Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada

Dubai :- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada (COP28) ayaa soo bandhigay saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka xooggan ee ku socda cimilada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in daadadka ka dhashay duufaanta Elnino ay ku dhinteen in kabadan 120 qof oo Soomaaliyeed, halka ay ku barakeen in ka badan hal malyan, kuwaas oo ay dowladdu la tacaalayso dhibaatada soo gaartay, arrinkaas oo yareeyey khasaaraha la filayey.

“Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka ay sida tooska ah u saameysa arrinta isbeddelka cimilada, waxaana tusaale u ah dadkeenna haatan la tacaalaya daadadka ka dhashay duufaanta El-nino waa kuwii kal hore ka soo gudbay abaartii ku habsatay dalka”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed oo ku howllan xoreynta dalka iyo in ay iska dulqaadaan argagixisada, haddana ay u nugul yihiin abaaraha, fatahaada iyo roobabka duufaanta wata, sidaas awgeedna ay go’an tahay in ay ka qeyb qaataan dadaal kasta oo xal loogu raadinayo dhibaatada isbeddelka cimilada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhaliilay hannaanka caalamiga ah ee ka hortagga saameynta cimilada iyo in dalalka Afrika aan si mug leh looga qeyb gelin qorshaha xallinta dhibaatadan ayaa ugu baaqay dalalka warshadleeyda ah in ay guutaan masuuliyadda ka saaran arrinkaas, si loo xaqiijiyo duni ku habboon nolasha.

Golaha Ammaanka oo lagu wado in ay u codeeyaan qaadidda cunaqabeynta hubka ee Soomaaliya

United Nations Security Council

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Jimce ah u codeynaya in meesha laga saaro xayiraaddii ugu dambeysay ee hubka la geeyo Soomaaliya, sida ay sheegeen dublamaasiyiin sare.

Goluhu wuxuu cunaqabateynta saaray Soomaaliya 1992-kii si loo joojiyo qulqulka hubka ee dagaal oogayaashii isku hayay talada dalka , kuwaasoo xukunka ka tuuray hoggaankii ciidamada ee dalka qabsaday 19690kii.

Xubnahan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ka kooban 15 xubnood ayaa lagu wadaa in maanta oo Jimce ah ay ansixiyaan labo qaraar oo ay soo diyaarisay dowladda Britain, sida ay sheegeen dublamaasiyiintu.

-Labada qaraar ayaa kala ah in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka oo dhan ,halka midka kale uu yahay in dib loo soo celiyo cunaqabateynta hubka ee saaran Al Shabaab oo xiriirka la leh Al-Qaacida.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u codsatay in laga qaado cunaqabateynta hubka si ay u xoojiso ciidamadeeda ,isla markaana ay ula dagaallamaan kooxaha hubeysan ee diidan nabadda iyo kala dambeynta.

Hey’adda Maareynta Musiiboyinka oo deeq raashin ah gaarsiisay qoysas ku sugan Lafoole

Maamulka Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SODMA ayaa manta deeq gargaar ah gaarsiiyay qoysas ku sugan Lafoole oo ay soo barakiciyeen daadadka ka jira dalka.

Deeqdan oo ka kooban  50 tan oo raashin ah,waxaa loo qeybiyay 4,350 qoys oo ka soo barakacay deegaanada Sabiib, caanoole, mubaarak iyo  Aw dheegle oo ka tirsan ee Gobolka Shabeelladda Hoose.

Guddoomiyaha Degmada Afgooye C/Laahi Cismaan Hiraabe oo ka hadlay bixinta deeqdaasi ayaa ka mahadceliyay gurmadka loo fidiyay dadka ay barakiciyeen daadadka roobanka.

Agaasimaha waaxda Gargaarka Hey’adda SODMA Sahra Cali yuusuf oo sidoo kale ka hadashay gargaarkaasi la siiyay qoysaska ayaa sheegay in deeqdaan ay tahay mid hordhac ah balse ay ku dadaali doonaan in ay wax u qabtaay qoysaska ay saameeyeen roobabka,

Israel oo dib u bilowday duullaanka xagga cirka ah ee ay kawadaan Gaza

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay dib u billaabeen weerarada xagga cirka ee Qaza kaddib markii la tilmaamay in ay dhamaatay xabbad joojin socotay dhowr maalmood oo ay soo qaban qaabiyeen Qadar..

Ciidamada Israa’iil ayaa dhowr duqeymo oo xagga cirka ah ka fuliyay koonfurta Marinka Qaza,iyadoo sidoo kale la sheegay rasaas la isku weydaarsaday waqooyi-galbeed ee magaalada Gaza.

