Shir-weynaha u Adkaysiga Aafooyinka ee Soomaaliya oo galay maalintii labaad

Shir-weynaha u Adkaysiga Aafooyinka ee Soomaaliya oo maalintii labaad ka socda Muqdisho, waxaa lagu soo bandhigay cilmi-baarisyo iyo daraasado ku saabsan xal u helidda mushkiladaha dalka ku soo laalaabtay.

Shirkan oo si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) iyo Jaamacadda Muqdisho, ayaa waxa uu muhiimad gaar ah siiyay sidii looga hortagi lahaa saameynta ay musiibooyinku ku leeyihiin bulshada iyo deegaanka.

Guddoomiye ku xigeenka SoDMA, Dr. Axmed Aadan, oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada shirkan, ayaa ka qeyb-galayaasha maalinta labaad ku soo dhaweeyay shirka, isaga oo tilmaamay in wada-shaqeynta cilmi-baarista iyo siyaasadda ay muhiim u tahay xal u helidda dhibaatooyinka soo noqnoqda ee dalka ka jira.

Dhinaca kale, Nasiima Abuukar, khabiir aqoon durugsan u leh arrimaha gargaarka bani’aadannimo iyo ka-hortagga khilaafaadka, ayaa shirkan ku soo bandhigtay daraasad la xiriirta barakaca ay sababeen musiibooyinka, iyo sida loo hirgelin karo istaraatiijiyado lagu maareeyo khataraha iyo tacaddiyada ka dhasha musiibooyinka.

Daraasadda Nasiima ayaa sidoo kale iftiimisay baahida loo qabo qorshayaal waara oo lagu xalliyo dhibaatada barakacayaasha iyo dadka ay ka dhaxleen tacaddiyada.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo faahfaahin ka bixiyay socdaalka uu ku marayo dalalka qeyb ka ah hawlgalka Midowga Afrika

Kampala:- Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa faahfaahin ka bixiyay socdaal uu ku marayo dalalka Soomaaliya ciidamadu ka joogaan iyo kuwa cusub ee lagu wado inay ku biiraan hawlgalka Midowga Afrika ee la qorsheynayo inuu bilowdo sanadka 2025.

Safarka waxaa ku wehliyay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas İbrahim Sheekh Muxudiin, iyo mas’uuliyiin ka socday dowladda Federaalka iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).

Wasiirka oo ka hadlay socdaalkaas ayaa sheegay in uu guul ku soo gabagabeeyay safarka Jabuuti, halkaas oo ay mas’uuliyiinta dalkaasi kaga wada hadleen amniga gobolka iyo hawlgalka cusub ee Midowga Afrika.

“Waxaa maanta si guul ah noogu soo gabagaboobey booqasho rasmi ah oo aan ku joogney dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Waxay ahayd fursad aan kaga wada hadalnay amniga gobolka iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee bilaabanaya 2025,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka oo haatan ku sugan Uganda ayaa sheegay in madaxda dalkaas uu kala hadlay sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen hawlgalka cusub.

Socdaalkiisu wuxuu sidoo kale gaari doonaa dalalka Burundi iyo Kenya, halkaas oo uu kala hadli doono sidii dalalkan ay gacan uga geysan lahaayeen qorshaha cusub ee nabad ilaalinta.

Kulamadan ayaa daba socda ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya iyo hirgelinta hawlgalka cusub ee loo yaqaan AUSSOM, oo qorshuhu yahay in lagu beddelo hawlgalka ATMIS ee ka bixi doona dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo Qaahira loogu sameeyay kulan casho sharaf ah

Qaahira:- Safiirada Soomaaliya iyo Jabuuti ee dalka Masar ayaa kulan casho sharaf ah u sameeyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeybgalaya shirka 12aad ee madasha magaalooyinka adduunka (WUF12).

Kulanka oo ay ka soo qeybgaleen Wasiiro ka kala socda dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa waxaa diiradda lagu saaray muhiimadda shirka iyo sida dowladaha uga faa’iideysan karaan fursadaha ka soo baxa.

Mudane Cabdisalaan ayaa mahadcelin u jeediyay dadka soo qabanqaabiyay kulanka, isagoo bogaadiyay doorka ay safaaradda Soomaaliya ee Masar ka qaadanayso taageerada bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan.

