Wasiirka amniga gudaha oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Serbia

Glashow: Wasiirka amniga gudaha dowladda FS Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa Kulan muhiim ah oo ku saabsan xoojinta iskaashiga dhanka amniga la yeeshay Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha Gudaha Serbia, Mudane Ivica Dacic, iyada oo kulanka diiradda lagu saaray sidii labada dal ay uga wada shaqeyn lahaayeen amniga, gaar ahaan la-dagaallanka argagixisada iyo dambiyada abaabulan.

Intii uu kulanku socday, labada mas’uul waxay isla meel dhigeen muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta caalamiga ah, iyo in ay isku dhaafsadaan khibrado dhanka ammaanka ah.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Serbia, Ivica Dacic ayaa xusay sida uu dalkiisu diyaar ugu yahay in uu Soomaaliya ay ka caawiyo dhismaha hey’adaha amniga iyo tababarrada la xiriira ilaalinta nabadgelyada.

Sidoo kale, wasiirka amniga gudaha mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, oo ka qeyb galaya shirka guud ee 92-aad ee INTERPOL oo ka dhacaya magaalada Glasgow, ayaa kulammo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiin ka socday dalalka Mareykanka, Rwanda iyo South korea, waxana ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amniga ee kala dhaxeeya dalalkaas.

    

Mareykanka oo Soomaaliya ka cafiyey lacag deyn ah oo dhan $1 Bilyan oo Doollar

Munaasabad kooban oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si wadajir ah loogu saxiixay heshiis dowladda Soomaaliya looga cafiyey in ka badan $1 Bilyan oo Dollar Mareykanka ah. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Richard H. Riley ayaa si wadajir ah heshiiskaan ugu kala saxiixday xarunta Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Heshiiskaan taariikhiga ah ee Dowladda Mareykanka uga cafisay Soomaaliya Deymihii ay ku lehayd ayaa daba socda, kaddib markii bishii March ay Soomaaliya ka cafiyeen Deymihii lagu lahaa Soomaaliya dalalka Naaadiga Paris club, Ruushka, iyo dalalka kale oo badan. Arrintaan ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaaladii hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya ee in muddo ah Dowladda Federaalka Soomaaliya soo wadday.

Saxiixa heshiiska kaddib, waxaa Warbaahinta si wadajir ah ula hadlay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Safiirka Dowaldda Mareykanka ee Soomaaliya,isagoo sheegay in heshiiskaan uu yahay mid taariikhi ah, oo Soomaaliya fursad muhiim ah siinaya.

” Waxa aan maanta magaalada Muqdisho uga dhawaaqay dhammaystirka heshiiska Deyn Cafinta ee Dowladda Mareykanka isaga oo uu i weheliyo Danjiraha Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley. Wadarta guud ee deynta Dowladda Mareykanka ay maanta Soomaaliya ka cafisay ayaa ah, $1 billion (1 bilyan oo doollar Mareykanka ah”). Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka iyo Shacabka Mareykanka taageerada muhiimka ah ay siiyaan Soomaaliya ee dhanka horumarinta dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda dalka.

 

Dowladda Soomaaliya oo Midowga Yurub kala wareegtay gaadiid iyo agab ciidan

Munaasabadda wareejinta gaadiidka, agabka ciidamada iyo tas-hiilaadka caafimaadka oo lagu qabtay dugsiga tababarka ciidamada ee Dhego badan ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga DFS, ku xigeenka agaasimaha Midowga Yurub ee Qaaradda Afrika, Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, saraakiil ka socotay xafiiska UNOPS iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaabdhigga XFS Cumar Cali Cabdi oo Midowga Yurub kala wareegay gaadiidka ayaa xusay in taageeradoodu muhiim u tahay dhismaha ciidamada qalabka sida.

Shir-jiraa’id oo ay labada mas’uul si wadajir ah u wada qabteen ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Mathieu Briens agaasime ku xigeenka Midowga Yurub ee Qaaradda Afrika, waxaana uu sheegay inuu ku faraxsanahay inuu maanta la joogo wasiiru dowlaha wasaaradda difaaca Soomaaliya iyo dhammaan bahda Midowga Yurub si ay ugu wareejiyaan gaadiid iyo agab militari oo muhiim u ah Soomaaliya, qalabkan oo ay u soo iibisay Midowga Yurub dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Qalabkani wuxuu ka mid yahay taageerada weyn ee Midowga Yurub uu siinayey Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay oo ay ka mid tahay tababarka Ciidamada aan siinay toban kun oo askari laga soo billaabo 2010-kii, waxaana ay saldhig u tahay si aan u garab istaagno Soomaaliya si ay u gaarto hamigeeda”, ayuu yiri Mathieu Briens.

Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga XFS Cumar Cali Cabdi ayaa ka mahadceliyay taageerada Midowga Yurub gaar ahaan gaadiidka iyo agabka lagu wareejiyay, waxaana uu sheegay inu Midowga Yurub uu yahay saaxiib weyn oo ka mid ah taageerayaasha beesha caalamka.

Ugu dambeyntii wasiir dowlaha wsaaradda gaashaandhigga oo ay wehliyaan saraakiisha Midowga Yurub ayaa kormeeray qaybaha dugsiga tababarada ciidanka ee Jeneral Dhagabadan, halkaas oo ay ka socdaan hawlo baaxad leh oo isugu jira tababarka ciidanka iyo sare u qaadista xirfadda saraakiisha xoogga dalka.

   

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee dalka oo Qaahira uga qaybgalay madasha magaalooyinka Adduunka

Qaahira: Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aaad ee dalka Cabdisalam Cabdi Cali (Dhaay) ayaa magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar kaga qeyb galaya kulanka 12-aad ee madasha magaalooyinka Adduunka WUF12 oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dejinta Aadanaha (UN-Habitat).

Shirka ayaa diirada lagu saari doonaa dejinta yoolalka horumarinta waara, magaalaynta, xakameynta caqabadaha hadda jira ee caalamiga ah ee saameeya nolol maalmeedka dadka kor u kaca kharashka nolosha, isbeddelka cimilada, la’aanta adeegyada aasaasiga ah iyo colaadaha adduunka ka socda.

Shirkan oo uu furay Madaxweynaha dalka Masar Cabdifatax Al-Siisi ayaa lagu qabanayaa qaaradda Afrika 20 sano kadib markii la aas aasay sanadkii 2002-kii

  

Kusimaha Madaxweynaha oo la kulmay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Muqdisho

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada wadan.

Danjiraha Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Mike Nithavrianakis ayaa sheegay in Dowladda Ingiriiska ay ku faraxsantahay xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Ingiriiska iyo Soomaaliya, wuxuuna Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu hambalyeeyay ansixinta shuruucda muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya iyo sidoo kale ansixinta miisaaniyadda qaranka ee 2025, oo uu shalay ansixiyay Baarlamaanka labadiisa aqal.

Dhinaca kale Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladiisa ay soo dhoweyneyso dimaqraadiyadda iyo qorshaha Dowladda Soomaaliya ay wado ee ah in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa safiirka ku bogaadiyay taageeradda dhinacyada kala duwan leh oo ay dowladda Ingiriiska la garab taagantahay Dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay horumaro la taaban karo ka sameysay dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo sidoo kale dagaalka dalka looga ciribtirayo kooxaha Khawaariijta.

Wasiiradda Waxbarashadda iyo arrimaha guddaha oo furay munaasabada isku xirka Waxbarashadda iyo Aqoonsiga qaranka

Wasiirada Waxbarashada iyo Arimaha Gudaha XFS oo magaalada Muqdisho ka furay Munaasabadda Isku-xirka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Munaasabaddan waxaa ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Arimaha Gudaha mudane Xildhibaan Cali Xoosh, Maareeyaha Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), Wasiiru-dowlaha Waxbarashada ee Dowlad-goboleedka Galmudug, Agaasimaha Guud ee Waxbarashada gobolka Banaadir, agaasimayaasha Wasaaradaha Waxbarashada Koonfur-galbeed iyo Hirshabeelle, Guddoomiyaha Guud ee Midowga Jaamacadaha Dalka, Prof. Dr. Mohamed Mohamud Hassan (Biday), Guddoomiyayaasha kala duwan ee dalladaha waxbarashada dalka.

Inta ay munaasabaddu socotay ayaa waxaa goobta looga dhawaaqay in si baash ah ardayda Soomaaliyeed ku helayaan kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loola dareen noqdo duruufaha nololeed ee ardayda Soomaaliyeed wax ku bartaan.

Isku xirka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada waxbarashada ayaa u fududeynaya helitaanka adeegyada waxbarashada, isagoo hubinaya in ardayda iyo macallimiinta ay si sahlan u heli karaan adeegyada muhiimka u ah Noloshooda.

Wasiirka Duulista iyo hawada XFS oo booqatay xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada XFS Fardowso Cismaan Cigaal oo uu wehliyo Maareeyaha hay’adda Duulista Rayidka Axmed Macalin ayaa maanta soo booqatay Xarunta Sheybaarada diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Booqashada Wasiirada ayaa la xiriirtay u kuur galista shaqooyinka Muhiimka ah ee ka socota halkaan, waxaana ay warbixin ka dhageysatay qubarada iyo Masuuliyiinta hormuudka u ah howlgalkaan.

