Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay dhiggiisa Jabuuti

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa kulan casho sharaf sagootin ah magaaladda Muqdisho ugu sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay booqasho rasmi ah dalka ku ku joogay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan ( Madoobe ) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti u hayaan abaal aad u weyn oo aan marnaba la iloobi karin.

Munaasabadda casho sharafta ah waxaa ka qeybgalay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, Ra’isul wasaare kuxigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ( Qoorqoor) , Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal, fanaaniinta Qaranka ee Hobolada Waaberi, kooxda Deegaan iyo sidoo kale marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita iyo wafdigiisa ayaa magaalada Muqdisho soo gaaray October, 29, 2024, isagoo khudbad u jeediyay Golaha Shacabka lana kulmay Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Danjire Fatxudiin Cali oo waraaqihiisa aqoonsiga Danjirinimo u gudbiyay Madaxweynaha Azerbaijan

Bako: Danjire Fatxudiin Cali ayaa maanta waraaqihiisa aqoonsiga Danjirinimo si rasmi ah ugu gudbiyay Madaxweynaha dalka Azerbaijan Mudane Ilham Aliyev. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Azerbaijan.

Azerbaijan ayaa ka mid ah wadamada Aasiyada Dhexe ee hoos yimaada safaarada Soomaaliya ee Wadanka Türkiye.

Dowlada Federaalka ayaa sanadadii dambe ku dhaqaaqday inay xoojiso xiriirka ay la leedahay dhamaan wadama xubinta ka ah Ururka Qaramada Midoobey taasoo ka dhigan Soomaaliya oo dib u soo ceshenaysa xiriirkii ay la lahayd aduunka iyo ururada caalamiga ah.

  

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Finland

Madaxweynaha JFS Dr, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hogaaminaayey Suldaan Said Ahmed oo Dowladda Finland u qaabilsan Arimaha Geeska Afrika.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Finland iyo xaaladaha guud ee geeska Afrika, gaar ahaana xadgudubka iyo faragalinta Itoobiya, waxaana Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu Ergayga la wadaagay mowqifka cad ee Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee Finland u qaabilsan arimaha Geeska Afrika mudane Suldaan Said Ahmed ayaa madaxweynaha JFS Dr, Xasan Sheekh Maxamuud gudoonsiiyey dhambaal uu ka waday Madaxweynaha Dalka Finland.

  

Xubin ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Qaranka

Awdiinle:- Taliye ku xigeenka Ururka 45-aad ee Guutada 8-aad Qeybta 60-aad, X/Liibaan Cali Maxamed Ahmed Nuur (Cali Jiirey), ayaa xaqiijiyay in Abdi Ali Aadan, oo loo yaqaan (Abdi Jiis), saaka isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 45-aad, fadhigoodu yahay deegaanka Goof Gaduud Buurey ee gobolka Baay.

Abdi Jiis ayaa muddo 6 sano ah ku jiray maleeshiyada, isagoo ka dagaalamay gobollada dalka, gaar ahaan Baay, Bokool, Hiiraan, iyo Galgaduud. Wuxuu sidoo kale tababaro kala duwan ku soo qaatay gobollada Baay iyo Jubada Hoose.

Taliye Xigeenka ayaa sheegay in Abdi Jiis uu isku soo dhiibay meel qiyaastii 26 km u jirta deegaanka Awdiinle.

Madaxweynaha JFS oo kulan la yeeshay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA)

Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo weheliya Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA), William J. Burns.

Kulanka heerkiisu sareeyo ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

Labada dhinac ayaa isla falanqeeyay qodobo muhiim ah, kuwaas oo ay kamid yihiin taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la-dagaallanka argagixisada caalamiga ah, xasilinta gobolka, iyo la-tacaalidda caqabadaha dhinaca ammaanka ee Geeska Afrika.

Waxa ay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dhinacyada muhiimka ah ee nabadda iyo xasilloonida, iyagoo mar kale caddeeyay sida ay ugu go’an tahay in la hormariyo amniga gobolka.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u si xiray Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo ka socday magaalada Muqdisho.

2- War Murtiyeed laga soo saarey Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray kulan cilmiyeedka afaraad ee Xarunta Cilmi-baarista iyo Daraasaadka ee Maqaasid.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalku j jiheystay doorasho Qof iyo Cod ah, diyaarna aan loo ahayn in loo laabto doorasho dadban oo muddo 24 sanno dalku ku soo jiray.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shiweynaha 5-aad ee Hoggaaminta iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed,

6- Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo dhaweynayo Markabka ORUC REIS oo sahmin ku sameynaaya shidaalka Soomaaliya.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Djibouti Dileyta Maxamed Dileyta.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo casho sharaf u sameeyay xubnaha labada Gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ugana warbixiyay ajendaha siyaasadda dowladda.

9- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Turkiga, Dr. Alparslan Bayraktar.

10- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Mudane Methqal Mohamed oo ah ergey gaar ah oo ka socday Morocco oo Madaxweynaha soo gaarsiiyay dhambaal uu ka sido Boqor Maxamedka 6aad.

11- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatey Danjiraha Jarmalka u fadhiya Soomaaliya Sebastian Groth.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika, Mr. Heiko Nitzschke.

13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Djibouti Mudane Dileita Maxamed Dileita.

14- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka NTP 2025 – 2029.

15- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xariga ka jaray Xarunta Daryeelka Dhaawacyada iyo Xaaladaha Deg-degga ah oo lagu soo kordhiyey isbitaalka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee Madiina.

16- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Cilmi Maxamud Nuur iyo Wasiirkii hore Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay.

17- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Bujumbura uga qaybgelay Shir-Madaxeedka 23aad ee waddamada ku mideysan Ururka COMESA ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

18- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Yuusuf Maxamed Adan iyo Wasiirkii hore Xildhibaan Dr Maxamed Cilmi Ibraahim.

19- Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa furey Mashruuca Kaydka Biyaha ee Jowhar, kaasi oo qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee dowladda Soomaaliya ay ka hirgelineyso HirShabelle.

20- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta kormeeray diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee NTP.

21- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey heshiis is-afgarad ah oo  Soomaaliya ay la gashey dalalka Shiinaha, iyo Qatar.

22- Ciidamada Xoogga Dalka oo labanlaabey hawlgalada milateri ee ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab, isla markaana khasaare badan gaarsiiyay cadowga.

23- Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa hambalyo u diray Mudane Maxamed Axmed Al Yamaaxi oo ku guulaystay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta.

24- Wasiirka Arrimaha Dibadda  Danjire Axmed Macallin Fiqi  ayaa la kulmay Eng. Khalid bin Abdulaziz Al-Falih, Wasiirka Maalgashiga ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxaana ay ka wada hadleen dhiirrigelinta fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee Soomaaliya.

25- Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixday Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha ee dalka Cumaan.

26- Wasiirka  Arrimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf  Cali Xoosh ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Ambassador Wang Yu.

27- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa la kulmay  Ergeyga Gaarka ah ee dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika Amb. Heiko Nitzschke.

28- Wasiirka Warfaafinta mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo kormeer ku tagay xarunta  lagu diyaarinaayo  Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee magaalada Muqdisho.

29- Wasiirka Qorsheynta  Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax iyo Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknooloojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin Cali, ayaa  booqday sheybaarrada lagu kala shaandheynayo muhiimadaha Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

30- Wasiirka  Maaliyadda  Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Washington DC kulan kula yeeshay  Xoghaya Guud ee Wasiirka Xiriirka Dhaqaalaha iyo Horumarinta Dowladda Jarmalka  Mr. Niels Annen.

31- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Yaşar Güler ayaa dalka Turkiga ku kala saxiixday heshiis iskaashi maaliyadeed oo diiradda lagu saarayo iskaashiga difaaca.

32- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulamo miro-dhal ah la qaatay mas’uuliyiin ka kala socotay dalalka qaaradda Yurub ee taageera horumarinta dhaqaalaha soomaaliya.

33- Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Cumar  ayaa shir guddoomiyay kulan lagu jaangoynayo yoolalka Wasaaradda iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Soomaaliya (2025-2029-ka ).

34- Wasiirka Amniga  Mudane Cabdullaahu Sheekh Ismaaciil ayaa  ka qeybgalay hawlgallo lagu xaqiijinayey amniga caasimadda oo ay sameeyeen  Taliska Booliska  Gobolka Banaadir .

35- Ciidamada Amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen shabakad ka kooban afar xubnood oo ka tirsan Khawaarijta oo ka shaqeynayay dilalka shacabka iyo ganacsatada.

36- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed  Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay dadaallada joogtada ah ee ay ku bixinayaan sugidda amniga.

37- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa  qaabilay wafdi  ka socday Dowladda Turkiga .

38- Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa hawlgal milateri ka fuliyay degaanka Dhasheeg Waamo ee gobolka Jubbada Hoose, hallkaas oo lagu dilay horjooge ka tirsan khawaarijta iyo maleeshiyaad kale.

39- Roobow Cabdiyow Xasan iyo Nuurow Tukow Manuur oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

40- Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kormeer ku tagay xarunta lagu diyaarinayo Qorshaha Isbedelka Qaranka ee 2025-2029.

41- .Jaaliyadda soomaaliyeed ee magaaladda Minneapolis ee Mareykanka oo soo dhoweyn u sameeyay Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiya Mareykanka Danjire  Dahir Xasan Carab.

42- Hawlgalka KMG ee Qaramada Midoobay UNTMIS oo maanta si rasmi ah u bilawdey, kaas oo beddelaya hawlgalkii hore ee UNSOM, kadib go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee maalintii Arbacada.

Saraakiil ka socda Mareykanka oo booqday Taliska Ilaalada Xeebaha Soomaaliyeed

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Bashiir Cabdiqaasim, ayaa maanta xarunta Taliska ku soo dhaweeyay saraakiil ka socotay Dowladda Mareykanka.

