La Taliyaha Amniga Qaranka oo faah faahiyay jidka loosoo maray qaadista Cunaqabateynta hubka

La Taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin oo faah faahiyey jidka loosoo maray Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya laga qaaday 31 sano kadib.

La taliyaha Amniga ayaa ugu horeyn Shacbka soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha tariikhiga ah ee dalka laga qaaday cunaqabateynta hubka ee muddada dheer saarneyd,isagoo Madaxweynaha JFS uga mahadceliyay dadaalka uu ku bixiyay arintaan.

Waxa uu sheegay la taliyaha Amniga Qaranka in arrinta cunaqabateynta Hubka ay soo martay marxalado kala duwan una billaabay dadaadlka ah in cunaqabteynta laga qaado soomaaliya Madaxeyne Xasan Sheekh Maxamuud Sanadkii 2012,taa uu sheegay in lagu guuleysatay in qeyb laga qaado cunaqateynta ayna soo gadato hub iyada oo mareyso shuruuc ay u dajiyeen hay’adaha Caalamka,sidaana ay soomaaliya hubka ku heli jirtay.

Sanadkii 2022- ee dib u doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu tilmaamay in ay la kulmeyn xubna ka socdoy Qaramada Midoobay oo ay kala hadleen sida loogu guuleysan karo qaadista cunaqabteynta hubka,dood dheer kadibna ay islaqaateyn in.la sameeyo Habraac 10-qeyb ka koobnaa oo ay soomaaliya ku gaari karto in laga qaado cunaqabteynta hubka,dhammaana soomaaliya ugu dambeyntii ku guuleysatay qodobadii horyeelay,taa oo keentay in laga qaado cunaqabteyntii hubka.

Fadhi ay yeesheen Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka oo saarneed tan iyo 1992-dii. Tallaabadaan ayaa sheegay in ay Soomaaliya u abuuri doonta waddo cusub.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeya qaadista Cunaqabteynta hubka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeye Guusha laga gaaray  Cunaqabateydii Soomaaliya Saarneed Mudo  31 Sano

S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa ugu Horeyntii ugu Mahadceliyey Madaxda Sare ee dalka kaalinta wanaagsan ay ka qaateen in Soomaaliya laga qaado Xayiraada Hubka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Xusay in Ciidanka Xoogga Dalka ay Muhiimad gaar ah u leedahay in Soomaaliya laga qaado  cunaqabataynta hubka ee saarneed

Soomaaliya ayaa mudda 31-sano ah waxaa saarnaa cunaqabeteyn dhanka hubka,taa òo u diiday in ay hub casri ah hesho,balsa maanta kadib dowaladda waxa ay awood u leedahay in hubka ay doonto soo iibsan karto si loo qalabeeyo ciidanka Qarnka.

ISKA XOREYNTA KOOXAHA ARGAGIXISADA NABAD DIIDKA AH

Gobolada dalka Soomaaliya waxaa Ka curtay guluf colaadeed oo la iskaga xoreeynaayo kooxaha diidka ah oo bulshada Soomaliyeed ay u geestaan dhibaatooyinka aad u arxan daran oo wuxuushnimo ah taasi oo sababtay in bulshadii ay kacdoon sameeyaan sida ay iskaga soo afjari lahaayeen kooxaha argagiso ee dhibka ku haaya bulshada Soomaliyeed.

Kooxahan xagjirka ah ee Alshabaab ayaa tacadiyo aad u xuxun bulshada Soomaliyeed u geesteen 14kii sano ee lasoo dhaafay ayaga oo aan u aabayeeleenin Caruur, dhalinyaro oo ubixii wadanka ah, dad waayeello ah, aqoonyahanno iyo waxgarat ay Ku haayaan gumaad joogta ah Ku gumaadayaan.

