Madaxweynaha JFS oo soo xiray kulan Cilmiyeedka xarunta Cilmi-baarista

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo xiray kulan cilmiyeedka afaraad ee Xarunta Cilmi-baarista iyo Daraasaadka ee Maqaasid, kaas oo sanadkan looga hadlay mowduuc la xariira Dastuurka iyo Haybta Soomaaliyeed.

Kulanka oo ay ka qayb galeen culumaa’udiin, aqoonyahanno, xeel-dheerayaal arrimaha Dastuurka, iyo xubno matalayay bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa laga soo saaray warmurtiyeed ku saabsan qodobadii lagu lafa-guray muddadii uu kulanku socday.

        

Xerada cusub ee ciidanka la dagaallanka argagixisada oo la dhagax dhigay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta dhagax dhigay xerada cusub ee Ciidanka La dagaallanka Argagixisada ee Galeyr ee Booliska Soomaaliyeed.

Dhismaha Xeradaan ayaa loogu talo galay in lagu tababaro ciidamada gaarka ah ee booliiska, kuwaas oo loo diyaarinayo inay qaadaan howlgallo adag oo lagu xaqiijinayo amniga bulshada.

Xeradaan cusub ayaa astaan u ah dadaalka lagu xoojinayo awoodda iyo tayada Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, si ay awood ugu yeeshaan ka hortagga iyo la dagaallanka falalka argagixisada.

   

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo shir uga qeybgalay Zimbabwe

Harare- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS, Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa ka qeybgalay Shirweynaha 7-aad ee Maxkamadaha Dastuuriga Afrika oo ka dhacaya magaalada Victoria Falls ee dalka Zimbabwe.

Shirweynaha Maxkamadaha Dastuuriga ee dalalka Afrika oo la qabto labadii sanno halmar ayaa sanadkan halku dhiggiisu ahaa “Kaalinta Garsoorka ee Ilaalinta Xuquuqda iyo Karaamada Aadanaha Afrika.”

Shirkan waxaa ka soo qeybgalay wufuud ka kala socota in ka badan 44 dal oo Afrikaan ah iyo sido kale korjoogayaal ka kala socda Dalalka Russia, Ciraaq, Turkiga, waxaa sido kale lagu marti qaaday marti kala socotay midowga Afrika iyo Maxkamadda Cadaaladda Midowga Yurub.

Shirweynahan ayaa socon doona muddo saddex maalin ah, iyadoo uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ka jeedin doona khudbad muhiim ah oo ku saabsan kaalinta garsoorka ee ilaalinta xuquuqda iyo karaamada aadanaha Afrika.

 

 

𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinteeda ku aadan hannaanka dib-u-eegista 4-aad wajigiisa 2-aad kadib shirar ay yeesheen IMF iyo Dowladda Soomaaliya oo ka kala dhacay Turkiga iyo Mareykanka.

IMF ayaa Warbixinta ay soo saartay ku amaantay dadaalka Dowladda Soomaaliya ee horumarinta ilaha dhaqaalaha iyo dib-u-habeynta hannaanka maamulka maaliyadda dalka, oo ay ugu muhiim san yihiin sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo hagaajinta shuruucda maaliyadda.

𝐇𝐚𝐝𝐚𝐛𝐚, 𝐬𝐢𝐝𝐚𝐭𝐚𝐧 𝐚𝐲𝐮𝐮 𝐮 𝐪𝐨𝐫𝐚𝐧 𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐬𝐚𝐱𝐚𝐚𝐟𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐈𝐌𝐅,

Kooxda IMF ee ay hoggaaminaysay 𝐌𝐬. 𝐋𝐚𝐮𝐫𝐚 𝐉𝐚𝐫𝐚𝐦𝐢𝐥𝐥𝐨 ayaa wadaxaajood ay la yeelatay Masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐁𝐢𝐢𝐱𝐢 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞, kulamadaas oo ka kala dhacay Magaalooyinka 𝐖𝐚𝐬𝐡𝐢𝐧𝐠𝐭𝐨𝐧 𝐃𝐂 iyo 𝐈𝐬𝐭𝐚𝐧𝐛𝐮𝐥 ayaa ku soo dhammaaday si guul ah, kulamadaas kadib, IMF ayaa soo saartay Warbixintaan hoos ku xusan oo aan dulmarkeeda idiin soo turjimnay,