Kulanka ayaa labada dhinac uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amniga ee xeebaha Soomaaliya iyo sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda iyo tayada hawlgallada Ilaalada Xeebaha Booliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa sheegay in booqashadan ay muhiimad weyn u leedahay kor u qaadista amniga badda Soomaaliya iyo wada shaqeynta labada dal.

   

Go’aanka Golaha Ammaanka ee lagu afjarayo UNSOM waa tallaabbo muhiim ah oo horay loo qaaday

FILE PHOTO: UN Ambassadors vote during a United Nations Security Council meeting, on a resolution regarding Russia's actions toward Ukraine, at the United Nations Headquarters in New York City, U.S., February 25, 2022. REUTERS/Carlo Allegri

Go’aankii dhawaan ay ku dhawaaqeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo lagu soo gabagabeeyay hawlgalkii UNSOM, waa tallaabo muhiim ah oo taariikhi ah oo calaamad u ah bisaylka iyo kalsoonida DFS ka gaartay ka maarmidda kaalmada dibadeed qaarkeed. Go’aankan ayaa ka dambeeyay markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay codsatay in hawlgalkan uu dhammaado, taas oo muujineysa kalsoonida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku qabto in  hay’adaha dalkeennu la wareegaan mas’uuliyadda dalkeena.

Inkastoo Qaramada Midoobay ay muddo dheer kaalin weyn ka qaadaneysay taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhanka xasiloonida iyo dowlad-wanaagga, go’aankan wuxuu astaan u yahay horumarka Soomaaliya ay gaartay, iyo sida Soomaaliya u daneyneyso in ay ku tiirsanaato awooddeeda gudaha iyo dowladnimadeeda. Waa tallaabo kale oo muhiim ah oo muujinaysa in dalkeenu uu si rasmi ah ugu dadaalayo inuu iskiis u wajaho caqabadaha dhanka amniga iyo horumarka.

Tallaabadan cusub waa mid farxad iyo yididiilo leh, waxaana waajib nagu ah inaan taageerno horumarka, iyadoo la xoojinayo hay’adaha iyo nidaamka dowladnimo si aan u hubinno xasiloonida iyo horumarka dowladnimo. Waxaan u mahadcelinaynaa xubnaha Golaha Amaanka UNSC iyo dhammaan saaxiibbada caalamka oo qayb weyn ka qaatay go’aanka taariikhiga ah oo Soomaaliya ku qaadaneyso masuuliyaddeeda.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta oo dhambaal hambalyo ah u soo diray Guddoomiyaha Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxaa xafiiskiisa soo gaartay dhambaal hambalyo ah oo ka yimid Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Maxamed Axmed Al Yamaaxi.

Dhambaalkaasi hambalyada ah ayaa la xiriiray kaalinta Sanatar Cabdixakiim Macallin Axmed iyo dadaalkiisa ku aaddan ku guulaysiga xilka Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maaliyadda iyo Dhaqaalaha ee Baarlamaanka Carabta.

“Mudane Guddoomiye, waxaan fursaddaan uga faa’iidaysanayaa inaan kuu xaqiijiyo sida ay iiga go’an tahay in aan adkayno xiriir wada shaqayneed oo sal adag oo ay yeeshaan Aqalka Sare iyo Baarlamaanka Carabta, si aan ugu wada adeegno qaddiyadaha qaran ee ay wadaagaan dowladaha ku midaysan Ururka Jaamacadda Carabta”

Isra’el oo Gaza iyo Lubnaan ku dishay in ka badan boqol ruux

Duqeymaha cirka ee Israa’iil ayaa lagu dilay ugu yaraan 95 qof guud ahaan Gaza Khamiistii. Inta badan dhibanayaasha ayaa ahaa dad rayid ah oo ku sugnaa waqooyiga go’doonsan ee deegaankaas, sida ay ilo-wareedyo caafimaad u sheegeen Al Jazeera.

Caasimadda Lubnaan ee Beirut waxaa habeenimadii xalay lagu garaacay ugu yaraan 10 weerar oo cirka ah oo ay ka dambeeyaan Israa’iil,waxaana la soo sheegayaa in ay jirasasn khasaarooyin kala duwan.

Dhinaca kalw,Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in saacadihii u dambeeyay ciidamada Israa’iil ay beegsadeen nidaamka caafimaadka ee Gaza iyo bartilmaameedyo kale oo Lubnaan ah.

Warbixinta cusub ee Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in Israa’iil ay samaysay siyaasad wadajir ah oo lagu burburinayo nidaamka daryeelka caafimaadka ee Gaza oo ay ku jiraan weerarrada ula kac ah ee lagu qaadayo shaqaalaha caalamiga ah iyo  xarumaha caafimaadka.

Afar shaqaale ajnabi ah iyo saddex Israa’iili ah ayaa lagu dilay gantaallo kala duwan oo ay Xisbullah ku garaaceen waqooyiga Israa’iil, taasoo ah maalintii ugu dhimashada badneyd muddo bilo ah.

Qaza waxa lagu dilay ugu yaraan 43,204 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 101,641,halka gudaha Lubnaan lagu dilay ugu yaraan 2,865 qof dhaawacana uu gaarayo 13,047 .