  

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo kulan la yeeshay khubaro ka socotay FBI-da Mareykanka

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay khubaro ka socotay FBI-da Mareykanka.

Taliye Asad ayaa Saraakiisha Khubarada ah kala hadlay sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen tababarada Saraakiisha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo xoojinta dib u habeynta ciidanka.

Saraakiisha FBI-da ka socotay ayaa bogaadisay dardargelinta, horumarinta iyo dib u casriyeynta hanaanka shaqo ee Ciidanka Booliiska.

FBI-da Mareykanka ayaa qeyb ka ah hay’adaha Booliiska Soomaaliya ka taageera la dagaalanka argagixisada.

  

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay shirka maalgashiga Jarmalka iyo Afrika

Frankfurt: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay Shirka Maalgashiga Jarmalka iyo Afrika ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira dalkeenna iyo dadaallada dowladda ee horumarka iyo xasilloonida.

Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah oo aasaas u ah kobaca dhaqaale, shaqo abuur, la tacaalida isbedelka cimilada iyo amni darrada, isagoo bogaadiyay shirkan oo diiradda saaray sidii loo abuuri lahaa nidaam soo jiita maal-gashadayaasha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in Soomaaliya ay ku guulaystay qorsheyaal isbeddel dhaqaale iyo diyaarinta sharciyada dhowrista maal-gashadayaasha, iyadoo hiigsaneysa in la xoojiyo kaalinta ganacsiga gaarka loo leeyahay ee kobcinta dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehelinayey Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay soo dhaweynayso maalgashideyaasha caalamiga ah, isla markaasna ay heleyaan shacab ku tilmaaman firfircooni iyo hal abuur ganacsi.

  

Golaha shacabka oo ansixiyey hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka oo Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ay soo gudbisay, waxaana ogolaatay 140 Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday, cid ka aamustay ma jirin.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare XFS Faarax Cabdulqaadir ayaa Golaha Shacab BJFS uga mahadceliyay ansixinta Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka.

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Mareykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray dhiggiisa dalka Mareykanka, kaas oo ku guuleystay doorashadaka dhacday  dalkaasi.

“Waxaan kuugu hambalyeynayaa Mudane Donald Trump guushaada taariikhiga ah ee doorashada Mareykanka. Waxaan rajeynayaa inaan sii wadno iskaashiga xooggan ee labadeenna wadan, si loo horumariyo nabadda, amniga, iyo horumarka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Cusub ee dalka Mareykanka ee ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa ka guuleystay Kamala Harris oo hadda ah kuxigeenka Madaxweyne Biden, iyadoo Trump uu markale fursad u helay hoggaaminta Mareykanka oo muddo xileedkiisa hore ahaa 2016 ilaa 2020, xiligaas oo uu ka guuleystay Madaxweynaha hadda ka sii dagaya xilka ee Biden.

Soomaaliya oo ka baxday liiska Waddamada Qaamaysan (WARBIXIN)

Tan iyo markii ay Hey’adda Lacagta Adduunka IMF iyo Baanka Adduunka ay ku dhawaaqeen in Soomaaliya laga cafiyay deyn dhan 4.5 bilyan oo doolarka Mareykanka ah waxaa isa soo taraya boogaadinta saaxiibada caalamka ay u dirayaan dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed oo gaaray guul taariiqi ah.