Dhanka kale, Qaraxyo aan loo meel dayin oo lala beegsado dadka rayidka ah ee aan waxbo galabsanin, dilal qorsheesan oo ay fuliyaan ayna Ku doonayaan cabsi galin lagu sameenaayo bulshada Soomaliyeed.

sidoo kale lacago baad ah Dadka laga qaado , sako baad ah Dadka laga qaado, Ceelashooda laduugo haldoorkooda la laayo taasina waxa ay dhashay in bulshadii ay heeryqamaha Iska tuureen sida ay iskaga kicin lahaayeen cadowgan aan waxba hambeyneyn.

Gobolka Hiiraan waa goobta ay kabilaabatay kacdoonka la iskaga celinaayo kooxaha argagiso ee Alshabaab Kuwaas oo xasuuqay shacab Ku safraayey Gobolka Hiiraan dadka la xasuuqay waxaa Ku jiray Caruur gaaraayo ilaa todobo Caruur ah Kuwaas oo la dilay.

sidoo kale, Ceelashii ayey dadka Ka duugeen taasi ayaa qasabtay in shacabka soomaaliyeed gaar ahaan reer Hiiraan ay Iska dhicyaan Cadowga ayna ka qabsadeen goobo badan oo ay ka heesteen Gobolka Hiiraan.

Waxaa goobahaasi gacanta Ku dhigay Ciidanka Macawisleeyda oo ah dadka deegaanka oo Kacay iyo Ciidamada Xoogga Dalka oo garab siinaayo shacabka Gobolka gaar ahaan reer hiiraan.

Kacdoonkaas waxuu dhalay in Gobalada dalka ay sameeyaan kacdoon Ka dhan ah kooxaha argagixiso sida Maamulka Galmudug oo ay ka socdaan kacdoonka, sidoo kale maamulka Koonfur galbeed ayaa iyana kacdoonka ka socdaa iyo maamulka Jubland gaar ahaan Gobolka Gedo.

Kuwaas oo dadaal xoogan ugu Jira haatan sidii ay dhibaatada Cadowga isaga dul qaadi lahaayeen.

Dhiiragalinta shacabka Soomaaliyeed ee kacay sida ay iskaga celin lahaayeen cadowga arxanka daran ayaa ah wax loo baahan yahay, waxaana Ku dhiira galinyaa in ay joogteeyaan weerarada ay Ku hayaan argagixisada oo ay sii laba jibaaraan.

sidoo kalena waa in kooxaha dagaallamaya ay bulshadooda u dhimriyaan Kalana hadlaan dhagarta cadowga maleegayo ina ka feejignaadaan, waana in baraarug la siiyaa si ay ugu dhiiradaan in ay cadowga sheegaan meelkasta oo ay Ku arkaan.

Ugu danbeeyn dowladda waxaa looga baahan yahay inay halkaasi ka sii waddo dagaalka iyo taakuleynta joogta ah iyo garab istaagga dhanka caafimaadka, sido kale, dhanka saadka iyo shidaalka.

Guul mujaahidiinta u kacay dalkooda inay ka xorreeyaan gumeysiga dadban ee loo soo adeegsaday baabi’inta ummadda soomaaliyeed.

WQ: Wargeyska Dalka 

 

SADAQO BAXSO HADDII AAD AWOODDO (QEYBTA 1-AAD)

Sadaqada iyo faa’iidooyinkeeda waxaa ka mid ah qodobadan soo socda:

1- sadaqadu waa shay sare qofkeedana way saraysiisaa , maxaa yeelay sadaqadu waxay kamid tahay acmaasha ilaahay ugu jecel yahay waxaana daliil u ah xadiiskaan oranaya : (camal laqabto ilaahay wuxuu ugu jecelyahay mu,amin laga farxiyo sida in dayn laga bixiyo , gaajo laga bi,iyo , ama kurbo kale oo haysa laga dulqaado) , cumar bicu khadaab R.C . wuxuu yiri: (sadaqada waxay ufaantaa acmaasha kale oo waxay dhahdaa anaa idiinkugu fadli badan ), ilaahayna xadiisul qudsi wuxuu ku yiri (banii aadamow wax quudi waalagu quudine), sidaa darteed walaalkayga muslimka ah waligaa gacantaadu ha ahaato midda sare ee wax bixisa ee sharfan, yaysan noqon midda hoose ee wax la siiyo ee xaqiran ( baahan ) .

