Ra’iisul Wasaare Xamsa oo uga jawaabay bulshada Kismaayo su’aalo la xiriira qorsheyaasha dowladda

Kismaayo:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb galay dood furan oo uu soo qaban qaabiyey Machadka Dooxada Jubba, ayaa uga jawaabay bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo su’aallo la xiriira waxyaabihii u qabsoomay Xukuumadda DanQaran iyo halka la hiigsanayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si qoto dheer uga hadlay Xaaladda Siyaasadda, Dhaqaalaha, Amniga Dalka, ciribtirka Khawaarijta, gurmadka daadadka iyo arrimo kale oo la xiriira dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in guul laga joogo barnaamijka deyn-cafinta oo Xukuumaddu ay dadaal ku bixisay, sidoo kale xasilinta amniga caasimadda iyo ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika oo fursad u noqonaysa ganacsatada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay dalka u leedahay in dastuurka la dhammeystiro, Khawaarijta la ciribtiro iyo in la hormariyo dhaqaalaha dalka si dadka Soomaaliyeed u gaaraan barwaaqo iyo nabad.

      

Wasiirro ka tirsan XFS oo la kulmay guddiga gaarka ah ee howlgalka Nabadaynta QM (C34)

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS mudane Cali Cumar Balcad ayaa la kulmay Guddiga gaarka ah ee howlgalka Nabadaynta Qaramadda Midoobey (C34) oo Muqdisho u yimid si ay ula kulmaan Dowlada Fadaraalka Soomaaliya iyo ATMIS.

Mas’uuliyiinta DFS ee kulanka ka qayb galay ayaa warbixin ka siisay wafdiga, horumarka laga gaaray la dagaalanka Argagixisada iyo doorka taageero ee muhiimka ah ee ciidamada ATMIS iyo saaxiibada Soomaaliya ay ka geesteen dagaalka xoreynta dalka.

Madaxda ayaa soo bandhigay dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qorshayaasha ku aadan horumarinta laamaha Amniga iyo la wareegidda amniga guud ee dalka.

Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay Galgaduud

Dhuusamareeb : Ciidanka xoogga dalka iyo ciidanka deegaanka ayaa hawgalo lagu baacsanayo Khawaarijta waxay ka fuliyeen bariga Galgaduud. Ciidanka oo ku hawlgalaya xogo sirdoon ayaa bartilmaameydsaday xubno ka tirsan Khawaariijta oo ku dhuumaaleysanayey gobolka Galgaduud.

Hawlgalkan ayaa waxaa lagu dilay tiro ka tirsan Khawaarijta oo Miino ku aasayay wadada Ceel-cinjir oo dhanka galbeed 7KM kaga beegaan Budbud si ay ugu dhibaateeyaan Shacabka halkaa ku socdaalo, wxaana ciidanka xoogga qalka iyo kuwa xaq u dirirka deegaanka ay dhulka hawdka ah ku baacsanayaan firxadka Khawaariijta.

Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya

1- Madaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay shirka hannaanka diyaarinta hiigsiga qarni-jirka Soomaaliya ee 2060-ka.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Arusha kaga qeybgaley shir madaxeedka 23aad ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

3- Soomaaliya oo si rasmi ah uga mid noqotey waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC, noqoteyna xubinta 8aad ee ururkaasi.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 1-aad ee labadda Gole Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabad lagu abaal marinayey guddiyada iyo sanatarrada Aqalka Sare

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo ku saabsan latashiyada arrimaha masiiriga ah ee dalka la yeeshay qaar ka mid ah dhallinyarada, aqoonyahanka iyo hormuudka bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed.

7- Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ergayga Gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka u magacaabay Mudane Xil.dhibaan Cumar Ibraahim Xaashi.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay baarlamanka ku xusay in dowladda ay ka go’antahay in dalka guud ahaan laga xoreeyo Khawaarijta si loo gaaro amni iyo xasilooni dhameystiran.

9- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowladda Koonfur Galbeed, si rasmi ah uga daah furay shaacinta farta rasmiga ah ee Maayga.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo ee Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ku tagay socdaal uu ugu kuurgalayo xaaladaha halkaasi ka jira.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay laanta Bangiga dhexe ee Soomaaliya ku yeelaneyso Kismaayo.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa magaalada Kismaayo ka dhagax-dhigay waddo laami ah oo dhererkeedu yahay 4KM ah, iskuna xireysa qaar kamid ah xaafadaha magaalada.

