Wasiirka amniga gudaha oo Ingiriiska uga qaybgalay shirka 92-aad ee INTERPOL

Glasgow: Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa ka qeyb galay shirka guud ee 92-aad ee INTERPOL oo ka dhacay magaalada Glasgow ee dalka UK, halkaas oo uu kaga hadlay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada amniga iyo la-dagaalanka argagixisada.

Wasiirka ayaa sheegay in wadashaqeynta booliska caalamka ay tahay mid fure u ah nabadgelyada iyo xasilloonida, isagoo intaa ku daray in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay door muhiim ah ka qaadato iskaashigan si loo xaqiijiyo amniga caalamka oo dhan.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay horumarka laga gaaray dhanka tiknoolajiyada amniga, gaar ahaan tiknoolajiyada biometirka iyo sirdoonka macmalka ah (AI), kuwaas oo dalalka caalamka ay si wadajir ah ugu shaqeynayaan horumarintooda.

Wasiir Fartaag ayaa sheegay in tiknoolajiyadan casriga ah ay muhiim u tahay ka hortagga dambiyada caalamiga ah, isla markaana ay kaalin weyn ka qaadan karto sugidda amniga gudaha ee Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka.

Intii uu ka hadlayay shirka, Wasiirka Amniga Gudaha wuxuu soo dhaweeyay tallaabooyinka ay INTERPOL qaadeyso ee lagu xoojinayo awoodaha booliska caalamka iyo wada-shaqeynta dhinacyada caafimaadka iyo ka hortagga dambiyada khatarta leh. Wasiirka ayaa ugu baaqay dalalka ka qeybgalay shirka in la xoojiyo xeerarka iyo nidaamyada is-dhaafsiga macluumaadka si loo gaaro hab amni oo loo dhan yahay oo waara, kaas oo u adeegaya bulshooyinka caalamka si hufan oo nabad ah.

Hadalka Wasiirka wuxuu diiradda saaray muhiimadda wada-shaqeynta caalamiga ah, horumarinta tiknoolajiyada casriga ah ee amniga, iyo isku xirnaanta booliska caalamka si loo xaqiijiyo amni iyo xasillooni waarta.

Wafdiga Wasiirka Amniga Gudaha ayaa waxaa kamid ah Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Cusmaan C/laahi Maxamed (Kaniif).

Hanti-dhowraha Qaranka oo kulan la qaatay madax ka tirsan hay’adda Transparency International

afiiska Hantidhowrka Guud (XHG) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Daahfurnaanta Adduunka (Transparency International) ayaa maanta yeeshay markii ugu horreysay kulan isbarasho ah, kaas oo u gogol-xaaraya wada-shaqayn buuxda oo dhexmarta labada hay’adood. Kulanka, oo u qabsoomay qaab fogaan-arag ah, ayuu XHG ku siiyey Transparency International (TI) faham dhameystiran oo ku saabsan shaqada iyo howlaha uu qabto.

Transparency International (TI), dhankooda, ayaa la wadaagay XHG xog la xiriirta shaqadooda guud ahaan, gaar ahaan waxa ay ka qabtaan qaaradda Afrika, iyaga oo bogaadiyey warbixinta uu XHG la wadaagay. Sidoo kale, waxa ay siiyeen Xafiiska talooyin ku aaddan sidii loo horumarin lahaa hawlaha Xafiiska, si loo xoojiyo daahfurnaanta, hufnaanta, iyo isla-xisaabtanka, taas oo muhiim u ah hagaajinta dowladnimada.

Hantidhowraha Guud ee JFS, Avv: Axmed Ciise Guutaale, oo hadal kooban ka jeediyey kulanka ayaa xusay dadaalka ku aaddan dib u habaynta Maaliyadda, Maamul-wanaagga iyo hirgelinta Shuruucda Maamulka Maaliyadda iyo khayraadka dalka. Kulankan ayaa daba-socday kulan TI iyo Xafiiska Hantidhowrka Guud ku dhex maray Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

  

Ra’iisal wasaare Xamse oo magacaabay xubno cusub oo xukuumadda ka mid noqonaya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay mudane Cabdirashiid Maxamed Ducaale wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa u magacaabay mudane Axmednuur Sheekh Maxamed wasiiru-dowlaha wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha dowladda FS.

SoDMA oo diyaarado gargaar wada u dirtay Diinsoor ee gobolka Baay

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) ayaa maanta markale gaarsiisay saddex diyaaradood oo sida shixnado gargaar ah degmada Diinsoor ee gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed.

Degmadaan oo in mudda ah go’doon ku jirtay ayaa dadkeeda waxaa soo food saartay xaalad adag, kadib markii ay isku biirsadeen abaaro iyo go’doominta khawaarijta.

U jeedka hay’adda ee gargaarkaan ayaa ah in shacabka uga gaashaantaan abaarta la filayo, waxaana xusid mudan in todobaadkii hore hay’adda ay sidaan oo kale ay gargaar u gaarsiisay degmadaan taas oo ay ka faa’iideeysteen boqolaal qoys oo danyar ah.

