Baarlamaanka oo ansixiyay habraaca uu ku shaqeyn doono Guddiga KMG ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa,ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa, Hindise Sharciyeedka Ururrada iyo Xisbiyadda Siyaasadda JFS, Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka iyo midka dhismaha guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka iyo soohdimaha.

Wasiirka arrimaha Guddaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa labada Gole ka hor akhriyay ahmiyadda ay shurucdaan u leeyihiin dalka iyo dadka,isagoo sheegay in seddexda hindisa sharciyeed ee Golaha horyaal dib u habayn iyo wax ka badal lagu sameeyay.

Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo ah Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee labada gole u qaabilsan diyaarinta xeerarka doorashooyinka ayaa Golaha ka hor akhriyay habraaca fadhiyadda wadajirka ah ee ansixinta seddaxda Hindise Sharciyeed ee uu ku shaqeyn doono Guddiga Kumeel gaarka ah.

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulan wadajir ah ayaa ansixiyay habraaca fadhiyadda wadajirka ah ee ansixinta seddaxda Hindise Sharciyeed ee uu ku shaqeyn doono Guddiga Kumeel gaarka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururrada iyo xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka, soohdimaha iyo sidoo kale qorshe howleedka guddiga, waxaana ogolaatay 170-Xildhibaan, mana jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay.

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan magacaabay guddigan Kumeel gaar ah oo ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka, kuwaas u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururada iyo Xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale soohdimaha.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS oo ka qeyb gashay furitaanka shirka #COP29.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS, oo ka qeybgashay furitaanka shirka #COP29.

Wasiirka ayaa hoggaamineysa wafdi ballaaran oo Soomaaliya uga qeybgalaya shirka #COP29 ee ka socda magaalada Baku, Azerbaijan.

Wafdiga waxaa ka mid ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga iyo Azerbijaan, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo xubno kale oo muhiim ah.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya ayaa warbaahinta qaranka u sheegtay in ay rajeyneyso in guulo waaweyn ay ka soo hoyaan shirkaas, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga caalamiga ah iyo helitaanka maalgelin ku filan oo lagu xalliyo caqabadaha cimilada.

Wasiir Khadiija ayaa la kulantay madaxda ka soo qeybgashay shirka, si ay uga wada hadlaan arrimaha muhiimka ah ee la xiriira cimilada.

Soomaaliya waxay rajeyneysaa in ay ka faa’iideysato fursadaha shirka #COP29, si ay u hesho taageero caalami ah oo ku aaddan qorshayaasheeda wax ka qabashada isbeddelka cimilada iyo in ay soo bandhigto dadaallada ay ku bixineyso la tacaalida caqabadaha cimilada ee saameynaya dalkeenna.

 

  

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulan laba-geesood ah kula yeeshay Riyadh Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan.

Riyadh:-Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan laba-geesood ah kula yeeshay Riyadh Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan, Safiir Cali Yuusuf Al Shariif, si ay u adkeeyaan xiriirka walaaltinimo ee joogtada ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan. Wadahadallada ayaa xoogga lagu saaray xushmadda iyo qiimaha ay Soomaaliya u hayso xiriirka taariikhiga ah ee kala dhaxeeya Suudaan, iyadoo la aqoonsaday taageerada Suudaan ay u fidisay Soomaaliya xilliyadii ay wajahday xaaladaha adag.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa muujiyay taageerada aan gambashada lahayn ee Soomaaliya ay la garab taagan tahay shacabka Suudaan, isaga oo ballan qaaday inay taageerayaan dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro xal nabadeed oo waara. Labada wasiir ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xasilloonida iyo barwaaqada gobolka, iyagoo ku ballamay u taagnaanshaha mabaadi’da nabadda, midnimada, iyo ixtiraamka labada dhinac.

Soomaaliya iyo Suudaan waxa ay rajeynayaan mustaqbal xoog badan oo ku dhisan iskaashi, wadajir iyo dadaal joogto ah oo ay ku doonayaan in lagu xasiliyo gobolka.

