Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Kismaayo ka daah furay saddex mashruuc

Kismaayo:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Kismaayo ku daah furay saddex mashruuc oo la xiriira xalka-waara iyo yareynta saboolnimada oo laga hirgelinayo deegaannada Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Saddexda mashruuc ee maanta la daah-furay oo kala ah; XALDOON, NEGAAD iyo SEPOW, ayaa looga golleeyahay in wax looga qabto saameynta uu isbeddelka cimilladu ku yeeshay baracayaasha ku nool Soomaaliya, La-qabsiga Isbeddelka Cimillada ee dadka ku dhaqan Dooxada Wabiga Shabeelle ee uu saameeyay barakaca iyo xoojinta ka qeyb-qaadashada Horumarinta dhaqan-dhaqaale ee Dumarka Jubaland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyey hey’adaha iyo dowladaha mashaariicdani ka taageeraya Soomaaliya, isaga oo soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaannada ay saameeyeen roobabka daadadka wata ee El-nino.

Mudane Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo barmaanijyada xalka waara u noqon kara dhibaatooyinka soo noq-noqda ee dalkeenna saameeya.

Munaasabadda daah-furka mashariicda, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa  Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, Wasiirro ka socday Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Danjiraha Midowga Yurub iyo masuuliyiin ka tirsan Safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS oo furay shirka hannaanka diyaarinta hiigsiga qarni-jirka Soomaaliya

Madaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka hannaanka diyaarinta hiigsiga qarni-jirka Soomaaliya ee 2060-ka.

Shirkan oo soo qaban-qaabiyay Golaha Dhaqaalaha Qaranka, socon doonana muddo 2 maalin ah ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka socota dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo saaxiibada beesha caalamka ee sida gaarka ah u taageero Soomaaliya.

Madaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed, Madaxda dalka in ay ka shaqeeyaan danta guud si Soomaaliya uga hormato meesha ay taagan tahay.

“Waxaan farayaa golaha dhaqaalaha qaranka inuu noqdo horumarinta hiigsiga qarniga iyo inay si dhow ula shaqeeyaan dhammaan dhinacyada ay khusayso sida Wasiirada, hay’adaha dawladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dawladdaha xubnaha ka ah federaalka, ururada bulshada rayidka ah, ururada ganacsiga gaarka ah, iyo saxiibadeena calamiga ah,” sida uu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Inta socdo shirka hannaanka diyaarinta hiigsiga qarni-jirka Soomaaliya ee 2060-ka, ayaa la filayaa in dhacaan doodo u badan sida lagu gaari karo 2060-ka Soomaaliya oo dhaqaalo ahaan isku fillan.

Maxkamadda CQS oo xukun ku riday Askari ka tirsan ciidanka Booliska

Dable Boolis Cabdi Kaafi Nuur Yuusuf ayaa loo soo xiray dil bareer ah u geystay marxuum Cali Cabdi Cali falkaas oo kadhacay xaafadda Macalim Nuur ee degmada Dharkeenley Shantii bishii September ee sanadkan.

Muran dhex maray marxuumka iyo Sargaal Booliska ka tirsan ayuu eedeysanaha soo dhax galay waxaana xigtay dharbaaxo uu ku dhuftay marxuumka oo ku sugnaa dukaan ay hooyadii ledahay.

Dhaqaaq yar kadib eedeysanaha ayaa xabad uu ka tuuray qoray AK47 ah madaxa qaaday marxuumka oo isla goobtii ku naf baxay.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday lix iyo tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn ku xukumay Maanta Cabdi Kaafi Nuur Yuusuf dil toogosho taasoo ah qisaasta marxuum Cali Cabdi Cali.

Sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Abdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Shiinaha wuxu taageeraya nabadda, caddaalada iyo isku dayga xalk siyaasadeed ee qadiyadda Falastiin

Collaada Falastiin iyo Isra’il waxa nasiib daro ku naf-waayey in ka badan 10’000 oo ruux, welina tirada dhimasha way sii kordheysaa maalinba maalinta ka dambeysa, waxana ka dhalayana dhibaato beni’aadinimo aad u xun wakhtigaan. Shiinaha si lamida Soomaaliya waxa ay ka naxeen weerarkii dhacay October 7-deedii ee lagu qaaday cusbitaalka Gaza kaasi oo gaystay khasaaro culus. Dawladda Shiinaha si adag bay u cambaareysay weerarka, waxa ayna ku baaqday xabbad joojin deg-deg ah oo ah dadaalka uga muhiimsan ee laga badbaadin karo rayidka. Shiinaha,  Soomaaliya iyo dhamaan dalalka nabbadda jecel aad bay uga wel-welsan yihiin.

Mas’alada Falastiin, Shiinaha waxa uu mar walba la jiraa nabbadda, cadaaladda iyo damiirka beni’aadinimo sida uu dhawaanta ku cel-celiyey Wasiirka Arrimaha debbad Shiinaha, Mudane Wang Yi.

Dagaalka hadda socda, Shiinahu waxa uu dhiira-gelinayaa in mudnaanta la siiyo sidii dadaalka la’iskugu gayn lahaa in la joojiyo dagaal sida uga dhakhsiyaha badan, lagana hortago in uu sii fiido oo dhamaan yeelan waayo, lagana fogaado in ay xaalada ka sii darto. Shiinaha waxa uu adkaynayaa sida ay muhiim u tahay in la dhawro sharciga caalamiga ee beni’aadanimada, la sameeyaa dadaal walba oo lagu xaqiijin karo bed-qabka dadka rayidka ah, waa in loo furaa dariiq beani’aadantinimo oo lagu samatabixiyo, laguna caawiyo sida uga deg-degsiisan ee suura-galka ah, laga hortago in ay dhacdo masiibo daran ee beni-aadanimo ah. Shiinaha waxa uu cadeynayaa in wadamadu ay is-dejiyaan oo ay awoodooda xakameeyaan, ayna u wajahaan hab cadaalada ayna gacan ka gaystaan deminta colaada, kana fogaadaan in ay uga sii daraan amniga gobalka iyo caalamka. Sida caadada ah, Shiinaha waxa uu taageeraa doorka Qaramada Midoobay ee xalinta qaddiyada Falastiin, isaga oo ku nuux-nuuxsaya in Golaha Amaanka ee QM uu u baahan yahay in uu garabsiiyo muhiimada mas’uuliyada, uuna dhiso wax caalam uu heshii kuwa ah sida uga dhaqsiyaha badan oo suura-galka ah, uuna qaado talaabooyin lagu dhameynayo arrintan.

Shiinaha waxa uu sidoo kale sameeyey oo uu soo jeediyey qorshe nabbadeed. Bishii June, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sameeyey qorshe leh seddex nuqdo intii lagu jiray wadahadaladii uu lalahaa Madaxweyniha Falastiin, Maxamuud Cabas. Marka hore, xalka muhiimka ah ee qadiyada Falastiin waxa ay ku jirtaa dhismaha dawlad madax-banaan oo Falastiin yeelato, kuna raaxaysto madax-banaani buuxa oo aasaas u ah xuduudihii 1967-dii iyo oo caasimad u ah bariga Jerusalam. Marka xigta, Dhaqaalah Falastiin iyo noloshooda waa in wax laga qabtaa, beesha caalamkana waxa la doonaya in ay dar-dar geliso kaalmada hurumarineed iyo gar-gaarka beni’aadanimo ee Falastiin. Marka 3-aad, waxa muhiim ah in wadahadalada nabadeed loo maro jiho sax ah. Soo jeedintan waxa ay marag ka tahay dadaalka Shiinaha ee xalka si loo caawiyo in ay guuleystaan dib u heshiisiinta, loona dhiira-geliyo wadahadalada nabbadda.

Iyada oo laga jawaabayo baaqa QM ee ah in la yareeyo xaalada beni’aadanimo ee Gaza, Shiinaha waxa uu siinaya kaalmo deg-deg ah oo beni’aadanimo QM iyo Mas’uuliyiinta Falastiin si loo caawiyo waxna looga qabto baahida cuno, daawo iyo gabaad ee Gaza. Wasiirka Arrimaha Debadda Shiinaha, Wang Yi iyo ergayga gaarka ah ee Shiinaha arrimaha Bariga Dhexe, Zhai Jun ayaa kuluma la leh hogaamiyeyaasha diplomasiyiinta dalal dhawr ah si kaalin looga gaysto dejinta xaalada, loona dhiira-geliyo wadahadalada nabbadda.

Kol haddii ay kordhaysa caqabadaha adduunka, Shiinaha waxa uu la yimid 3-dex hindise oo waaweyn :-

Hindisaha Amniga Caalamka, kaasi oo ku baaqaya in laga wada shaqeeya amni guud oo la’isla fahmay oo waara, waana inuusan ahaan sida Falastiin iyo Isra’il, oo ay noqdaan laba dowladood oo deris ah, kuwaa oo amnigooda aan lakala qaybin karin, waana in laga hadlaa sidii nabbad waarta loogu heli lahaa labada dhinac.

Hindisaha Hurumarka Caalamka, kaas oo diirada saaraya hormarka kaas muhiim u ah dhamaan dhibaatada, xambaarsan xigmada aadanaha taasi oo ka hadlaysa sababaha muranada iyo is-fahmi waaga ka dhaxeeya labada dhinac ee colaada gobalka. Hurumarka wuxuu caawin karaa in la ga guul ku dhisan xal siyaaasadeed.

Hindisaha Ilbaxnimada Caalamka, kaasi oo adkaynaya is dhex-galka dhaqan, wax kala barashada labada dhinac iyo kala duwananshahooda, waxa ay iftiimin kartaa in labada dhinac ee dhaqan ahaan iyo diin-ahaan u kale duwan in ay si nabbad oo is ogal ah uga wada noolaadaan adduunka. Kala duwanaanshaha waa duco ma ahan habaar, waxa uuna noqon karaa isha awooda balse ma noqon doona colaada Falastiiniyiinta iyo Isra’il iyo beni’aadanka guud ahaan.

Marka uga dambeysa, xalka waxa u uku jirayaa gacmaha Falastiiniyiinta iyo Isra’iliyiinta. Dalalka jecela nabbadda ee adduunka, waxa aan sidoo kale leenahy door nabadeed, mid cadaalad, dhamaan dadka aan wax galabsan, nolosheena, iyo carruurteena iyo kuwa imaan doona. Waxa aan dhaqaajin karno ee hore loo socod siin karo waa inay noqotaa nabbada, balse waa in aysan xoog noqon, xushmad iyo difaaca dadka rayidka ah noloshooda balse ma ahan cagsigeeda.

Sida Madaxweyne Xi Jinping uu ka yiri Beijing furitaanka xaflada shirka 3-aad  ee Shirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Kaabaha Dhaqaale: Aadanaha waa bulsho mustaqbal wadaag ah. Shiinuhu waxa uu wax wanaagsan sameyn karaa marka ay dunida ay wax wanaagsan sameynayso. Marka Shiinaha uu wanaag sameeyo, dunidana wax ka wanaagsan bay sameynaysaa. Tani waa laga dhabeyn karaa Soomaliya, iyo waddamo badan oo adduunka ku yaala. Waxa aan dhamaanteen rabnaa oo aa istaahilnaa mustaqbal fiican, haddii aan gacmaha is-qabsano, maalmihii wacnaa baa imaanaya. Aan ku noolaano nabbad iyo amni kaliya meerahan dushiisa.

Waxa Qoray Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Amb. Fei Shangchao.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka guud ee Magaalada Kismaayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu warbixinno ku saabsan xaaladda caafimaad ka dhageystay dhakhaatiirta oo la wadaagay cabsida ay ka qabaan cudurro safmareen ah oo ka dhasha barakaca degdegga ah ee soo foodsaaray dadka deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasaaradda Caafimaadka XFS in wax laga qabto adeegyada uu u baahan yahay Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, maadaama laga cabsi qabo roobabka daadadka wata in ay sababaan cudurrada ka dhasha biyaha.

Kormeerka ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehelinayey Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Wasiirro iyo Xildhibaanno heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xarigga ka jaray dhismaha xarunta cusub ee Wasaaradda Caafimaadka jubbland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre  oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam  ayaa xarigga ka jaray dhismaha xarunta cusub ee Wasaaradda Caafimaadka dowlad-goboleedka Jubbaland oo loo dhisay qaab-casri ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in hirgelinta xarunta cusub wasaaradda ay ku soo aadday xilli muhiim ah oo gobolka ay ka socdaan dadaallada wax ka qabashada cudurrada ka dhasha daadadka iyo fatahaadaha biyaha ee la xariira caafimaadka

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasaaradaha Caafimaadka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed in heegan ay galaan, si looga hortago cudurrada faafa ee ka dhasha biyaha wasakhaysan, isla markaana ay ka yeeshaan qorshe cad.

Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo uu Ra’iisul Wasaaruhu kulan la qaatay, ayaa soo bandhigay qorsheyaashooda la xiriira wax ka qabashada saameynta roobabka daadadka wata iyo adeegyada kala duwan ee ay wasaaraddu siiso bulshada ku nool deegaannada Jubbaland.

