Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo markii u horreysay bixisay shahadaada Amniga diyaaradaha

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa guddoonsiisay shirkadda Freedom Airlines oo ka mid ah shirkadaha duulimaadyada dalka shahaadada barnaamijka amniga (Airline Security Programe) , kaddib markii ay shirkadda buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa.

Maareeyaha guud ee hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed , Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa shahaadada ku wareejiyay maamullaha Freedom Airlines ee Soomaaliya,Mudane Mukhtar Xaamud.

“ Maanta waxay noqonaysa Freedom Airlines, markii u horreysay ee shahaadadan lagu guddoonsiinayo,kaddib markii la mariyay nidaamka barnaamijyada amniga hawl-wadeennada diyaaradaha si waafaqsan barnaamijka amniga duulista rayidka qaranka,taasoo ay ka soo shaqayeen saraakiisha xafiiska amniga iyo fududaynta duulimaadka ee hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.” ayuu yiri maareeyaha guud HDRS, Mudane Axmed Macallin.

Shirkadda duulimaadyada Freedom Airline, oo noqonaysa shirkaddii u horreysay ee la siiyay shahadada amniga, ayaa sidoo kale horey u ahayd shirkaddii u horreysay ee qaadatay taargada duulimaadka Soomaaliya ee SIX OSCER (6O), bishii Ferbruary ee sannadkii 2021.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabad lagu abaal marinayey guddiyada iyo sanatarrada Aqalka Sare

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Xarunta Aqalka Sare kaga qeyb-galay munaasabad lagu abaal marinayey guddiyada, sanatarrada iyo guddoomiyeyaash guddi-hoosaadyada muujiyey howlkarnimada dheeraadka ah, inta lagu guda jiray kalfadhigii 3-aad ayaa ku ammaanay shaqada wanaagsan ee ay qabteen, isagoo tilmaamay in arrinkan uu tusaale u yahay Hay’adaha kale ee dowladda.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ”waxaa muhiim ah in qofkii ku fiicnaa ilaalinta shaqada iyo gudashada waajibaadka qaranka uu ka duwanaado dad kale”

 

    

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyey Magaalada Kismaayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxwene ku-xigeennada, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Jubbaland ayaa la xiriira u kuurgelidda xaaladaha binu aaddantinimo ee ka dhalatay daadadka El-nino oo saameyn xooggan ku yeeshay deegaannadan, dardar-gelinta howl-galka wajiga 2aad ee ciribtirka Khawaarijta, xarig jarka iyo dhagax-dhigga mashaariic horumarineed iyo xoojinta wada-shaqeynta hey’adaha Federaal iyo kuwa dowlad-goboleed Jubbaland.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Dowlad goboleedka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada soo dhaweynta diirran ee lagu qaabilay.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh : Waxaan ku laaban doonaa furimaha dagaalka si aan u sii hogaamiyo howlgalka dalka looga xoraynayo khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda soomaaliya ay ka go’antahay in dalka guud ahaan laga xoreeyo khawaarijt,waxa uu sheegay Madaxweynaha in soomaaliya oo aan laga sifeeyn khawaarijta aan la gaari karin amni iyo xasilooni.

Madaxweyna Xasan Sheekha oo hadal ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 4-aad ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in uu dhawaan ku laaban doono furimaha dagaalka si loo sii dardargaliyo howlgallada dalka looga xoreynayo khawaarijta.

“Waxaan ku laaban doonaa furimaha dagaalka si aan u sii hogaamiyo howlgalka dalka looga xoraynayo khawaarijta” Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadlakiisa sii raaciyay in cadawga ummadda soomaliyeed ay yihiin khawaarijta oo banneeysatay dhiigooda iyo hantidooda intaba,ayna waajib tahay in guud ahaan dalka laga sifeeyo,si dalka uu u gaaro hormar  waara.

Ciidanka geesiyasha Qaranka ayuu Madaxweynuhu ku bogaadiyay dagaalka naf hurnimada leh ay ku jiraan,isagoona faray in lasii laba jibaaro howlgallada ka dhanka ah khawaarijta si inta dhiman looga xoreyo dalka.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Baarlamaanka ka hor jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay, waxyaabaha uu ka hadlay waxaa kamid ahaa gulufka dagaal ee dowladdu ku qaaday kooxaha khawaarijta kaas oo guul weyn laga gaadhay iyo dhameeystirka Dastuurka Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya.

