Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Slovenia

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Yurub ee Slovenia Mrs. Tanja Fajon, oo booqasho ku timid dalka.

Raiisul Wasaaraha iyo Raiisul Wasaare ku Xigeenka ayaa ka wada hadlay sidii Soomaaliya iyo Slovenia isaga kaashan lahaayeen danaha guud ee labada dal gaar ahaan arrimaha isbeddelka cimilada, daryeelka bulshada, amniga iyo xuquuqda aadanaha, maadaama ay Soomaaliya ka mid noqoneyso Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo Slovenia ay xubin ka tahay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga warbixiyey dagaalka dowladda Soomaaliya ay kula jirto kooxaha Khawaarijta ah, howlgallada socda ee ka dhanka ah argagixisada iyo guulaha la taaban karo ee dowladdu ka samaysay dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bulshada, iyadoo Mrs Fajon ku ammaantay Soomaaliya guulaha waaweyn ee ay gaartay labadii sano ee la soo dhaafay.

   

Kusimaha Madaxweynaha JFS oo Xariga ka jaray xarunta Ciidanka Dulka

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa ka qeyb galay xarig jarka xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay furitaanka xaruntan, isaga oo u mahadceliyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo qof walba oo ka qeyb qaatay dhismaha xaruntan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in qalabeynta ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo xarumahooda ay guul iyo sharaf u tahay Dowladnimadda Soomaaliyeed, isagoo bogaadiyay howlgalada dalka looga ciribtirayo Khawaariijta ee ay geesiyaasha qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ka wadaan gobolada dalka iyo guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray.

Ugu dambeyn Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyay in goordhow kooxaha khawaariijta laga ciribtiri doono guud ahaan dalka.

Xafladda xarig jarka xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliyaha Ciidanka Cirka, talisyada qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, saraakiil ka socotay dowladda Turkiga oo uu ka mid yahay taliyaha Xerada Tababarka Ciidanka ee Turksom iyo sidoo kale marti sharaf kale.

         

27-Xubnood oo katirsan khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal ka dhacay deegaanka Yaaqle ee Gobalka Shabeellaha Dhexe

Horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo gaaraya 27 xubnood ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ay ka sameeyeen deegaanka Yaaqle ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkan oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa lagu afjaray maleeshiyaad Khawaarij ah oo cadowgu kasoo aruuriyay deegaanno kala duwan isla markaana loo diyaarinayay in ay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalka oo qaatay in ka badan 12 saacadood ayaa sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo dhagar qabayaasha Khawaarijta ay wateen, waxa uuna ku soo dhammaaday guul.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka hadlay halka ay ku taalo xarunta safaaradda Ethiopia ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi oo wareysi siiyey warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo si adag uga hadlay goobta ay hadda degan tahay safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in ka dowlad ahaan qorsheysan tahay in safaaradda u guurto xarunteeda rasmiga ah si lamid ah kuwa kale ee Soomaaliya kuleh safaaradaha.

“Safaaradda Itoobiya madagana dhulkeedii inay ku dhextaal xeyn daabka Madaxtooyada Qaranka waa arrin laga haboon yahay, waxaan ka shaqeyn doonaa sidii ay dhulkeedii hore u dhisan laheyd kaas oo hadda u banaan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay inay tixgeliniyaan dareenka dadka Soomaaliyeed ee ku aaddan inaysan jecleen in safaarad dal kale ku dhaxtaalo xeyndaabka Madaxtooyada Qaranka ayna wadaan dadaal ku aadan sidii meesha looga saari lahaa safaaradda Ethiopia ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ku dooday in dowladda Soomaaliya ay xujo hor dhigi doonto Itoobiya, taasi oo ah inay ka dalbatoin safaaradda Soomaaliya dhul laga siiyo gudaha Madaxtooyada dalkaasi, si lamid ah hadda meesha safaaradooda ku taalo.

