Khawaarijta oo khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Masagawaa

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda degaanka ayaa ka hortagay weerar maleeshiyaadka Khawaarijta isku dayeen inay kusoo qaadaan magaalada Masagawaa ee briga gobolka Gal-guduud.

Geesiyaasha Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo kawar qabay dhagarta Khawaarijta ayaa halkaasi cashar ugu dhigay, iyagoona maleeshiyaadkii lasoo qalday sii eryaynaya degaanka Dhabaqle.

Dhamme Maxamed Ereg oo kamid ah saraakiisha Guutaadda 77-aad ee Ciidanka XDS ee ku sugan magaalada Masagawaa ayaa Warbaahinta u sheegay in khawaarijta la gaarsiiyay khasaare xooggan, oo hadda ay socota tirinta dhagarqabeyaashii lagu laayey halkaas.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidaan oo kale dhoor jeer khawaarijta ku jabiyay gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, iyagoo khasaare xooggan gaarsiiyay khawaarijtii soo qaaday weerarrada naf lacaariga ah.

DFS oo war ka soo saartay hannaanka sharci darro ee Axmed Madoobe ka wada Jubbaland

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ku qotoma Arrimaha Doorashooyinka, heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka iyo hannaanka sharci darro ee Axmed Maxamed Islaam ka wada Jubbaland, kaas oo qeyb wayn ka ahaa dhamaan heshiisyadii horay Golaha u gaaray.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS halka hoose ka Akhriso:-

NISA oo gacanta ku soo dhigtay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

-Ciidanka Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe ku eedeysan in uu ka qeyb qaatay dil dhowaan labo muwaadin loogu geystay Degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Hay’adda NISA iyo guud ahaan laamaha amniga ayaa hawlgallo lagu xaqiijiyo Amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed ka wada guud ahaam dalka, iyadoo sidaan oo kale horay gacanta loogu soo dhigay kuwa halis ku ahaa amniga Caasimadda.

Madaxweyne Qoor Qoor” Galmudug waxay diyaar u tahay in ay qabato doorasho qof iyo cod ah”,

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ka hadlayay munaasabadda furitaanka kalafadhiga 11-aad ee Golaha Wakiillada Galmudug ayaa sheegay in maamulkiisu diyaar u yahay qabashada doorasho toos ah oo qof iyo cod ah una dhacdo qaab hufan oo ah sida ay ku heshiiyeen golaha wadatashiga qaran.
Shir in muddo ah magaalada Muqdisho uga socday golaha wadatashiga qaranka ayaa lagu go’aamiyay in dalka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah, taas oo sahleysa in shacabka Soomaaliyeed gacantooda ku doortaan madaxdii hoggaamin lahayd.
”Waxay Galmudug diyaar u tahay in sida uga dhaqsiyaha badan ama sida loo qorsheeyay u dhacaan doorashooyinkii tooska ahaa ama (Qof iyo Cod), sidaad la socotaan muddo waxaa magaalada Muqdisho ka socday shirka wadatashiga Qaran, shirkaas oo daba socday shirarkii hore iyo heshiisyadii horey loo galay, 2023-dii bishii May, waxaad la socotaan golaha wadatashiga qaran waxaa lagu heshiiyay doorashooyinka dalka, wax ka beddelka Dastuurka iyo waddada loo marayo, muddo howlo badan la soo maray oo ay ka mid tahay la dagaallanka argagixisada, khilaafyo iyo howlo oo Dowladda Federaalka kula jirtay murano noo dhaxeeya dowladaha gobolka qaarkood iyo howlo kale oo badan oo mashquul lagu ahaa.
Sidoo kale, madaxweyne Qoor Qoor carabka ku adkeeyay in Galmudug kaalinteeda qaadan doonto, diyaarna u tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan ama loo qorsheeyay u dhacaan doorashooyinkii tooska ahaa ee lagu heshiiyay.
”Waa guul weyn oo guud ahaan Soomaaliya gaartay in bulshada awooddooda loo celiyo oo gacanta loo geliyo si cidda hoggaamineyso iyo madaxdooda u doortaan,” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.
Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan magacaabay guddi Kumeel gaar ah oo ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka, kaasoo u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururada iyo Xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale soohdimaha.

Gudidda Labada Aqal ee Diyaarinta Shuruucda doorashooyinka ayaa doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye kuxigeen

Guddiga Ku meel gaarka ah labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururada iyo Xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale soohdimaha oo kulan yeeshay, ayaa Guddoomiyaha Guddiga u doortay Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed halka Sanatar Iftiin Xasan Iimaan Baasto loo doortay Guddoomiye ku xigeenka Guddiga.