ISLAAMKU WUXUU QADARIYAA AADANAHA OO IDIL

Diinteena Islaamka  waxay  aad udhiiri galinaysaa ixtiramka iyo isqadarinta, iyadoo gaarsiisay meel aad usaraysa.

Diinteena xaniifka ah waxay nafaraysaa  hadaan muslimiin nahay in dhexdeena isqadarino,  guud ahaana bani’aadamka oo dhan cadaan iyo madow, muslim iyo gaal midkuu ahaadaba aan wanaag iyo ixtiraam kula dhaqano, taa oo diinteena toosan nagu boorinayso.

Waa waajib in Ruuxa muslimka ahi uu ixtiraamo walalihiisa muslimiinta ah iyo dhamaan dadkoo dhan, arrintaa oo aan kaga dayaneyno Suubanaheena Muxamed NNKH.

Haddii aad u fiirsato, Nabiga S.C.W markii uu warqadda udirayay boqorkii roomaanka waxa uu ku bilaabay sidatan:

Nabigeena NNKH Waxa uu yiri: “waxaan ku bilaabaya magaca Allaha naxriista gaar ahaaneed iyo mida guud ahaaneedba naxriista, kasocota Muxammed rasuulkii Allah, kusocota Hiraqalkii weynaa ee ruum”.

Warqadani Waxay caddaynaysaa kana marag kacaysaa nabiga NNKH inuu ixtiraamay Hiraqal isaga oo gaal ah, maqaamkiisana siiyey, sidaa darteed waa inaad ixtiraam bani’aadam-nimo ku salaysan umuujisaa qofkas-ta oo bin’aadam ah, waxaana ka xaaraam ah ruuxa muslimka ahi inuu aflagaadeeyo ama uu caayo  amaba si kale u dhibaateeyo ruux kale ha ahaado muslim ama yuuna ahaanine.

Allah subxaanahu watacaala  waxa uu qur’aankiisa kariimka ku yiri isaga oo na baraya sida aan ula dhaqmi lahayn gaalada aan dagaalka naga dhexeyn:

hadal la macno ah “Ilaahay idinkama reebayo kuwa aan idin kugula dagaalaynin diintiina guryihiinana idinka saaraynin inaad usama fashaan una cadaalad sameysaan, ilaahey waxa uu jecelyahay kuwa cadaalad fala”.

Hadaba muslimiinta ilaahay sw waxa uu faray samafal iyo cadaalad inay usameeyaan qof walboo bani’aadam ah oo aan ku xadgudbeyn diintooda iyo sharafkooda, sidoo kalena waxaa laga reebay waxkastoo liddi ku ah labadaan, taa oo Nabiga SCW  uu ku sheegay samafal kaasoo ka marqaati kacaya dhaqanka wanaagsan ee astaanta u ah muslimiinta.

Diinteena islaamka waa diinta ugu ixtiraamka badan bani’aadam-nimada, laakiin gaalada ayaa rabta in dadka wax magaratada ahi ka dhaadhiciso uguna fasirto diin dagaal, iyo mid xuquuqda bani’aadam-ka ku tumanaysa si ay udamiyaan nuurka Allah, mana damin karaan oo ilaahey SW wuu dhameystirayaa nuurkiisa haba nacaan gaalada’e.

Allah SW waxa uu abuuray bani’aadamka wuuna karaameeyay waxana lagama maarmaan ah inuu qof kasta oo bani’aadam ah uu qeyb ku lahaado xushmada. sida aynu ognahay nabiga NNKH wuxuu booqday yahuudi xanuunsanaa, waxaa kaloo Nabiga scw cafis ufidiyay dad  aan muslimiin ahayn, kuwo ayuu balla-maha u oofiyay gaalada ka mida, taasna waxay ka turjumaysa qof kasta oo bani’aadam ah inuu mudanyahy ixtiraam; ku dayo qofka ugu badan ee dunida la ixtiraamo waana Nabi Muxamned NNKH.

Islaamku waa nabad gelyo iyo wada noolaasho taana waxay ku imaanaysaa kuna hagaageysaa ixtiraam iyo isqadarin dhexmarta kuwa wada nool, iyagoo haday doonaan kala heysta diimo kala duwan waayo islaamku ma qabo in qofka lagu qasbo meesha uu aadayo iyo diinta uu qaadanayo kaliya islaamku wuxuu dadka ugu yeerayaa wanaagga iyo in diinta islaamka ay tahay diinta kaliya ee adduun iyo aakhiraba dadka anfacda taa oo ku imaanaysa naseexo ee aan aheyn juujuub iyo qasab midna.