Danjire Warfaa oo faah-faahin ka bixiyay go’aanno ka soo baxay Golaha nabad galyada iyo amniga Midowga Afrika

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Cabdullahi Warfaa ayaa Warbaahinta Qaranka u faahfaahiyay go’aano muhiim ah oo kasoo baxay Golaha nabad galyada iyo amniga Midowga Afrika.

Danjire Warfaa ayaa sheegay in shirka looga hadlay horumarada dowladda Soomaaliya ay ku tilaabsatay dowladda Soomaaliya iyo qorshaha ku aadan howlgalka ATMIS ee ku eg dhamaadka sanadkan 2024-ka.

Safiir Warfaa ayaa tilmaamay in goluhu isku raacay in howlgalka cusub ee AUSSOM cidii ka qeybgalaysa doorashadeedu leedahay dowladda Soomaaliya ayna iyada hogaamin doonto howlgalka cusub maadaama hadda Soomaaliya dhanka Ciidanka isku-filnaasho ka gaartay.

Danjiraha ayaa sheegay in sidoo kale Golaha Nabad galyada iyo amniga Midowga Afrika adkeeyay madaxbannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya lana ixtiraamo xeerarka lagu dhisay Ururka Midowga Afrika kuwaas oo si cad u ah u tilmaamay inay lama taabtaan tahay madaxbannaanida dhuleed ee dowladaha Afrika.

Golaha Nabad galyada iyo amniga Midowga Afrika ayaa sidaan oo kale horay u diiday xadgudubka Ethiopia ee dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay Ethiopia inay ixtiraamto madaxbannaanida dhuleed ee dalalka Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka hadlay halka ay ku taalo xarunta safaaradda Ethiopia ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi oo wareysi siiyey warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo si adag uga hadlay goobta ay hadda degan tahay safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in ka dowlad ahaan qorsheysan tahay in safaaradda u guurto xarunteeda rasmiga ah si lamid ah kuwa kale ee Soomaaliya kuleh safaaradaha.

“Safaaradda Itoobiya madagana dhulkeedii inay ku dhextaal xeyn daabka Madaxtooyada Qaranka waa arrin laga haboon yahay, waxaan ka shaqeyn doonaa sidii ay dhulkeedii hore u dhisan laheyd kaas oo hadda u banaan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay inay tixgeliniyaan dareenka dadka Soomaaliyeed ee ku aaddan inaysan jecleen in safaarad dal kale ku dhaxtaalo xeyndaabka Madaxtooyada Qaranka ayna wadaan dadaal ku aadan sidii meesha looga saari lahaa safaaradda Ethiopia ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ku dooday in dowladda Soomaaliya ay xujo hor dhigi doonto Itoobiya, taasi oo ah inay ka dalbatoin safaaradda Soomaaliya dhul laga siiyo gudaha Madaxtooyada dalkaasi, si lamid ah hadda meesha safaaradooda ku taalo.

Wafdi ka socda Hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) oo Muqdisho soo gaaray

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Xaaji Aadan ayaa maanta garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Agaasime Gobolleedka EMRO ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka WHO Dr. Hanan Balkhy oo booqasho rasmiya ku timid Magaalada Muqdisho.

Dr. Hanan ayaa madaxda wasaaradda caafimaadka Soomaaliya kala hadli doonta muddada ay ku sugan tahay magaalada Muqdisho  kor u qaadida Caafimaadka  iyo dowrka WHO ay ku leedahay horumarinta hannaanka Caafimadka guud ee Dalka.

Agaasime Gobolleedka EMRO ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka WHO Dr. Hanan Balkhy ayaa safar ku mareysay dhowr iyo labaatanka dal ee ku mideysan Urur Goboleed WHO/EMRO, waana markii ugu horeysay oo ay soo gaarto dalka.