      

Ra’iisal wasaare Xamse oo qaabilay wafdi ka socda Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiska ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Midowga Yurub u qaabilsan Qaaradda Afrika, Mr. Mathieu Briens, waxayna ka wada hadleen arrimo la xiriira xoojinta iskaashiga iyo cilaaqaadka u dhaxeeya Midowga Yurub iyo Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray taageerada Midowga Yurub ee dhinacyada muhiimka ah oo ay kamid yihiin dib u qaabeynta amniga Soomaaliya kadib bixitaanka howlgalka Midowga Afrika (ATMIS) iyo sidii ay iskaashi u wada samaysan lahayeen dalalka Soomaaliya ka taageera dhanka tababarrada iyo qalabeynta ciidanka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga warbixiyey xaallada dalka ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo horumarka laga sameeyay gaar ahaan dhanka amniga iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta.

Mr.Mathieu ayaa dhankiisa bogaadiyey guulaha ay dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ka sameeyeen dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha, isagoo xusay in Midowga Yurub ay sii wadi doonaan taageerada joogtada ah ee la xiriira howlgallada xasillinta iyo amniga Soomaaliya.

    

Mas’uuliyiin ka socday Qaramada Midoobay oo gaaray xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka Mudane Kamaal Daahir Guutaale iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah Maxamed Shire ayaa xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (QIQ) ku soo dhaweeyey isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr George Conway oo soo booqday xarunta.

Mas’uuliyiinta ayaa yeeshay kulan gaar ah iyadoo Warbixin laga siiyey isku duwaha habsami usocodka howlaha diyaarinta Qorshaha ee todobaadkii Saddexaad ka socda halkaan, waxaa sidoo kale ay ka wada hadleen mas’uuliyiintu xoojinta iskaashiga dowladda Soomaaliyeed iyo Hay’adaha UN-ka iyagoo isla soo qaaday sida ay muhiim u tahay in Qaramada Midoobay ay taageero dhaqaale ka geysato diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee socda.

Kulanka ka dib mas’uuliyiinta ayaa kormeeray Sheybaarada ay ka socoto diyaarinta Qorsahaha Qaranka waxaana Mr Conway uu muujiyey sida uu ugu qancay shaqada ka socota xaruntaan.

  

Ra’iisal wasaare ku xigeenka labaad iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Masar

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal wasaare ku xigeenka labaad ee XFS Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa gaaray magaalada Qaahira ee Dalka Masar iyadoo halkaas uu ku soo dhaweeyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaahira Danjire Cali Cabdi Awaare.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee XFS socdaalka uu ku tagay Masar waxaa ku wehliya Wasiirka Howlaha guud iyo Guriyeenta Cilmi Maxamuud Nuur iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale).

Wafdigaan ka socda Soomaaliya ayaa qayb galaya Madasha Duni Magaalaynta 12 aad (World Urban Forum 12) oo sanadkaan lagu qabanayo Dalka Jamhuuriyadda Carbeed Masar.

 

 

Xildhibaanada labada Aqal ee BJFS oo ansixiyay Qoondada miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulan kuleh xaruntooda vila Hargeysa ayaa ansixiyay Qoondada miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025,waxaana ogolaatay 172-Xildhibaan laba Xildhibaan ayaa diiday hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay.

Guddiga Arrimaha Dibadda Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya

Guddiga Arrimaha Dibadda iyo xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xafiiskiisa xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa kulan kula qaatay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya H.E. Joachim Waern,waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka guddiga Xildhibaam Aweys Xuseen Macalin Xoghayaha Guddiga Xildhibaan Sayid Cali Isaaq Maxamed.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Sweden gaar ahaan Baarlamaanadda labada dal taasi oo loo marayo hanaan wada shaqeyn oo dhex mara Guddiyadda Arrimaha Dibadda ee labada Baarlamaan,waxaana Danjire Waern dhankiisa uu muujiyay sida ay Sweden uga go’an tahay inay taageerto horumarka Soomaaliya ee dhinacyada nabadda, xasilloonida iyo sidoo kale horumarka waara.

 

Ku simaha madaxweynaha dalka oo qaabilay ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay

Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) xafiiskiisa kulan kula qaatay ergayga gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.

Ergayga ayaa ugu horeyn Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka uga mahadceliyay howlaha la xiriira sameynta shuruucda muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya, waxaa uuna si gaar ah u amaanay shaqada laga qabtay dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka iyo guulihii laga gaaray shirarka Golaha Wadatashiga Qaran.

Ergayga gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa sidoo kale soo dhoweeyay qorshaha dowladda Soomaaliyeed ee ah in dalka looga qabto doorasho qof iyo cod ah.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyay xafiiska ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya taageerada ay mar walba la garab taaganyihiin dadka Soomaaliyeed, waxaa uuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siineyso in dalka ay ka dhacdo doorasho qof igo cod ah, si dadka Soomaaliyeed talada gacantoodu loogu celiyo islamarkaana ay hogaankooda u doortaan.