Allah SW waxa uu ku leeyahay ” : ku dhaha dadka hadal wanaagsan, sidaa darteed waa inaa ilaalinaa guud ahaan xuquuqda bani’aadam kasta, si wanaagsana ula dhaqanaa, sidaa hadaa sameynana waa aan ixtiraamnay dadka waana waxa nalooga baahan yahay. Diinta islaamka waxay gaarsiisay ixtiraamka nolosha bani’aadamka ah iyo inaan lagu xad-gudbin heer aysan gaarin dhamaan diimaha kale waxa ay na leedahay:

“Qofkii dilaa nafsad ayadoo nafsad kale dilin ama dhulka fasaadiyaa waxa uu lamid yahay qof dadka oo dhan dilay, qofkii nooleeyaana waxa uu lamid yahay qof dadka oo dhan nooleeyay”.

Hadaba halkaa waxaad ka fahmi kartaa in islaamku halka qof ee bani’aadam-ka ahi agtiisu kaga dhigan yahay bashariyada oo idil, sidaa awgeedna aytahay in aan xushmeyno bani’aadamka oo idil, waana muhiim  in qofkastaa fahmo bani’aadamnimada, mana jiro qof uu daah kasaaran yahay inay diinteena toosan ixtiraamka qofka bani’aadamka ah ay gaarsiisay xadkii ugu sareeyay. Sidoo kale In la ixtiraamo shuruuucda iyo xeerarka, ballamaha iyo iyo hishiisyada, afkaarta iyo aragtiyaha intaba Islaamka maqaam iyo makaano weyn ayuu dajiyay.

Rasuulkeena NNKH waxa uu ina barayaa sida aan isku ixtiraami lahayn oo midkeen midka kale ula dhaqmi lahaa waxa uuna leeyahay naxriis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee:

“Hais xasdina, ha isku dooxina iibka , ha isku caroonina, ha isku dhabar-jeedinina, qaarkiina yey iibsan beeca qaarka kale, waxaadna noqotaan adoomadii ilaahey oo walaala ah, qofka muslimka ah muslimka kale waa walaalkiisa, ma gardarreys-to, ma liido, kama been abuurto, mana xaqiro, alla kacabsiga waa halkaan – nabiga waxa uu tilmaamay laabtiisa saddex mar- qof waxaa ugu filan shar oo dhan inuu xaqiro walaalkiisa muslimka ah, muslimkasta muslimka kale waa ka xaaraan dhiigiisa, hantidiisa iyo cirdigiisa (waa meesha qof laga amaani karo ama laga ceebeyn karo sida xaaskiisa, gabadhiisa, iyo qaraabadiisa ama naftiisaba)”.

Islaamka waxa uu nafarayaaa in la ixtiraamo nimcooyinka uu Allah SW nagu galladeystay oo ay ugu waaweyntahay nimcada islaamnimada, nimcada xoolaha iyo xayawaanka, sidoo kale nimcada cuntada iyo waxkasta oo waxtar inoo leh.

Inkastoo dhamaan xayawaanka ay tahay in la qadariyo haddana si gaar ah waxaa usii mudan inta aan dheefsano sida ariga, lo’da, geela, dameerka, faraska, iwm, kuwaasi ayaa ah kuwa ugu mudan in ladaryeelo oo la daneeyo.

Waxa ay nagu hagaysaa diinteenna in aan xayawaanka kula dhaqanno si ay naxriis iyo turid ku dheehan tahay, oo aan lagu xadgudbin, ilaahay jalla wa calaa waxa uu qur’aanka ku leeyahay:

“Nimcooleeyda (xoolaha) ilaahay dartiinna ayuu u abuuray, waxa idinku sugan diirsi, iyo waxtarro, dhankeedana ayaa ka cuntaan (hilbo), waxaa idinku sugan qurux marka aad soo celinaysaan iyo marka aad dheelminaysaan, waxa ay uxambaartaa culeyskiina magaalo eynaan gaarsiin Karin illaa inaad nafta cadaadisaan mooyee rabbigiina waa mid turid badan oo naxriis badan”

Sidaa darteed ilaahay xoolaha darteena ayuu u abuuray si aan ugu dheefsano waana inaan dhibin oo aan ku xadgudbin, waxa aan soo qaadan doonnaa laba xadiith uu nabiga SCW ugu hadlayo in lagu xadgudbin iyo in si wanaagsan loola dhaqmo.

