FAA’IIDADA IYO WAXTARKA MALABKA

Malabka waa midka kaliya ee ugu macaan dunida waxyaabaha uu Alle ugu deeqay umaddiisa ku munaafacsadaan, sidoo kalena laga yaabo n aanad ka warqabin in uu leeyahay faa’idooyin badan oo dhinaca caafimaadka ah.

Malabka marka koowaad faa’iidooyinkiisa waxaa ka mid ah isbeddelka maqaarka , caawinta jirka oo uu ku sameeyo miisaan dhimis, sidoo kale waxaa loo isticmaalaa daawo dibiici ah, waa haddiyad Alle subxaanahu watacaalaa ugu deeqay  addoomihiisa wax kasta oo ay u baahan yihiinna qur’aanka kariimka u dhex dhigay uguna caddeeyay sida malabka iyo faaidooyinka laga helo.

Aniga oo huba in ay fara badan yihiin malabka iyo manfaciisa ayaan jecleystay in aan bogagga caafimaadka aan idinkaga soo tarjumo waxyaabo kooban oo ku saabsan malabka isla markaana la tijaabiyay.

Haddaba, hadaad dooneyso in aad kordhiso tamarta jidhkaada, isku day in aad malab ku darsato qorshaha raashinka qaar maalin walba haddii aad tahay kafee cab fadlan yaree waayo wuxuu dilaa waxtarka malabka.

 

Malabka oo la daa’imo wuxuu si dabiici ah u saameeyaa in aad hesho tamar tusaale hadii aad rooti marsato malab koobka shaahna aad in yar oo malab ah kaga darsato xitaa aad biyaha ku darsato ogow waa quraac rasmi ah.

 

Dadka sameeya Jimicsiga wuxuu u leeyahay faa’iido balaadhan malabka cun wax yar oo aan badneyn ka hor jimicsiga xitaa marka aad ciyaar adag leedahay horay u sii, xitaa xabeebta wuu u fiican yahay malabku.

 

Dhanka kale, haddii aad leedahay dhuun cun cun ama riiraxyo waa mid aad ugu wanaagsan malabka wuuna daaweeyaa hadii aad joogteyso, tijaabo la sameeyay ayaa lagu guuleystay malabka oo waxyaabo sahlan lagu daray Tusaale: dhowr qaaddo (Malqacad) oo malab ah cun ama ku qas in yar oo milix leh ayodhiin iyo xabba liimo dabadeed cab waxaad dareemeysaa in uu kaa joogsaday cuncunkii dhuunta.

 

Malabka wuxuu awood weyn u yeelaa unugyada difaaca jirka qaastan haddii aad ka shaqeysid meelo jeermis badan isku day in aad joogteyso shaah lagu daray malab iyo liin maalin walba xusuusnow hadii aad caruur leedahay ka ilaali cunugga ka yar hal sano in aad siiso malab waayo dheefshiidkiisa ayaa qatar geli kara xanuunana waa laga qaadi karaa.

 

Ma ogtahay in uu malabka ka qeyb qaato dhimista miisaanka jirka, tusaale hadii aad biyo diiran oo lagu daray liimo dhanaan aad cabtid aroor kasta waxay yareysaa baruurta laakiin ha hilmaamin in aad malab ku darsato.

 

Haddii aad dhibaato ku qabto jiifsashada habeenkii xiliga hurdada malabka wuu kaa caawin karaa, raac tilmaantan in yar oo malab ah ku shub koob dabadeed ku dar caano diiran ka dibna cab.

 

Malabka wuxuu qofka u keenaa degenaan iyo raaxo habeenkii xiliga hurdada.

hadii aad dhaawac ka qabto meel ka mid ah jirkaada oo uu dhaqso kuu dawoobi waayay fadlan tijaabi in aad faashadda kula shubto in yar oo malab ah ka dibna aad ku dhaydo meesha nabarka iyo hareerahiisa ka dib kula dheji faashadda.

 

Malabku waa jeermis dile, xanuunkuna wuu yareeyaa waa tijaabo la sameeyay laguna guuleystay.