𝐖𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐤𝐮 𝐛𝐢𝐥𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧𝐚𝐲𝐬𝐚𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐮,

Saadaasha kobaca dhaqaale soo-saarka gudaha ee Soomaaliya ayaa horumar sameeyay, inkastoo ay jiraan caqabado, hadana Sanadkan 2024-ka waxaa isbeddallo togan laga sameeyay wax soo saarka beeraha, dhoofinta, iyo nidaamyada xawaaladaha, iyada oo la filayo in uu sii socdo horumarkan ilaa 2025-ka. Natiijo ahaan, kobaca dhaqaale soo saarka gudah (GDP) ayaa gaaray 4 boqolkiiba 2024 ilaa 2025.

In kasta oo ay jiraan caqabado amni, Dowladda Soomaaliya waxa ay u dhabar adeegtay dagaalka ay kula jirto kooxda khawaarijta argagixisada, waxa ayna sii waddaa la shaqaynta saaxiibada caalamiga ah si loo xaqiijiyo in si guul leh looga guuro Hawlgalkii Midowga Afrika oo hadda lagu badalayo ciidamo cusub horaanta sanadka soo socda ee 2025-ka. Khataraha jira ee mustaqbalka dhow waxaa ka mid ah isbaddalka cimilada ee saameeyay dhaqaalaha dunida.

Dowladdu waxa ay ku howlantahay in ay diiradda saarto sare u qaadidda dakhliga gudaha, iyada oo ujeedadoodu tahay in dakhliga gudaha uu si buuxda ugu filnaado kharashaadka joogtada ah marka lagaaro 2027, iyada oo sidoo kale dakhliga guduhu uu daboolayo kharashkaadka waxbarashada iyo caafimaadka.

Dakhliga gudaha ee Dowladda ayaa ahaa mid waafaqsan filashooyinkii lagu saadaqliyay jaangoyntii sii hore. Miisaaniyadda Dowladda ee 2025-ka ayaa odorosaysa marka loo eego dakhliga gudaha in dhaqaale soo saarka Gudaha (GDP) uu noqonayo 3.3 boqolkiiba. Dowladdu waxa ay garowsan tahay muhiimadda ay lee dahay in horumar joogto ah laga sameeyo hannaanka dib-u-habaynta maaliyadda, iyada oo la raacayo qorshaha hagidda dakhliga ee xiliga dhexe ee dhawaan la shaaciyay (Medium-term Revenue Roadmap), qorsheyaashaas waxaa ka mid ah casriyaynta nidaamka furdooyinka, sharciga cashuuraha dakhliga iyo dhaqangalinta xooggan ee cashuuraha iibka.

Hannaanka Maareynta Maaliyadda Guud (PFM) ayaa ahaa mid ay Dowladdu ku guulaysatay ku dhaqmidiisa, iyada oo la hormariyay nidaamka mushaar bixinta, Hufnaanta iyo Isla xisaabtanka.