“Jaabir waxa uu yiri: rasuulkii alle ayaa reebay in xayawaanka wajiga laga garaaco ama wajiga laga sumadeeyo” sidoo kale nabiga waxaa ka sugnaaday inuu yiri “ilaahay samafalka sheey kasta ayuu uqoray, hadii aad wax dilaysaan (ugaarsaneysan) u samafala diliddiina, hadii aad wax gowraceysaana usamafala gowriciina, midkiina ha afeysto mididiisa hana uraaxeeyo waxa uu gowracayo”.

Sidoo kale islaamka waxa uu meelsare gaarsiiyay ixtiraamka cuntada, maadaama ay ku jirto nolosheena iyo xooggeena waa in la ilaaliyaa oo lagu israafin, waxaa nasiib darrro ah in maalin kasta aan qashinka ku darno cunto nadiif ah, halka qaarkeen aysan ku baraarug saneynba qiimaha cuntada ay leedahay.

 

WD: Ibrahim Warsame

NABADDU NOOLE KASTAA U BAAHAN

Nabaddu waa shayga ugu horreeya ee noole kasta uu tabaya, una baahan yahay waqti kasta, nabad haddii la waayana jiritaanka ummadeed ayaa sii lumayo, ama ugu yaraan halis ayuu gelayaa.

Aadanaha nabad wax uu ku dhaamo waa la waayay, dadka sida ay u kala nabadgelyo fiican yihiin ayay u kala hormarsan yihiin, nabaddu waqa xasilooni, nabaddu waa midda horumarka iyo kobaca dadka u horseedda, nabaddu waa midda looga badbaado nolosha darxumada.

Nabad haddii ay jirto waxaa la helayaa isjacayl, isa saamixid, nabad haddii la helo waa la gaaraa barwaaqo, nabaddu waxaa ka dhasho midnimo, ilbaxnimo, nabaddu waa iftiin, nabaddu waa farxad waarta.

Nabad haddii la waayo waxaa booskeeda dego wal wal iyo walbahaar, waxaa beddelo silac iyo saxariir, waxaa dadka ku dhaca qarbud iyo qarribaad, nabad ayaa naas la nuugo leh, nabadda ayaana mudan in loo hiiliyo lana garab istaago, lagana shaqeeyo.

Nabadda oo laga shaqeeyo waa waajib ina wada saaran, qof kasta iyo doorka uu ka gaysan karo, colaadda iyo xasillooni darrada oo lala dagaallamana waa arrin nalaga wada doonayo, axad walba iyo karaankiisa, adiga oo nabad heli karana belo lama saadaalsado, loomana yeerto, loomana tafaxayto,

Nabadda waxaa ka soo horjeedo colaad, khilaaf, dagaal, burbur, nabadda haddii la waayo waxaa la waynayaa nolosha, ama ugu yaraan waxaa la gelayaa nolol aad u liidata, nabad la’aan waxa ay keentaa dowlad la’aan, dowlad la’aantana waxaa ka dhasha kala danbayn la’aan.

Nabad la’aantu waxa ay horseedda burbur dhan walba ah, amnigii ayaa burburaya, dhaqaalihii ayaa burburaya, waxbarashadii ayaa dhantaalmaysa, caafimaadkii ayaa la waynayaa, ganacsiyadii ayaa baaba’aya, qiimihii la lahaa oo idil ayaa khadka ka baxaya, qiyamkii ayaa hoos u dhacaya, nabad haddii la waayo waxaa badanaya tuugada iyo moorayaanta, waxaa badanaya dhaca iyo dilka, waxaa badanaya boobka iyo bililaqada.

Dad aan nabad haysan waxa ay u badantahay in ay nolosha ka dhacaan, waxa ay u dhowyihiin in ay yaraadaan, waxaa dhici karta in ay gumaysi galaan, dadku haddii ay nabadda ka baaba’do waxa ay noqonayaan kuwo qax iyo rafaad gala, kuwo silac iyo saxariir ku noolaada, kuwo sidii dugaaggii iscuna, dhiigga dadka aan wax galabsan ayaa rakhiis noqonaya, dilka dadka aan dambiga galin ayaa wax caadi ah iska noqonaya, dulmiga iyo gardarrada in la isku garab istaago ayay noqonaysaa.