Hambalyooyinkaasi ayaa kala ahaa, Kristalina Georgieva oo ah Madaxa IMF ayaa Soomaaliya ugu hambalyeeysay guushan, waxay tilmaamatay in IMF ay sii wadeyso xoojinta wada shaqeynta iyo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay, waxaa kaloo isna soo hambalyeeyay Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu ayaa ammaanay dadaalka dheeriga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku bixineyso dib u habeynta dhaqaalaha iyo arimaha bulshada, waxaa kaloo uu bogaadiyay doorka hogaamineed ee gaarka ah ee horseeday isbedallo muhiim ah, iyadoo dhinaca Midowga Yurub-na ay iyaguna sheegeen in ay ka go’an tahay taageerida Soomaaliya guushaan weyn ka dib, iyaga oo sare u qaadaya isbedalka dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka hadlay munaasabad loogu dabaal-dagayey dhammeystirka geeddiga Deyn Cafinta Soomaaliya ayaa sheegay in tani ay tahay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka baxday liiska Waddamada qaamaysan, taas oo horseedi doonta in dalkeenna iyo dadkeenna la aamino, isla markaana aan helno soo jiidashada maalgashadayaal caalami ah, Horumar dhaqaale, isku filnaansho amni, adeeg bulsho oo horumarsan iyo rajo u abuuridda dhallinyarada Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xusay in ay Ummadda Soomaaliyeed u tahay maalin guul ku suntan, maadaama laga cafiyey deyntii horumarka ka hortaagnayd dalka, taas oo ku timid shaqo adag oo ay soo qabteen dowladihii kala danbeeyey iyo dowladda maanta dalka hoggaamisa.

Mudane Xamsa ayaa uga mahadceliyey cid walba kaalintii ay ka soo qaadatay guusha Soomaaliya looga cafiyey deynta oo soo martay marxalado kala duwan, tan iyo sanadkii 2012, wuxuuna tilmaamay in Xukuumadda Dan Qaran ay xaqiijisay guulo-waaweyn oo ay ka mid yihiin dagaalka Khawaarijta, ku biirista Bulshada Bariga Afrika (EAC), qaadista cunaqabateynta hubka iyo in Soomaaliya ka mid noqotay Xubin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna ka hadlay guusha taariikhiga ah ee u soo hoyday dalka, ka dib markii Hay’adda Dhaqaalaha Adduunka ee IMF iyo Bankiga Adduunka ay shaaciyeen in dalka laga cafiyay deymaha.

Madaxweynaha oo u hambaliyeeyay Shacabka Soomaaliyeed ayaa yiri: “Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu mahad-naqaya dadaalka ay sameeyeen si nagala cafiyo deyntii muddada dheer so daba taagneyd”, waxa uuna ka sheekeeyay heerarkii uu soo maray barnaamijka deyn cafinta, kaasoo qaatay muddo toban sano ah, iyadoo madaxdii kala dambeysay ee dalka soo martay ay la shaqeynayeen shacabka ilaa dadaalkaasi maanta guul laga gaaray.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu intaas raaciyay: “Dadaalkiina maanta ayuu mira dhalay, waxaaana aad ugu faraxsanahay in aan soo bilownay hanaanka deyn cafinta, maantaana aan nasiib u yeeshay inaa gabogabadiisii soo istaago,”, isagoo Carabka ku adkeeyay in dalka maanta uu awood u leeyahay inuu la fal-galo Caalamka, isla markaana la aqoonsaday hey’adaha maaliyadeed iyo Bangiyada dalka, isagoo fursad weyn ku tilmaamay ‘guushan’.

Haddaba dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ka cafiyey lacag deyn ah oo dhan $1 Bilyan oo Doollar, iyadoo Munaasabad kooban oo shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si wadajir ah loogu saxiixay heshiis dowladda Soomaaliya looga cafiyey in ka badan $1 Bilyan oo Dollar oo lacagta Mareykanka ah, iyadoo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Richard H. Riley ay si wadajir ah heshiiskaan ugu kala saxiixday xarunta Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Heshiiskaan taariikhiga ah ee Dowladda Mareykanka uga cafisay Soomaaliya Deymihii ay ku lehayd ayaa daba socda, kaddib markii bishii Maarso ay Soomaaliya ka cafiyeen Deymihii lagu lahaa Soomaaliya dalalka Naaadiga Paris club, Ruushka, iyo dalalka kale oo badan, waxayna arrintaani ay sidoo kale qeyb ka ah dadaaladii hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya ee in muddo ah Dowladda Federaalka Soomaaliya soo wadday.

Saxiixa heshiiska kaddib, waxaa Warbaahinta si wadajir ah ula hadlay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Safiirka Dowaldda Mareykanka ee Soomaaliya,isagoo sheegay in heshiiskaan uu yahay mid taariikhi ah, oo Soomaaliya fursad muhiim ah siinaya.

