Ciidanka Xoogga oo hawlgalo Khawaarijta lagu cirib tirayo ka sameeyey deegaano hoos taga Xudur

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada guutada 9-aad Qeybta 60-aad CXDS Ee Gobolka Bakool ayaa maanta Howlgal lagu Ciribtirayo Aragagaxisada ka sameeyay tuulooyin hoos yimaada magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Howgalkan oo uu hogaaminayey Abaanduulaha Guutada 9-aad qabta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed G/le Yoonis aadan Xasan ayey ciidanku ku bur buriyeen fariisimooyin ay khawaarijtu ku lahaayeen deegaanada Lukugooraw,Edaayin, Dabgal ,Ceelahaley Ilaa kulan-jareer oo inta badan maleeshiyaadka khawaarijtu ku dhuumaalaystaan , iyadoo ay jiraan qasaaro xoogg leh oo la gaarsiiyay cadawga kadib markii ay isku dayeen in ay iska caabin sameeyaan sida uu warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay G/le Yoonis aadan Xasan oo hoggaaminyay howlgalka.

Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa gobolada dalka ka wada howlgalo guud ahaan dalka looga ciribtirayo khawaarijta.

Wafdi ka socda Heya’adda WHO oo booqday Xarunta SODMA

Wafdi ka socda Hey’adda Cafimaadka Aduunka ee WHO ayna horkacayso Madaxa xiriirka Cafimaadka Ms. Erna ayaa maanta booqasho ku timid xarunta dhexe ee SoDMA.

Wafdigaan waxaa xarunta dhexe ee SoDMA ku soodhaweeyey Lataliyaha sare ee ka Jawaabista xaaladaha deg-dega ah iyo Masuuliyiin katirsan Hey’adda SoDMA waxaana kulankaan inta uu socday looga hadlay sidii loo hormarin lahaa xogaha qasaaraha ka dhashay meelo badan oo dalka ka mid ah, in si joogta ah loo wadaago xogaha dadka ay saameyen fatahaadaha iyo daadadka isla markaana la isla kaashado sidii wax qabad mideysan loo gaarsiin lahaa dadkaas fatahaadaha iyo daadadka ElNiño ay sameyeen.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo soo dhowaysay Taageero Midowga Yurub u fidiyey ciidanka Xoogga

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhowaysay taageero Maaliyaddeed oo midowga Yurub u fidiyey Ciidamada Qaranka Soomaaliya,midowga Yurub ayaa sidoo kale u fidiyey Ciidanka Qaranka Saannad iyo agab kale.

Warsaxafadeed ay soo saartay Wasaaradda gaashaandhiga ayaa lagu yiri” Wasaaradda Gaashaandhigga waxay soo dhowaynaysaa go’aanada golaha Midowga Yurub ee ku yaboohay taageerada Ciidamada Qaranka Soomaaliya Saannad iyo agab dagaalka iyo adduun lacageed oo dhan Hal malyan oo Yuuro”.

Dhaqaalahan ayaa qayb ka noqonaya qorshaha Dowladda Soomaaliya kula wareegayso Amniga dalka goobaha ay weli ku sugan yihiinka ATMIS oo Dowladda soomaaliya u qorshaysay in askariga u dambeeyaa Dalka ka baxo December 2024.

Midowga Yurub oo dhaqaale ugu deeqay Soomaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhowaysay taageero Maaliyaddeed oo midowga Yurub u fidiyey Ciidamada Qaranka Soomaaliya,midowga Yurub ayaa sidoo kale u fidiyey Ciidanka Qaranka Saannad iyo agab kale.

Warsaxafadeed ay soo saartay Wasaaradda gaashaandhiga ayaa lagu yiri” Wasaaradda Gaashaandhigga waxay soo dhowaynaysaa go’aanada golaha Midowga Yurub ee ku yaboohay taageerada Ciidamada Qaranka Soomaaliya Saannad iyo agab dagaalka iyo adduun lacageed oo dhan Hal malyan oo Yuuro”.