WQ: C/salaam Maxamed Yaasiin

DADKA DAN YARTA AH MARKAAN OO KALE MAXAY ISWEYDIIYAAN

Dan yar-nimadu Waa dhibaato Xanuun Badan, ninkii arkay baa arkaye Waa Nolol Ciriiriya, Waa Wax La’aan, Waa Sawir Muujinaya Cidlo Ciirsi La’, Waa Nolol Murugo Leh, Fikir Badan iyo walaac.
Dadka Danyarta ahi Waxay Raadiyaan Nolol Maalmeedkooda, Waxa Laga Yaaba Sadexdii Wakhti Inay Hal Waqti ay wax Helaan Ama ay Waayaanba.
Dadka DanYarta ahi, Waxa ay Raadiyaan Nolol Ka Duwan, Tan ay Hada Ku Nool Yihiin, Habeen Iyo Maalin ilmo Ayaa Ka Soo Taagan Indhahooda, Waxay Is Weydiiyaan Noloshan ay Ku Nool Yihiin, Dharka ay Xidhan Yihiin, Kabaha ay Gashan Yihiin, Hoyga ay Ku Jiraan.

Waxay ay Arkaan qaraabadooda Ama Jaarkooda Oo Nuuraaya, Nolol Fiican Ku Jira, Mararka Qaarkood Qaar ka mida dadka Danyarta ahi Waxa ay Waayaan, Saaxiib ama Wehel.
Dadka Dan yarta Ahi, Waxaa ay Is Weydiiyaan Su’aalo Ay Ka Mid Yihiin Maanta Hadaad Taajir Ahaan Lahayd Ka Waran, Fooqaqa Dhaadheer Ee Magaalada Ku Yaala Hadaad Qaar Lahaan Lahayd, Gaadhigan Oo Kale Hadaad Wadan Lahayd, Haduu Maanta Aabahay Wasiir Ahaan Lahaa, Haduu Maanta Aabahay Madax Weynaha Dalka Yahay Waxaan Noqon Lahaa Sidan Iyo Sidan.
Noloshiisa Ku Yiraah, weydiiyaa siday Noloshaadu ula daristay baahidan, xaq miyaa…..
Ma Jirto Cid Ka War Haysa Ruuxa Danyarka Ah Nolosha Uu Ku Nool Yahay, Ma Jirto Cid Ka War Haysa Saaxiibkiisa Danyarka Ah.

Dadka Dan yarta Ahi Waxay Iskugu Jiraan Qaar Noloshoodu Ay Aad U Liidato, Aan Haysan Ehel Iyo Cid Tabaalaysa Ama U Gargaarta,Qaar Xanuunsanaaya, Naafo Ah, Wax Ay Quuto Aan Haysan.

Waxaa habbon oo wanaagsan in ummadda soomaaliyeed ee samaha jecel inay u gurmadaan kana fikiraan manta waa adduunyee beri wax u dhigo, oo walaalkaa maanta wax tar oo la wadaag daruufta uu ku jiro una muuji jil jileec iyo dabacsanaan iyo naxariis badan.

WQ: C/salaam Maxamed Yaasiin

BARAARUG LA’AANTA BULSHADA IYO WAXA DUNIDA KA SOCDA.

Colaadaha Ka soo cusboonaaday bariga dhexe ayaa maalinba maalinka Ka sii danbeesa sii laba jibaarmaya ayada oo xaalada gaartay meel halis oo u muuqata in uu dhici karo dagaalkii sadaxaad ee adduunka oo halis weyn ku ah dunida oo dhan gaar ahaan dunida saddexaad,islamarkaana lagaba yaabo in xaalad nololeed ee adduunka uu isbadal ku yimaado.

Madaxweynaha kuuriyada waqooyi kim jong un isaga oo lahadlaayo warbaahinta dalkiisa ayaa soo hadal qaaday xaalad dad badan walaac galisay oo aheed in loo diyaar garoobo dagaalka sadaxaad ee adduunka waxaana uu sheegay in laga maarmaan ay tahay in dagaalka sadaxaad ee adduunka in uu dhaco waa sida uu yiri Madaxweyne Kim Jong Un.

Dhan kale, Madaxweynaha dalkaTurkiga Rajib Dayib Erdugan oo isna meel fagaaraha kul hadlaayey shacabkiisa ayaa Ka hadlay isbadallada Ka socda dunida isaga oo sheegay in adduunka uu u jiheestay dagaalka sadaxaad islamarkaana loo baahan yahay shacabkaTurkiga in ay u diyaar garowaan dagaalkaas iyo qaabka ay noloshooda u bad baad san lahaayeen.

Qaar ka tirsan wadamada Reer Yurub ayaa iyana dhankooda ku jira diyaar garow xooggan oo ku aadan dagaalka sadaxaad ee adduunka ayaga oo shacabkooda u diyaariyey dhulalka hoostooda malaayiin guryaha ay ku bad baadaan cuntadii ay ku noolaan lahaayeen iyo solaradii ay isticmaali lahaayeen ayaga oo oga gol leh haddii uu dagaalka qarxo in waxkasta oo dhaq dhaqaaq ganacsi ay istaagi doonaan loona baahan yahay in loo sii diyaar garoobo.

Hadaba, aan u nimaado soomaaliya iyo xaalada maanta ay ku sugan tahay iyo baraarug la’aanta ka jirta marka loo fiiriyo waxa caalamka ka socda.

Bal suuree ama malee maxaa dhici kara haddii dagaalka sadaxaad ee dunida dhaco.

  1. Dekadaha soomaliya oo dhan wada xirmaan raashinna ka soo degi waayo!
  2. biilashii dibadaha laga soo diri jirayna ay joogsadaan! Ka dib markii la waayo meel la soo mariyo.

waxaa la fili karaa in ummadda soomaaliyeed ay soo wajahaan dhibaatooyin ay ugu horreyso baahi!

 

Waa khatar dhab ah oo na dul hoganeysa, saacad walbana waxaa suuragal ah in ay timaado arrintaas Qatarta ah, sababtuna waa dagaalada daba dheeraaday ee socda oo ay suuragal tahay inay dunida oo dhan ku faafaan.

dalal badan ayaa joojiyey inay wax-soo saarkooda dibadaha u dhoofiyaan, china mar hore ayey dadkeeda fartay inay raashin kaysadaan.

Hadaba umadda soomaaliyeed maxaa la gudboon?

1.Dowladda dhexe, maamul goboleedyada iyo shirkadaha leh raasumaalka waa inay galaan diyaar garow buuxa soona dejiyaan waxyaabaha laga maarmaanka u ah beerashada oo dhan sida:

Cagafcagafyada, Shidaalka, Raashinka, Daawooyinka iyo bacriminta beeraha.

Makiinadaha yaryar ee raashinka hagaajiya iyo iwm.

  1. in shirkadaha waa weyni ay maalgashadaan beeraha oo wixii ay dibadda ka soo dejin jireen dalka ku beeraan.
  2. in meesha laga saaro caqabadaha hortaagan dadku inay wax beertaan ama la yareeyo intii suura gal ah.

4.dadka soomaaliyeed in lagu wacyigeliyo inay wax beertaan oo ay ka faiideystaa nicmada Alle ee roobka gu’ga kana maarmaan raashinka dibada laga keeno.

Waana talooyin aan u soo jeediyey shacabkeega Soomaaliyeed ee aan baraarug saneen in ay baraarugaan iyo dowladda loona diyaar garowa isbadallada socda si aan uga badbaadno dhibaatooyinka ka halista leh alle naguma keenee sida caga-bararkii aan soo marnay oo kale taasaaba tusaale noogu filan in kastoo waagaana loo keenaayey macaawino balse markaan ma jireeyso dalalkii keen lahaa iyagaa dhigtay oo cunaya dagaalladana ka dambeeya.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

ROOBAB LIXAAD LEH OO KA DA,AYA GOBOLLADA DALKA

Xilligii deerta ayaa si xooggan uga hooraya sida badan gobollada dalka

Roobku waa raxmad eebbe laakiin wuxuu ubaahan yahay in laga sii gaashaanto waxyeellada uu geysan karo.

sidoo kale, roobku marka uu da’o  xooluhu waxay ka maarmaan biyo webi iyo biyo ceel intaba waxayna sida badan noqotaa barwaaqo sannadka oo dhan ah waxaana laga fishaa sannadkaas in uu noqdo mid dadku iyo xooluhuba barwaaqadu meel walba ka taal xoolahana si gaar ah caano badan looga maasho.