2- sadaqadu qofka wax sadaqaysta waxay ka ilaalisaa balaayada iyo kurbooyinka. arintaas baraatik ahaan ayaa loo arkay adilo cadaysayna way jirtaa waxaana kamida xadiiskaan ( sadaqadu waxay horjoogsataa 70 meelood ama dhinac oo qofka xumaan uga soo socotay ).  dhacdo layaab leh :-

Ninbaa todobo sano la il darnaa dhaawac jilibka uga yaalay dhakhaatiirtii oo dhanna waxba way ka qaban waayeen kadibna wuxuu dhibaatadiisa usheegay C/llaahi binu mubaarak wuxuu kula taliyay ninkii : inuu meel dadka ku nool biyo ubaahanyihiin ceel uga qodo , wuxuuna yiri C/llaahi waxaan rajaynayaa in ceelkaas il biyo ah ka soo burqato sadaqadaas awgeedna dhiigu kaa joogsado .

Qisadaan kalana waxay wajiga nabro waaweyn kasoo yaaceen sheekhii la dhihi jiray abuu cabdullaahi oo qoray kitaabka ladhoho ( al-mustadrik ) wuxuu la xanuunsanaa dhaawacyadaas mudo ku dhow hal sano in badanna waxaa uduceeyay ahlu khayrka kumase bogsan wakhti dambe ayuu gurigiisa hortiisa muslimiinta uga qoday meel biyaha lagu shubo oo ay ka cabaan hal usbuuc intuusan dhammaan ayuu caafimaaday wajigiisiina noqday markuu waligii ugu quruxbadnaa .

Qisadaan kalana malakul jibriilbaa uyimid Nabi Yacquub c.s wuxuuna ku yiri: (mataqaanaa sababta aad u indha beeshay dhabarkaaguna usoo gotay, Yuusuf walaalihiina usameeyeen waxay sameeyeen ? sadexdaa su,aalood ayuu weydiiyay, jibriilbaana ka jawaabay su,aalaha oo wuxuu yiri : waxaad qalateen neef ariya kadibna waxaa idiin yimid miskiin agoona oo sooman waxna maydaan ka siin).

3- waynaanta ajarka sadaqada iyo in lajibaarayo ajarka, Allaah subxaanah dadka wax sadaqaysta sadaqadooda wuu ubarbaariyaa wuuna ujibaaraa ajarkeeda wuxuuna dadkaas siiyaa darajaad sare, aayaadka cadaynaya in dadka sadaqada labaxa loo jibaarayo waxaa ka mid ah aayada 18 ee suuratul al-xadiid waana kan macnihii aayaddu: (Ragga iyo dumarka wax sadaqaysta camalkoodana janada ilaahay ku raadsada waa loo jibaari sadaqadooda waxayna leeyihiin ajar weyn).

waxaa kaloo Alle yiri: dadka xoolohooda meel ilaahay jecelyahay ku nafaqeeya waxay bixiyaan wuxuu lamid yahay xabad raashina oo dhashay todobo sabuul, sabuulkastana uu dhalay bol xabbo, xaasilkuna waa 700 oo xabo ( 100×7 = 700 ), saasoo kale iyo kabadan ayuu ilaahay kuugu tarminayaa waxaad meel fiican ku baxsato aayadda mas,aladaan kahadlaysa waxay ka midtahay suuratul al-baqarah aayadda 261, wuxuuna ilaahay aayadda ku dhameeyay in cidduu doono camalkeeda ulaalaabayo.

sidoo kale nabigu c.s.w. wuxuu yiri: (Ruuxii sadaqo xalaala la baxa ilaalay wuu ubarbaariyaa ilaa ay le,ekaato buur) Qiso macaan:- saxaabiga lagumagacaabo abuu mascuud al-ansaari ayaa wuxuu yiri ninbaa nabiga ula yimid hal hogaan madaxa uga xiranyahay wuxuuna yiri ninkii hashaan ilaahay dartiibaan ula baxay rasuulkuna c.s.w. wuxuu ugu jawaabay (maalinta qiyaamo hashaan sababteed waxaad ku helaysaa 700 oo halaad oo dhamaantood hogaan ku xiranyahay) .