13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Kismaayo, isagoo ku boorriyey in ay hormuud u noqdaan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta oo dhawaan uu wajigiisa labaad ka bilaaban doono deegaannada Jubbaland.

14- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xarigga ka jaray dhismaha xarunta cusub ee Wasaaradda Caafimaadka ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

15- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Kismaayo ku daah furay saddex mashruuc oo la xiriira xalka-waara iyo yareynta saboolnimada oo laga hirgelinayo deegaannada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

16- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.

17- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa booqday deegaanka Lugloow ee ay ku soo baraceen dadka ay guryahoodii daadadku qaadeen iyo duleedka Yoontooy oo ka mid ah meelaha ay daadadku xireen.

18- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir ku saabsan diyaargarowga arrimaha cimililada adduunka ee COP28 oo 30-ka November ka furmi doona magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka-ka Carabta.

19- Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu hambalyayay Guddoomiyaha Shirkadda Hormuud Telecom Mudane Axmed Maxamuud Yuusuf oo ku guuleystay billadda hoggaamiyayaasha shirkadaha isgaarsiinta caalamka ee ka shaqeeyey horumarinta isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda dalalkooda.

20- Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa ugu hambalyeey Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ka mid noqoshada ururka oo 24kii bishan ay Soomaaliya xubin buuxda ka noqotey.

21- Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo diiran oo ku ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

22- Raii’sul Wasaareyaashii hore ee dalka Md, Maxamed Xuseen Rooble, Md Cumar Cabdirashiid, iyo Md Cali Maxamed Geeddi iyo Md Xasan Cali Kheyre ayaa Shacabka Soomaaliyed ugu hambalyeeyey ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

23- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo faa’iidooyin dhaqaale iyo ganacsi u leeyahay Soomaaliya.

24- Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa dilay lix xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta kadib hawlgal milateri oo ay ka fuliyeen degaanka Budbud.

25- Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa guddoonsiisay shirkadda Freedom Airlines shahaadada barnaamijka amniga (Airline Security Programe), kaddib markii ay shirkadda buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa.

26- Wasiirka Waxbarashada Mudane Faarax Cabdulqaadir ayaa sheegay in sanadka 2024 uu qorshahoodu yahay in tababar bilaash ah la siiyo 10 kun oo macallin si loo baahiyo waxbarashada dalka.

27- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Huruuse iyo Wasiirka Horumarinta Afrika ee UK Andrew Mitchell ayaa kala saxiixday heshiis dhabbaha u xaaraya iskaashi buuxa oo labada dal ay ka yeeshaan dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha, maamul wanaagga iyo gargaarka.

28- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daud Aweis oo magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Caraabiya uga qeyb galay Madasha Caalamiga ee xakameynta doorka saxaafadda ee kicinta iyo fariimaha naceybka.

29- Wabiga Shabeelle oo ku fatahay qeybo kamid ah xaafadaha degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

30- Soomaaliya iyo Imaaraadka oo kala saxeexday heshiis ceelal biyo looga dhisayo degaanadii laga xorreeyey Khawaarijta.

31- Jubaland oo gargaar gaarsiisay shacabka Degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose oo waxyeeladu ka soo gaartay roobabka iyo fatahaadaha.

32- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa sheegay in 96 Ruux ay dhinteen tan iyo mamrii fatahaadaha ay dalka ka dhufteen.

33- Dowladda Ruushka oo Soomaaliya u soo direysa Markab sida 25 kun oo tan shixnad gargaar oo sareen ah oo loogu talo galay dadka tabaalaysan.

34- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Ibrahim Sheekh Muxudiin oo kulan la qaatay U qeybsanaha Arrimaha Ciidanka ee Dowlada Turkiga u jooga Soomaaliya

35- Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo soo saartay liiska 72 shirkadood oo ku guuleystay fulinta adeegyada Xajka

36- Wasiiru-Dawlaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Maxamed Aadan, ayaa magaalada Baku ee Jamhuuriyada Azerbaijan ku saxiixay sharciga xarunta shaqada ee ururka Iskaashiga Islaamka.

