Wasiirka amniga oo kulan la yeeshay Ergeyga kumeel gaarka ah ee QM

Wasiirka amniga gudaha dowladda FS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kulan lagu xoojinayo amniga la yeeshay Ergeyga ku meel gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, kaasi oo diiradda la saaray iskaashiga dhinacyada amnig iyo sidii loo horumarin lahaa nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Intii kulanku socday, labada masuul waxay isla soo qaadeen istiraatiijiyadda lagu xoojinayo iskaashiga amni ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray sidii loo taageeri lahaa hey’adaha amniga dalka iyo sidii looga adkaan lahaa kooxaha Khawaarijta ah ee khatarta ku haya xasilloonida dalka.

James Swan ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku horumarinayso amniga, isagoo ballanqaaday in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya si loo gaaro yoolalka amniga iyo horumarka waara.

Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa dhankiisa xusay muhiimmadda iskaashiga caalamiga ah, xoojinta amniga gudaha iyo sidii loo abuuri lahaa jawi nabdoon oo ay bulshada Soomaaliyeed ku horumari karto.

   

Gudoomiyaha aqalka sare oo Kenya uga qaybgalay shirka Guddoomiyayaasha Baarlamaanada EAC

Nairobi: Guddoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka qayb galay shirka 18-aad ee Guddoomiyayaasha Baarlamaaannada Dowladaha Bulshada Bariga Afrika oo maanta ka furmay magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Guddoomiyaha oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay muhiimadda ay Soomaaliya u leeyahay ka mid noqoshada Ururka Bulshada Bariga Afirka, iyo kaalinta ay ka gaysan karto horumarka dhinaca dhaqaalaha, iskaashiga Ganacsiga, Nabadda iyo horumarinta Bulshada, sidoo kale guddoomiyuhu, wuxuu xusay in Ururkan uu tusaale wanaagsan u yahay dhammaan dowladaha Afrika ayna ku dhiirigelinayso in Afrika oo idil ay iskaashato, islamarkaana ay samaysato midow ay u dhanyihiin dowladahaas, taas oo faa’iido wayn u ah dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo in ay iska kaashadaan soo saarka khayraadka dihan ee dhaxyaal dhulka Afrika

Shirka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Xoghayaha guud ee aqalka Sare Cabdinaasir Ibraahim Guuleed oo ka qayb galay shirka xoghayayaaash guud ee Baarlamaannada Ururka Bulshada Bariga Afrika.    

  

NISA oo gacanta ku soo dhigtay 2 eedeysane oo dilal ka geystay Muqdisho

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa soo qabtay Cali Hilowle Ibraahim iyo Axmed Samatar Cali oo ku eedeysan inay seddax qof oo ganacsato ah ku dileen 28 October 2024 degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir.

Hay’adda Sirdoonka Qaranka ayaa sidoo  kale ayaa ku dabajira eedeysane 3-aad oo la sheegay in dilalkaas uu wax ka geystay.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa maalmihii ugu dambeeyay dhagarqabeyaal badan oo ku eedeysan dilka muwaadiniin Soomaaliyeed ka soo qabtay magaalada Muqdisho iyo daafaheeda, taas oo shacabka aad u soo dhaweeyeen kuna tilmaameen talaabooyin wanaagsan.

BJFS oo guda-galay doodaha Akhrinta 2-aad Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka

Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan loogu doodaayo Akhrinta 2-aad ee Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.

Fadhigan waxaa qeyb ka ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh iyo Wasiiru dowlaha Waaaaradda mudane xildhibaan Saadaad Maxamednuur Caliyow.

Dhanka kale,  Ajendayaasha kulanka waxaa qeyb ka ahaa dhaarinta xubno wasiiro ah oo dhawaan uu magacaabay Ra’iisul-wasaaraha dalka, waxaana xildhibaanada hortoda ku dhaariyey Habdhowraha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS. Wasiirada maanta la dhaariyey ayaa kala ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda Qorsheynta Mudane Axmed Sheekh Maxamed Mashruuc iyo wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdirashiid Ducaale.

Sidoo kale Senator Cabdiweli Garyare oo maalin ka hor lagu soo doortay Dhuusamareeb ayaa maanta lagu dhaariyey kulanka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Cadaalla oo kormeer ku tegay xarunta diyaarinta qorshaha Qaranka

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaalla oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta  ayaa saaka kormeer ku tagay xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka halkaas oo ay ka socoto diyaarinta Qorshaha horumarinta Warbaahinta qaran wasiir Cadaalla ayaa ku dhiirigaliyay hawlwadeenada kala duwan shaqada muhiimka ah ay u haayaan Qaranka.

Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaalla “Waxaa halkaan lagu diyaarinayaa qorshaha dalkaan lagu hoggaami doono 5 sano kadib, waxaana laga faa’iidayaa horumaro dhinac walba leh.”

Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 16-kii Bishii October ee sanadka si rasmi ah u daah furay Qorista Qorshaha Isbadalka Qaranka, kaasi oo hadda diyaarintiisa ay ku howlanyihiin masuuliyiin iyo howlwadeenno kala duwan oo ka socda Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda FS oo qeyb galay xuska 11-sano guurada dib u hawlgelinta Isbitaalka Digfeer

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo wasiirka Caafimaadka dowladda FS Dr. Cali Xaaji, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabada xuska 11-sano guuradii ka soo wareegtay markii dib loo hawlgeliyay isbitaalka Recep Dayib Erdogan Ex Digfeer.

Wasiirka Caafimaadka oo ka hadlay munaasabadda ayaa dowladda Turkiga uga mahadceliyay iney burburkii dalka ka dib in Soomaaliya ay ka taageertay dib u soo celinta iyo howlgelinta isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho oo baahi weyn loo qabay.

