Kulan ciyaareed xiiso badan oo lagu soo dhaweynayo Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo lagu qabtay Baydhabo

Baydhabo:-Kulan ciyaareed xiiso badan oo lagu soo dhaweynaayo Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud looguna diyaar garoobayo tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa dhex maray kooxaha BCC iyo Baydhabo

Daawashada ciyaartaan ayaa waxaa ka qeyb galay kumanaan qof oo masuuliyiin iyo shacab isugu jira.

Ciyaartan xiisaha leh oo la isla gaaray Gool-ku laadyo ayaa waxaa ku guulaystay kooxda BCC iyadoo Wasiir Maxamed Barre Maxamuud uu wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Koonfur Galbeed mudane Salmaan Cali Ku Boggaadiyay abaabulka iyo diyaar garowga intaas le’eg ee muddada kooban lagu sameeyay.

Masuuliyiin ka tirsan laamaha dowladda ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa goob joog ka ahaa daawashada ciyaartan.

     

Jubaland oo gargaar gaarsiisay Shacabka Degmada Afmadow ee waxyeeladu ka soo gaartay Roobabka

Afmadow:-Dowlad gobolleedka Jubaland ayaa gargaar isugu jirta Daawooyin,Raashin,Doomo iyo bacaha Roobka la isaga dhigo gaarsiisay Shacabka ku nool Degmada Afmadow ooay saameeyeen Fatahaadihii Roobabkii ka da’ay Deegaanada Jubaland.

Gargaarkan ayaa waxa Deegaanka Gaarsiiyey Xildhibaanada Golaha shacabka iyo Senotarada Aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay degmada Afmadow.

Xildhibaanada ayaa waxa gargaarka kala wareegay taliyaha ciidanka daraawiishta Jubbaland ee degmada Afmadow Gaashanle dhexe Mahad Maxamed Islaam waxaana uu uga mahadceliyey madaxwaynaha Jubbaland iyo waliba xildhibaanada gargaarka ay soo gaarsiiyeen dadka danyarta ah ee Degmada Afmadow.

      

Soomaaliya iyo Imaaraadka oo kala saxeexday heshiis Ceelal Biyo looga dhisayo Deegaanadii laga xorreeyey Khawaarijta

Wasiirka Tamarta iyo khayraadka Biyaha XFS Mudane Jaamac Taqal Cabaas, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa kulan mira-dhal ah oo diiradda lagu saarayay hindisaha lagu taageerayo gobollada laga xorreeyay khawaarijta la qaatay Safiirka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Md. Axmed Juma Al-Rumaithi.

Safiir Axmed Al-Rumaithi oo ka duulaya qorshaha Imaaraadka ee la shaqeynta Dowladda Soomaaliya ayaa saxiixay heshiis u jeedkiisu yahay qodista ceelal biyoodyo lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada laga xoreeyay Khawaarijta.

Mudane Al-Rumaithi ayaa sidoo kale uga mahad celiyay Madaxweynaha JFS, Md. Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumadda, hagaajinta hababka taageerada qaranka, halka uu si weyn u bogaadiyay doorka baaxadda leh ee hay’adda SoDMA ku leedahay fududeynta hannaanka loo fulinayo mashruuca, si daahfuran oo labada dhinacba u dhexeysa.

Wasiir Tamarta XFS,Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka, ayaa uga mahaceliyay safiirka, shacabka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada muddada dheer ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya.

     

Soomaaliya iyo Imaaraadka oo kala saxeexday heshiis Ceelal Biyo looga dhisayo Deegaanadii laga xorreeyey Khawaarijta

-Wasiirka Tamarta iyo khayraadka Biyaha XFS Mudane Jaamac Taqal Cabaas, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa kulan mira-dhal ah oo diiradda lagu saarayay hindisaha lagu taageerayo gobollada laga xorreeyay khawaarijta la qaatay Safiirka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Md. Axmed Juma Al-Rumaithi.

Safiir Axmed Al-Rumaithi oo ka duulaya qorshaha Imaaraadka ee la shaqeynta Dowladda Soomaaliya ayaa saxiixay heshiis u jeedkiisu yahay qodista ceelal biyoodyo lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada laga xoreeyay Khawaarijta.