Ciidamada Israa’iil waxa ay ku dhawaaqeen in ay soo afjareen xabad joojintii ay la galeen ururka Xamaas, iyaga oo ku eedeeyay in ay jabiyeen qodobadii lagu heshiiyay kadib markii la sheegay in gantaal laga soo riday Qaza oo ay Israa’iil ka hortagtay.

Dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah, oo ay ku jiraan Qatar, Masar iyo Mareykanka, ayaa riixay in mar kale la kordhiyo xabbad-joojinta, taasoo dhacday 7 subaxnimo ee maanta.

Diblomaasi sare oo Mareykan ah Blinken ayaa ku baaqay in la ilaaliyo dadka rayidka ah ee ku sugan Gaza.

In ka badan 15,000 oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar. Israa’iil, tirada rasmiga ah ee dhimashadu waxay maraysaa ilaa 1,200

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeer ku tagay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuur-galayo xaaladda binu aadantinimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka, waxa uu ku tagey degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Afmadow si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, masuuliyiinta degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mudane Xamsa Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa safar shaqo ku jooga deegaannada Koonfur Galbeed, isaga oo bilowga todobaadkaan gaaray magaalada Kismaayo, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey.

Inta uu Ra’iisul Wasaaraha joogay magaalada Kismaayo waxa uu xariga ka jaray Wasaaradda Caafimaddka Dowlad Gobaleedka Jubbaland, isaga oo dhagax dhigay waddo laami ah, sidoo kale waxaa booqasho ku tagay Isbitaalka guud ee magaalada.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo shirguddoomiyey kulanka 5aad ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow, ayaa shir guddoomiyay kulanka 5-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Kulanka maanta ayaa looga hadlay dardar gelinta ajandeyaasha horyaala Golaha Shacabka iyo sidii loo ajandeyn lahaa shuruucda kala duwan oo ay soo gudbiyeen guddiyada Golaha Shacabka iyo Hay’adda Fulinta ayaa looga dooday sida ugu haboon ee loo hor keeni lahaa fadhiyadda Golaha.

Sidoo kale kulanka ayaa aad looga dooday howlaha hortabinta u leh shaqooyinka Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada lagu wado in kalfadhigaan ay Xildhibaannada ansixiyaan Hidiso sharciyeedyo ay soo diyaarisay Xukuumadda.

Ciidanka Xoogga oo deegaano ka tirsan gobolka Baay ka sameeyey howgallo ka dhan ah Khawaarijta

Baay:- Taliyaha Ururka 45aad ee guutada 8aad ee qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed X/le Cali Nuur Mad idiris  ayaa maanta Howlgalkaan Qursheysan ka fuliyey Deegaano ku teedsan Bariga iyo Galbeed Magaalooyinka dhaca  Waajid ee gobalka Bokool iyo degmada Bardaalle ee gobolka Baay.

Deegaannada sida gaar ee howgallada looga fuliyey ayaa kala ah; Ceel Dhuun Adeegow, Shaanto, Ceel Mareere, Garas xabad iyo Coosle, kuwaas ciidanka ay ka sifeeyeen Khawaarijta oo xilligaan wajahaya dagaal ka dhan ah.

Sidoo kale intii howlgalkaan uu socdey ayaa lagu bur’buriyey goobo maleshiyada Al-Shabaab Baad ay Dadka Shacabka Soomaaliyed uga Qaadan jireen, kuwaas oo ciidanka Xoogga dalka Somaaliyeed ku guuleysteen in ay burburiyaan.

Deegaannada ay ciidanka Xoogga ay burburiyeen ayaa kala ah Ceel Shariif, Bala’bala warta,  Doolar iyo Degaanka Adeegow gaar ahaan ee hoostaga deegaanka Goof Gaduud Buurey ee Gobalka Baay ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed.

Safiirka Ruushka” Gargaarkan wuxuu astaan u yahay saaxiibtinimada labada dal”,

Dowladda Soomaaliya ayaa Dowladda Ruushka kala wareegtay gargaar loogu talagalay dadka ay saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha is-biirsaday ee ku dhuftay deegaanno badan oo ka tirsan dalka.

Safiirka Dowladda Ruushka u qaabilsan Soomaaliya iyo Jabuuti oo wakiil ka ah xukuumadda Moscow ayaa sheegay in gargaarkan uu astaan u yahay saaxiibtinimada labada dal,islamarkaana bilaha soo socda ay keeni doonaan gargaar kale.

‘’ Tani waa bilowga shixnado gargaar oo ka kooban 25-kun oo tan oo qamadi ah, taas oo loogu talagalay dadka ay saameynta ku yeesheen daadadka iyo fatahaadaha, sidoo kale, waxaa markale gargaar kan la mid ah keeni doonaa daba-yaaqada bisha December,” ayuu yiri Safiirka.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda kaga mahadcelisay Dowladda Ruuska iyo safiirkeeda deeqdan gargaarka ah oo ku soo aadday xilli loo baahnaa.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo la wareegay shixnadda gargaarka ah ayaa dhanka ka dalbaday xukuumadda Moscow in ay inoogu deeqaan diyaarado gurmadka lagu gaarsiiyo dadka go’doonsan.

