Gancsatada Soomaaliyeed oo dadaal ugu jirta Maalgalinta Fursadaha maalgashi ee dowladdu soo bandhigtay

Gancsatada Soomaaliyeed oo dadaal ugu jirta Maalgalinta Fursadaha maalgashi ee dowladdu soo bandhigtay.

Qeybaha kala duwan ee Ganacsatada Soomaaliyeed oo ay hormuud u tahay Rugta Ganacsiga iyo Warshada dalka ayaa maanta iska soo xaadiriyay Xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyadoo ujeedkoodu yahay in ay soo arkaan oo ay doorkooda ka qaataan fursadaha maalgashi ee uu soo bandhigay Qorshuhu.

Ganacsatada qaar oo maalmihii la soo dhaafay sidaan oo kale u imaanaya halkaan ayaa qolaba fursad gaar ah dooratay taas oo ay u arkayeen inay maalgalin ku sameyn karaan, ganacsatada Qaar ayaa ballan qaaday in ay maalaayiin doolar ku maalgalin doonaan mashaariicda wax ku ool ka ah ee ka soo baxa Qorshaha Isbeddelka Qaranka gaar ahaan qeybaha wax soo saarka sida Beeraha, Xoolaha, Kalluumeysiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha, taas oo oo horseedi doonta in ay fursado shaqo u abuurto boqolaal Dhallinyaro ah.

Ganacsatada maanta soo booqatay xarunta ayaa iyana loo soo bandhigay in ay doortaan fursadahaan Maalgashi ee lagu soo bandhigay Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo loo arko in wax badan uu ku soo kordhin doono Dhaqaalaha dalka, waxaanan sharaxaad ka siinayay howl wadeeno u diyaarsan howshaan.

 

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qayb galay Shirweynaha COP29

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Salah Ahmed Jama, ayaa hoggaaminaya wafdiga heer sare ah ee Soomaaliya uga qayb galaya Shirweynaha Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada, ee COP29, kaas oo ka qabsoomaya magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.

Shirkan muhiimka ah ayaa waxa uu diiradda saarayaa dadaallada caalamiga ah ee lagu wajahayo Isbeddelka cimilada, iyadoo Soomaaliya ay si firfircoon u mataleyso danaha iyo dedaalada ay ugu jirto la tacaalidda saameynta daran ee Isbeddelka cimilada.

Mudane Salah Ahmed Jama, ayaa shirkan uga qayb galaya mowduucyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin: adkeynta iskaashiga caalamiga ah ee ku saabsan la tacaalidda Isbeddelka cimilada, taageerada dhaqaalaha cagaaran lagu taageero dalalka soo koraya iyo tamarta nadiifka ah, iyo kordhinta taageerada dhinaca bini’aadamnimada iyo xaaladaha deg-degga ah ee ka dhasha masiibooyinka dabiiciga ah ee saameeya Soomaaliya iyo dalalka gobolka.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ay sida weyn u saamaysay isbedelka cimiladu, waxaana ay soo bandhigeysaa qorsheyaal cad oo ka turjumaya dadaallada ay Xukuumadda DanQaran ugu jirto wax ka qabashada saameyntaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku dadaaleysaa sidii loo heli lahaa xal waara oo lagu yareyn karo saameynta cimilada, lana horumarin karo awoodda bulshada Soomaaliyeed ay ugu diyaar garoobi karaan xaaladaha cimilada ee sii adkaanaya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar ugu baxay dalka Ingiriiska

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi Xildhibaano ah oo uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay Magaaladda London ee caasimadda dalka Ingiriiska.

Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa ku wehliya Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo sidoo kale Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri), waxaana uu ku qotomaa casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa Dowladda Ingiriiska.

Wasiirka deegaanka oo khudbad ka jeedisay kulan looga hadlay doorka Sanduuqa Maalgalinta Cimiladda

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS, Amb. Khadija Mohamed Almakhzoumi, ayaa khudbad ka jeedisay kulan muhiim ah oo looga hadlayay dib u qaabeynta nidaamka maaliyadda aduunka iyo doorka Sanduuqa Maalgalinta Cimiladda (Green Climate Fund) ee ku saabsan taageerada maaliyadeed ee dalalka u nugul isbeddelka cimilada. Kulankan oo barbar socda shirweynaha COP29 ee ka socda Baku, dalka Azerbaijan, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo abuuri lahaa nidaam dhaqaale oo casri ah, kaas oo bixiya maalgelin hufan oo wax ka qabta caqabadaha isbeddelka cimilada.