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) wuxuu horumarin ku sameeyay maamulka hannaanka Maaliyadda ee hay’adaha Dowladda. Waxa uu diiradda saaray xeel-dheerinimo maaliyadeed oo ay kamid yihiin kobcinta qaab dhismeedka sharciya, iyo kormeerka, hagaajinta tayada nidaamka xogta iyo kordhinta awoodaha farsamo. Bangiga ayaa dadaal galiyay sii wadidda xoojinta nidaamka ka hortagga lacagta dhaqista iyo la dagaalanka maalgalinta argagixisada si loogu hoggaansamo xeerarka caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya waxa ay damacsan tahay dib-u-soo celinta lacagta Shilinka Soomaaliga ah (SOS) iyada oo la hirgalinayo guddiga dib-u-qaabaynta lacagta. Lacagahaan ayaa u sahli doona gacasiyada yar yar ee Soomaalida in ay wax kala iibiyaan gaar ahaan waxa uu aad u taageeri doonaa wax kala iibsiga qiimihiisu hooseeyo, si loo xaqiijiyo in Shilinka Soomaaliya dib loogu daaboco si taxadar leh, siyaasaddiisuna ay daggan tahay ayaa Dowladdu waxa ay qorsheynayaaa in ay dhisto guddi kor-joogteeya dib-u-daabicidda lacagta iyada oo taageero ka helaysa IMF qeybta horumarinta xirfadaha. Dhaqan galinta arrimaha lacag daabacaada waxa ay qaadan doontaa muddo u dhaxaysa 18 ilaa 24 Bilood, kadib marka la dhiso, lana dhameystiro arrimaha muhiim ka u ah lacag daabicidda ayaa Dowladdu waxa ay heli doontaan taageero maaliyadeed oo caalami ah.

Sidoo kale Dowladda waxaa ka go’an in ay horumariso tillaabooyin ka lagu xoojinayo horumarka ka hortagga faqriga iyo kor u qaadidda qorsheyaasha looga hortagayo Isbaddalka Cimilada iyo sare u qaadidda dhaqaalaha ganacsiga. Dowladdu waxaa kale oo ay ku dadaalaysaa Waxbarashada, iyada oo xaqiijinaysa in caruurta Soomaaliyeed Iskuulada si toos ah u aadaan iyada oo la xaqiijinayo in gabdhuhu ay soo xaadiraan waxbarashada.

Waxaa sidoo kale Dowladda mudnaan gaar ah u leh ka hortagidda saameynta dhaqaale ee isbaddalka cimilada iyo xoojinta amniga cunnooyinka. Ka mid noqoshada Ururka Bulshada Bariga Afrika oo abuuraya fursado muhiim ah ayaa sidoo kale loo baahan yahay in loo maareeyo sida ugu haboon hadii ay dhashaan caqabado lama filaan ah.

𝐔𝐠𝐮 𝐝𝐚𝐦𝐛𝐞𝐲𝐧, Xafiiska Howlgalka IMF ee Soomaaliya waxa uu u mahadcelinayaa Masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya ee ay la galeen wadahadalada miro-dhalka ah ee ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Badroolka, Gudoomiyaha Bangiga Dhexe iyo Masuuliyiin kale oo ka socday Dowaldda Soomaaliya..

Wasiiru dowlaha Difaaca oo Safiirka Turkiga kala wareegay Doomo loogu talagalay Ciidanka Badda

Munaasabad Kooban oo ka dhacday Dakadda magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galeen wasiiru Dowlaha Gaandhigiga, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka, taliye ku xigeenka CXD, TaliyahaTciimada Badda Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya iyo Saraakiil kale ayaa 4 doomood oo ah nuuca dheereeya waxaa lagu wareegiyay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya kuwaasi oo loogu tala galay inay qeyb ka noqdaan sugitaanka amniga xeebaha dalkeena.

Safiirka Ankara ee Soomaaliya ayaa sheegay in Doomahaan wax badan ka tari doonaan sugitaanka ammaan xeebaha, isagoona xusay in taageerada turkiga ee soo bilaabatay 2011kii ay sii laba jibaarayaan maalinba maalinta ka danbaysa.

Wasiir Dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cumar Cali Cabdi oo Dowladda Turkiga kaga Mahadceliyay Doomaha ay ku wareejisay Ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in wax badan ka tari doonaan ladagaalanka khawaarijta iyo waxkasta oo halis ku ah amniga badda si looga faaidayso Khayraadka xeebaha Soomaaliya

Sidoo kole waxaa goobta Shahaadoyin lagu guddoon siiyay Ciidan si gaar ah loogu tababaray ilaalada xeebaha kuwaasi oo doomahaan cusub ku howl gali doon

Madaxweynaha JFS oo Soo Xiray Shiweynaha 5-aad ee Hoggaaminta iyo Hal-abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shiweynaha 5-aad ee Hoggaaminta iyo Hal-abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed, kaasi oo muddo labo maalmood ah Muqdisho uga socday dhallinyaro ka kala timid Muqdisho iyo gobollada dalka.