   

Howlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo laga fuliyay Gobollada Shabeellaha Hoose iyo Baay

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta KGS ee degmada Qasaxdheere ayaa howlgal ay ka fuliyeen tuulada Weel-manaas oo 15km u jirta degmada Qansaxdheere ku diley 6 maleeshiyo uu kamid yahay horjooge sare.

Horjoogaha la khaarajiyay ayaa Khawaariijta u qaabilsanaa cunaqabateyna shacabka Qansaxdheere iyo deegaannada hoostaga Nuur Keerow Xaydar iyo Sheegow Aadan Macalin oo Khawaariijta u qaabilsanaa aruurinta lacagaha baada ah iyo xoolaha.

Howlgalkan ayaa sidoo kale Khawaarijta waxaa loogu furtay saanad ciidan iyo 3 mooto kuwa Faykonta loo yaqaanno oo Khawaariijta dhaxda ugu gali jireen dadka shacabka ah.

Dhanka kale Geesiyaasha Ciidanka Xoogga dalka, ayaa howlgallo lagu Burburiyey goobo ay ku dhuumanayeen Khawaarijta waxay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaan howlgalkaan hoggaaminayey Taliye ku xiggeenka Guutada 7-aad, G/dhexe Maxamed Cabdullaahi Caraaye “Foo Foo”.

Ciidanka inta ay wadeen howlgalka ayaa qarxiyey Miinooyin Khawaarijta ay u dhigeen dadka Shacabka ah, iyadoo wali halkaas wali ka socdaan baacsiga Khawaarijta halkaas ku sugan.

Kulanka la tashiga dadweynaha ee wax-kabedelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka oo ka socda Laascaanood

𝐋𝐚𝐚𝐬𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝:-Kulanakaan oo ay sida wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Lasocodka Dastuurka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Khaatumo ayaa shalay si wadajir magaalada Laascaanood uga qabtay kulanka La-tashiga Odayaasha dhaqanka iyo Culimada SSC ee waxkabedelka soo jeedinta cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka.

Guddoomiyaha degamada Laas caanood ayaa ugu horayn kulanka ka hadlay asiga oo culimada iyo Odayaasha kula dardaarmay in ay taladooda iyo fikradahooda u dhiibtaan.

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka maamulka kumeel gaarka ah ee SSC-Khaatumo, Gen. Cabdi xassan Xijaar ayaa sheegay in culimada iyo Odayaasha reer Khaatumo looga baahanyahay in ay ka qayb qaataan wax ka bedelka Dastuurka Cutubyada 5aad ilaa 9aad.

Wasiir ku-igeenka Wasaaradda Cadaallada iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Axmed Cabdiraxmaan Xasan oo la hadlay Odayaasha dhaqanka iyo Culimada reer Khaatumo ku booriyay in ay si wayn qayb uga qaataan wax ka bedelka Dastuurka.

Hey’adaha u xil-saaran dib-u-eegista Dastuurka ayaa kulamada La-tashiga waxkabedelka soo jeedinta cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka waxey horay ugu soo qabteen gobalka Banaadir, iyo magaalooyin badan oo kamid ah Gal-mudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galaya shir madaxeedka dalalka Islaamka

Riyaad:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga, halkaas oo ay kaga qeyb-galayaan shirar degdeg ah oo ay yeelanayaan madaxda dalalka Islaamka iyo Carabta.

Madaxda ayaa ka wadahadlaya colaadda iyo gumaadka ka dhanka ah dadka Falastiin iyo Lubnaan, gaar ahaan joojinta xasuuqa iyo sidii gurmad degdeg ah ay u heli lahaayeen dadka reer Qasa ee dhibaataysan, iyadoo shirka ay ka soo qeyb-galayaan madax iyo wufuud ka socoto dowladaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

Inta lagu guda jiro shirkan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona Madaxda, Boqorrada, Amiirrada iyo Hoggaamiyeyaasha Islaamka ee shirka ka soo qeyb-galaya, si loo xoojiyo xiriirka dalkeennu uu la leeyahay Caalamka Islaamka iyo Carabta.