Dhaqaalahan ayaa qayb ka noqonaya qorshaha Dowladda Soomaaliya kula wareegayso Amniga dalka goobaha ay weli ku sugan yihiinka ATMIS oo Dowladda soomaaliya u qorshaysay in askariga u dambeeyaa Dalka ka baxo December 2024.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo shir guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada Jubbaland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada Jubbaland oo diiradda lagu saaray u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee ay daadadku saameeyeen iyo wajiga labaad ee ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Golaha Wasiirrada Jubaland warbixin ka siiyay howlaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran, gaar ahaana qorsheyaasha ku aaddan wax ka qabashada isbeddelka Cimillada oo sabab u ah in dalkeennu u dhexeeyo abaaro iyo daadad.

Waxaa kale oo Ra’iisul-Wasaaruhu sheegay inay jiraan mashaariic horumarineed oo Dowladda Federaalku u hayso dhammaan Dowlad Goboleedyada dalka, gaar ahaanna Jubbaland oo uu ka daah-furay, kana dhagax-dhigay tiro mashaariic ah kuwana ay waddada kusoo jiraan.

Ugu dambeynta Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasiir walba iyo masuul walba in uu kaalin muuqata ka qaato dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah oo dhawaan uu wajiga labaad ee dagaalka lagu ciribtirayo ka bilaaban doono Jubaland.

Guddoomiye Madaale iyo wasiir Al-cadaala oo kormeer ku tagay waddada isku xerta Isgoyska Dabka illaa Bakaaraha

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta ee XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, guddoomiye Ku-xigeenada Maamulka G/Banaadir, iyo xubno kale ayaa kormeer ku tagay waddada dheer ee isku xerta Isgoyska Dabka illaa Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, oo waxyeelo xoogan ay kasoo gaartay Roobabkii El-Nino ee ka da’ay Caasimadda.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ayaa halkaasi warbixin ku siiyay guddoomiye Madaale iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta, xilli ay ku guda jireen dadaalo lagu hagaajinayo wadadaasi, si xal loogu helo bur-burka soo gaaray wadadan oo muhiim u ah isku socodka bulshada Gobolka Banaadir, iyagoona sheegay in dhawaan lasoo gaba-gabeyn doonno qorshe dib loogu hagaajinayo wadadaasi.

Duqa Muqdisho ayaa kula dar-daarmay Maamulada Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag in ay juhdi fara badan geliyaan dadaalada socda ee xalka loogu raadinaayo sidii dib loogu dhisi lahaa wadadaasi oo Halbowla u ah isku socodka suuq weyn ee Bakaaraha.

Xulka qaran Soomaaliya ee 18-jirada oo guul wayn ka gaaray dhigooda xulka Sudan

Nairobi (SONNA): Xulka Qaranka Soomaaliya ee 18-jirada ayaa 3 iyo 0 uga badiyey xulka Qaranka Sudan kulan ka tirsan tartanka CACAFA U18.
Xulka Soomaaliya ayaa ciyaarta qeybteedii hore gool iyo waxba ku hogaamiyay. Waxaa hogaanka ciyaarta u dhiibay ciyaaryahan Idiris Maxamed Bilaal.

Kolkii la iskugu soo laabtay qeybtii dambe ee ciyaarta waxaa awooda ciyaarta iyo hogaankeedaba sii watay xulka Qaranka Soomaaliya, iyadoo la yimid labo gool hor leh,waxaana shabaqa soo taabtay ciyaaryahanada kala ah Mahad Shiine iyo Maxamed Gaabow.

Soomaaliya ayaa sidaas sadex dhibcood kaga qaadatay xulka Sudan, waxa ayna kaalinta 2-aad ka gashay kala saraynta group A ,halka hogamiyayasha group ay yihiin xulka Kenya oo goor hore u gudbay wareega xiga ee tartanka.