Doorashada oo u dhacday hab gacan taag ah waxaa goob joog ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abahirow oo ay wehliyaan hab-dhowraha Golaha Aqalka Sare Sanatar Samsam Ibraahim Cali iyo sidoo kale Xoghayayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka.

Muqdisho oo maanta laga furay Xafiiska Qaramada midboobay ee UNTMIS

Masuuliyiin Sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda, wakiillada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Ergada Diblomaasiyadeed ee ku sugan Muqdisho ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda furitaanka rasmiga ah ee xafiiska Howlgalka Kaalmaynta Ku Meel Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).

Munaasabadda ayaa lagu xusay kala guurkii Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) una guuray UNTMIS, is bedelka xafiiskaan ayaa astaan u ah horumarka ay dowladda Soomaaliya ka gaartay isku filnaashaha iyo doorkeeda masraxyadda caalamiga ah.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, La Taliyaha Sare Yuusuf Garaad, Madax kale iyo Safiirro ka kala socday dalal kala duwan ayaa ka qeyb galay munaasabadda shaacinta is bedelka xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo laga dhigay (UNTMIS).

Guddoomiyaha SODMA oo kulan la qaatay madaxa Xafiiska USAID ee Soomaaliya Catie Lott

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan wax-ku-ool ah oo la xariira arrimaha gargaarka, korjoogteynta deeqaha, tayaynta aqoonta hay’adaha dowladda iyo qodobbo kale kala hadlay madaxa Xafiiska USAID ee Soomaaliya Catie Lott oo ay wehliyeen xubno ka tirsan kooxda USIAD ee Muqdisho.

Kulanka waxaa looga hadlay sidii loo sii adkeyn lahaa dadaallada gargaarka, in la xoojiyo howlaha korjogteynta ee Hay’adda SoDMA heyso iyo in la maal-galiyo mashaariicda adkeysiga, gaar ahaan in gacansiyo yaryar loo abuuro dadka nugul, lagana hortago in ay degaannadooda nolol xumo uga bara-kacaan.

Sidoo kale, kulanka waxaa diiradda lagu saaray in la joogo xilligii Dowladda Soomaaliya toos loo soo marsiin lahaa deeqaha dibadda ka yimaada iyo in la iska kaashado dhisidda kartida hay’adaha kala duwan ee dowladda si loo buuxiyo firaaqa jira.

Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin ayaa taageerada joogtada ah ee dhan kasta leh kaga mahad-celiyay Dowladda Maraykanka, gaar ahaan Hay’adda Kaalmada iyo Hormarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID).

Wasiir Jaamac: Itoobiya si rasmi ah ayaa looga reebay hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u xaqiijisay in Dowladda Itoobiya laga reebay Dowladdaha ka qayb qaadanaya hawlgalka Cusub ee Ciidanka Midowga Afrika oo Soomaaliya ka hawlgeli doona bilowga sannadka Cusub ee 2025-ka.

Wasiirka Wasaaradda gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac)oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa u xaqiijiyey in Itoobiya si rasmi ah looga reebay Dowladdaha ka qayb qaadanaya hawlgalka Midowga Afrika ee 2025, wasiirka ayaa sheegay in Itoobiya ku xad gudubtay qarannimada Soomaaliya sidaas darteed na Dowladda Soomaaliya uga reebtay hawlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya,Wasiir Cabdiqaadir ayaa dhanka kale sheegay in dhowaan la shaacin doono liiska dalalka qaybta ka noqon doono hawlgalka Cusub.

Hawlgalkan cusub ee Midowga Afrika ayaa ah mid kooban oo dhanka farsamada ka caawin doona Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed hawlgalada la dagaalanka Khawaarijta,dowladda Soomaaliya ayaa bisha December soo afmeeri doonta hawlgalkii hore ee ATMIS waxana goobihii Ciidanka ATMIS ka hawlgeli jireen la wareegaya Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasiir Fiqi oo ka hadlay wada hadallada Soomaaliya iyo Ethiopia

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo wareysi siiyay warbaahin Qaranka oo xog cusub ka bixiyey halkii ay ku dambeeyeen wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya.

Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in wadahadallada wareegga 3-aad ay hakad u galeen mashquul labada dhinac ah taasoo ka dambeysay shirkii guud ee Qaramada Midoobay oo soo dhax-galay, waxuuna tilmaamay in dowladda Turkiga dadaal xooggan ku bixineyso in natiijo fiican laga gaaro shirka loo madlanyahay.