37- Cali Maqane iyo Axmed Cali Gadaf oo ka mid ahaa odayaashii la shaqeyn Khawaarijta gobollada dhexe ayaa isku soo hiibay Ciidanka Xoogga Dalka

38- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kala wareegay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya deeq lacageed oo ku dhow 140 kun oo dollarka Mareykanka ah.

===DHAMMAAD====

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay xaaladda fatahaadaha dalka ka jira

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw ka hadlay qasaaraha sii kordhaya ee ka dhashay fatahaadaha ka jira qaar ka mid ah gobollada dalka, isagoo xusay in qasaaraha dhimashadu kordhay.

Daadadka ahaa saameeyey dad gaaraya 2.5-milyan oo qof, kuwaas oo hal milyan oo ka mid ah ay barakaceen, iyadoo dhimashada inta la diiwaangaliyey ay gaartay 101-qof.

Qasaaraha hantiyeed ee fatahaadaha iyo daadadku sababeen ayuu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh in sidoo kale uu kordhay, waxaana daadadka lagu waayey 140-kun oo guri oo nuucyo kala duwan ah, 4-kun oo xoolo ah iyo kaabayaal dhaqaale oo ay ka mid yihiin buundooyinkii magaalooyinka Buur-dhuubo iyo Baar-dheere.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in si aan kala har lahayn loogu gurmado bulshada Soomaaliyeed ee xaaladan dhibaatadu ka soo gaartay, kuwaas oo hoy, cunno iyo dawaba deg deg ugu baahan, isagoo xusay in dowladdu ay waddo dagaal xoogan oo lagu caawinayo dhibanayaasha, guddi gaar ahna loo saaray.

Wasiir Beene beene oo ka hadlay xaaladda adag ee ka jirta Jubaland

Wasiirka wasaaradda qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene oo qudbad ka jeediyey maanta xarunta golaha shacabaka ayaa waxaa uu faahfaahin kaga bixiyey socdaal uu ku tagay deegaanadda jubbaland oo xaalad adag ay ka taagantahay iyo dhibaatadda ka taagan deegaanada webiga uu maro.

Xildhibaan Beene-beene oo marka hore sharaxaad ka bixiyey xaaladda guud ee dalka iyo saameynta roobabka inta ay gaarsiisantahay ayaa sheegay in aan la qiyaasi karin saameynta ka dhalatay roobabka guga ee dalka ka da’ay, isaga oo si gaara uga warbixiyey socdaal uu ku magaaladda Kismaayo deegaanada ku xeeran oo si siman fatahaadda webi jubba u gaartay, meelaha qaarne dad ugu dhinteen.

Beene-beene wasiirka qorsheynta ayaa yiri “inta aan dadka u tageynay maydad biyaha wadaan ayaa meelaha qaar laga qabanayey oo ah meelihii biyaha go’doomiyeen oo ay ku dhinteen, halka inta soo hartay aysan heysan dhar, guryo iyo biyo nadiif ah”.

Maamulada sida saa’idka ah uu u saameyeen daadku ayuu ku sheegay Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle oo gobolada labada webi maraan, halka xaalka magaaladda Buula burte uu ku tilmaamy mid aan la qiyaasi karin oo boqolkiiba Sagaashan (90%) ay biyuhu xadigii saxda ahaa kor u dhaafeen, dabooleenne Afar ka mid ah 5 ceel-biyood oo magaaladdu laheyd.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay wasiirka Qorsheynta XFS Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene in ay u gurmadaan oo garabsiiyaan walaalahooda ay saameyseen fatahaadaha iyo daadka ka dhashay roobabka guga ee dalka ka da’ay.

Golaha shacabka oo mar kale ka dooday ka jawaabista fatahaadaha

Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 2-aad ee golaha shacabka Baarlamaanka JFS oo maanta uu shir guddoomiyay guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka JFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa goob joog ahaa guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka mudane Cabdullahi Cumar Abshirow.