Golaha Wasiirada oo Taliyaha Ciidanka Xoogga u magacaabay sarreeye Gaas Odowaa

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , oo caawa yeeshay kulan degdeg ah ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay S/Gaas Odowaa Yusuf Raage, si loo dardargeliyo difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta.

Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa dhinaca kale looga hadlay xaaladda amni ee dalka iyo dardargalinta howlaha Xukuumadda iyadoo goluhu uu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Diiwaangalinta Mulkiilaha shirkadaha iyo Heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Sacuudiga, kaas oo ku saabsan horumarinta arrimaha dhallinyarada iyo isboortiga.

Ciidanka Xoogga oo 8 dhagar qabe ku dilay Masagaway

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa jab xooggan gaarsiiyey kooxda khawaarijta oo maanta isku dayday in ay weerar ka geysato Masagaway,Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS Abuukar Maxamed oo la hadlay Warbaahinta waranka ayaa yiri”Ciidanka Xoogga Dalka waxay Masagawaa ku dileen 8 dhaqar qabe oo ka tirsan Khawaarijta.”

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidaan oo kale dhoor jeer khawaarijta ku jabiyay gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, iyagoo khasaare xooggan gaarsiiyay khawaarijtii soo qaaday weerarrada naf lacaariga ah.

Safiirka Soomaaliya ee Koofur Afrika oo lagu soo dhaweeyey Angola

Luanda: Danjiraha Soomaaliya ee Koonfur Afrika Maxamed Sheekh Isxaaq iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Luanda ee caasimadda dalka Angola, halkaasi oo ay si diirran ay ugu soo dhaweeyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Angola.

Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in u jeedka socdaalkiisa uu ku saabsan yahay in dalkaasi uu ka noqon doono safiir aan degnayn.

“Dalkan Angola ayaan ka noqondoonaa Safiir aan degneyn haduu Alle idmo, Madaxweynaha dalkan ayaa maalmaha soo socda iga guddoomi doonaa warqadaha aqoonsiga, sidoo kale waxaan u gudbin doonaa Salaan iyo fariin aan ka sido Madaxweynaha Qaranka Soomaaliyeed Mudane Dr. Hassan Sheekh Maxamuud” ayuu yiri danjire Maxamed Sheekh Isxaaq.

Inta uu joogo magaalada Luanda ee caasimadda dalka Angola Ambassador Maxamed Sheekh Isxaaq iyo saraakiisha diblomaasiyiinta la socota waxaa ay kulamo la yeelan doonaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi, si looga dhageysto baahiyaha ay u qabaan adeegyada Qunsuliyadeed loona fududeyn doono.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir uga qayb galay Sucuudiga

Riyaad:-Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qeybgalay shirka wasiirrada ee loogu diyaar garoobayo Shir Madaxeedka Caalamiga ah ee Carabta iyo Islaamka ee aan Caadiga ahayn. Shirka ayaa ka dhacay caasimadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaas oo lagu gorfeeyay weerarka joogtada ah ee Israel ku hayso dhulka Falastiin iyo Lubnaan, iyo sidoo kale xaaladaha ugu dambeeyay ee gobolka iyo isku-dubaridka mowqifyada wadajirka ah ee dowladaha xubnaha ah.

Shirkan waxaa ka soo qaybgalay Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Mudane Xuseen Ibraahim Taha; Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Mudane Axmed Aboul Gheit; iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Islaamka.

Sidoo kale, shirka waxaa ka qaybgalay Danjire Cali Cabdi Aware, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta; Danjire Cabdulqaadir Macallin Nuur, Wakiilka Joogtada ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka; iyo Danjire Oweys Xaaji Yuusuf, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.