 

Ma ogtahay in malabku kaa caawin karo in aad la dagaalantid suggida cuntada, malabka waxaa ku jirta sonkor dabiici ah oo aan waxba u dhibeyn beerka, runta waxey tahay malabka in uu la dagaalamo neefta Urta ee afka ka soo baxda taasi micnaheedu ma’aha in aad joojiso cadayga maalin walba waa waajib taasi hadii aad leedahay neefta urta ee loo yaqaano karoonikada waxaad  isku dartaa in yar oo malab ah iyo qarfaha shaaha si aad ula dagaalanto neeftaa xun.

 

Waxaa kaloo jira tira badan oo faa’iido ah ee uu leeyahay malabka kuwana waa qeyb yar oo ka mid ah marka ulajeedada maaha in aad wax badan ka qaadato malabka waayo sun ayuu kugu noqon karaa hadii aad xadi badan isticmaasho

WQ: HIDDAAYO CABDULLE CADDOOW

Baledweyne oo saddax Carruur ah ay Gaajo ugu geeriyoodeen

Mayarka Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Nadar Tabaax Maalin ayaa faah faahisay saameynta Fatahaadda wabigu ka geystay Magaaladaas.

Guddoomiyaha Magaalad Baledweyne oo la hadashay warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in xaalad adag ay wajahayaan shacabka ku nool Baledweyn oo ka qaxay fatahaada wabiga Shabeelle,islamarkaan afarta xaafad ee magaalad ka koobantahy uu si isku mid ah ay biyihu u saameeyeen.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in wali xafadaha qaar ay jiraan dad shacab ah oo ku go’doonsan, xaafadda Buundaweyne ayay sheegtay in ay Gaajo ugu geeriyoodeen saddex carruur ah, kadib markii ay ku go’doomeen, kuwo kalana ay la il daranyihin xaalado nafaqa darri oo u baahan in si deg deg ah looga jawaabo.

Nadar Tabaax Maalin ayaa tilmaamtay in dhammaan baqaaradii Rashiinka iyo goobihii Caafimaadka ay saameeyeen daadadka fataahada magaaladana ay ka jirto xaalad Bini’aadannimo oo aad u daran, hay’addaha gargaarka ayay ugu baaqday in shacabka ay soo caawiyaan oo ay ka qeyb qataan gurmadka loo sameynayo Qoysaska ay fatahaadu sameeysay.

Hay’adda SODMA ayaa sheegtay duqa Magaalada Baledweyne In saddax deyaaradooda oo gargaar ah soo gaarsiisay, balsa sidaa ay Sheegtay wali kaalma intaa ka badan ay u baahanyihin shacabka Magaalada Beledweyne oo inta badan ka barakacay xaafadaha magaaladaasi.

Biyo Roobka deyrta iyo fatahaad uu sameeyay wabiga shabeelle oo isbiirsadkadhashay ay ayaa ka dhashay fatahaad iyo daadad xooggan oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho, burbur iyo barakac intaba,waxaana Magaalada Baledweyne agabi ahaanba buux dhaafiyay biyo aad u fara badan oo sababay in dadkii dhamman ay faarujiyaan magaalada.

 

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kulan la qaatay U qeybsanaha Arrimaha Ciidanka ee Dowlada Turkiga u jooga Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Xafiiskiisa Kulan kula qaatay Uqeybsanaha Arimaha Ciidanka ee Dowlada Turkiga u jooga Soomaaliya G/sare bariş bulut

Taliyaha  iyo Uqeybsanaha Arimaha Ciidanka ee dowlada Turkiga ayaa ka wada hadlay Xoojinta tababarada iyo Qalabeynta Ciidanka  Kumaandooska Gor Gor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dowlada Turkiga ayaa ka Mid ah Dowladaha ka qeyb qaata.
Dhismaha iyo tababarada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dowladda Ruushka oo Muqdisho soo gaarsiisay markab sida shixnad gargaar ah

Danjiraha Russia u fadhiya Djibouti, isla markaana Soomaliya ka wakiil ah, Mikhail Golovanov ayaa maanta soo gaarey magaalada Muqdisho si ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u guddoonsiiyaan markab sida gargaar cunto.

Markabkaasi ayaa la filayaa inuu soo magaalada Muqdisho soo gaaro maalmaha socda, waxaana uu sidaa 25 kun oo tan oo sarreen ah ama qamadi.

Gargaarkan cunto ayay dowladda Russia ku dhawaaqdey inay siinayso dalal Afrikan ah oo ay Soomaaliya ugu horeyso dhowr bilood ka hor.