”Runtii maanta sharaf weyn bey noo tahay inaan halkan ku guddoono shixnaddan weyn oo tii ugu weyneyd oo gargaar ah oo ayaamahan dambe Soomaaliya soo gaarta oo naga soo gaartay Dowladda Ruushka oo uuna wakiil ka yahay safiirka Soomaaliya iyo Jabuuti u fadhiya Ruuska, waxaana rabnaa inaan u mahadcelino Ruushka oo safiirka wakiil ka yahay iyo madaxweynahooda garashadooda ay u garteen Soomaaliya oo hadda xaalad adag ka jirto in ay gargaarka 25-kun oo tan oo qamadi ah gaareysa 500-kun oo Kiish oo mid 50-kg ah, wax weyn weeye saacad dadka Soomaaliyeed wajahayaan daadad iyo fatahaado bur buriyay magaalooyin, saameeyay dad 2-milyan iyo bar ah, dad Malyan ka,’

Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in gargaarka Dowladda Ruushka inoogu deeqday uu ku soo aaday xilli loo baahnaa, wuxuuna dhanka kale, sheegay in ay kala hadli doonaan in ay inoogu deeqaan diyaarado  gargaarka lagu gaarsiiyo dadka go’doonsan,’’.

Shacabka Soomaaliyeed waxay wajahayaan daadad iyo fatahaado bur buriyay magaalooyin, sidoo kalena, saameeyay dad labo milyan iyo bar ah, dad malyan ka badana ay ku barakaceen halka tiro kale oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah ay ku nafwaayeen.

    

Agaasimaha NISA oo kormeeray isbadalka amni ee suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha

Agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka Mahad Maxamed Salad ayaa maanta kormeeray isbadalka amni ee suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, halkaas oo hay’addu ka nadiifisay Khawaarijta dilalka iyo dhaca ku heysay ganacsatada Soomaaliyeed.

Booqashada taliyaha ee suuqa Bakaaraha ayaa sidoo kale lagu hubinayay sida ay ganacsatadu u fulisay amarkii NISA ee ahaa in dhammaan ganacsiyadu xirtan kaamirooyinka CCTV, si ay u sahlanato ilaalinta nafta iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Agaasime Mahad ayaa ku dhex lugeeyay suuqa, wuxuu gaar gaar u arkay ganacsatada yar yar iyo maal-qabeennada waa weyn. Si uu u muujiyo isbadalka amni ee ka muuqda Suuqa Bakaaraha wuxuu taliyuhu la dukaameystay qaar ka mid ah shacabkii Soomaaliyeed ee maanta usoo iib-doontay suuqa Bakaaraha.

Ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa taliye Mahad Salad la wadaagay sida ay ugu qanacsanyihiin shaqada laamaha amniga ee Dowladda iyo isbadalka xoogan ee dhanka togan loo qaaday, waxayna ballanaadeen iney Dowladda ku garabsiinayan xaqiijinta amniga guud ee dalka.

Agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka ayaa uga mahadceliyay ganacsatada suuqa Bakaaraha sida wanaagsan ee ay ula shaqeynayan ciidanka, fulintooda amarkii kaamirooyinka CCTV iyo garab istaagooda Dowladnimada, wuxuuna u ballanqaaday in la xoojin doono ilaalinta amnigooda iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa hay’adda NISA iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

    

Soomaaliya oo Ruushka kala wareegtay gargaar la gaarsiin doono Dadka ay saameeyeen Roobabka

Soomaaliya oo Ruushka kala wareegtay Gargaar loogu talo galay Dadka ay sameeyeen Roobabka

Dowladda Soomaliya ayaa maanta kala wareegtay safiirka Dalka Ruushka gargaar Raashin ah kaas oo loogu talo galay Dadka ay saameeyeen fatahaadaha Roobabka iyo Dadka danyarta ah ee ku nool Deegaamadii laga xorreeyey khawaarijta.

Markabka siday gaargaarkan ayaa ku soo xirtay saaka Dekedda Magalada moqdishu,halkaas oo ay gargaarkan kula wareegeen Haya”addaha ku shaqada leh.

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha Mudane Cabdillaahi Axmed Jaamac ayaa uga mahadcelyey safiirka Ruushaka gargarkan ay soo garsiiyeen Dadka Soomaaliyeed,wasiirka ayaa xusay in Ruushka iyo Soomaaliya ahaayeen dalal leh xiriir iskaashi oo soo jireen ah.