Wasiirka ayaa madasha ka sheegtay in Soomaaliya ay uga mahadcelineyso taageerada GCF, oo ansixiyay mashruuc taariikhi ah oo $100M ah kaas oo naga caawinaya inaan dhisno adkeysi bulsho iyo inaan awood siino dadka ay saameeyeen isbeddelka cimilada si ay uga jawaabaan dhibaatooyinkaasi. Maalgelintan waxay muhiim u tahay Soomaaliya, iyadoo fursad u siinaysa inay hore ugu sii socoto oo ay abuurto xalal waara oo wax ka qabta isbeddelada cimilada ee dalkeenna.

Intii uu socday kulanka, GCF ayaa soo bandhigtay qorshaha dib-u-habeynta si loo yareeyo caqabadaha habka maalgelinta, iyadoo loogu talogalay in la gaarsiiyo $50 bilyan oo maalgelin ah sanadka 2030. Wasiirka ayaa bogaadisay qorshahan, iyadoo ku baaqday in si wadajir ah loo abuuro nidaam dhaqaale oo waxtar leh oo taageero buuxda siin kara dalalka sida Soomaaliya oo kale ah, si ay awood ugu yeeshaan la tacaalida saameynta isbeddelka cimilada.

Kulanka la tashiga dadweynaha ee Dastuurka oo lagu qabtay deegaanka Arcadeeye ee Khaatumo

-Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS, Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Maamulka Khaatumo, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Lasocodka Dastuurka ayaa shalay soo gebagebeeyay kulamada La-tashiga Bulshada Rayidka ee wax ka bedelka soo jeedinta cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka oo maalmahaan ka socday deegaanada SSC Khaatumo.

Kulankii ugu dambeeyay ee shirarka wadatashiga ah ayaa lala yeeshay Bulshada Rayidka Deegaanka Aricadeeye, waxaana ka horeeyay kulamo kale oo kala ah haweenka, Odayaasha dhaqanka, Culimad, Dhalinyarada iyo Ha’adaha Dowladda Khaatumo oo laga talageliyay wax-kabedelka soo jeedinta cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka.

Wasiir ku-igeenka wasaaradda Cadaallada iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Axmed Cabdiraxmaan Xasan ayaa kalmadiisa gebagebada kulmada wadatashiga ah ugu mahad-celiyay Maamullka Khaatumo iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka qeyb qaatay wadatashiyada iyo sidoo kale hey’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ee dadaalka xooggan geliyay aruurinta talooyinka wax ku oolka ah ee bulshada.

Hey’adaha u xil-saaran dib-u-eegista Dastuurka ayaa kulamada La-tashiga waxkabedelka soo jeedinta cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka waxey horay ugu soo qabteen gobalka Banaadir, iyo magaalooyin kale oo ay kamid yihiin Gal-mudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed iyada oo hada lagu soo gabagabeyey Khaatumo.

default

    

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray Nairobi

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdiga la docda oo uu qeyb ka yahay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ku soo dhaweeyay diblomaasiyiin uu hoggaaminayay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.

Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS ayaa Nairobi uga qeybgalaya shirka 18-aad ee guddoomiyeyaasha baarlamaanada dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (𝐄𝐀𝐂) oo 13ka bishan furmaya.

Kulanka oo si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa guddoominaysa Marwa Dr. Tulia Ackson oo ah Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Tanzania.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha muhiimka ah ee isu soo dhawaynaya waddamadeena ku dhaqan Bariga Afrika.

Madasha Af-hayeennada EAC waxaa uu u taagan yahay sidii loo mideyn lahaa codka shacabka ku dhaqan gayigan iyada oo loo marayo qaabka sharci dajinta, kormeer iyo matalaad shacabka.

Madashaan ayaa sidoo kale talo bixin siinaysa shir madaxeedka madaxda Bariga Afrika, kuwaas oo lagu horumarinayo arrimaha ugu muhiimsan ee ka taagan gobolka Bariga Afrika.

Kulankan oo dhacaya waqtigii ku haboonaa waxaa la filayaa inuu mideeyo aragtida iyo codka wadamada ku xeendaaban Bariga Afrika, isaga oo gobolkeenu ku jihayn doona waddadii is dhex galka iyo kobaca ee dadka ku dhaqan Bariga Afrika.