Safiirka ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama iyo Agaasimaha Waaxda Yurub ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Danjire Cabdiraxmaan Nuur Maxamed (Diinaari).

RW Xamse oo guddoomiyay kulan ku aadan qorshaha Xukuumadda Dan Qaran ee shirka isbeddelka cimillada ee COP28

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir ku saabsan diyaargarowga COP28 oo 30-ka November ka furmi doona magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka-ka Carabta.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha Xukuumadda Dan Qaran ee ku aaddan shirka isbeddelka cimillada ee COP28 iyo qorshooyinka cadcad ee Soomaaliya shirkaasi la tagaysi, si wax  looga qabto dhibaatooyinka isbeddelka cimilada adduunka ku keenay dalkeena.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in isbeddelka cimiladu uu saameyn toos ah ku yeeshay nolosha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca deegaanka oo isbeddel ballaaran laga dareemayey 30-kii sano ee la soo dhaafay.

          

28 Qof oo ku geeriyooday doon la qalibantay kadib markii khawaarijtu u diideen meel ay ka baxdo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle oo qabtay shir jiraa’id oo uu kaga waramayo xaaladdii ugu dambeysay saameynta ka dhalatay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobabaka ka da’ay dalka ayaa sheegay in dadka ku geeriyooday ay illaa hadda marayaan 96 Ruux oo 28 kamid ah ay ku dhinteen Doon la qalibantay kadib markii Khawaarijtu u diideen meel ay ka baxaan.

In ka badan labo milyan oo ruux (2,000,300), ayaa ay saameyn ku yeesheen roobabka daadadka wata ee ka da’ay dalka Soomaaliya, waxaana ku barakacaay illaa sagaal boqol oo kun (9,000) oo ruux sida uu sheegay guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle oo ka warbixiyay gurmad ay hey’adda SODMA ay sameysay ayaa sheegay in illaa 11 kun oo ay gaarsiyeen cuno iyo agab kale oo ay u baahnaayeen, waxaana uu tilmaamay in ilaa hadda ay filayaan gurmad oo xooggan oo ay ku yabooheen dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya.

“Illaa hadda waxaa la gaarsiiyay 33 doomoon Gedo, Jubbada Hoose iyo Hirshabeelle oo u baahna dooman si loo badbaadiyo dadka ay fatahaadu saameysay” ayuu yiri guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle.

Kooxda cadowga ee khawaarijta ayaa sidoo kale caqabad ku ah in gurmad la gaarsiiyo dadka ka barakacay degmooyinka ay daadadku saameeyeen, waxaana dhibaatooyinkaas kamid ah in kooxda cadowga ah ay u diideen doon ay saarnaayeen dad shacab ah oo doonayey inay naftooda badbaadiyaan balse ugu dambeyn doontii ay la qalibantay iyada oo uu cadowgu ceyrsanyo sidaasna wabiga ugu geeriyooday.

Wasiir Daa”uud Aweys: Waxa qormaysa Taariikh Cusub

Taariikhda cusub ayaa u qormaysa,Shir Madaxeedka 23-aad ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika waxaa uu magaalada Arusha ee dalka Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania ku ansixiyay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah xubin uga noqoto ururka, noqotana xubintii 8aad ee urur goboleedka ka mid noqota.

Marxaladdan muhiimka ah ,waxa ay daliil u tahay dedaalka hagarla’aanta ah ee uu muujiyey madaxweynaheenna Dr Xasan Sheekh Maxamud oo fulinaya qeyb ka mid ah siyaasadda arrimaha dibedda ee‘’Soomaali dunida iyo deriskeedaba heshiis la ah’’, iyo weliba dadaallada adag ee ay dowladeena iyo shacabka Soomaaliyeed gacanta uga wadageysteen ka mira dhalinta gaarista hadafkan.

Go’aanka ah in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqoto ururkan sharafta leh waxa ay muujinaysaa sida wadajirka ah ee madaxda iyo shacabka Bariga Afrika uga go’an tahay kobcinta horumarka, xasilloonida, iyo iskaashiga gobolka.

Runtii waxaa sharaf iyo qadarin mudan kalsoonida iyo taageerada ay nasiiyeen dowladaha xubnaha ka ah ururkan. Inaga oo xubin ka noqoshada ururkan ay ka ratibmeyso waajibaad iyo door waxqabad,ayaa waxaan caddeynayaa inaan diyaar u nahay inaan gudano mas’uuliyadda inooga aaddan, islamarkaana ka dhex muuqano sameynta go’aamada masiiriga ah ee gobolka Bariga Afrika.

Waxaa naga go’an in aan la imaano wax-qabad wanaagsan oo macnoleh kaas oo Soomaliya ka sokow ay ka faa’iideysan doonaan guud ahaan dadyowga gobolka, inagoo raaceyna nidaam la isla oggol yahay oo danaha Soomaliya ay si weyn uga muuqdaan.

Waxaan aamin sanahay in haddii la helo iskaashi, is faham iyo wadashaqeyn, inaan si wadajir ah u gaari karno xasillooni iyo horumar waara oo ka hanaqaada deegaankeenna,Si wadajir ah,waxaan uga shaqeyn doonnaa mustaqbal ifaya oo barwaaqaysan oo waxtar u leh dhammaan dadyowga gobolka ku nool.

Waxan u mahadcelinaynaa Dowladda Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania oo si maqaam sare leh noogu soo dhoweysay magaalada Arusha, iyo dhammaan madaxda kale ee ururka ee go’aankaan taariikhiga qalinka ku wada duugay.

Mahadsanidiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 1-aad ee labadda Gole Baarlamaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Xasan ayaa Golaha Baarlamaanka u jeediyey khudbad dhinacyo taabaysa taas oo nuxurkeedu ahaa gulufka dagaal ee dowladdu ku qaaday kooxaha khawaarijta kaas oo guul weyn laga gaadhay.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan ayaa ku nuux nuuxsaday in la joogo wakhtigii uu qabyada ka bixi lahaa lana dhamaystiri lahaa Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku dhawaaqat in bilowga ilaa dhamaadka Bisha December Soomaaliya ku guulaysan doonto in laga qaaso Cuno qabataynta hubka sidoo kale na uu soo dhammaado mashruuca dayn cafinta oo si dhamaystiran looga cafin doono Soomaaliya daynta.

Madaxda Dalal EAC oo ugu hambalyeey Dowladda Soomaaliya ka mid noqoshadda Ururkan

Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa ugu hambalyeey Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ka mid noqoshada Urur goboleedka iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo ay shalay si buuxda Soomaaliya xubin uga noqotay.

Madaxweyneyaasha iyo Madaxda kale ee dalalkan ayaa Ku hambalyeey daddaalka dowladda Soomaaliga ku bixisay ka mid noqoshadda ururkan oo muhiim u ah Bulshada ku nool gobolkan.

Ururkan ayaa dalalka ku midaysan waxay wadaagaan Socdaalka,ganacsiga iyo iskaashi buuxa oo dhanka horumarka ah.

Soomaaliya oo mar kale ka soo muuqaneysa saaxadda Caalamka (WARBIXIN)

Bishii Juun ee sannadkan, Madaxda Bariga Africa waxay ansixiyeen Warbixinta Xaqiijinta Codsiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si ay uga mid noqoto Urur Goboleedkan intii lagu guda jiray Shir Madaxeedkii 21-aad ee aan caadiga ahayn ee ururka oo lagu qabtay magaalada Bujumbura ee dalka Burundi.  Dhameystirka iyo ansixinta warbixinta waxay gunnaanad u ahayd hannaan soo socday muddo lix bilood ah si loo xaqiijiyo u diyaar garowga iyo ku haboonaanta Soomaaliya ee ku biiritaanka ururka. Si loo xaqiijiyo shuruudaha, Soomaaliya waxay ahayd inay caddayso inay ilaaliso sharciga, dawladnimada, ixtiraamka xuquuqul insaanka iyo sidoo kale in ay tahay xarun ganacsi oo kor u qaadaysa ganacsiga iyo horumarka gobolka.

Bishii Agoosto, iyadoo la raacayo awaamiirta Madaxda Qaranka, khubaro ka kala socota toddobada waddan ee EAC, Xoghaynta iyo Golaha EAC, Soomaaliya, Golaha Sharci dejinta ee Bariga Afrika, iyo Maxkamadda Cadaaladda ee Bariga Afrika ayaa ku kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya muddo sagaal maalmood ah oo wada hadallo ah  oo ku saabsan soo galitaanka Soomaaliya ee golaha deegaanka. Wada-hadalladaas ka dib, Xoghayaha Guud ee EAC Peter Mathuki ayaa kalsooni ka muujiyay in la ansixin doono codsiga Soomaaliya ee xubinnimada, ugu dambeytiina shalay ayay Soomaaliya Xubin buuxda ka noqota Ururkaasi.

“Maanta oo aan furnay bog cusub oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin hor istaago annagoo si rasmi ah uga mid noqonayno xubnaha Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Tani kaliya kama tarjumeyso hiigsigeenna ee waa ifafaalo mustaqbal wanaagsan, fursado iyo awoodaha bulshadeenna. Waxaan dalladan ugu soo biirnay in aan xoojinno xiriirka saaxiibtinimo, ka qayb-qaadanno horumarka wadajirka ah, doorna ku yeelanno mustaqbalka wanaagsan ee shucuubta gobolka”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha JFS Dr Xasan Shiikh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda Ururkaan.

Madaxweynaha ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada Ururkaan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan ururkaan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika aqbalaadda codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada Ururkaan, waxa uuna soo bandhigay faa’iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga Qaaradda.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa faahfaahiyay xubinnimada Uurukaan, wuxuuna sheegay inay Soomaaliya ku helayso laba faa’iido, isaga oo tan koowaad ku sheegay in Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka xubnaha ka ah Ururkaan ay si rasmi ah u heli doonaan xuquuqda muwaadiniinta dalalkaas, wuxuuna xusan faa’idada kale ay Soomaaliya ugu jirta Ururkaan in ay tahay dhanka isu socodka uu ka sii wanaagsanaan doona sida uu hadda yahay.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Daa’uud Aways Jaamac oo la hadlay warbaahnta Qaranka ayaa ku sheegay Guusha Soomaaliya ay ka gaartay ku biirista Urur Gobaleedka iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, kadib markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda Ururkaan.

Madaxweynaha oo khudbad jeediyey musasabadda ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada Ururkaan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan ururkaan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya.

Haddaba waxaa si weyn uga falceliyay arrintaasi masuliyiin isugu jira Madax xilal kala duwan ka soo qabtay Dalka iyo kuwa haya haatan, iyo dad kale, “Waa guul weyn in Soomaaliya ay maanta ka mid noqotay Bahda ku midaysan “Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC), taasoo fursad u siinaysa dadka Soomaaliyeed in ay helaan suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanaya. Mahadsanid Madaxweyne dadaalkaada soo bilowdey tan 2016-kii kuna soo gabagaboobey guusha maanta 2023-ka. Sidoo kale waxaa Ammaan iyo bogaadin mudan ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha ee ururka bulshada Bariga Afrika Md. Cabdisalaam Hadliye Cumar, khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan dalladan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya”, sidaasi waxaa Bartiisa Facebook-ga ku soo qoray Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala.

“Qaan-gaarnimadiisa Siyaasadeed ayaa sabab u ah Guusha Maanta iyo kuwa kasii faaiidada badan ee aan filanayno Maalmaha soo socda insha allaah. Madaxwaynuhu waxa uu u mahadceliyay Hogaamiyayaasha Gobalka ee saaxiibadiis ah ka dib markii ay ansixiyeen codsigiisii” ayuu sii raaciyay Mudane Cadaala.

Qaramada Midoobay ee  Soomaaliya ayaa dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed u dirtay hambalyo diiran oo ku aaddan in maanta dalkoodu si rasmi ah u noqday xubin ka tirsan Bulshada Bariga Afrika – waa guul usoo hoyatay Soomaaliya oo ku aaddan kusoo laabashada Soomaaliya ee saaxadda bulshada caalamka iyo la hawl galidda dariskeeda. Hambalyo.

“’HADDAAD GARATO WAA GUUL’. Soomaaliya oo ka mid noqotay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC). Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay guddoomay kursiga xubinnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya dadaal badan ka dib markii la aqbalay codsigiisa. ‘Guul Ninkii holliyaa helee waa Howl lagu Guleystay waana fursad Soomaalidu ka faa’iidi karto”, sidaasina waxaa yiri:- Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada National Theater-ka Abwaan Cusmaan Cabdulle Guure.

Xildhibaan Maxamed Cajiib ayaa isagana oo ka hadlaayay guusha Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka gaartay xubinnimada Bulshada Bariga Afrika ayaa ku biiriyay codkiisa “Waxaan bogaadinayaa dadaalka Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ee ka mid noqoshada Bulshadda Bariga Afrika. Waxaan hubaa in uu Madaxweyne HASSAN SHEIKH MAXAMUUD  uu xaqiijiyay Oraahdii Eheed Soomaali Heshiis ah Dunidda Heshiis la ah, gaar ahaan Bariga Afrika Heshiis la ah”.

Raii’sulwasarihii hore ee XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyed ugu hambalyeeyey ku biirista  Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Qoraalka Raii’sulwasaraha ayaa u qornaa sidaan. “Waxaan Shacabka Soomaaliiyeed ugu hambalyeynayaa ku biirista EAC oo maanta si rasmi ah uga mid noqotay Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ah cudud dhaqaale oo muhiim u ah maalgashiga, koboca dhaqaale iyo isu socodka shucuubta gobolka Bariga Afrika. Waa guul weyn oo u soo hoyatay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Waxaan ku bogaadinayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dadaalkii uu ku bixiyay xaqiijinta guushaan taariikhiga ah ee muhiimka noo ah.

“Waxaan ku baaqayaa in loo midoobo ka guul gaarista arrimaha harsan ee hortebinta u leh horumarka iyo hiigsiga dalkeenna oo ay ugu horreeyaan deyn cafinta oo heer gebogebo ah soo gaartay, la dagaallanka khawaarinta, qaadista xayiraadda hubka, gargaarka iyo arrimaha kale ee masiiriga ah”.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke Raii’sul-wasaarihii hore ee Dalka ayaa isna Boggiisa TWETER  (X) ku qoray farriintani “ waxaan ugu hambalyeeynayaa Dowladda iyo Shacaba Soomaaliyeed ku biirista Ururka dhaqaalaha Bariga Afrika EAC waxay horseedi doontaa isbedel weyn oo ku yimaada isu socodka Dadkeenna iyo badeecadaheenna guud ahaan Gobolka”.

“Waxaan soo dhawaynayaa guusha laga gaaray dadaalkii soo billowday 2011 ee ku biirista Dallad Bulshada Bariga Afrika (EAC). Waa guul u soo hoyatay dadka Soomaaliyeed oo ay u sahlanaan doonto isu socodka wadamada ku mideysan dalladan,  ganacsiga iyo suuqa xorta ah maadaama dadkeennu ku wanaagsan yahay ganacsiga. Waxaan u mahad celinaynaa dowladaha xubnaha ka ah EAC oo aqbalay codsigii dalkeenna Soomaaliya ee kamid noqoshada Dalladan Bulshada bariga Afrika”, Kaasina waa Shiikh Shariif Sh.  Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Dhanka kale Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed waxa ay ugu hambalyeynaysaa Shacabka Soomaaliyeed guusha taariikhiga ah ee ku biirista Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC). Hey’addu waxa ay si gaar ugu bogaadinaysaa Madaxwaynaha JFS Dr. Hassan Sheikh Mohamud dadaalkii uu geliyay ku biiiritaanka Dalladda Bulshada Bariga Afrika.

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadanaysaa in sida ugu wanaagsan Ummadda Soomaaliyeed uga faaiidaysato isku Socodka xorta oo ay ku dhisan tahay mabaadii’da iskaashiga Dallada.

Haddaba maxay ka faaideysa Soomaaliya? Soomaaliya wax badan ayay ka faa’iidi kartaa ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Waxyaabaha laga xusi karo faa’iidooyinkaasi waxaa ka mid ah mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee Gobolka Bariga Afrika oo ay ku jiraan waddooyinka, tareennada iyo mashaariicda tamarta. Mashaariicdan ayaa kor u qaadi doona isku xirka dalalka Bariga Afrika, waxayna sidoo kale qeyb ka qaadanayaan koboca dhaqaalaha iyo horumarka. Sidoo kale waxay albaabada u furi doontaa maalgashi badan iyo dhaqdhaqaaqa raasumaalka. Waddamada Bariga Afrika ayaa waxa ku nool in ka badan 200 oo Milyan oo qof, taasi oo ka dhigan suuq diyaar u ah ka ganacsiga badeecadaha iyo adeegyada, Soomaaliyana ay wax weyn ka faa’iidi doonto.