Mudane Al-Rumaithi ayaa sidoo kale uga mahad celiyay Madaxweynaha JFS, Md. Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumadda, hagaajinta hababka taageerada qaranka, halka uu si weyn u bogaadiyay doorka baaxadda leh ee hay’adda SoDMA ku leedahay fududeynta hannaanka loo fulinayo mashruuca, si daahfuran oo labada dhinacba u dhexeysa.

Wasiir Tamarta XFS,Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka, ayaa uga mahaceliyay safiirka, shacabka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada muddada dheer ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya.

     

Ra”iisul wasaarihii Hore XFS Mudane Rooble oo hambalyeeyey ku biirista EAC

Raii’sulwasarihii hore ee XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyed ugu hambalyeeyey ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Qoraalka Raii’sulwasaraha ayaa u qornaa sidaan.

“Waxaan Shacabka Soomaaliiyeed ugu hambalyeynayaa ku biirista EAC oo maanta si rasmi ah uga mid noqotay Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ah cudud dhaqaale oo muhiim u ah maalgashiga, koboca dhaqaale iyo isu socodka shucuubta gobolka Bariga Afrika.
Waa guul weyn oo u soo hoyatay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Waxaan ku bogaadinayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dadaalkii uu ku bixiyay xaqiijinta guushaan taariikhiga ah ee muhiimka noo ah.

Waxaan ku baaqayaa in loo midoobo ka guul gaarista arrimaha harsan ee hortebinta u leh horumarka iyo hiigsiga dalkeenna oo ay ugu horreeyaan deyn cafinta oo heer gebogebo ah soo gaartay, la dagaallanka khawaarinta, qaadista xayiraadda hubka, gargaarka iyo arrimaha kale ee masiiriga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hambalyo u diray hoggaanka Shirkadda Hormuud

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay guusha <span;>Soomaaliya ee billadda Hoggaamiyaha sanadka 2023-ka ee abaalmarinta Isgaarsiinta Adduunka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo dhigay qoraal bartiisa Facebook ayaa waxa uu ku yiri, “Muwaadin Soomaaliyeed in uu ku guuleysto abaalmarinta Isgaarsiinta Adduunka, waxa ay ifafaalo wanaagsan ka bixinaysaa horumarka Tiknaloojiyadda dalkeenna iyo hal abuurka dadka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale qoraalka ayuu Ra’iisul Wasaaraha ku sii xusay, “Billadda uu ku guuleystay Guddoomiyaha Hormuud Telecom Xaaji Axmed Maxamuud Yuusuf ee hoggaamiyayaasha shirkadaha isgaarsiinta caalamka ee ka shaqeeyey horumarinta isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda dalalkooda waa mid ay ku wada guuleysteen dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ee durafihii adkaa ku wajahay dhabar adayg iyo dadnimo.”

Ugu dambeen Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Shirkadda Hormuud, hoggaan iyo howlwadeenba waxa uu ugu hambalyeeyay guushan taariikhiga ah, isaga oo bogaadinaya doorka wanaagsan ee shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan horumarka dalka.

Xafiiska QM ee Soomaaliya oo hambalyo u diray Dowladda Soomaliya ee ku biiritaanka EAC

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo diiran oo ku aaddan in maanta Dalkeenu si rasmi ah u noqday xubin ka tirsan Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Qoraalka kasoo Baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ayaa lagu yiri “Waa guul usoo hoyatay Soomaaliya oo ku aaddan kusoo laabashada saaxadda bulshada caalamka iyo la hawl galidda dariskeeda”.

Wasiir Daa’uud oo ka hadlay Guusha Soomaaliya ay ka gaartay ku biirista EAC

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aways Jaamac oo la hadlay warbaahnta Qaranka ayaa hadlay Guusha Soomaaliya ay ka gaartay ku biirista Urur Gobaleedka iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sheegay in xubinnimada Uurukaan ay Soomaaliya ku helayso laba faa’iido, isaga oo tan koowaad ku sheegay in Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka xubnaha ka ah Ururkaan ay si rasmi ah u heli doonaan xuquuqda muwaadiniinta dalalkaas.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aways Jaamac ayaa xusan faa’idada kale ay Soomaaliya ugu jirta Ururkaan in ay tahay dhanka isu socodka uu ka sii wanaagsanaan doona sida uu hadda yahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda Ururkaan.