Wasiirka ayaa sidoo kale uga mahadceliyey maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka sida naxariista iyo wanaagga leh ay uga shaqeeyaan bukaanada isbitaalka soo booqda isaga oo ku booriyay iney shaqadooda sii laba jibaaraan.

Waxaa sidookale halkaas ka hadlay Xildhibaan Cabdiraxmaan Moobleen oo si guud uga mahadceliyay maamulka Isbitaalka iyo shaqaalaha isaga oo xusay Isbitaalka uu yahay mid wax badan u qabtay shacabka Soomaaliyeed ee la taala dhacaya xanuunada kala duwan waxaana uu u mahadceliyay dowladda Turkiga oo isbitaalka taageerta.

Gudoomiyaha ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr Luul Maxamed Maxamud ayaa dhankeeda xustay in Isbitaalka Erdogan ka hor ineysan jirin adeegyo badan oo caafimaad oo dalka u baahnaa balse hadda uu soo kordhiyay, waxaana maamulka Isbitaalka ay ku amaantay soo kordhinta adeegyo caafimaad oo dadka ay u baahan yihiin kuwaa oo kamid ah qaliimada furan ee wadnaha.

Intaas kadib maamulaha Guud ee isbitaalka Dr Ertan Kayacan oo u dhashay dalka Turkiga ayaa xusay in marwalba uu Isbitaalka u taagan yahay sidii uu u dabooli lahaa baahiyaha caafimaad ee dadka Soomaaliyeed isaga oo xusay iney sii kordhin doonaan.

Ugu dambeyntii agaasimaha Isbitaalka Racep Dayib Erdogan Maxmed Xuseen (Ashraf) ayaa u mahadceliyay wasaaradaha caafimaadka Soomaaliya iyo Turkiga ee sida hagar la’aanta ah ula shaqeeya Isbitaalka kana taageera dhinacyada qalabka, daawada iyo caafimaadka iyo waliba Tababarrada.

Agaasime Maxamed Asharaf ayaa ka hadlay qaar kamid ah waxqabadyada ugu waaweyn ee Isbitaalka iyo adeegyada uu soo kordhiyay “ Wax weyn ayey nooga dhigantahay u qidmeynta shacabka Soomaaliyeed iyadoo Isbitaalka uu ku talllaabsaday horumaro kala duwan inagoo soo kordhinay qaabilaadda Bukaanada ee Habeenki (Bukaan socodka) qaliimo casri ah oo horay loogu aadi jiray dalka Dibadiisa iyo waliba qaliinka wadnaha furan oo markii ugu horeysay aan dalka ka hergelinay”

Agaasimaha Isbitaalka ayaa sidoo kale sheegay in dad kala duwan oo xaalado caafimaad oo aad u liita qabay in dalka Dibadiisa gaar ahaan dalka Turkiga in loo qaaday si bilaash ah islamarkaana hadda xaaladooda caafimaad ay soo hagaageyso isaga oo xusay iney sii laba jibaari doonaan shaqadan waxaana uu u mahadceliyay Dhakhatiirta, kalkaalisoyinka iyo waliba shaqaalaha kala duwan ee Isbitaalka Recep Dayib Ordogan.

Gabagaadii munaasabadda xuska 11-sano guuradii kasoo wareegatay markii dib loo howlgeliyay isbitaalka Digfeer waxaa la abaalmarinay qaar kamid ah shaqaalaha Isbitaalka oo isugu jira waaxyahiisa kala duwan kuwaa oo lagu dhiirogelinayay shaqo wanaag ay la imaadeen.

         

Wasaaradda arrimaha gudaha dalka oo bogaadisay doorashada Somaliland

Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadisay Doorashooyinka Maamulka gobollada woqooyi ee Somaliland.

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay wafdi ka socda Kenya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ku qaabilay hoygiisa wafdi ka socda dowladda Kenya.

Xubnaha wafdiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha soo gaarsiiyay dhambaal iyo salaan ay ka wadeen Madaxweynaha Kenya, William Ruto, waxaana ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee dariska ah iyo iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo ganacsiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wafdigan ka socday dowladda Kenya, doorka dowladda Kenya ee ku aaddan taageerada dowlad dhiska Soomaaliya, iyo xasilloonida gobolka.

Xubnaha wafdiga ayaa kala ahaa Amb Mahboub Moallin, Amb Mohamed Abdi Affey iyo Hon Abdirahman Ali Hassan Colow.

Guddiga Baarlamanka u qaabilsan diyaarinta xeerka doorashooyinka oo ka dooday hawlaha horyaal

Xubnaha Guddiga Kumeel gaarka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururada iyo Xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale soohdimaha oo kulan yeeshay ayaa ka dooday sharciga dhismaha Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Qaranka, waxaana kulanka shir Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Senator Iftiin Xasan Iimaan Baasto iyo Xoghayaha Guddiga Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan).

Xubnaha Guddiga ayaa ka dooday qodobada Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka, waxaana Guddiga kala qeyb galay oo uu latashi kala sameeyay khubaro ka socday Hay’adda Build UP oo mudo dheer kasoo shaqeeyay arrimaha doorashooyinka.

            

In ka badan 20-Khawaarij ah oo lagu dilay Galgaduud

Galcad: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa xalay fuliyay howlgal lagu dilay in ka badan 23 Khawaarij ah, sidoo kalena lagu burburiyay gaadiid ay wateen, howlgalkaas ayaa ka dhacay deegaanka Dharaarweyn ee hoos taga magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud.