Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Jarmalka uga qeybgalay Shirweynaha Maalgashiga Afrika iyo Jarmalka, isla markaana sharraxay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Berlin kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Mudane Olaf Scholz, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Baarlamanka Federaalka ka codsadey inay dib u dhigtaan fasaxooda muddo bil ah, kana shaqeeyaan sharciyada xisbiyada iyo arrimaha doorashada ee dalka. Baarlamanka ayaa aqbaley codsiga Madaxweynaha.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kula kulmey Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA), Mudane William J. Burns.

5-Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xarigga ka jarey xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Dhulka ee XDS.

6-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la yeeshay Wakiilka KMG ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

7-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis.

8-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamuud Nuur (Madoobe) ayaa booqday Xarunta lagu diyaarinayo Qorshaha Isbedelka Qaranka.

9-Raiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Slovenia Mrs. Tanja Fajon.

10-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Mudane Axmednur Shiikh Maxamed Loxos, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, iyo Mudane Cabdirashiid Maxamed Ducaale inuu noqdo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

11-Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Agaasimaha Hey’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Gobolka Bariga Badda Mediterranean, Marwo Dr Hanan Balkhy.

12-Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Ku-Xigeenka Agaasimaha Guud ee ee Midowga Yurub u qaabilsan Qaaradda Afrika, Mr. Mathieu Briens.

13-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa furay Bandhigga 8-aad ee Buugaagta ee Muqdisho oo ay ka qeybgelayaan aqoonyahanno, macallimiin, arday iyo qorayaal Soomaaliyeed.

14-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa si rasmi ah u daah-furey shir looga hadlayay Kor u Qaadida Arrimaha Xalka Waara ee Soomaaliya, oo ka dhacay Magaalada Qaahira.

15-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa magaalada Qaahira kaga qeybgaley galey kulanka 12-aad ee madasha magaalooyinka Adduunka WUF12.

16-Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka dalka oo ka qeyb galay kulanka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo doorkooda doorashada tooska ah ee cod iyo qof.

17-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan qiimeynta qaranka ee la-dagaallanka argagixisadda iyo lacag dhaqista, maadama dowlada Soomaaliya hirgelisay joojinta ilaha dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen kooxaha Khawaarijta.

18-Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa magacaabay guddi u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururada, xisbiyadda, sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale soohdimaha.

19-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan sagootin ah magaaladda Muqdisho ugu sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita.

20-Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay qoondada miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2025-ka oo gaareyso $1,359,714,328 dollars.

21-Wasiirada Waxbarashada iyo Arimaha Gudaha ayaa magaalada Muqdisho ka furay mashruuca ssIsku-xirka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

22-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa si rasmi ah u furay Shirwaynaha U Adkaysiga Aafooyinka ee Soomaaliya oo ay si wadajir ah usoo agaasimeen Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed iyo Jaamacadda Muqdisho.

23-Wasiirka Amniga Qaranka Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa dalka Britain uga qeybgalay shirka guud ee 92-aad ee INTERPOL oo sannadkan diirradda lagu saaray wada-shaqeynta booliska caalamka iyo ka hortagga dambiyadda khataraha ah.

24-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardowso Cismaan Cigaal ayaa booqatay xarunta sheybaarada diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

25-Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi ayaa ka guddoomay Midowga Yurub gaadiid ciidan iyo agabyo kale oo muhiim ah.

26-Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa kormeeray xarunta sheybaarada loogu talagalay diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

27-Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin ayaa booqday sheybaarada lagu diyaarinayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

28-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa 27 maleeshiyaad Khawaarij ah ku dilay hawlgal ka dhacay deegaanka Yaaqle ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Dowladda oo Gobolka Sh/ Dhexe ku dilay 19 khawaarij ah

Ugu yaraan 19 Dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal qorsheysan oo Ciidanka NISA ay ka fuliyeen meel u dhow deegaanka Yaaqle ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkaan ayaa yimid kadib markii maleesjhiyaadka Al-Shabaab ay isugu tageen goob qarsoodi ah oo cadowgu ay doonayeen inay isku aruursadaansi ay u sameeyaan falal lid ku ah shacabka.

Goobta uu howlgalku ka dhacay ee la beegsaday ayaa waxaa ka kacay dab weyn iyo qaraxyo,taaasi oo muujineysa in halkaasi looga gubay saanad iyo hub kala duwan.

Ciidanka qaranka waxaa ka go’an in ay meel kasta ku beegsadaan cadowga khawaarijta ee u hanqaltaagaya dhibaateynta shacabka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo guddoomiyay kulanka Qorshaha Isbeddelka Qaran ee sanadka 2025-2029.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa xalay hogaamiyey shir muhiim ah oo looga hadlaayey istaraatiijiyadda Wasaaradda ee Qorshaha Isbeddelka Qaran ee sanadka 2025-2029.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dejinta mudnaanta ku saleysan dhammaan dhinacyada muhiimka ah ee waajibaadka Wasaaradda, oo ay ku jiraan siyaasadda arrimaha dibadda, diblomaasiyadda, iskaashiga caalamiga, adeegyada qunsuliyadda, iyo matalaadda Soomaaliya ee fagaaraha caalamiga ah.

Aragtidan istiraatiijiyadeed waxay ujeeddadeedu tahay in la xoojiyo kaalinta Soomaaliya ee caalamka iyadoo la waafajinayo dadaallada Wasaaradda ee lagu gaarayo yoolalka qaranka sida horumar waara, amni, iyo xoojinta iskaashiyada caalamiga.

Shirka wuxuu muujinayaa sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay taageeridda NTP iyada oo horumarinaysa siyaasado iyo hindisayaal u taagan danaha iyo himilooyinka Soomaaliya ee heer caalami.

Dowlada Soomaaliya oo dalka ku soo celisay koox dhalinyaro ah oo laga soo badbaadiyey MagafahaTunisia

Dowlada Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 24 dhalinyaro oo uu ku jiray ilmo ka yar 11 bil , kadib kolkii laga soo badbaadiyey kooxaha loo yaqaanno magafaha ee ka howlgala xeebaha DalkaTunisia.

Kooxahaan dhallinyarada ah ayaa waxaa manta aroonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo qoysaska dadkaasi dhallinyarada ah.

Ergeyga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Soogalootiga iyo Xuquuqda Carruurta Maryan Yaasiin Yuusuf ayaa sheegtay in DFS ay ka go’an tahay inay Dalka dib ugu soo celiso Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gacanta ugu jira kooxaha Magafayaasha ah ee ka ganacsada dhiigga dadka tahriibka ah ee ku safra xeebaha dalalka shisheeye.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS ” In dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah waa arrin dastuuri ah oo aan laga maarmi karin

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Cali Yuusuf Cali oo maanta ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa  sheegay in doorasho qof iyo cod ah oo laga qabto dalka ay tahay arrin dastuuri ah oo aan laga maarmi karin.

Wasiirka ayaa xusay in la dhameystiray 3 da xeer ee guddigga doorashooyinka iyo sohdimaga.,xeerka xisbiyada iyo xeerka Guddigga doorashooyinka,sidaa daraadeedna ay waajib tahay in loo howlgalo meel marinta hadafka dowladda ee dhanka doorashooyinka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Cali Yuusuf Cali ayaa qiray in uu meel wanaagsan marayo dadaalka dowladda ee qabsoomidda dorashada,kdib markii ayuu yiri wasiirka la sameeyay wax ka baddal badan oo loo qaaday xagga wanaajinta dastuurka ah.

Wasiirka waxa uu caddeeyay in dowladda ay ka go’an tahay qabsoomidda doorashooyin ka dhacda dalka iyo diyaaribta deegaanno badan oo six or ah ay shacabka uga codeeyaan.

Guddiga Arimaha Dibadda Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan muhiim ah la qaatay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Xoghayaha Gudigda Arimaha dibadda Iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Sayid Cali  Isaaq Maxamed ayaa Magaalada Muqdsiho kula kulmay Danjiraha Jamhuuriyada Shacabka Shiinaha u fadhiya  Soomaaliya Mr. Wang Yu.

Labada dhinac waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ,gaar ahaan sii adkeynta shaqada labada Baarlamaan ee dhinaca xiriirka  arrimaha dibadda.

Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu ayaa ka hadlay xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Shinaha Iyo Soomaaliya, isaga oo xusay ahmiyada ay leedahay Iskaashiga saaxiibtinimada ku dhisan ee ka dhaxeeya labada dal.