Mar haday saa tahay maxaa inoo diiday in aan u tartano  kheyrkaas tirada badan si aan beri ugu baxsano dartiina aan janno ugu kasbano ogow cid naga xigto ma jirto ee waa qof walbo iyo siduu u shaqeysto waafajintana Allah ayaa iska leh ilaahayna ma dayaco kuwa sameeya wanaagga.

Sidoo kale yaxye binu mucaad wuxuu yiri: (magaranayo xabad raashina oo buuraha aduunyada la culaysa oo aan ahayn midda sadaqada loo bixiyo). Allaahu akbar illeen ilaahay subxaanahu watacaalaa ayaa wax tarmin leh , bulaalin leh, barakayn leh.

4- sadaqadu waxay baabi,isaa gafka, dunuubtana waa lagu dhaafaa, Allah SWT sadaqada wuxuu ka dhigay sabab lagu dhaafo, macaasida, iyo gafafka la galay, iyo dhacdooyinka aan loo qasdin, adilada arintaas cadaynaysa waxaa kamid ah aayadda lambarkeedu yahay 114 ee suuratul Huud , macneheeduna yahay ( wanaaga la sameeyo wuxuu baabi,iyaa kexeeyaana meeshana ka saaraa xumaanta) .

WD: Ibraahim Warsame

 

Madaxweyne Laftagareen oo ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ee qaadista cunaqabateynta hubka

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur-Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Ummadda Soomaaliyeed iyo ciidamada qalabka sida ugu hambalyeeyey guusha taariikhiga ee qaadista cunaqabateynta hubka.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha koonfur galbeed ayaa u qornaa sidan:-

“Waxaan ugu Hambaliyeynayaa Dhammaan Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Ciidaamada Qalabka Sida ee naftooda iyo Maalkooda uhuray Nabadda iyo Xasilloonida Dalka

Go’aanka cunaqabataynta hubka ee Caawa laga qaaday Dalkeena Soomaaliya keliya ma-xoojinayo Dadaalka Dawladda ee Ciribtirka Cadowga Umadda Soomaaliyeed Al-Shabaab, sidoo kale wuxuu cunaqabateyn caalami ah saarayaa Khawaarijta Al Shabaab ee nabadda u diiday Dalka Soomaaliya, taas oo ah guul kale oo Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay usoo Hooyatay.

<span;>Waxaan Umahadcelinayaa Madaxda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo ugu horeeyo Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud iyo Cid Waliba oo Gacan ka gaysatay sidii Dowladda Soomaaliya looga qaadi lahaa Cunaqabataynta Hubka oo saarna in ka badan 30 Sano

Guddoomiye Sheekh Aadan oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha Tariikhiga ah ee dalka looga qaaday Cunaqabteynta hubka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo ku aaddan guusha taariikhiga ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga qaaday Soomaaliya cunaqabteynta hubka u diray dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Sheekh Madoobe oo xusay dadaalka Dowladda ay ku bixisay in la qaado cunaqabateynta hubka, iyo faa’iidada ay leedahay ayuu ku sheegay in qeyb weyn ka qaadan doono xorreynta degaannada Khawaariijta ay ku suganyihiin iyo inaan si casri ah u qalabeyno ciidankeena, waxaana uu uga mahadceliyay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo u codeeyay in Soomaaliya cunaqabataynta hubka la qaaday wixii caawa ka dambeeya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay cunaqabteynta hubka ee la qaaday

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Hambalyo ku aadan in Soomaaliya laga qaaday cunaqbateynta hubka u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda ugu sareysa dalka, asigoona si gaar ah ugu Mahadceliyay Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, dadaalka iyo juhdiga uu ku bixiyay in guushaan taariikhiga ah la gaaro.