      

Wasiirka Caafimaadka oo xarigga ka jaray CT Scan casri ah lagu kordhiyey Isbitaalka Banaadir

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka dowladda FS Dr Cali Xaaji ayaa xariga ka jaray qayb cusub oo ah CT Scan casri ah oo lagu kordhiyey Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Dr Fartuun Shariif agaasimaha Isbitaalka Banaadir ayaa xustay in qalabkan cusub uu wax weyn ku soo kordhinayo shaqada Isbitaalka oo bukaano badan ay ka faa’iidaysan doonaan.

“CT Scan lagu soo kordhiyay isbitaal Banaadir, wuxuu qeyb ka yahay dadaalo ay wasaaraddu ku dayactireyso, kuna qalabeeneyso ilaa 8 isbitaal oo ah kuwa ka shaqeeya danta guud” ayuu yiri Dr Cali Xaaji wasiirka wasaaradda caafimaadka.

Isbitaalka Banaadir waxa uu ka mid yahay Isbitaalada dowliga ah ee bixiya adeeg caafimaad oo lacag la aan ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh “xalka nabadda bariga dhexe waxa uu ku xiranyahay dhismaha dowlad Falastiini ah”

Riyaad : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbad ka jeediyay, Shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee dowladaha Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga, kaasi oo looga hadlayo xaaladdaha Beni-aadannimo ee ay wajahayaan shacabka ree Falastiin iyo Lubnaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadaljeedintiisa ku dul istaagay mugga qasaaraha gaaray shacabka Biri ma-geydada ah Falastiin iyo Lubnaan, xasuuqa aan loo meel dayin iyo burburka kaabayaasha nolosha, isaga oo soo bandhigay mowqifka dowladda Soomaaliya ee xalka Nabad waarta oo ka hanaqaadda Bariga dhexe.

“Qadiyadda Gaza, waa mid ka gun weyn siyaasad iyo afkaar intaba, waxa ayna salka ku haysaa xuquuqda aadanaha, karaamada iyo caddaaladda. Xalka nabad waarta oo bariga dhexe ka dhalata, waxa uu ku imaan karaa oo kaliya in la sameeyo dowlad Falastiini ah oo leh xuduudaheedii 1967-kii, caasimaddeeduna tahay Qudus”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay madaxda dowladdaha Shirka ka qayb galaya iyo beesha caalamka in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo gurmad degdeg ah lagu gaarsiinayo shacabka dhibaateysan, waxa uuna soo jeediyay in la dhaqan galiyo xabad joojin degdeg ah, isla markaana dib loogu laabto miiska wada hadallada.

  

Wasiirka deegaanka oo Azerbaijan uga qayb galaysa shir ku saabsan isbadalka cimilada

Baku: Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS, Amb. Khadija Mohamed Almakhsuumi ayaa ka qeybgashay kulan heer sare ah oo lagu qayb ka ah madasha #COP29, kaas oo looga hadlay iskaashiga caalamiga ah iyo midka gobolka ee la xiriira Socdaalka Cimilada.

Shirka waxaa xoogga lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga si loo wajaho saameynta ba’an ee cimilada oo si gaar ah u saameynaya dalalka u nugul sida Soomaaliya.

Kulankan heerka sare ayaa muhiimad weyn siinaya sidii loo dhisi lahaa hannaan cusub oo loogu talogalay dadka ay cimiladu saameysay, si ay ugu dhaqaaqaan nabadleh, iyada oo Soomaaliya ay u ololeyneyso in la sameeyo heshiis caalami ah oo kor u qaada daryeelka iyo xuquuqda dadkaas.

Wasiirka ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay si wadajir ah uga shaqeeyaan arrintan, si loo helo xal waara oo mustaqbalka dhow iyo kan fogba wax looga qabto saameynta isbeddelka cimilada.

    

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo qaabilay ururka haweenka Qaranka

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa la kulmay ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa haweenka ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaataan ka shaqeynta nabadda, horumarinta bulshada, iyo xasilinta amniga guud ee dalka, isagoo u balanqaaday inuu tixgalin gaara siin doonno codsigooda ah in haweenka boliiska ku jiro la dalacsiiyo, xilal sar sarana laga siiyo hay’adan.

Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa dhinaca kale tilmaamay in haweenka qaranka ay udub dhexaad u yihiin difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed, madaxbannaanida iyo midnimada dalka, wuxuuna ku booriyay iney dadaalkooda halkaasi kasii wadaan.

Taliyaha waxaa kulanka ku wehlinayay G/le Qaali Axmed Cadaan oo ah Taliyaha Hoggaanka Xiriirka Boliiska iyo Bulshada.