Soomaaliya waxa u haray hal kulan oo ay waji doonaan maalinka jimcaha xulka Kenya oo goor hore u gudbay wareega xiga ee tartanka hadii ay ka badiyaana waxa ay sidaas ugu gudbi doonaan Semi Final-ka koobka CECAFA ee da’da 18 sano ka yar.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud wuxuu Hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa xulka Qarankeena  oo sadex gool iyo  waxba ( 3-0) kaga adkaaday xulka Qaranka Sudan.

Ra”iisul wasaare Xamse: dib-u-howlgelinta laanta Bangiga dhexe ee Kismaayo waa tallaabo muhiim ah

Kismaanyo:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay dib-u-howlgelinta laanta Bangiga dhexe ee Kismaayo tallaabo muhiim ah oo qeyb weyn ka qaadan doonta horumarinta dhaqaalaha iyo in bulshada loo dhaweeyo adeegyada dowladda.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa kala wareegay dowlad goboleedka Jubaland xaruntii uu ku lahaa degmada Kismaayo, si dayactir iyo dib-u-howlgelin loogu sameeyo, loona soo gaarsiiyo adeegyada uu bixiyo Bangiga Dhexe deegaannada Jubaland.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku ammaanay bangiga dhexe ee Soomaaliya dib-u-howlgelinta xarumihii uu ku lahaa dalka, si adeegyada uu bangigu bixiyo loogu soo dhaweeyo bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada, taas oo muujineysa in hey’adaha dowladdu ay soo xoogeysanayaan.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi, Wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan hey’adaha dowladda ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

    

Cali Geeddi “waxay isku qaldayaan Xasan Sh. iyo Qaranka” (WARBXIN)

Geeddi socodka siyaasadeed ee Soomaaliya waa mid la sii jaangooyay tan iyo 2060-ka, shalay ayaana waxaa magaalada Muqdisho lagu daahfuray Hiigsiga Soomaaliya ee 2060-ka oo saldhig u ah horumarinta nolasha, xoreynta iyo xasilinta, dhismaha kaabeyaashe dhaqaalaha iyo dowladnimada dalkeenna, waxaana ka qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qeybgalay Munaasabaddan masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, Wakiillada beesha caalamka iyo Ururrada bulshada Rayidka ah ayaa lagu soo bandhigay qorsheyaasha muddeysan ee horyaalla Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, iyadoo la xaqiijiyey awoodda aan u leenahay in aan wadajir u gaarno hiigsigaas.

Hiigsiga 2060-ka ayaa ka kooban saddex qeybood oo kala ah;

1.Yoolalka dhow (2023-2025): waxa uuna yoolkan ku saleysan yahay xasilloonida, dabargoynta argagixisada iyo xal u helista arrimaha banu aadannimo.

  1. Yoolalka Muddada Dhexe (2025-2040): Dhismaha awoodaha hay’adaha, dib u habaynta qaab-dhismeedka dowladda iyo xaqiijinta maamul muaamul wanaagga.
  2. Yoolalka Muddada Fog (2035-2060) oo xoogga saaraya horumarinta dhaqaalaha, kor u qaadidda heerka nolosha iyo isku-duubnida bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabadda waxa uu sharraxay caqabadaha soo laalaabtay ee dib dhigay nolasha dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreyaan colaadaha, amni darrada, abaaraha iyo fatahaadaha isdaba jooga, waxa uuna sheegay in uu muhiim yahay hiigsigan oo isku xiraya jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalka.

“Maanta, waxaan bilaabaynaa safar cusub, safar u horseedaya dalkeenna barwaaqo iyo horumar. Hiigsiga Qarn ee 2060-ka waxa uu muujinayaa sida ay nooga go’an tahay in aan ka gudubno caqabadaha hadda jira, annagoo aasaas adag u abuurayna  jiilasha soo socda”.

Iyadoo khudbad ka jeedinaysay furitaanka Hannaanka Horumarineed ee Hiigsiga Qarniga ee Soomaaliya ee 2060-ka oo shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing ugu hambalyeysay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka, hoggaamintooda dhiirigelinta leh ee mashruucan.  Hadalkeeda, Catriona Laing, waxay ku carrabka ku adkeysay muhiimadda is-dhexgalka gobolka, sinaanta jinsiga, isbeddelka digital-ka ah iyo magaaleynta ee horumarka mustaqbalka fog ee Soomaaliya, waxayna dib u xaqiijisay taageerada Qaramada Midoobay ee muddada dheer.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah u dul istaagay fursadaha ugu jira dhallinyarada Soomaaliyeed ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika, waxa uuna ka rajeeyey in ay si mug leh uga dhex muuqan doonaan Dalladan, maadaama dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku tilmaaman yihiin hal-abuur, firfircooni iyo adkaysi. Madaxweynaha oo ballaarinaya latashiyada ku aaddan xaqiijinta hiigsiyada dalkeenna ayaa kulamo la qaatay dhallinyarada, aqoonyahanka iyo hormuudka bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey dhallinyarada iyo aqoonyahanka uu la kulmay arrimaha uu muudnaanta siinayo, kuwaasi oo ay ugu horreyso xoojinta fursadaha shaqada, kobcinta dakhliga, yareeynta saboolnimada, ciribtirka Khawaaijta, dhammeystirka dastuurka iyo xaqiijinta hiigsiga Soomaali heshiis ah, isagoo ku ammaanay dhallinyarada Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo xoojinta dowladnimada iyadoo dhankooda Haldoorka uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa soo bandhigay aragtida ay ka qabaan arrimaha qaran ee uu la wadaagay Madaxweynaha Jamhuuriyaddu, iyagoo xusay ahmiyadda ay u leedahay dalkeenna in la dhammeystiro dastuurka, xoreynta deegaannada, qaadista cunaqabateynta hubka, deyn cafinta iyo dib u dhiska ciidamada.

Dhinaca kale Yaa caqabad ku ah dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka? Su’aashaasi waxaa ka jawaabaya Dr. Hussein Sheikh Mohamud oo xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladda “Dawladda maanta jirta waa tii saddexaad ama Baarlamaankii 3aad oo ay tahay inuu ansixiyo Dastuurka KMG ah. Xog-ogaalnimadayda iyo warbixino kala duwan oo hey’ado iyo khubaro kale sameeyeen waxaa ay tilmaamayaan inay jiraan siyaasiin hortaagnaa welina isku dayaya inay hor istaagaan in la dhameystiro Dastuurka KMG”.

Dr: Xuseen waa uu sii waday sababeyntiisa “Xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Baarlamaankii 9aad ayay ahayd in lagu dhameytiro Dastuurka KMG, iyadoo la sameeyay isku dayo iyo juhdi farabadan oo ay ka mid ahaayeen; meelmarinta sharcigii dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka, dhismaha xubnaha Guddiga Madaxabannaan iyo Guddiga Baarlamaanka ee La-socodka ee Dastuurka. Inkastoo ay warbixin iyo xulashooyin soo saareen guddiyada xilligaas, haddana dhowr sababood dartood ma aaney suuragelin in natiijo wax ku ool ah laga gaaro dhameystirka Dastuurka KMG”.

“Caqabadaha ugu muhiimsanaa ee lagu dhameystiri waayey xilligaas waxaa ka mid ahaa in hay’adihii dawladda ee labada heer (Federaal iyo Dawlad Goboleedba) ee hormuudka u noqon lahaa dhameystirka Dastuurka aaney intooda badan jirin sida Golaha Aqalka Sare iyo dawlad goboleeydada marka laga reebo Puntland. Sidaa darteed, dawladdii Madaxweyne Xasan ee 2012-2016 waxaa ay waqtiga ugu badan ku bixisay dhismaha dawlad goboleedyada, Golaha Aqalka Sare ee BFS iyo guddiyada Dastuurka oo dhammaantood laf-dhabar u ah dhamaystirka dib-u-eegista Dastuurka”, ayuu ku sharaxay sababaha lagu dhameystiri waayay Dastuurka. Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo (2017-2021) ee Baarlamaankii 10-aad ayaa fursad weyn u heysatay inay dhameystirto Dastuurka. Inkastoo guddiyada dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka iyo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay juhdina bixiyeen warbixinno ay soo saareen xilligaas, nasiib darro markale ayaa lagu guuleysan waayey oo uu Dastuurka xataa gaari waayey miiska Baarlamaanka”, ayuu Qoralkiisa ku xusay Dr: Xuseen Shiikh Maxmuud

Qoraagu waxa uu caqabadda ugu weyn ku tilmaamay inay aheyd “Caqabadaha ugu badan ee uu Dastuurka u dhameystirmi waayey guddiyada Dastuurkana howshooda u gudan waayeen xilligaas ayaa waxaa ay inta badan ka imaaneyeen hoggaankii Dawladda Federaalka ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isagoo hor istaagey dhammaan howlihii fududeyn lahaa, sida ay guddiyada Dastuurka ku sheegeen warbixintooda”.

Haddaba maxaa laga yiri doodda dhameystirka Dastuurka? “Doodaha taabanaya masiirka dalka iyo dawladnimada waa kuwo u baahan in lagu wajaho daacadnimo siyaasadeed iyo hufnaan indheergaradnimo. Ma aha kuwo qaadi kara qardajeex, barmuudayn iyo jajuub. Ma jirto cid ka soo horjeedda dhammaystirka dastuurka ee waxaa la diidan yahay in dastuurka la jabsado ama laga dukaamaysto”. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidaasi qaba.

“Haddii khudbadihii siyaasiyiinta u tartamayay xilka Madaxweynaha dalka ay ka hor akhriyeen Barlamaanka hortiisa, haddii dib loo dhageysto waxaa laga helayaa iyagoo ballanaqaadaya dhammaystirka dastuurka in ay ugu jirto waxyaalaha hortabinta u lahaan doonta haddii……Marka la yimid in si ficil ah in wax looga qabtana waa kanaa qofka kale!. Abwaan Gaariye AUN ayaa waxaan ka maqlay; Haddaan guga kuu kordhaa, Gabow mooyee ku tarin,  Garaad iyo Waaya arag, Ileen wax ma dhaantid geed”, Sidaasi waxaa ku sifeeyay kooxd beryahaan hadallo laga maqlayay Axmed Macallim fiqi  Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS.

Yaan la isku qaldin Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo Qaranka Soomaaliyeed, sidaasi waxaa qaba Dr: Cali Maxmed Geeddi oo ahaa Ra’iisulwasaare hore, “ haddi Xasan Shiikh ku  guuleysto Deyn cafinta, qaadista cuneqabateynta, laguna biray Bulshada Bariga Afrika, Khawaarij laga xoreeyo Dalka, marka Dalka horumarkiisa uma muuqdee waxaa u muuqda Xasan Shiikh, guusha Madaxweynaha waxay la micna tahay Qaranka oo guuleystay, waxaan kaloo maqlaayay kuwa dhahaaya Dastuurka la bedel maa, Dastuurka bedelkiisa  waxa uu la jaan qaadaya Bulshada Dastuurkaas iska leh”.

By C/laahi Ruush  

Ra”iisul wasaare Xamse oo dhagax dhigay Wado muhiim u ah isu socodka degmooyinka Kismaanyo

Kismaayo:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa magaalada Kismaayo ka dhagax-dhigay waddo laamiya oo 4KM ah, iskuna xireysa qaar kamid ah xaafadaha magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabadda dhagaxdhigga ayaa sheegay in dhismaha jidkani inuu qeyb weyn ka qaadan doonto amniga, bilicda, shaqo abuurka, horumarka iyo isku-socodka magaalada Kismaayo.

Waxa uu ugu baaqay Ra’iisul Wasaaruhu shacabka Somaaliyeed in ay ka qeyb qaataan horumarka iyo dib-u-dhiska dalkooda, gaar ahaan kaabayaasha muhiimka ah ee ay kamid yihiin waddooyinka oo xukuumaddu ay mudnaan gaar ah siineyso.