Wasiir Fardowso ayaa kormeertay Sheybaarada Qaar waxaana ay ku dhiirigalisay howl wadeenada howsha wanaagsan ee ay hayaan, iyadoo u rajeysay in ay soo saari doonaan Qorshe Qaran oo dalkeena u horseeda guul iyo Horumar Waara.

SODMA oo Baydhabo dirtay afar diyaarad oo sida shixnado gargaar ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA) ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxa ay u dirtay afar diyaarad oo sida shixnado gargaar mucaawino ah.

U jeedka gargarkaan ayaa ah in shacabka magaladaas uga gaashaantaan abaarta cabsida laga qabo, waxaana hore gargarkaan dalkeenna ugu deeqay dowladda Shiinaha.

SODMA ayaa sidaan oo kale magaalooyin badan oo dalka gaarsiiyay gargaar lagu daabulay dhanka dhulka iyo cirka ah si dadka Soomaaliyeed oo waxyeelada ka soo gaartay abaaraha iyo fatahaadaha loo gaarsiiyo cunnno iyo agab kale.

Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shirka 7aad ee Solorka Adduunka

Magaalada New Delhi ee Caasimadda dalka Hindiya waxaa ka furmay shirkii 7aad ee Golaha Wadamada ku bahoobay Isbahaysiga Solarka Aduunka (Seventh Session of the International Solar Alliance – ISA Assembly).

Shirweynaha Guud ee 7aad sannadkan waxaa Dowladda Federaalla Soomaaliya uga qeybgalay wafdi uu hogaaminayo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Faarax oo uu Wehlinayo Siihayaha Safaaradda ahna Safiir ku-xigeenka Safaaradda Mudane Cabdifatah Cabdullahi Nuur iyo Agaasimaha Waaxda Tamarta ee Wasaaradda Eng Cabdfatah Abshir Ibraahim.

Dowladda Soomaaliya ayaa looga mahadceliyay dadaalkii iyo matalaadii ay muddo labo sanno ah ku hogaamisay kursiga Madaxweyne ku-xigeenka Qaaradda Afrika iyo doorkeedi ay ka qaadatay horumarinta barnaamijka Tamarta laga dhaliyo cadceedda, Inta uu socday Shirka waxaa bilad lagu gudoonsiiyey wasiir dowlaha wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadja Biyaha madaama Dowladda Soomaaliya ku guuleeysatay, dhisidda xarunta tababarka STARC-SOMALIA.

Wasiir dowlaha ayaa inta uu shirka socday jeediyay Khudbad muhiim ah waxa uuna warbixin ka siiyay Hanaanka Tamarta ee Soomaaliya ay hadda haysato iyo sida ay uga fa’iideysato, isagoo ka warbixiyay caqabadaha haysta , waxa uu ugu dambeyn ka waramay qorshaha isbadalka Qaran ee dib udhiska kaabayaasha korontada iyo soolareynta magaalooyinka iyo Tuulooyinka.

Ugu dambeyntii wasiir Maxamed ayaa uga mahadceliyey Isbahaysiga Wadama ku bohoobay (International Solar Alliance) doorkii ay siiyeen Soomaaliya si ay isoo bandhigto awoodeeda hogaamineed iyo sidoo kale xiriirka dhaw iyo wada shaqeynta joogtada ah.

Doorashooyinka madaxtinimmo ee Mareykanka oo maanta ka dhacaya dalkaasi

Doorashooyinka dalka Mareykanka ee Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah kuraasta sharci-dejinta ayaa maanta oo ay bishu tahay 5 November dadweynaha dalkaasi u dareeri doonaan, iyadoo ay ku tartamayaan madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ee xilligan Kamala Harris iyo madaxweynihi hore ee dalkaasi Donald Trump.

Tartankan u dhexeeya Trump iyo Kamala Harris ayaa ah mid aad u culus Marka la eego ra’yi ururinta hordhac ah ee dadweynaha Mareykanka, taaas oo muujinaysa sida labada musharax ay aadka isugu dhowyihiin.

Dhankooda Soomaalida Maraykanka ee ku nool ayaa si dhow ula socda doorashada Maraykanka, waxaana laga dareemayaa ololaha ka socda magaalooyinka waawayn ee Soomaalida ku badan yihiin, iyagoo qaarkood sheegeen inay aad u daneynayaan siyaasadda arrimaha dibedda Maryaknaka iyo sida uu maalgashi xoogan Marayakanku ugu sameyn lahaa qaaradda Afrika.

Dhanka kale dalalka caalamka ayaa dhankooda indhaha ku eegaya doorashooyinka Mareykanka, maadaama Mareykanka saameyn toos ah ku leeyahay dagaallada ka socda meelo badan oo ay ugu horeeyaan Bariga dhaxe iyo dalka Ukraine.