriir kala soo samaysa arrimaha fatahaadaha, taasina ay ugu mahad celinayaan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay Safiirka Shiinaha ka wada hadleen sidii daadadka ka dib ay dowladdiisu gacan ugu geysan lahayd dib u dhiska buundooyinkii ku burburay fatahaadaha iyo in xal loo helo dhibaatada ay biyuhu ku hayaan Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Ingiriiska oo kala saxiixday heshiis iskaashi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska kulan kula yeeshay Wasiirka horumarinta Afrika ee UK Andrew Mitchell.

Labada Wasiir ayaa magaalada London ku kala saxiixday heshiis dhabbaha u xaaraya iskaashi buuxa oo labada dal ay ka yeeshaan dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha, maamul wanaagga iyo gargaarka.

“Anigoo ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee booqashada shaqo ku jooga Boqortooyada Ingiriiska waxaan heshiis Iskaashi iyo wada shaqayn ku kala saxiixannay magaalada London Wasiirka horumarinta Afrika ee UK Andrew Mitchell”.

Dalka Ingiriiska ayaa safka hore kaga jira dalalka Soomaaliya ka taageera arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo howlaha samafalka.

Odayaal horay ula shaqayn jiray khawaarijta oo isu soo dhiibay ciidanka xoogga dalka

Cali Maqane iyo Axmed Cali Gadaf oo ka mid ahaa Odayaasha sida dhaw ula shaqeyn jiray Kooxda Khawaariijta ah ee ku sugan degmada Ceeldheer iyo degaanka Cowswayne ayaa isku soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka iyo Kuwa dib u xoreeynta degaanka ee howlgallada ka wada xadka Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe.

Axmed Cali Gadaf waxaa uu Khawaariijta kala shaqeyn jiray in uu u keeno xoolaha baadda ah ee ay argagixisadu xoogga ugu qaadato dadka degaanka Cowswayne.

Cali Maqane ayaa isna ahaa Oday dhaqameed ama (Naqiib) waxa ay u yaqaanaan kaas oo isna khawaarijta u uruurin jiray xoolaha , wuxuuna dhowr jeer ka badbaaday weerar ay ku qaadeen Ciidamada dib u xoreeynta degaanka.

Firxadka Xubnahii la shaqeyn jiray Kooxda Khawaariijta ah ayaa yimid ka dib markii howlgallo gaar ah ay Ciidanka degaanku ka fuliyeen degmada Ceeldheer iyo deegaanno hoos taga, kuwaas oo lagu soo afjaray xubno muhiim u ahaa Khawaariijta qaarkoodna nolol lagu soo watay.