“Wadahadalaas way soo socdeen runtii, bishii 7-aad iyo 8-aad waa la fadhiistay wareegga 2-aad, midka 3-aad ayaa loo balansanaa bishii 9-aad taasi ma dhicin, shirkii QM ayaa soo dhax-galay dib ayaa loo dhigay, balse howshaas wali way socotaa dowladda Turkiga dadaal xooggan ayay wadaa balse meesha uu gaari karo ma qayaasi karno, waxaana rajeyneynaa inuu guul ku soo dhamaado oo miirka u soo laabto madaxda hadda ka tilisa Ethiopia ayna runta u soo jeestaan” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS ayaa u sheegay Madaxda Ethiopia inay xaqiidda u soo laabtaan oo runta isu sheegaan, si wadallo natiijo leh loo gaaro, isagoo ka rajeeyay kulanka 3-aad mid natiijo ay ka dhalato.

“Ethiopia haday maalgalin rabaan Barbara ayay qeyb ka heleen, laakiin marabaan, xitaa Jabuuti ayaa dhahday bad ayaan idin siineynaa marabaan way ka muuqataa inaysan ka jawaabin. Waxuu is tusay riyo been ah, kuwaa been u sheegay in Soomaaliya jilicsantahay oo waxeeda la qaadan karo, balse taas sax ma ahan oo waxaa diiday Soomaaliya iyo dhamaan dowladaha Adduunka iyo hay’adaha caalamiga sid QM iyo AU” ayuu intaas ku daray Wasiirka.

Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa xasuusiyay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed in taliskii isaga uu kamid ahaan jiray waxa soo ka raacay xadgudubkii dhawaa kaas oo ay ku doonayeen inay Soomaaliya ku qabsadaan balse ugu dambeyn iyagii loo tuugay inay nabad ku baxaan oo jidka loo galin.

“Hoggaankii hore waa tii isagana soo haweystay dhulka Soomaaliyeed soona galiyay ciidammo gaaraya 50 kun, maxay dhaxalsiisay taas, in la codsaday inay ciidankooda nabad-galyo ku baxaan oo aanan jidka loo galin, iyagoo xaalka ku xunyahanya xaduudka ka baxeen, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed wuu hurdayaa Taariikhdaaas ma akhrin, waliba ah mid dhow oo isaga uu ahaa sargaal wayn oo ka tirnaa nidaamkii xiligaas” ayuu yiri Mudane Fiqi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ugu dambdeyn sheegay inay Soomaaliya diyaar u tahay heshiis waa hadii nidaam sax loo soo maro oo quwaaniinta caalamiga ah la ixtiraamo balse taasi Ethiopia iska indha tireso.

“Soomaaliya heshiis ma diidano baddaan Allaa nasiiyay, in laga faa’ideysto oo kheyraadka ku jira laga soo saaro, hadii dowladda Dariska canshuur looga heli karo oo wax kala soo dagaan dowlad Soomaaliyeed heshiis lala galaya wax diidaya majiraan, waxaa la diidanyahay waa ciidan ayaa geysanayaa, waana taas midda dowladda diiday balse waxii heshiis ah diyaar ayay u tahay”.

Taliska Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa bishii January ee sanadka heshiis beenaad ah la galay maamulka Hargeysa ee Waqooyiga Soomaaliya, taasoo uu kula kulmay waji gabax diblomaasiyadeed, kadib markii dowladda Soomaaliya qaaday talaabooyin lagu diiday xadgudubkaas.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad ee dalka oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad ee dalka, mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib ka qeyb-galkii shirka WUF12 ee ka dhacay magaalada Qaahira ee caasimadda Masar.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay xildhibaano, wasiirro, iyo mas’uuliyiin ka socday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay) ayaa u mahadceliyay mas’uuliyiinta iyo madaxda kale ee soo dhaweeyay wafdigiisa, isagoo ka hadlay muhiimadda shirka WUF12 ee ay ka qeyb galeen iyo fursadaha muhiimka ah ee ay Soomaaliya ka heli karto iskaashiga caalamiga ah ee ku aaddan horumarinta magaalooyinka iyo xalalka waara ee dalka.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dadaallada Xukuumadda ee ku saabsan horumarinta magaalooyinka iyo xalinta dhibaatooyinka barakacayaasha ay noqon doonaan kuwo la taaban karo oo waxtar u leh shacabka Soomaaliyeed.