Xoghayaha Gudiga Arimaha dibadda Iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa safiirka uga mahadceliyey dowladda Shiinaha taageeradeeda Soomaaliya,waxa ayna ugu dambeyn isku afgarteen In la xoojiyo wada shaqeyn waarta oo dhexmarta dhinacyada baarlamaanka iyo dowladahaba.

Israel oo dishay in ka badan 100 qof oo ku sugnaa Gaza iyo Lubnaan

In ka badan 50 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymaha cirka ee Israel ee guud ahaan Gaza, sida ay ilo-wareedyo caafimaad u sheegeen Al Jazeera, iyadoo ugu yaraan 42 ka mid ah dhibanayaasha lagu dilay waqooyiga Gaza.

Wasaaradda Caafimaadka Dadweynaha ee Lubnaan ayaa ku warrantay in ciidamada Israa’iil ay dileen 52 qof ,ayna ku dhaawaceen tiri badan 161 duullaan oo ka dhacay waddanka 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Lix ka mid ah nabad-ilaalinta Malaysian ah oo ka tirsan Ciidanka Qaramada Midoobay ee ku-meel-gaarka ah ee Lubnaan (UNIFIL) ayaa dhaawacyo fudud ka soo gaaray waxa lagu soo warramay inay Israa’iil duqayn ku qaadday baabuur u dhowaa oo saddex qof lagu dilay magaalada Sidon ee Lubnaan.

Xasuuqa Israel ee Gaza waxa ku dhintay ugu yaraan 43,469 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 102,561 ,halka gudaha Lubnaan, ugu yaraan 3,102 qof lagu dilay 13,819 kalana lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil tan iyo markii uu dagaalka Qaza billowday.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo daah-furey kulanka kor u qaadidda arrimaha Xalka Waara ee Soomaaliya

Qaahira – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furey kulanka kor u qaadida Arrimaha Xalka Waara ee Soomaaliya, oo ka dhacay magaalada Qaahira, Kulankani waxa uu si gaar ah diiradda u saaray sidii loo maalgelin lahaa horumarka magaalooyinka, iyadoo la xoojinayo xalalka waara ee loogu talagalay dadka barakacay iyo guryeynta bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Cabdisalaam oo ka hadlay madasha ayaa sheegey in mashruucan uu si gaar ah u xoojinayo guryeynta dadka barakacayaasha ah iyo sidii loo siin lahaa taageero dhaqaale iyo mid farsamo oo ay kaga bixi karaan xaaladaha adag ee ay ku jiraan.

Kulankan, oo ay ka soo qeyb galeen khubaro, hay’adaha caalamiga ah, iyo aqoonyahanno, ayaa waxaa looga hadlay fursadaha iskaashi ee loo abuuri karo xalalka waara ee Soomaaliya, iyadoo xoogga la saarayo sidii loo xallin lahaa dhibaatooyinka barakacayaasha iyo horumarinta kaabayaasha magaalooyinka dalka.

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Ciise Jiidow

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daauud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Ciise Jiidow Maxaad oo ka mid ahaa fanaaniinta Qaranka.

Allaha u naxariistee Marxuum Ciise Jiidow Maxaad waxa uu ka tirsanaa fanaaniinta Hobollada Qaranka Waaberi ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya muddo fog waxaana uu si gaar ah uga tirsanaa qeybta Cayaaraha Hidaha iyo Dhaqanka, Muqdisho ayuuna ku geeriyooday oo lagu aasay.

Waxaan Alle uga baryeynaa inuu u naxariisto Marxuumka, kana waraabiyo Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo ehelkii ay ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo. …Aamiin

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEEYHI RAAJICUUN

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo la kulmay Ku-xigeennada Xeer ilaalinta

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Suleyman Maxamed Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay Xeer Ilaaliye ku-xigeennada cusub ee dhowaan la qaatay.

Shirka oo ujeedkiisu ahaa u kuurgalka natiijada xagga fahamka dacwad oogista Maxkamadda horteeda ee kasoo baxday tababaro shaqo oo dhowaan u soo gaba-gaboobay Xeer ilaaliyeyaasha cusub ee uu Xafiisku qaatay.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa kula dardaarmay Xeer ilaaliyeyaasha in ay u gutaan waajibaadkooda shaqo si ay ku jirto dhaqan-wanaag, karti, daacadnimo, hufnaan iyo ku dhaqanka sharciyada dalka, si loo taamyeelo dowlad dhiska Dalkeena.