” Waxa aan maanta magaalada Muqdisho uga dhawaaqay dhammaystirka heshiiska Deyn Cafinta ee Dowladda Mareykanka isaga oo uu i weheliyo Danjiraha Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley. Wadarta guud ee deynta Dowladda Mareykanka ay maanta Soomaaliya ka cafisay ayaa ah, $1 billion (1 bilyan oo doollar Mareykanka ah”). Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka iyo Shacabka Mareykanka taageerada muhiimka ah ay siiyaan Soomaaliya ee dhanka horumarinta dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda dalka.

By. C/laahi Ruush

Shir looga hadlayo u adkaysiga aafooyinka oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ka furmay shirweynaha u Adkaysiga Aafooyinka Soomaaliya ku soo laab laabta, waxana uu socon donaa muddo laba maalin ah.

Shirweynahaan waxaa si wadajir ah u qabanqaabiyay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) iyo Jaamacadda Muqdisho, waxaana shirkaan looga gol leeyahay in lagu xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda, ururada caalamiga ah, iyo khubarada si loo horumariyo awoodda dalka ee u adkeysiga aafooyinka.

Shirkaan waxaa ka qeybgalaya Wasiiradda Waxbarashada, Arrimaha gudaha, Qoys iyo horumarinta xuquuqul insaanka, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta, Hoggaanka Jamaacadda Muqdisho iyo Masuuliyiin kale

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Chancellor-ka dalka Jarmalka

Berlin;- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Berlin kula kulmay Chancellor-ka dalka Jarmalka, Mudane Olaf Scholz ayaa kala hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan iskaashiga labada dawladood.

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa booqasho rasmi ah oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku joogo Jarmalka taas oo ku timid casuumad uu ka helay hoggaamiyaha Chancellor Scholz.

Labada hoggaamiye ayaa kulankooda maanta si qota-dheer ugu lafaguray danaha labada dal iyo joogteynta iskaashiga dhinacyada; cimillada, horumarinta dhaqaalaha, taageeridda dadaalka DFS ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga ka dib dhammaadka hawlgalka ATMIS, tababbarista iyo tayaynta ciidankw Booliska Soomaaliyeed si ay ugu filnaadaan xaqiijinta nabadgeliyada dalka, iyo arrimaha kale ee ahmiyadda weyn u leh geeddi-socodka dawlad-dhiska Soomaaliya.

Intii uu kulanku socday, waxa uu Chancellorka Jarmalka, Mudane Scholz soo hadal-qaaday arrimaha qaxootiga iyo magangalyo-doonka oo uu dalkiisu ka mid yahay meelaha ugu badan ee lagu soo dhaweeyo dadka ka soo haajira duruufaha colaadeed iyo kuwa nololeed ee ka jira meela dunida ka mid ah. Waxa uu sheegay in ay Soomaali kummaanaan gaaraysa ay qeyb ka yihiin dadka magangalyada ka helay Jarmalka, kuwaas oo hadda kaalin wanaagsan ku leh horumarka iyo wada-noolashaha guud ee bulsho-weynta dalkaas.

Hase ahaatee, Mudane Olaf Scholz ayaa xusay in ay jiraan tiro aad u yar oo muhaajiriin Soomaaliyeed ah oo sharcidarro ku jooga dalka ka dib markii ay dambiyo galeen oo sidaas ay ku lumiyeen xuquuqdii magangalyo.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay kaalinta Jarmalka ee soo-dhawaynta iyo fursad-siinta qaxootiga Soomaaliyeed. Waxa uu Madaxweynuhu la wadaagay dhiggiisa Jarmalka sida ay dawladdiisu u danaynayso in dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ah ay helaan xuquuqda caalamiga ah ee ay ku leeyihiin shuruucda magangalyo-doonka, isaga oo caddeeyay in aysan jirin baahi loo qabo dib-u-celin qasab ah, balse qofkii si sharci ah u lumiya xuquuq magangaliyo ee iskiis u doonaya in uu dib u soo gurya-noqdo ay mar kasta u furan tahay in uu dalkiisa iyo dadkiisa ku soo laabto.

Kulanka labada hoggaamiye ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad dhabbaha u xaaraya sii-joogteynta wada-shaqaynta labada dal oo ah mid ka tamar-qaadaya xiriir saaxiibtinimo oo soojireenka ah.