“Ku dhawaad 31 sano kadib in Soomaaliya laga qaado cunaqbateynta hubka waa tallaabo horey loo qaaday oo ka mid ah Dowlad-dhiska Soomaaliya, guushaan waxa ay wax weyn ka taraysa xasiloonida, nabadda dalka iyo in Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ay helaan qalabeyn xoogan si ay kaga guuleystaan kooxaha Khawaarijta”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Madaxweynaha JFS iyo Xukuumada Dan-Qaran ku amaanay guulaha is-daba jooga ah oo ay usoo hoyeen Qaranka Soomaaliya, isla markaana weli ay dadaal ugu jiraan sidii guulo kale loo gaari lahaa si loo xaqiijiyo ah-daafta Dowlad-dhiska Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dadka Soomaaliyeed u diray farriin ku saabsan cunaqabateynta hubka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed u diray farriin ku saabsan  cunaqabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka  hadlay dadaalka ay ku bixisay dowladda in la qaado cunaqabateynta hubka, faa’iidada ay u leedahay dowladnimada iyo halganka xoreynta dalka.

“Dadka Soomaaliyeed waxa aan rabaa in aan ugu bishaareeyo sanadka 32-aad in aysan cunaqabateyn hubkanina saarneen, maanta dadka Soomaaliyeed waxa aan rabaa in aan u sheego dalka Soomaaliya dhammaan cunaqabateynta hubka waa laga qaaday,” sida uu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Sidoo kale Madaxweynaha oo hadalka sii wata ayaa ku sii daray, “Dalkeena maanta waxa uu xor u yahay intii awoodeenu ay la’egtahay hubkii aan rabno in aan soo iibsanno, oo caalamka aan ka soo iibsanno.”

Madaxweynaha oo ka hadlay fursadaha ay Soomaaliya haysato ayaa yiri, “Waxaa maanta fursad u haysannaa dalalka na kaalmeenaya ee saaxiibada nala ah ee walaalaha ah, hubkasta oo aan waydiisanno in ay na siin karaan.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda ay ku ad-adkaandoonta xakameynta hubka iyo khulkhulka hubka, isaga oo xusay in dowladda ay u dajisau shuruuc.

Fadhi ay yeesheen Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka oo saarneed tan iyo 1992-dii. Tallaabadaan ayaa sheegay in ay Soomaaliya u abuuri doonta waddo cusub.

RW Xamsa oo culimada magaalada Kismaayo kala hadlay la dagaalanka fikirka Khawaarijta

Ra’iisul Wasaaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay culimada Soomaaliyeed ee magaalada Kismaayo, ayaa kala hadlay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin la dagaallanka iyo fikirka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo dowlad wanaaga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa culimada uga warbixiyay  waxqabadka Xukuumadda ee arrimaha la xiriira diinta iyo awqaafta sida ansixinta xeerarka Xajka, Sakada iyo dhisitaanka Golaha Culimada Soomaaliyeed.

Waxa uu ka codsaday in ay door muuqda ka qaataan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ee wajigiisa labaad uu dhawaan ka bilaaban doonno Jubaland iyo in bulshada ku dhaqan gobolka loo bidhaamiyo afkaarta gurracan argagixisada.

Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Mukhtaar Roobow, ayaa la isku dhaafsaday talooyin la xiriira dowlad-dhiska Soomaaliya.

Hay’adda SoDMA oo deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelada Hoose u dirtay gargaar

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa maanta Xeebta deegaanka Jasiira ee Duleedka Magaalada Muqdisho waxa ay ka dirtay Doonyo nuuca dheereya ah oo wada shixnado gargaar ah taas oo si gaar ah ugu wajahan deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeeladda Hoose iyo tuuloyinka hoostaga.

Doonyahaan ayaa gaaraya ilaa afar Doonyood, waxana ay wadaan gargaar gaaraya 52-Tan oo iskugu jira Daawo iyo Raashin.

Deeqdaan ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaankaas iyo deeganada ku dhaw kuwaas oo sameen ay ka soo gaartay daadadka El-Niño iyo fatahaada Wabbiga Shabeelle.