         

Madaxweynaha JFS oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey kulankii labada Gole Baarlamaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta hor tegay Baarlamaanka labada Aqal ayaa jeediyay khudbado dhinacyo badan taabaneysay.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda dalka guud ahaan si gaar ah wax uu carrabka ku adkeeyay Arrimaha amniga, doorashooyinka iyo xadgudubka Itoobiya ee dhulka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in 2-dii sano ee ugu dambeeysay dalka laga saaray ilaa 7 kun ee ciidanka ATMIS ah, kuwaas oo meelaha ay baxeen lagu wareejiyay ciidanka Xoogga Dalka, wax uu tilmaamay ilaa iyo hadda goobka mid ah in aysan xoogga dalka baneyn ayna ku sugan yihiin, taasna meesha ka saartay fariimaha been abuurka ah ee laga faafin jiray ciidanka Soomaaliyeed, kuwaa oo uu sheegay inay dhulal badan ka xoreeyeen Khawaarijta.

Madaxweynaha JFS ayaa sheegay in Sanadka cusub bilaaban doono howlgalka cusub ee AUSSOM , kaas oo dalalka ka qeyb qaadan doono doorashadiisu leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Baarlamaanka Jamhuuriyadda u sheegay in si dalka u aado hanaanka doorasho qof iyo cod ah Baarlamaanka looga baahan yahay inay dhameystiraan sharciyada muhiimka u ah doorashooyinka, isagoo ka codsaday Baarlamaanka in muddo bil ah ku daraan fasaxooda bishan.

Madaxweynaha JFS ayaa ku bogaadiyey dadka reer Soomaaliland hanaanka doorsho ee hadda ka socda, kaas oo muhiim u ah xal u helidda dhibaatooyinka ka jiro qeybo ka mid ah maamulkaas, isagoo sidoo kale dadka reer Puntland ku bogaadiyey doorashooyinka deegaanka ee halkaas ka dhacay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa soo hadal qaaday xadgudubka Itoobiya ee dhulka Soomaaliyeed, waxuuna tilmaamay in meel kasta u istaageen sidii looga hortagi lahaa damacaaas waalan, isagoo u sheegay Ethiopia inaysan isku heli doonin xarunta Midowga Afrika iyo ku xadgudubka xeerarkii lagu aasaasay Ururka ee tilmaamay ilaalinta Madaxbanaanida dhuleed ee dalalka Afrika.

Golaha Baarlamaanka oo ka jawaabaya Codsiga Madaxweynaha ayaa ugu dambdeyn ansixiyey in dib loo dhigo fasaxa Baarlamaanka muddo bil ah taas oo lagu dhamaystirayo Sharciyadda Doorashooyinka iyo Asxaabta.

BJFS oo ansixiyay codsiga madaxweynaha JFS ee ku aaddan in muddo bil ah lagu daro kalfadhigan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta hortagay Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka codsaday in muddo bil ah fasaxa Baarlamaamka dib loo dhigo si hawlaha muhiimka u hanaanka doorasho ee qof cod ah uha shaqeeyaan.

Intaas kadib Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay codsiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee ahaa in fasaxa Baarlamaamka dib loo dhigo mido bil ah si looga shaqeeyo shuruucdii dalka ku hagi laheyd doorasho qof iyo cod ah.

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa fasaxooda bilaaban lahaa 6-da bishan balse hadda waxaa uu socon doonaa ilaa ilaa horaanta bisha December 2024-ka.

Madaxweynaha JFS oo khudbad ka jeediyey kulankii labada Gole ee Baarlamaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta hor tegay Baarlamaanka labada Aqal ayaa jeediyay khudbado dhinacyo badan taabaneysay,Madaxweynaha ayaa kaga hadlay khudbada guullaha laga gaaray la dagaalanka Khawaarijta,difaaca midnimada iyo karaamadda umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo dhinacyo badan ka hadlay ayaa Ka codsaday Baarlamaanka in bil dib u dhigaan fasaxooda si loo ansixiyo sharciyada lagama maarmaanka u ah doorashooyinka qof iyo cod.

Golaha Baarlamaanka oo ka jawaabaya Codsiga Madaxweynaha ayaa ansixiyey in dib loo dhigo fasaxa Baarlamaanka mudo bil ah taas oo lagu dhamaystirayo Sharciyadda Doorashooyinka iyo Asxaabta.