haddaba haddii  roobabkaan ka da’aan gobollada dalka gaar ahaan gobolka banaadir iyo agagaarkiisa iyo dhammaan waxaa ku noolaanaya beerahii kicinkii hore jiray oo u baahnaa roob dambeed  kuwaas oo dalagoodu si aad u baxayo markay helaan roob ku filan dhanka kale,  dhulkaa si aad ah u nooleeya xooluhuna ay u naaxaan  dadkuna uu farxad iyo reyn reyn ay ku soo dhoweeyaan.

galab galbaha ka mid ah ayaa cirka guulatooyin dacalka isi saareen  waxaana raxmad aad loogu farxay u da’ay dadka ku nool agagaarka gobolka banaadir iyo dacalladiisa in kastoo ay jiraan dad masaakiin ah oo aan hooy fiican heysan  haddana waa noloshii noolaha  haddii la waayo raxmadda ilaahey nolol ma jirto waayo waxaa ku noolaado noolaha ku nool badda iyo berriga.

Haddaba, naf kasta oo ka mid ah waxay ilaahey u celineysaa mahad aan

la soo koobi Karin, waxaa baxaya beeraha waxaa miro iyo ubax yeelanaya geedaha waxaa cuseyb noqonaya dhulka iyo geedaha waxaa muraalkodu hagaagayaa dadka waxaa kale oo beec yeelanaya xoolaha iyo dhulka  iyo guryaha waxaa nuuraya dalka oo dhan  waxaa rejo yeelanaya qof kasta oo ay heysay reja xumo waayo roobla,aantu waxay leedahay murug iyo raja xumo.

Roobabka lagu diirsaday ee ka da’aya  gobollada dalka gaar ahaan gobolka  banaadir, shabeellada dhexe iyo shabeellada hoose iyo guud ahaan geyga soomaalidu degto waa lagu diirsaday in kastoo gufaacada dhibicda xannuunkeedu ay u daran tahay qoysaska danta yar aan heysan hooy iyo gabbaad iyo  meel ay ka galaan qaboowga roobabka.

haddaba, waa labo is garab taal farxadda iyo murugada waana amar ilaahey  cidna wax kama qaban karto, balse waxaa leys farayaa in laga diyaar garoobo.

Dhanka kale, roobabka marka ay da’aan mar walba waxaa dhaca fatahaado, waxaana ku barakaca dadkii tabarta yaraa oo ay biyuhu ugu soo galaan guryahooda, taasina waa eed sannad waliba laga galayo dadka ku dhaqan agagaarka webiyada, tani maahan mas’uuliyad saaran dadka ee mas’uuliyadda dowladda in ay ka sii baaraan degaan waxa dhici kara, mafiicna in sannad walba lagu dhawaaqo xaalad deg deg ah, ee waxaa wanaagsan in la sameeyo isku tashi buuxa iyadoo la digayo ayaa haddana la diyaar garoobin.

Roobku waa raaxo iyo rasi bay soomaalidu tiraahdaa, balse roobku iyadoo uu leeyahay faa’iidada ballaaran ayaa haddana u dhalin karaa qasaaro lixaad leh waxaa shacabka soomaaliyeed iyo xukuummaddaba ku leeyahay

Nimcada Eebbe ku shugriya dhibaatadana ku Samra, dadaalkuna waa halkiisa howsha halkaa ka sii wada

WQ: Abwaan Gabayre

 

 

 

LOWSKA OO LA OGAADAY FAA’IIDOOYINKA LAGA HELO

Lawska wuxuu faa’idooyin badan u leeyahay jirka bini’aadanka, waxaana halkaan idin kugu soo gudbin doonaa faa’idooyin lagu xaqiijiyay cilmibaarisyo kala duwan:

Wadnaha: Lawska waxaa ku jira saliida aan cufnayn taasoo faa’ido u leh wadnaha, wuxuu lawska la dagaalamaa cudurka kolesatroolka oo ah subaga fadhiisto xididada wadnaha, taas oo ka hortag u ah xanuunka wadne qabadka iyo faaliga (Stroke).