Madaxweynaha oo khudbad jeediyey ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada Ururkaan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan ururkaan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomay kursiga xubinimada JFS ee EAC

Arusha:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda Ururkaan.

Madaxweynaha ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada Ururkaan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan ururkaan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya.

“Maanta oo aan furnay bog cusub oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin hor istaago annagoo si rasmi ah uga mid noqonayno xubnaha Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Tani kaliya kama tarjumeyso hiigsigeenna ee waa ifafaalo mustaqbal wanaagsan, fursado iyo awoodaha bulshadeenna. Waxaan dalladan ugu soo biirnay in aan xoojinno xiriirka saaxiibtinimo, ka qayb-qaadanno horumarka wadajirka ah, doorna ku yeelanno mustaqbalka wanaagsan ee shucuubta gobolka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika aqbalaadda codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada Ururkaan, waxa uuna soo bandhigay faa’iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga qaaradda.

  

Soomaaliya oo si buuxda uga kamid noqotay xubinimada Urur Gobaleedka dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika

Soomaaliya waxaa si buuxda uga kamid noqotay xubinimada Urur Gobaleedka dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika,kadib codeyn loo qaaday.

Dowladda Soomaaliya ayaa daddaal xoogan ku bixisay sidii ay qeyb uga noqon lahayd EAC isla markaana ay uga faa’iideysato xoojinta baayac-mushtarka dalka, si ganacsatada Soomaaliyeed ay uga shaqeystaan dalalka xubnaha ka ah daladdan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi culus oo ka socda dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Caruusha ee caasimada dalka Tansaaniya halkaasi oo lagu go’aamiyay ka mid noqoshada Soomaaliya ee Ururkaan.

Hadaba Soomaaliya oo qeyb ka noqotay East Afrika Community, EAC maxaa faa’iido ah ugu jira?

Dad badan ayaa aaminsan in ku biirista Soomaaliya ee Daladda Bulshada Bariga Afrika, aysan wax badan ka faa’iideyn balse xaqiiqada ayaa ah in ay faa’iido weyn ku qabaan dadka gaar ahaan Ganacsatada Soomaaliyeed ka mid noqoshada EAC.

1- FURSAD GANACSI IYO SUUQ WEYN OO AY KA FAA’IIDESTAAN DADKA SOOMAALIYEED.

2- ISU SOCODKA BULSHADA KU MIDEYSAN EAC, IYAGOO AAN U BAAHNEYN DAL KU GAL. IYO HELITAANKA BAASSABOORKA BULSHADA BARIGA AFRIKA.

3- GANACSATADA SOOMAALIYEED OO SHARCI BUUXA U HELAYA GANACSIGA IYO HANTIDA KA JIRTA DALALKAASI, DADKEENUNA UGU GANACSADAAN WALWAL LA’AAN.

4- SOOMAALIYA WAXA AY HELI DOONTAA FURSADO AY BADEECADDA UGU IIB-GEEYAAN DALALKAAS, OO AAN CANSHUUR KALE LAGA RABIN.

5- XAQUUQ GANACSI IYO MID BULSHO OO HEER GOBOL AH.

6- GANACSATADA SOOMAALIYEED, OO IYAGU ISAGA KALA GOOSHI DOONA DALALKA EE QEYBTA KA AH URURKA WADAMADA BARIGA AFRICA, BILAA SHARUUD.

7- KOBACA DHAQAALAHA OO AY SOOMAALIYA KA HELEYSO SUUQA WEYN EE EAC.

8- ISKAASHIGA KHUSEEYA SIYAASADDA, AMMAANKA, DIFAACA, DHAQAALAHA, DHAQANKA, TIKNOOLAJIYADDA IYO SHARCIGA.

 

Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu yimi Xafiiska waxa uu dadaal xoogan galiyay sidii ay Soomaaliya wax ula qeybsna la heyd Dalalka Darsika la ah Soomaaliya iyo kuwa ay kuwada midaysan yihiin Uururda kala Ah IGD,Midawga Afrika,Jaamacada Carabta iyo kuwa kale.