Wabiga Shabeelle oo ku fatahay qeybo kamid ah xaafadaha degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in xaafadaha qaar ee degmadaasi oo ku fatahay wabiga shebeelle oo dhexmara degmadaasi.

Xafadaha Bogabeyso,Indhaceel,Wadajir iyo Xajibuube ayuu karkaarada ka jabsaday Wabiga oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay waday Biyo aad u farabadan, waxaana laga cabsi qabaa inuu fatahaad hor leh uu ka sameeyo wabiga xafadaha Hanti-wadaag iyo October oo aan waligod biyo gaarin.

Buundada degmada Buuloburde ayaa halis ugu jirto in ay go’do madaama Biyaha buux dhaafiyeen, waxaana shacabaka ay isticmaalayaan Doomama Matoorka ah.

Wakiilwareedka Warbaahinta Qaranka ee Buulabarde ayaa soo warinayo in gudaha magaalada uu ka bilowday barakac aad u baahsan oo ay sameynayaan dadka deegaaanka, kuwaas deegaansanaya dhulka taagga ah si ay fataahada uga bad badan

Wabiga shabeelle ayaa sidaan oo kale waxa uu fatahaad uga sameeyay Magaalada Beledweyne,halkaa oo ay ka barakaceen inta badan dadkii daganaa,sidoo kale gobolada Gedo Baay iyo Bakool ayuu wabiga ku fatahay waxaana dhammaan degaanada ka jiri xaalado adag.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb galay shir la xiriira doorka saxaafadda ku leedahay xaqiiqda iyo ka hortagga fariimaha naceybka

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga ugu qeyb-galay shir la xiriira doorka saxaafadda ku leedahay xaqiiqda iyo ka hortagga fariimaha naceybka ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay halkaas.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa khudbadiisa Xoogga ku saaraay xaqiijinta xogta lala wadaagaya bulshada muhiimadda ay leedahay, iyo in laga fogaado wararka horseedi karo naceybka iyo kicinta bulshada, waxuuna warbaahinta ugu baaqay in la adkeeyo doorka xaqiijinta wararka inta  aysan la wadaagin.

Shirka ayaa muddada uu socoday madaxda ka qeybgashay waxa ay isla garteen ka fejignaanta iyo wax ka qabashada hay’addaha warbaahineed qaar ee ka leexday mas’uuliyadii ka saarneed anshaxa saxaafadda, waxaana shirka ku wehliyay siihayaha ergayga joogtada dowladda Soomaaliya u fadhiya ururka OAC mudane Cabdiraxiin Cismaan Cilmi.

Dhanka kale Mudane Daa’uud Aweys ayaa Sacuudiga kula kulmay xoghayaha guud ee dalladda Caalamka Islaamka, isagoo kala hadlay sidii door muhiim uga qaadan lahaayeen horumarinta iyo sare-u-qaadista tacliinta iyo dhaqanka wanaagsan bulshooyinka calamka Islaamka.

Xubnaha guddiga saaxibtinimada BFS iyo Baarlamaanka Carabta oo doortay guddoon cusub

Xubnaha guddiga saaxibtinimadda Baarlamaanka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Isutaga imaaraadka Carabta oo yeeshay kulankoodii ugu horreeyay ayaa waxa lagu doortay Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxuloow,

Doorashada waxaa goob joog ahaa Habdhowraha guud ee Golaha Xildhibaan Maxamed Xasan Nuux iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Muxumed Cabdulle Jaabiri.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la yeeshay safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacanka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay safiirka Dowladda Ingriiskaee Soomaaliya Amb. Mike Nithavrianakis.

Kulanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Danjiraha ayaa looga hadlay sidii Baarlamaanada Soomaaliya iyo Ingriiska u yeelan lahaayeen xiriir wadashaqeyn, waxaana uu sidoo kale danjiraha xusay in UK ay diyaar u tahay in Baarlamaanka Soomaaliya ay ka taageerto dhameystirka Dastuurka KMG ah oo ay kalfadhigaan labada aqal ka shaqeyn doonaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo boggaadiyay dadaalka iyo taageerada Dowladda Ingiriiska ay siiso Soomaaliya, ayaa tilmaamay in dalka ku talaabsanaayo horumaro kala duwan, oo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha iyo in meel wanagsan uu maraayo dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaariijta ah.