Madaxweynaha oo soo xiray shirkaan ayaa jeediyey khudbad dheer oo dhallinyarada Soomaaliyeed uu ku bogaadiyey, sidoo kale Maxaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka, isagoo hoosta ka xariiqay in marnaba aan laga laaban doonin qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka bilaaban doonta bartamaha sanadka soo socda ee 2025-ka.

Mudane Xasan Sheekh ayaa madasha ka sheegay in marnaba aan laga laaban doonin qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah.

“24-sano ayaan ku soo jirnay doorasho dadban hadana ka noqon mayno in aan aadno doorasho qof iyo cod ah.” ayuu yiri madaxweynaha.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo lagu Soo dhaweeyay Xarunta Golaha Aqalka Sare

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, Mudane Dilayta Maxamed Dilayta, ayaa maanta lagu soo dhaweeyay xarunta Golaha Aqalka Sare. Isagoo ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, islamarkaana sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti uu waligiis kala go’eyn.

Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Aqalka Sare, oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta si diiran u soo dhaweeyay guddoomiyaha, ayaa yiri: “Shacabka labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya waa dad walaalo ah oo mid ah oo aan kala maarmin.”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, Dilayta Maxamed Dilayta, ayaa dhankiisa ku casuumay Guddoomiyaha Aqalka Sare in uu booqdo dalka Jabuuti.

Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo magaalada Dooxa uga qeybgalaya Shir Caalami ah

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya S/Guud Mudane Bashiir Maxamed Jaamac ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar uga qeybgalaya shirka sanadlaha ee caalamiga ah ee looga arrinsado horumarinta qoyska. Shirkan oo socon doona laba cisho ayaa looga hadlayaa horumarinta qoyska, tiknoolajiyadda, bulshooyinka nugul, socdaalka, magaalooyinka, iyo u adkeysiga cimilada.

Wasiirka iyo waftiga uu hoggaaminayo ayaa la kulmi doona madaxda iyo hay’adaha kala duwan ee dalka Qatar, waxaana uu kala hadli doonaa dar-dargelinta iskaashiga dhinacyada xuquuqda insaan, daryeelka qoysaska, iyo badqabka carruurta. Sidoo kale, waxaa la xoojin doonaa mashaariicda wax-ku-oolka ah ee ay dowladda Qatar ku taageerto Soomaaliya.

Ciidanka Xoogga Dalka oo 15 xubnood oo Khawaarij ah ku dilay hawlgal ka dhacay Mudug

Ciidanka gaarka ah ee Danab iyo Gorgor oo taageero ka helaya dadka deegaanka ayaa 15 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta ku dilay hawlgal ay ka fuliyeen deegaanka Qaycad ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Hawlgalka ayaa lagu beegsaday fariisimo ay kooxda Khawaarijtu ku lahayd bacaadka deegaanka, iyadoo ciidanku si buuxda ula wareegay goobihii la weeraray.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta XFS ayaa lagu sheegay in “Dhammaan goobihii lagu beegsaday cadowga ay si buuxda ula wareegeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo naftood hurayaasha dadka deegaanka.”

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda ayaa laba jibaartay hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo kuwii ugu dambeeyay ee ka dhacay qaybo badan oo ka mid ah waddanka si wayn loogu naafeeyay cadowga.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda DanQaran oo ansixiyay laba heshiis oo muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha, kaas oo ku saabsan hirgalinta hindisaha horumarinta Adduunka, iyo heshiis is-afgarad wada shaqayn iyo iskaashi u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Qatar.

Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa  lagu soo bandhigay Warbixino ku saabsan halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 – 2029)  iyo Bulshada Bariga Afrika. Waxaa kale oo warbixin laga dhagaystay Wasaaradda Beeraha oo ka warbixisay wax-soo saarka dalka iyo xaaladda Beeraleyda Soomaaliyeed.