Macaanka: Diraasad mar dhaw la sameeyay waxaa lagu ogaaday in lawska uu yareeyo boqolkiiba 21% halista macaanka, sababtuna waxaa la sheegay in ay tahay maaddo ku jirto lawska oo loo yaqaano “manganese” taasoo muhiim u ah kontaroolka sonkorta jirka.

Dhagaxa xameetida: Cunista lawska wuxuu ka hortag u yahay dhagxaanta ku samaysma xameetida, taasoo badanaa la burburiyo ama xameetida lala soo saaro.

Kansarka: Lawska waxaa ka buuxo maaddo loo yaqaano “beta-sitosterol), waxay maadadaan ka hortagtaa samaysanka burooyinka, waxayna xakamaysaa korriimadooda, diraasad lagu sameeyay dalka maraykanka waxaa lagu arkay dadka lawska cuno usbuucii laba jeer ugu yaraan inay boqolkiiba 58% uu yareeyay halista kansarka ku dhaca malawadka.

Xasuusta: Lawska wuxuu ka mid yahay cunnooyinka loo yaqaano “brain food” sababtoo ah waxaa ku jira fitamiinka B3, loona yaqaano “niacin” kaasoo kobciyo shaqada maskaxda, sarena u qaado xasuusta, waxaa kaloo lawska ku jira maadada loo yaqaano “resveratrol” kaasoo boqolkiiba 30% siyaadiso qulqulka dhiigga ee maskaxda, taasoo muhiim u ah firfircoonida maskaxda.

Niyad jabka: Lawska waxaa ku jiro borotiin loo yaqaano “tryptophan” kaasoo ka qeyb qaato soo saarista maaddo kale oo lagu magacaabo “serotonin” oo muhiim u ah la dagaallanka niyad-jabka iyo diiqada, wuxuuna lawska u shaqeeyaa sida qaar ka mid ah dawooyinka lagula tacaalo niyad-jabka (anti-depressants).

Uurka: Lawska wuxuu muhiim u yahay hooyada uurka leh, maxaayeelay waxay ka helaysaa maadada “Folic acid” oo hooyooyinka lagula dardaarmo in ay cunaan marka ay uurka leeyihiin, wuxuuna muhiim u yahay korriimada uurjiifka, sida lagu arkay dhowr diraasadood oo lagu sameeyay hooyooyinka lawska cuno, waxaa la arkay in boqolkiiba 70% ay ka badbaadaan caruur ku dhalato cillada dhabar furanka.

Korriimada Caruurta: Lawska wuxuu muhiim u yahay lafaha iyo murqaha caruurta korayo maadaama ay ka buuxaan borotiinno kala duwan, waana sababta loogu dardaarmo in caruurta cunno ahaan loo siiyo laws la shiiday ama laga dhigay dhiiqo.

Cayilka: Lawska waxuu ka mid yahay cunnooyinka lagu dhargo “high satiety food” sidaa darteed qofka joogto u cuno, badanaa dhakhso ma cayilo.

Maqaarka: Lawska wuxuu muhiim u yahay maqaarka, wuxuuna yareeyaa laalaabka maqaarka sababtuna waa fitamiinka C iyo E oo ka buuxo lawska, taasoo iyadane muhiim u ah qashin saarka.

Tinta: Lawska wuxuu xoojiyaa jiridka tinta, sidaa darteed wuxuu ka hortag u yahay daadashada tinta iyo bidaarta ragga noca ka dhalato cilladaha hormoonka.

Nafaqo: Lawska waxaa ku jiro macaadin iyo fitaamiino kala duwan oo jirka bini’aadanka faa’ido ugu jirto, qofka wuxuu ka helaa tamar badan.

Isticmaalka siyaadada ah ee lawska wuxuu dadka qaar u keenaa xanuunka gaaska, laabjeexa, dadka qaarne waxay ku yihiin Allergy taasoo halis galin karto nolosha qofka.

Haddii aad xasaasiyad ku qabtid lawska fadlan ka fogow isticmaalkiisa, haddii aad xasaasiyad ku qabtid caanaha, hilibka ama digaaga, waxay u badan tahay in aad xasaasiyad ku qabtid Lawska ee iska ilaali.

Waxaad kaloo ka fogaataa lawska duqoobay ama raagay ama muddo la kaydinayay sababtoo ah waxaa lawskaas ku dhasho jeermiska loo yaqaano “Aspergillus flavus” oo halis ku ah caafimaadka beerka.

WQ:  DALJIR