Kulanka ayaa waxaa uu ajandihiisu ahaa dhameystirka doodii socotay ee la xiriirtay xaalada fatahaadaha ka jira dalka iyo khasaarihii ka dhashay, iyo qeybtinta warbixinta xisaab xirka sanad maaliyadeedka ku dhamaaday 31-ka Decembar 2022-ka iyo qeybinta qoondaha Miisaaniyadda 2024.

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa si isku mid ah ugu dooday ugana qiirooday qoysaska Soomaaliyeed ee wax yeeladu ka so gaartay fatahaada iyo daadadka ka dhashay roobabkii ka da’ay gobolada dalka, waxayna xildhibaannadu soo jeediyeen in hay’adaha dowladda u xilsaaratay arrimaha samafalka iyo mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha dudaha dowladda FS loo yeero.

Guddoomiyaha gplaha shacabka oo soo gunnaanaday kulanka maanta ayaa waxaa uu ku soo gabagabeeyay in loo yeero wasiirka arrimaha gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyo Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka si wax looga weeydiiyo xaalada fataahaadaha ka jira dalka iyo halka ay wax marayaan, maadaama Xildhibaannada soo jeediyeen.

Wasiir Xagaa: ku Biirista Soomaaliya ee EAC waxay faa’iido u tahay Shacabka Soomaaliyeed

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Amniga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Xagaa oo maanta la haday Warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ku biirista dowladda Soomaaliya ku biirtay Ururka Iskaashiga dhaqaalaha Bulshadda Bariga Afrika ay wax weyn ka tari doonto Socdaalka iyo ganacsiga.

Wasiir Xagaa ayaa sidoo kale sheegay in ay kordhi doonaan Dadka socdaalka ah ee Soomaaliya imaanaya kuwaas oo kala ah maalgashadayaal iyo Dalxiiseyaal.

Sidoo kale Wasiirka Maxamed Cali Xagaa ayaa xusay in ay wax weyn ka tarayso dhanka Amniga iyo amaanada dalkeena.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa xusay in ay kor u qaadi doonti wax weyn na ka tari doonto tayada Passportka Soomaaliya qof kasta oo Soomaali ahna u baahan doonin Passport ajaanib ah.

Ciidanka Xoogga oo hawlgalo Khawaarijta lagu cirib tirayo ka sameeyey deegaano hoos taga Xudur

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada guutada 9-aad Qeybta 60-aad CXDS Ee Gobolka Bakool ayaa maanta Howlgal lagu Ciribtirayo Aragagaxisada ka sameeyay tuulooyin hoos yimaada magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Howgalkan oo uu hogaaminayey Abaanduulaha Guutada 9-aad qabta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed G/le Yoonis aadan Xasan ayey ciidanku ku bur buriyeen fariisimooyin ay khawaarijtu ku lahaayeen deegaanada Lukugooraw,Edaayin, Dabgal ,Ceelahaley Ilaa kulan-jareer oo inta badan maleeshiyaadka khawaarijtu ku dhuumaalaystaan , iyadoo ay jiraan qasaaro xoogg leh oo la gaarsiiyay cadawga kadib markii ay isku dayeen in ay iska caabin sameeyaan sida uu warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay G/le Yoonis aadan Xasan oo hoggaaminyay howlgalka.

Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa gobolada dalka ka wada howlgalo guud ahaan dalka looga ciribtirayo khawaarijta.

Wasiir Xagaa: ku Biirista Soomaaliya ee EAC waxay faa’iido u tahay Shacabka Soomaaliyeed

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Amniga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Xagaa oo maanta la haday Warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ku biirista dowladda Soomaaliya ku biirtay Ururka Iskaashiga dhaqaalaha Bulshadda Bariga Afrika ay wax weyn ka tari doonto Socdaalka iyo ganacsiga.

Wasiir Xagaa ayaa sidoo kale sheegay in ay kordhi doonaan Dadka socdaalka ah ee Soomaaliya imaanaya kuwaas oo kala ah maalgashadayaal iyo Dalxiiseyaal.

Sidoo kale Wasiirka Maxamed Cali Xagaa ayaa xusay in ay wax weyn ka tarayso dhanka Amniga iyo amaanada dalkeena.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa xusay in ay kor u qaadi doonti wax weyn na ka tari doonto tayada Passportka Soomaaliya qof kasta oo Soomaali ahna u baahan doonin Passport ajaanib ah.